Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Marqaan-induced militia abusing odey dhaqameedkii aayahooda ka tashanaaye:
  2. Dagaal culus oo ka dhacay Laascaanood & wararkii u dambeeyay Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe dagaal culus oo ka dhacay bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin xaafada Durdur ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ah, kuwaas la geeyay goobaha caafimaadka ee Laascaanood, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saaka bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub iyo howlgallo ay ku baadi goobayan raggii ka dambeeyay weerarka xalay ka dhacay halkaasi. Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli cakiran, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka barakacaan xaafadaha qaar ee Laascaanood oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, maadaama rabshaduhu ay sii kordheen, isla-markaana ay socdaan todobaadkii labaad. Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland xukunto Laascaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin. Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood. Dhankooda ciidamada Somaliland ayaa awood u adeegsanaya dibadbaxayaasha, waxay maalmihii lasoo dhaafay toogteen dhowr qof oo shacab ahaa, kuwaas oo aan waxba galabsan. Si kastaba, baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay. Xigasho
  3. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi u magacaabay soo baarista dhibaatooyinkii ka dhacay Laascaanood Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaarinaya dhibaatooyinka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Guddigaan uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madobe ayaa ka kooban ilaa 10 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray guddigaan iney kasoo tala bixiyaan xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood, waxaana si gaar ah loo faray guddigan in warbixin dhameystiran ka keenaan dadka ku dhintay shaqaaqooyinka iyo kuwa dhaawacmay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale faray guddigaan iney deg deg ku howlgalaan, islamarkaana guddiga ay dib ugu soo celiyaan natiijada kasoo baxdo xog baaristooda iyo xaqiiqada waxa ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. _______________________ Expect another 'guddi' from Cabdi Xaashi, Muuse Muqayil's representative in Xamar si uu qash qashaad u alifo.
  4. Xasan Socdaal's face iskeenay barxadda, revealing he is a true Ismaaciil Cumar Geelle's gacanyare. Waa yaab. Worse many of Reer Sool xildhibaanno selected him as a president under the advise of Deni almost eight months ago. Maxee ka shalaayeen maanta, same way Deni is for different reasons.
  5. Internet xoog lagu damiyo does not imply kacdoonka inuunan socon. Internet la dansado haddee wax tareyso Xusni Mubaarak iyo Tuniisiya wax u tari lahayd.
  6. When one is full of jaad and from marqaan sessions, this is how they fire. Even the sickening way they fire seems like inaanan waligood la tababarin.
  7. Reer Laascaanood have a golden, united opportunity ay iskaga tuuraan secessionists and their failed, useless project.
  8. How come divide and conquer only works on the Sool side? A much smaller deegaan that is Buuhoodle and nawaaxigeeda kama dhacdo saan after three decades. Is biyaha Sool different?
  9. Why is Deni silent? Yaab. Xataa cambaareyn yar maaka soo yeeri weysay.
  10. Gabadhaan ayaa ka mid ah dadka maanta la toogtay. Eebbe ha u raxmado.
  11. Sawir iala markiiba xusuus weyn noqday ayaa laga qaaday magaalada Laascaanood caawa.
  12. Waxgaradka iyo aqoonyahanada Reer Laascaanood are still being killed. Reer Koonfur Galbeed lagu marmarsiyoon jiray si hantidooda loo dhaco ma joogaan maanta.