Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Saan maa dowlad lagu yahay. Alloow sahal amuuraha. Intee la geynaa 81 wasiirro, wasiirro ku xigeen iyo wasiirro dowle, many of them unnecessary and usless magac u yaal. Bisinka, this is waalasho. Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Golaha Wasiirrada oo 81 xubnood ka kooban Madaxweynaha Hirshabelle , Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa goor dhow magacaabay golaha wasiirrada , ka dib labo sanno oo u xafiiska joogay. Golaha wasiirrada ee u caawa magacaabay ayaa ka kooban 81 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 27 Wasiiru Dowle.
  2. Bahdilaad cusub: Afhayeenkii Xasan Sh. beeniyey hadalkii C/fitaax Siisi ayaa lagu qasbay inuu hadalkiisa hore uu shirka jaraa'idka ka yiri beeniyo caddaadis ka yimid dowladda Masar ka dib. What a weak so-called leader Xasan Sh. is.
  3. This is a full-scale terror operation facilitated by Mahad Qalaaye. The latest: Qarax lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta ka dhacay magaalada Baydhabo Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax Miino oo lagu aasay afaafka hore ee masaajidka lagu magaaco Mubashir oo ku yaala xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo, xili laga soo baxay Salaadii Jimcaha. Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ku geeriyooday Wasiirka Caddaaladda maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur iyo dadka kale oo shacab ahaa, waxaana sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad gaaraya toban ruux oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Allah u naxariiste Wasiirka dhintay. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, islamarkaana laga hago meelaha fog fog, waxaana la tilmaamay in qaraxa ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa mid la doonayay in lagu khaarajiyo Allah u naxariiste Wasiir Sheekh Xasan Lugbuur oo la sheegay inuu ka mid ahaa Jameecadda ku Tukaneysay Masjidka oo ku yaalay meel aanan ka fogeyn hoygiisa. Qaraxaan Maanta lagu khaarajiyay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed ayaa ku soo beegmaya, xili maalin ka hor Al-shabaab ay qarax Ismiisaamin ah oo ka dhacay magaalada Marka ay ku dileen gudoomiyihii degmada Marko Cabdullaahi Waafoow iyo 11 qof oo kale.
  4. What kind of a BS is this? Is this moooryaanimo dowlad isku maleeyo? Howshaan, shaqaalo guud lacag loo kordhiyo ama laga jaro, uma taalo kaliya agaasime ee gollaha wasiirada iyo wasiirka maaliyadda ayee quseysaa. Waxaan wuxuu ku qarinaayaa there were reports Mahad Moooryaan Qalaaye tried to cut mushaarka shaqaalo badan ka tirsan Nabadsuggida until he was told by wasiirka maaliyadda he cannot do what was already budgeted and which was not passed by gollaha wasiirada.
  5. He used to be close to Farmaajo in the early days of his dowlad.
  6. Markuu meeshaan maraayo ayaa immediately joojiyey aqriska. I cannot read any qoraal that quotes the disgraced and convicted mercenary, Matt Bryden.
  7. Waa runtaa moooryaantii Mahad Salaad camal ah ayuu dagaalo kaga xoreeyey deegaanada Shalambood, Marko iyo Lambarkonton sanadihii 2013-14. Here asagoo marxuumka moooryaantii xilligaas runta u sheegaayo sanadkii 2014: Jeneraal C/llaahi Waafow: ”Wacad ayaan ku marnay in aan dadkeena & deegaankeena ka difaacno moooryaanta Axmed Diiriye uu soo diray Guddoomiyaha degmada Lambarkonton Jeneraal C/llaahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay in Ciidamada deegaanka ay la wareegeen deegaano badan oo katirsan gobolka Shbabeelada Hoose hadana ay u hartay magaalada madaxda gobolka. Waxaa Jeneralka su’aal laga weydiiyay hadal kasoo yeeray Axmed Diiriye, waxaa uu ka yiri Axmed Diiriye Shabeelada Hoose in uu isbaaro dhigto anaa u diiday Oo C/llaahi Waafoow ah. Axmed Diiriye hala gaarsiiyo warkeyga isaga iyo beeshiisa kuma dhex noolaan doonaan dhulka beesha ***, waxaan leeyahay Axmed Diiriye waxaad Shabeelada Hoose kasoo doontid waa geeri, mana laga yaabo in laguugu aaso lafahaagana waan gubi doonaa. Sidoo kale Jenaral Waafoow ayaa fariin adag u diray kuwa garabka u ah moooryaanta *** oo mar walbo ku dhinta gobolka iyagoo difaacaya ***. "Waan ognahay inta u kaalmeyso moooryaanta **** waana la xisaab tami doona," ayuu yiri Mr. Waafow. Mar su’aal laga weydiiyay waxa uu ka aaminsan yahay waxa loogu yeero Shabeelle State, ”Adeer waxaas hana weydiinana maxaa la yiraahdaa Shabeelle State ma wax caruurta lagu dheeliyaa." Dhanka kale Jenaral C/llaahi Waafoow waxaa uu tilmaamay in Xasan Culusow uu qeyb ka yahay dagaalka lagu soo qaaday Beesha ****, waxa uu cadeeyay Waafoow hubka lagula dagaalayo shacabka beesha **** in laga soo bixiyo baqaarada Villa Baydhabo iyo Madaxtooyada. Xigasho
  8. Meeshaan waa Jowhar today. Waana kalfadhiga 'baarlamaanka' Hiirshabeelle. Jowhar, one of the greenest cities of Soomaaliya, baarlamaan yar mey dhisan waayeen instead of hoteello ku shiraayaan. To be fair, kuwa maamul goboleedyada kale u dhisan waxba ma dhaamaan.
  9. Maxay tahay halista cusub ee soo wajahday heshiiska Soomaaliya iyo Kenya? Ayada oo uu todobaadkan dib u bilowday qaadka Miirowga ee ka yimaada dalka Kenya ayaa waxaa haatan soo baxay caqabado horleh oo ku aadan heshiiska ay dhowaan gaareen madaxweynayaasha dalalka dariska ee Somalia iyo Kenya. Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa soo saaray war cusub, kadib markii ay dib u billaabeen dhoofinta qaadka ay keenaan gudaha Soomaaliya, ayaga oo shaaciyey walaac cusub oo soo wajahay ganacsigooda, waxayna illaa hadda keeneen ilaa 38 tan oo ah jaadka Miirowga ah, kadib labadii maalin ee lasoo dhaafay Isniintii iyo Talaadadii todobaadkan. Guddiga beeraleyda jaadka Miirwoga waxay sheegeen in haatan ay la kulmeen dhibaatootin horleh, isla-markaana caqabad ku noqon kara heshiiska labada dal, ayaga oo shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay kordhisay lacagaha canshuuraha ee laga qaado qaadka Kenya. Guddoomiyaha guddiga ganacsatada qaadka Kenya ayaa sheegay in haatan lacag dhan $15 kiiladii qaadka Miirowga lagu geeyo gudaha Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa mid qaali ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ayaa culeys ku keeneyso ganacsigooda, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kalena ay keenayso in aysan la tartami karin jaadka Itoobiya,. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay labada dowladood in ay ka wada-hadlaan arrintaan si aysan u waxyeeleyn heshiiska ganacsiga ee dhowaan lagu gaaray magaalada Niarobi. Qaadka Kenya ayaa muddo ka xayirnaa gudaha Soomaaliya, kadib go’aan ay kasoo saartay dowladdii madaxweyne Farmaajo oo uu khilaaf kala dhexeeyey xukuumadda Nairobi. Si kastaba, xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda isbedel uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal.
  10. Not really. Jaamac is the northern version of Jimcaale. Jimcaale is a name used by folks from Hiiraan and south of it. Macallin, like sheekh, is a title in all of Soomaaliya, sida macallin hebel of dugsi. No kid born is given macallin name.
  11. Rabi ha u raxmado. Who is he? Jimcaale definitely ain't no Qowdhan name.
  12. In the recent days, kuwii afka duubnaa are making unbelievably major waves. Is Mahad Salaad and Imaaraadka facilitating and helping these argagaxiso already? Many basaasiin ayaa dalka soo galay in the last two months. Big qarax in Jowhar ten days ago. Another big qarax in Marko today that killed guddoomiyaha degmada, who also fought for many years reero isbaaro. Also the current dagaal in Soomaali Galbeed by these argagaxiso who crossed from Bakool and Hiiraan. Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu dilay guddoomiyahii degmada Marka Warar hordhac oo haatan kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka degmada Marka Caddey ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay guddoomiyahii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafoow iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka degmada Marka, askar iyo dad shacab ahaa. Qaraxa Ismiidaaminta ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay guud ahaan magaalada Marka, waxaana tirada dhimashada lasoo sheegaya iney kor u dhaaftay 10 ruux, islamarkaana uu dhaawaca intaasi ka badan yahay, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaankaasi. Xaalada magaalada Marka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay isku gadaamay ciidamo ka tirsan kuwa amniga magaaladaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha amaanka degmada iyo maamulka gobolka Sh/hoose oo ku aadan qaraxa goordhaw gilgilay magaalada Marka Caddey.
  13. Xasan is Xasan and has this mentality of us Soomaalis being always in a weak position. The mere fact of giving him a welcome to a foreign capital, in his mind, equals an achievement itself; that is why he is usually madaxiisa ugu foorariyaa kuwa dhigiisa ah, very insecure. Waa nin aad u liita, hamigiisana ka sii liita. Mowqif siyaasad malaha. Imagine if he was the president when Khaliijka had their khilaaf. Farmaajo and Kheyre had 80 million dollars ready if they cut Qadar's xiriir. They refused and even if it did, it wouldn't have been as a blundering as this Masar-Itoobiya one Xasan is doing. He did before when he kicked out Iiraan in 2016 after receiving shilimaan doolar ah from Sacuudiga.
  14. Warbaahinta Masar dhiiqada lugaha loo galiyey Xasan Sh. la dabaaldegoyaan:
  15. U madax dhig shisheeye iyo Xasan Sh. maxaa kala heysto. Maanta Masar: Shalay Kiikuuyoland:
  16. And who owns Jowhar site ma taqaan? Cabdicasiis Goofyare, one of the ardent anti-last dowlad and one of the hardcore supporters of Xasan Sh. Jago afhayeen uu waaye filaa. Many extremist Moooryaanta Baraha Bulshada (MBB) are shocked by the actions Xasan Sh. is aimlessly taking, including C/qaadir Booska and C/llaahi Balwaan. Here is Balwaan dude criticizing his endless trips and qarsoodi deals:
  17. Wasiirka jaadka iyo beeraha of Kiikuuyoland posted this today.
  18. Fahad oo maanta qoray waraaq ku socota madaxda qaranka. Inkastoo aanan ku raacin in uu Soomaali Galbeed la heysto uu dhul Xabashi ku tilmaamo: In Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay ka tallaabaan xadka, oo ay gudaha dal daris la ah Soomaaliya ay u gudbaan iyagoo cudud iyo ciidan wata, ayna geystaan weeraro ay dhul kula wareegayaan, oo aan ahayn ku dhufoo ka dhaqaaqii looga bartay iyo khasaare baaxad weyn, waa dhacdo halis ku ah gobolka oo dhan, waana tallaabo ugub ah oo khaldi karta qiyaasta laga qaadan karo dhacdooyinka ku xiga. Waxaan ku talinayaa in madaxdu qaado qodobadan hoose oo aan ku arko inay muhiim u yihiin amniga qaranka dalkeenna iyo guud ahaan xasilloonida Gobolka Geeska Afrika: 1. In Dowladda Soomaaliya ay feejignaan muujiso, ayna iska dhaafto sahlashada dhibta dhacday, indhaha ay ku eegeysana ay noqdaan kuwa ka duwan wixii horay ay Argagixisadu u samayn jireen. Waxa dhacay waa wax taaban kara mustaqbalka Gobolka Geeska Afrika oo dhan. 2. In Golaha Wasiirada si dhakhso ah loo dhiso, si ay shaqadooda u guda galaan, wadankuna uga baxo firaaqa shaqo ee haatan taagan. 3. In Guddiga Amniga Qaranka uu shir degdeg ah ka yeesho xaaladda khatarta ah, soona saaro go’aanno horseedi kara nabadda gobolka geeska oo idil, ayna Dowladda Soomaaliyeed qaadato dowr hogaamineed, iyadoo muujinaysa in amniga Gobolka isku xiranyahay. 4. In la abuuro jawi kalsooni oo ku salaysan wada tashi joogta ah oo ku qotama ka hortagga khataraha amni ee wada khuseeya geeska, taasna lama heli karo inta Amniga Soomaaliya ay madax ka yihiin xubno shalay la safnaa Ururka TPLF markii ay la dagaalamaysay dowlada sharciga ah ee Adis-Ababa, qaar kalana ayba argagaxisada xiriir wada shaqeyn la leeyihiin, waana qodob khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo kan gobolka labadaba. 5. Itoobiya waa dalka aan la leenahay xuduuda ugu dheer, ayna muhiim tahay in labada dal ay si buuxda isaga kaashadaan amniga iyo ka hortagga Argagixisada, waana in xiriirkeena aysan saamayn gurracan ku yeelanin dad dano khaldan leh, ama xiriir la leh kooxo khatar ku ah Nabadgalyada gobolka oo idil. Fahad Yaasiin Taliyihii hore ee Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka
  19. Another day, another abuse against an innocent Soomaali girl and TikToker. Dad marqaansan awood yar helay wax walba ka filo.
  20. Most opportunist, corrupt and failed individuals KG had ever seen. They are really irrelevant in KG politics, xataa ma tagi karaan deegaanadee sheegtaan ka soo jeedaan. Also vast majority of Reer Arlaadi are against them. This overwhelming soo dhaweyn of Laftagareen today in Xamar and Baydhabo is intended to send a message to these individuals:
  21. ^^ He comes a true victim of Farmaajo derangement syndrome. He lives rent free inside your mind 24/7. Waa wareey.