Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Intee ka aqrisay, Che? Don't think there is one. Here is qodobyada quseeyo doorashada madaxweynaha ku qoran axdigii qabyo qoraalka ah ee la qoray 2012: Qodobka 88aad Shuruudaha Doorashada Madaxweynenimada 1. Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Muwaaddin kasta oo: a. Soomaali ah, Muslim ah; b. Da’adiisu ka yareyn afartan sano; c. Leh aqoon ama waayo aragnimo u qalanta xilkaas; d. Dhimirkiisu dhan yahay; e. Gelin danbi culus oo ay maxkamadi xukuntay. Qodobka 89aad Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka 1. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya. 2. Ugu yaraan saddax meelod labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka Federaalka waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka , waxaana guddoominaya afhayeenka Golaha shacabka. 3. Waa in ay musharaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga labada Gole ee Baarlamaanka ugu yaraan toban 20) xildhibaan Golaha Shacabka ama ugu yaaraan hal (1) Dowlad Goboleed. 4. Xubnaha Golaha Aqalka Sare markii ay u codeynayaan dorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka wuxuu qof kasta leeyahay hal cod. 5. Murashax Madaxweyne kasta waa in uu ku dhawaaqa oggolanshaha musharaxnimada waana in uu soo bandhigaa barnamjkiisa doorashada. (a) Codeynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waa qarsoodi; (b) Labada Gole ee Barlaamanka Federaalka waxay Madaxweyne u dooranayaa murashaha ku guleeysta seddax meelod laba xubnaha Laba Gole; (c) Haddii murash ku guuleeysan waayo waxaa codeyn labaad loo qaadayaa afarta murash ee ugu cod badan waxayna ku kala guleeysanayaa seddax meelood laba; (d) Haddii murashna ku guleeysan waayo codbixinta laabad waxaa codbixin seddaxaad loo qaadayaa laba murashaxiin ee ugu cod badan waxaan Madaxweynenimada ku guleeysanaaya murashaha hela a aqlabiyada tirada guud ee xubnaha Barlaamanka.
  2. Adeerkaa already waala ilbixiyey by naming agaasimaha madaxtooyada to be qof qabiil kale ka soo jeedaa. He already learned this from madaxweyne Farmaajo whose agaasimiyaal were not from his clans. Markuu jagada haaye 2012-2017 tolkiisa hoose agaasime madaxtooyo u wada ahaa.
  3. Maxamed Cabdullaahi Farmaaho: Afar arrimood oo laga filayo madaxweynihii hore Villa Soomaaliya kaddib Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta xafiiska ku wareejiyay madaxweynaha cusub ee la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud. Laakiin dad badan waxay iswaydiinayaan tallaabada xigta ee uu qaadi doono Farmaajo. Sida caadiga ah, madaxweynaha cusub waxa uu guda geli doonaa shaqooyinkiisa ku saabsan dhismaha dowladda, oo uu ugu horreeyo soo magacaabista Ra'iisul Wasaare, inkastoo wali aysan dhicin munaasabadda wayn ee caleema-saarka. Balse waxaa muuqata in dhegta loo taagayo mustaqbalka madaxweynihii hore iyo waxyaabaha hadda la gudboon, maadaama uu maanTa si rasmi ah xil wareejin u sameeyay. Haddaba kuwani waa afar arrimood oo ka mid ah waxyaabaha sida gaarka ah looga dhowrayo Xaguu dagayaa? Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee ay su'aashu ka taagan tahay waa halka uu saldhig ka dhiganayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shantii sano ee lasoo dhaafay hoyga madaxweynihii hore waxa uu ahaa madaxtooyada Villa Soomaaliya, isagoo hayay xilka ugu sarreeya dowladda federaalka. Balse hadda waxa uu noqday muwaadhin aanan haysanin xasaanaddii madaxweynenimada. Tan iyo markii ay doorashada soo idlaatay, waxaa socday qabanqaabada lagu diyaarinayay guriga uu dagayo madaxweynaha ka tagay xilka. Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ayaa warfidiyeenka u xaqiijiyay in madaxweynihii hore uu dagi doono dalka gudihiisa, dibaddana uusan u soconin. Inkastoo aan faahfaahin buuxda laga heynin, waxaa lasoo tebiyay in Farmaajo uu kireystay guri ku yaalla waddada u dhaxaysa isgoyska KM4 iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle. Aaggan oo dadka qaar u yaqaanaan aagga qadka cagaaran, halkaas oo ay degenyihiin madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda jooga qaarkood. Waa goob amnigeeda adagyahay, dadka caadiga ahna aysan galaangal u lahayn. Xitaa qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah waxay shaaciyeen in guriga cusub ee Farmaajo uu horay u dagganaan jiray Madaxweyne dowlad goboleedyada ka mid ah. Dhulkan oo ka sokeeya garoonka ayaa waxaa qeyb ka mid ah ku ooli jirey mac-hadkii tabobarka farsamada gacanta ee Jarmalka, balse sanadihii burburka kadib waxaa daganaa dad barokacayaal ah, kuwaas oo laga kiciyay xilligii dowladda ka horeysay tan Farmaajo. Filashada taageerayaashiisa Ka hor inta uusan Farmaajo noqonin Madaxweynaha Soomaaliya iyo markii xilka loo doortay kaddibba waxaa muuqday taageero xoog leh oo uu ku leeyahay shacabka Soomaalida. Su'aalaha ay dadka la dhacsan fikirka iyo maamulka Farmaajo iswaydiinayaan waxaa ka mid ah nooca ay yihiin barnaamijyada uu ugu talogalay, maadaama uu hadda kasoo faraxashay shaqadii mashquulka badnayd ee hoggaaminta qaranka. Ugu yaraan waxaa laga dhowrayaa in uu shaaciyo tallaabadiisa siyaasadeed ee xigta, ilaa haddana ma muuqdo wax qorshe ah oo ku aaddan in uu dalka ka baxayo. Waxaase la xasuustaa in toban sano ka hor markii laga wareejiyay xilka Ra'iisul Wasaaraha, inta uusan madaxweyne noqonin, uu durbadiiba aaday qurbaha. Balse hadda maadaamaa uu dalka degayo, waxaa durba taageerayaashiisa ay is weeydiinayaan qaabka madaxweynihii hore uu u jihayn doono iyo barnaamijyada ay ka filan doonaan. Xildhibaannimo Sida ku xusan dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya, qof walba oo noqda madaxweyne rasmi ah oo aan kumeel gaar ahayn waxa uu xaq u yeelanayaa inuu xubin joogto ah ka noqdo baarlamaanka federaalka, gaar ahaan Golaha Shacabka. Xubintaasi oo ah xubin sharafeed. Cid kasta ayaa hadda filan karta in Farmaajo uu kasoo muuqdo hoolka shirarka ee Baarlamaanka, si la mid ah xildhibaannada kale lasoo doortay. Waxaa xusid mudan in baarlamaanka ay ku jiraan illaa 110 xildhibaan oo isaga taageersan, lana dhacsan qaab hoggaamintiisa. Madaxweynaha hadda la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud, oo horay mar kale xilka usoo qabtay ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa xildhibaanka kaliya ee haystay kursiga joogtada ah ee baarlamaanka. Haddii uu Farmaajo soo xaadiro Golaha Shacabka, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee isagoo xildhibaan caadi ah uu halkaas tago. Laakiin lama oga goorta uu bilaabi doono inuu xildhibaannimadiisa dhaqan geliyo. Mucaarad mise Muxaafid? Kan waxaa lagu tilmaami karaa qodobka ugu wayn ee sharraxaaddiisa laga sugayo Farmaajo. Habeenkii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii xilka madaxweynaha ee uu ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, Farmaajo waxa uu goobta ka sheegay in uu Alle u baryayo madaxweynaha cusub si uu howsha ugu fududeeyo, isagana uu la shaqayn doono. Maalmihii xigayba waxa uu madaxweynaha baddalay kusoo dhaweeyay xafiiska madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Durbana waxaa muuqday in ay soo idlaatay xiisaddii siyaasadeed ee labada mas'uul horay uga dhaxaysay. Afhayeenka madaxweynihii hore, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, oo wax laga waydiiyay qorshaha Farmaajo, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Universal ku yiri: "Madaxweynuhu dalka ayuu joogi doonaa, markiisii horeba nin nabad doon ah ayuu ahaa haddana wuxuu noqon doonaa nabad doonkiisii, oo ah inuu umadda isu dumo iyo inuu mar walba ka shaqeeyo wanaagga." Waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in Farmaajo uusan kasoo hor jeedsan doonin dowladda hadda xilka kala wareegtay. "Qorshaha marna kuma jirto wax mucaarad ah iyo wax arrimahaas ku saabsan, muhiimaddu waxay tahay in sidii uu markii horeba madaxweynuhu ku baaqay uu barbar istaagayo dowladda cusub iyo madaxweynaha cusub," ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qudhiisa ayaa khudbaddii uu maanta ka jeediyay xil wareejinta kusoo hadal qaaday isla mowduucan. Waxa uu u muuqday inuu taageerayaashiisa ugu baaqayay inay la saftaan dowladda cusub. "Shacabka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo taageerada ay i siiyeen shantii sano iyo sida dhow ee walaaltinnimada leh ee ay noola shaqeeyeen. Waxaana rabaa inaan la dardaarmo oo aan ku dhaho waa inaad la shaqaysaan madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud. "Doorashadii way dhammaatay, hadda waxaa la galayaa waqti shaqo, shaqada uu hayo madaxweynuhuna wuxuu u qabanayaa umadda Soomaaliyeed, sidaas darteed, aan ku garab galno, u midowno, ku taageerno, maxaa yeelay waxaan nahay dal kasoo kabanaya burbur aad u qota dheer," ayaa ka mid ahaa erayada uu kusoo gabogabeeyay khudbaddiisa. Madaxweynihii isaga ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed bilaabay labo sano kadib markii uu Farmaajo xilka joogay. BBC Soomaali
  4. His first magacaabid is his chief of staff oo tolka hoose ah. Does he think inaanan mucaaradeynin? Try harder.
  5. I like this music, which is a modernised version of the heyday 1980s beat. Dowladda Xasan Sh. should keep it, but knowing kuwa wato u shaqeeyo, they will wrongly associate it with Farmaajo and will quickly replace it.
  6. September 16, 2016 – The Indian Ocean Newsletter has learnt that President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia has obtained from DP World that it pays his country a bonus of $2 million when it signs the contract, in return for which he will not oppose it running the port of Berbera in Somaliland (see also below). Africa Intelligence
  7. From the horse's mouth: UAE backs Somalia unity as port deal unravels The breakaway region of Somaliland has suffered a blow in its quest for international recognition after the United Arab Emirates (UAE) — one of its key allies — said it supports the unity of Somalia. In an interview with the BBC on Wednesday, UAE’s Minister of State for Foreign Affairs Dr Anwar bin Mohammed Gargash said that the emirates don’t have a consulate in Somaliland and that the country supports one Somalia. Signed the agreement Mr Gargash also poured cold water on the recent controversial agreement between Somaliland, Ethiopia and UAE logistics giant DP World on the Somaliland Port of Berbera, arguing that UAE had signed the agreement with Somalia government of president Hassan Sheikh Mohamud. In March, Ethiopia acquired a 19 per cent stake in the port for $80 million, while DP World and Somaliland took 51 per cent and 30 per cent stakes respectively. But Mogadishu declared the agreement “null and void,” arguing that the deal was against the principle of unity of Somalia and that the responsibility to sign such agreements remained with the Federal Government of Somalia. The remarks by the UAE Foreign Minister add a fresh twist to the tension between Somalia and Somaliland over the latter’s nearly three-decade struggle to secede. On Thursday, Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro, leader of the main Somaliland opposition party Waddani, asked President Musa Bihi Abdi to resign for “lying” to the public about the Berbera port deal. Mr Irro, who lost to Mr Bihi in the November 2017 presidential election, reiterated that the port agreements were signed by federal government and not by Somaliland. Military base The new development is likely to weaken relations between Somaliland and the UAE. Ties between the two were perceived to be strengthening especially after the Emirates announced in March plans to train Somaliland’s security forces, just a year after it began constructing a military base in the semiautonomous northern region. Analysts believe that UAE’s sudden backpedalling could be meant to cool down the diplomatic tensions with Mogadishu that led to the termination of a military training and funding deal between the countries last week. Seizure of $9.6m Somalia announced the disbandment of the UAE programme to train and pay salaries to some of its forces, a dispute erupted between them over Somalia’s seizure of some $9.6 million from the UAE at the Mogadishu Airport earlier. Somaliland declared itself and autonomous region after the collapse Somalia’s central government in 1991, but the two states have always has always clashed mainly over the use of resources, governance and territorial areas. Xigasho
  8. Nah. Xasan Sheekh waa naqaanaa, he will do everything short of accepting secession. He will just agree and be bribed as he did to Berbera port. Asagaa saxiixay.
  9. Haaruun ia a known jaajuus. His name along with many others, including those who set up Heritage Institute, including its leader, Ceynte, were on an exposed list a few years ago, sharing paid intelligence with a private American intelligence-gathering institute.
  10. Baahane thinks shaqsi = dowlad. Tan inay dhaawaceyso ma'oga mustaqbalka dowladaha soo socdo Soomaaliya. Beri ayee haddana lacagtooda tuugada soo dajisan doonaan since they see some so-called leaders can easily be bought. Also this ten million still in the bankiga dhexe account after all these hears says a lot more about incorruptibility of dowladaan hadda xilligeeda sii dhamaanaayo. Another move lagu amaano. Kuwa aan ogahay haddee xilkaan heyn lahaayeen mar hore la kici lahaayeen.
  11. After another day of meeting of the below photo, another rufyaanimo move: DF oo si rasmi ah maanta u fasaxday lacagtii laga xayiray IMAARAADKA CARABTA Lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee dowladda Soomaaliya ay xayirtay bishii April 2018 ayaa ugu dambeyn maanta la fasaxay, ayada oo lagu wareejiyey safiirka dalkaas ee Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.” Sii-deynta lacagtaas oo dhan $9.6 milyan ee maanta ayaa timid kadib go’aan kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagtaas, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Maxkamadda u xaqiijiyeen Caasimada Online. Kadib go’aankaas, ayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu lacagta ku wareejiyey safiirka Imaaraadka ee Muqdisho Mohamed Ahmed Al’uthman. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii Janaayo 2022 wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacagtaas oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, wuxuuna amray in la fasaxo. Isla maalinkaas Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah dib u celinta lacagtii dowladda Imaaradka wuxuuna guddoomiyaha Bankiga Dhexe ka dalbaday in uusan ogolaan in go’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lacagtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku tilmaamay mid hal nin qaatay. Muranka Rooble iyo Farmaajo ayaa waxaa 30-kii Janaayo soo faro-gelisay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo saartay amar lagu hakinayo bixinta lacagta Imaaraadka taasi oo hakad gelisay in lagu wareejiyo dowladda Imaaraadka. Si kastaba, Maxkamadda ayaa hadda u muuqata inay maanta beddeshay go’aankeedii hore, waxayna soo saartay amar cusub oo lagu fasaxay lacagta ugu dambeynna dib loogu celiyey Imaaraadka Carabta.
  12. Xasan Sh. iyo xirtiisa waxee yihiin Yusur Abraar oo maalmo yaab dartiisa xilka ugu carartay ha laga wareysto.
  13. Ahahhahaha. Xasan Tuug ayaa noo amaaneysaa. Dowladda hadda jirto waxee qabatay Soomaali dhan ayaa og and supported by Soomaalis all walks of life, regardless of qabiil. Regardless of revisionism by failed opportunist siyaasi daneyste kursigiisa waaye ku tell us otherwise.
  14. Soomaaliya doorashadeeda iyo xulashadeeda qabyo iyo qaraab ha iska ahaatee laakiin xilwareejin dhab ayee ka dhigaan, oo kursiga iskuma dhajiyaan, tan iyo Aaden Cadde. Compare that to our immediate and far neighbours in Jabuuti, Kiinya, Itoobiya, Eritareeya, Ugaandha, Burundi, Rawaandha, Yeman, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Koongo, Cumaan, Sacuudiga, Imaaraadka, Qadar, Kuweyd... Goormaa ugu dambeysay madax xilal isku wareejiyey dalalkaan ka tirsan? Ma dhicin, inay dhintaan ama waqtiga ka dhamaado ma'ahee.
  15. A losing nin careysan is going back: Deni oo qorsheynaya laba tallaabo oo xasaasi ah marka uu ku laabto Puntland Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guul dareystay doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya, ayaa qorsheynayo in marka uu dib ugu laabto magaalada Garoowe uu qaado dhowr tallaabo oo uu u arko inuu kaga hilmaami karo caradii uu ka qaaday guuldaradii doorasho ee Muqdisho. Saciid Deni ayaa qorsheeyay in tallaabada koowaad uu ka qaado madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo xiligii Deni uu ku sugnaa Muqdisho soo saaray wareegto uu xilka kula wareegay, islamarkaana safarka Deni ku tilmaamay mid sharci darro ah, maadaama uu olole siyaasadeed galayna ay aheyd inuu xilka wareejiyo. Deni ayaa waxaa u qorsheysan in uu kiciyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo kulankooda ugu horeeyo uu dhici doono bisha June, hase ahaatee suuragal ay tahay in lasoo hormariyo furitaanka fadhiga baarlamaanka Puntland si loosoo gabagabeeyo waayaha xukun ee Axmed Karaash. Tallaabada labaad ee uu qaadi doono Deni ayaa noqon doonta inuu tallaabo aan caddeyn uu ka qaadi doono kooxdii reer Puntland ee ku dhabar jabisay doorashadii uu ku guuldareystay ee madaxtinimada Soomaaliya, kooxdaasi oo isla doorashooyinkii golaha deegaanka ee Qardho guuldaradii uu kala kulmay sidaan oo kale dhabar jabiyay una sabab ahaa guuldaradii soo gaartay. Kooxda dhabar jabisay oo isugu jirta xildhibaano heer federaal iyo siyaasiyiin ayaa wararka ay heshay Caasimada Online ay sheegayaan inay ka mid yihiin xildhibaano laga soo doortay Puntland oo tiradooda gaarayaan lix kuwaas oo aan codkooda siinin Saciid Deni, waxaana xubnahaasi ka mid, Sacdiya Salaad Samatar oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamanka, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Sareedo Maxamed Cabdi iyo xildhibaan Cali Xoosh. Saciid Deni oo adkeysigiisa siyaasadeed ku lamaanan caro badan ayaa la filayaa in safarka uu ku joogo Muqdisho soo gaabiyo maadaama mowjado siyaasadeed ay ugu furan yihiin Puntland. Xigasho
  16. I am hearing from war suuqeedka that Farmaajo will stay, live and remain in the country, in Xamar and not leave as the other former leaders did. Xasan Sheekh was an exception and mostly lived in Xamar from 2017. No wonder Shariifka kept losing because he never lives in Xamar and spends for years between his wives' homes abroad, to only arrive in the last year of any election time. We will see if this becomes true and not move to Dooxa as I assumed he would.
  17. Shirkadaha Soomaalida are becoming agglomerated corporations now, among them Banaadir Electricity Company, known as Beco. It is the only monopoly company that provides electricity in Muqdisho and Koonfurta. The other big company is Hormuud. Canshuur ma dhiibaan. So it is the next natural step that they will fund candidates they can control now, in order to have access to free easy public lands and not to pay any future taxes.
  18. Somebody, a body consultant, must have told Xasan Sh. ("Qoslaaye") to stop smiling and laughing too much in public. His new body image tries to be a very reserved man. Not bad.
  19. More from the munaafuq in 2015: “Soomaaliya Waxa Innagaga Socda Mashruuc Weyn Oo Xasan Sheekh Inagula Dagaalamayo” Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu god madoow ku riday mustaqbalka Soomaaliya, isla markaana maamulkiisu uu guul-darooyin hagar-daamayn joogto ah ku hayo ummadda Soomaaliyeed. Eng. Faysal ayaa sidoo kale waxa aan suurtogelaynin ku tilmaamay heshiiska xukuumadda Xamar ay la saxeexatay shirkad la sheegay inay shiidaal ka baadhayso Soomaaliya, iyadoo sida la sheegay heshiiskaasi ay ku jirtay meelaha shiidaalka laga baadhayo degaamo ka tirsan dhulka Somaliland. Guddoomiyaha UCID oo shalay magaaladda Hargaysa ugu waramayay Horn Cable TV, waxa uu tilmaamay in waxyaabaha uu waddo Xasan Sheekh ay yihiin kuwo aan soconaynin, maadaama degaamadda uu maamulkiisu ka taliyaa ku kooban yahay magaaladda Muqdisho oo keliya, sidaas darteedna aanay jirin awood uu cid kale ugu hadli karo. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa inay tahay guul-darro ku timid Xasan Sheekh iyo maamulkiisa, god-madow ayuu ku riday Xasan Sheekh mustaqbalkii yaraa, ee bidhaamayay ee arrimaha Soomaalida. la yaabi maayo inuu ku dhaqaaqo arrintani, laakiin wax hirgeli karra ma aha. Sababta aanay u hirgeli karina waxay tahay inta uu isagu gacanta ku hayaa haddii ay u badato waa intaa yar ee Banaadir. Banaadir-na dadkii lahaa ee Banaadiriyiinta ahaan waa kuwan ururka samaystay, oo way dulman yihiin, markaa cid uu u hadli karro ninkaasi iyo maamulkiisu ma jirto. reer Garoowe ma ogolaanayaan, Somaliland-na hadalkeedaba daa. Markaa waxay ila tahay uun waa guuldaradaa uu waddo, maamul xumaanta uu waddo iyo hunguri weynaantaa uu waddo, ayuun bay ka mid tahay." Eng. Faysal, ayaa intaasi raaciyay in dhawr jeer oo hore in dawladda Xamar ay sidan oo kale samayso, hase yeeshee xiligii uu ina C/rashiid Raysal wasaaraha ka ahaa ay tani oo kale dhacday, balse ay tallaabadaasi ku gacan saydheen baarlamaanku, isagoo rejo ka muujiyey in tanina aanay baarlamaanku aqbali doonin. “Arrintani oo kale hore ayay u timid xiligii uu raysal wasaaraha ahaa in C/rashiid, baarlamaanku waa kii diiday. Maantana waxay ila tahay in aanu baarlamaanku waxan ogolaan doonin. Khayraadku dadka Soomaalida oo dhan ayuu ka wadda dhexeeyaa, ama ha noqoto Jabuuti, NFD (Soomaalida Kenya), wixii Soomaaliya leedahay way wada leedahay, waa kala dawladdo laakiin waa isku dad” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID. Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu sheegay in Qasdigii ay dawladaha caalamku aqoonsiga buuxa ku siiyeen Soomaaliya ee ku meel-gaadhnimadda lagaga saaray uu ahaa mid looga dan lahaa in lagu bili-liqaysto khayraadka iyo dhaqaalaha umadda Soomaaliya. Waxaanu yidhi “Marka hore waxaan doonayaa in aan idiin sheego Qasdigii beesha caalamku ka lahayd in laga saarro dawladda Soomaaliya ku meel-gaadhnimada ee loogu yidhi waxaad tihiin dawlad rasmi ah, muraadka u weyn ee laga lahaa wuxuu ahaa in la bili-liqaysto, oo dawlad aan jirin inta la sameeyo oo lagu yidhaahdo waa lagu ictiraafay, ka dibna wixii laga rabbo laga saxeexdo. Markaa qorshahaasi ayaa ka koow ka ahaa, wax lala yaabana ma aha, oo waa tii shirkadii Ingiriiska ahayd ee ka horaysayba la siiyay, Xasan Sheekh oo aynu ognahay in aanu xataa Xallane (dugsi tababar ciidan oo Xamar ku yaalla) waxa ka socda ogayn in uu waxyaabahan galo waa mid lala yaabo. Waxan kolba White house-ka (aqalka cad ee looga talliyo Maraykanka) loo gaynayo iyo ten street, ee Raysal-wasaareyaasha iyo aduunka loo gaynayo, ee kolba la leeyahay waxaa laguu samaynayaa New deal, New Compact iyo waxaa la sheeg-sheegayaa waa riwaayad la doonayo in umadda Soomaalidda khayraadkooda iyo dhaqaaleheeda lagu bili-liqaysto”. Xigasho
  20. Shirwac, waa iska taqaanaa munaafaqaas yaah. Here is what Feysal Dhurwaa ka aaminsanaa Xasan Sheekh in 2015: Inj. Faysal: Mudadii uu Talada Hayay Xasan Sheekh Soomaaliya Muranno badan ayay Gashay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa Sheegay in muddadii uu Xilka hayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud uu muran badan geliyay dalka. Inj. Faysal ayaa Tilmaamay in khilaafyo badan uu ka jiro Maamul-goboleedyada Dalka ka jira, isagoo xusay in arrintaas ay caqabad ku tahay inay horay u socoto Dowladda Soomaaliya. Isagoo eedda murankan taagan dusha ka saaran Xasan Sh. Maxamuud. “Xasan Sheekh muran ayuu geliyay mudadii uu shaqeynayay, waxaad Aragtaa in muran ka taagan yahay; Degmooyinka Kismaayo, Cadaado iyo kuwo kale oo Soomaaliya ka mid ah, Waxaa ka socota Cadaalad-darro, Maamullo aan jirinna dadka waa lagu khasabaya dadka,” ayuu hadalkiisa ku aray Inj. Waraabe. Sidoo kale, Inj. Faysal oo ka hadlay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ka furtay Magaalada Buuhoodle oo ay ka taliso Khaatumo ayuu Xusay in taasi aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin Somaliland. “Degmada Boohoodle waa degmo yar, maamulka ma aanu gaarin, Annagana ma doonayno in dagaal lagu qaado, Prof. Cali Khaliif Galeyr in dadka dagaal lagu qaado buu rabaa, balse Xafiis yar oo Baasaboor lagu iibiyo Waxba inooma Dhibayo,” ayuu Inj. Waraabe yiri mar kale . Ugu dambeyn, Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa xusay in wadahadal ay kula jiraan Wax-garadka ku dhaqan Buuhoodle, isl amarkaana lagu baahin doono maamulka Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, hadalka Inj. Faysal Waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor uu Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxmauud u dabaal-dagay Sannad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay markii xilka loo doortay. Siteembar, 2015
  21. Abtigiis: Madaxwayne Mustafe Cagjar oo hambalyo u diray Madaxwaynaha Soomaaliya ee xalay la doortay Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, oo doorashadii Soomaaliya kadib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu u hambalyeeyay Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa qoraalkiisa sidan ku billaabay, "Anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka Xukuumadda Dawladda Degaanka Soomaalida, waxaan hambalyo diiran u dirayaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday". "Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo door muhiim ah ka ciyaaray adkeeynta xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya". Sidoo kale qaar kamid ah Xisbiyada siyaasadda ee dowlad degaanka Soomaalida oo uu kamid yahay ONLF, ayaa iyaguna geestooda, waxay soo dhaweeyeen Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya ee xalay la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.