Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. He wants the 100+ N&N votes in the baarlamaanka. They are formidable snd Deni kooxdiisa la iskuma haleyn karee. MBB will not be happy seeing those sawirro, though.
  2. Qaar ka mid ah wafdiga madaxweyne Xasan oo lagu karantiilay Imaaraadka Qaar ka mid ah xubnaha madaxweynaha Soomaaliya ku wehliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii dib loo doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in karantiil lagu geliyey dalka Imaaraadka Carabta. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, welina dalka kuma soo laaban. Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay, waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida, ayada oo dadku is weydiinayaan halka uu intaan madaxweynaha ku maqan yahay. Si kastaba, Caasimada Online ayaa ilo wareedyo ka agdhow madaxweynaha kasoo xigatay in qaar ka mid ah wafdigii la socday madaxweynaha laga helay xanuunka coronavirus. Illo wareedyadaas ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha uu haatan caafimaad qabo, oo aanu ku jirin xubnaha laga helay fayruska, laakin sababo la xiriira xanuunka laga helay qaar ka mid ah wafdigiisa ay sababtay in dib loo dhigo kulamadii uu lahaa hoggaanka Imaaraadka Carabta.
  3. Both of them are sick, probably with Covid, I think. Aaden Madoobe recovered now and is giving wareysiyo.
  4. This is getting very fishy and shady. He is being programmed by certain intelligencies. No photos and videos released. Top issue is xiriirka dalka Qadar loo jaro. Taas muu ka caga jiiday and was taken hostage, a la Maxamed Salmaan of Sacuudiga-style.
  5. More qaditaan la qadiyey Reer Bari. Faroole waa laga booday after being a prominent member of this guddi in last five years. See Jubbalaan ku heshay laba xubin and zero for Hirshabeelle iyo Buntilaan who has 11 senators? Aqalka Sare oo ansixiyey xubnaha ku metalaya guddiga dastuurka Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomiyey mudane guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Kulankan ayey Senataradu isaga soo dhex-xuleen shanta xubnood ee ku metali doono guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta dastuurka ee labada Aqal ee Soomaaliya. Kadib guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay magacyada xubnaha lasoo xulay waxayna kala yihiin:- 1-Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. 2-Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo. 3-Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo isna laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Magaalada kismaayo. 4-Saalax Axmed Jaamac oo hadda ah wasiirka dastuurka, isla-markaana Aqalka Sare ku metala Gobolada Waqooyi ee (Somaliland), laguna doortay magaalada Muqdisho. 5-Xasan Xuseen Xaaji oo hadda ah Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, lagana soo doortay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo. Xubnahan ayaa waxaa kusoo biiri doono xildhibaanno kale oo laga soo xuli doono Golaha Shacabka, waxayna si wadajir ah uga shaqeyn doonaan dhammeystirka dastuurka dalka.
  6. Rabi ha u raxmado marxuumka. Guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool oo la dilay Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), oo ahaa guddoomiyihii xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ee gobolka Sool, ayay dablay hubaysani xalay ku dileen magaalada Laascaanood. Guddoomiyaha oo horayna usoo noqday xubin ka tirsan golihii hore ee deegaanka Laascaanood, ayaa u dhintay xabado ay ku fureen dablay hubaysan oo beegsaday xili uu siigalayay gurigiisa uu ka daganaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Iyadoo ay kooxo aan la aqoonsanin ugaadhsi ku hayaan masuuliyiinta xisbiyada iyo xukuumada ee gobolka Sool, ayaa waxa ugu danbeeyay Cabdirisaaq Axmed Cilmi "Cabdirisaaq Cardoofe" oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Degmada Laascaanood, oo 11 September, 2021 sidan oo kale loo beegsaday. Inkasta oo xukuumada Somaliland qaaday dadaalo lagu sugayo nabada magaalada Laascaanood sannadihii u danbeeyay, hadana waxaa muuqata in wali loo maaro laayahay dilalka lagu beegsanayo haldoorka reer Laascaanood. Kooxahan oo badana dilalka gaysta xili habeen ah, ayaa isla markiiba goobta ka carara markay dilka gaystaan, booliiskuna kuma guulaystaan in ay raadraacaan oo ay soo qabtaan.
  7. The little fudeed kid is also downright lying. What ra'iisul wasaare did his tol ever get since madaxbannaanimada? All ra'iisul wasaariyaal and madaxweyniyaal have been Reer Unukaaleh and one adeerkood - Aaden Cadde (adeerka), Xuseen Kulmiye (madaxweyne ku xigeen), Geedi, Nuur Cadde, Shariifka iyo Xasan Sh. Wuxuu tirinaayaa, I guess, C/llaahi Ciise, oo gobonimada ka hor ahayd iyo C/qaasin Salaad.
  8. If you had seen the few photos of Xasan Sh. and Deni together, Deni's body language seemed very disappointed and saddened. Some of them he even looks annoyed and angry. Even Laftagareen's and Qoorqoor's body languages were not like that. I think Xasan Sh. balan weyn ugu baxay, that is why he is angry, angry even nin uu keensaday mid ee sanadooyin suyaasadda saaxiibo ku ahaayeen. He shouldn't have aired his grievance publically, to give the benedit and respect to his political friend to Axmed Madoobe. I am sure Axmed Madoobe is disappointed at Deni now.
  9. They made a bogus death certificate in Imaaraadka to claim a prominent Farmaajo supporter has died. Yaab, heerkaan la maraayaa.
  10. But how will Jawaari get the xildhibaan seat? Laftagareen would not allow it. He was a member of Shariif Axmed's urur and was never eye-to-eye to Xasan Sh. politically.
  11. The heavy news in the subclan grapevine - the subclan I share with Aaden Madoobe - are reporting that he has been poisoned. I take this with a heavy dose of skepticism. However, he is very sick, quickly and quietly flew to Nairobi without any fanfare and couldn't wait for any visa from Turkiga -- all this when baarlamaanka is expected to have heavy weeks ahead. Some are suspecting this sudden sickness might have to do with sumeyn by Xasan Sh. dowlad. Was he reluctant approving the new prime minister, who is expected to get in front of baarlamaanka this week? Can Mahad Geeljire dare a move like this? I personally do not believe poisoning narrative, but we will see.
  12. Deni has one sole problem - islaweyni iyo xanaaq dhow shaqsiyadiisa. Labadaan waxyaabood qofkii lagu arko siyaasad Soomaaliyeed mala gilgilan karo. He paid the most laaluush, yet he couldn't get any other single xildhibaan than those from gobolkiisa iyo Jubbooyinka.
  13. Some isbaaro iyo qalalaaso ku soo barbaaray wrongly think dowlad equals shaqsi. Hence, last dowlad must be Farmaajo and if a new dowlad comes, everything must be started from scratch. Waa yaab. One example is ninkii sarkaalka sirdoonka ahaa qabtay the illegal 10 million dollars from Imaaraadka at the airport maanta is under house arrest and relieved from his duties at the airport, instead of being rewarded. This happened days within Mahad Geeljire's reign at NISA. Dowlad Imaaraadka sababtee saan u sameyneyso waxee tahay no future sarkaal to dare to take heroic actions like that. Arrinta jaadkana waa saas, waxee moodaan inuu Farmaajo shaqsigiisa u fiicneyd. Fiicnaan lahaydaa markee diyaaradda Kiikuuyada noqoneyso lagu raro inta jaad kiilo ee keeneen qiimo u dhigmo, let it be vegetables, fruits or seafood.
  14. Mahadcelin iyo lacag baryid loo aaday Imaaraadka. Xasan Sh. still has bot met daljiraha Turkiga oo dalka kaliya waxwabad la arki karo Soomaaliya u sameysay. Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta u ambabaxay safarkiisii ugu horeeyay ee dalka dibadiisa ah Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta u ambabaxay dalka isutaga Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid. Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu qaadan doono labo maalmood, kaasoo ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeeynta isku socodka, ganacsiga iyo sare u qaadista iskaashiga labada waddan oo mudooyinkii dambe yara xumaa. Safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya safarkiisii ugu horeeyay ee uu ugu ambabaxo dalka dibadiisa tan markii loo doortay xilka madaxweynaha Soomaaliya 15-kii bishii May ee sanadkaan 2022. Si kastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in shalay uu safar dibada ah u baxay gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, waxaana sida dastuurka dalka qoran kusime madaxweyne sii ahaan doono inta ay dalka dib ugu soo laabanayaan madaxda dalka, gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar.
  15. Kenya oo heshiis ku saabsan Qaadka Miirowga la saxiixanaysa Soomaaliya, 5-ta Luulyo Dowladda Kenya ayaa ku dhow inay dib u bilowdo dhoofinta Qaadka Miirowga ee loo iib gayn jiray Soomaaliya, iyadoo heshiis arrintaas ku saabsan la saxiixayo horraanta bisha Luulyo. Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay marayaan meel wanaagsan, lana filayo in heshiis la gaaro laba toddobaad gudahood ah. Peter Munya wuxuu sheegay in shanta Luulyo heshiiska lagu saxiixi doonaa magaalada Nairobi. Kenya ayaa sheegtay in mamnuucidda Qaadka ay keentay in la waayo maalinta kasta in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka dalkaasi ah. “Waraabiya oo diyaariya beerihiinna, suuq ayaa la helay," ayuu yidhi Munya, oo u xaqiijiyay beeralayda Qaadka in dhibaatadu dhamaanayso. Dowladda cusub ee Soomaaliya weli kama hadlin in la fasaxayo Qaadka Kenya ka imaan jiray oo xayiraad la saaray bishii march ee sannadkii 2020.
  16. Maakhiri, are you familiar with Jamaal in the last five years? The guy went berserk after Qalbidhagax fiasco because of qabiil. He defends Axmed Dhuxul because of ilma adeernimo. This documentary was purely made to make Soomaaliya look - in his eyes, Farmaajo's dowlad - bad. Channel 4 just delayed releasing it after the selections. He was tying to coincide it just days before selections of madaxweynaha amd make it failures of dowladda Soomaaliya. And he claims kuwaas afka duuban control 30 percent of Soomaaliya? What the... He was always sympathetic to them, since I remember his other propaganda about them video years ago. Anyway, a young UK-based sister is leading efforts to hold him responsible for this unjournalist propaganda and lies. Her name is Ilhaan Garaad.
  17. Bililiqodoons still calaacalaayo. What is Xasan doing against Kiikuuyo bombing against Soomaali gobol and entertaining secessionists? Nothing. Farmaajo guri waa loo dhiisaayaa, ama dhuus ama isku xaar.