Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Secessionists iyagana tacsi u taalo. Raila aqoonsi ka sugaayeen.
  2. And Ruto is declared the winner. Losers: Raila, Uhuru iyo waxmagarad Xasan Sh. who indirectly endorsed Uhuru-Raila alliance. If he could have just waited several more weeks, alas.
  3. Goodbye, C/raxmaan C/shakuur, inkastoo konton konteenar kugu maqantahay.
  4. They are going to announce Ruto as the next president. They keep delaying the announcement and Raila is already boycotting it since meesha soo fadhiisan. He is refusing to come to the venue. Also guddigii doorashada are divided and some reportedly left the venue, refusing to sign the results. Xaalka ma sahlano.
  5. Moooryaan askari markii laga dhigto tanoo kalaa dhacdo: Wariye Cali: Askari ayaa i rasaaseeyey aniga oo duubaya dad u careysan 30 jir 30 milyan haysta Weriye Cali Muxiyaddiin oo ka tirsan Caasimada Online ayaa waxaa rasaas si naxariis darro ah ugu furay askari ka tirsan ciidamada fadhiya bar kontorool oo ku taal isgoyska Sheelaro ee lagu baaro gaadiidka. Askarigaasi ayaa wariye Cali Muxiyaddin kula kulmay degmada Xamarweyne xili uu muuqaal ka duubayay ganacsatada qaadka oo ka cabanayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kuna dhow madaxtooyada Villa Somalia oo lagu eedeeyay sicir bararka qiimaha qaadka Miirowga ee Kenya. Wariye Cali Muxiyaddiin ayaa haweenka qaadka ka ganacsada ka wareysanayay cabasho ay ka qabaan qaadka miirowga ee dhawaan Kenya loo fasaxay, waxayna sheegeen in xubno gacan saar la leh dowladda inay cunaha qabteen ganacsatada yar yar, iyagoo xusay Wasiirkii hore amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo rag kale oo madaxtooyada ka tirsan, waxayna ka codsadeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu arrintaan soo farageliyo. Wariyaha ayaa weerarka lagu soo qaaday markii haweeney qaadlayaasha ka tirsan ay cod dheer ku tiri, “30 jir 30 milyan haysto hana nabadgeliyo masaakiinaa nahee, illaaheyna haka baqo,” waxaana markiiba kusoo cararay askari qaad ka iibsanayay goobta oo taagnaa haweeneyda hadleysay gadaasheeda, wuxuuna ku amray inuu muuqaalka damiyo isla markaana dir diro, isagoo ku cabanayay in muuqaalka isaga laga duubay oo kaamirada qabatay. Askariga oo u muuqday labo arrin midkood oo ah inuu dhibsaday haweeneyda hadalka ay ku hadleysay ee 30 jir 30 milyan haysto ama in damcay kaamirada iyo taleefanka uu wariye Cali Muxiyaddiin gacanta ku haystay. Dood dheer kadib askariga ayaa qorigii amaanka u furtay wuxuuna rasaas ku riday wariye Cali Muxiyaddiin, oo rasaastaasi alle ka badbaadiyay, dadkii goobta ku sugnaana ka argagaxay rasaastii lagu riday wariyaha, waxaana meeshii ka dhashay buuq iyo in askarigii laga celceliyo isagoo ku hanjabayay inuu dili doono wariyaha. Askariga ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada booliska Haramcad ee fadhiya isgoyska Sheelaro, heyb ahaana ay isku dhow yihiin Wasiirkii hore amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo haweenka qaadleyda ay ku sheegeen 30 jir 30 milyan haysto. Dhalinyaro goobta ku sugneyd ayaa askarigii ku qanciyay in la tirtirayo muuqaalka, waxaana wariyihii Caasimada Online laga qaaday kaamiradii oo iyo qalabkii uu wax ku duubayay, nasiib wanaag muuqaaladii Kaamirada duubtay ee laga tirtiray dib ayuu usoo celiyay Wariye Cali Muxiyaddiin, taasi oo ugu wacan aqoon aysan u laheyn kaamirada in dib loo soo celiyo muuqaaladii. “Waa ayaandaro in askari ciidanka qaranka ka tirsan ee loo tababaray inuu ilaaliyo amniga muwaadinka iyo nabadgelyada in shacabkii uu rasaas ku rido, maalin walbana askari dowladda ka tirsan si macno daro u dilo dhalinyarada oo ah mustaqbalka dalka, wax cabsi ah ama is hortaag shaqadeyda uma keeni doonto falkaasi anshax darada ah ee foosha xun,” ayuu yiri Cali Muxiyaddin. Falalka ay geysanayaan maalin walba askarta ka tirsan dowladda ee loogu talagalay inay ka shaqeeyaan amniga muwaadinka Soomaaliyeed, waxay beegsadaan dadka shacabka oo si macno daro ah u dilaan, waxayna ugu daran yihiin caddow shacabka laga ilaaliyo. Maamulka Caasimada Online wuxuu dhanka kale cambaareynayaa isku daygaasi lagu dhibaateeyay wariye Ali Muxiyaddin oo ka tirsan howlwadeenada Caasimada Online, waxayna ugu baaqeysaa hay’addaha amniga in askarigaasi oo la garanayo muuqaalkiisana ku jira muuqaalka la duubay in sharciga la horkeeno laguna qaado ciqaabta uu mudan yahay si ay tusaale ugu noqoto kuwa kale ee dhibaatada shacabka iyo wariyeyaasha ku howlan. Xigasho
  6. What a failure. Jid yar la dhiso oo dhaqaalaha iyo dadka dhisaayo dowlado kale bixinaayo ayaa haddana amnigii yaraa la sugi kari la yahay. Again, what a failure. Xamsa oo shaaciyey halis soo wajahday dhismaha laamiga Muqdisho iyo Jowhar Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bixiyey xog cusub oo ku aadan dhismaha waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kaas oo uu hadda ku yimid hakad ballaaran. Xamsa Cabdi Barre ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay in dhismaha jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar uu ku istaagay magaalada Balcad. Ra’iisul wasaaraha ayaa sababta wuxuu ku sheegay inay la xiriirto amniga waddadaasi, wuxuuna xaqiijiyey in la dhaqaajin waayey dhismaha laamigaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halis uu ku jiro inuu gebi ahaan istaago mashruuca dhismaha waddadaas oo uu tilmaamay in laba jeer la soo cusbooneysiiyey, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda maalgelineyso ay dalbaday in laamiga inta harsan lagu dhiso Muqdisho. “Balcad meeqay jirtaa? 28 KM meelahaas, Jidkaas hadda meeshaas ayuu ku istaagan yahay, Waana la dhaafin la’ yahay amni darrtiis,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu. Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in aysan suuragal aheyn in amni darro darteed loo hakiyo isku socodka Muqdisho iyo Jowhar, loona qaato diyaarad. “Suurtagalna ma ahan inaan Jowhar diyaarad u raacno, oo aynaan baabuurna raaci karin,’ ayuu sii raacuyey Xamsa Cabdi Barre. Hadalkaan ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ka sheegay munaasabad lagu taageerayey oo ay Beesha **** shalay ku qabatay magaalada Muqdisho.
  7. Sartaan wasaaradda dowladda darteeda looma rabo loogu baxo. Shaqsiyaad ayaa rabo qaataan, another maalin cad bililiqo by moooryaanta:
  8. Faysal Cali Waraabe oo weeraray Xasan Sheekh una mahad naqay Aadan Madoobe Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay baaqii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka soo saaray qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Somaliland, kaas oo salka ku haya dib u dhac ku yimid doorashada. Eng. Faysal ayaa sidoo kale aad ugu mahad celiyey guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo sida uu sheegay la soo xariiray, aadna ugu waaniyey nabadda iyo qiimaha ay leedahay. “Waxaan ka xumahay Xasan Sheekh oo og sidii aan uga dagaalanay inuu maanta nagu sheego gobollada waqooyi, inta noo quuri waayey magaca Somaliland oo kooda ‘Soomaaliya’ ka horeeyey, magacyada Puntland iyo Jubbaland-na uu ku tasbiixsado,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale guddoomiye Faysal ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya oo la dhihi jiray ku dayo Somaliland ay hadda ugu baaqeyso nabad iyo xasilooni dadka reer Somaliland. “Waxaan maanta mareynaa heer Soomaaliya oo la dhihi jiray ku dayda Somaliland ay ayagii naga naxeen oo nabad noogu baaqayaan,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan aad ugu mahad celinayaa siyaasiyiintii Soomaaliya ee nala soo xariiray oo guddoomiyaha baarlamaanka Aadan Madoobe uu ugu horeeyo, kuwaas oo nagu waaniyey nabad geliyo.” Faysal ayaa aad u weeraray madaxweynaha ay xiisadu kala dhaxeyso ee Muuse Biixi, isagoo ka hadlay dhamaan qodobada ay isku hayaan iyo ajendaha Muuse ee doorasho diidka ah, sidoo kale rabshadihii dhacay iyo cida masuuliyada qaadeysa ayuu ka hadalkooda ku dheeraaday guddoomiye Faysal.
  9. Dhulkii intii yareyd ku soo hartay garoonka Aaden Cadde in la bililiqeysto oo la dhisto la rabaa. Garoon degmo inay ka dhigaan rabaan, horaa dhulka garoonka baaxadka weynaa loo biliqeystay, Xasan Sh. ka mid ah dadkii bililiqeystay sanadkii 2014. Hool weyn ayuu ka dhistay oo hadda kulamada iyo aroosyada kagu qabsado, walaalkiisana maamulo. Sidoo kale dhulka garoonka ganacsato Turkish ka gadeen oo hiteelka Decale ka dhistay. Waana garoon aanan meelaha baabuurta la dhigto oo quman lahayn maadaama la bililiqeystay dhulalkaas.
  10. After hanjabaad from Reer Baahane, xafiiska ra'iisul wasaaraha was firced to remove the true figure of 90. Laakiin Imaaraadkii iyagaaba hore u qarxiyey. What a shame.
  11. Sidaanoo kale doorashooyinkii horena wey dhacday. Kiikuuyo need to change the way count and tabulate the votes. This year the counting process was supposed to be 'electronically' too. Just count prisidential votes first and quickly announce it.
  12. Yuusuf Xasan oo dib loogu doortay kursigiisa Islii. Islii xildhibaanka dowladda hoose ku matala Soomaali ayee u doorteen.
  13. Latest numbers. Soomaalida are voting for Raila in a landslide.