Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Mareykanka oo qorsheynaya inuu saldhig ku yeesho magaalada Berbera Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay magaalada Hargeysa kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayay Jeneral Stephen Townsend oo ah taliyaha taliska ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), waxaana wafdigaasi ka mid ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in madaxda labada dhinac ay ka wada hadleen ballaarinta iyo tayeynta iskaashiga Somaliland si la mid ah dowladdaha xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo waafaqsan siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya. Wafdiga ayaa sidoo kale waxay booqasho ku tageen garoonka diyaaraddaha ciidamada cirka ee Berbera, halkaasoo ay qiimeyn ku sameeyeen sanadkii hore. Africom ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in booqashada iyo qiimeynta wafdiga Mareykanka ay qeyb ka tahay dadaalada joogtada ah ee lagu qiimeynaayo goobaha suuragalka ah in ciidamada Mareykanka ugu diyaar garoobaan xaaladaha lama filaanka ama deg dega ah ama in la howlgeliyo marka loo baahdo. Mareykanka ayaa ka fakaraya saldhig cusub oo uu ku yeesho Geeska Afrika, oo aan aheyn kan Jabuuti, xilli uu ka xun yahay in dowladda Jabuuti ay saldhig ka siisay dalkaas dalka Shiinaha oo ay Mareykanka xifaaltamaan. Muuse Biixi ayaa wafdiga Mareykanka uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, isagoo sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dhinac.
  2. Danjiraha Mareykanka iyo saraakiisha uu hoggaamiyo magaalo Soomaaliyeed iskuma aaminaayo. Xamar Xalane safaaradiisa ka soo dhoofay, Hargeysana garoonka ayuu kula kulmay Muuse Muqayil, sida uu Xalane ula kulmo madaxda Soomaalida kale ee Xamar joogtay. Maraykanka: Somaliland waxaanu ula shaqaynayna si waafaqsan Dastuurka Soomaaliya [Kulanka ka dhacay Garoonka Hargeysa dhexdiisa] Qoraal lagu baahiyay boga Twitterka ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in saraakiisha AFRICOM, ay Somaliland u yimaadeen si ay u xoojiyay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, si waafaqsan Dastuurka Soomaaliya. Qoraal ka AFRICOM, ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu Somaliland ula shaqaynayo si lamid ah dowlad goboleedyada ka dhex jira Soomaaliya, iyo iyada oo la ixtiraamayo siyaasada Maraykanka ee ah "Soomaaliya kali ah". "Madaxdu waxay ka wadahadleen balaadhinta iyo tayeynta iskaashiga Somaliland, si la mid ah dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka, oo waafaqsan siyaasadda Maraykanka ee "Soomaaliya keli ah", waafaqsana Dastuurka Soomaaliya" ayaa lagu yidhi qoraalka AFRICOM. Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka ayaa sidii hore kasoo fiicnaanaya tan iyo safarkii madaxweyne Biixi uu ku tagay Washington bishii March, waxaana laga yaaba in iskaashi amaan iyo mid dibulumaasiyadeed dhexmaro labada dhinac. Madaxda ugu saraysa Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa Khamiistii maanta safar ku yimid Somaliland, iyaga oo booqday magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera.
  3. A major candidate dropped out, supporting his ilma adeer: Guuleed oo ka haray tartanka doorashada una tanaasulay C/raxmaan C/shakuur Warsame Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Guuleed uu u tanaasulay islamarkaana taageeray hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay kasoo wada jeedaan beesha Habar-gidir. Tallaabada uu qaaday Guuleed ayaa ku timid cadaadis xooggan oo kaga yimid madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, siyaasiyiin iyo ganacsato kasoo jeeda beesha Habar-gidir, iyo xaqiiqda ah in ololihiisa doorasho uu ahaa mid aan saldhig adag laheyn. Kulanka uu ku dhacay tanaasulka, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Cabdikariin Guuleed, Cabdiraxmaa Cabdishakuur, Axmed Qoor Qoor, Senator Cabdi Qeybdiid, iyo saddex xildhibaan oo kale oo kasoo jeeda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray kadib kulanka ku yiri “Waxaan u mahadcelinayaa walaalkeey C/kariin Xuseen Guuleed oo ii tanaasulay si guul looga keeno tartanka doorashada madaxtinnimada. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, xikdhibaanmada, Senatorrada, odoyaasha, siyaasiyiinta iyo ganacsatada hawshaas qaybta ka ahaa.” Guuleed ayaa lagu warramay in tanaasulka ka sokow uu hadda si xooggan uga shaqeyn doono sidii uu taageero ugu raadin lahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo isaga naftiisa rajadiisa aysan sidaas u weyneyn. Musharaxiinta ugu cadcad doorashada ayaa la rumeysan yahay inay kala yihiin Farmaajo, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre, mana cadda haddii tanaasulka Guuleed uu taas wax ka beddeli doono, sarena usoo qaadi doono Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sida ay fahansan tahay Caasimada Online, isbaheysiga Guuleed iyo Cabdiraxmaan ayaan waxaa inta badan qeyb ka aheyn xildhibaanada beesha Habargidir, oo badankood ah laf dhabarta ololaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, waxayna ka maqnaayeen inta badan kulanka. Si kastaba, tanaasulka Guuleed wuxuu tusaale u noqon doonaa musharaxiin badan oo aan rajo laheyn balse caqabad ku noqon kara fursadaha musharaxiinta ku beesha ah, si gaar ahna kuwa beesha Abgaal. Beesha Abgaal ayaa ah tan ugu musharaxiinta badan balse waxaa la rumeysan yahay inaysan intooda badan rajo laheyn marka laga reebo labadii madaxweyne ee hore ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed. Xigasho
  4. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda magaalada Dhuusomareeb Dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna waljamaaca ayaa weli ka socda qeybo kamid ah magaalada Dhuusomareeb, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo aan weli xog sugan laga haynin. Dad shacab ah ayaa ku geeriyooday rasaasta la isku adeegsanayo, kuwaas oo iyagoo guryahooda ku sugan ay madaafiic kusoo dhaceen, qaarkoodna ay rasaastu haleeshay iyagoo dagaalka ka baxsanaya. Ciidamada Galmudug ayaa lagusoo waramayaa inay dib uga saareen goobaha ay ka dagaalamayeen ciidamada Ahslusunna, kuwaas oo saakay ay u suurto gashay inay la wareegaan qeybo kamid ah magaalada Dhuusomareeb. Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Ahlusunna iyo Shabaab wada socda ay duulaan kusoo qaadeen caasimadda Galmudug, isagoo sheegay inay iska difaaceen. Wasiirka warfaafinta waxa uu sheegay in mar walba oo uu dalka isbeddel galayo ay Ahlsunna isku dayaan inay ka faa’idaystaan oo ay isku dayaan inay qalqal galiyaan ammaanka Galmudug. Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug ay dagaalka ku qabteen dhowr maxaabiis ah oo katirsan ciidamada Ahlusunna ee dagaalka ku jiray. Wixii faahfaahin ah oo soo kordha kala socda wararkeenna dambe. Xigasho
  5. Shalay tolka were celebrating a major unity among them by trying to support one singe candidate for jagada madaxweynaha. Today a major war in Dhuusamareeb, against one another by the same tolka. From this on yesterday: To this today, which is a deliberate provocation related perhaps to the (s)elections: Dagaalka Dhuusamareeb oo xoogeystay iyo wararkii ugu dambeeyey Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa saaka duullaan ballaaran ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana halkaa hadda ka socda dagaal culus. Waxaa la dagaallamaya ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandoosta Gorgor iyo milateriga. Dad deegaanka ah ayaa BBC Soomaali u sheegay in dagaalka xooggiisa uu hadda ka socdo xarunta Inji, xero gadiid, madaxtooyada, cisbitaalka guud iyo saldhigga booliska. “Marba dhinac ayaa la riixayaa oo weli xabbadu way socotaa. Mana jirto cid ku adkaatay ilaa hadda dagaalka,” ayuu yiri qof la hadlay Idaacadda BBC. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka Dhuusamareeb. Xalay ayaa magaalada waxaa ka jirtay cabsi dagaal kadib markii la ogaaday in xooggaga Ahlu Sunna ay ka soo dhaqaaqeen farriisinkooda deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM waqooyi uga beegan Dhuusamareeb. Garoonka Dhuusamareeb oo ku yaalla meel ka baxsan magaalada ayaa waxaa ku sugan ciidamo Jabuutiyaan ah oo ka tirsan ATMIS. Dhammaadkii bishii October 2021 ayaa xooggaga Ahlu Sunna waxaa laga saaray degmada Guriceel oo ay muddo kooban haysteen, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro baahsan.
  6. Hangari already broke with their EU counterparts, paying in rubles for weeks now. Poland iyo Bulgaariya iswaalaayena tubadii gaaska waa laga xirtay.
  7. Keep trying hard, secessionist, as though this would make your little dusty enclave get a little aqoonsi. Dowlad walba caalamka ayaa deen qaadato to support budgets and other operations.
  8. Farmaajo oo khudbaddiisa ku sheegay sida uu ku yimid ‘isbeddel doonka socda’ Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa maanta hortegay xildhibaanada labada Aqal isaga oo u jeediyey khudbadiisa ku aadan barnaamijkiisa siyaasadeed, haddii markale dib loo doorto. Farmaajo ayaa si aad ah uga hadlay waxqabadka dowladdiisa ee 5-tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna diiradda saaray, ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalka Al-Shabaab. Musharrax madaxweyne Farmaajo ayaa markale ka codsaday xildhibaanada labada Aqal inay codkooda siiyaan, si usii uu hoggaamiyo Villa Soomaaliya, wuxuuna ku faanay inuu la dagaalamay musuq-maasuqa, isla-markaana uu xoojiyey dowlad wanaagga Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna sheegay in xasilooni siyaasadeed iyo kobac dhaqaale uu abuuray, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu intaasi ku daray inuu xakameeyey hubka ay heysato dowladda Soomaaliya, si uusan u gelin gacan kale. Dagaalka Al-Shabaab ayuu sidoo kale sheegay inuu xooga saaray, wuxuuna tilmaamay inay gacanta dowladda soo galeen deegaano horleh sida, Sabiid, Caanoole Janaale iyo Marka, inkastoo degmada Marka ay gacanta dowladda soo gashay ka hor maamulka Farmaajo. Dhinaca kale wuxuu sharraxaad ka bixiyey ereyga halka u dhigga u ah ee ‘Isbeddal doonka socd’ wuxuuna xusay in isbeddalkaas uu ka bilowday meesha hada la joogo ee doorashada. “Isbeddelka waxa uu ka yimid wax la yiraahdo isbeddel doonka fadhiidka ah oo taariikhdeena ku suntan, sidaad ogtihiin isbeddal doonka socda wuxuu ka billowdaa waqtiyadaan hadda aa joogno doorashada ah,” ayuu yiri madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday. Haddii markale dib loo doorto wuxuu ballan-qaaday inuu dalka gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna shaaciyey haddii qof kale la doorto inay taasi adkaan doonto. “Annagaa ugu dhow doorasho qof iyo cod ah oo qof cusub haddii uu yimaado ma gaari karo” ayuu sii raaciyey. Si kastaba, hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo gelinka dambe ee maanta, iyada oo doorashada la qabanayo 15 May.
  9. Odeyga has nothing to do Koonfurta aad ku waalatay. He is a wealthy ganacsade from Kiikuuyo land, who settled there before the civil war.
  10. I was wondering why odey Xaaji Yaasiin did not show up this year. Ilaa iyo 2004 la socday mar walba isa soo taagaaye, losing tens of thousands of dollars and each time getting fever than three votes. Odeyga lacagta meel uu geeyo waaye.
  11. Raila Odinga oo ballan qaaday inuu xoojin doono xiriirka Kenya iyo Soomaaliya haddii la doorto Hogagamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, si buu yiri loo hormariyo dhaqaalaha Kenya. Isagoo kula hadlayay magaalada Nairobi ururka ganacsatada xaafaddda Eastleigh, musharaxa madaxweynaha Kenya mr Odinga ayaa wuxuu ku celiyay sida ay uga go’an tahay in uu wax ka qabto canshuuraha badan ee soo wajaha ganacsiyada. Xildhibaan Yuusuf Xasan oo lagasoo doorto xaafadda Eastleigh, iyo Fatuma Gedi oo laga soo doortay Wajeer ayaa sheegay Odinga inuu muujiyay inuu yahay hoggaamiye heer sare ah oo kicinaya dhaqaalaha Kenya. Raila Odinga, hogaamiyaha Orange Democratic Movement (ODM) ayaa horey u sheegay inuu dib usoo celin doono suuqa qaadka ee Kenya hadii loo doorto doorashada sagaalka August ee sannadan 2022. Qaadkii Kenya ay keeni jirtay Soomaaliya oo dhaqaale badan ka soo gali jiray muwaadiniinteeda ayaa waxaa joojisay dowladda Soomaaliya kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada dowladood, wuxuuna Odinga wacad ku maray inuu suuqa soo celin doono marka la doorto. Odinga ayaa sheegay inuu ka warhayo dhibaatooyinka dhaqaale ee soo food saaray dadka reer Kenya. taasoo uu sheegay inay ugu wacan tahay joojinta Qaadka Soomaaliya. “Waan fahansanahay dhibaatada beeraleyda qaadka, waxaana iga go’an in aan xal u helo suuqyada qaadka ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo,” ayuu yiri Raila Odinga.
  12. Raila Odinga, after waiting decades for Kiinyaatiga presidency, is soon going to be elected as one within three months. Kiikuuyo leadership, including Uhuru himself, is behind his re-elections.
  13. Toban iyo shan sano dheh. Bilowgii sanadkii 2007 ayee tageen kuwii u horeeyey.
  14. Wax fadhiyo meesha ma leh. Darbiga iyo kuraasta u hadaljeedinaayaan. Can you believe xildhibaanadaan cusub already mushaarkooda bishaan wey qaateen. Dowladnimo waa taas. Kii joogay 2016 og, iska dhaafee kuwa cusub inay wax qaataan kuwii ka horeeyey sagaal bilood mushaar ma qaadan.
  15. Kan laba iyo tobanaad ka ah liiska is speaking live now:
  16. Reer Muqdisho: Xasan Sh. vs Farmaajo, Farmaajo codka helay:
  17. Xaaji Xunjuf ilma adeeradiisa support madaxweynaha:
  18. Maryooleey dhib badanaa oo haddii xafiiska madaxweynaha la xishmeynaayo si kale isku dir ah u rogaayaan:
  19. Xasan was the kindest to his secessionist inlaws inta ra'iisul wasaare soo martay in the last two decades. I guess his xaas, originally from Togdheer, influences him.