-
Content Count
17,655 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Marka adiga ma'aha miyaa sawirka? Ileen waxaa laga yaabaa dadka qaarkood inay sawirka yaqanaan qofka leh saasna kuu daba taagan yihiin, mise ogoow waagii hore ayee arkeen oo afar sano kahor kasoo wareegatay. Ogoowna adiga uguma horeysid qof soo saarto sawirkaas meesha. Occasionally marba qof aa iska soo saarto. Taloow su'aal aan ku weydiiye, maxaa ku jiro sawirkaas oo loogu dambeeyaa? Koleey aniga sawir caadi uu ila yahay.
-
'Dadka soo barakacay'
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Salaan... Idinka sarcasticnimada naga yareeya, yaaqeey. Runtii is weydii su'aashaas, yaa soo barakacay? Barakac dhaqaalo mee ku xiran tahay? Barakac daarado waa weyn aadan lahayn maku xirno? Horta su'aasha ugu horeyso, maxee tahay barakac? Aniga saan u fasirtay, waxaan u maleyaa in laga wado dad meel kale kasoo kacay una soo kacay meel cusub, badanaa heysan hoy iyo meel kale oo XALAAL ah u diyaarsan. Sheekadaan aqri [sheekada waxaa lagu soo daabacay wargeyska Qaran, oo ah wargeysyadii ugu horeeye Xamar laga daabaco markee dhacday dowlada, oo ahayd 1991]: Xilligii kala yaaca 1991-dii ayaa nin ka cararay gurigiisii oo ku yaala magaalada Muqdisho arrimo qabiil dartood, intii uu sii muuqdana waxaa qabsaday qoys u hamuun qabay kuwaasoo sidaas isku yiri, ‘Guriga waad yeelateen.' Qoyska guriga qabsaday waxay guriga u maamusheen sidii wax ay leeyihiin iyagoo qaar ka mid ah qolalka guriga dagay, halka qaarka kalana ay ijaarteen sidaas ayeyna ahaayeen muddo sanadyo ah, war iyo wacaalna uma hayn gurigaan cidda iska leh iyo halkey ka baxeen. Ninka guriga iska lahaa oo isagu qaxooti muddo badan ku ahaa mid ka mid ah dalalka deriska ayaa dib ugu soo laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ku ogaa gurigiisii hoyga u ahaa, wuxuuna soo dagay Hoteel ku yaala isla Muqdisho. Ninku wuxuu watay kaarto ama qorshe uu ku soo talo galay in uu gurigiisa ku soo gato tiiyoo laakiin uu ogaa in guriga ay gacanta ku hayaan koox ma naxayaal ah kuwaasoo hub la dhex fadhiya laakiin wuxuu sameeyey qaabkii u degsanaa inuu howlgeliyo. Wuxuu iska dhigay nin marti ah isla markaasna wuxuu u yimid xilli habeen ah kuwa guriga gacanta ku haya isagoo weliba madaxa cimaamad soo saartay si dadka deriska ah aysan u arag, wuxuuna weydiistay qoyskii guriga haystay qol ijaar ah maadaama uu u sheegay in uu daggan yahay Hoteel lacagtuna qaali ku noqotay. Reerkii waxay ninkii ka ijaareen qol, wuxuuna isla markii [baxshay ijaarkii], wuxuuse iska jiray in dadkii deriska ahaa arkaan isagoo waqtiga habeenkii guriga soo seexan jiray xilli dambe, subaxdiina bixi jiray aroorta hore. Markuu labo bilood sidaas wax ku waday ayuu haddana u sheegay kuwii guriga haystay in reerkiisii imaanayaan uuna doonayo guri ijaar ah isagoo lacagtana kor u qaaday si uu damac u geliyo qolada guriga haysata, reerkii oo showray ayaa ku heshiiyey in guriga ay ka guuraan dadka kalana ay ka saaraan si ay uga ijaaraan guriga dhammaantis ninkaan kaasoo ahaa ninkii dhistayba. Ninkii wuxuu helay fursad uu guriga ku wada maamulo, wuxuuna u sheegay reerkii in guriga inta uusan soo dagin uu shaqaale gelinayo, dayactirna ku suubinayo, taasna waa laga aqbalay, iyadoo rajada ugu darran ee qoyska gashay ay ahayd dayactirka oo ijaarku ka bannaan yahay. Ninkii guriga lahaa wuxuu dayactiray gurigii, maalmo kaddibna wuu iibsaday, sidaasna waxaa gurigii kula wareegay milkiilayaal kale, bishu markey dhammaatana qoladii guriga haysatay waxay soo doonteen ijaarkii, waxaana lagu yiri, ‘Raali ahaada waad soo wareerteene gurigaan waa la gatay, dukumintigiisiina waa kanaa.' ________________ Qaran -
What about your picture? And who is this guy? This guy who joined Somaliaonline in back early 2002, four years ago next month. You're either him or you are...[iska dhaaf]. Hadaad sawirkaas leedahay waala kasay, hadaadan lahayn, kuuma fiicno sawir dadoow inaad meesha suratid, not to mention it is against the SOL rules.
-
Isla hadadaan aan qoraayo dagaal ayaa ka socdo duuleedka Waqooyiga Bari ee Xamar, kaasoo bilowday hiraabtii xiliga Muqdisho. _________________ Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalo culus ay saaka Waaberigii ka qarxeen duleedka Bari ee magaalaada Muqdisho gaar ahaan degaanka Galgalato iyadoo dagaalku dhex marayo laba maleeshiyo oo kala taabacsan labada ganacsade ee isku jufada ah Bashiir Raage Shiiraar & Abuukar Cumar Caddaan. Dagaalkan oo la isku adeegsanayo hubka waaweyn iyo kuwa fududba ayay iminka uun soo baxayaan qasaarihiisa oo u badan maleeshiyooyinka dagaalamaya maadaama goobta dagaalka ay tahay meel bannaan oo aanay dadka caadiga ah degaano ku lahayn. Isbitaalka Keysaney oo goobta u dhow ayaa xaqiijiyay in la geeyay dhaawac gaaraya 15 ruux oo qaarkood aad u culus yihiin, halka Isbitaalka Madiina isna la geeyay ilaa 7 ruux oo dhaawac ah. Faahfaahin badan lagama hayo dagaalka labadan ganacsade u dhaxeeya oo ah markii labaad oo ay degaanka Galgalato isaga hor yimaadaan, waxaana dagaalkoodii hore uu salka la galay laba isbaheysi oo soo kala horjeeda: Maxkamadaha iyo Isbaheysiga argagixiso la dirirka. Degaano ka mida: SOS, Suuqa xoolaha iyo Kaaraan ayay soo gaareen rasaasta ka imaaneysa goobta dagaalka, isbitaalka Keysaney ayaa dhaqaatiirta ku sugan ay sheegeen inaysan rasaas joogto ah ku soo dhaceyso isbitaalka iyo agagaarkeeda. Yoobsan.com _________________ Meeshaas lagu hardamaayo waan soo maray, oo xataa sawiro aan kasoo qaaday. Waaba hayaa, aan idin tusiyo. Meesha lagu hardamaayo maanta. Duurka hadee isku dagaalaan dhabtii gudaha wey dhaantaa, laakiin nasiibxumo labadaan ganacsato ku sheeg labadii qeyb oo horeey u hardamay ee ku kala jiraan, oo isbaheysi leh. Hiil iyo hoo inay ka helayaan ayaa ku xigto, iswarsasho maleh. Hadee kusoo biiraana waxaa dhab noqoneyso dagaalka in uu magaalada soo galaayo, markuu magaalada soo galana...waa iska og tahay. Eebboow naga qabo.
-
Salaan... Daanyeer, kaftan ee kaa tahay, laakiin sawirada dhabta hadaa aragtid, adigaaba yaabeysid. Caqli xumaa. There is a thin between being geesi and a dabaal. Waxee wataan fiiri. Waxee la dagaalayaan. Doontooda sidii loo galay. Hubkii laga qaaday. Yaa wax u sheego in uu baasuuko iyo Aakee isbaaro uu wax ku taro, not against maraakiib hubeysan sheydhaan sameystay. Baasuuko eeyba la ordaayaan.
-
Salaan... Since I think Baydhabo.com is least interested to take sides in this particular conflict, it thus reports: Siyaasiyiin isugu jira Wasiirro iyo xildhibaano ka soo jeeda beesha [qabiil] ayaa maanta shir saxaafadeed ku qabtay Baydhabo. Xildhibaan Cawad Axmed Casharo ayaa ku hadlayay magaca Xildhibaannada iyo Wasiirrada ka soo jeeda beesha [qabiil] asagoo horayna Wasiir ugu ahaan jiray dawlad goboleedka Puntland. Xildhibaan Caawad Axmed Cashara oo ay shir saxaafadeedka ku weheliyeen xildhibaanno ay ka mid ahayd Caasha Axmed Cabdalla ayaa wuxuu sheegay in beesha [qabiil] oo degta gobolka Sanaag deegaankeeda lagu soo xadgudbay oo si aan waafaqsanayn dastuurka federaalka loo "faramaroorsanayo" kheyraadka ku jira deegaanka beesha ka dib markii shirkado ajnabi ah qandaraas la xiriira macdan-baaris ay la saxiixdeen dawlad goboleeda Puntland. Xildhibaan Caawad Axmed Cashara ayaa intas raaciyay in khayaraadka dabiiciga ah, gaar ahaan macdanta dhex ceegaagta dhulka ay milkiyadeedu leedahay dawlada federaalka, sidaas daraadeedna maamul goboleeda Puntland uusan xaq u lahayn in shirkad ajnabi ah uu heshiis la galo oo weliba "qashin iyo sun lagu shubo" deegaanadan waa siduu hadalka u dhigaye. Shir saxaafadeedka ayaa yimid ka dib markii ciidamo u dhashay deeganka macdanta laga baarayo iyo ciidamo ka tirsan maamul goboleeda Puntland uu iska hor imaad ku dhex maray deegaano ka tirsan Dhalan iyo Majiyahan oo ku yaalla koonfurta Ceelaayo (Sanaag).
-
Salaan... Waxaa idaacadaha, wargeysyada iyo shabakooyinkaba ka maqlaa ereygas mawduucaan ugu dhigay: Dadka soo baracay. Kuwa waaba kasii daraan, oo ugu daraan qaxootiga soo barakacay. Badankooda waxaa loo isticmaalaa dadka degan meelihii dowlada lahayd ee Xamar ku yaalo. Ma xumo, wey soo barakaceen. Qof diidan ma jirto. Waxa iga yaabiye waxee tahay, Xamar maanta yaa degan oo aanan soo barakicin? Hadaa fiirisid, Xamar dadka maanta wada degan boqolkiiba sagaashan ama ka badan waxee yihiin dad soo galay dagaalada sokeeye ka bacdi. Dadkaas oo dadba si ugu yeeraan, qaarkood yiraahdo soo galooti, kuwana sandhay ugu waco. Su'aasha mar labaad waxee tahay, dadkaas sooma soo barakicin? Mise weerada soo baracay kaliya waxa lagu koobay dadka degan dhismooyinkii, warshadihii ama iskooladii dowlada lahayd, oo laga reebay dadka degan guryaha xooga lagu heysto. Xamar kaliya kuma koobno, magaalooyinka waa weyn dhan ku wada siman yihiin, Xamar ha ugu horeysee. Su'aasha waxeeba keeneysaa, yaa daran labadooda? Kan degan dhul dowlad lahayd mise mid shaqsi loo lahaa oo xoog lagu degan yahay? Hadaan deganahay daarad aan lahayn, oo aan ijaar bixin, waxaan ahay miyaa dadkii hore u deganaa? Laakiin kii dhismaha dowlada degan, oo qaarkood lacag loogu qaato xataa, ka qaataan kuwii horey u heystay dhulkaas mise sheegto? Isku barbardhig, yaa soo barakacay labadaas? Yaanan soo barakicin?
-
Wareysi Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Suldaanka's topic in Politics
Saan si ma'aha. Dad cimrooda raagay la kala reeb reebaayo. Eeboow na kala qabo. Baliis, baliis, aflagaadada, afmiinshaarnimada, afxumeynta iyo afuufka joojiya hadaa rabtiin in wax la tir tirin or if you don't want threadkaan la xirin. -
Salaan... I knew this MEMRI organization for a couple years, mainly from Western print media's, particularly the conservative ones, fondness of oft-quotation of its selectively translated Carabi media. So, what is MEMRI? From Wikipedia [not always accurate, but it is this time]: M EMRI was founded in February 1998 by its president Yigal Carmon a retired colonel in Israeli military intelligence, and the academic Dr. Meyrav Wurmser. The organisation became more prominent after the September 11, 2001 attacks, due to increased Western public interest in Arab and Iranian affairs. At that time, it expanded its staff considerably, setting up new branches abroad in early 2002. More growth and expansion of focus was experienced during the Iraq war, as media activity increased in that area. Prominent critics of MEMRI include the academics Dr. Juan Cole and Dr.Marc Lynch who have criticized MEMRI on their non-academic blogs, Mr. Brian Whitaker a former graduate student in Middle Eastern studies and the Middle East Editor of the British Newspaper, the Guardian, who has criticized MEMRI in the newspaper he edits, and Ken Livingstone, the mayor of London. Dr. Cole has accused the institute of "cleverly cherry-pick[ing] the vast Arabic press, which serves 300 million people, for the most extreme and objectionable articles and editorials", selecting the Arabic equivalent of comments on Islam by the likes of Christian fundamentalist Jerry Falwell or outspoken conservative columnist Ann Coulter. He also notes that, "On more than one occasion I have seen, say, a bigotted Arabic article translated by MEMRI and when I went to the source on the Web, found that it was on the same op-ed page with other, moderate articles arguing for tolerance. These latter were not translated." Professor Marc Lynch, on his blog "Abu Aardvark", expressed agreement with Cole, "MEMRI routinely selects articles which show the worst of Arab discourse, even where this represents only a minority of actually expressed opinion, while almost never acknowledging the actual distribution of opinion. It is the near-unanimous consensus of all Arabic-speaking experts on the Middle East that your [MEMRI's] service does exactly what Professor Cole alleges." Brian Whitaker quotes Dr. William Rugh, former US ambassador to the UAE and Yemen, describing MEMRI as a service which, "does not present a balanced or complete picture of the Arab print media. Its owners are pro-Israeli and anti-Arab. Quotes are selected to portray Arabs as preaching hatred against Jews and westerners, praising violence and refusing any peaceful settlement of the Palestinian issue." In another point of criticism of the Reform Project, Mohammed El Oifi wrote in Le Monde Diplomatique that MEMRI "...[takes] hostage Arab liberals by creating the strange category of 'liberal or progressive Arab journalist'. In order to belong to this category, one must pronounce himself against any armed resistance in the Arab world, in particular in Palestine and Iraq; denounce Hamas and Hezbollah; criticize Yasser Arafat; plead for 'realism', that is accept the power structure of foreign domination; be favourable to US projects in the Middle-East; incite Arabs to make self-criticism and renounce the 'conspiracy mentality'. He must also demonstrate a strong hostility to nationalism and political Islam, or even despise the Arab culture. His criticisms must target in particular religious people, and, more generally, societies which would lag behind enlightened Arab leaders. He must praise individual liberties, without insisting however on political liberties and even less on national sovereignty." The "Reform Project" has also been praised. Thomas L. Friedman in the New York Times credits MEMRI with helping to,"shine a spotlight on hate speech wherever it appears..." Brian Whitaker has made the more general criticism that, "The stories selected by Memri...reflect badly on the character of Arabs." In his 2002 Guardian article entitled, "Selective MEMRI" Whitaker presents several examples of this: 1) An article from Saudi Arabia describing how, "Jews use the blood of Christian or Muslim children in pastries for the Purim religious festival". Whitaker objected to MEMRI's claim that "al-Riyadh was a Saudi "government newspaper" because this "impl[ied] that the article had some form of official approval," and stated that al-Riyadh was a privately owned company. He did not object to MEMRI's choice to translate the article, which he notes, "demonstrated, more than anything, was the ignorance of many Arabs - even those highly educated - about Judaism and Israel, and their readiness to believe such ridiculous stories". 2) MEMRI's description of a poem by Saudi Arabia's ambassador to London entitled The Martyrs - about a young woman suicide bomber - as "praising suicide bombers". Whitaker argues that the poem actually should read as, "condemning the political ineffectiveness of Arab leaders". 3) MEMRI's choice of an extract of an article in the pan-Arab newspaper, al-Hayat, by Dr. Adil Awadh, a Iraqi National Congress (INC), detailing an order by Saddam Hussein that deserters from the army should have their ears amputated. Whitaker suggested that since this was, "the sort of tale about Iraqi brutality that newspapers would happily reprint without checking... it needs to be treated with a little circumspection". According to an article by Mohammed El Oifi published in Le Monde diplomatique, London mayor Ken Livingstone requested a report to inform himself on Yusuf al-Qaradawi before his visit. After reading the study, he concluded "nearly all of the lies distorting al-Qaradawi's statements came from the MEMRI institute, which pretends to be an institute of objective research. However, we found out that the MEMRI had been founded by a former MOSSAD officer, who systematically distorts not only al-Qaradawi's statements, but what many other Muslim scholars say. In most of the cases, disinformation is total, and this is why I published this study." Professor Halim Barakat of Georgetown University wrote that MEMRI had mistranslated an article in the London-based Al-Hayat newspaper, changing "Zionists" to "Jews" and "Zionist leadership" to "Israeli Jews" and had taken sections of the article out of context. Brian Whitaker, in a Guardian article critical of MEMRI, has noted that three of the original six founders of MEMRI were former members of the Israeli secret services. MEMRI describes itself as nonpartisan and independent. However, Juan Cole has accused MEMRI of being part of a conspiracy to serve the interests of Israel: "MEMRI was founded by a retired Israeli colonel from military intelligence, and co-run by Meyrav Wurmser, wife of David Wurmser. David Wurmser is close to the Likud Party in Israel and served in Douglas Feith's Office of Special Plans in the Pentagon, where he helped manufacture the case that Iraq had weapons of mass destruction and was linked to al-Qaeda. David Wurmser, who wants to get up American wars against both Iran and Syria, then moved over to Vice President Dick Cheney's rump national security team. "[28]Cole also wrote that MEMRI is "a sophisticated anti-Arab propaganda machine...and...one of a number of public relations campaigns essentially on behalf of the far right-wing Likud Party in Israel." After noting the Israeli Military background on the President of MEMRI and the ties of a former executive to the Bush-Cheney US Whitehouse, Dr. Juan Cole wrote on his blog that, "MEMRI is funded to the tune of $60 million a year by someone." Dr. Cole suggested that Carmon's protest might have been motivated by fear that Cole's comments could endanger MEMRI's tax exempt status: "[The] issue [that] almost certainly generated the entire letter [is that] MEMRI is a 501 © 3 organization, which is tax exempt in US law, and therefore cannot engage in (much) directly political activity without endangering its exemption. I don't think MEMRI does so directly intervene in politics as to make its 501 © 3 status questionable. But it is obvious that 501 © 3 is widely abused by rightwing think tanks." __________________ Xigasho
-
Salaan... Calling a people that is 20 or more million people doqon, nac.as, dabaal, dhaadhaan. Ma'ogi see wax idinka noqotay.
-
Puntland leaders paying for their crime
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to codetalker's topic in Politics
Miskiin As long as we have close family friends (which we all know the association they are trying to hide! assuming they are two differnt people;) coming on this site! The quality will go down. Soomaalida kale forum-yadooda laguma arko, but on this site it is not uncommon to have people who know personally or are related. Many people know one another personally before they logged on here; many have met and befriended. Many know one who knows that knows or a mutual people they know. -
Puntland leaders paying for their crime
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to codetalker's topic in Politics
Jen., I didn't single you out particularly. I thought you, as a senior member, knew the issue was settled. Dadka kale iska accuse gareynaayo naftirkooda wa u sheegay, walina wadaan, which I started deleting their posts. We need to be fair, widaaygiis. This same issue was what prompted the Admin. to disallow public accusations. You knew that episode. Everybody realized public accusation degenerates the forum, thus should one suspect, private PM the Admin. It never ends, which never helps the quality of the forum. Hadaa si kale u qaadatay, aad baan ugu xumahay. -
Warlords cash in while Somalis face a bleak Future
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Suldaanka's topic in Politics
Ururka Garyaqaanada Somaaliyeed oo walaac ka muujiyay xaalufinta lagu hayo dhirta Soomaaliyeed. Ururka Khareenada Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay Xaalufka naxariista darada ah ee ka socda Wadanka, taasoo ay sheegeen in ay keeneyso dhibaato weyn oo si xun u taabaneysa shacbiga Soomaaliyeed guud haan, gaar ahaanna Nimcooleyda iyo xoolaha duur joogta ah haddii aan laga hortagin. “Dhirta oo la baabi’iyo waxay keeneysaa Dhibaato aan la qaadi karin, sida roobka oo yaraada, dhulka oo noqda mid lama dagaan ah, nolosha dadka iyo duunyada oo culeys soo wajaho†ayuu yiri Prof. Maxamuud Cali Daahir (Guure) oo ah Guddoomiyaha Garyaqaanada Soomaaliyeed (SLS) wuxuuna intaa ku daray “maadaama aysan jirin dowlad shaqeysa, waxaa waajib ka saaran yahay joojinta Xaalufkaa lagula kacayo dhirta wadanka shacbiga Soomaaliyeed oo ay wax ka qabtaan kuwa ku dhaqaaqaya falkaa naxariista darada ah ee aan damiir iyo wadanimo lahaynâ€, waxa kalloo uu sheegay in Dowladaha dhiirigelinaya Xaalufka lagu hayo wadanka in ay maxkamad la tiigsan doonaan, wuxuuna ugu baaqay Dowladahaasi in si deg deg ah u joojiyaan Dhuxusha sida sharci darada ah looga keenayo dhulka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii wuxuu uga digay kuwa guraya iyo kuwa fududeenayaba in ay gacanta kula jiraan fal dambiyeed oo ku xusan sharciga Soomaaliyeed. Xigasho: Soomaalitalk.com [13 Maarso, 2006] -
And the point of this thread is? PS, wikipedia isn't a trusted source, and particulary this article mentioning him born in 'Ganaane.' Siyaad Barre was born in gobollada dhexe. There is no such place called Ganaane in Soomaaliya, but a former name for a particular river, now called Jubba. Or did they mean Luuq Ganaane?
-
Originally posted by Mr. Jibis: Seeing as I only have 3 posts to go before I hit the big 1000, I fell I should "contribute" tonight. Welcome Odey Abdulle.....you sure you're not Odey Shirwac? Do you know who the really Odey C/lle is? Not this guy, but the name? It is a person equivalent of Rick Mercer's funny rants combined with Jim Carrey's antics. A well-known comedian in Soomaaliya.
-
Baashi, Otaanga waa lagu soo jabay dheh. Aniga waligeey ma tagin, oo Neyroobi dhanka Gaarisa lee ka aaday. Dhuudhigii ka waran? Cijiyo baxay? Laakiin abkoo qaraabo dhan Otaanga ayee tagi jireen wixii 92-94 u dhaxeeye. Ar maxee kusoo jabeen. Waxaa maqlay qofka u qaabilsanaa arimaha dhoofka Mareykanka naag Pamela la dhihi jiray, Soomaalidana ugu wici jirtay Balbeelmo. Taloow ma jirtay taas? Abtigeey reerkiis ayaa ku soo dhacay interview-gii, markee kusoo noqdeen Neyroobi wiilkiis shan jirka ahaa ayaa dhihi jirnay, "Yaa kaa reebay Mareykanka?" "Balbeelmo. Uff waaye Balbeelmo." Shan jirkeena xataa waagaas Mareykanka muxuu jano mooday. Ar maxaa adduun la bartay gadaasheed.
-
Yihooy waala soo dhacay. Mahaan mihii ma'aha, yihooy iska jir. Eeboow, soo dhawoow. Fiimto noo cab, jiimbaartana isku jimci.
-
Puntland leaders paying for their crime
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to codetalker's topic in Politics
Originally posted by General Duke: ^^^ Horn nice post but I wonder why find it necessary to still hide behind the nom-degra Wind/Codetalker>? Jen., we thought this issue was publicly resolved and buried. Windtalker/Codetalker is NOT Hornafrique/Kashanre. I reiterate accusing others having other nicknames is against the rules now. It affects that person's character, as well as degenerating the quality of the forum. Anyone's posts accusing others will from now on be deleted. Should anyone be suspicious about a person having multiple pseudonyms on this forum, let the Admin. know. -
Warlords cash in while Somalis face a bleak Future
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Suldaanka's topic in Politics
Salaan... Aqiyaarta, Soomaali jaahilnimada waa ka wada siman yihiin oo waa isma dhaanto iyo dhasheed. Aqri hoos. _________________ Jigjiga, Somalitribune (8/3/06) - Meelaha ugu siidaran ee sida xoogga leh loo xaalufiyay waxaa ka mid ah goobihii ay degganaayeen qaxootigii Soomaaliya ha ugu sii daraadeen Degmada Q/bayax, gaar ahaan magaalooyinka Q/bayax iyo H/Sheekha iyo Degmada Awbarre oo kayn ahaan jiray haddana lama degaan isu baddalay. Meelaha kale waxaa ka mid ah degmada Gaashaamo, Rabaso iyo Daroor gobolka Godey iyo agaarkeeda iyo Qalaafo. Aagaggaa oo muddo dheer oo ay ku sugnaayeen sida Q/bayax oo kumaankun oo qaxooti ahi degganaayeen dhirtii kaynta ahayd waxay ka yeeleen waxay shitaan, waxay xaabo iyo dhuxul ay magaalooyinka u iib geeyaan ka dhigtaan iyo waxay buulal ka dhistaan. Haddaba aagaggaa qaarkood dadaalo yar-yar oo ay dib u dhirayn ku sameyeen meelaha qaarkood hayado aan dawli ahayn oo ka damqamaya sida ba'an ee dhirta loo xaalufiyay loone dabarjaray, haya'daha aan dawliga ahayn ee dadaalka dib loogu dhiraynayo dhulka ay qaxootigu xoolifiyeen mudadi ay degganaayeen waxaa ka mid ah hayadda aan dawliga ahayn (NGOga) lagu magacaabo HOPE FOR THE HORN oo ah hayad waddani ah oo degaanka Soomaalida ka jirta kana hawlgasha. hayadda HFH waxaa u suurta gashay inay sannadihi la soo dhaafay dhirayso qoobihi qaxootiga Soomaaliya xaalufiyeen oo Degmooyinka Q/bayax, Awaare iyo Gaashamo ka kala tirsanaa, sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2005kii waxay ku beertay dhir gaadhaysa 250,000 oo geed degmooyinka Q/bayax, H/Sheekha balliyalay, Dulcad, Aboko, Rabaso, Daroor & Agagaarka Degmada Gaashaamo. sannadkan 2006 kana waxaa u qorshaysan inay goobahaa qaxootigu xaalufiyeen ka beerto dhir gaadhaysa illaa 350,000 oo geed oo lagu diyaariyay xarunta dhir diyaarinta ee Q/bayax. Waxaa kale oo dhir xaalufintaa barbar socotay shan iyo tobankii sano ee la soo dhaaqayna lagu hawlanaa olole kale oo dhirta qoyan dhuxul ahaan loo shidamayo taasoo si laxaad leh oo aan xad lahay loo dabar jaray dhirtii kaymaha ahayd, waxaa xusid mudan degmooyinka Q/bayax iyo Dhagaxbuur kayntii jiqda ahayd ee u dhaxaysay oo aad loo jaro, maalintii in ka badan toban baabuur oo waaweyn oo dhuxula laga raro, dhuxushaas waxaa loo kala iib-geeyaa Soomaali land oo la sheegay in la sii dhaafiyo dalalka carabtana looga sii dhaafiyo. Magaalada Jigjiga ee xaruunta Degaanka Soomaalidana waxaa saddexdii maalmoodba la soo galiyaa shan illaa toban baabuur oo dhuxushii oo aan jawaan ku jirin oo rasaysan ka buuxdo dhuxushaas oo la dhigo xaafada dhan oo suuq u noqday, dhuxushaa dhawrkii maalmoodna lagu soo dajiyo boqolaal kintaal oo oo dhuxul (eeg sawirrada la socda qoraalkan). Haddaba, dhirtaa sida sharci darrada loo jarayo xilligii Xukumaddii Dhargiga mamnuuc ayay ka ahayd, waana la dabagali jiray cid kastoo isku dayda inay dhirta jirto oo xaabo iyo dhuxul ay ka ganacsato ka dhigto sharciga ayaa lala tigsan jiray xafiiska beeraha ayaana arrintaa u xilsaarraa. Hasayeeshee, mudada 15 sannadooda ee ay dalka soo maamulayeen Xukumadaha Dimuqraadiga ah cid arrintaa qaabilsan oo ilaalisa dabagalna ku sameysaa ma jiro, dhul baallaadhan oo kaymo Jiq ah ahaa ayaana la xaalu fiyay, arrintaa dhir xaalufinta iyo dhuxusha xad dhaafka ah ee dalka iyo dibaddaba loo dhoofiyo ee degaanada Araarso ee Degmada Dhagax buur aad ugu badan, sababta loo eeganayo waxna looga qaban la'ayahay mar wax laga waydiiyay Madaxa Xafiiska Horumarinta Xoolaha iyo Kh/Dabiciga C/laahi Cabdi Aadan, Wuxuu sheegay inay arrintan hordhigi doonaan hayadda sharci dajinta oo ah Golaha Baarlamaanka Dawlada Deegaanka Soomaalida si sharci lagaga hortagayo xaalufinta dhirta laguna xaddidayo dhuxusha looga soo saaro. Arrintaas oo xasaasi ah dhibaato ba'anna ku haysa degaanka una horseeday dhulka la xaalufiyay carro guur dillaac iyo waraarro dhulkoodhan si deg-degsiiyo leh ugu fidaya dhul beereed badanna xanibay sidoo kale qorrax kulul, dabaylo aan kala joogsi lahayn, nabaadguur, dhaxan habeenkii ah iyo roobyaraan aanay lahaan jirin ayay xaalufinta dhirtu horseedday arrintaas oo la odhan karo waxay qayb ka tahay abaaraha joogtada ah ee degaankan la soo darsay sonnooyinkan dambe, waxaana lagaga gudbi karaa sidii xal deg-dega loogu heli lahaa xaalufinta dhurta muwaadin kasta oo degaanka u dhashay ku dalka gudihiisa ku sugan iyo ku dibadaha joogaba xil ayaa ka saran sidii uu uga dhiidhiyi lahaa ugana hortagi laha arintaa. Xigasho: Soomaalitribune.com __________________ Jaahiliintaan Eebe ha naga qabto. -
A Shirweynihii Saddexaad ee Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed (Somali Speaking Pen) ayaa ka furmay Aqalka Ummadda ee magaalada Jabuuti 26ki Febraayo 2006-da. Shirweynahani wuxuu ku soo beegmay si weyna u bilay Kulan-wene lagu magacaabay Toddobaadka Afka Hooyo, kaas ku aaddanaa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, 21/2. Kulan-weynahaas waxaa furay, khudbad dareen hilow dhaqan xanbaarsanna ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo aad ugu nuuxnuuxsaday baahida loo qabo daryeelka iyo horumarinta afka hooyo oo uu ku tilmaamay halbowlaha nolosha iyo miftaaxa horumarka ummad kasta. Gabagabadii toddobaadkana madaxweynuhu wuxuu Naadiga PEN guddoosiinyey billad sharafta Dhaqanka, taas oo Naadiga PEN looga abaal-marinayo kaalinta firfircoon ee uu kaga jiro daryeelka afka hooyo, horumarinta suugaanta iyo faafinta aqoonta guud.; maamuuskaas oo aanu madaxweynaha uga celinayno mahad aad u ballaadhan. Isla billad-sharaftaas Dhaqanka wuxuu Madaxweynuhu ku maamuusay abwaanno iyo qorayaal ay ka mid yihiin Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Maxamed Daahir Afrax, Aw Jaamac Cumar Ciise, Maxamuud Dirir Geeddi iyo Gamaludin Redo. Naadiga PEN waxaa sharaf weyn u ah in ay xaggiisa ka timid fikradda qabanqaabinta kulanweynaha Toddobaadka lagu maamuusayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, taas oo hindiseheeda lagu qeexay qoraal uu diyaariyey Guddoomiyaha Naadigu. Hirgalinta Toddobaadkana waxaa hormuud ka ahayd Wasaaradda Dhaqanka iyo Warfaafinta Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana gacan ka geystey haya'do iyo shirkado ay ka mid yihiin Djibouti Telecom, Idaacadda iyo Televisionka Jabuuti, Daalo Shirkadda Daalo iyo haya'dda UNESCO; xubnaha PE-na safka hore ayay kaga jireen dadkii u guntaday fulinta barnaamijka. Shirweynaha Saddexaad ee Naadiga PEN waxaa ka soo qayb galay xubnihiisa Jabuuti ku sugan iyo ergooyin ka kala yimid qaybaha kala duwan ee Soomaaliya, Itoobiya, Sweden, iyo Dalka Ingiriiska. Waxaa iyana xusid mudan xafladdii lagu maamuusayey gunaanadka shirweynahan inay ka soo qayb galeen Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Itoobiya, Mudane Maxamuud Dirir iyo Agaasime Goboleedka 'UNESCO' ee Bariga Afrika, Mudane Awad El-Hassan.. Shirweynaha waxaa hawshiisa la guda galay 26/02/2006, iyadoo lagu bilaabay duco iyo tacsi lagu xasuusanayey xubnihii bahdan 'PEN' iyo suugaanta Soomaaliyeedba qiimaha weyn u lahaa ee dhawaan ka geeriyooday oo ay ka mid ahaayeen Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, Ibrahim Suleymaan Gadhle, Ilyaas Xasan, Maka Shirdoon iyo Aden Nuur Maxamed. Intaa ka dib waxaa la soo bandhigay lana ansixiyey Ajeendaha Shirweynaha, kaas oo ka koobnaa qodobbada hoos ku taxan: 1. Furitaan & Daqiiqad la xasuusto xubno geeriyooday: Yamyam, Ibrahim Gadhle iyo Adan Nuur 2. Ansixin ajendaha 3. Erayga Odayada Naadiga - Hadraawi 4. War-murtiyeedkii Shirweynihii hore - Riiraash 5. Warbixinta Guddoomiyaha 6. Warbixinaha Laamaha: a) Laanta Djibouti b) " K/Soomaaliya c) " Sweden d) " UK 6. Su'aalo iyo ka-faallootan warbixinihii la dhegeystay, 7. Warbixinta khasnajiga, 6. Dib-u-qiimayn dhismaha Laamaha, Guddiyada iyo hab-socodka hawlaha Naadiga, 7. Qiimayn fulinta qorshe-hawleedkii hore, 8. Amba-qaadka Qorshaha 2da sanee soo socota, 9. Go'aannada shirweynaha, 10. War-murtiyeed, 11. Doorashada Odayada Naadiga, 12. Doorashada Guddiga Fulinta Furitaanka Shirweynaha waxa ereygii ugu horreeyay halkaa ka soo jeediyay abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ku hadlayey magaca Odayada Naadiga. _________________ Faahfaahin dheeraad ah sii aqriso. Aad ayaan ugu faraxsanahay hadee dowlada Jabuuti ugu dambeyntii fahantay muhiimada ee leedahay qowmiyad walba afkooda hooyo. Taloow iskoolada in lagu dhigo ma bilaabi doonaan?
-
LooooooooooooooooL. Maba ogeyn inay jirta qooleey.com. Soo check gareeyaba.
-
Welsh Parliament Invites Somaliland Parliament
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to N.O.R.F's topic in Politics
Salaan... Oodweyne, dad waa weyn yaa kala celin karo mar walba, widaayoow? In la kala xishoodo dhaqankeena suuban waaye, siiba sida loo kala weyn yahay in la isku ixtiraamo. Yoonis, ixtiraamka ilaali, baliis. -
Daanyeer iyo Baashi, dhacdooyin la yaab aa dalka ka dhacay runtii. Siduu Daanyeer sheegay waa in la aruuriyaa, buugaag laga buuxiyaa. Jiilka soo koraayo waligiis iloowin. Dhacdo kale ayaa dhacday, oo uu ku jiro lakadkii ila dhashay. Waa isla sanadkii 1992. Xaafada markaas loo bixiye Bermuuda [qeybo weyn kamid ah Hodan, H/wadaag iyo Waaberi] oo reer aakhiraad ah, oo laga wada qaxay ka ahayn aabaheey iyo dhalinyaradii la joogtay, iyo walaasheey oo markii dambe looga cabsaday nafsadeed laga saaray markee bartay wax karis yaryar kuwii aabaheey la joogay. Marka xaafadaas markee Cali iyo Caydiid is lagdaayeen, habeenkii waxaa u talin jiray kuwa Cali Mahdi taageersan oo u badnaa Ciyaal Siigaale, awalba iyagoo hub qaadan iska dhib badnaa. Wixii aroortii ka bilowdana waxaa u talin jiray qeybta Caydiid, oo u badnaa kuwa ka imaaday gobollada dhexe. Saas markee tahay oo aabana diiday in uu ka baxo gurigiis, ayaa waxaa ka cabsi qabnay ciyaal gobol kuwaas maadaama ee kaseynin isaga inay balaayo ka dhigaan meesha. Marka maalintii intee qoraxda jirto mid iyaga kasoo jeedo ee isku jufo yihiin ayaa guriga la dhigi jiray maalintii intee qoraxda jirto, habeenkiina ka tagi jiray. Ciyaal Siigaale odeyga wee garanayeen, oo waaberigii intee kasii bixin xaafada -- oo kuwii kalaa soo socdee maadaama iyaga maalin xukumo -- inteena xaafada ka bixin ayee canjeerada ee mar mar karsadaan la cuni jireen [koleey waa iska baad], iyagoo ku kaftami jiray, "Odeygaan wuxuu gurigaan ugu jiro, ugu bixi la yahay saqafyada jileyga ka hooseeye ayaa wax ugu duugan, si kale ma'aha." Maalin maalmaha kamid ah Ciyaal Siigaale [mar mar waxee gurmad ka heli jireen Kaaraan iyo Madiino] ayaa qabsaday xaafada, markaas ka bacdina guriga usoo dhaceen. Handadaad iyo balaayo ayee isla markiiba bilaabeen, oo duqii ugu hanjabeen haduu sheegin wax uu ku haayo oo maal meesha ah inay wadan doonaan dhalinyarada la joogto ka bacdina dili doonaan. Wax meesha ma yaalo aa loogu sheegay oo runta ah, hadee rumeysanina ha baartaan guriga. Run dhab ayee aaminsanayeen in uu guriga wax yaalo, oo si kale ugu jirin duqa. [Kaligood ma qabin fikirkaan, kuwa kale maalintii xukumo iyanaga fikir saas camal ayaa ka dhaacdhacsanayd.] Ugu dambeyntii walaalkeey iyo mid kale la joogay markaas ayee wateen, iyagoo ugu hanjabaayo aabo in uu mar dambe arag saari doonin. Kaaga sii daranee, asagii aa ugu jawaabay, "Arag iska dhaafee, kabtooda ha isoo celin." Dhacdadaan markii dambe iyaga ka sheekeen doono, markuu ereyadaas dhahay wee la yaabeen. Odeygana xikmad kale uu duugnayd, oo wuu yaqaanay sida loola dhaqmo maryooleey. Intee kaxeysteen, ayee meel Suuq Miijiska u dhaw geeyeen. Isla markiiba waxaa gartay kuwii Ciyaal Siigaalaha dhabta ahaa. Maxaa dadkaan usoo qaxeyseen iyo muran ka bacdi, waala fasaxay. Fasax waa tahee, yaa bixi karo, oo xabada waa socotaa, inkastoo iska qaboobneed, sidaas daraadeed kuwa "sniper" ayaa jiro wax alaale wixii naf ee dhankooda kasoo horjeedo socdo shiisho. Iyagii ee la joogeen. Naga taga markii lagu dhahay, kii lakadka ahaa aa dhahay meel ma u socona, intee aadeynaa, xabadaa? Iyagii qosol. Markii dambe kii kale lala qafaashay oo cabsi weyn heysay ayaa dhahay naga wad kuwaan intee is badalin. Intee baxeen ayee guri kale ku sugeen intuu gabalka ka dhacaayo. Habeenkii ayee darbiga kasoo boodeen. Aabaheey inkastoo fiidkii iyo maalintiiba Qur'aan aqrin jiray, maalintaas Qur'aankiis waa dheere oo wuu duceysanaaye. Inkastoo uu quursan, wax walba waa ka suurodaa moor.yaan. Wuxuu aad iskula xanaaqsanaa nafsadiis ereyadii uu ku dhahay oo "kabtoodana ha isoo celin" ahaa. Duqa still lives there, with his house still intact. Dadka qaarkood weydiiba sababta gurigiis loo fiiqan maadaama xataa jileey yahay oo baraako ahayn [jileeyga ayaa laga jeclaa fujisada baraakada]. Sidee ahayd '92 xaafadaas, geesi geesi dhalay iyo mid naftiisa wada nacay ayaa ku hari karay bas.