Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Haloow, haloow. Where are you Xasan Sh. Maxamuud? Waxaan karoona ka daranee.
  2. Maakhir, this ministry has a modern, updated website that lists all the budgets of the last five years; revenues as well as expenditures are all there. Just google it. Sheekadaan beenta ah oo wasiirkaan lagu magacdilo la rabo ha iska aaminin.
  3. Wareysigii Fahad inuu gubay hadalkiisa ka dhex dareemi kartaa baahanahaan wali soo taagan.
  4. What is big deal calamo badan dunidaan ayaa isku eg. Kan Mareykanka, Malaysia iyo Liberia isku muuqaal ah. Kan Ireland iyo Ivory Coast waa saas. Faransiiska iyo Talyaaniga waa saas. Chad iyo Romania iyagana ha sheegin. Niger iyo Hindiya. Indonesia, Singapore iyo Monaco waa mid. Filibiin iyo Czech Republic. Costa Rico iyo Thailand. The whole former Yugoslavia countries. Scandinavian countries. Colombia iyo Ecuador. Many West African countries. Dito to many Carab countries... Don't give credence the secessionist delusions.
  5. Hadduu warkaan dhab yahay oo xaqiiqsan, waa in shacabweynaha Soomaaliyeed maxkamad la aadaan tuugaan aanan xishooneynin:
  6. Ereyga waaq ka soo jeedaa oo Soomaalidii hore Eebbe waxee ugu wici jireen Waaq. Dhankaas iyo Waqooyiga ayee u jiheysan jireen markee tukanaayeen, I guess. Tuko (tukasho) iyo waaqba is coincidentally related to the bird crow (tuko). Waaq is the sound it makes to Soomaali ears.
  7. We will have, seven decades after Kamaaludiin's observation, those same Soomaalis who are, "Shacbi isticmaar dilay oo niyadda ka dhintay." They are in this very thread.
  8. Fadlan don't entertain the bitter and hapless secessionists, kaliya u soo taagan Soomaalida inay u jiidaan and against astaan walba midnimada Soomaaliya iyo Soomaalida u taagan. Here is a part of an interview my old man gave to Kasmo magazine in 2000. Kasmo London ayaa lagu daabici jiray. Meesha calanka ka yimid iyo qofka rayiga lahaa ayuu ka hadlaayaa: Kasmo: Bishii Abriil sanadkii 1957dii waxaa Muqdisho lagu dilay Kamaaluddin Salaax oo Masar u joogay Soomaaliya. Haddaba dilkaasi maxaad kala socotaa? Sh. Mukhtaar: Kamaaluddiin waxaa dilay nin la yiraahdo Wiiloow oo Reer Luuq ahaa, aabihiisna waxaa la dhihi jiray Sheekh C/raxmaan Dheere. Ninkaasi wuxuu ahaa dadkii loo qaaday Masar. Xaaji Maxamed Xuseenkii Leegada madaxda ka ahaa iyo isaga dadkii kowda hore ee tacliinta loogu qaaday Masar ayay ahaayeen. Akhlaaq-xumaa loo soo eryay oo Soomaaliya lagu soo noqay. Waxaa laga sheegay ninkaas ka hor inuu yiri, ‘Alleylehe nin Masar ah markii aan dilo unbaan aarsanaayaa sidii ay ii galeen.' Marka Kamaaludiin la dilayo, anigu Xamar baan ka baxay oo waxaan ku sii socday Xuddur oo la ii beddelay, waxaana habeen barinay Maanyafuulka, habeenkii dambe meel Seenilow la yiraahdo ayaa baabuurkii nooga hallaabay. Subaxdii shufeerkii (wadihii) iyo niman hunguri noo soo doonay oo beledka (Baydhabo) ku soo noqday ayaa na yiraahdeen, 'Waa la dilay Kamaaluddiin!' Runtii Kamaaluddiin dilkiisa Talyaani ayaa ku lug lahaa. Niman Soomaali ah oo Talyaaniga taagersanaana waa ku jireen. Kamaaluddiin gurigiisa ayuu isugu yeeray Golihii (Councilia Teritoriale) oo Talyaanigii suubiyay oo Aadan Cabdulle Cusmaan madax ka ahaa iyo nimankii axsaabta madaxda ka ahaa dhamaantood wixii pro-Italian ahaa iyo wixii ka soo horjeeday ee dawladnimo dalbaayay ayuu isugu yeeray gurigiisa, wuxuuna ku yiri: "Soomaalida waa shacbi isticmaar dilay oo niyadda ka dhintay waaye. Toban sano ka bacdi xor baad noqoneysaan ayaa la leeyahay, dhegna uma dhigaysaan! Waxaad yeeshaan calankiinii ha la suubiyo, oo tan Talyaani ha la baal suro. Haddii calankii Soomaaliya la yiraahdo oo ay arkaan inay rumeystaan ayaa la arkaaye, calan suubista." Ra’yigaas isagaa keenay (Counciliyadii) ayaa ra’yigii la keenay, waana laga dooday, waana lagu heshiin waayay. Xisbi kasta calan ayuu lahaa. Calankiisii in laga dhigo ayay damceen. Leegada ayaa ugu rooneyde oo shan xiddigey lahayde oo shan Soomaali lagu ishaaraayo. Waa diideen. Nin aan maqlay waa sariir-fuul oo Kanada jooga, Maxamed Cawaale Liibaan la yiraahdo oo Golaha ku jiray ayaa gurigiisa intuu tegay soo hindisay calankaan midabkaan leh, xiddigta shanta gees leh. Saakay oo kale ayuu soo fariistay, hadal buu soo jeediyay, wuxuu yiri, ‘Waa tii aan ku heshiin waynay calankii. Ka warrama calan hadda ka hor aan la arkin, xisbi suubsadayna aan la arkin, haddaan bandiirad (calan) ka dhiganno maxaad ka qabtaan?’ ‘Waa fiican tahay,’ ayaa la yiri. Jeebkiisuu ka soo bixiyay, sidaas ayuu u taagay, sacabaa lagu taageeray. Intaas iyo wax la mid ah iyo ka badan ayuu Kamaaluddiin suubinaayay. Waxa Talyaaniga kula colloobay taas ayey ahayd, nimankaan dilayna Talyaani ayaa soo diray. Kasmo: Wax ma nooga sheegi kartaa Soomaalidii Talyaaniga taageersaneyd ee dilka Kamaaluddiin ku lug lahayd?. Sh. Mukhtaar: Aniga hebel iyo hebel ma dhihi karo, qabiillo badan ayey lahaayeen
  9. Sharci iyo xeer la ciyaarayaa: Wasiir Bayle oo garyaqaanka guud ee dowladda u wakiishay inuu ka difaaco dacwadda xafiiska xeer ilaaliyaha Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu iska difaaco su’aalo la xiriira arrimaha maaliyadda oo uga yimid xafiiska xeer ilaalinta. Wasiir Bayle, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay, inuu garyaqaanka guud ee dowladda u wakiishay inuu difaaco, oo uu la wadaagayo jawaabaha uu u baahdo xeer ilaaliyaha guud. Geesta kale, Wasiir Bayle ayaa duray warqadda xeer ilaaliyaha kasoo baxday, isagoo u jeediyay in ilaaliyo xeerarka loo dejiyay in lagu maamulo arrimaha dowladda ee ku aadan, xubnaha dowladda ee maxkamaddaha looga yeero. Wasiirka maaliyadda waxaa berrito u qorshaysan inuu hortago barlamaanka Soomaaliya oo dhowaan uu horgeeyay inay meel mariyaan miisaaniyadda dalka ee 2022. Maalinta berrito ayay ku aadan tahay waqtigii xafiiska xeer ilaalinta u qabtay in wasiirka maaliyadda ku yimaado xafiiskooda, si wax looga weydiiyo baaris ku saabsan maaliyadda dalka.
  10. Tuugadii are already trying to character assassinate against wasiirka maaliyadda, the longest and best serving wasiir seen since 1960, I daresay. This lame attempt to character assassinate probably has to do inuu masuqmaasuqid of this new regime diiday or they want to say to 'international community' they fear and who are pressuring them to re-appoint him to the ministry he leads. They want to say, 'See, he is corrupt and we cannot re-appoint him.'
  11. Alloow u raxmo halyeeydii aabiyaashii gobonimodoonka ahaa.
  12. Muwaadin reer Somaliland ah oo sheegay in booliisku jidh dil u gaysteen Maxamed Cali Maxamed oo reer Hargaysa ah, ayaa Ciidanka Booliiska Somaliland ku eedeeyay in ay u gaysteen jidhdil sababay in mid kamid ah xiniinyihiisu ay dhimato, intii uu socday mudaharaadkii 9 Juun. Maxamed oo Saab TV waraysi siiyay isaga oo yaala isbitaal ku yaala Hargaysa, ayaa sheegay in mid kamid ah askarta Saldhiga Dhexe ee Hargaysa, uu xiniinyaha kaga tuntay, kadib markii uu isku dayay in uu ka rido gabadh ay ciidanku garaacayeen, intii mudaharaadkii ay mucaaradku soo abaabuleen socday. "Inantii ay booliisku dilayeen ayaan ka reebay, waar xiniinyaha aad inanta nagaga reebtay xageed ka keentay, ayuu igu yidhi Nin Mukhtaar la yidhaa oo Saldhiga Dhexe danbi baadhe ka ah, xiniinta isaga igaga tuntay, xiniintaydii imikana way dhimatoo waa layga saaray" ayuu yidhi Maxamed. Maxamed waxa uu booliiska ku eedeeyay in ay mudo 9 cisho ah ku hayeen saldhiga booliiska ka hor intii anay dhakhtargaynin, taasina ay keentay in ay xiniintiisu dhimato. "Xiniintaydu waxay dhimatay intii aan saldhiga ku jiray, 9 cisho ayay saldhiga igu hayeen, oo anan wax dhakhtar ah arag, hal-mar ayay dhakhtar i geeyeen, dhakhtarkii wuxuu ku yidhi waa xaalad deg deg ah oo waala qalaya, kadibna saldhiga ayay igu soo celiyeen" ayuu yidhi Maxamed. Booliiska ayaa dhankooda beeniyay in ay wax dhibaato ah u gaysteen Maxamed, waxayna sheegeen in xiniintu ay hore u bugtay, oo nin kale wax kaga dhuftay wakhti hore, iyaga oo baahiyay codad ay sheegeen in ay caddaymo yihiin, waxa kale oo ay sheegeen in ay isbitaal geeyeen. Maxamed oo kamid ah taageerayaasha xisbiga Waddani, ayaa horey iskaga soo duubay muuqaalo uu quri sito, oo uu madaxweynaha ugu hanjabayo in uu qori-caaradii madaxtooyada kaga soo saari doono.
  13. Kasaa loo gubay, sanadihii maree gubaan, this is the biggest, though:
  14. Complaints are getting more exposure: Channel 4 News hit with Ofcom complaints and petition to remove terrorist segment Channel 4 news has been hit with over 100 complaints from telly fans over Jamal Osman’s 'Inside Al- Shabaab' feature. Some disgruntled viewers claimed the broadcast of of 'glamorising terrorism and promoting dangerous ideologies to young audiences Channel 4 News has been hit with over 100 Ofcom complaints over Jamal Osman’s 'Inside Al- Shabaab' segment. A petition to pull the segment, which aired on June 15, has accumulated over 100 signatures from 'horrified' fans claiming the broadcast was 'not only damaging to the image of Somalia, but the people who have and are currently suffering from the terrorist acts of Al-Shabaab'. For more than fifteen years the extremist group has been fighting a bloody insurgency in Somalia. Formed in 2002, by 2008 the group controlled much of southern Somalia and they soon pledged allegiance to Al Qaeda and began conducting attacks at home and abroad. In the years that have followed, the group’s attacks have become routine with them often killing dozens of civilians a month, as they battle the African Union troops there to try and keep them at bay. The group are cementing control of their territory, with the aim to take the whole country and implement strict Sharia law. In last week's segment for Channel 4 News, Jamal Osman obtained rare access to film in Al Shabaab territory and travelled to their de facto capital Jilib. Following the release of the footage, some viewers are outraged by Osman's segment as they believe the correspondent has 'misrepresented the image of Somalia by falsely stating that one third of the country is under the control of Al- Shabaab'. The petition to remove the segment from Channel 4 News states: "The Al Shabaab is a world recognised terrorist organisation, who in the past decade have carried out multiple suicide bombings and terrorist attacks that have took the lives of thousands of Somalis. They have also carried out multiple assassinations on many public figures and leaders who have opposed their actions. "Osman's segment has misrepresented the image of Somalia by falsely stating that one third of the country is under the control of Al- Shabaab, a terrorist organisation." It also claims: "Osman has been painting Al-Shabaab in a positive image, endorsing their agenda and promoting their regime. Osman, on multiple segments, has attempted to depict Al-Shabaab as saviors, heroes, and as a humanitarian organisation that is aiding those who are undergoing famines and droughts. Osman praises their military training and expresses admiration for their leadership. "On one of his segments, he visits a barber shop where he interviews the owner, a man named Abdirahman, who moved to Jilib – an Al-Shabaab controlled territory. During the interview, he includes clips of Abdirahman listing all the ‘positive’ aspects of living under the control of Al-Shabaab, one of them being that he was able to overcome his drug addiction due to their banning of drugs." The petition goes on to suggest that Osman appears to express 'admiration' for the terrorist organisation. "He expresses admiration for Al-Shabaab by claiming they are opening dozens of schools and ‘educating the future generations’ by teaching them subjects such as math, computer science and English. He states they are encouraging ‘women to work, girls to go to school and that they don’t force women to cover their faces.’ "In another one of his segments, he praises Al-Shabaab for building a hospital stating it is because they are ‘worried about the health and safety of the community. "These segments are glamorising Al-Shabaab and promoting terrorist ideologies to younger audiences. With your help, we would like to put an end to this false depiction of the impact Al-Shabaab has had on Somalia." However, others have praised the segment, suggesting that Osman's work has shed light on an important topic. Xigasho ________________ Mahadsanid to our esteemed sister Ilhaan Garaad oo Reer London ah.
  15. Meantime from the ambassador's Twitter page: The reporter deliberately leaves out the Soomaaliya part.
  16. Secessionist reporter lying through his thick teeth. Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay danjiraha Faransiiska ee Kenya Kulan ay yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo danjiraha Faransiiska ee Kenya Aline Kuster-menager, ayaa lagaga wada hadlay, doorashooyinka, iskaashiga ganacsiga iyo wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Danjire Menager iyo saraakiil kale oo ay hor kacaysay oo Somaliland safar ku yimid, ayaa madaxweynanaha Somaliland kala hadlay arrimo ay ugu mudanyihiin iskaashi ganacsi oo Somaliland iyo Faransiiska dhexmara, lakiin aan la faah faahin wuxuu yahay, wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo mudo istaagay iyo doorashooyinka, sida madaxtooyadu sheegtay. "Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, sidii loo xoojin lahaa, doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland, iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadku ku yimi. Kulankaasina wuxuu ku soo dhamaaday Isfahan iyo wadashaqayn". Xubnaha waftiga ayaa ka koobnaa La-taliyaha Siyaasada, Lucile CARREZ, Madaxa Adeegga Dhaqaalaha Gobolka ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya, Jerome BACONIN, La-taliyaha Maaliyadda ee Gobolka, Heloise TOURNOUX, Madaxa Wakaaladda Horumarinta ee Gobolka Bariga Afrika, Caroline ABT iyo danjire MENAGER. Dhinaca kale, madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud.
  17. Bless your innocent heart of believing Xasan Sh. could be different this time.
  18. Forget about that, I have siblings who were/are passionately diehard anti-Farmaajo iyo dowladiisa for years and here I am. We have a little heated discussions on Whatsapp group.
  19. Did he secretly fly to Telabiib and come back? Why no media rep. of his own accompanied him? What a shady trip.
  20. Typical downtown maqaayad in Nayroobi filled with these failed politicians. Maxaa lacag lagu qasaariyaa these hotels and maqaayado - Laico Regency and Sarova Stanley among them.