Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Qurac, si fiican u aqri. Muuse Boqor dabeecad ma lahayn and those closest to him knew. He had no chance to become a madaxweyne. Those few SYL members who were pushing this even denied this fact in front of SYL executive members. Aabo ayee ula yimaadeen as you can read from the interview wax ha isku ceebeynina yiri because there won't be any votes. They went to SYL party executives and they received same message of waxba ha isku ceebeynina ninkaan for he won't get a vote. And that infamous saying incident happened of a famous SYL executive member telling this group hadduu Muuse Boqor madaxweyne noqdo naago ayaa nahnay. Siyaad Barre ciidamada hogaaminaaye but he wasn't much else. Meesha maskaxda afgambiga waxaa watay Salaad Gabayre, Aaden Cadde's son-in-law, C/qaadir Dheel iyo Jaamac Qoorsheel, who would be imprisoned for years. Siyaad killed Gabayre and Dheel the first chance he got around Kowda Luulyo of 1972 after a failed planned coup. He truly became a bona fide dictator after their murders since he shared power with them in Golaha Sare ee Kacaanka after afgambigii 1969.
  2. Neefkaan, a Sahan mercenary writer, oo kale ka mid ah waxa aanan kala garaneynin horumarinta dalka iyo mid shaqsiga.
  3. Baaqa Shariif Axmed ururkiisa soo saaray: Filla Soomaaliya is silent still.
  4. Wrong again. Waa been. From that same interview my father gave deals that. And here is that part. _________________ Kasmo: Habkii ay ciidamadu talada ula wareegeen iyo xaalku siduu ahaa habeenkii Talaadada ahaa ee afgambigu dhacayay. Siday maalmahaas wax u dhacayeen, ma noo sawiri kartaa? Sh. Mukhtaar: Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa Ra’iisul Wasaare ahaa, Ameerika ayuuna jiray markii madaxweynaha la dilayey. Waa yimid. Laakiin intuusan imaanin ka hor ayaa Cumar Macallin iyo Hilowle Macallin labo isla dhalatay oo mudanayaal baarlamaan ah ayay ahaayeen iyo Yaasiin Nuur Xasan iyo Yuusuf Cigaal oo ganacsade ahaa, mudane baarlamaanna ahaa, iyagoo shan ah ayay showreen, Cabdirashiid maaddaama la dilay, nin Muuse Boqor la dhashayna xilligii doorshada Caluula lagu dilay. Labadaas dil ee isku jilibkaas ku dhacay, C/rashiid carruur badan oo yaryar ah dhaafay, nin cidda daryeela oo ciddahooda ah ha la doorto ayay ku heshiiyeen oo ilamaha xilkooda haayo, samirna ay u qaataan haddii kursiga la siiyo, maddaama labo ruux oo magac lahaa laga dilay. Sidii ayay ku heshiiyeen. Maxamed Ibraahim Cigaal haddii uu yimidna waa la showreen, waa u sheegeen sidaasaan ku tashannay ayay yiraahdeen, asigana waa ku raacay. Gurigeyga ayay iigu yimaadeen, ra’yigaasaan wadnaa ayay yiraahdeen. Muuse Boqor inaan murashax ka dhigno oo baarlamaanka aan geeyno. Geeya ayaan iri, laakiinse waxaan idiin sheegayaa: "Muuse Boqor, dowladdii C/laahi Ciise mutakabirnimo iyo madax adayg ayaa looga bixiyey, isagoo wasiirka arrimaha gudaha ah. Isaga iyo Cali Jimcaale ayaa isqabtay. Waa la yaaqaanaaye markii dowladda C/rashiid dhalatay, waxaa la yiri, 'Waa madax adagyahee, wasiirna lama siin karee, waana nin soo halgamaye, sideen yeelnaa?' Waxaa la yiri ruqso (voluto) dahab ah ha loo fasaxo. Meeshaas ha ka maaleysto. Dahabkuu ayuu keligiis keeni jiray Soomaaliya. Ninkii saas ahaa oo wada ogtihiin, baarlamaanka cod ugama helaysaane, haddaad wadataan aniga ka jooga idin ma dhahayo." Markee iga tageen, Maxamed Siyaad ayaa ii yimid. "Maka war heshay niman ku showray Muuse Boqor in murashax laga dhigo?" Haa ayaan iri, iyagana sidaasay yiraahdeen, sidaasaanaa ku kala tagnay. Waxaa ii yimid isla saacaddii safiirkii Ruushka. Wuxuu yiri ‘Sidaas baa la wadaa, aan maqalnee, Muuse Boqor haddii la doorto, Soomaaliya sow gacan Ameerika ma galeyso? Waxaan ku iri, 'Ilaah baa og. C/rashiidba markii hore Ruush ayuu la jiray. Waxaan iri ‘Siyaasad dadka waa la gad gaddoomeysaa, mabda’ meel lala joogaayo ma aha. Marba meelaa lagu dayaa, inuu Ameerika ka soo go’ana waa iska suuroobeysaa, in sida aad u maleynaysaan uu noqdana waa suurogal,' sidii ayaana ku kala tagnay. Marka fadhiga Talaada ahaa ee Leegada isugu tagtay C/rashiid oo nool ayaa la qabtay waqtigaas oo waqtigaas inuu congress-ka shiro, waqtigii ayaa la gaaray. Aniga ma tagin. Baarlamaanka wuxuu lahaa nin sharci yaqaan ah oo Chevron la dhihi jiray oo Talyaani ahaa oo nala talinaayay oo sharciga iyo qawaaniinta dawliga ah noo sheegayay. Wuxuu I yiri, 'Adiga ma tagi kartid shirkaas, maxaa yeelay Madaxweynihii Soomaaliya ayaad maanta tahay, xisbi kama tirsanid.' Markaas aniga gurigeygaan iska soo aaday. Nimankii Muuse Boqor murashax ka soo dhigay maamulkii Leegada ayay ula tageen. Waxay ku yiraahdeen sidaasaan ku heshiinnaye warkaan soo jeediya. Nimanka Leegadana waxaa madax u ahaa Sheekh Maxamuud Maalinguur iyo C/raxmaan Muumin. Waxay yiraahdeen anaga Muuse Boqor kuma ceeboobeynee, codna looma helaayee, idinka sow ma wadataan, soo jeediya. Sidii ayey ku kala tageen. Ayadoo xaalkii inta maraayo ayaa shirkii la iskugu tegay. Nin Aadan Isååq la dhihi jiray oo wasiir ahaa iyo Ismaaciil Jimcaale, waxaan maqlay Ismaaciil Jimcaale ayaa hadalka billaabay oo yiri: 'Yaasiin, wasiirkii arrimaha gudaha ayaad tahay, siyaasadda adaa madax u ah, Muuse Boqor ayaad murashax ka soo dhigteen aan maqalnee, ma jirtaa?’ 'Maya ayuu yiri’. Waa inkiray. Aadan Isååq ayaa haddana su’aalay. Waa inkiray Yaasiin. Marka inkiraadoodii kuma kaaftoomine, yaqiin bay qabeene, Aadan Isååqa yaa yiri, ‘Waan maqalnay waa waddaane, haddii Muuse Boqor aad meeshan soo marisaan oo madaxweyne ka dhigtaan, naago ayaan nahaye, nagu soo hoyda!’ Markii hadalkaas dhacay ayaa la isku buuqay oo lagu diriray, laguna kala tegay. Xaaji Faarax Cali Cumar oo gurigiisa igu dheggan yahay oo shirka ka yimid ayaa i soo maray oo inta guriga iigu yimid, ii sheegay; baarlamaankii sidaas ayaa la isugu tegay, sidaasaana lagu kala tegay. Sidaasayna ciidamadii talada kula wareegeen. ______________________
  5. Ciidamadii badda la tababaray maanta booqday Xasan. Sh.:
  6. Siyaad Barre dadka ku qarwo are still those communities who were the most loyal to his regime in 1970s. Markee dantooda waayeen ayee qeylo bilaabeen. Siyaad Barre personally affected my family than any on here or has ever been - he imprisoned my old man in house arrest for several years; his Kacaan dowlad forced him to sell for peanuts the large track of land he owned, which would later became Hoteel Taleex. Kacaan also took my father's farm in Shabeellaha Hoose in the name of nationalization. I had never seen him speak about these issues, though. I only learned in the later adult years from the family. Siyaad however sent him a driver and brought him to Madaxtooyada after he was freed in early 1970s. Siyaad Barre asked aabo to join his Kacaan as a senior member. He refused. Siyaad then apologized to him and was boastting as well, driving him around and showing the 'achievements' of Kacaan in Xamar. Aabo told him if you need unsolicited advice, make maadada diinta Islaamka part of the curriculum. He said Siyaad kept quiet, however would later add diinta in the curriculum. The reason aabo said this was because he saw the soldiers based in our house who were trained in Soviet Union were very ignorant of diinta Islaamka's basics and brainwashed by the atheist Soviets. In fact, he opened a little dugsi for them in our house. This is part of the said interview of 2000, too. Yet I gave Siyaad Barre credit and do not question his nationalist policies. It was and is proven by what happened in the last 32 years.
  7. The person who took this interview was writing about it. Sawirro badan ayuu naga qaaday waagaas and again in 2020. Wuxuu yiri buugga waa diyaarsanyahay, but somehow I still need to finish some more research. Waa 22 sano now. By the way, in that same interview my old man was asked who was thought the most nationalist was in those heydays of Soomaali nationalism. Can you guess who he named? Aabo said it was C/risaaq Xaaji Xuseen. I couldn't really believe it. I was expecting Aaden Cadde, C/llaahi Ciise, C/rashiid Cali Sharmaarke and others. C/risaaq X. Xuseen asked to be buried next to Aaden Cadde's grave. Aabo asked to be buried next to C/rashiid's xabaal. You can see how Soomaalinimadooda were. Alloow u wada raxmo.
  8. The former long-time xildhibaan Sakariye Maxamed Xaaji had a good relationship with Eritareeya, too. Waa ninkii isku xiray mucaaradkii C/llaahi Yuusuf dowladiisa ka soo horjeeday iyo Eritareeya in 2007, meesha ee degeen.
  9. Are you a certified moooryaan who graduated from the prestigious Moooryaan College of Bililiqo and Isbaaro? If so, you automatically qualify to be a Reer (Mudug) Muqdisho, just like Mahad Qalaaye, C/raxmaan C/shakuur, Indhacadde, Rooble Baahane, Alqabyaala...
  10. Once again I have to re-post this written wareysi of my old man. The interview was by Kasmo newspaper, taken in 2000 in Xamar. Part that deals with the assassination of madaxweyne C/rashiid. I used to see the grey suit my old man was wearing on that fateful day in his bedroom's closet. He never wore it again. It still had the dried stain remains of madaxweyne C/rashiid's blood. When the president fell back, he collapsed back on my father, who was right next to him and held him markee nafta ka baxeysay. Rabi ha u raxmado labadoodaba, they were very close personally is what I heard. Qabrigooda talaabo ayuu isku jiraa oo Qabuuraha Qaranka ku aasanyihiin. Here is the last opening session of dowladii rayidka in 1969 of baarlamaanka Soomaaliya. Aabo iyo marxuum C/rashiid ka muuqdo sawirka. __________________ Kasmo: Sidaad meesha ka dareemi kartay, ma islahayd waxaa jiray dil qorsheysnaa oo la sii abaabulay? Sh. Mukhtaar: Sidaasaa markii hore nalagu yiri, dad ayaaba loo qabqabtay. Tuhmadii Maxamed Abshir Muuse ayaa ku jiray. Ninka wax dilay nin la dhashay oo booliiska alifle ahaa Eyl laga soo qabtay ayaa ku jiray, Sheekh Nuur Cali Colow ayaa ku jiray. Dad badan baa ku jiray oo isugu jiray wax la xiray iyo wax kor laga ilaalinaayay.  Annaga oo dhan waan qabnay dil la soo qorsheeyay inuu ahaa. Laakiin gadaal, sida la sheegaayay, ninkan wax dilay waxaa naloo sheegay, intaanan [gobollada Bari] aadin ka hor, ayaa aniga iyo C/rashiid waxaan aadnay shir dalalka Islaamka oo Marooko ka dhacayey. Inta Madaxweynihii ayaa soo baxaya la yiri, oo (Gobolka Bari) soo aadaaya, Raadiyihiina laga sheegay, ayaan ka baaqannay,oo aan Marooko aadnay. Dad baa ka marag kacay, in ninkaan wax dilaya, inuu markaas yiri, ‘Waxaa igu fiicneyd Alleylehe C/rashiid in uunan baaqanin’. Markii la yiri, ‘Maxaad ka rabi lahayd?’ Inuu yiri, ‘Wallaahi toddobo xabadood ayaan ku dhufan lahaa’. Markii la yiri, ‘Maxaa jiro uu kaa galabsaday?’ Wuxuu yiri, ‘Ninkii Maxamed Abshir kaarikadii (jagadii) ka qaaday sow ma'aha?" Maxamed Abshir iyo C/rashiid ayaa siyaasaddii isla gafay. Doorashadii ayaa soo dhoweyde, markaasaa la yiri, 'Gurigaaga iska fariiso, Qoorsheel ayaan jagadii u dhiibnee.' Waxaa wasiirkii arrimaha gudaha ahaa Yaasiin Nuur Xasan. Maxamed Abshir gurigiisuu iska joogay. Waxaa la sheegay wiilka wuxuu sidaas u leeyahay inay ahayd asaga iyo walaalkiisba reer Kismaayo ayay ahaayeen, aabahood iyo hooyadoodna way dhinteen. Islaan eeddadood ah ayaa intay soo kaxaysay Maxamed Abshir u keentay oo u tiri, ‘ilmahaan aabbe iyo hooyo ma leh, waana qaangaareen, shaqo ayay u baahan yihiin ee shaqo sii’. Labadiiba Maxamed Abshir booliis ayuu u qoray, sababta uu sidaas u leeyahay waa saas ayay yiraahdeen. Maxkamaddii (qaadaysay dacwadda gacan-ku-dhiiglaha) aniga waxbay i weydiiyeen, waana isaga soo kacay. Wax marag furay iyo dadkii meesha joogay aniga ma'ogi, gadaal wixii marag furay, maxaa yeelay aniga gurigaan ku xirnaa. Kasmo: Ma aaminsan tahay arrinta dilkan waxaa kaloo lug ku lahaa raggii askarta ahaa ee uu Maxamed Siyaad horkacayay ee talada dalka la wareegay? Sh. Mukhtaar: Maya ma qabin, mana lagu tuhmin taas. Maxamed Siyaad waaba ninkii qabrigiisa dhisay oo ka xumaaday dilkiisa. Kasmo: Waxaa la sheegaa sababta xukuumaddii militeriga ahayd ay baaritaanka u sii wadi weyday, inay ahayd in arrintan la dåboolo. Eedeymahaas maxaad ka leedahay? Sh. Mukhtaar: Arrintaas aniga ma qabo. Nimankaan waxaa inqilaabka ku kallifay, Muuse Boqor ayay ka cararayeen, iyagana waxaa la taliyahooda ahaa Ruush oo saraakiisha Ruushka ayaa ciidanka ku dhex jiray.
  11. Warbaahinta Eritareeya use outdated camera resolutions, waa dad sagaashameyadii wixii la isticmaalaaye isticmaalo wali. Xabashadana kuwooda waa saas. Even many of the Kiikuuyo media companies use cheap low-resolution cameras. Now compare them to kuwa Soomaalida like Shabeelletv and Universaltv or even Telefashinka Qaranka. All high resolution.
  12. One of many lies of Mahad Qalaaye: Mahad Qalaaye scrubbed his social media accounts now after taking them off sometime. We still have many screenshots.
  13. Xasan Sh. has an opportunity to use these hard-trained national force for good use. Thanks once again to Farmaajo and his dowlad for having the initiative to do this. C/wahaab Sheekh's tweet about Sahan jaajuusiin:
  14. This Sahan jaajuus previously claimed they all died. Again lying from his behind. Here today:
  15. Look who became an avowed MBB and Xasan Sh. mouthpiece. We will see how long this lasts, until obviously the inevitability of Deni and Xasan Sh. classes.
  16. Sanad ka hor sida xun u hadli jiray: Xasan Sheekh: ”Dhalinyaradii Tababarka Loo Geeyay Eritrea Waa La Iibsaday” Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka ku saabsan xaalada dhalinyaro Soomaaliyeed oo labo sano ka hor tababar loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaasoo war iyo wacaalkooda la la’yahay, isagoo ugu baaqay dowladda in cadeyso xaalada ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihi hore ee dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dhalinyarada loo geeyay tababarka dalka Eritrea in ay yihiin kuwo la iibsaday. “Dhalinyaro maalgelin badan la geliyay oo la barbaariyay ayaa la yiri ciidan ayaad noqoneysaan dalkaad difaaceysaan kuwana shaqaa la idin abuurayaa, Eritrea lagu shubay, siyaasiyiinteena waa nalagu handadaa Eriterea ayay ka imanayaan waana la idin dardaraa waa la idin xasuuqaa, wax kale oo aan ku tilmaamo ma aqaan dhalinyaradaas waa la iibsaday,”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada aysan aqbalin illaa iyo hadda in ay jiraan dhalinyaro ay tababar ugu qaaday dalka Eritrea ayna dooneyso inay qariso. “Waxaan leeyahay dowladda iyo ragga siyaasiyiinta kuwa hadda jooga iyo kuwa barigii ay dhalinyarada baxeysay xilalka hayay, laakiin aan hadda xilka heynin intaba mas’uuliyad ayaa ka saaran, waa inay sheegaan xaalkooda, sababta ay u baxeen, meesha ay aadeen iyo tiradooda, waxa ay maanta ku sugan yihiin, hooyooyinka maalin kasta dariiqa taagan ee oynaya in ilmahooda xaalada ay ku sugan yihiin in loo sheego xaq ayay leeyihiin” Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday Madaxweynihii hore iyo dowlada inay sheegaan xaalada ay ku dambeeyeen dhalinyaradaas iyo xilliga ay soo noqonayaan. Dhowaan ayaa warbixin ay diyaarisay Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in ay ogaatay ciidamo Soomaali ah oo tababar loo geeyay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee dalka Ethiopia.
  17. When SOL's ever pessimistic Dhagaxtuur is hopeful, anaga intee hoognaa than to be more hopeful. Ciid wacan, widaay.