Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ayaa la sheegayaa in Maxaysatadii Maleeyshiyada ******teeniya ay dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Magaalada Laascaanood ugu geysteen jidh dil iyo waxyeelooyin kale. Dadkan reer somaliland ee u dhashay SOOL ayaa isugu jira dad rayid ah oo meesha deganaa iyo kuwo meherado kulahaaba. Wararku waxay intaa ku darayaan in labada magaalee ugu waawayn, Boosaaso iyo Garoowe, ay ka bilaabeen maleeyshiyada ******teeniya inay bililiqaystaan dadkaa u dhashay Sool. Waxaa lagu arkayey meelo badan oo ka mid ah Garoowe iyo Boosaaso xerooyin looga sameeyey dadkaa oo lagu xareeyey, jidh dil, kubsi, iyo xasuuqna loo geystay. Mar aanu wax ka waydiinay suxufi madaxbanaan oo ku sugan Boosaaso sida ay wax u dhaceen wuxuu yidhi: "Mar alaale iyo markii ciidanka maamulka puntland laga soo saaray Laascaanood ayey iyaga oo wejiyadooda aad moodo inay cadaabtii ka soo baxeen markeliya weeraro ku qaadeen meheradihii ay lahaayeen dadka u dhashay amaba ka soo jeeda Laascaanood iyo nawaaxigeeda." Suxufigu isagoo hadalkisa sii wata wuxuu yidhi "...waxaan arkayey dadkan oo la soo uruuriyey sidii maxaabiistana laysugu xidhxidhay." Suxufigan oo aanaanu magaciisa sheegi karin sababo la xidhiidha nabadgelyadiisa awgeed ayaa cadeeyey in dhinaca garoowana laga soo sheegayo dhacdo taa la mid ah. Mar aanu suxufiga waydiinay sababta ka danbeeysa dhacdadan wuxuu yidhi: " Sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidanka puntland ee wada xasuuqan, waxay ku eedaynayaan ka soo bixii ay ka soo baxeen Laascaanood inay sabab u tahay dadka reer Laascaanood oo ka soo horjeestay maamulka puntland soona raacay waxa uu ugu yeedhay Cadowga Puntland isagoo u jeeda Ciidanka Somaliland." Wararkale ayaa iyana sheegaya in dadka u dhashay gobolka ******teeniya amaba gobolka Bari, gaar ahaan reer Garoowe iyo Boosaaso la arkayey iyagoo u qaxaya dhanka Koonfurta ilaa Gaalkacayana la lahaa way gaadheen. Qaxan ayaa ka dhashay cabsi weyn oo ay ku abuureen maleeyshiyada ******teeniya dadkoodii kadib marki iyagoo yaacaya ay markeliya garoowe iyo boosaaso so galeen. Dadka rayidka ah ayaa ka cabsi qaba in dagaalku so dhaafo xuduudaha Somaliland iyo Somaliya oo ilaa garoowe iyo boosaaso laysa soo eryado. Ugu danbeeyntii mar aanu wax ka waydiinay sarkaal ka mid ah Ciidanka Somliland ee hadda ku sugan laascaanood inuu wax ka ogyahay xasuuqan iyo dadkan reer Sool ee la leeyahay xerooyin boosaaso ku yaaleey ku jiraan, wuxuu ku jawaabay sarkaalkaasi: " Warkaa ma hayno, laakiin waa wax dhici kara, waa wax ka suurowba maleeyshiyada ******teeniya oo markay ku sugnaayeen laascaanod gudaheedaba ficiladaa iyo kuwa ka daranba ku dhaqmi jiray. Waxanuse leenahay hadaad joojin weydaan waxan aad wadaan Boosaaso iyo Garoowaa laysku arki." Wixii ka soo kordha xasuuqaa iyo qaxaa Boosaaso iyo Garoowe kala soco halkan Source
  2. Netherland - (AP) - Ayaan Hirsi Ali, a Somali by birth who became a member of the Dutch Parliament and was threatened with death for her anti-Islam writings, returned to the Netherlands after the Dutch government refused to continue paying for her bodyguards in the United States, the newspaper NRC Handelsblad reported. She had been under security protection since 2004. She moved to Washington last year to become a fellow at the conservative American Enterprise Institute. The newspaper said that on her return she was taken to a safe house at an undisclosed location. A Justice Ministry spokesman said he could not comment on the arrangements. According to a report in the NRC Handelsblad, the controversial Dutch writer and Islam critic Ayaan Hirsi Ali has returned to the Netherlands and is planning to resettle here. Ms Hirsi Ali, a Somali refugee who became an MP for the Dutch conservative VVD party, left the Netherlands for the US last year after a row over her Dutch citizenship. Her vocal criticism of Islam also contributed to her decision to leave. Her criticism also led her to be targeted by radical Muslims and her life was repeatedly threatened. The threats led her to be placed under round-the-clock protection both in the Netherlands and the United States. The US government has been billing The Hague for the cost of her protection but Justice Minister Ernst Hirch Ballin is no longer willing to pay for her security arrangements. For the time being, Ms Hirsi Ali is in a safe house at a secret location. Theo van Gogh The Dutch government agreed to finance her security in the US in order to prevent a repeat of the murder of filmmaker and columnist Theo van Gogh, who was a friend of Ms Hirsi Ali. Mr van Gogh, a fierce Islam critic, was murdered in Amsterdam by a Muslim extremist. Before his death, he had received numerous threats from radical anti-Western Muslims in the Netherlands. Ms Hirsi Ali says she has returned to the Netherlands because The Hague has refused to continue paying for her protection and Washington has refused to pay as US law does not permit it. She can continue working for the American Enterprise Institute, a conservative US think tank, here in the Netherlands. Emergency debate The Dutch Green Left party has called for an emergency parliamentary debate with the interior and justice ministers to discuss Ms Hirsi Ali's protection and Investigate her if she is a spy. The party wants to know if the Dutch government has explored every possibility of guaranteeing the former MP's safety while abroad. The Green Left pointed out the similarities between this case and that of British writer Salman Rushdie. An Iranian ayatollah declared a fatwa against him after the publication of his book The Satanic Verses. The British government provided round-the-clock protection for him even when he was abroad. Complicated case Ayaan Hirsi Ali is controversial not only for her criticism of Islam and questions around her security but also because the row over her Dutch citizenship led to a crisis that toppled the Dutch government in 2006. Her passport was revoked but later restored after she apologised for misleading the authorities when she applied for asylum and Dutch citizenship. The heavy security around Ms Hirsi Ali's home in The Hague led her neighbours to initiate legal proceedings as they feared being injured if she were attacked and they were fed up of all the activity that her protection entailed. A similar lawsuit could well occur again. AP
  3. Dhinaca kale, warar laga helayo illo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa looool ,,,,,,,,,, ilo wareed lagu kalsoon yahay + dayniile = nothing markaa ha degdegin sxb ....
  4. Today I am so hungry that i'm glad i'm fasting
  5. hadhwanaag 2007-10-01 (Hadhwanaagnews) Hadhwanaagnews (HWN) - Haddii ciidamo u dhashay Sool oo ay taageerayso Somaliland ay Laas Caanood ka saareen maamulkii Puntland, maxaa hadda xiga? Reer Laas Caanood ma noqon doonaan kuwo ka qayb qaata dejinta magaalada iyo gobolka mise kolba sarkaalkii xanaaqa ayaa hubka soo guran oo Somaliland ama Puntland ku biiri? Sidee bay Somaliland u samayn kartaa maamul deggan oo Somaliland ka tirsana? Reer Laas Caanood se ma ku kalsoonaan doonaan? Fikradda qabiilka ee tollaay sidee waddani loogu beddeli karaa? Waxa habboon in aan caatifad lagu boodin ee gunta loogu dhaadhaco dhibaatadu waxay tahay. In dheer garad reer Somaliland ah ayaa maanta ii sheegay inay u habboon tahay in la sameeyo laba midkood: 1- In reer Laas Caanood in ay ogaadaan in ay dani ugu jirto maamulka Somaliland oo dhismaha magaaladooda kala qaygelaya. 2- In afti dadka laga qaado oo hadday doonayaan inay Somaliland ka go'aan loo oggolaado si nabadda gobolku ay u xasisho. Fikraddan wuxuu ku saleeyey keliya in ay tahay mid la eegayo rabitaanka reer Laas Caanood ee Puntland aanay khasab kaga dhigin maamul qabiil ku salaysan. Haddaba akhriste maxay adiga kula tahay? Sidee looga bixi karaa xaaladdan wareegtada ah ee kolba qoladay reer Laas Caanood la jiraan guul sheeganayso? Fikir kaaga soo dhiibo. Haddii uu wax ku ool noqdo waxa hubaal ah inay siyaasiyiinta maamulku ka faa'idaysan doonaan. Ku soo hagaaji contact@hadhwanaagnews.com Hadhwanaagnews Media *************************************************************** Horta dhamaantiin ramadaan kariim, Fikrad ahaan aniga waxay ila tahay in ciidamada qaranka Somaliland ay sugaan nabadgalyada magaalada Laascaanood ilaa inta booliska iyo maamula kale ee dagmadu si fiican u shaqo qalayaan. Arinta labaad ee aan ku darsanlahaa waxay tahahay in ciidamada qaranku hore u socdaan oo aan mardambe Laascaanood la isku dul qabsan ee hadii meel la isku dul qabsanayo ay noqoto Garowe iyo agagaarkeeda. Reer ******teeniyana dagaal iyo hadalba jawaabtooda oo culus waa in wajiga lagaga dhuftaa. Kamaal USA --------------------------------------------------------------------------------------------------- Ugu horayn waxaan salaamayaa daadihiyaasha doodan iyo kaqayb galayaashaba. Xaalada laascaanood waa mid wajiyo badan soo martay, runtiina siyaasad degen ayaa lagu maamulay ilaa lagaadhay xili ay is nacaan ********ta ******teeniya iyo shacabka reer laascaanood inta nasteexa moodaysay ******teeniya oo maanta ishoodu u macalin noqotay kadib markii dhawr sanadood qayrkood laga reebay ee hortoodana lagu laayay wax garadkoodii. Hadaba sida ugu fiican fikir ahaan tayda ee laascaanood maamul adag oo somaliland ah iyo shicib taageersan oo buuxa loogu samayn karaa waa sidan: 1- in marka ugu horaysa lagaadhsiiyo adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, maamulka wasaaradaha oo shaqeeya si dadka indhahooda lootuso wax qabad muuqda oo kaduwan beentii ay ******teeniya usheegi jireen. 2- in wacyi galin lagusameeyo dadka oo idaacad FM ah ladhex dhigo magaalada laascaanood si dadka loogadhsiiyo wararka iyo wax qabadka dawlada Somaliland. dhiiri galina unoqon doonta ciidamada qaranka ee kusii jeeda xuduuda wadanka. 3-in la kordhiyo xubnaha Dawlada Somaliland kujira ee kasoo jeeda Gobolka Sool, isla markaana abaal marino lasiiyo badhasaabka gobolka ee Somaliland Cali sandule iyo abaanduulaha ciidanka Qaran, iyo xildhibaan Dhakool oo kaalin weyn kaqaatay gacan kudhigida laascaanood. 4- Ugu dambayntii, in hore loogasii socdo, oo maamulka lagusii fidiyo guud ahaanba gobolka Sool, oo aanay dicin in dib loogasoo noqdo. Ahmed Ismail Abdi Malaysia ************************************************************************ dhabtu waxay tahay xitaa hadii somaliland qabsato laaska, ineysan marna qaboobeyn .dagaal jiitama oo qiiqiisu indh tiro ilaa iyo togdheer.*********** lagama yaabo inuu isu dhiibo dadka isugu yedha mujaahid, iyagan u yaqaan ******. runtuse waxay tahay iney dagaalamayaan inta wiil ka noolyahay,wyna ogolyihiin in marna guuleystan marna jabaan ,lakiin natiijadu ku dhamaato sidii ay jecelyihiin , xabada hada socotaan *********** kalgac kuma abuurayso ee waxay keenaysaa, dhiiga oo sii qulqula. darwiish cali ********************************************************************************** hadii aan waxoogaa kataabto waxyaabaha haboon: 1. in lagu dhaqaaqo waxaa kamid ah in ciidamada Soomaaliland ay ku sii ruqaan sadaan aagaga hore ee ilaa Garac lagu dhal isla imika inta ay birtu cusubtahay hadiikale waxay qaadandoontaa sanado danbe iyo dagaalo badan oo ragbadani ku dhintaan sida kuwan ama kuwii kahoreeyayba 2. in lagu maamumulo ilaamudo gaaban xukun meletari silooga baaraande go dhisida maamul dadwaynuhu kukalsoonyahay hogaankooda 3. in lagu dhiso maamul ku meelgaadh ah mudo bil gudaheed ah in reer soomali land uguntadaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen reer laas caanood oodhaqaalo daro iyo tacliin la,aan iyo wax qabad las,aani ku habsatay mudadii ay udhaxeeyeen butland iyo soomaaliland ama ay ubadnaayeen dhinaca ******teeniya oo habayaraatee aan waxba uqaban gobolkaas halka ay dhaqaalaha loogu talogalo rag jeebabka ku qaadan jireen. waa qalinkii xirsi axmed geedi u.s.a . colarado ****************************************************************************** waxa aan ka odhan lahaa fikirkayga ku saab san laascaanood, reer laas caanood haday iskuraacaan labada dawladood ee is haya [midkood] taladu meel bay u dhici lahayd ayaan ku dari laaha hadiikalana waligeed dhabaan mayso waxaasi reer laas caanoodna way u darantahay kala jabnaantaasi runtii. Cabdicasiis Maxamed ************************************************************************ salaan dhamaan inta nabada jecel waxaan leeyey xataa hadhwanaagnews in aad ka qayb qaadataan sidii nabada loo ilaalinlahaa mana taagersani cidanka qaranka hadayna reer laas.. ayna rabin fadlan bil barakaysanbaa lagu jiraa ilaali qalinkaaga KH m a Hargeysa ********************************************************************************* Waad salaaman tahiin bahda Hadhwanaagnews.com. Salaan dabadeed waxay ila tahay aniga in markale aynu aragno dhiig dad Soomaaliyeed oo muslin ah hadana jooga bil ramadaan lagu qubayo si macno dari ah. Waxaa kasii daran in ay reer laascaanood ayagu bixinayaan qiimaha ugu badan ee meeshaas ka dhaca. Waan la soconaa in Maamulada S/land iyo P/land labadaba Addis laga xukumo oo aanay u madax banaaneyn talabaday qaadi lahaayeen. Waxaadna moodaa inay sugayaan inta Addis amar laga soo siinayo kaasoo go'aamiya waxa laascaano laga yeelayo. Hadaba waxaan ku talin lahaa in aan Addis amar laga sugin ee Illaahay laga baqo, dadka loo naxariisto, nabad magaalada lagu soo dabaalo oo xabad joojin la sameeyo, ugu dambayna dadka reer laascaano inta la heshiisiiyo ayaga la weydiiyo siday wax u rabaan. Ahmedeey Toronto, Canada ******************************************************************************** Salaan wacan Masuuliyinta Hadhwanaag oo ah xiligan tan ugu tayadda roon Webebka Somaliland. Hadii aan ku darsadoo dooda laas-caannood wx yar,waxaay ila tahay:- 1-Degmaddu waa Soomaliland oo muran kama joogo. Dal ahaan,dad ahaan, dhaqan ahaan iyo Jogoraafi ahaan intaba. Waa Bulsho muddo dheer ay ka dhexeeyeen dadka Somaliland,wada noolaansho,Guur iyo is-dhalid soo jireen ah oo isku dhafmay. Waa Bulshu dhaqan iyo dabeecad ahaan isku mid ah oo aan la kala sooci karin,iskana xiga Beelaha kale ee soomaaliyeed oo dhan. Taasi awgeed, Beesha laas-caanood danteedu waxaa ay ku jirtaa in ay si dhamaystiran uga mid noqdaan,waxna la qaybsadaan Walaalahood somaliland oo weligood aanay meel kala tegi doonnin,kalana maarmin dhinac kasta oo aad ka eegto,Siyaasadda, dhaqan, iyo dhaqaale intaba. 2-Haddaba, dhibaatada soo jiitantay ee Laas-caanood, waa fikir ay Hogaaminyaa Rag Siyaasiyiin ah oo huwiyey shaadh qabyaaladeed ama *****yeysam. Waa Niman u badan ********** oo doonayaa in ay Degmadda ama Deegaanka Beesha ku qurxiyaan Maamul goboleedka Puntland,balse aan u jeedin dan Beesha Dhulbahanta. Waayo *********** cidi kuma haysato Haybta *****nimo,horena way u ahaayeen,dibnna way ka haan doontaan. 3-Xalana waxaan u arkaa in *********** yeesho wada tashi qoto dheer leh,xaqiiqadana u noqdaan. Beesha *********** waxa ay ka mid yihiin Beelaha leh Hogaan-dhaqameedyadda faca wayn ,isla markaas lagu yaaqaano is-maqal iyo kala damayn soo jireen ah. Taasi awgeed,in ay si wayn u lafo-guraan arrinta Beel ahaan, Odayaal,Aqoonyahan iyo waxgarad intaba ayaa lagama maarmaan ah, iyaka oo ka taxadiraya Siyaasiyiinta Kuraasi doonka keliya ah, Xaaladda taagana abuuray iyaka oo danhooda gaarka ah leh. Kuwaasi oo hadafkoodu aanu marnaba ka turjimaynin danta guud ee Beesha,balse u soo jiidi kara dhibaato iyo burbur aan loo baahnayn in dadwaynaha iyo degaanka ay xiligan u curtaan. salama calaykum. Mohamed Adan Omer U.S.A. ****************************************************************************** Waan idin salaamay dhamantiinba Hadhwanaag marka xigta waxan ahyn wiil ku nool miami florida Rayigayguna waxuu yahay in maanta dadka reer laascaanood ay doonayan maamulka jamhuuriyada somaliland. Waxaanan odhan lahaa somaliland dadkaa idin doonaya ee macaal dagaalka idinla galay wanaajiya oo magaaladooda laascaanood macaal wax kala qabta haday noqoto dhismaha iyo wax barashada iyo caafimaadka. Waxaanan dadka reer laascaanood leeyahay maanta ka baxdeen gumaysigii xumaa ee puqland ee laydunku hayay ee macaal hooyinka yar yar ee danyarta ah cashuur xooga lagaga qaadi jiray hadaba maanta laascaanood people idinka ayay dantiini gacmaha ku jirtaa waaxay ugu jirtaa hadaydaan dhakhso jamhuuriyada somaliland u dooran oo aaminin adigaa cirka roob ku og. Waxay soomalidu ku maah maahda: DAMEERAHA ADARI NINKA DALBADAA ISAGAA RAACA waxaan uga jeedaa hadaad hadana sidiinii isku mulaaqnaataan, it is yours problem not somaliland problem. Waa dhibaatadada maaha somaliland dhibaatadeeda ee walaalayaal fakara oo dadkiina somaliland u hiiliya maantaba waakuwaa cadowgii idinka riday ee ogaada halka ay xaaladiinu taagan tahay. Marka xigta waxaan u soo mahad naqayaa dhaman ciidamadayada aan ku indho doogsano ee walaladayada ah ee raganimada iyo cad goosashadaba yaqaana ee ah SOMALILAND TROOPS I LOVE AYAAN LEEYAHAY. Dadka reer somaliland meel kasta oo ay joogana ramadaan kariim marka xigtana dadka somaliyeed ayaan leeyahay ramadaan kariim hadhwanaagna waa webka kaliya ee walahi aan akhristo wakhti kasta waxaan leeyahay thank u for every thing. SOMALILAND KEEP YOUR PEACE SAVE GOD BLESS SOMALILAND Abdihakim Hassan Ali ******************************************************************************** Dagaalka Laascaanood maaha mid cusub oo maanta bilaabmay anigu sidaan qabo muddo badan baa labada maamul ee Somaliland iyo Putland isku goollaaftamayeen, magaalada Laascaanoodna gaataadhablaynaysay oy rimanayd maanta se ra-yi la dhiibtaa waa meel soke oo (lugtii jeeni dhaaftay) ,ee tallo baa loo baahanyahay dhinac walba ha noqotee, talladaasina waa mid u taala dadka reer Sool ee Somalilandna dhaqan iyo dhul la wadaga, dhinaca kalee Putlana dhalasho la wadaga, waayo? iyagaa go-aanka iska leh oo ciday raacaan ama dhinacay u bataan uun bay soconaysaa teedu. Hadaba tallo iskuma kaa sheegto baa hore loo yidhee mid waxan leeyahay Reer Sool, midna waxan leeyahay Somaliland. Midna waxaan leeyahay Putland. Midaan leeyahay reer sool waxa weeyaan Tallo idinkay idinka go-daaye khayriyada is keena oo dhaha anba Somaliland baan nahay ama Puntland baanu nahay si meeluun la idiinku soo hagaago ama la idiinku tiriyo oo ragu u kala badbaado idina aan nabad iyo kalsooni u heshaan oon la idiinsoo xidhan ama gashana shaadhkaa laba sawir leh ee miduun raaca la idiinku taaglayahay ee marba midi idiinku soo marmarsiyoonayo oo xiisad coladeed ama xurgufo coladeed oo lagu kala adkaan ka dhexwadaan. Markaa af muslim iyo afgaalaad miduun ha loogu yimado reer Sool si ay nabad iyo deganaansho u helaan. Midda labaad Somaliland baan leeyahay. waxanay tahay Reer sool mar walba tixgaliya tallada dadka reer sool oo aayahooda iyo waxay doonayaan uun baa soconaya ee ku xaliya xadka iyo xuduudaan sheeganaysaan waji kale oo aan ahayn xoog. arinta gobolka Soolna waxa lagu xalin karaa hab iyo waji siyaasadeed oo lagu qanciyo dadka taladu ka go-de ee gobolkaas degan... (oodina ab ka dhaw baa yidhi)...ogow Somalindney in marwalba adiga ay tahay miday saamaynayso arinta sool macaan iyo qadhaadh la wada dhadhaminayo eenay ku koobnaanayn Laascaanood kaliya.. Midda ugu danbaysana waxaan leeyahay Maamulka Puntland.. Horaa loo yidhi fiqi cigaal tolkii kama janno tagee yaanay ku qaadin cadifad qabiil oo dhiigu ku kicine, wax waydii walaalahaa Reer sool waxay ka yeelayaan ama go-aankay qaadanayaan ka hor intaanad soo horkicin ama ka dhinac safan, waayo iyagaa tallo ka go-daaye .. Go-AANKA GOBOLKA SOOLNA WAXA ISKA LEH DADKA REER SOOL.. PEACE AND LOVE Qalinkii : Mustafe (shaash)..DK ********************************************************************************* SALAAMU CALAYKU DHAMANTIINBA WALAALAYAAL SALAAN GAARA WAXAAN SALAAMAY BAHDA HADHWANAAG IYO SIDA AY NOOGU SOO GUDBIYAAN WARARKA S/LAND. HADAAN HOOS UGU DAADEGO DHIBAATADA LAASCAANOOD WAXAAN QABAA WAA LABA SHAY OO AANAY REER S/LAND MARNABA IS WAYDIIN WAAYO AQOONTEEDA MALAHA MANA LAGA WARAYSATO DADKA RUUG CADAAGA U AH SOOL. TAN KOOWAAD: WAA DHAQAALE XUMO AY REER SOOL AY DHEER YIHIIN MAGAALOOYINKA AY DERIS YIHIIN HA AHAATO PUTLAND AMA S/LAND. TAN LABAADNA: WAA DADKA REER SOOL OO BAAHI U QABA IN DAWLADA S/LAND DIB UGU SOO IIBISO TAALADII SAYID MAXAMED CABDULE XASAN EE XAMAR LAGA BILIQAYSATAY LOOGANA TAAGO MAGAALADA HARGAYSA TAASNA DAWLADU MARABTO AMA DHAQAALE UMA HAYSO AMA AQOONTAAS MA HAYSO. WAXAAN QABAA HADII SOOL LA DOONAYO INAY KA MID NOQOTO S/LAND WAA IN WAX AY KU SOO HIRTAAN DADKA SOOL LA KEENAA, SACIID BINU SICIID STOCKHOLM SWEDAN ********************************************************************************* marka hore waad salaamantahiin jaalayaaal. ka dibwaxaan idinka codsanyaa in aydaan kalmada jaale darteed u diidin maqaalkeyd. jaale waa kalmad afsoomli ah oo macanheedu yaheysaxib. ok waxaan anigu ra'yigeyga oronlhaa waa in marak hore la xanuujiyaa maleejiyad ******teeniya lagun dhaweeya xaduuda ay leeyahiin waan in hubka lag dhigaa maleeshiyad kale ee reer sool si loo sugo amaank magaalda, macanah dowldinomo maah in kolba reer la shiro ee waa in runta loo shegaa dadka ooy u ogaansamaan dowlda iyo kal danbeynt . waxaan ku soogabgabeynyaa in lagu daaalo in aan mgaalda loo gacan galin maleeshiyo qabiileysan ee waa in inta ciidanka looo tab barayo ay amaankeeda la wareegaan ciidaka somlilanda oo dusha ka eegya. waana in lagu dadaal sidii dhaberka loga jabin lahaa ciidamda u daacada ah col. cabdilahi yusuf axmed. waadsalaamantahiin. By Tahir hussein.(Tahir holland) ********************************************************************************8 Aniga oo ka qaybqaadanaya dooda laascaanood waxaan halkan kaga hadalayaa figradayda. waxa mudo muranka taagnaa gobolka sool kaas oo u dhaxeeyay s/land iyo maamul goboleedka p/land.bahaba waxa muranka keenay oo ah s/land oo ku doodaysa in laascaanood ay tahay gobolka mida lixda gobol ee s/land. ayaa p/land na ku doodaysaa inay dadka sool yihiin dad ay isku hayb yihiin oo aanay aqoonsanayn xuduuda s/land sheeganayso. Hadaba siloo gaadho xal waa in lakala saaraa haybta iyo xuduuda. dadka sool kunoola ay fahmaan inaan haybta iyo xuduudu ahayn laba wax oo laysku qaldi karo. xuduudaha jiraa waa kuwii la sameeyay wakhtigii ingriisku dhulka joogay xududahaas oo ah kuwa aynu u aqoonsanahay wadamada aynu jaarka nahay sida ethiopia iyo jabuuti oo lbadaba ayanu xuduudla wadaagno. Koonfurta waxaa xadka dhexeeya kenya oo xuduudkaana waxaa sameeyay ingiriiska.markaa sida wadamada jaarka inala ah xuduudooda aynaan ugu xadgudbi karin waa in p/land ay ka fogaataa inay ku soo xad gudubto xuduuda s/land oo aanay hayb ahaan dhul ku raadin. sidaynu ogsoonahay waxaa gudaha ethiopia ku nool qabaa il badan oo asal ahaan ah reer s/land ku weaa miyaynu odhan karaa s/land ayaa laydinka xakumaa? jawaabtu waa maya. Markaa p/land haku qanacsanaato in aan hayb dhul lagu raadin ee xaduudo lagu xisaabtamo.qabiil kasta oo ah dadka af somaaliga ku hadlaa waxay ku kala nool yihiin ethiopia iyo kenya iyo jabuuti.markaa haday sool s/land kamidtahay p/land yaanay dhul ku raadin anagaa isku hayba.s/landna waa inay dadka reer sool ku qancisaa inay ka midyihiin walaalahooda kale ee s/land. wasalaama calaykum. Ali Yusuf, UK ******************************************************************************** SALAAMA CALAYKUM Waxaan doonayaa in aan wax yar oo fikradayda ah ka dhiibto arinta Laascaanood iyo dagaalka ka socda, horta marka hore aad baan uga xumahay in ay arintani saamayn ku yeelato Somaliland waayo reer Laascaanood mar horay iska keen diideen oo ay yidhaahdeen anagu ******* baanu nahay oo reer Somaliland shaqo kuma lihi, marka laga reebo in yar oo fara ku tirisa, taasna inagu reer Somaliland ahaan waynu ixtiraamnay (we respected it) oo wax dagaal ah maynaan ku qaadin waayo, hadii ay taasi noqotay rabitaankii dad waynaha reer Laascaanood waxaynu nidhi sidaa ha loo yeelo oo yaan waxba lagu duulin. Hadaba maanta markii uu mid iyaga ka mid ahi afgaran waayey Puntland in aynu soo dhawayno ama aynu dagaalka uu kula jiro ka qayb qaadano oo rageenu ku dhintaan runtii anigu waxaan u arkaa wax aan loo baahnayn. Waayo waxaan ogahay in reer Laascaanood ay beri odhanayaan Somaliland waa **** oo ******* baanu raacaynaa, iminkadaana koley qaar badan baa la socda Puntland. Marka sida uu ninka odayga ah eed waraysateen sheegay waa in afti iyaga laga qaado oo ay sheegaan ciday doonayaan inay raacaan waayo rageenu uma dhimanayaan gar iyo magla'aan. Hubkeenana waynu u baahanay in aynu iskaga difaacno cadoyga badan ee Somaliland leedahay Allah wakiil Saado Xasan Ottawa ********************************************************************************* Marka hore dhamaantiinba Ramadaan Kariim, Ugu horayn waxaan fikrad ahaan qabaa in ciidamada qaranka Somaliland ay sugaan nabadgalyada oo ay gacanta ku hayaan magaalada Laascaanood ilaa inta boliiska iyo maamulka kale ee dagmadu si fiican u shaqo galayaan. Arintakale ee aan fikrad ahaan soo jeedinayaa waxay tahay in ciidamada qaranka Somaliland ay hore ugu gudbaan Nugaal oo aan mardambe Laascaanood la isku dul qabsan balse hadii meel la isku dulqabsanayo in Garoowe dusheeda ay ka dhacdo. Ugu dambayntiina waxay ila tahay in reer ******teeniya waajibkooda la mariyo oo hadal iyo dagaalba jawaabtooda oo culus wajiga lagaga dhufto Kamaal USA
  6. War-deg deg ah. ciidanka somaliland oo gabi ahaanba gacanta ku dhigay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ka dib markii uu dagaal culusi ka dhacay Ciidanka Somaliland ee ku sugnaa duleedka gobolka sool ayaa maaanta gacanta ku dhigay gabi ahaanba magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool ka dib markii laga saaray ciidankii Puntland ee hore halkaasi u jooogay. Dagaalka oo saaka bilaabmay goor hore waxa la isku adeegsaday dhamaan noocyada kala duwan ee qoryaha cul culus. wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland md Cabdilaahi Cali Ibrahim ayaa maanta saxaafada u sheegay in ciidanka Somaliland ay gabi ahaanba gacanta ku dhigeen xarunta gobolka sool ee Laascaanood. Sidoo kale mar aan telephone-ka kula xidhiidhay magaalada Laascaanood waxa lay sheegay in ay Somaliland gacanta ku dhigtay ilaa 17 sarkaal kuwaasi oo ahaa iyagu saraakiishii ciidanka hogaaminaysay kuwaasi oo la soo qabtay ka dib markii laga adkaaday ciidankii ay wateen. Waxana la filayaa in saacadaha soo socda loo soo gudbin doono dhinaca magaalada Burco. waxa kale oo la sheegayaa in ciidankii joogay magaalada Laascaanood ee dhanka Puntland ay gabi ahaanba kala yaaceen ka dib markii saaka ay halkaasi ka dhacday duqayn aad u ba`an. Wixii warara ee ku soo kordha dagaalka waxa aad kala socon doontaan somaliweyn.com oo ay weriyayaasheedu isha ku hayaan kolba sida ay xaaladu isku bedesho. somaliweyn.com
  7. as it is very partisan for the division of the country No wonder ! ! !
  8. Originally posted by Nephthys: quote:Originally posted by Dabshid: You have to understand, she lost her son! NO. Beeso doon waaye islaanta. Jaasuusad. loooooooooooooooool@jaasuusad I think you have a point here .....
  9. hadalkii baa la isku haystaa markaasaad adiguna song iyo heeso keenaysaa .......
  10. Ugandan Foreign Minister Says His Country’s Military Presence In Somalia Will Pose No Danger In Somaliland London, September 29, 2007 (SL Times) - The Ugandan Foreign minister, Sam Kutesa, denied that his country’s military presence in Somalia posed no danger to Somaliland’s stability. The minister told the Somaliland Times reporter in London last week that Uganda’s role in Somalia is of peacekeeping nature. “Our being in Somalia is to help the TFG government in such matters as training of police and national army,” he said. Asked whether such assistance wouldn’t lead to encouraging the TFG to destabilize Somaliland, the Ugandan Foreign minister said “Our being in Somalia has nothing to do with what Somaliland is doing, if your case is confessing then you will have independence, but we are not against Somaliland interest.” Source: Somaliland Times
  11. Nayruus, ha kugu taagnaato Yaabka, sacabkaaga looma baahna, kaayaga iska dhegeyso
  12. Abwaan i never mentioned waqooyi and koonfur ,, and i was not going to say that. Now u missed the point ..........
  13. Jacaylbaro and Sheekhajacaylka ,,,,,,,,,, Now i'm stuck
  14. hahahahaha@rudyfied Now i know rudy gzoogle his post before he post it on SOL ,,,,,,,,,,,,,,, we should all do da same just for better understanding
  15. I'm not celebrating sxb ,,, i never celebrated for war. I'm just posting the latest news ...... i agree with u war is not good for anyone.
  16. I'm glad no one noticed the topic is 5 years old
  17. underdog, good to know inaad weli nooshahay niyow ,,, long time no see sow maaha ? Yeah , i think it is even more then 8500 now ..... i'm heading to the 10,000 ,, u can join me there sow maaha
  18. Warar madaxbaaan oo ay xaqiijiyiin hay'adaha samafalka ee ku sugan Laascaano ayaa sheegaya in Isbitalka Lascaano la keeney 6 qof oo mayd ah iyo 19 dhawac ah kuwaas oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamey. Wasiirka Gashaandhiga Somaliland Cabdillaahi Cali Ibraahim oo la hadley saxaafada ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas kaga dhinteen 3 qof halka uu ku doodey in ciidamada Puntland ka qabsadeen hub, rasaas iyo Lix maxbuus. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidanka PL iyagu dagaalkan ku soo qaadeen maanta [2 Oct,2007] kuwa Somaliland laba waji halka lagu magcaabo Abeesalay oo 18 Km waqooyi galbeed ka xigta magaalada laascaanood, balse ay dib u celiyeen ciidamdii weerarka soo qaadey iyada oo ay ka qabsadeen fariisimihii ay ka duuleen. Dhinaca kale wararka Garowe ayaa sheegaya in dagaalkan ay kaga dhinteen 6 ruux iyada oo Taliye ku-xigeenka Booliiska Puntland Sayid Jaamac u sheegay saxaafada in dagaalkan uu yahay mid ka duwan kuwii hore isla markaana lagu soo qaadey. Taliyaha ku-xigenka ayaa sheegey in dagaalkan ciidamada Somaliland ay weheliyeen xoogag kale oo banaanka ka ah labada maamul isla markana ciidankooda weli ku suganyihiin gudaha magaalada. Wararar madaxbanan oo ku sugan gudaha Lascaano ayaa sheegey in dagaal culus oo leysu gabal dhacsadey ka dhacey Kontrolka galbeed ee magalada halka ciidamo beledyo kala tageersan labada dhinac ay tacshiirado goos-goos ah isku waydarsanyan gudaha magaalada. garoweonline.com
  19. Somaliland.Org.Hargeysa.Oct./01/2007. Shan qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacantay dagaal ku dhexmaray gudaha magalaada laascaanood maanta ciidamada maamul goboleedka Putland ee gacanta ku hayay maamulka magaaladaasi iyo ciidamo dhawrkii maalmood ee dambeeyay ku jiray gudaha magaaladaasi oo ka tirsan ciidamada Somaliland. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaankaasi dagaalkan ayaa qarxay ka markii ciidamada maamul goboleedka putland ay weeraro ku qaadeen laba fadhiisin oo ciidamada Somaliland ka fadhiyeen gudaha magaalada laascaanood maalmihii u dambeeyay, taasoo keentay in ciidamadii putland ee fadhiyay jiida Abeesalay ay dib ugu gurmadaaan ciidamoodii ku jiray gudaha ka dibna fadhiisimadii ciidamadii Somaliland ee deegaanka Abeesalay ay hore ugu runqaasadaan dhinaca magaalada laascaanood. Waxaanay wararka ka imaanaya laascaanood ay intaa ku darayaan in shantaasi qof eek u dhintay iska hor imaadkaasi uu ka mid ahaa nin ra'yid ah oo ciidamada putland ay tacshiirad ku rideen, kaas oo magaciisa la odhan jiray Jamaal Garma-qaate. Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdillaahi Cali Ibraahim oo dagaalkaasi ka waramay ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay dagaalkaasi ka dhinteen hal askari isla markaana ay ku qabteen lix maxbuus oo ka tirsanaa ciidamadii maamul goboleedka Putland. Badhasaabka gobolka Sool ee Somaliland Cali Maxamed "Cali Sandule" oo jooga sugan gudaha magaalada laascaanood ayaa dadweynaha reer laascaanood ugu baaqay inay ilaaliyaan nabad gelyada iyo xasiloonida. Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya laascaanood waxay tibaaxeen in ciidamadii maamul goboleedka putland ee ku sugnaa jiidaha gobolka Sool ay gaadheen magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Putland.
  20. Ciidanka Qaranka oo xoog kula wareegay gebi ahaanba magaalada Laascaanood laascaanood(HWN) Ciidamada Jamhuuriyada somaliland ayaa maanta la wareegay gabi ahaanba magaalada laascaanood xarunta gobolka sool. La wareegida ay maanta ciidamadu la wareegeen gacan ku haynta magaaladasi waxay ka danbaysay ka dib markii saaka ay maleeshiyada ******teeniya weerar kusoo qaadeen fadhiisimada ciidamda qaranka ee ee jiida abeesalay iyadoo halkaasi lagu jabiyay ciidanka Maamulka ******teeniya ee ku sugnaa jiidaasi. Warar xog xogaal oo ku sugan magaalada laascaanood ayaa sheegaya in maleeshiyadi maamulka loo geystya khasaare ba,an iyado laga gubay laba gaadhi oo noca gaashaaman ah lagana qabsaday ku dhawaad afargaadhi oo mid ka midi yahay gawaadhida jiida qoryaha waaweyn. lagana dilay 11 askari tira kale oo badana laga dhaawacay dhanka kalena sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada qaranka ee jida hore ayaa Shabakada Hadhwanaag u xaqiijiyay in ciidanka qaranku ay imika fadhiisimo cusub ka samaysteen kaantaroolada magaalada ee dhanka waqooyi iyo ka konfureed sarkaalkaasi waxa kale oo uu ii xaqiijiyay in ciidankii hor ugu sugnaam magaaladu uu imika la wareegay amniga magaalada laascaanood . Gudoomiyaha gobolka sool Mr Cali Sandule ayaa maanta dadweyanah kala hadlay meel fagaaraa isagoo ugu baaqay dadka ku dhaqan magaalada laascaanood in ay ilaaliyan nabadgelyada Cali sandule waxa kale oo uu ugu baaqay dadweynaha kudhaqan magaaladaasi in ay is dajiyaan isagoo sheegay in aanay wax cabsiyi jirin maamulka magalaada la waregayn uu yahay dadkoodii
  21. Qosol ku dhimo miyaan ku idhaahdaa ,,,,,,,,,,