Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Sharmarkee, You seem to be a bit worried about all those powers of the west and its alliences. Each time has its own style of fighting and if we want to fight like our early muslims it doesnt mean we take swords and leave all these weapons. Whateva it costs it is the gaalo's mistake to do this not ours at all. Al-Qaedah have got it right to take any action against the US and their babies like Israel, any agression from the US to kill thousands of muslims is US's wrong and not ours. Nato, 20 united armies of the west and world's wealthiest, militarily most advanced nations cannot secure even the capital, Kabul let alone other regions of the country. That how weak they are besides their wealth and military advance. Look at Iraq and how they failed to take any step towards their objectives. Look at elsewhere in the world. The main problem is only us, the muslims that are sleeping to death, divided like a hell, and like to sleep in the arms of the west. Yeah Islam will win at last but on the expense of our lives, money and blood.
  2. Hargeysa (SDWO - 12/09/07)- Ergadii dhexdhexaadinta, ayaa markii u horreysay si rasmi ah shaaca uga qaaday cidda fulisay iyo cidda aan fulin ee ku fashilantay. Shir-jaraa’id oo ay wadajir u qabteen u shalay Guddoomiyiihii Ergada Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa waxay si qotodheer uga xog-warrameen marxaladihii kala duwanaa ee ay ergadoodu u soo mareen hawshii dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed, iyaga oo Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inuu waxba ka fulin go’aamadii ergada ee uu hore u ballanqaaday inuu fulin doono, waxaanay si cad daboolka uga qaadeen in go’aamadii ergada ee laga sugayey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu ka dhego-adaygay fulintooda, iyaga oo isla markaana dusha u saaray Madaxweynaha guuldarrada xallinta khilaafaadka dhexyaal golayaasha qaranka. Hadal dheer oo uu shirkaa jaraa’id ka jeediyey Abwaan Hadraawi waxa uu ammaan ballaadhan u soo jeediyey saxaafadda dalka isaga oo xusay in ay warbaahintu tahay laf-dhabarta wacyigelinta iyo kala war-qaadashada bulshada, waxa kale oo Abwaanku ka warramay sidii ay ergadii dhexdhexaadintu ku samaysantay iyo go’aamadii ay soo saartay ee dhinacyadii madasha wada fadhiyey aqbaleen, isaga oo xusay in dhinacyadii khilaafaadku ka dhexeeyeo ku martiqaaday guddiga in ay go’aan soo gaadho oo markaana soo dhex dhigaan, muxaafidka, mucaaridka iyo golayaasha qarabkaba, wuxuunna Abwaanku sheegay in guddiga sidii ay maslaxadd u aragtay soo dhex dhigtay darafyadii is hayey oo sidaana lagu guddoonsaday, rajadii bulshada ay soo noolaatay, go’aamadiina qolo waliba dhinaceeda wixii ka khusaysay aqbashay, waxa uu intaa raaciyey Abwaan Hadraawi in go’aamadii lagu wada heshiiyey aanay qaarkood ilaa maanta la fulin, kuwaas oo uu ku sheegay Abwaanku in ay yihiin kuwii ugu cuscuslaa, “Waxa ayaan-darro ah in go’aamadii inkastoo markii la isla aqbalay oo cid waliba intii ka khusaysay ay tidhi sidaasaan ku fulinaynaa, haddana in aan go’aamadii ilaa maanta qaar ka mid ah oo waliba kuwo aad u cul-culus ahi aanay fulin, annaguna dabagal uun baanu nahay oo sidii baan u sugaynaa ballanadii iyo guddoonkii la iskla qaatay in la wada fuliyo.” Abwaan Hadraawi waxa uu carrabka ku adkeeyey in geesinimadu aanay ahayn is xiniinyo taabad, isdhafoor-taabad iyo in awoodaha la isku adeegsado isaga oo arrintaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Horta geesinimada iyo go’aan qaadashadu maaha uun is xiniinyo taabad, is dhafoor taabad, maaha awoodaha oo la isku adeegsado, maaha nin waliba halkiisa in u dhufays soo galo oo yidhaahdo halkaa dhaafimaayo. Geesinimadu waa samirka iyo dulqaadka, waa go’aan qaadashada, waa tasaamuxa, waa qiimaynta xaaladaha jira, waa maslaxadu maxay ku jirtaa, waadib u dhigashada arrimaha qaarkood iyada oo laga digtoon yahay badbaada, wada jirka iyo maslaxada guud iyada oo la xeerinayo in tanaasul la sameeyo, dabacsanaan la muujiyo oo sharcigu waa la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaane qofku marka uu isdifaacayo meel uun xejisan ee sharafta iyo magaca ku daddaalo, qofka masuulka ahna waa in astaamaha qaranimadu ka muuqataaa.” Waxaanna uu Abwaanku xusay in xaaladaha dalka ka jira la qiimeeyo oo qofku werwerka galo dalkiisa. “Waxaa aad u fiican in xaaladaha jira la qiimeeyo, qofku haddii uu miyirku ku sugan yahay oo xaaladaha jira la qiimeeyo, qofka werwer baa galaya, haddaanay waxani badheedh ka ahayn oo ha dunto oo lagu kala dhaqaaqo ahayn dee qofku waa is-badh-qabanayaa oo waa warbaa galay oo masuuliyad baa jirta cid berito baxsanaysaana ma jirto, haddii aan masuuliyaddu sida ay tahay, dal dhan iyo dad dhan baa masuuliyadooda dusha lagu qaaday markaa waa in masuuliyaddaa sideeda loo ilaaliyo cidda maanta masuuliyadda ugu culus haysaana waa Madaxweynaha, waana in uu ilaaliyaa xayndaabkeeda aan laga tallaabsan karin.” Abwaan Hadraawi oo iftiiminayey dulucda ujeeddada shirka jaraa’id ay u qabteen waxa uu yidhi; “Qodobaddii aasaasiga ahaa ee saddexda ahaa ee lagu wada heshiiyey, ee ahaa in labadii nine e Komishanka dib loo celiyey mar kale la hor geeyo Golaha, ta laabaad oo ahayd in Miisaaniyadda sidii Golaha Wakiilladu ku soo gudbiyey aan la furfuran oo sidii ay Golaha Wakiilladu ku soo gudbiyeen loo fuliyoa oo aan iminka sababo kale iyo cudur-daarro kale la keenin, kala googayn iyo rifid aanay midna galin, qodobka saddexaadna waxa uu ahaa nimanka xidh-xidhan ee QARAN, annaga sharciga waana laga badiyaa, ma sharci bay ku xidhan yihiin mise sharci-darro ayey ku xidhan yihiin, taas waa la qeexi doonaa, laakiin sida aannu u soo jeedinay ayaa ahayd in la sii daayo, sidii aannu u soo dhignayna mar haddii loo qaatay waa in loo fuliyaa wixii aannu golaha keenayna in daaqada laga tuuraa xaq naguma aha, waxa annaga noo qornaa marka la erayeeyo wuxuu ahaa in raggaa xidhan la soo daayo ninba sida uu doonayo ha u dhigtee, haddii la doonayo in la soo daayana waa la soo dayn karayaa iyada oo dhul fog, dhiib iyo sharer aanan lagu gudbin, maslaxad bayna u tahay ummadda oo dhan, Madaxweynahana sharaf bay u tahay walina waxa aannu taaganahay sidaasaan u nidhi in la siidaayo in fuliyo.” Waxa kale oo Abwaan Hadraawi u mahadnaqay Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo ku ammaanay inay fuliyeen qodobkii ka khuseeyey go’aamada ergada. “Waxaanna nala gudboon in aannu ummadda u sheegno ciddii waxnaga aqbashay in aannu nidhaahdo cidaas way naga aqbashay, ciddii aan naga aqbalina aannu nidhaahno cidaas nagamay aqbalin ilayn hadalka lama agtaagee, waxaan halkan ka caddaynayaa Golihii Wakiilladu si sharaf leh ayey nooga qaateen, hadalka ninka aan runta ka sheegin wax ka daran buu ka sheegaayo been buu ka sheegaa baa la yidhi, Madaxweynuhu nagamuu qaadan isagayna guul u ahayd in uu naga qaato, isagay lib u tahay haddii salka laga fadhiisto, waxaan ka filayey in uu isagu ka ugu horqaata noqdo wixii uu naga aqbalay.” Sidaa waxa yidhi Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), waxaannu intaa in Madaxweynaha ay kulankoodii danbe ugu tageen wax ka yaabiyey, “Markii aannu Madaxweynaha u tagnay anigu [Gaarriye] yaab buu Illaahay ii keenay, wuxuu iigu keenay ninkii waxnaga aqbalayba muu ahayn ee aannu ka tagnay. Horta markaanu u tagnay dhawr iyo toban cisho ayaa ka dambeeyey wixii uu naga aqbalay, markaa aannu meeshiisa tagnay albaabka waa nalaga xidhay oo waana loo aamusay oo naloo dhegooleeyey, waxa nala yidhi odaygu wuu mashquulsan yahay, odaygu [Madaxweynuhu] muu mashquulsanaan jirin markii hore ee markii dambe mashquul buu noqday, markii dambe ee aannu u tagnay wuu naga furay albaabka, laakiin ninkaanu u tagnayna muu ahayn ninkii adraaftii is haysay wax wada aqbaleen ninkii joogay muu ahayn labadii qodob ee uu qaatayba iyaga oo gar garoocan buu noo sheegay, waxaan halkan ka caddaynayaa in uu gar-darran yahay oo gar-darrada leeyahay.” Isaga oo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) si toos ah ula hadlayey Madaxweyne Rayaale waxa uu yidhi; “Madaxweynow wali labadii qodob ee lagaaga fadhiyey way kuu yaalaan, wixii maalintii dhawayd aad nagu soo tidhina wax ummadda aannu ka iibino oo cuntamaaya maaha, waxaannu kaa codsanaynaa adagay dani kuugu jirtaa oo dadkay dani ugu jirtaa ragga hareeraha kaa fadhiya ee talada xun, talladooda ha yeelin, annagu marka aannu kula talinayno wasiirnimo ma doonayno, lacagna ma doonayno, darajana ma doonayno, laantaasaanu [somaliland] doonaynaa in ay jirto oo aanay innagu dumin, waxaannu ku leenahay wakhti badan oo aad dib u sii dhigataa mayaalo, waxaad nagu tidhi waan ka soo tashanayaa nimanka sii dayntooda, Madaxweynoow ilaa goorma, su’aashaydu waxa weeye ma ilaa kal danbaa, hadalkaagii waxa ka mid ahaa Madaxweyne Iidahaan wax cafiyaa tallow ma tuugtaad cafinaysay raacayaan? Mise waxbaa ka horreeya hadalka ilayn halkiisa loogu tagaaye, Madaxweyne ilaa wakhtigeenu ku sugnaa ilayn waxa haddii aanay wakhti lahayn macno malahee, Madaxweyne waxaan ku leeyahay markaad leedahay cafis baan ku sii daynayaa nimankan waa niman siyaasiyiin ah dadka ciida madaxa looma galiyo si kale u fakir, meel kale uga wareeg hadalkaagii dadkana taasaan markhaati uga dhigayaa, taynu goonida isula nimid ayaad maanta dadka markhaati uga dhigayaa, waxaan leeyahay awood sheegasho in iyo ninkii iga horyimaada dhulkaan jiid-jiidayaa Madaxweyne, waxaannu ku leenahay Maxamed Siyaad Barre ayaa eeday taa waxaad sharaf kuleedahay oo maalintaad ka degto odaygayagii ku tahay markaad noo dhego wadaanato ee aad na dhagaysato, markaasaad Madaxweyne noo tahay, annaguna haddaanu ku nidhaahno waar waad qaldantahay ha u qaadan in aannu kula dagaalamyno ee kuwa hoosta kaaga jira eek u leh waad haggaagsan tahay taayadaa kaaga naxariis badan, waxaan kaa codsanayaa labadii qodob agtaaday yaalaane, miisaaniyadana ha kala gargaroocan ee digrayto ku soo wada saar, nimankiina sida aannu kuugu sheegnay adiga oo aan wakhtiga dheerayn waddadeeda mar wixii waxaa ka yarina ma soconayaan in aad shuruud la’aan ku soo dayso, inaad xuquuqdoodii siyaasiga ahayd u soo celiso, lagaamana yeelayo ha dooranina waxna ma dooran karaan, Madaxweyne waa ha ila tartamina taasiye ka daa adagaa kumaa wanaagsanee, hadalkaana waxaan u balbalaadhinayaa dadkaan markhaati uga dhigayaa in ay isku keen dhagaystaan.” Intaa kadib, qaar ka mid ah su’aalihii la weydiiyey labada hal-abuur iyo jawaabihii ay ka bixiyeen waxa ka mid ahaa: Su’aal: Waxaad tidhi Madaxweyne talada aannu ku siinaynaa waa talo nasteexa, waxaanad carabka ku adkaysay kuwa kugu naban ee aan talada nasteexa ku siinayn ha dhagaysan. Waa kuwee kuwaasi? Jawaab: Abwaan Gaarriye: Waxa ka mid ah nin wasiir-ku-xigeen ah oo maalin dhawayto ka akhrideen joornaalada oo yidhi Madaxweyne cid kaa saraysaa ma jirto, talana adiga ayuun bay kugu go’daa, waxaan anigu ku leeyahay Madaxweyne waa lagaa sarreeyaa oo shicibka ku doortay baa kaa sarreeya. S: Ergo dhexdhaaxdineed baad ahaydeen, shirkiinan jaraa’idna si adag baad ula hadasheen Madaxweynaha, talooyin badana waad u soo jeediseen, kolkaa markii aad Madaxweynaha la kulanteen ee aad hor fadhideen, sidan aad iminka u hadlaysaan ma ula hadasheen oo ma ula taliseen? J: Gaarriye: Haa….haa, waanu isla afbaxnay, waliba siiba waxaan iskula afbaxnay qodobka nimanka xidhan, ayaanu aad isula afbaxnay, oo nidhi ka daa tani kuu socon maysee oo waji kale uga wareeg, waana ta ku dhalisay in uu nagu yidhaahdo bal waddooyin kale ayaan eegayaa, markaa waanu iskula afbaxnay, si adagna waanu ula doodnay S: Ergadiinu markii aad arrintan dhexdhexaadinta gelayseen dhinacyadii ishayey baad isugu yeedheen oo isa soo horfadhiisiseen, markaa maxaa idiin diiday inta aad iminka shirkan jaraa’id qabanaysaan in dhinacyadii ishayey mar kale isugu yeedhaan una sheegtaan go’aamadiinii wixii ka fulay iyo wixii baaqday? J: Gaarriye: Markii hore ee wax nalaga aqbalay ee isku wada keenay shir-jaraa’id uun baanu qabanay oo aannu dadka ku wargelinaynay in go’aamadayadii la aqbalay, cidda damiirkayagu wax u sheegayaana waa shicibka, ilayn annaguba shicib baanu nahay oo awood badan malihine, iminkana wixii soo baxay shicibkuun baanu uga warramaynaa dhinacyadiina ay ku wada jiraan, ilayn iyaguna shicibka aannu la hadalayno ayuun bay ka mid yihiin. Source: Jamhuuriya, Sept 12, 2007
  3. Hargeysa (SDWO - 12/09/07)- Mudahaaraado aad u balaadhan ayaa saaka 8 subaxnimo saacada geeska afrika ka bilaabmay magaalooyinka waaweeyn ee somaliland gaar ahaa Hargeysa iyo Burco. Mudahraad balaadhan ayaa saaka ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somaliland inkastoo aan dadka loo ogolaan inay ku dhowaadaan xarunta madaxtooyada oo ay u socdeen ka dib markii ciidamada duub casta oo ku hubaysan baabuur tikniko ah ay labada dhanba ka xidheen wadada hor marta qasirga madaxtooyada. Dadkan oo siday boobadh kala duwan oo ay ku xardhanaayeen eryo kala duwan oo ay ka mid yahiin in la sii daayo siyaasiyiinta ururka Qaran, iyo inuu madaxweyne Rayaale fulinwaayey heshiiskii ay go,aamiyeen gudidii dhexdhexaadinta golayaasha qaranka oo iyagu shir jaraaid oo ay qabteen ku sheegay inay quus ka joogaan sidaas darteedna ay ka dhexbaxeen arintii dhexdhexaadinta. Waxa dadka barxada weyn ee halkii la odhanjiray gobolka kula hadlay masuuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Siilaanyo iyo Maxamed Kaahin. Dhinac kale mudahaard weyn oo ka sii balaadhan kan Hargeysa ayaa isaguna saaka ka dhacay magaalada Burco iyagoo dadku ku soo wareegay wadooyinka waaweeyn ee magalada iyagoo sita boodhadh kala duwan.
  4. I consider puntland part of the tfg ..... so it is one. Well, Somaliland got its acts together right after the fall of Siad Barre by Announcing its sovernginity and established the peace that is enjoying until now. Establishing a police and military forces plus all the other related security forces, establishment of the parliament and the guurti house, establishment of all the currently working governmental bodies are done without any help not from the neighboring countries nor from the so called super power governments in the west an east. That is what i want our fellows in Somalia to consider and take the same path. Forget about the other lies and baseless accusations sandwitched with hatred and envy. It is just a simple solution worth trying before it is too late.
  5. hadhwanaag 2007-09-12 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN) Mudaharaad baladhan ayaa saaka subaxii hore ka bilaabamy magalada Burco ee gobolka togdheer. Mudaraadkan oo wali socda waxa ka qayb galay dhamaan bulshada ku dhaqan gobolkta ardayda dugsiyada Haweenka iyo kumaankum ka mida shacab magaalada Burco Mudaharaadkan oo lagaga soo horjeedo siyaasiyinta urur siyaasadeedka aan diwaan gashayn ee qaran ee ku kira xabsiga magaalada mandheer . waxa uu wali ka socdaa dhamaan daafyaha magaaalada Burco.
  6. Can't Somalia solve their own problems just like Somaliland without bringing Melez and Afwerki to their country ?? This is sad indeeed ............. BTW, Melez and AFwerki are causins ,, i don't see any differences.
  7. Don't worry sxb ...... more pictures to come.
  8. Don't worry sxb ...... more pictures to come.
  9. That is Allah's creation. What about you bal ?
  10. loooooooool ,,,, Try this out ............... Very Funny indeed They said mine will be at the age of 79 ...... what is yours ??
  11. Gobsanaa hablahayagu indeed ......... Adiga maxaa horta hablaha ku daba dhigay niyow ? Isn't that hunguri or yours for food only ?? ,, hehe
  12. Jacaylbaro

    AMAL

    Dadku kala ayaan roon Ama kala aqoon dheer Ama kala asluub weyn Hadaan eed la doonayn Ama deeq Illaahay Asaraar ka taagnayn Dadku eexo kaa gelin Inan yahay la'aantaa Dumar lama abuureen Gabadh lama ammaaneen Jacayl looma ooyeen Geed beer udgoon iyo Ku dhex-yaal ugbaadoo Ubax iyo man fuulaay Ulihii madheedhkee Iimey ku yaalliyo Ilo wada xareedoo Nafta lagu illaawaay Dayaxoo iftiimoo Arladoo dhan gadhoo Afar iyo tobnaadaay Qorraxdoo aroortii Dhulka soo abbaartoo Sagal iid dhex joogtaay Waxaad tahay adduunyada Dhexda udubka haystoo Xejiyoo adkeeyoo Af-gobaadsan maayoo Qurux lama amaahdee Ashkir geenyo ugubey Adhaxdiyo laf-dhabartiyo Sanbabbada agtoodiyo Ililaha halbowlaha Eebaa ku mudanoo Arrintii cuslaatoo Naftu aammusnaantii Iimaansan weydoo Amaleey jacaylkii Soo dhaafyey uurkoo Afku haysan waayoo Goortaan ogaadee Arammidu dillaacdaan Ooddii ka leexshee Axdi jaba abaal luma Kaa eegi maayee Igadh iyo maqaarkeed Innagoo ahaannaan Hadalkii ku ururshee Adiguna dheh aammiin
  13. Garan waayey sheekada Waxay gacallayaashay Geed iigu bixiyeen Dhirtu waysku gogol qudha Mase wada gudboonee Giddi maysku qaadaa Kay gaar u jeedaan May goonni sheegaan Maxay uga gabbanayaan? Gudub magacu waa hore Galbay oo la wada maqal Dunidoo dhan wada gaadh Gabdhihiina loo sheeg Iyadaan god loo deyn Gibishay I saareen Geestee u duubaa? Go'a lay huwinayaa Ma dhaliil gurracan baa? Gumar iyo ma ciin baa? Ma ganboor sunaan ahay? Gaagaabka cilinka ah Ma gadaal bax baan ahay? Mise gocondhadaan ahay? Mise gawlallaan ahay? Ma ammaan gayaxan baa? Gabre iyo madheedh iyo Ma galool mudhaan ahay? Mise tolow gobkaan ahay? Iyo lama garaacaan? Ha ka guban mar baan idhi Gacan baaban u holladay Inaan geysto dhawr jeer Misna waxaan gudoonsadey Horta inaan u kuur-galo Halka loo gol-leeyahay Waa goorma goorteed Gef dhacaan u haystoo Godob baan tirsanayee Sow waa gartoodee Garas jilif leh baan ahay. Guudkayga boqorrada Garaareeya heesaha Gallad qurux cod iyo luuq Shimbiraha u gaarka ah Gashan labada qaybood Haddii ay galaydhkiyo Galgalkiyo fadhiistaan Geesigooda caan baxay Gunta iyo salkaygana Goodaaddo nacabiyo Maska goodka halista ah Inta bahal gurguurtiyo Gungumaa ku shiri kara Waxaan ahay ma guuraan Gantadaydu adakaa Gaashaan biraan ahay Goblan tala adduunyooy Gabay jaaba-jaaba ah Jajab iyo guraangura Geel-kiiska maansada Suugaanta gocorka ah Xulka inan gumeedka ah Ninka maalin gelinkeed Moorkoos ka gurayee Garcan waayey baan ahay Alle gaarrisaniyaa Oo maxaase iga galay Intuu Gaasir ii wadey Googaalihiisii Anba ways gujinayoo Markuu gooddi meershaba Garashaan ku dirayee Ninku ways galaalee Murti wax ka soo go'ay Bal aan soo godlee qabo Isagoo galgaladkii La hadlaaya gabadhii Wuxuu yidhi guddoonshuhu:- "Samirkiyo dulqaadkiyo naxariista badan bay dadku igu ******** nafta aad sugaysaan ma awoodahaygaa yamyam iyo qadaad weyn xataa caanaleydii booc uga tukubayaan markaan diiri waayaa laysii qodqodayaa" "Doofaarka ficil li'I naar loogu daayimi kol haddii dubbiyo waran duunkayga lala dhacay yaa dabarka igu xidhay horta maan dagaallamo anigu maan is daafaco" "Sow duruustu maahayn mudankiyo hal-doorkiyo marka geesi laga dilo dadku inay fadhiistaan waatan geenyadii Diran iska soo durdurisee duufaanka wadatee ma la waayey dabar adag iyo wiil dardara qaba ma inaan dumaalay dantu igu khasbaysaa? Duqu wuxuu u haystaa Dilku inu qardhaas yahay Dulmi lagu adkayn karo Duqu waxaanu garanayn Inuu dhiigga daataa Yahay dogobbo waaweyn Iyo xaabo lagu daro Dabka qoran kulaalee Lagu shido dareen guud Isagoo galgalad kale La hadlaaya gabadhii Wuxuu yidhi guddoonshuhu:- "Soddoh yahay la duufsaday sowdigaan bannaankiyo dibadaha u bixi jirin sowdigii dusuuddiyo weelkaaga xalan jirey yaa ciyaarta kugu daray kugu yidhi ku soo bood yaase kuu cimaamaday? Ma Rashiid Gadh-weynaa Kugu yidhi ganbooley Iyo guuri waayeel Garta waa u simanyiin? Ma ogtahay xilkaan sido Ruuxa soo damaaciya Inuu kiis bileys yahay Meesha yaan habaaskiyo Gabayooxu kugu dilin "haddaan doonto gaadhsii gaarriyiyo Hadraawiyo Gunxan iyo Burhaan iyo Ninkay Guush yidhaahdaan Ama Boobe ugu gee Gurigii Taywaan Bal aniga wax iga gura Horta garanba maynee Fara geliya yaa yidhi Arrimaha gudahayaga Xaggee bay ka kululyiin May shaqaalahaygiyo Xaajiyo khamsiintiyo Caasi waalideyntiyo Jinka naagihiisiyo Anigiyo darmaanaha Isu kaaya daayaan Jaas aanu dheellee Nin la soo kiraystoo Lacag doona baan nacay" Duqu wuxu jeclaan laa Ninkuu doono mooyee Dar kaloo ka geesii Daf inaanay soo odhan Dalan doolka Filibbiin Isba waxa ku dacal jira Dubatada dhallaankiyo Diin laawa-yaashee Wuxuu ii durkinayaa Wuxuu ii arkaa dool Nin dabaylo keeneen Duqu waxaanu garanayn Dunidaba sal iyo baar Inaan deyrku kala xidhin Ama diirku kala gurin In dagaalka joogiyo Dadku laba bahood yahay Isagoo galgalad kale Dadka gooni ula shiray Wuxu yidhi guddoonshuhu:- " Qarafsiga aroortii qadhaab doonashada guud qofna looma diidee haddii aan quwaax helo dadka kalena wada qado maxaa lay qaleeyaa? Ma wax baan qalloocshoo Qarankiyo dalkaan dhacay? Ma wax qiiro kiciyoo Laga qoomamoodaa? Dalku lacag ma haystee Shilimada ka soo baxa Qof haddaan la wada siin Qiyaash maashka ugu weyn Miyey qaybsamaysaa? Haddii laysku wada dilo Hadhow yaa mas'uul ka ah? Haddii berrito lay rido Ama geeshku igu kaco Anigaan wax meel dhigan Sidaan yeeli doonaa? Miyaan tuugsan doonnaa? Ma waxaydin jeceshiin Inaan daasad qaatoo Ceebeeyo Filibiin? Intii ay dhul weynaha Raggii dhoofay haysteen Sida awr dhufaanaa Usha laygu dhaqayoo Labadayda dhaban baan mid markay dhirbaaxaan ka labaad u dhigayoo intaas waan dhursugayee inta dhiisha qabada ah wuxuun iigu dhacayaan idinna maa I dhawrtaan? Wixii roob ku di'I jirey Wuxuu doog jilbaha dhigay Diihaal ma laqanyoon Dibnahaa qallalan weli Duqu wuxu ka marag kacay Danni horeba loo qabey In dorraad gumaystuhu Dusha sare ka raran jirey Duqu waxaanu garanayn Kol haddii dabuubtaas Dibnihiisa laga helay Denbi kale inay tahay Isagoo galgalad kale La hadlaaya gabadhii Dadka guud ahaantii Wuxu yidhi guddoonshuhu:- "Tartan xaashi tiris galay xujo socota weeye xabbad baahan haystaa ma xashiish can baan aha bilaash-xaytayaashiyo markaan naag asay xidhan xilka anigu aan sido u xayuubbinaayee xafiiskayga kuul iyo xinne iyo huruud iyo lala tegayo googarad" "Danyartay wad-wadatiyo naagtan waalaneey maqal dadka kuu gurmanayaa shalay daahir yaa shamis sawtay I doorteen wuxu diino badanaa" "Doorashadu mar weeyaan nin la doortay baan ahay sidii baan u doorrahay doorashoo dhan waan xidhay dabadayna lama furo haddii kale dab baa kacay imminkana digtoonow dib u jeesta oo taga ka su'aal ka keenow magacaaga ii sheeg ama diiddo weeyee anti baan ku qorayaa" duqu wuxu jeclaan laa midho daray had iyo jeer duuduub in lagu liqo waxse aanu kuba darin in la yidhi ha laga dayo dirxi inu ku hoos jiro isagoo galgalad kale la hadlaaya gabadhii wuxu yidhi guddoonshuhu:- "Madaxnimada Filibbiin ma dadkay u siman tahay miyaan aniga lay siin miyaan Riigan odhan hay kun miyaanan shay dilin kuman kalena dhaawicin kumanyaal xabsiga dhigin duqa iga sarreeyaa markii uu warkaas helay sowkii maqsuudee hambalyada qoraalka ah deg deg iigu soo diray hubka yidhi ha loo raro haddii aanan toosnayn sow muu cadhoodeen? Anna ima canaanteen Ma duruusihiisaad Igu beeninaysaa? Dal hadday ku badan tahay Deldelaada dhimashadu Dabar go'u bannaan yahay Hub markaaba soo dega Dawladiisu waa caan Inaan doorkan maanta ah Deeqdas cid kale bixin Dunidu way ogsoon tahay. Axdiyohow ha lumin Ugxan yahay ha dhicin Ashkiryohow ha jabin Ubax yohow ha dhiman Udub yohow galool Oggolow dhiggaa Nin cuskaday Illaahay Eebbay ku magan galay Kuma qado agtaadee Arrimaha Rabbow Soo uruuriyeey Adduunyoy hadduu Nin ku aaminaa Helo aayatiin Ha lagaa arkee Ishaarada nin goba Ha ka eexanneey Iima badan naftaydaay Dadku waaya-arag buu Hadba awr ku guuraa Wax Illaahay kuu qoray Cidi oolin maysee Ukuntii dillaacdoo Ababoo fogaatoo Kambalkiyo ardaagaad Ku ogeyd ma joogtoo Shimbir ay ku nooloo Laba baal aroortii Urur kale la duushaad Umal taah naftaydaay Ku ugaadhsanaysaa Ruuxaan aqoon iyo Axdi naga dhaxayn bay Dadku igu sidkeenoo Eebbow runtii bay Asaraarayaanoo Qof ammaanaddaadiyo Wacadkaaga iibshay Addin iigu xidhayaan Anna xuural-caynaad Rabbiyow abuurtoo Amranoo la yaabloo Ka qarsoon adduunkoo Circa oogadiisiyo Abataqan ku nooloo Qof ilaasha mooyee Cidi aanay aragoo Maalmaha Isniineed Iyo labada Iidood Eedaanka subaxdii Dhulka soo abaartoo Awliyada jacaylkee Arammidu ku mudan tahay Marta aqalladoodoo Wadne abur tufaayoo Olol iyo dab yeeshoo Aslanoo casaanoo Ooyaaya dhiigoo Dhexda eebo kaga taal Ku afura tidhaah-daa Indhahaysgu haystaan Ul madheedhahoon Hor Illaahay iyo Abaal laysu siin Orod lagu helayn Awood lagu hantiyin Ayaan iyo nasiib Ma ka adag yihiin? Adduun iyo kalgacal Haday wada ordaan Hal-abuur tolow Wax ma iibiyaa? Beer oodanoon Irrid furan lahayn Haddii ubax jacayl Ula sare ku yaal Naf oggoli talooy Illinkee martaa? Nin abwaanahoo Ka arradan gacmaha Ka irmaan dibnaha Tolow Ina Suldaan Afku maw gudaa? Hadday welli Alliyo Uur-ku-baale tahay Hadday aawadeed Adhaxdiyo wadnaha Waxaa iin ku yaal Kail-sugan lahayd Indhaheeda tolow Ilmo lagu samara Ma ka iman lahayd? Oda lama filee Afti iyo haddii Ergo loola tago Tolow aabbaheed Muxuu odhan lahaa? Urugiyo xusuus baa Asaraarka faallada Saqda dhexe abuuree Umal iyo ladh soo kaca Wakhtiyada inkaarta ah Maxaa lagu illoobaa?
  14. Guudkayga boqorrada Garaareeya heesaha Gallad qurux cod iyo luuq Shimbiraha u gaarka ah Gashan labada qaybood Haddii ay galaydhkiyo Galgalkiyo fadhiistaan Geesigooda caan baxay Gunta iyo salkaygana Goodaaddo nacabiyo Maska goodka halista ah Inta bahal gurguurtiyo Gungumaa ku shiri kara
  15. looooooool,,, muus is just a plant ,, if you can't plant it you can simply import it and is not a big deal. We'r talking about a country here ....
  16. I mean inaga iyo dumarka jacayl baa inaga dhexeeya .........
  17. Was going to my English Class in Hargeisa ,, as soon as i arrived the class the teacher started to talk about what happened. He explained the incident, gave us new vocabolary for the situation in 10 minutes and let us go for the news. I didn't sleep that night watching the news, going from one channel to another.
  18. To the contrary, a well-informed writer who cannot hide the reality on the ground and cannot tolarate to advocate for a not-existing and long time gone country called Somalia. No one can hide the sun with his/her hands ,, this time it is even bigger and getting bigger by the day. Congrats to the Toronto Star .............
  19. Siyaasad maaha sxb ,,,,, waxa la yidhi a photo can speak lauder than million words ,, it is just pictures of those who are really suffering in Mogadishu. It is real, and it is happening, contrary, they would love to show the world how the suffered from those dowlad ku sheega. If you can't look at it ,,, leave it sxb.
  20. Siyaasad maaha sxb ,,,,, waxa la yidhi a photo can speak lauder than million words ,, it is just pictures of those who are really suffering in Mogadishu. It is real, and it is happening, contrary, they would love to show the world how the suffered from those dowlad ku sheega. If you can't look at it ,,, leave it sxb.
  21. Hargeysa (Qaran)- Baanka Adduunka ayaa Somaliland u soo diray koox farsamo, oo tababaro kala duwan siisa,Haa’yadaha dawliga ah ee Maamulka Lacagaha. Wefdigaasi ka socda baanka adduunka oo ka kooban 11 xubnood, waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirka Qorshaynta Mudane Cali Ibraahim Maxamed [Cali Sanyare]ayaa sheegay in Weftigan uu socdaalkoodu salka ku hayo mashruuca horumarinta iyo dib u dhiska Somaliland,oo ay Somaliland iyo masuuliyiinta Baanka Adduunku ay kalhore isla qaateen in ay ha’ayadaha dawlada ee dhinaca lacagaha ka taageeraan,tayaynta iyo maareynta hawlaha xisaabaadka. Mudane Cali Ibraahim Maxamed waxa uu sheegay in wefdigani ay bixin doonaan tababaro kala duwan Muddo toban cisho ah oo ay dalka joogi doonaan. Hogaamiyaha wefdigaas Siedol ayaa sheegtay inay u socdaan tayaynta tababarada hawl wadeenada Maamul iyo farsamo ee dalka. Waxa kale oo ay tilmaantay in ay wefdigani ay ka mid yihiin xubno ka soo jeeda qaar ka mid ah wadamada ku jira Baanka Addunka, sida Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Baanka Horumarinta Afrika
  22. Sixteen years ago, I visited a country that didn't exist. It stands at the arid heart of one of the world's most dangerous, poverty-ridden regions, and it's doing surprisingly well. But its success raises all kinds of questions – because it still doesn't exist. The country is Somaliland. It occupies the northwestern corner of what maps and globes call Somalia. Not wanting to admit that separatist revolts can ever produce a legitimate outcome, governments here and everywhere refuse to accept Somaliland as the independent nation it is. I flew into its capital, Hargeisa, in December 1991. "Have you ever seen Pompeii?" a UN official had asked me. "That's Hargeisa now. Only it wasn't a volcano that destroyed the place – it was man." The city became a war zone in 1988. Forces loyal to former Somali dictator Siad Barre were battling the rebels who would soon create Somaliland. Barre's planes bombed the city from its own airport. In January 1991, retreating east and south, his soldiers ripped up the phone lines, water pipes and electricity cables. They demolished roofs all over Hargeisa. And, as a macabre farewell gift, they left hundreds of thousands of landmines amid the debris. My guide was a young man called Hassangeti Kayad. "Where there are footprints," he warned me, "there we can go. Only there." The city was full of amputees whose daring had outstripped their common sense. In those days, Hargeisa had no running water, no electricity, no telephones and little food. It had no offices, either, except for the street corner where men sat on hardbacked chairs facing manual typewriters. They were the city's secretaries, its recording angels. I remember a school without tables, blackboards or desks, its mud-brick walls covered by a canvas roof. Yet the school still functioned. The maternity hospital was in worse shape; beyond its green walls and pink door, there was only rubble. The chief mosque had survived, barely. You wouldn't have thought the city stood a chance. But the rebels who took control amid the desolation made a crucial choice: they decided to banish guns. In the refugee camps I visited in nearby Ethiopia, half the men and most of the teenage boys were strutting around with semi-automatic rifles. Sixteen years later, the Horn of Africa remains in desperate shape. Ethiopia and Eritrea have fought a bitter war and come to the brink of another. Sudan has endured civil war for decades. Djibouti is a seedy one-party state, Somalia a collapsed ruin that functions as a state in name alone. But the people of Somaliland have created a thriving market economy and a reasonably functioning democracy. Thousands of exiles who fled during the war have returned home, bringing critical resources of money and expertise. Money also flows in from expats in Toronto, London, Cardiff and other distant cities. The country has received only modest aid from beyond its contested borders. But that's not altogether a bad thing. It has remained mercifully free of the "help" inflicted on poor nations by the International Monetary Fund. Its existence is enough to flummox anyone who believes that Africans need external guidance to build a functioning state – or who thinks that Islam is incompatible with democracy. Yet Somaliland also serves as a reproach to every other nation in the region and most on the continent. If it can grow in peace, why can't they? Today, I'm told, food is plentiful in Hargeisa, and those manual typewriters have been replaced by Internet cafes. Somaliland has joined the world, though the world still prefers not to see. Mark Abley Montreal journalist Mark Abley appears every two weeks on the Ideas page.