-
Content Count
17,641 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Somali language relationship to konso language
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to KEYNAN22's topic in General
Afafka adduunka dhan ayaa isku dhaw. Reer Taamil ee Siirilaanka iyo reer Hindiya ereyo badan ayaa wada qeybwadaagnaa, that doesn't mean we are close. Dadkaan afafka bartay ku taqasuusay awal afka Soomaaliga waxee ku dari jireen Hamito-Semitic, markii dambe magaca ee ka badaleen oo u bixiyeen Afro-Asiatic languages. Bari wax kale ayaa u bixinayaan. Who cares. Shuqulkeena ma'aha. The only languages Soomaali wadaagaan oo ay isla dhasheen waa afkee reer Soomaali Aboow [this name is self-explanatory, i.e. Oromada] iyo Canfarta Jabuuti iyo Itoobiya. Inta kale Xaawo iyo Aaden aa iskaga dhacnaa. -
Salaan... I thought odey Cabdillaahi Yuusuf to have learned not to underestimate Shariifka for all those months uu Jowhar ku xayirnaa, and if it wasn't Shariifka ilaa maanta Jowhar ku xayirnaan lahaa. Apparently not. If odeyga thinks he can once again try to out-trick Shariifka politically, hmm... --------------- Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo Muqdisho ku sii jeeda ka dib markii uu martiqaad ka helay Midowga Maxaakiimta Islaamiga Baydhabo (Baidoa.com, Oktoober 31, 2006) -- Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee la wareegay gacan ku haynta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho horraantii bishii Juun ee sanadkan 2006 oo maamulkooduna ku baahiyay inta badan gobollada koonfurta Soomaaliya ayaa ku martiqaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan in uu Muqdisho yimaado. Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa aqbalay martiqaadkan wuxuuna ku sii jeedaa Muqdisho oo ay kaga horreeyaan ku dhowaad todobaatan (70) xildhibaan oo ka soo horjeeda siyaasada dawlada fadhigeedu yahay Baydhabo oo ay ku eedeeyeen in ay ciidamo Itoobiyan ah soo dul dejisay xaruntii dawlada ee Baydhabo. Wararka ayaa waxay tibaaxayaan in qorshuhu yahay in Gudoomiyaha Baarlamaanka marka uu Muqdisho tago ay xildhibaano kale u soo guuraan Muqdisho si loo buuxiyo tiro shardiyeedka (quorum) ee Baarlamaanka (139) oo ah tirada ugu yar ee xubnaha Baarlamaanka ee loo baahanyahay in ay goobjoog ahadaan marka uu Baarlamaanku fariisanayo si uu u qabsoomo kalfadhi Baarlamaan oo go'aamo sharci ama ansax ah soo saari kara sida uu dhigayo Axdiga Federaalka ah. Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa Muqdisho waxay ugu danbaysay bishii December ee sanadkii 2005 wakhtigaasoo ay Muqdisho u kala qaybsanayd xukunka hogaamiye kooxeedyo kala duwan ayadoo haddana ay Maxaakiimtu keliyah maamulaan ka dib markii ay ka adkaadeen hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa hadda ku sugan dalka Kenya ka dib markii dalka Sacuudiga uu ku soo cimraystay wuxuuna ka haray oo uusan raacin wefdi dawlada u matalaya shirka Khartuum oo ka dhoofay Baydhabo oo sii maray Kenya ayagoo ku sii jeeda caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum ka dib markii Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi ay waraaqo u direen diblomaasiyiinta iyo madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir oo ay ku sheegeen in Gudoomiyaha Baarlamaanka uusan wakiil uga ahayn dawlada la xaajoodka Maxaakiimta. Shirka Khartuum oo ku talagalku ahaa in lagu dhamaystiro labadii heshiis ee ay Khartuum, Suudaan ku soo gaareen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho iyo dawlada oo lagu ballamay in mar kale lagu kulmo khartuum shalay [30 October, 2006.] ayaan weli furmin ayadoo labada dhinac aysan u muuqan kuwo shirkan ku heesiin doona. Maxaakiimta ayaa ku adkaysanaya in aysan soo hor fariisan doonin wefdiga dawlada ilaa ay ciidamada Itoobiya ka baxaan Baydhabo iyo in Kenya aysan qayb ka noqon shir gudoonka wadahadalada. Dhinaca dawlada ayaa ku adkaysanaya in Kenya ay qayb ka ahaato shir gudoonka wadahadalada. Baydhabo.com
-
TFG troops test wepons new deployment..
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
Deegaannada lagu wado in fariisimmaha cusub looga sameeyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay ka mid noqon doonaan Degmooyinka Diinsoor, Ceel-barde, Duleedka Buur-eylo iyo goobo kale oo ka tirsan Gobolka Bay, goobahaas oo laga filan karo inay dagaallo ka yimaadaan. Ninka waxaas qoray xataa maba kala yaqaano juqraafiga Soomaaliya. Ceelbarde xadka Soomaali Galbeed iyo Bakool ee ku taalay the last time I knew. Another thing Gener duke Baidawa is not puntland nor bossaso so there for Dahir aweys is fighting in his ground today, every dog has his days today is dahir aweys time... Neither is Baydhabo in Galgaduud or Ceelbuur, so to borrow your logic. Cabdillaahi Yuusuf marti ayuu ku joogaa, dadka meesha dego ayee u taalaa bixintiis iyo joogintaankiis, not Korneel Aweys or other wannabe Sacuudis qamiis la boodaayo. -
These wadaado, what are their qabiils?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Reality Check's topic in Politics
Salaan... Though wadaada ku sheega are rightly against the formula 4.5, whom the majority Soomaalis agree, unfortunately, theirs is only the talk, not the walk. One clan predominates the this so-called movement; there is no seat or represention from unarmed people and forget about women. This is where the wadaad ku sheega's power lie [there are two groups, "golaha" (legislative) and fulinta (executive)]: Golaha ama Baarlamaankooda [last known figure's members consisted 93 men and no woman]: Korneel Xasan Daahir Aweys [Guddoomiyaha Golaha, aka Speaker of Baarlamaanka] Cumar Iimaan Abuukar [Guddoomiye Kuxigeenka Golaha] Cabdillaahi Afrax Aasbaro [Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha] Fulinta: Shariif Sheekh Axmed [Guddoomiyaha Fulinta, aka Ra'iisul Wasaaraha] C/raxmaan Jiniqoow [Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad] C/qaadir Cali Cumar [Guddoomiye Kuxigeenka Labaad] Wasiirada: Maxamuud Cumar Caddaani [secretary of Treasurer, aka Minister of Finance] Yuusuf Siyaad Indhamadoowe [Minister of Interior] Ibraahin Caddoow [secretary of International Affairs, aka Foreign Minister] Aadan Xaashi Ceyroow [Commander of Special Forces known as Shabaab or Dhalinyarada] Cabdillaahi Macalin Cali Naxar ["General Executioner of Condemned" and Minister of Internal Security Forces] C/raxiin Cali Muudeey [information Minister] All above belong one large respective clan. The only men who hold high position not being that clan is three men by the name of Suuleey, Rooboow and Turki. Max'uud Sheekh Ibraahim Suuleey is the "house leader of the parliament" or Golaha Shuurada. Mukhtaar Rooboow is deputy minister of the interior, also a commander. Korneel Xasan C/llaahi Xirsi [Turki] is a commander or abaanduulo. -
Intee jiraan Bankiga Adduunka, Keydka Maalgelinta ee Caalamka [iMF] iyo Ururka Ganacsiga ee Caalamka [WTO], Afrika, some parts of Aasiya iyo Laatiin Ameerika meel ma gaarayaan because the rules of these organizations fair ma'aha, was made for and by Galbeedka.
-
Kalifoorniya iyo Kanada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in News - Wararka
Salaan... Intuunan Shimaali qaadin heestiis Kalifoorniya iyo Kanada, waxaa ka horeeye Maryan Mursal Mataan iyo Max'ed Jaamac Joof heestooda maanta laga maarmi karin ee Beri hore waxaa jiray. Heestaan ma laga maarmo, see iskugu jawaabanayaan waxaa ka daran in uu dhaqanka is badalo, ninba kii hore jiray u xiiso. Inta ka dhageyso dhageyso. Heesta oo qoran: Max'ed Jaamac Joof: Beri hore waxaa jiray Inan timaha dibtoo Baarkana u tidicdoo Boqorkiyo dhaclahiyo Maro beyle xiratee Wax badaley kuwii hore Belo geesa dheeroo [ ] Buur madaxa saartoo Suuqa baratamaayee Naa bi'ise dhaqankii Sharcigii ka beyroo Diintii burburiseen Habloow maad is barqabataan Maryan Mursal Mataan Boqolsano horteediyo Beri hore wixii jiray Ee la iska baal maray Budulkii dib u ha u qaban Laga soo baqoolee Hadaad baratamin orod Bisha iyo cadceediyo Beesha loo horseedoo Aanu beegsaneynaa Horta baro tacliintiyo Buugiyo dhigaalkoo Badowyahoow dib ha u celin [ ] Dadka soo baraarugey Max'ed Jaamac Joof Naa bi'ise dhaqankii Sharcigii ka beyroo Diintii burburiseen Habloow maad is barqabataan Maryan Mursal Mataan Ilaahii bad iyo wabi Biyahooda daadshee Meel kula balamayee Dhulka baaxadaliyo Buuraha rakibeybaa Bini aadamgiisana Ruuxba ay u beere Waad baadiyowdee Cidi kulama beyrine Horta baro tacliintiyo Buugiyo dhigaalkoo Badowyahoow dib ha u celin Dadka soo baraarugey Max'ed Jaamac Joof Beri hore waxaa jirey Inan baarax geeliyo Faraskii baxdoowaba Yarad looga bixiyaa Bunduqana la raacshaa Wax badaley kuwii hore Isu bogga bar maqanoo Bahdii ay ka dhalatiyo Beylihisey waanee Naa bi'ise dhaqankii Sharcigii ka beyroo Diintii burburiseen Habloow maad is barqabataan Maryan Mursal Mataan Baarax geela iyo faras Iyo boqon yaraha ari Hablihii lagu badali jiray Diinta aynu baraniyo Ma baneyn kitaabkuye Booli quutayaashii Biicsan jirey haweenkiyo [ ] Baxadsoorihii tagay Maanta looma baahnee Horta baro tacliintiyo Buugiyo dhigaalkoo Badowyahoow dib ha u celin Dadka soo baraarugey -
Somalia Africa's world war II.....Congo revisited
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
Stop trolling and flooding the section with same repetitive posts. And use lowercase letters next time. -
Even in Somalia, there isn't "our" Islam. Some Somalis had practiced it as should, others, well mixed it with pre-Islamic practices. It is about time a sorting was done. You're quite correct. The Islaamic faith I know and follow regards worshipping and calling a warlord, a defeated one nonetheless, a "God-like, honoured and respected" an ultimate dambi, a shirk that is affront and contrary of the highest creed: Towxiid. Islaam I know and practice has no place for idol-worshipping and succumbing to qabyaalad in daily ritual, excitedly cheering innocent Muslims bloodshed. You are the the last person, my dear gentleman, to tell others about diinta Islaamka.
-
Salaan... Aniga ma caayin, mana aflagaadeynin. Iyadaa qaabdaradeeda banaanka lasoo shirtagtay by calling for the blood and destruction of her own people by her ridiculous proclamation of "jihaad" and holding Aa-Kee for a publicity picture. That is ultimate qaabdaro, in effect degrading dumarkeena lagu aqoonin moooryaanimada ee banaanka soo dhigtay. That is itself is gaf to our sisters everywhere. And about indhashareerka? My stance wax ku cusub ma'aha meeshaan, whether surwaalgaab waran la bood quuqdooda wado or not. It is alien to our beautiful Soomaali culture, imported from, as those qamiis-wearing, cimaamad gaduud sifaleeti u qabo wanna-be Sacuudis, which is absolutely cultural, and nothing to do with Islaam. Indhashareer predates diinta intee soo degin kahor, practiced by jaahiliya Carabtii ahaa iyo reer Beershiya. There was and is a Soomaali Islaam that our forefathers practiced hundreds or even a thousand years that firmly and strongly protected our own culture, and still believed in strongly in the Islaamic faith, unlike those later-day comers who are too eager to erase every aspect of Soomaali culture from the land, beginning with those bogus violent-prone surwaalgaabs who to suddenly discovered the "abuu" "ibnu " prefix titles. Noo, our Islaam wasn't that. Our Islaam protected "ina deeq" -- not "abuucuteyba' or "abuumansuur" -- dhaqan firmly in our land, unlike kuwaan maanta isdhexyaacaayo, too enthusiastic to erase every aspect known to Soomaalis. Our Islaam was and is tolerant, unlike those fanatics even misleading our sisters oo sidii baabuur camal u daday, like jirkooda kansar qabo camal qoraxda dhibeyso. Our Islaam allows isdhexgalka bulshada. Our Islaam dumarkeena restrict kuma ahayn, who had more xoriyad than any Carab lady can ever dream, which is unbelievably endangered. Our Islaam mutually respected others dariiqyo, unlike "my way or the high way" mentality of those Sacuudi wannabes. Our Islaam was anything but waxee wadaan kuwaan maanta. They twisted the hitherto respected word of wadaad with their twisted, perverted violent, waran-based sect. A wadaad was never a one who wanted or sought a blood of his brother. A wadaad was and should be a nabadoon, not dagaaldoon. Wadaad was and should always be an opposite and anathema of waranle. Everything waranle or today's equavalent modern moooryaan does the absolute opposite of what wadaad was expected to be. Each Islaamic nation or society has its own sub-cultural fabrics that is unique to them, that they proudly display. Not those later-day wanna-be Sacuudis. Sacuudi Islaam is Sacuudi Islaam, and it fits their environment. Soomaali Islaam is Soomaali Islaam, it fits our environment. Our forefathers and mothers practiced it for a reason and I for one am proud to continue that tradition, unlike dad aan isku hubin waxee yihiin waxee u socdaan. I will proudly wear hoosgundi, koofi barawaani, shaal, a little tusbax and our sistes for garbasaar, guntiino, beautiful dirac, to say few -- anyone who is against this can lament or label all he wants, shuqulkeyga ma'aha. If they want to practice Sacuudi-style or "surwaal qamiis" of Bakistaanis, as Indhamadoowe seems to discovered recently and suddenly -- fine. Keep it to yourself. Sanka ha naga gilin. Not all of us want anything to do with other people's dhaqan. Why do I have to explain myself mar walba horta? Believe what you want, I believe my Soomaali Islaam. Seeftiina iyo warankiina aad la boodeysiin meeshiina ku heysto, not needed. _______________ To Mr.MMA, why did you deleted my response to your ugly comments about our Somali sisters? What post? I am not the only "moderator" on this section. If any post was deleted and offensive -- which I hadn't seen -- then hadii lagaa tirtiray adaa ka masuul eh, not me.
-
By the way, folks, your attributed post numbers may be down, but most posts are there. A little inconsistency, yes, nevertheless the posts are there. It has perhaps to do fixing the PM bug. And I didn't know there was too much ego or prestige behind what number of posts a person had or has. Ego-boosting iga dheh.
-
What the...Qaabdaranaa maraxda. Weyba isla qumantahay, waliba indhashareerkaas qaabka daran.
-
Soonfur wanaagsan to you too. And what next you ask? Salaada ka adkoo. Wadamadaan salaad la'aan inkaar socoto waaye oo adigoo qalafsan ayaa is arkee, marka ka ha laga adkaada salaada aqiyaareey.
-
Libaax, try listening this special presentation segment. It goes almost for 45 minutes for Q&A session, moderated by Garaadka. Ciyaalka iskoolada dhigta sida loo brainwash gareeye ayaa la yaabee su'aalaha qaabka daran "jihaad, jihaad" ku haayo ee soo weydinayaan, iyo sida dagaal ugu fakfakanayaan, as though dagaal wax ku cusub inay yihiin. Waaba a whole generation dagal ku koray, yet very enthusiastic ka qeyb qaataan once more. Sad walaahi. Been-Been-Sii may be irrelevant to those of us in Galbeedka, laakiin kuwa degan xeryaha qaxootiga sida Iffoow, Dadaab, Xarardheere iyo Dhagaxleey ama Soomaalida dalka miyi iyo magaalo degan have no other choice but Been-Been-Sii.
-
Been-Been-Sii aa dhageysatay miyaa? Shariifka waa hadlaa, magaciis u qalmaa. Sheekh Axmed aa dhalay oo qof la xishmeyn jiray ahaa, ilaa hadana xabaalkiisa la siyaarto. Su'aasha Talibaan ku saabsanayd iyo indhashareerka oo gabadha weydiisay ka walwalsanayd in la dhaqangeliyo ama hirgiliyo suu ugu meermay aaba i dishay, qosolkiisana dheera ku bilaabay jawaabteeda. Maxee kugu taalaa as long as kuwa waran la boodka ugu weyn nool yihiin -- sida Rooboow, Ceyroow, Turki iyo Korneel Aweys -- oo safka hore ugu jiraan, wixiisa is that only -- hadal qancis eh, with no ficil following or power commanding.
-
Biibo, biibol, kamoon. Whole threads and posts disappeared early this afternoon because the Admin. was fixing a glitch in PM problem for some nomads. Unfortunately as it happened last month, it had a collateral effect, wiping many posts and some threads, including mine, in the process. It has nothing to do with indiviuals or what they opine. Perhaps the bot or server is biased, targeting some, while leaving others in intact. Waala hubsadaa, ee seefta ama waranka yaa lala deg degin. Read the posts on General Section threads where others are complaining as well.
-
Saakow oo u gacan gashay Maxkamadaha
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
War meeshaan lagu hardamaayo, aawey dadkii deggaankaa u dhashay? Reer Saakoow dhabta ahaa aaweya? Wax dhanka Diinsoor idinka caawiyo maleh? Reer Bu'aale iyagana waaba la iska ilooway. -
Somali Islamists cut fuel supply to government base
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Paragon's topic in Politics
This is unnecessary provocation and sabotage, reminiscent Caydiid Senior's tactics, such as not allowing caawinaadii caalamka ka yimid to reach landlocked regions. Wadaada ku sheega should know better, otherwise unintended consequences ayaa dhacaayo, forcing and giving the natives of these regions a necessity to liberate Shabeellaha Hoose and its ports, such as Baraawe. And shame for reer Buurhakaba facilitating this shameless stunt. -
With all due respect Mr Miskiin, no ethnic name calling please. It is the rule of the forum. You never asked Wiil-Shaydanka if he hails from reer Iblis, so why do you wanna behave like the RCMP with us. Abaa heeloow, dhageyso, adigaa "Xabash" la baxay, aniga makuu bixin. Kastee igaarkeey? Koleey "Xabash" ma tihid, oo muran raadis aa iska tahay, ee ogoow wax la qaato aa jiro adduunka, "Xabash" wax lala baxa ma'aha, xataa kaftan iyo ciyaar. PS.: Next time use PMs if a message is intended for one person. That is what the private message function is for. Garaadsiyo.
-
Khadro Daahir Hargeyso ee joogtaa, codkaagana ma u baahno. Tan dooro, mataanteeda waaye.
-
Haye, telafashinka markee kasoo gisho hoostiis aa fariisan jirtay ma'ahoo? Aniga saacadee soo gali jirtay xataa waa xafiday -- laba saac ilaa sadex saac, filinkii Jarmalka taxanaha ahaa bistoolada intuu bilaaban kahor. Hobalahada Shareero waaba iska ilooway. Iftin, Durdur, Waaberi kuwaas aa hoosta giliyeen.
-
Salaan... Khadiijo Max'ed Cali [i know her site needs a little help, ] Our sister is campaigning for a councillor seat in heart of Koronto's maryooleey xaafado. I haven't met her, though she knocked the other day our door, leaving some campaign pamphlets behind. First time one qof Soomaali la isku daaye waaye, for there is no division in this election, and she may even have a chance. Baliis, marka, vote her for a councillor hadaa degan tahay xaafada Etobicoke North.
-
Ooh, qoraaladii waa dhumeen mar labaad. "Darn" iga dheh. LoL. Muuqaalkaan Qalanjo ila fiirsadaba. Telefashinkii Xamar aaba soo xasuustay. Ar maxaa qoftaan anigoo yar ka dambeeye. Gabdhaheena ku qurxoonaa hidaha iyo dhaqanka. XaaX. Heesta ee qaadeyso: Dheesha dheela dhulkeyaga Anaga u dhimaneynee Dhawaaqlahayaa Sow dhalinyaradeenu Sharafta dhowrimeyso Dhaqanka iyo hidaheena Hore u dhigimeyso Dheesha dheela dhulkayaga Anaga u dhimaneynee Dhawaaqlahayaa Dhaxalkiyo aayaheena Dhalaanka bari mayno Sow dharaar cad waajibkooda Dhabada marimeyno Dheesha dheela dhulkEyaga Anaga u dhimaneynee Dhawaaqlahayaa
-
Jananka, waala socotaa, and you also know now meeshaa ciidamo deegaan ayaa joogay, still joogo. Ragtag militia meesha heysto waxaa xukumo nin la yiraahdo Dhuuboow Kuuloow. Even ciidamada Rooboow ma joogaan meesha. There is a reason maxkamad laga furin Buurhakaba ilaa hada. There was also a reason why ciidamo Maxkamadaha leeyihiin joogi jirin meeshaas, because locals qilaaf weyn ayaa ka dhex jiray. So sabata aad u leedahay so-called Maxkamadaha ciidamadooda iyo officialkooda ayaa tagay hadana kasoo cararay. Meesha inay u qudbeyaan ayee u tageen, ma u tagin wax kale. Indhamadoowe in uu tago meeshaas, loo dulqaato oo magac Maxkamadaha ku sheega ku socdo waxaa ku kaliftay ciidama beeleedka magac "dowlad" wato iyo Amxaarada. Dadka waligooda Amxaaro arkin ayaa Amxaaro loola tagay. Shock ayaaba ku dhacay. Dowladaas iyadaa ka masuul eh maanta in uu Indhamadoowe uu ka qudbeeyo Buurhakaba, waligiis ma haweysteen. Dowlada dad badan u dhashay reer Buurhakaba Baydhabo joogo ayee u diri kartay, xataa Xaabsade aan u dhalan ama Shaatigaduud. Dad mala waayin, markee Amxaaro soo wateen iyo ciidamo magac beeleed eh becomes an occupation. Illaa hada locals ayaa heysto wali, perhaps few tikniko Rooboow keenay now. Rooboow, by the way, ma u dhalan Buurhakaba. It is like saying Cabdullaahi Yuusuf ayaa u dhashay Laascaanood.
-
Opinion of majority of Ethiopians in the war against Somalia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to erselam's topic in Politics
Claimants [i've my doubts of them being anybody but Soomaali] of Oromo, Eritareeyan iyo Xabash oo minan ee marti ku yihiin dadkii deganaa korkooda ku dagaalamaayo, dadkii guriga lahaana u horseedaayo dagaal la rabo. Shameness of them all, Soomaalidii martida loo ahaa, intee guriga iskaga saari lahayeen buuqooda ayee la kala safteen, oo u sacabtumaayo. This is even getting funnier, walaahi. Yaab iyo nuskeeda. Soomaaliyeey saan maa noo dambeysay? -
Garoonka Caalamiga ee Soomaaliya
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I am afraid the scenerio would even get more ugly, bordering classical comedy. If any so-called "mujaahidiin" enter, and of course they will, Mareykanka will enter; if Mareykanka enters the perhaps "Dear Leader's" Waqooyiga Kuuriya would enter the scene; if Waqooyiga enters Jabbaan would do; if Jabaan does, so would Shiinaha. And yaa ka reebaayo old colonials of Faransiiska and Ingiriiska, seeing their their former possesions [Jabuuti] and [Waqooyi Galbeed] respectively in the midst of flame, they too would enter. Seeing this, for a prestige's sake, Ruushka would too, perhaps to score back their old humiliated wound, when Soomaalis kicked them from Soomaaliya. Midowga Yurub yaa ka reebaayo iyagana, of course it will side their members. And of course Jaamacadda Carabta, it too supporting its other unparticipating members. So will Bakistaan, hearing another "Taliban" in a place close to Carabta. They will rush. The day Bakistaan enters, so will Hindiya. Kanada and Australia will side Mareykanka, their Anglo-Saxon brethrens. Seeing Kanada and Mareykanka enter, the Iskiimoos of Kanada and the Aboriginals of Australia would equally support by mouth or mind the other side, whoever they are. They don't want others to experience what happened to them. The other natives from Laatiin Ameerika would enter too, led by men and their nations by the names of Hugo Chavez and Evo Morales. When Venezuela and Bolivia enter, Mexico will, siding with Mareykanka and crushing their native Indians, who sided with the Aboriginal declaration. Barasiil and Arjentiina cub iyo cir ayee qabsanayaan, who to side. And then the inevitable happens: Dalkii iyo dadkii la oran jiray Soomaaliya, the new Yahuud, scarterred around the world. That is the scary scenerio. Could be a possibility. Ain't no laughin' matter, but I can't resist.