-
Content Count
17,547 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
315
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Erayadii dhumay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in News - Wararka
Salaan... Xaniifa, adigii hadaadan ereyadaan kaseynin, anaga intee joognaa. Kamoon yaaqeey, casharka noo fur. Mud. Baddacas, nin loo gali karo maba tihid. Qatari cadiim runtii. Ereyadaa na weydiisayna hadaa dib ugu noqdo waxaan u maleynaa inaa ka gartay dhanbalasho iyo doorbiday. Dhambalasho waan keeni la ahayba, ma dhambaal ayee wadaagaan? Doorbiday waxaa laga wadaa wax qof damcay, yacni 'choice' ahaan. Hebel wuxuu ka doorbiday intuu joogi lahaa magaaladaan in uu magaaladaas aado. Hadaan usoo noqdo leyligii hore, waa siduu badanaa Sharmaarke u sharxay inkastoo macaluul ahayn suu u dhigay. Macaluul = Caato, qaliir, xiito, xayeesi [buugga kaliya ereyga 'caato' ayaa ku qoran, inta kale anaa iskaga daray si aan idiin tuso suu Soomaaliga qani u yahay.] Ebidey = Dhameysay Xeesha = Xeesho [ama xeelad] iyo tabta waa iskumid Tabta = [Kor aqri.] ________________ Leyliga maanta: Fadadey Jeesna [ama jees] Dhacar [ma'aha 'dacar' yaah] Jugleey -
Saaxiib, dhibka badan dhaaf. Hadaa telafashinka Xamar ka daawan jirtay, it was clear he was carabka dhaqdhaqaajinaaye. And that accent waala sameyn karaa, believe me.
-
I choose to live in America because of its crucial believe in democracy. Do you honestly believe this, saaxiib? If you had said perhaps Switzerland, I may have slightly, who knows, might've agreed, but Mareykanka? Hmm...
-
Yea, he had cudurkaas and he succumbed to it shortly after. But spreading it to our sisters, it is bogus, unless mid awalba tumasho raadineysay ahayn. I still believe he was lip-syncing, though.
-
Jug jug meeshaada joog. Xataa liiskaan waaba ka daran yahay kii la kala diray, like giving the corrupt Shaaticagaar the post of finance minister. And maxaa laga wadaa 'wasiir dowle'? Dad faqad noqday ku buuxis miyaa.
-
Giving the Somali Minorities their fair Share
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Salaan... Eebbe baa qofka nasab ka dhigay, oo sharaf ugu hibeeye, qof ka qaadi karana ma jirto. No human person on this Earth 0.50 ayaa tahay la dhihi karo ma jiro. Wax aqliga galaayana ma'aha. Justice served I say. I could never get this .5 that the TFG has put forth... This formula 4.5 was originally formatted at shirkii Carte where there was a bit deadlock, and the rumour goes it was at first suggested by Ismaaciil Cumar Geele to ease the tension, which, unfortunately, was blindly followed by the delegates, including the few learned individuals at present. Some others also say it came up in shirki Qaahiro at 1997, but was rebuffed, particularly by the few then powerful dagaal-oogiyaal iyo dhiigyocab. Regardless who came up with this flawed logic, the idea is indeed beyond absurd. -
Salaan... Watching this song video clip from late 1980s reminded me waayo waayo, walaahi. This Talyaani guy [i think he was half Soomaali] singing in Soomaali [actually, he was lip-syncing, where the real Soomaali singer was behind the scene] at Curuba brings fond memories. Marmar ayee telafashinka Xamar kasoo saari jireen. The song, a combination of Maay and Maxaatiri words, is about some people's love for this world and everything in it. Its lyrics, if I am not mistaken, goes: Diinleeya [adale] Diinleeya [adale] Diinleeya [adale] Diinleeya [adale] Diinleeya [adale] Adduunyadaan la deeri la waayee Deeqi iyo maal Darajo lan [nin] diido la waayee Malagii ni dili jiray sidiisiyo Ii Aakhiro lan doona la waayee Diinleeya [adale] Diinleeya [adale] I duleysadee I duleysadee Caashaquun i duleysadee Alle i daawee _______________ Diinleeya, as is in googaa, is presaid when one is going to ask a big philosophical question; adale is cadale.
-
Erayadii dhumay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in News - Wararka
Bishaaro, ereyadii Soomaalida hore yaab waaye runtii, laakiin jiilka anaga jiro qarnigaan ayaa ku dheelnay, xataa anagoo heysano fursada ugu qaalisan ee qorida. Awooweyaasheen iyagoo af Soomaaliga qorin ayee wali hayeen, oo xafideen. Aan usoo jeesto micneynta casharkii hore. Heyjad = Meel; dhinac dad iyo duunyo lagu hubin Sibraar = Xab yar oo aalaa caanaha lagu qaato Nayaayiro = Yididdiilo, rajo ______________ Casharkeena maanta: Macaluul Ebidey Xeesha Tabta -
Nice sawiro. Dankis for sharing. I particularly became fond of this, even short of saving as a desk-top screen saver. PS, Gathering from the few pictures, I don't see any diracs, guntiinos, kuul, tooreey, labada go' cad ee nimanka, koofi barawaanis exhibited. Next time, I hope.
-
Salaan... Marba marka ka dambeyso ayee kaa yaabiyaan. Yaab iyo nus marmar. Who are these three frightened men, including the elder in the middle? Waxaa lagu qabtay, allegedly, xashiish iyagoo gadaayo ama ma ganacsanaayo. The result was publically karbashing of the three at the former famous Suuqa Dahablaha. Fine if it is in fact wax xun galabsadeen. However, take a closer look at that picture above? Obviously, an experienced Soomaali eye can detect two of them belonging Jareerweyne clan, while the odeyga in the middle wearing a Muriidi Goolof-stamped t-shirt, obviously looks Banaadiri. [To read more on the story, here] Always dadka aan hubeyneen ayaa la dulmiyaa. Always. Faradheer jaadka ka ganacsado oo hundreds of thousands maalin walba keeno Xamar qof la hadasho maleh, of course since some of wadaad ku sheeg's erstwhile warlord-supporting militia cuno bahalkaas xun. One should apply drug laws equally or hala iska dhaafo masaakiinta oo nolol maalmeedkooda aanba soo saaran karin.
-
Maxee yihiin hadee maleeshiyo ahayn? Mise micnaha ereyga 'maleeshiyo' oo Ingiriis kasoo jeedo ayaaba la iska ilooway. Ar waa kibreen, waliba qooq ku darsaday. Aragaane qooqaas meeshuu gaaro. Power iyo bini aaden wax isku fiican ma'aha, oo bini aaden si sahal ayuu ku kibraa, ooba is iloowaa wuxuu ahaan jiray. Waran laboodkaan waaba kasii daran yihiin.
-
The trio dhoof jaceyl had set a record. For the longest time since la magaacabay they have been in the country -- together. They have been in the country for more than a month and half. Unbelievable nooh. Laakiin dano weyn ayee u joogaan, each suspicious the other, each ku mashquul qorshihiisa gaarka ah ayaa meesha ku reebtay iyo xaalada cusub kasoo cusboonaaday gobollada qaarkood. Waala arki doonaa inay labo bilood ku gaarayaan dalka gudihiisa, though Shariifka is threatening this newly set record by trying to fly to Khartuum, via, of course, our unofficial magaalo madax, Neyroobi.
-
Widaayoow, I don't want to debate the difference between wadaada ku sheega and dagaal-oogiyaashii la jibiye, due to respecting this thread ku saabsan masaajidkaan sharafta lahaan jiray, stillna leh. Sawirkaan ayaaba caashaqay runtii. Ma ogeyn Guriga Ummada iyo Isbaheysiga inay saan iskaga soo horjeedaan. Waan ogaa inay isku meel ku yaaleen, laakiin saan inay isku fiirinayaan ma ogeyn. Xudunta Xamar meeshaan wali bilicsan ayee ahayd, weyna ahaan doontaa Eebbe ha idmee.
-
Erayadii dhumay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in News - Wararka
Waa salaamantihiin aqiyaartiin. Xaniifa adiga mar walba noo ganbo. [Waa ku ogaa, laakiin inaa ku qarxiyo ma rabin nooh. ] Bishaarana waxee tiri 'rimmey' micnaheeda waxaa waaye wax uureystay. Rawlana 'qurbac' waxee ku sheegtay geelka wiilkiisa. Sharaxdiina saas uguma dheeraa fasiraada buugga ku qoran, oo qatar aaba tihiin. Rawla gaal ee raaci jirtay laakiin Bishaaro aa iga yaabisay oo mooday iska ciyaal magaal. Jawaabta: Rimmey = Neef dhalaya oo aan soo sed dhaweyn[Koleey see u sharaxday walaasheen ayee u eg tahay, oo neef markaas uur qaaday.] Qurbac = Rati habartii ku irmaan [saa u qaatay waxaan u maleyaa in laga wado geelka wiilka aan wali qaangaarin, waana see walaasheen kale sheegtay.] Faqa = Hadalka hoos la iskugu sheego; hadal af dhag u saarida Fiidda = Fiinta [Waa see sheegtay walaasheen.] Casharka maanta: Heyjad Sibraar Nayaayiro -
Soo dhaaf, macalinka. Wixii ku anfaco dhan koleey meeshaan waa laga wada helaa, sida qare, isbaandheys, raqeey, seytuun iyo wixii lamid ah oo la wada shiiday. Yaa askari u tahay laakiin?
-
Hambalyo iyo boggaadin. Laakiin shaleey lee guurka ahaa oo Xamar ka dhacaaye, ee shimee adi aaday meeshaas, mise already Landhan ee timid, via Addis Ababa. Darn, that is fast nooh. [ , kaftan macalinka.]
-
Muqdisho (PP) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Maxkamadaha Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay labduba inay ka qaybgalayaan shirka lagu Sudan oo lagu wado inuu dhawaan ka furmo Magaalada Khartoum ee dalka Sudan. "Annagu waxaan go'aan ku gaarnay inaan ka qaybgalno shirka Sudan, innagoo eegayna danta shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed maanta isagoo la hadlayay warbaahinta dibadda dalka. Warkaan oo u siiyay Sheekh Shariif Website-ka Allafrica ayuu ku sheegay in ay go'aankooda ay ku gaareen inay ka qaybgalaan shirka Sudan uu yahay mid ay ugu daneynayaan shacabka Soomaaliyeed balse aysan cid kale ugu daneynayn. "Waxaan ka qaybgalaynaa shirka Khartoum oo aan la hadlaynaa Maxkamadaha innagoo aan wax shuruud ah ku xirayn" ayuu sidoo kale C/raxmaan Diinaari u sheegay isla webkaas, waxaana uu caddeeyay in go'aankaan uu yahay mid ugu daneynayaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda iyo Maxkamadaha ayaa u muuqda inay ku daaleen diidmo fara badan oo ay dhowr jeer ku diideen ka qaybgalka shirkii lagu waday inuu ka furmo Sudan 15-kii Bishii July kaasoo ahaan lahaa wajigii labaad ee Shirka, balse wxuuu soo gaaray 15-ka bishaan oo maanta ku beegnayd, balse dib mar kale loo dhigay. Arrintaan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweynaya dowladaha daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay tani ka dhigaysaa tallaabo horumar leh oo ay labada dhinacba horay u hijiyeen. Xigasho ________________ Nabad iyo tanaasulid wax dhaanto ma jiro.
-
More presure for Indhacade to give up power
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Duufaan's topic in Politics
Waa riyoonee, saaxiib. Indhamadoowe iyo xulafadiisa abdicating and leaving Shabeellaha Hoose is like Bushists abandoning Ciraaq peacefully. Dadkaas xoog ayee ku qabsadeen, xoog in loogu qaado ayee sugayaan, and that reckoning day will come, of course. Tyrants, drug barons and bloodsuckers iyo wixii lamid ah only know one thing: Qori caaradiis. -
Nuune, wajigaaga uulka ah inta waaka muuqdaa. Intaa ku caarifin dadka isku sheeg, marax. ____________________ Originally posted by facklexm: Can anyone provide a picture of the plane landing in Somali? Here is the respective diyaarad -- Afrikaan Eerweys' first landing -- at garoonka diyaaradaha ee Xamar.
-
Erayadii dhumay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in News - Wararka
Salaan... Babababa...Wiilo ileen waaba qatar iyo nus. Noo sheeg walaashiis, meel aa kasoo dhiitisay. Xataa ereyada waa isku dhaw yihiin buuggaan ku qoran iyo kuwaaga, LoL. Ceesaan = Riyaha aan wali curan [saa sheegtay waaye] Faranfar = Bahal wax qaniina oo aan weyneyn oo dub dadle ah, oo foolal kore u dhaadheer oo soo godan leh, dhulkana godad ka qota [saa sheegtay waaye hadana, qatari cadiim] Aleel = Bacoosha yaryar oo cadcad oo haweenku dhiilaha suumankooda ku qurxiyaan [laakiin bacooshana maxee ahayd? suumanna maxaa la dhahaa?] Ganan = Qof aad u ordaayo, aad u cararaayo, aad u rooraayo Farma = Boodid dhiillo keentay iyo orod _______________ Casharka maanta. Rimmey Qurbac Faqa Fiidda _______________ Abaadir, abaaba, wax baro ama wax na bar. Hadii kale leerta nasii waraa. -
Salaan... Buug waxaan in dhawaan hayaa sheekooyinkii hore ku qoran, oo dib loo daabacay sanadkii hore. Buugga waxaa la yiraahdaa Murti iyo Sheeko oo ka buuxo ereyadii la isticmaali jiray qarniyadii hore oo Soomaaliga ka suullay. Marka cashar ahaan ayaan inta iskugu soo guurinaa, ee isku dey inaad fasirtid intaan aniga fasirin. Ganan Farma' Ceesaan Faranfar Aleel Casharka intaas uu joogaa caawa.
-
Ethiopian Army In Chaos, Internal War is Brewing Now!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Alle-ubaahne's topic in Politics
Ninka marti ayuu idiin yahay ee yaa lagu gooban, see camaleeto. Koleey Soomaali uu iska yahay oo iska damcay xabashnimo wax inay u tareyso camal. -
Waraa Nuune, intee ka baxday marax? Dhoobleey iyo Busleey [aka Neyroobi] aa ka dhacay ha i dhihin this time.
-
Popular Contributors