Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Alaylehe idinku isku foognaada dad aan iyagiiba heshiis ahayn maxaa laga soo dooni
  2. No worries sis ..... they want a dead old man to come back coz they don't have another version of him ....
  3. 1. Sadexda Xisbi Qaran iyo shacbi weynaha Reer Somaliland waxay soo dhaweynayaan dadweynaha Gobolka Sool iyo Bariga Sanaag guulaha ay gaadheen. 2. In loo muujiyo dadka deeganka soo dhaweyn iyo in la sameeyo maamul isu dheelli tiran oo dadka deegaanku ay ku qanac-sanyahay. 3. In hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan JSL ay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka barkacay, ugu horeynna ay gaadhsiiyaan gargaarka asaasiga ah. 4. Xisbiyada Qaranku waxay u soo jeedinayaaan xukuumadda iyo golayaasha qaranka in la sameeyo abaabul, wacyigelin iyo abuuris gudi Qaran oo taakulayneed. 5. Dad-weynaha Reer Somaliland gudaha iyo debadba waxaan ka codsanaynaa in gargaar hiil iyo hooba leh loo fidiyo shacbiga reer sool iyo sanaag bari . 6. Waxaa saddexda Xisbi Qaran ugu baaqayaan ummadda Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan (gudo iyo dibadba)in gurmad dhaqaale oo deg-deg ah ay ku soo taakuleeyaan dib u dhiska iyo hormarinta Gobolka Sool iyo Sanaag Bari ee ay dhibaatadu ku habsatay 5tii sanno ee ugu dambeeyay si ay u soo kabtaan. 7. Saddexda Xisbi Qaran waxay ugu baaqayaan aqoonyahanka, waxgaradka iyo Qorbajooga Reer Sool iyo Sanaag Bari inay inala qaybqaataan nabadeynta, dejinta iyo turxaan bixinta deegaamadaas.
  4. hadhwanaag 2007-10-22 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Gudoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo]iyo Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa waxay maanta si wadajir ah u soo saareen qodobo baaq iyo taageero isugu jira oo ay taageero buuxda ku siiyeen guushii ay Ciidamada Qaranka iyo dadweynaha Gobolka Sool ay si wadajira u gaadheen. Sida waxay sadexda Xisbi maanta kaga dhawaaqeen shirjaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen Xarunga Guud ee Xisbiga Mucaarid ah ee UCID. Warsaxafadeed qoraal ah oo shirkaa jaraa’id ka akhriyey Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga KULMIYE Cabdirakiin Xinif, oo ay ku Saxeexnaayeen. Gudoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo],Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga talada haya ee UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale waxa uu u dhignaa sidan:- “Maanta oo ay bishu tahay 22/10/2007, waxaa sadexda xisbi Qaran UCID, UDUB & kulmiye si wada jire ah shir-saxaafadeed oo ay kaga hadleyn Qodobadan hoos ku qoran, oo iskugu jira taageero iyo talo soo jeedin. Taageero:- 1. waxay saddexda xisbi Qaran taageero buuxda siinayaan guusha dad-weynaha Gobolka Sool iyo Ciidanka Qaranku wada jir ahaan u gaadheen, waxaanu si gaar ah u hambalyeynaynaa dadweynaha Reer laascaanood ee ka gilgishay dulmigii iyo cadaadiskii ay ku hayeen maamulka majarteenya iyo imbegaati. Talo soo jeedin:- 1. Sadexda Xisbi Qaran iyo shacbi weynaha Reer Somaliland waxay soo dhaweynayaan dadweynaha Gobolka Sool iyo Bariga Sanaag guulaha ay gaadheen. 2. In loo muujiyo dadka deeganka soo dhaweyn iyo in la sameeyo maamul isu dheelli tiran oo dadka deegaanku ay ku qanac-sanyahay. 3. In hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan JSL ay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka barkacay, ugu horeynna ay gaadhsiiyaan gargaarka asaasiga ah. 4. Xisbiyada Qaranku waxay u soo jeedinayaaan xukuumadda iyo golayaasha qaranka in la sameeyo abaabul, wacyigelin iyo abuuris gudi Qaran oo taakulayneed. 5. Dad-weynaha Reer Somaliland gudaha iyo debadba waxaan ka codsanaynaa in gargaar hiil iyo hooba leh loo fidiyo shacbiga reer sool iyo sanaag bari . 6. Waxaa saddexda Xisbi Qaran ugu baaqayaan ummadda Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan (gudo iyo dibadba)in gurmad dhaqaale oo deg-deg ah ay ku soo taakuleeyaan dib u dhiska iyo hormarinta Gobolka Sool iyo Sanaag Bari ee ay dhibaatadu ku habsatay 5tii sanno ee ugu dambeeyay si ay u soo kabtaan. 7. Saddexda Xisbi Qaran waxay ugu baaqayaan aqoonyahanka, waxgaradka iyo Qorbajooga Reer Sool iyo Sanaag Bari inay inala qaybqaataan nabadeynta, dejinta iyo turxaan bixinta deegaamadaas. Digniin:- Cabdilaahi Yusuf Ahmed waxaa Sadexda Xisbi Qaran ee JSL uga digayaan in anay uga dulqaadanayn ku soo xadgudubka xuduudda caalamiga ah ee Somaliland iyo sheegashadiisa deegaammo ka mid ah dalka JSL.” Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale] Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
  5. mayee isaga waxaanu u keenaynaa hooyaa yaabtay
  6. Originally posted by Hunguri: Ahahahaha Waar maad ka daysid Bal hadda halkan eeg. Illeeyn Af Af loo hayaa baáye Puntland Maqqaan bay sidaa Muunad iyo Sharafe Sayyidkii ka Maah maah kolkuu Taleex Misaalaayey Magaalooyin badan baa ku yaal Oo Mihiim Gal ahe Waa Gobol Mur iyo Maydi Midha ka buuxaane Madarka iyo Beerihii Galgala Mooskii laga beerye Macaluul Mataal Darxumo iyo Maato leétaaye Bal Maxaad ku gali Gobol waliba waa is maamuliye Niyow, Maamulka cayda noogadaa. Hadii kale Cawjad ayaanu ilkahaa cad cad kaaga soo saaraynaa looool .... Hmmmmmmmmm ,, maanta ma is tidhi gabayadii igu gaaxday baad iga soo qufaysaa ,, waar hoy u kaadi ... Bal gabay xayir aan u saaro markanna: Puntland Maqqaan baa ka maqan Muunad iyo Sharafe Sayyidkii ka Maanyaab kolkuu buurta midhmidh uga tuuray Magaalooyin badan baa ku yaal Oon muhiiba ayane Waa Gobol Mur iyo Maydi Midha ka le'deene Madarka iyo Beerihii Galgala Midh kamuu hadhine Macaluul baa taal Darxumo iyo Maato leétaaye Imisaan ku lahaa ka joog ,,,, looooooooooool
  7. markaana haabiil uun baad isku da' ahaydeen dee
  8. hehehe ,, maalintaa aan police stationka hor taagnaa sowkuwii markii aad ila hadlaysay igu lahaa ma aabahaabaa Qaar baa moodayay inaad aabahay tahay ka waran ,, weli way i waydiiyaa wixii sii nooli
  9. Miyaanad aqoon ,, hadalka waa loogu celceliyaa oo loogu celceliyaa ilaa 100 goor sidaas la yeelana ma fahmo ,,, dee qof keliyina ma samayn karo markaa shifts baanu galnaa
  10. Originally posted by Hunguri: Waaryaahee Jacaylbro , Magaca maad dee ka daysid (bugland) Mise waxaad rabtaa taadana inaan magac u bixino . Niyow, Waxbadan ayaan kaa war warwareegay Oo Wajiga kaa dadbanaayee Maalin-kaa yaanan wayrixin Oo wax daran aanan samayne Puntland Buq-Land haygaga sheegin Miyaad waalantahay Magacu waa meeshii fooxa iyo uduga iyo maydiga lagasoo gurayee Otherwise, xaqiiq "Aabaa yaabay" ayaan dalbanayaa, kadibna Bas-kaan ku saarayaa looooooooooooooooool ,,,,, adigu soodigii ka baxay maaha ee maakhir noqday maxaa kaa galay nimankaa aynu is jiidjiidanayno Taada uun bal yaanan wax kele ku sheegin ,,, durba wax bay sheegsheegayeene bugland hadii la yidhi ha samaato weeyaane iyaguba hufkay soo tufaan erayo huuhaayee aan ku harqiyee ii daa ha iga soo geline
  11. “Wuu Dhamaaday dagaalkii Xabadu, Maamulkii Somaliland ayaa Gobolkii [sool] Qabsaday,Waxa weli hadhay oo sii baaqiya Af-kii BBC-da lagaga faanayey” Mudane Fu'aad Aadan Cadde (QARAN) Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Md. Fu’aad Aadan Cade oo ka mid ahaa Wefti isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano labada Gole Baarlamaan[Guurtida iyo Wakiillada] oo ka soo jeeda Deegaanka Gobolka Sool oo socdaal ku tagay shalay Magaalada Laas-caanood, ayaa waxa uu sheegay inay u tageen Magaaladaasi sidii ay ula tashan lahaayeen dadka ku nool deegaankaasi iyo weliba sidii nabad ay uga is-laaxin lahaayeen,isla markaana wixii shaqaaqo iyo dhibaato ah ee ka dhacday Goobtaasi ay u hagaajin lahaayeen. Sida waxa uu ku sheegay Wareysi ay maanta la yeelatay Idaacada BBC-da laanteeda Af-ka Soomaaliga ku hadasha, Waxa kale oo uu Wasiirku ku sheegay Wareysigiisa oo uu ilaahay ka baryey inaanay doonayn inuu markale dagaal goobtaasi ka dhaco,oo uu dhiig ku daato, waxanu ku war-geliyey Maamulka Puntland ee dagaalkii ay la galeen Kuwa Somaliland lagaga awood roonaaday inaanay Dagaal colaadeed soo qaadin oo ay nabad deegaanadu kuwada noolaadaan. Waxaanu u dhacay Wareysigiisu sian:- Mar la weydiiyey Wasiirka Deegaanka Su’aal ahayd, Maxay Weftigiinan isugu jira Wasiirada iyo Xildhibaanadu ka qabanayaan Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool? Waxa uu ku Jawabaay oo uu yidhi “Waxaanu ka qabanaynaa waxa weeyaan Maamulkii xukumayey uu is-bedelay,Dabadeed Waxaanu u nimi waxa weeyaan tallo,nabad iyo Weliba sidii dhulku u is-laaxi lahaa iyo sidii aanu dadka ula tashan lahayn” “Laas-caanood waxay noqotay Magaalo weyn oo dadka intii badnayd wey degen yihiin, dhalinyaro ayaa dhinaca Laamida iyo Xaga Bariga xigta xoogaha dhagaxaana dhigtay iyo tayiro yar yar ku gubtay,iyada oo nabada oo fiican oo la doonayey in la qaado ayaa la sheegay in qolodii Barigu inay imanayso,dabadeed xoogaha waa la shiray,Saakana xoogaha mudaharaada ayaa anaga [Weftigii] oo markaa ku maqan Ciidamada oo faranta jirna ayey xoogaha dhalinyaro ahi meesha timi,dabadeedna kolkiiba way iska noqdeen. Wax-yaabaha aanu u nimiba waxa weeyaan wixii shaqaaqa ee dhibaato ah ee jiraba anaga oo dadka la kaashanayna inaanu hagaajino,Wanaan hagaajinaynaa” ayuu yidhi Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Somaliland Fu’aad oo ka Jawaabayey Su’aal ahayd,Is-bedelka Maamulka waxa lagu bedela Nidaam Dimuqraadiya, markaa is-bedel nidaamkaasi ku dhisan kama dhicin oo waxa meesha ka dhacay Dagaal oo nabadii iyo Wanaagii aad dooneyseen laydinkama aqbalin oo Saaka waxa laydinku dhigay Mudaharaad,Markaa Haddii aanay dadku idin dooneyn Maxaad ka dooneysaan Laas-caanood oo aad ka qabanaysaan. Mar iyana la weydiiyey Su’aal ahayd, Magaaladii ma geli kartaan idinka iyo Ciidamadiinuba ayaa la yidhi oo Magaalada Dacaladeeda ayaad joogtaan, markaa taasi miyaanay muujinayn colaada iyo diidmada ay dadku idinku diidan yihiin inaad Magaalada soo gashaan Maxaad Garaadada iyo Isimada u wada hadli-weydeen oo mowqifka aad qaadanaysaan? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Sidaad la socoto uu dhamaaday dagaalkii xabadu,Maamulkii Somaliland ayaa Gobolkii [sool] Qabsaday,waxa weli hadhay oo sii baaqiya Af-kii BBC-da lagaga faanayey ee la lahaa anaga haysana [******teeniya] iyo col ayaa noogu jira Wax run ahna maaha, oo ciidamada Somaliland go’aan ayey gaadheen, fariintii uu Madaxweynuhu soo faray ayey weli ciidanku haystaan, shalay Waxa yimi Wasiirkii Difaaca Cabdilaahi Ibraahim,Jeneralkii Ciidamada iyo Saraakiishii kale oo dhan ayaa yimi. Amar yey qabaan [Ciidanka Somaliland] oo ma geli karaan Magaalada,tan oo qudhana maaha ee Meleterigu Ma soo galaan Magaalooyinka. Ciidanku Afar ilaa shan Sanadood ayey joogeen Gobolka Sool. Walaahi waxaan odhan karaa hore-na uma soo marin, imikana ma jiridoono Ciidan ka Wanaagsan oo ka akhlaaq Wanaagsan oo dadka wax ay taraan mooyaane waligoodba wax-ba ma yeelin, Markaa Waa Go’aan ay Ciidamadu gaadheen inaanay Magaalada Gelin,Cabdilaahiyow Walaahi ayaan kuu maray baqdini ma jirto ee waxa jirta in dadka banaanka laga joogo oo aan wax dhibaato ah loo geysan, markaa looma gali-waayin baqdin iyo colaad” Mar iyana la weydiiyey Su’aal ahayd, Puntland waxa la yidhi Dagaalo ayaa laga soo abaabulayaa,Markaa ma diyaar ayaad u tihiin dagaalada inaad ka hortagtaan? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Ilaahay Waxaan ka baryeynaa,oo aanu Hadh iyo Habeen u Duceysanaynaa Inaan Cid danbe nagu kala dhiman,warar ayaanu u diraynaa Weftiyo ayaan u diraynaa oo waxaanu leenahay Waar tallow Colka jooja, xagayaga dagaal ka aloosan oo Ciidamo dagaalamaya oo markaa u diyaara midna ma jirto,Sidaan ku sheegay jaar Wanaagsan oo wada Baayac mushtareeya oo todobada Imaraadood oo kale waad aragtay sidaas oo kale ayaanu doonaynaa,ma rabno Dhiig danbe oo data, Soomaaliba waanu u duceynaynaa inuu Ilaahay kala qaboojiye, kuwan aanu Jaarka nahay [Puntland] ee aan weliba anigu [Fu’aad] tolka nahay si gaara ayaan ugu duceynayaa,anagana Somaliland nagu filan iyagana Putland ku filan Inaan Barwaaqadayada wada joogno oo aanu wax isku darsano ayaan doonaynaa”
  12. I would have thought that Mr.Geedi, the "prime minister" of the transitional federal government claiming to rule Somalia, would have far more pressing things to be concerned about than Somaliland's affairs. For one thing, he is getting bombed left, right and centre, and secondly, his one time, close friend, Mr.Yuusuf is trying to exclude Mr.Geedi from the Somalia gravy train. Where is all the aid money? Why are the people of Somalia still starving to death by the thousands? Why are there incompetent and ignorant people claiming to represent Somalia overseas? Are the poor Somalis in Somalia still living the Barre nightmare? Somalis have many sayings for the person preoccupied with other people's whilst neglecting his own, but Mr.Geedi is inspiring even more sayings. Mr.Geedi poor attempt to seem statesman is laughable. Surely, this is the same person who was accusing Somaliland of terrorism!, Is this not the same person who paid a visit to Puntland with express intentions of goading their militia to attack Somaliland? When did Mr.Geedi become concerned with Somaliland? Is it after Somaliland ran out of patience and scattered the Puntland militia to smithereens. Who know what goes on in Mr.Geedi's mind, but one thing is for sure, realism is not one of them. Mr.Geedi, here is a reality, Somaliland is a sovereign and independent country. We are touched by your concern, but you would do better to protect the poor people of Somalia from oppression, poverty, hunger, murder and mayhem. Somaliland can take care of itself, please Mr.Geedi, take care of your own house. Ahmed Kheyre London, UK
  13. Su'aashaas waan ka jawaabay , i told you to read the responses before you write your questions.
  14. and in 1991 our fathers (the same fathers) did agree in Burco without anyone forcing to secede ...
  15. You are mixing between the believe and practice sxb ... what you believe is what i believe and it is what most of our Somalis believe THE SOMALIWEYN DREAM but the reality is different. How come you believe only 2 out of the 5 Somali regions are Somaaliweyn ?? ,,, Djibouti refused to join the unity and rather preferred to remain under the French pretection in case we claim their land. Siad Barre representing the Somali people signed the Soomaali galbeed for the xabashis that it is part of their land. NFD is long gone and no one claimed. There is no even organization or movement trying to do the job in NFD ............. Then you remained where the white boys did the calaamad to be called Somalia and you're telling me you don't ?? Sorry mate but when ALL SOMALIS are ready to unite then count me in but now ?? ,, Sorry i've seen that, already.
  16. 1960gii miyaad joogtaaba ??? that is 47 years ago sxb ,, 1969 baa ka dambaysay ,, then 1991 baa ka sii dambaysay wake up man ,,,, wake up
  17. Originally posted by Hunguri: Maxay ku nuugtaa maxaysi ka nuugtaa! looooooooooooooooooooool I think way is camcamisaa
  18. loooooooool ,, waar siyaad bare ninkii soomaali oo dhan qabay buu ahaa oo waatii cid waliba dabada u ruxi jirtay intii aanuu odaygu isku xaarin Markuu dariiqii soomaalinimada ka leexday uun baa dee isagana la leexiyay oo xagaa iyo aakhiro loo sii gardaadiyay .... Hadda Soomaali oo dhan oo waa la haystaa Somaliland mooyaane ,,, Hadaanad rumaysnayn taas ,, orodoo waydii wixii ka nool 5tii golaha sare iyagaa kuu sheegiye.