Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. That happens sometimes, most recently guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare on yesterday. Because most corrupt xildhibaanno can be re-bought in the corrupt auction after first rounds concludes.
  2. Aaden Madooba wuxuu saaxiib la yahay Sheekh Shariif. Some will interpret this as a mucaaradka win, but there is a caveat. The third and fourth candidates, C/llaahi Balaak iyo Aaden Saransoor respectively, are also Aaden Madoobe's fellow clan members from Bakool. Out of the four seats that clan had MPs, three were candidates for xulashada. The fourth seat is held by Sareeda. Marka asagee ugu shubeen codkooda directly, which was around 55 votes. Xasan C/nuur oo Laftagareen macruuf dhow la ah, Laftagareen ayaa watay. Saransoor - who holds my own sub-clan's xildhibaan seat - was very close to fellow erstwhile RRA member Laftagareen until musharaxnimada two weeks ago. Laftagareen tried to pressure him and told him not to become a candidate. Taas ayuu ka xanaaqay and now doomed kan uu watay.
  3. The sixth estate had spoken: Beesha caalamka oo ugu baaqday madaxda Soomaalida inay is xakameeyaan, doorashadana si nabdoon lagusoo gabagabeeyo Beesha caalamka oo bayaan soo saartay, ayaa ku baaqday in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxyna soo dhoweysay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022. Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystirka geeddi socodka doorashada. “Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay beesha caalamka. Bayaanka kasoo baxay beesha ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta loo madlan yahay in la qabto doorashada guddoonka barlamaanka, inkastoo uu khilaaf xooggan ka taagan yahay xildhibaannada gobolka Gedo inay ka qeyb galaan doorashada. Lama oga inay maanta qabsoomi karto doorashada guddooonka barlamaanka, inkastoo guddiga doorashada uu ku adkaysanayo in doorashada la qabanayo.
  4. Odeyga warkiisa laguma jiro see u egtahay.What a farce meesha lagu haayaa. Guddoomiye Dhabancad oo baaq u diray xildhibaanada Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay hoolka lagu wado inay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa baaq u diray xildhibaanada ka maqan hoolka. Guddoomiye Dhabancad ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay si deg deg ah usoo xaadiraan hoolka si ay u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, oo uu sheegay inay maanta dhici doonto. Cabdisalaan Dhabancad, oo dhanacyada ay ka taagnaayeen dhowr xildhibaan iyo guddoomiyaha guddiga doorashada golaha shacabka, ayaa ciidamada ammaanka ugu baaqay inay xildhibaanada u fududeeyaan soo gelista hoolka doorashada. “Aniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan ka codsanayaa inay soo xaadiraan teendhada, waxaan maqlay in xildhibaano badan jidadka laga celiyey, jidadka waa la furay hadda anaga ayaana codsanay,” ayuu yiri guddoomiye Dhabacad. Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo aaday xilli inta badan xildhibaanada Golaha Shacabka loo diiday inay soo galaan hoolka, waxaa kaliya hadda gudaha ku jiro xildhibaanada mucaaradka oo watay ciidamo aad u hubeysan. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo katirsan Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay sheegay in Ciidamo Boolis ah ay Xildhibaanada u diideen inay tagaan Goobta doorashada ee Teendhada Afisiyooni. Qoraal uu Xldhibaanka soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Mas”uuliyad daradii dalkeenna hogaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ay khaatumadeedii kusii guda jiraan waa sida uu hadalka u dhigay. War kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ayaa looga hadlay howlaha Doorashooyinka Dalka gaar ahaan tan Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, khilaafaadka taagan iyo Dhinacyada caqabadda ku ah geedi-socodka. Qoraalka ayaa ugu horreyn lagu soo dhaweeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Baarlamaanka Federalka, Beesha Caalamka ayaa ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka Doorashooyinka Soomaaliya. Waxa ay ka digeen qalalaase iyo dib udhac markale dhaawaca geedi-socodka Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa soo jeediyay khilaafaadka siyaasadeed ee jira in xal loo helo si loo dhammeystiro doorashada Dalka.
  5. Mahad Salaad Geeljire loo diidanyahay meesha maro asaga iyo xirtiisa:
  6. Meesha waa faaruq and it is duhur now in Xamar. Don't think it will happen today.
  7. Xildhibaanno galay Teendhada Afisiyooni oo ku baaqay in xildhibaannada kale ay yimaadaan Qaar kamid xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka tagay Teendhada Afisiyooni, halkaasi oo la filayo in ay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka. Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, oo kamid ah mudanayaasha galay goobta doorashada ayaa ugu baaqay xildhibaannada kale in ay yimaadaan, isagoona rajeeyay in maanta ay dhici doonto doorashada guddoonka Golaha Shacabka. “Waxaan joogaa Teendhada Afisiyooni, Xildhibaannada waxaan leeyahay soo dhaqsada. Maanta wax dhaafaya ma jiraan. Musharraxiinta ayaa laga rabay in ay soo dhaqsadaan, walina ma aysan imaanin”, ayuu yiri. Mudane Jacfay, ayaa intaasi raaciyay in aysan jiri karin xildhibaan la celin karo. Dhinaca kale Xildhibaan Nuradiin, ayaa kamid ah xildhibaannadii galay Teendhada. Hubanti la’aan ayaa maanta ka jirta qabsoomida doorashada, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha uu faray ciiddanka Midowga Africa ee ATMIS in ay la wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone, balse uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo. Tan iyo xalay waxaa soo baxayay warar su’aalo badan gelinaya in doorashada ay qabsoomi karto maanta, maadaama caqabad ay ka taaganyahay sida xildhibaannada ay ku geli karaan goobta doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka uu liiska xildhibaannada galaya goobta doorashada uu usoo gudbin doono xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kaddib xafiiska Ra'iisul Wasaaraha marka uu hubiyo ayuu liiska u sii gudbin doonaa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo leh amarka ugu dambeeyay ee lagu gelayo madasha doorashada. Balse madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Guddiga Amniga doorashada oo uu guddoomiye ka yahay taliyaha ciidanka booliska ay masuul ka yihiin sugida amniga doorashooyinka dalka. Dhinaca kale beesha caalamka ayaa ku baaqday in geeddi-socodka doorashada lagu soo gabo-bageeyo si nabdoon, iyagoona soo dhoweeyay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022. Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystirka geeddi socodka doorashada.
  8. They think they have the 'powerful' constitution committee, though. Just see Cabdi Qeybdiid rush to be its chairman once more and Faroole as a member. Axdi aanan meel u socon another four years sii wadi doonaan.
  9. I am surprised the candidate that was said closest to Farmaajo got 24 votes from Aqalka Sare to odey Xaashi's 28 votes. Aqalka Sare is dominated by anti-Farmaajo mucaarad since hoggaamiyaasha maamul goboleedyada directly selected them, not even malxiisyo was needed during selections.
  10. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mar kale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, kadib markii uu ku guulaystay doorashada guddoonka aqalka sare. Cabdi Xaashi ayaa helay 28 cod, wuuxuna noqday musharraxii ugu codadka badnaa saddexda musharrax ee xilkaan iskusoo taagay, kuwaas oo kala ah, Cabdi Xaashi, Cusmaan Abuukar Dubbe iyo Saalax Axmed Jaamac. Musharraxii ku xigay ayaa helay 24 Cod waxaana uu noqday Saalax axmed Jaamac, halka Murashax Dubbe uu helay 2 Cod. Cabdi Xaashi ayaa mar kale barlamaanka aqalka sii hoggaamindoono afarta sano ee soo socda. Mucaaradka iyo muxaafidka ayaa la filayaa inay soo dhoweeyaan doorashadiisa. Kadib muddo sannad iyo dheeraad dib udhac doorasho lagu jiray, aqalka sare ayaa noqday hay’addii ugu horreysay ee yeelata guddoon rasmi ah oo haysta sharciyad buuxda.
  11. Already calaacal: Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka oo sheegay in ciidamada Booliiska iyo kuwa NISA ay xirteen xarunta villa Hargeysa Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka, xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa sheegay in taliyaha Booliska iyo Taliyaha Nabad Suggida ay ku khasbeen shaqaalaha Baarlamaanka inay ka guuraan Xarunta Villa Hargeysa, oo ah Xarunta Baarlamaanka.Xigasho Guddooomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay ujeedada laga leeyahay arrintan inay tahay in dib loo dhigo ama la joojiyo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada golaha shacabka, lana cabsi geliyo shaqaalaha si ay ugu dhaga nuglaadaan rabitaannada villa Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, guddiga u xilsaaran howlaha doorashada ayaa soo gabagabeeyay howlahooda ku aaddan doorashada berri, waxayna sheegeen in geedi socodka dimoqraadiyada Soomaaliya uu sii soconayo oo aysan jiridoonin dib udhigid iyo dib u dhac dambe. Xalay ayay ahayd markii guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka uu sheegay in nafsadooda ay qatar ku jirto, isagoo sheegay in lagasoo horjeedo dhaarinta xildhibaannada lagusoo doortay magaalada Ceelwaaq. Doorashada guddoonka barlamaanka ayaa ku beegan maalinta berrito ah, iyadoo khudbadihii musharraxnimo ay jeediyeen musharraxiinta u taagan guddoonka golaha.
  12. Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka Aqalka Sare Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen, taas oo lagu qabanayo Teedhada Afisyoone oo ku dhex taalla xerada Xalane. Doorashada ayaa goordhow billaaban doonta, waxaana haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka xaruntaasi iyo waddooyinka gala. Hoolka lagu qabanayo doorashada ayaa sidoo kale la diyaariyey, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internetka. Marti sharaf kala duwan iyo mas’uuliyiin ayaa sidoo kale ka qaybgalaya doorashada, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare. Xilka guddoomiyaha waxaa isku soo taagay illaa 3 musharrax oo kala ah:- 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi ,2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare waxaa sidoo kale ku tartamaya laba musharrax oo kala ah:- 1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doortay Galmudug 2-Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doortay HirShabelle. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isku soo sharraxay ilaa 7 musharax oo kala ah:- 1-Cabdullaahi Xersi (Timacadde), 2-Senator Cabdi Cusmaan Xareed, 3-Senator Ilyaas Badel Gaboose, 4- Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), 5-Senator Xasan Xuseen Xaaji, 6-Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade), 7-Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte. Beri oo ku beegan 27 April ayaa sidoo kale la qaban doonaa doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, walow khilaaf xoogan uu weli ka taagan yahay kuraasta gobolka Gedo. Xigasho
  13. Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u leeyihiin Dastuurka Puntland. Hadaba, anigoo dhawraya kuna dhaqmaya Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qawaaniinta Dalka, waxaan shacabka sharafta badan ee reer Puntland la wadagayaa: 1. In qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawladda Puntland uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland maadaama uusan Madaxweynuhu hadda ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Dawladda Puntland sida ku cad Qodobka 7-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo dhigan sidan “ Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan, Sanaag” iyo Gobolka Gardafuu oo lagu ansixiyey lifaaq gaar ah” taas oo lagu soo koobay Dadka Puntland, Dhulka Puntland iyo Sohdimihiisa. 2. Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu Dal ku qeexayaa gudaha dhulka iyo sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobadiisa kala ah, qodobka 9-aad, farqadiisa 2-aad, qodobka 103-aad, farqadiisa 4-aad, qodobka 105-aad, farqiisa 2-aad xarafka (b). Hadaba, mas’uul kasta oo Puntland ka haya xil dawladeed kuna dhaartay dhaarta dastuuriga ah ee ku cad qodobka 132-aad oo aan ku sugnayn dhulka iyo sohdimaha Dawladda Puntland, sida uu qabo Dastuurku qodobkiisa 7-aad ma dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo maadaama uusan ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland. 3. Si la mid ah qodobada kor ku xusan, qodobka 132-aad wuxuu si cad u qeexayaa Dhaarta rasmiga ah ee Masuuliyiinta Dawladda sida Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Kuxigeenka lagu dhaariyo, dhaartaas oo ah midda aan la’aanteed masuul xil qaban, gudanna karin, kana dhigan in masuul kasta oo lagu dhaariyo uu ilaaliyo, tixgaliyo isla markaasna ku dhaqmo oo dhawro dhartaas oo u dhigan sidan. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”. 4. Hadaba, qeexitaanada qodobada dastuuriga ah iyo ku-dhaqanka waajibaadka iyo awoodaha Dastuuriga ah ma aha kuwo sidii la doono loo fasiran karo. Sidaas awgeed, Magacaabistii Ma’suuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shaqaalaha Rayidka ah waxaan u maray nidaam sax ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland si gaar ah Qodobka 81-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 37-aad, farqadiisa 1-aad. Hadaba diidmada uu samayeey Madaxweynaha ka maqan dhulka iyo sohdimaha Puntland ma leh awood sharci waxayna baalmarsantahay Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Sidaas darteed Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha magacaaban waxay leeyihiin xaquuq sharci oo dastuuri ah. 5. Ugu danbayntii; Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda ay khusayso in ay u hoggaansamaan fulinta iyo dhaqangalinta digreetada sharciga waafaqsan, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran. Wabillahi Tawfiiq.
  14. Xeer Kusime Madaxweyne Lr 91, April 23, 2022 : kuna saabsan Cafis Maxaabiis bisha Ramadaan. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland. Markaan Arkay:- Dastuurka dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad. Markaan Arkay:- Talo soo jeedinta Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland iyo Talo bixinta Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha ee Puntland. Markaan Tix geliyey:- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Munaasabadda Ciidul-Fidriga. Waxaan Cafis u fidiyey Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 60 Maxbuus oo ku kala jira Xabsiyada kala duwan ee Puntland.
  15. Xeer Kusime Madaxweyne Lr 97, April 25, 2022 Magacaabid Agaasimayaal. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland. Markuu Arkay:- Dastuurka dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad. Markuu Arkay:- Baahida loo qabo dar-dargelinta Shaqada Hay’addaha dowliga ah. Markuu Tixgeliyey:- Aqoonta, Kartida iyo Waayo-aragnimadooda. Wuxuu u Magacaabay:- 1- Waxaa Axmed Shire Axmed (Garoon) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Dakhliga Wasaarada Maaliyada dowladda Puntland. 2- Waxaa Maxamuud Maxamed Axmed (Gurungur) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 3- Waxaa Samsam Cabdiqafaar Maxamuud loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland. 4- Waxaa Cabdirisaaq Maxamuud Faarax loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Hay’adda Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee dowladda Puntland. 5- Waxaa Farxiya Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyada ee dowladda Puntland. 6- Waxaa Cabdiwaduud Yuusuf Faarax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wakaalada Tamarta Dowladda Puntland. 7- Waxaa Cabdulqaadir Siciid Guureeye loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Adeega Caafimaadka, Quudinta, iyo Xaaladaha deg-dega ah ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland. 8-Waxaa Cabdirabi Maxamed Axmed Bootaan loo magaacabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah dowladda Puntland. 9- Waxaa Liibaan Cismaan Siciid loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowladda Puntland. 10- Waxaa Samiiro Cabdulqaadir Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Puntland. 11- Waxaa Axmed Ibraahim Axmed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta iyo Tababarada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 12- Waxaa Mukhtaar Cabdi Ibraahim (Fariiq) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga iyo Xiriirka ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 13- Waxaa Bashiir Maxamuud Yuusuf (Dhaashane) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 14- Waxaa Siciid Ismaaciil Weyrax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kobcinta Kartida iyo Xirfadaha ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 15- Waxaa Abuubakar Nuur Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Cilmi baarista ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland. 16- Waxaa Farxiya Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maaraynta Xogta Biyaha ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland. 17- Waxaa Maxamed Nuur Nageeye loo magacaabay Agaasimaha Maaraynta Xogta Dhulka ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland. 18- Waxaa Xaliimo Maxamuud Cali Aadan (Jabhad) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka dowladda Puntland. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynuhu, wuuna saxiixay. DHAMMAAD
  16. Karaash's first major move: Axmed Karaash oo tallaabo culus qaaday maanta, ka dib… Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa soo saaray wareegtadiisii ugu horreysay tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu Saciid Deni usoo wareegay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololihiisa doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya. Axmed Karaash, ayaa guddoomiyaha gobolka Mudug waxa uu u Magacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamed, magacaabistaan ayaa noqonaysa midii ugu horreysay ee uu sameeyo madaxweyne ku-xigeenka tan iyo markii Deni uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax madaxweyne. Faysal ayaa beddali doono guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ku biiray baarlamaanka 11-aad ee dalka. Madaxweyn ku xigeenka ayaa horey u shaaciyey inuu la wareegay hoggaanka Puntland, si looga fogaado firaaq ku yimaada howlaha maamulka iyo horumarka Puntland.
  17. What honestly? Staying in cushy Xalane while being paid thousands of euros per month, hardly interacting with Soomaalida. I can bet he met no more Soomaali people than the number of fingers on my right hand. I don't give a hoot what NGO industrial complex say about our country. By the way, his Ukrainian people are united analogy speaks more about YOU and your ilk who want to secede and dismember the country.