Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,438
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Now we know why Mahad Geeljire and co. kiiskaan ka dhigteen mid ka kun badan inta Xamar lagu qaarjinaaye and why he wanted to get the leadership of NISA. These allegations were also mentioned by wasiirkii arrimaha gudaha, Xasan Xundubeey Jimcaale. Rooblaawe kidnapped and tried to kill Nayroobi-based commentator, C/wahaab Sheekh. Sadexda dilaa:
  2. Haye Dhagaxtuur ma aaminsantahay saan wali? Beentii Mahad Geeljire iyo munaafiiqiintii mucaaradka ahaa ayaa ku sirtay xilligaas filaa.
  3. Saa sheegay waa maafiya magaca Soomaali ku qaraaban jiray Hanoolaato markuu la baxay, si hoose basaas ka tirsan Sahal waaye maanta. Fahad aabihiisa sagaashameyadii in lagu dilay Gedo jeclahay.
  4. Fahad Yaasiin: Axmed Madoobe waa mashruuc Ajnebi oo lagu beeray Soomaaliya Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida Soomaaliya, Fahad Yaasiin oo wareysi gaar ah lala yeeshay ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jubbaland, isagoo ku tilmaamay mashruuc Ajnebi oo lagu beeray Soomaaliya. Fahad Yaasiin oo wajigiisa ay ka muuqatay caro, ayaa Axmed Madoobe ku tilmaamay Kansar ku jira siyaasada Soomaaliya, Maalinta uu ka baxana uu aaminsan yahay inuu dalku hagaagayo. Fahad Yaasiin wuxuu sheegay Axmed Madoobe inuu la diriray dhammaan madaxweynayaashii Soomaaliyeed ee ka dambeeyay Cabdiqaasim Salaad Xasan. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dan- Soomaaliyeed inuusan kursiga ugu fadhiyin. "Marar badan ayaa Kenya ku dhahnay, Soomaaliya arrimaheeda faraha kala baxa, Jubbaland faraha ka qaada. Wixii aad Jubbaland uga baahan yihiin Xamar kalasoo xiriira. Xataa waxaan gaaray iyadoo masuuliyiin Kenyan ah fadhiyaan inaan dhaho, “Axmed Madoobe u sheega, madaxweynahaaga Farmaajo waaye, ma ahan Kenya. Ixtiraanka uu u muujinayo Kenya, waxaa ka mudnayd Soomaaliya"ayuu yidhi Fahad Yaasiin. Fahad Yaasiin wuxuu sheegay marar badan inay iskudayeen inay Axmed Madoobe ka wada hadlaan masaalixda Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inay dhankiisa ka socon weyday, sida uu sheegay. Fahad wuxuu sheegay sababta ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya inay tahay fara galinta ay Kenya ku hayso Jubbaland. Wuxuu sheegay Kenya inay Axmed Madoobe ku hayso kursiga si ay danaheeda gaarka ah ufushato, sida uu hadalka dhigay. Xigasho
  5. Fahad Yaasiin oo weerar xun ku qaaday Axmed Madoobe – “Waa Kansar siyaasadda Soomaaliya" Taliyihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe isagoo usoo jeediyey eedeymo waaweyn. Taliyahii hore ee NISA oo wareysii uu siiyey Gaylan Media kaga hadlay khilaafkii soo kala dhex galay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ku tilmaamay inuu yahay mashruuc ajnabi oo lagu abuuray Soomaaliya. “Axmed Madoobe yaa keenay Soomaaliya, yuu u joogaa Jubbaland, wuxuu Kismaayo yimid isagoo saaran Taangi Kenyan ah, ma waxaad u maleysaa in doorasho ku yimid,” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Axmed Madoobe sidiisaba waa mashruuc ajnabi oo lagu beeray Soomaaliya, Soomaaliyana ku nool, haddii aan si kale kuugu dhigo Axmed Madoobe waa kansar siyaasadda Soomaaliya ku jira, maalinta uu Axmed Madoobe dhinac uga baxo Soomaaliya ayey hagaageysaa Soomaaliya.” Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Axmed Madoobe ku sheegay inuu yahay nin aan danta Soomaaliya u joogin jubbaland balse u joogo danta dowladda Kenya iyo arrimo la xiriira murankii badda ee labada dal. Fahad Yaasiin ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu lasoo diriray madaxweynayaashii dalka soo maray gaar ahaan kuwii ka dambeeyey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, wuxuuna ku dooday inay taas caddeeneyso inuu isaga ka gardarnaa dhammaan madaxweynayaashii soo maray Soomaaliya intuu uu joogay Jubbaland. “Axmed Madoobe madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waa la diriray isagoo magac diineed wato, madaxweyne Shiikh Shariif wuu la diriray isagoo magac diineed wata, madaxweyne Xasan Shiikh teeramkiisii hore wuu la diriray isagoo magac kale wata, madaxweyne Farmaajana wuu la diriray isagoo magac kale wata, Xasan Shiikhna mar kale wuu la diriri doonaa taariikhdana way qori doontaa, anaga haddii aan ka gardarneyn intaas oo madaxweyne ma ayagaa ka gardarnaa, Axmed Madoobe wuxuu dhibaato ku ahaa jiritaanka Soomaaliya,” ayuu yiri. Fahad Yaasiin ayaa qiray inuu Magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo uu kula kulmay Axmed Madoobe si loo xaliyo khilaafka ka dhaxeeyey Jubbaland iyo dowladda Dhexe. “Waa sax Axmed Madoobe iyo saraakiil ka socotay Kenya waxaan ku kulanay Nairobi, wixii laga hadlayey waxay aheyd in dowladda Kenya ay joojiso faragelinta ay ku heyso gudaha Soomaaliya, weliba Axmed Madoobe oo maqlayo ayaa saraakiishii ka socotay Kenya ku dhahay Axmed Madoobe u sheega in madaxweynihiisa uu yahay Farmaajo oo uusan aheyn Uhuru.” Mar wax laga waydiiyey xayiradii ay dowladda Farmaajo saartay diyaaradihii tagi jiray Kismaayo ayuu ku andacooday inay tallaabadaas la xiriirtay in laga hor tago diyaarado dowlado Ajnabi ah ka socday oo doonayey inay si sharci darro ah ku yimaadaan Soomaaliya. Ugu dambeyntii Fahad Yaasiin ayaa inkiray in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay isku dayday inay xirto ama shirqool ku disho Axmed Madoobe, balse taas badalkeeda wuxuu sheegay inay sameeyeen cadaadis dhanka siyaasadda ah.
  6. Shacabka Soomaaliyeed uu afkiisa ka ilaalinaa Xabashka:
  7. Second part of the wareysiga: Wariyahaan waa u gishay. Tens of thousands of new subscribers and followers on both YT and FB. Fahad Yaasiin Xaaji, nin adag iga dheh. Fahad's wareysi videos are already one of the most reacted and watched Soomaali videos on FB.
  8. And it beings, just hours after Uhuru's Xamar visit. Very sad:
  9. Very sad day. Jaajuusiintii Sahal that are wanted in Soomaaliya were present. Xasan Sh. dowladiisa deliberately not enforcing the court's rule:
  10. Uhuru, Axmed Madoobe's guardian, is leaving from power in Kiikuuyoland within two months. The expected new leader, Raila, would not be that accommodating, especially since he wanted Kenya's mercenaries out of Jubbooyinka from day one in 2011.
  11. Dadka ilaha dheer waxee arkaan dad cuqdeysan inay diyaariyeen goobtaan:
  12. Abtigiisa waa isgeeyey: Aaden Uunsi muxuu u imaan waaye mise Uhuru isku dhaceen saas ugu wacan?
  13. Weirdly I have an exact daah (curtain) like that I bought from Islii in 2019 after the wife's request. I guess, aniga iyo Xasan Sh. finally have something in common.
  14. Meantime, Axmed Madoobe loo diidanyahay hadaljeediyo. Ceebeey tacaal:
  15. Khudbadda Abiy Ahmed oo noqotay tan ugu saameynta badan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb-gashay xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jeediyey khudbad cajiib ah, isaga oo ku hadlayey luqadda Ingiriiska iyo Afka Soomaali. Abiy oo si weyn loogu Sacbiyey marka uu khudbaddiisa kusoo daray erayo af Soomaali ah ayaa ka hadlay arrimo xasaasi, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. “Waxaa iga go’an inaan sii wadno iskaashiga labad dal iyo dadka walaalaha ah,” ayuu yiri khudbaddiisa Abiy Axmed, isaga oo ku hadlayey afka Soomaaliga. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu Soomaaliya u rajeynayo nabad waarta iyo barwaaqo, isaga oo ereyadaas sidoo kale ku yiri afka Soomaaliga. “Waxaa u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu la shaqeyn doono Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna isku kaashan doonaan, darisnimo iyo walaalnimo. “Soomaaliya ha noolaato, Itoobiyana ha noolaato,” ayuu kusoo gabagabeeyey kudbaddiisa ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya. Abiy Axmed ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibka Maxamed Farmaajo, waxayna iskala tirsanaayeen isbaheysiga saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya & Eritrea. Xigasho
  16. Awal Axmed Madoobe iyo Deni garoonka iyo Xalane ma soo dhaafi jirin in the last two years. Ciidamo fara badana istustus ah wey keensan jireen. All that in lagu xumeeyo Farmaajo dowladiisa. Now it is Laftagareen and Qoorqoor's turn to play the game. Isbedel ku yimid habkii ay madax goboleedyada ku iman jireen Muqdisho – Maxaa dhacay maanta? Isbedelka hoggaamineed ee dalka ka dhacay ayaa saameyntiisa durba laga dereemayaa hanaanka ay gudaha Muqdisho u kala degeen madaxda dowlad goboleedyada dalka. Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Galmudug oo caawa ku hoyanaya Muqdisho ayaa degay hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Halka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo intii uu Farmaajo xukunka joogay aan soo dhaafi jirin agagaarka garoonka uu hadda degan yahay guri ka soo hor jeeda Madaxtooyada Soomaaliya. Arrimaha cajiibka ah waa in Madaxweyne Laftagareen uu maanta markii u horeysay Muqdisho la yimid diyaarad sida ciidamo aad u hubeysan, halka xilligii uu Farmaajo xukunka hayay uusan wax ciidan soo wada jirin. Ciidamada Nabadsugidda iyo Asluubta federaalka ayaa Laftagareen kasoo gelbi jiray garoonka markii uu yimaado Muqdisho, balse hadda waxaa muuqata in arrintaasi ay is bedeshay, kadib guul daradii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo. Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa hadda ku wada sugan Muqdisho, kuwaas oo berri ka qeyb gelaya xafladda caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacaysa teendhada Afisyooni.
  17. Don't pay any attention to this fudeedbadane isbaaro iyo xaaraan lagu soo koriyey. Karbaash ayee wax ku fahmaan, just as his isbaariiste adeeriyaal who occupied degmooyinka Shabeellaha Hoose 20 years ago. In 2002, isbaariste Dhuxuloow's isbaaro was in Baraawe. Indhacadde's isbaaro was in Qoryooleey. Ilqeyrte's isbaaro was in Marka. There was another in Afgooye, too, at that time. All eliminated now and liberated from these deegaano and went back to to their Mudug after ee quusteen. These degmooyin are now ruled by the rightful locals. This little fudeedbadane boy wishes trolling online will change that.
  18. Yariisoow fudeedbadane, nice to see inaa dharka dhigatid. Now stick with your desert deegaan. Don't be ashamed of it. Don't claim KG, you are irrelevant, more so in Shabeellaha Hoose whose guddoomiye is dhaladka deegaanka, dito to guddoomiyaasha Baraawe, Marko, Qoryooleey, Awdheegle, Daafeed/Wanlaweyn, Janaale and so on. Hal xildhibaan ma aadan helin out of all 77 xildhibaanno, the rest of Soomaalida got at least one. Isbaaradiina Mudug taalay ku ekoow, don't claim dad iyo deegaan aanan rabin xaaraantaada iyo isbaaradaada.
  19. Fahad Yaasiin “Soomaaliya halisaha ku gadaaman waxaa qayb ah shaqada Axmed Madoobe ka hayo. Madaxda ugu saraysa Kenya, annagoo is horfadhina oo Madoobe fadhiyo ayaan ku idhi, u sheega Madoobe in Madaxweynihiisu yahay Farmaajo ee aanu ahayn Madaxweynaha Kenya.”