Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,519
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    313

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Khudbadda Abiy Ahmed oo noqotay tan ugu saameynta badan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb-gashay xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jeediyey khudbad cajiib ah, isaga oo ku hadlayey luqadda Ingiriiska iyo Afka Soomaali. Abiy oo si weyn loogu Sacbiyey marka uu khudbaddiisa kusoo daray erayo af Soomaali ah ayaa ka hadlay arrimo xasaasi, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. “Waxaa iga go’an inaan sii wadno iskaashiga labad dal iyo dadka walaalaha ah,” ayuu yiri khudbaddiisa Abiy Axmed, isaga oo ku hadlayey afka Soomaaliga. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu Soomaaliya u rajeynayo nabad waarta iyo barwaaqo, isaga oo ereyadaas sidoo kale ku yiri afka Soomaaliga. “Waxaa u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu la shaqeyn doono Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna isku kaashan doonaan, darisnimo iyo walaalnimo. “Soomaaliya ha noolaato, Itoobiyana ha noolaato,” ayuu kusoo gabagabeeyey kudbaddiisa ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya. Abiy Axmed ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibka Maxamed Farmaajo, waxayna iskala tirsanaayeen isbaheysiga saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya & Eritrea. Xigasho
  2. Awal Axmed Madoobe iyo Deni garoonka iyo Xalane ma soo dhaafi jirin in the last two years. Ciidamo fara badana istustus ah wey keensan jireen. All that in lagu xumeeyo Farmaajo dowladiisa. Now it is Laftagareen and Qoorqoor's turn to play the game. Isbedel ku yimid habkii ay madax goboleedyada ku iman jireen Muqdisho – Maxaa dhacay maanta? Isbedelka hoggaamineed ee dalka ka dhacay ayaa saameyntiisa durba laga dereemayaa hanaanka ay gudaha Muqdisho u kala degeen madaxda dowlad goboleedyada dalka. Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Galmudug oo caawa ku hoyanaya Muqdisho ayaa degay hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Halka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo intii uu Farmaajo xukunka joogay aan soo dhaafi jirin agagaarka garoonka uu hadda degan yahay guri ka soo hor jeeda Madaxtooyada Soomaaliya. Arrimaha cajiibka ah waa in Madaxweyne Laftagareen uu maanta markii u horeysay Muqdisho la yimid diyaarad sida ciidamo aad u hubeysan, halka xilligii uu Farmaajo xukunka hayay uusan wax ciidan soo wada jirin. Ciidamada Nabadsugidda iyo Asluubta federaalka ayaa Laftagareen kasoo gelbi jiray garoonka markii uu yimaado Muqdisho, balse hadda waxaa muuqata in arrintaasi ay is bedeshay, kadib guul daradii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo. Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa hadda ku wada sugan Muqdisho, kuwaas oo berri ka qeyb gelaya xafladda caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacaysa teendhada Afisyooni.
  3. Don't pay any attention to this fudeedbadane isbaaro iyo xaaraan lagu soo koriyey. Karbaash ayee wax ku fahmaan, just as his isbaariiste adeeriyaal who occupied degmooyinka Shabeellaha Hoose 20 years ago. In 2002, isbaariste Dhuxuloow's isbaaro was in Baraawe. Indhacadde's isbaaro was in Qoryooleey. Ilqeyrte's isbaaro was in Marka. There was another in Afgooye, too, at that time. All eliminated now and liberated from these deegaano and went back to to their Mudug after ee quusteen. These degmooyin are now ruled by the rightful locals. This little fudeedbadane boy wishes trolling online will change that.
  4. Yariisoow fudeedbadane, nice to see inaa dharka dhigatid. Now stick with your desert deegaan. Don't be ashamed of it. Don't claim KG, you are irrelevant, more so in Shabeellaha Hoose whose guddoomiye is dhaladka deegaanka, dito to guddoomiyaasha Baraawe, Marko, Qoryooleey, Awdheegle, Daafeed/Wanlaweyn, Janaale and so on. Hal xildhibaan ma aadan helin out of all 77 xildhibaanno, the rest of Soomaalida got at least one. Isbaaradiina Mudug taalay ku ekoow, don't claim dad iyo deegaan aanan rabin xaaraantaada iyo isbaaradaada.
  5. Fahad Yaasiin “Soomaaliya halisaha ku gadaaman waxaa qayb ah shaqada Axmed Madoobe ka hayo. Madaxda ugu saraysa Kenya, annagoo is horfadhina oo Madoobe fadhiyo ayaan ku idhi, u sheega Madoobe in Madaxweynihiisu yahay Farmaajo ee aanu ahayn Madaxweynaha Kenya.”
  6. Says the yariisoow dude above from the deserts of Mudug who is obsessed about the lushes of Koonfur Galbeed, a region he and his ilk has zero connection with. They couldn't even get a single xildhibaan in Baraawe's 16 seats after desperstely trying to. Stick with Mudug if you want others to stick with their deegaano.
  7. Haddaa ogaatidna, your next su'aal inevitably will be reerka ninka qabo ama reerka ilmaheeda ka soo jeedaan.
  8. He is indirectly telling decent NISA agents not to disclose any sensitive documents to Mahad Geeljire. I hope they do that. Mahad Geeljire meesha waxa loo geeyey inuu burburiyo and is being advised by anti-Soomaaliya criminal Matt Bryden of Sahal.
  9. Warar aad la isla dhex maraayo ayaa sheegaayo Xasan Sh. wants a female ra'iisul wasaare and the top on that list is a diplomat by the name of Abyan (Ebyan) Ladane Faarax, a long time ambassador to Hindiya and since 2019, daljiraha Soomaaliya to Switzerland and other central European countries. She holds a Canadian citizenship. She was nominated as a daljire to Hindiya during dowladii C/llaahi Yuusuf in 2007 and worked with other presidents since then.
  10. This is coordinated, I guess. I hope they release it on Juun 9th MBB madaxa ha qarxee.
  11. Kana tuug weyn sanadkaan soo shaac baxay, Imaaraadka ayaa biisho:
  12. The rufiyaan still making his rounds. Unbelievable. Maalin cad ayuu na tusaayaa inuu dalkeena milkiile ka yahay, asking what their investments are doing: ''Al-Othman, UAE Ambassador to Somalia, met with HE Adam Mohamed Nur Madobe, Speaker of the People's Assembly of the Federal Republic of Somalia, and the meeting discussed ways to develop bilateral relations between the two brotherly countries and enhance parliamentary cooperation.''
  13. Xasan Sh.'s advisers are desperate and are already desperately trying to emulate. They posted the top image on social media laakiin Reer Baraha Bulshada were quick to show meesha laga soo koobiyeeyey:
  14. Jawaarina waa iskeenay: Jawaari oo si cajiib ah uga hadlay ololaha ‘guriga loogu dhisayo’ Maxamed Farmaajo Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay guriga la sheegay in qaaraan dadka laga uruuriyey loogu dhisayo madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Guddoomiye Jawaari oo wareysigaan siiyey Tv-ga Dalsan ayaa fowdo weyn iyo ceeb ku tilmaamay guriga Farmaajo loo dhisayo, isagoo sheegay in Madaxweynihii hore uu leeyahay xuquuq dastuuri ah, isla markaana uusan qaaraan u baahneyn. “Dadka Farmaajo dhahaya guri ayaan kuu dhiseynaa, waxay wadaan faduul iyo sharaf dil ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwa Farmaajo kula talinaaya waxay kuu dhiseynaa guri oo lacag ayaan kuu uruurineynaa, waxay wadaan fowdo lagu ceebeynayo shacabka, waxaan u soo jeedinayaa inay ka haraan waxaas,” ayuu yiri Prof. Jawaari. Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka, wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda siyaasadda ay horay maamuus ugu sameeyeen madaxweynihii xukunka si nabad ah uga dega. “Wuxuu sharcigeenu qabaa madaxweynihii aan qiyaano qaran gelin oo si nabad ah xukunka ku wareejiya inuu xaq u yeelanayo xildhibaan inta uu noolyahay,” ayuu hadalkiisa ku soo daray guddoomiye Jawaari. Profosser Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo si dhameystiran aan wareysigiisa loo baahin ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, isbadalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, guriga Farmaajo loo dhisayo waxa uu sharcigu ka qabo, nooca uu yahay iyo astaamaha lagu xula karo Ra’iisul Wasaaraha loo baahan yahay xilligaan, kursigii Baydhaba looga soo diiday iyo arrimaha kursiga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mudo dheer lasoo shaqeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo laba jeer soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka, balse Farmaajo ayaa xukunka ka tuuray, kadibna Laftagareen ayuu sheegay inuu ka hor istaagay inuu mar kale u tartamo kursigiisa.
  15. They can't ignore it oo wey karkarooyaan qaarkood. Shalay waxee labaayeen Madaxtooyada are buying reeraha baraha bulshada iyo shacabka. Maantana waxee leeyihiin shacabka cannot be allowed to fund madaxweynihii hore. Ciil xun ayaa haayo.
  16. MBB calaacal waaka dhamaaday, even giving this fundraising drive more profile than it really deserves. Don't they know the more they talk about it, the more folks that will contribute.
  17. Even anti-Farmaajo Shiine Culeey is claiming to have contributed kun doolar:
  18. Warqaad is 100% beenaaliyaal, so don't believe qashinkee qoraan, Duufaaan. Many of NISA operatives are loyal to the state, regardless of what bililiqodoon Mahad Geeljire wants.
  19. Another day, another rufiyaan meeting in Madaxtooyada: This tuug truly has taken over Soomaaliya. A new milkiile. He is enjoying humiliating Soomaalida iyo hoggaankeeda. Ceebeey tacaal.