Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Sheekh Aaden Madoobe seems like inuu dhex dhexaad wali: Sheekh Aadan Madoobe oo go’aan ka gaaray arrinta xildhibaannada Gedo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa goor dhaweyd furay kal-fadhiga kowaad, kulankiisa siddedaad ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana kasoo qeyb galay 157 xildhibaan, kuwaas oo ansixiyay ajandaha maanta oo ah xulista guddiga doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay shaqada ugu weyn ee hortaalla Baarlamaanka inay tahay doorashada madaxweynaha, isla markaana uu doonayo inay si deg deg ah ay u qabsoonto. Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada ka codsaday inay 10 xubnood ay iska dhex doortaan 'si waafaqsan nidaam dheelli tiran.’ Wuxuu sidoo sheegay in lix xubnood oo ku saleysan metelaadda maamul goboleeyada ay sidoo kale uga imaan doonaan dhinaca Aqalka Sare oo isna goor dhaweyd uu u bilowday kulan ay ku dooranayaan guddiga doorashada madaxweynaha. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaas ku daray in maadaama ay tirada guud ee guddigan ay noqon doonto 17 xubnood uu guddoonka Baarlamaanku magacaabi doono xubinta dheeriga ah. Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay golaha soo xaadireen xildhibanno uu ku sheegay in uu ka jiro isqab-qabsi, wuxuuna ku wargeliyay ‘inuu go’aan ka gaari doono’ wixii maanta ka dambeeya. Wuxuu Caddeeyay inay Golaha fariisan doonaan oo kaliya xildhibaannada aanu khilaafka ku jirin, kooramkana aan lagu dari doonin xildhibananada la isku khilaafsan yahay, inta go’aanka kaam dambeysta ah laga gaarayo arrintooda. Kulanka maanta ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe shaaciyey inaan Golaha laga saareynin xildhibaannada wada fadhiya ee is khilaafsan, kana yimid Gobolka Gedo. Xubnaha golaha ayaa hadda ku maqan xulista xildhibaannada ka mid noqon doona guddiga doorashada Madaxweynaha.
  2. Maareeye uu xilka ka qaaday Rooble oo ku gacan sayray, shaaciyeyna sabab yaab leh oo ay isku hayaan Maareeyaha Hay’adda tayo-dhawarka Qaranka Aadan Xasan Bare ayaa sharci darro ku tilmaamay warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo Maareeye KMG ah loogu magacaabay hay’adda. Aadan Xasan Bare ayaa sheegay in warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble aysan laheyn habraac, islamarkaana la isku biday awood dheeri ah. “Maareeye Guud haddii la magacaabayo waxay u baahan tahay in loo maro nidaam, Golaha Wasiirada waxay leeyihiin soo jeedin waxaana lagu magacaaba digreeto Madaxweyne. Sidoo kale midka xilka laga qaadayo wadadaas oo kale ayuu maraya oo Golaha Wasiirada waxay leeyihiin soo jeedinta kadibna waa in uu aqbalo Madaxweynaha,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta loo soo magacaabay Maareeyaha KMG ah ay daba socotay qandaraas sharci darro ah oo ay diiday Hay’adda tayo-dhawrka Qaranka, shaqsi ahaana uu meel adag iska taagay. “Arrintaan waxay aheyd mid soo socotay muddo Afar bilood ah, sida ogtihiin waxaa jiray qandaraas si sharci darro ah ku bixisay Wasaarada Ganacsiga oo la siiyay Ganacsato, wuxuuna qandaraaskaas ahaa howl ay hay’adda u xil saaran tahay. Ganacsatadaas dhinaca kalena waxay xiriir la lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, taasi oo keentay in Ra’iisul Wasaaraha uu culeys nagu saaro in aan aqbalno.” Maareeyaha Hay’adda tayo-dhawarka Qaranka Aadan Xasan Bare ayaa xil ka qaadistiisa ku tilmaamay mid dan shaqsi ah, islamarkaana uu sii wadan doono shaqadiisa, maadama uu waxba kama jiraan tahay ku sheegay warqada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. “Dadka dowladda xilalka ka haya waa inay dhowraan nidaamka dowliga oo aysan ku xad-gudbin hantida iyo mas’uuliyada loo dhiibay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa la socon-siinaya in hay’adda culeyska saaran uu yahay mid dano shaqsi ah, kuwaasi oo ka xoog batay dantii guud, waana ka gudbeyna midaas oo u istaagi meyno.” Xigasho
  3. Axmed Karaash oo markale weerar ku qaaday Saciid Deni Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo boqolaal dadweyne ah Salaada Ciida kula tukaday magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntaland, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa isaga iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Karaash oo weerar toos ah ku qaaday Deni ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo Dastuurka Puntland, sidoo kalena lagu dhaqmo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in sharciga uusan noqon mid ku jira jeeb, isla-markaana lala aado meeshii la doono, sida uu hadalka u dhigay. ”Puntland maahan boombale dhabarka lagu qaato oo haddii la doono Ukrain lala aado waxaa loo baahan yahay in sharciga la ixtiraamo kaas ayaan isku keen keenay, kaas ayaan ku heshiinay kaas ayaa loo baahan yahay inaan adeecno,” ayuu yiri Karaash. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Puntland inay muujiyaan degenaan, isla-markaana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololohiisa doorashada ee xilka madaxweynaha. Si kastaba, Deni ayaa dhowaan jawaab culus ka bixiyey tallaabooyin uu qaaday Karaash, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabis uu sameeyey, taas oo uga sii dartay khilaafka u dhexeeya labada nin. Xigasho
  4. Waxaan wax weyn ma'aha. This safaarad used to be a crumbling homeless shelter until a few years ago. Kan meesha joogo kalaguurkaan ayuu ka faa'ideyso isleeyahay, but will be gone in a few weeks.
  5. Kenya's energy and petrol minister's husband and an adviser to several presidential canadidates:
  6. Maakhir, every candidate has several dilaals inside the big teendho lagu xusho madaxweynaha. I was in Islii markii Farmaajo la xulanaaye in 2017. After every round dilaalyada start moving back and forth for negotiations and vote buying. Dhagta ayaa maanta dhan wax la iskugu sheegaa. So a musharax doesn't have to be a xildhibaan to be inside. Shariifka, like C/raxmaan C/shakuur, iskuma kalsoono. This is his foreign-backed plan B to oppose Farmaajo or Kheyre agenda, should either of them la xusho.
  7. Iskuma kalsoona miyaa? Inuu baarlamaanka mucaarad weyn ka noqdo muu rabaa. Xasan Sheekh was allowed to be a member of Aqalka Sare as a former president yet he never attended.
  8. Also add aniga ayaa ka sii xiga as well because "Carab" ayaa isirkeena isla sheeganaa. Ciid wanaagsan, ya secessionist.
  9. Xildhibaannada Garbahaareey ain't going no where:
  10. You are trying to reason wax qabyaalad qurunkeeda la degtay. There is no reason nor logic that can permeate their qabyaalad-ridden minds. They cannot imagine the possibility of ardentlly supporting someone or a party that is not led by their fellow clan members.
  11. More importantly, it should not be allowed any candidate that lost in the last round to declare openly his/her supporters who to directly support. Meeshaba suuq xoolo dilaal ka dhigeen.
  12. Indhacadde is not a xildhibaan. He is there as a tolkiisa supporter.
  13. This gorgorton seen on this clip is for Khadiijo Diiriye's 21 seats in la gato la rabo for guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka votes. Yaab, how open it is. Caananuug candidacy group bought it, yet still lost. And what is Indhacadde doing in election venue? Another yaab.
  14. The new alliance might have already happened: Saciid Deni, Sheekh Shariif iyo Khadiijo Diiriye oo dhabar jabiyay Jubbaland Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in doorashadii guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka oo ay ku tartamayeen toban murashax ay ka abuurmeen isbaheysiyo siyaasadeed oo cusub. Doorashada ayaa waxaa wareeggii koowaad ugu cod batay afar musharax oo codadka u kala helay sidan: 1. Maxamed-weli Cabdalle Axmed: 59 cod. Waa xildhibaan ku cusub baarlamaanka islamarkaana ku fadhiya kursigii C/weli Muudeey oo loo diiday inuu u dhoofo magaalada Baraawe ee deegaan doorashadiisa, taageerana ka helayay Villa Somalia 2. Maxamed Cali Cumar (Caanonuug): 58 cod. Waxa uu kasoo galay maamul goboleedka Jubaland, taageerayayna Axmed Madoobe iyo Deni, taageeradaas oo ku dhisneyd heshiis hoosaad horay u dhex maray labada maamul in Puntland qaadato Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare, iyo in Jubbaland ay hesho guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka hoose. 3. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar): 52 cod. Waxay deegaan doorashadeeda tahay Puntland waxayna si lama filaan isugu soo sharaxday guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka baarlamaanka, taasoo meel ka dhac ku aheyd heshiiskii ay horay u gaareen Puntland iyo Jubbaland, kana hortimid dalab uu Saciid Deni hordhigay oo aheyd ineysan is-sharxin. 4. Khadiijo Maxamed Diiriye: 21 cod. Waxaa dhisayay Kutlo uu hoggaamiyo Aadan Saransoor waxayna ka goosatay Nabad iyo Nolol. Waxaa dhacday in Maxamed-weli Cabdalle Axmed oo ku horeeyay cododka ugu badan ee xildhibaanada ayaa si lama filaan ah ugu tanaasulay Sacdiya. Deni oo diidan sideey wax u socdeen, xadgudubna ku ah heshiiska siyaasadeed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa wuxuu xiriir lasoo sameeyay Khadiijo maxamed Diiriye isagoona u balan qaaday 300,000 dollar si ay cododkeeda ay ugu tanaasusho Caananuug oo Jubbaland ka socday isagoo ugu talagalay inuusan burburin heshiiska labada maamul. Khadiijo Diiriye oo ogolaaday dalabka Deni ayaa waxay u tanaasushay Caananuug iyadoo kaamirooyinka qabanayaanna waxay cod dheer ku tiri iyadoo farta ku fiiqeyso “Aniga iyo Beene Beene cododkeena waxay aadayaan Caana-Nuug.” Nabad iyo Nolol oo meeshaasi fursad qaali ah ugu soo baxday ayaa u wareegay xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin oo taageero ka heleysa Xisbiga Himilo Qaran ee Shariifka. Guuldaradaasi Caananuug ku habsatay oo sababteeda laheyd Khadiijo Diiriye iyo Saciid Deni ayaa dhanka kale xildhibaanada Himilo Qaran ee Shariifka waxay dhankooda caddaawad u arkeen in Caananuug oo Axmed Madoobe taageerayay uu soo baxo codkoodana u wareejiyay xildhibaanad Sacdiyo. Isku soo wada duub natiijadii doorashooyinka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee kusoo gabagabowday in xildhibaanno kasoo jeeda Puntland ay ku wada guuleysteen guddoomiye kuxigeenada labada aqal inkastoo siyaasad ahaan aysan madalin Puntland laakiin deegaan doorashadoodu ay tahay Puntland. Waxayna taasi guul u tahay Nabad iyo Nolol iyo xisbiga Himilo Qaran oo meel bannaan fursad qaali ah ka helay, lamana dhihi karo guuldaro usoo hoyaday Nabad iyo Nolol.
  15. Some Reer Sanaag also claimed then that Shaatigaduud inuu iyaga ka soo jeedo. So...
  16. Neefkaanaa Soomaali sheeganaayo and many corrupt politicians take his and his master's - Matt Bryden's jaajuus institute Sahan's - advises.
  17. Dowladdaan hadda jirto, especially when Xasan Kheyre was a ra'iisul wasaare, united the support of millions of Soomaalis from every clan, some ardently and unbelievably. They did this not because of financial or political interest, just for the sake of political ideology. That alone is overachievement. That is why they are fiercely loyal to dowladda, regardless how many times the corrupt qabyaaladists tried to cause division. I don't think neighbouring countries pay close to that amount to their soldiers. I remember Kiikuuyada, it was around $300.
  18. Sh. Aaden Madoobe was said to have paid millions of dollars to buy votes financed by some shisheeye - tsk tsk - via Shariifka.
  19. Qoorqoor ayaa siray u keenay, I guess. Now Qoorqoor himself cannot stand Rooblaawaha. He should have named as a ra'iisul wasaare the most loyal to him to this day, Cali Yare Cali, guddoomiye ku xigeenka Banaadir.
  20. What kind of BS is this? Secessionists want to circlejerk themselves. RRA was formed in late 1995 after Caydiid's invasion of Koonfur Galbeed. That time, secessionist habrooyin were fighting among themselves or barely recovering from it. The financiers behind RRA were KG diaspora, mainly Reer Ingiriis and Australia. There was a documentary made by a UK-based Reer KG man in 1999 showing all the leadership RRA in the countryside organizing their final offensive to liberate Baydhabo. Some of the clips from this documentary can be seen on Youtube now. Top leaders were the late Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud, Ibraahin Xaabsade, Cabdalle Deeroow, the new speaker Sh. Aaden Madoobe and Qalinle among others. I watched this documentary in 1999. The VHS was sold to raise funds for RRA.
  21. Blame Farmaajo, don't bother with kaas baahan tusbaxa yar. Farmaajo asagaa Rooblaawe gacanriisa ku keensaday. Kheyre daacad u ahaana sadex sano iyo bar saacado ku buriyey.
  22. Laftagareen could have stood behind Saransoor, who had a little bit of gentleman's agreement to support. But Laftagareen wiilka yar ayuu kaga kalsoonaa because it was him, Xasan C/nuur, who stood beside him for weeks markuu Baydhabo qabsanaaye in late 2018. Saransoor was his lataliye for years after he conceded him to be Koonfur Galbeed leader. Hadduu Saransoor taageeri lahaa inay kursiga helaan laga yaabay, but Saransoor is independent-minded oo la iskuma haleyn karo hadduu helo kursiga. Saransoor's concession hadaljeedin was a revenge against Laftagareen iyo Farmaajo. I know Saransoor and his brothers very closely, especially his younger brothers who are very close to my family.
  23. Sheekh Aadan Madoobe oo durba wajahaya go’aanka kiis xasaasi ah Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay. Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod. Durbadiiba waa la dhaariyay, howasha ugu horreysay ee hor taalla ayaa waxay ay tahay sida laga yeeli doono arrinta gobolka Gedo iyo xildhibaannada lagu soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq. Doorashada ayaa qaadatay wakhti aad u dheer, kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan, waxayna qarka u saartay in ay baaqato doorashadii lagu doortay Madoobe. Ugu dambeyn ayaa waxaa arrintaa lagu xaliyay in codeynta laga reebo 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga. Kaararka aqoonsiga ayaa waxaa bixiya xoghayaha baarlamanka Cabdikariim Buux, waxaase meesha ka marneyn ogolaanshaha guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ku xiran yahay mucaaradka, gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed, waxaana aad loo filayaa inuu sameeyo sida ay doonayaan oo ah in la fasaxo kuraasta Ceelwaaq, balse su’aasha waxay tahay sidaas ma sameyn doonaa mise wuxuu qaadan doonaa tallaabo uu dhexdhexaad isugu muujinayo. Arrinta kale ee jirta ayaa ah in xildhibaanada Ceelwaaq ay soo ansixiyeen guddiga doorashada heer federaal, oo sidoo kale ah kan soo ansixiyey Aadan Madoobe. Sidaas darteed, Aadan Madoobe uma fududa inuu sharci-darro ka dhigo go’aanka guddiga isaga soo meel-mariyey. Wax ay ahaataba waa go’aan la filayo inuu Aadan Madoobe qaato, waxayna noqon kartaa inuu xaaladda kusoo xumeeyo Farmaajo oo guuldarro kala kulmay doorashadii golaha shacabka oo looga adkaaday murashaxiisa Xasan Cabdinuur. Waa markii labaad ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, isaga oo sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010.