-
Content Count
17,517 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
313
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Uma maleeyi. Xasan Sh. wants Mr Tiktok, the current wasiirka gaashaandhigga and a Turkiga-educated, to remain in order to satisfy Rooblaawe Baahane. Xamse and Aaden Madoobe do not want, however. So is Laftagareen. Rooboow oo Fillada u socdo. Waa wareey.
-
Guudlaawe dugsi hoose dhexe xataa ma soo dhameeyey horta? I think inuu ahaa xulafadii Maxamed Dheere meesha ku yimid, sida Shariif Axmed. At least Shariifka wax yar Suudaan ku soo bartay.
-
Xasan Sh. wiilkuu sodogga u ahaa uu keensaday meesha ayuuba la heshiin la yahay. Plus Aaden Madoobe wey kala boodeen. All three dhufeys ayee iskugu jiraan iyo hanjabaad. Xasan is insisting inuu ku soo daro Axmed Fiqi iyo Sanbalooshe, whom Xamse diidanyahay. Aaden Madoobe wants all wasiiradda ka imaanaayo KG asaga magacaabo, which both Xasan iyo Xamse diidanyihiin. Xasan wants wasiirka gaashaandhigga kan ah hadda - Mr TikTok - la magacaabo mar kale, which both Xamse and Aaden Madoobe diidan, plus Laftagareen sii diidan. Walee waala ishaayaa. This is the longest la sugo wasiiro cusub iyo dowlad cusub ever. Soomaali col ah, dunida kasii colaad ah.
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xanuun badanaa tanoo kale. Kenya oo afar maalin gudaheed dhoofinta Qaadka ka faa'iday ku dhawaad labo milyan oo dollar Kenya ayaa dib u soo celinta dhoofinta Qaadka Mirowga ee Soomaaliya, waxay afar maalmood gudahood ka faa'iday 221 Milyan oo ah lacagta dalkeeda, taas oo u dhiganta $1,861,836.56. Waa lacag u dhiganta ku dhawaad labo malyan oo dollar oo ay Kenya ka faa'iday ganacsigeeda Qaadka ee Soomaaliya, sida ay sheegtay madaxa Jaadka Mirowga iyo dalagyada kale ee Kenya. Felix Mutwir, ayaa shaacisay in Kenya ay Muqdisho u dhoofisay 81.4 tan oo Miirow ah afar maalmood, kadib markii suuqa dib loo furay. "Waxaan ilaa hadda dhoofinay 81.4 tan afartii maalmood ee la soo dhaafay, waxaanan filaynaa in xajmigu uu kordho maalmaha soo socda iyadoo dad badan loo fasaxay si ay badeecaddahooda dhoofiyaan," ayay tidhi. Ganacsatada Kenya waxay halkii kiilo oo Jaad ah ku iibinayaan 2,734 oo ah lacagta dalkaas ah, taasoo ku dhawaad Sh238 ka yar qiimihii lagu iibin jiray ka hor inta aysan dowladda Soomaaliya xirin ganacsiga Miirowga. Kenya ayaa loolan dhanka suuqa ah kala kulmaysa Itoobiya oo ahayd suuqa Qaadka Soomaaliya tan iyo markii suuqa Nayroobi uu xirnaa. -
Already: Mid ka mid wasiiradii uu magacaabay Guudlaawe oo iscasilay Iyo Xildhibaano Fedaraalka ah oo si kulul u weeraray maamulka Hirshabeelle Iyadoo xalay xili dambe uu madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu ku dhawaaqay xubnaha liiska Golaha Wasiiradda maamulka Hirshabeelle ayaa durba waxaa soo baxday inuu is casilo mid ka mid ah wasiir ku xigeenada uu magacaabay. Xildhibaan Geelle Isaa'q Warsame oo ka mid ahaa wasiiradda Hirshabeelle ee la magacaabay ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Hirshabeelle, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook inkastoo uusan sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iscasilaadiisa, hayeeshee warar hoose aan helnay ayaa sheegaya inuu saluugay xilka wasiir ku xigeenimo oo uu doonayay in laga dhigo wasiir buuxa. Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si aad ah uga horyimid magacaabista Golaha Wasiiradda cusub ee maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo sheegay ineysan waxba ka badaleynin magacaabista wasiiradaan go'aankii shacabka reer Hiiraan ay ku diidanayeen maamulka Hirshabeelle. Xildhibaan Maxamed Cabduqaair Maxamed ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan oo ay ku matalaan Baarlamaanka Soomaaliya ineysan marna ku qanacsanen hab dhismeedka Hirshabeelle, islamarkaana aysan indhaha ka qabsan doonin meel marinta rabitaanka shacabka ay matalaan. "Waxaan marnaba indhaha laga qabsan karin Xaalada hirshabelle iyo sida aay wax ku soc'daan, Waxaan baadi goob u'galeynaa helista hirshabelle ku dhisan aqoon iyo awood qeybsi midnimo leh Hirshabelada shaqsiga jeebka ku wato waa laga saraaya insha allaah Dadka aan ku matalo kursiga xildhibaannimada ee reer Hiiraan marna kuma qanacsaneen dhisida Hirshabelle. Waxaana hormuud ka noqon doonaa helista xaqa Naga maqan Wasaaradaha loo'kala wareejiyey Labada Beelood ma ahan wax lagu seexin karo Dadkeyga Xaqa iyo xaquuqda kamaqan ayaa ka Baaxad weyn xisaabta shaqsiga gaarka ah uu wato Hadii guudlawe uu Diiday in uu talo iyo tusma ka Dhageysto madaxda deeganka waxaan sugeynaa Halka uu ku furo Geediga" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed. Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isna dhankiisa si adag u dhaliilay hab dhismeedka maamulka Hirshabeelle oo uu sheegay in la joogo waqtigii reer Hiiraan ay heli lahayeen xaquuqda kaga maqan nidaamka Hirshabeelle. "Hirshabelle Geel markii loo heeso goronyo ayey u heestaa, dadkeygoow haba ku mashquulina Hirshabelle sidii aad u diideen ha ahaato, waqti badan, hanti iyo dhiig ayaa idinka galay in aad heshaan maamul labadaas gobol ah oo loo dhan yahay nasiib wanaag maanta matalaad dhab ah oo idin hor boodo ayaad heysataan" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale. Hadaladaan kasoo yeeray labada Xildhibaan ee ka mid ah Baarlamaanka Fedaraalka ayaa imaanaya, kadib magacaabista Golaha wasiiradda Hirshabeelle oo xalay xili dambe lagu dhawaaqay, waxaana sidoo kale dhaliilaha Xildhibaanadaan ay kusoo beegmayaan iyadoo wali madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uusan meel marin heshiisyo awood qeybsi uu bilaawgii sanadkaan Baledweyne kula soo saxiixday Waxgaradka Beesha Xawaadle oo tabasho xoogan ka qabay hab dhismeedka awood qeybsiga Hirshabeelle.
-
Saan maa dowlad lagu yahay. Alloow sahal amuuraha. Intee la geynaa 81 wasiirro, wasiirro ku xigeen iyo wasiirro dowle, many of them unnecessary and usless magac u yaal. Bisinka, this is waalasho. Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Golaha Wasiirrada oo 81 xubnood ka kooban Madaxweynaha Hirshabelle , Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa goor dhow magacaabay golaha wasiirrada , ka dib labo sanno oo u xafiiska joogay. Golaha wasiirrada ee u caawa magacaabay ayaa ka kooban 81 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 27 Wasiiru Dowle.
-
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Bahdilaad cusub: Afhayeenkii Xasan Sh. beeniyey hadalkii C/fitaax Siisi ayaa lagu qasbay inuu hadalkiisa hore uu shirka jaraa'idka ka yiri beeniyo caddaadis ka yimid dowladda Masar ka dib. What a weak so-called leader Xasan Sh. is. -
Mahad Salaad is destroying hay'adda sirdoonka
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
This is a full-scale terror operation facilitated by Mahad Qalaaye. The latest: Qarax lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta ka dhacay magaalada Baydhabo Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax Miino oo lagu aasay afaafka hore ee masaajidka lagu magaaco Mubashir oo ku yaala xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo, xili laga soo baxay Salaadii Jimcaha. Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ku geeriyooday Wasiirka Caddaaladda maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur iyo dadka kale oo shacab ahaa, waxaana sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad gaaraya toban ruux oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Allah u naxariiste Wasiirka dhintay. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, islamarkaana laga hago meelaha fog fog, waxaana la tilmaamay in qaraxa ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa mid la doonayay in lagu khaarajiyo Allah u naxariiste Wasiir Sheekh Xasan Lugbuur oo la sheegay inuu ka mid ahaa Jameecadda ku Tukaneysay Masjidka oo ku yaalay meel aanan ka fogeyn hoygiisa. Qaraxaan Maanta lagu khaarajiyay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed ayaa ku soo beegmaya, xili maalin ka hor Al-shabaab ay qarax Ismiisaamin ah oo ka dhacay magaalada Marka ay ku dileen gudoomiyihii degmada Marko Cabdullaahi Waafoow iyo 11 qof oo kale. -
NISA Director Mahad Salaad raises the Salaries of NISA Troops
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dalmar1's topic in Politics
What kind of a BS is this? Is this moooryaanimo dowlad isku maleeyo? Howshaan, shaqaalo guud lacag loo kordhiyo ama laga jaro, uma taalo kaliya agaasime ee gollaha wasiirada iyo wasiirka maaliyadda ayee quseysaa. Waxaan wuxuu ku qarinaayaa there were reports Mahad Moooryaan Qalaaye tried to cut mushaarka shaqaalo badan ka tirsan Nabadsuggida until he was told by wasiirka maaliyadda he cannot do what was already budgeted and which was not passed by gollaha wasiirada. -
Al-Shabab’s Enigmatic Invasion Of Ethiopia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
He used to be close to Farmaajo in the early days of his dowlad. -
Al-Shabab’s Enigmatic Invasion Of Ethiopia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Markuu meeshaan maraayo ayaa immediately joojiyey aqriska. I cannot read any qoraal that quotes the disgraced and convicted mercenary, Matt Bryden. -
Mahad Salaad is destroying hay'adda sirdoonka
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waa runtaa moooryaantii Mahad Salaad camal ah ayuu dagaalo kaga xoreeyey deegaanada Shalambood, Marko iyo Lambarkonton sanadihii 2013-14. Here asagoo marxuumka moooryaantii xilligaas runta u sheegaayo sanadkii 2014: Jeneraal C/llaahi Waafow: ”Wacad ayaan ku marnay in aan dadkeena & deegaankeena ka difaacno moooryaanta Axmed Diiriye uu soo diray Guddoomiyaha degmada Lambarkonton Jeneraal C/llaahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay in Ciidamada deegaanka ay la wareegeen deegaano badan oo katirsan gobolka Shbabeelada Hoose hadana ay u hartay magaalada madaxda gobolka. Waxaa Jeneralka su’aal laga weydiiyay hadal kasoo yeeray Axmed Diiriye, waxaa uu ka yiri Axmed Diiriye Shabeelada Hoose in uu isbaaro dhigto anaa u diiday Oo C/llaahi Waafoow ah. Axmed Diiriye hala gaarsiiyo warkeyga isaga iyo beeshiisa kuma dhex noolaan doonaan dhulka beesha ***, waxaan leeyahay Axmed Diiriye waxaad Shabeelada Hoose kasoo doontid waa geeri, mana laga yaabo in laguugu aaso lafahaagana waan gubi doonaa. Sidoo kale Jenaral Waafoow ayaa fariin adag u diray kuwa garabka u ah moooryaanta *** oo mar walbo ku dhinta gobolka iyagoo difaacaya ***. "Waan ognahay inta u kaalmeyso moooryaanta **** waana la xisaab tami doona," ayuu yiri Mr. Waafow. Mar su’aal laga weydiiyay waxa uu ka aaminsan yahay waxa loogu yeero Shabeelle State, ”Adeer waxaas hana weydiinana maxaa la yiraahdaa Shabeelle State ma wax caruurta lagu dheeliyaa." Dhanka kale Jenaral C/llaahi Waafoow waxaa uu tilmaamay in Xasan Culusow uu qeyb ka yahay dagaalka lagu soo qaaday Beesha ****, waxa uu cadeeyay Waafoow hubka lagula dagaalayo shacabka beesha **** in laga soo bixiyo baqaarada Villa Baydhabo iyo Madaxtooyada. Xigasho -
Meeshaan waa Jowhar today. Waana kalfadhiga 'baarlamaanka' Hiirshabeelle. Jowhar, one of the greenest cities of Soomaaliya, baarlamaan yar mey dhisan waayeen instead of hoteello ku shiraayaan. To be fair, kuwa maamul goboleedyada kale u dhisan waxba ma dhaamaan.
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Maxay tahay halista cusub ee soo wajahday heshiiska Soomaaliya iyo Kenya? Ayada oo uu todobaadkan dib u bilowday qaadka Miirowga ee ka yimaada dalka Kenya ayaa waxaa haatan soo baxay caqabado horleh oo ku aadan heshiiska ay dhowaan gaareen madaxweynayaasha dalalka dariska ee Somalia iyo Kenya. Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa soo saaray war cusub, kadib markii ay dib u billaabeen dhoofinta qaadka ay keenaan gudaha Soomaaliya, ayaga oo shaaciyey walaac cusub oo soo wajahay ganacsigooda, waxayna illaa hadda keeneen ilaa 38 tan oo ah jaadka Miirowga ah, kadib labadii maalin ee lasoo dhaafay Isniintii iyo Talaadadii todobaadkan. Guddiga beeraleyda jaadka Miirwoga waxay sheegeen in haatan ay la kulmeen dhibaatootin horleh, isla-markaana caqabad ku noqon kara heshiiska labada dal, ayaga oo shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay kordhisay lacagaha canshuuraha ee laga qaado qaadka Kenya. Guddoomiyaha guddiga ganacsatada qaadka Kenya ayaa sheegay in haatan lacag dhan $15 kiiladii qaadka Miirowga lagu geeyo gudaha Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa mid qaali ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ayaa culeys ku keeneyso ganacsigooda, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kalena ay keenayso in aysan la tartami karin jaadka Itoobiya,. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay labada dowladood in ay ka wada-hadlaan arrintaan si aysan u waxyeeleyn heshiiska ganacsiga ee dhowaan lagu gaaray magaalada Niarobi. Qaadka Kenya ayaa muddo ka xayirnaa gudaha Soomaaliya, kadib go’aan ay kasoo saartay dowladdii madaxweyne Farmaajo oo uu khilaaf kala dhexeeyey xukuumadda Nairobi. Si kastaba, xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda isbedel uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal. -
Lawyer Jamal assassinated in Hargaisa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to maakhiri1's topic in Politics
Not really. Jaamac is the northern version of Jimcaale. Jimcaale is a name used by folks from Hiiraan and south of it. Macallin, like sheekh, is a title in all of Soomaaliya, sida macallin hebel of dugsi. No kid born is given macallin name.- 15 replies
-
- jamal ahmed
- somalia
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Lawyer Jamal assassinated in Hargaisa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to maakhiri1's topic in Politics
Rabi ha u raxmado. Who is he? Jimcaale definitely ain't no Qowdhan name.- 15 replies
-
- jamal ahmed
- somalia
-
(and 1 more)
Tagged with:
-
Mahad Salaad is destroying hay'adda sirdoonka
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
In the recent days, kuwii afka duubnaa are making unbelievably major waves. Is Mahad Salaad and Imaaraadka facilitating and helping these argagaxiso already? Many basaasiin ayaa dalka soo galay in the last two months. Big qarax in Jowhar ten days ago. Another big qarax in Marko today that killed guddoomiyaha degmada, who also fought for many years reero isbaaro. Also the current dagaal in Soomaali Galbeed by these argagaxiso who crossed from Bakool and Hiiraan. Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu dilay guddoomiyahii degmada Marka Warar hordhac oo haatan kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka degmada Marka Caddey ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay guddoomiyahii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafoow iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka degmada Marka, askar iyo dad shacab ahaa. Qaraxa Ismiidaaminta ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay guud ahaan magaalada Marka, waxaana tirada dhimashada lasoo sheegaya iney kor u dhaaftay 10 ruux, islamarkaana uu dhaawaca intaasi ka badan yahay, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaankaasi. Xaalada magaalada Marka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay isku gadaamay ciidamo ka tirsan kuwa amniga magaaladaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha amaanka degmada iyo maamulka gobolka Sh/hoose oo ku aadan qaraxa goordhaw gilgilay magaalada Marka Caddey. -
Egypt and Somalia condemn Ethiopia over Nile dam dispute
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Xasan is Xasan and has this mentality of us Soomaalis being always in a weak position. The mere fact of giving him a welcome to a foreign capital, in his mind, equals an achievement itself; that is why he is usually madaxiisa ugu foorariyaa kuwa dhigiisa ah, very insecure. Waa nin aad u liita, hamigiisana ka sii liita. Mowqif siyaasad malaha. Imagine if he was the president when Khaliijka had their khilaaf. Farmaajo and Kheyre had 80 million dollars ready if they cut Qadar's xiriir. They refused and even if it did, it wouldn't have been as a blundering as this Masar-Itoobiya one Xasan is doing. He did before when he kicked out Iiraan in 2016 after receiving shilimaan doolar ah from Sacuudiga. -
Egypt and Somalia condemn Ethiopia over Nile dam dispute
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Warbaahinta Masar dhiiqada lugaha loo galiyey Xasan Sh. la dabaaldegoyaan: -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
U madax dhig shisheeye iyo Xasan Sh. maxaa kala heysto. Maanta Masar: Shalay Kiikuuyoland: -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
And who owns Jowhar site ma taqaan? Cabdicasiis Goofyare, one of the ardent anti-last dowlad and one of the hardcore supporters of Xasan Sh. Jago afhayeen uu waaye filaa. Many extremist Moooryaanta Baraha Bulshada (MBB) are shocked by the actions Xasan Sh. is aimlessly taking, including C/qaadir Booska and C/llaahi Balwaan. Here is Balwaan dude criticizing his endless trips and qarsoodi deals: -
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Wasiirka jaadka iyo beeraha of Kiikuuyoland posted this today. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Updated list. -
Frequent flyer madaxweyne
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Sii soco, soo soco, here comes Masar:
-
Popular Contributors