-
Content Count
17,639 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kismaayo is not a maryooleey town, that is where the confusion stems from. Maryooleey being those who always prefer to 'attach' qabiil ownerships to lands, who are always obsessed by qabyaalad, who never know the collective wadajirnimo iyo midnimo in wax lagu wadaago. In their miyi-influenced and pastoral way of life, which subsequently became their de facto philosophy applied to everything in life, it is either mine or mine or mine or mine. Or rarely, yours. Nothing else. No wadaag; no wadadegnaansho; no wadajirnimo. Either mine, which is most of the time or yours -- the third option is waranka iyo gaashaanka, later hoobiyaha iyo madaafiicda. Markii boqol la iska dilo, neither group moving an inch ayaa la heshiinaa. Sad runtii. Then it will rise again when meel geel daaqo jiq ah la isku qabsado. It seems geel or lo' or ari or whatever aan raaci jirnay in fact had more influence than our collective rational thinking. Laakiin since you want to know the historical Kismaayo, aan u noqono to the topic then. Kismaayo is a historical Baajuuni town, Baajuuni being a Sawaaxili-speaking people, whose language and heritage and raciality is considerably influenced by Carabs. The very name of Kismaayo is Baajuuni word, so is Raaskambooni ['chiamboni'] and other numerous islands surrounding Kismaayo, including Juula, Jawaay, Kooyaama iyo Inguumi, where to this day still are lived by Baajuuni fishermen undisturbed. Kismaayo, along with other Sawaaxili coastal towns such as Baraawe, Mombaasa, Sansibaar, Malindi, Lamu, were ruled by Cummaamiintii [reer Cummaan (Oman)] before the European colonials arrived and carved up. Kismaayo and other part of Jubbadahoose then became part of deeggaanada Koonfur Galbeedka, known as NFD oo Ingiriiska maamuli jiray. Kismaayo and lands surrounding it was rewarded to Talyaani after the World War I for a simple appreciation oo dowlada Talyaaniga la safneed Ingiriiska iyo xulafadiis. If Ingiriiska too had given Mombaasa or Lamu [the latter which is the closest coastal Kenyan town to Kismaayo] to Talyaani in this event, today you woul dhave seen same maryooleey debating about their "ownership" of Mombaasa or Lamu. It is later when maryooleey settled. Those who are fighting there, most waligood Kismaayo qixii ayee arkeen, post-civil war. The true reer Kismaayo today are Reer Waamo, regardless their clan affiliation, and most of them left the town. Reer Waamo have a rare quality of Soomaali culture -- being peaceful. Of course, the peaceful landscape and settled life had easily influenced their ways of life. This article ayaa sii faahfaahin doono. Magaca Magaalada Kismaayo wuxuu ka kooban yahay laba erey oo Sawahili ah " Kisima yaajuu " oo micnahoodu yahay ceelka hore. Magaca waxaa lahaa markii hore ceel ku yaaley jasiirad ku taala dhanka Waqooyi Bari ee magaalada "jasiiradda maska u eg" oo ay degganeyd koox jillaabato ah Baajuun oo la oran jirey Ngumi . Oo ay degganeyd koox jillaabato ah oo waagey ajidu qabsatay durbadiiba soo degeen oo buux dhaafiyey Carab iyo Soomaali ganacsato ahoo tagay dhulka Soomaalidu deggeneyd iyo xagga Kenya. Qarnigii 19th bartamihiisii webiga ganaane labadiisa dhinac waxaa loo degganaa: Soomaalida oo soohdin ahaan ku ekeyd Webiga Ganaane [later Jubba] dhinaciisa bidixeed laga bilaabo isku darka webiga iyo badweynta Hindiya [which where today Jilib iyo Jamaame located at], waxayna Soomaalidu dhanka Midigeed usoo gudbeen waa dambe awelna waxaa deggenaan jirey Caruuso, [qabiil] iyo Oromiya. Waxaa kale oo degenaa jasiiradaha kooxo jillaabato ah oo baajuun ah sidoo kale jiidda webiga ganaane labadiisa dhinac waxaana degganaa boon iyo jareer la baxday reer Goleed. [sNIP] Dagaaladaas ayaa socday tan iyo 1869-1909 kii Soomaalidu dagalaalkaas ayey sii wadey ilaa ay ka tagto tan iyo intii gumeysiga ingriisku ku hor istaagay soohdinta Wooqooyi Bari ee dalka Kenya. [sNIP] Jasiiradaha aanu kor kusoo sheegnay waxaa kamid aha: Jasiiradda Kooyaama Jasiiradda Inguumi Jasiiradda Jawaay Jasiiradda Kufuumbi Jasiiradda Juula Buugga Taariikhda Dhulka ayaa laga soo guuriye, via that website.
-
Mortar attacks convulse Somali capital
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to N.O.R.F's topic in Politics
My 95-year-old father lives in Xamar, who always refuses to leave, so is my hooyo and sister and her own family, who have to take care of him. So is my elder ayeeyo and two habaryo. Maanta Xamar waxa ka dhacaayo ama nabadeeda ama casilooneeda lama weydiinaayo nin Xabash u alalaasaaye shaley, oo markee Xabasho duqeyneysay ku faraxsanaa, kuwaas maanta ma weydiinaayo waxa Xamar ka socdo. They will be the last to be consulted about Xamar or dano ka leh dadweynaha Xamar degan. Xamar waligood ma daneynin, maantana crocodile tears aad noo heysiin iska yareeya. No body believes those fake tears of concerning Xamar waxa ka dhacaayo today. Dadkaas Xamar meelaha duqeynaayo have their reasons, whatever it is. Qabiil ha ahaado, ha ahaado Xabashdiidnimo iyo diin ahaan ha ahaato. Indeed, boqolkiiba boqolka kii Xabash keenay, oo dad Soomaaliyeed ku laayeen, waa dhaamaan. Kuwaas qaraxyada geysanaayo wax walba ha ahaadaan laakiin boqolkiiba boqol waa dhaamaan kii Muslimka Soomaaliga ahaa ku yiri 'argagaxiso' ayaa tahay, oo Xabashna loo gacangiliye. Kii diyaaradaha miigga waa weyn Mareykanka duqeeyeen poor geeljire masaakiin ah lagu laaye, hadana yiri waa 'terrorist' waa dhaamaan, boqolkiiba boqol. Kuwaas damiir Soomaalinimo iyo Islaanimo mar horee iska soo siibeen, kuwa kuwaas la jirina inta ku jiro waaba kasii daran yihiin. I only wished they only attacked Xabashada, a Xabash who occupies my land -- anybody who attacks him I have no problem. -
THe starnge thing is I got couple request now, asking if I still have that email... :confused: Qarxi nooh kuwaas. Tell us their usernames. Doobnimo.com iyo qooqnimo.net iga dheh. It actually reminded, runtii, this guy aan saaxiibo nahnay, who in 2002 used to ask me if I had seen this alleged "Soomaali" girl qaawan on the net, whose naked picture circulated through the Soomaali cyber world in late '01 and throughout the 2002. I told him, yes, someone forwarded that email to me, and deleted. That was it. He thought inaa haayo still, and would beg me to forward him. Waraa xishoow aa ku dhihi jiray. That same guy today garkiisa dheer, wadaad iska dhigaayo, and xaaslena ah. Inaa soo xasuusiyo aa fiican maanta. And then there is this another guy I knew, who narrated sheekadiis baxarka ku dhacday when he was a teenager. He was once watching filin kamid ah filimaantaas anshaxa xun laga soo saaro some channels. He was so deeply focused on it that maba oga adeerkiis guriga soo galay and agfariistay. Markuu arkay adeerkiis oo agfadhiyo, wuxuu sameeyo uu filan waaye. So channelkii sidiisa uu ku daaye, geesinimo iyo indha adeygnimo. Daqiiqo markii la fiirsanaaye, oo adeerkiisana meelna u socon, asagiina dhidid ka dhamaaday, he finally isogaaday qaladkiisa to change the channel and left for his room without uttering a word. His adeer never asked him about that episode, perhaps too shocked to see his indha adeygnimo or too reer magaal uu ahaa oo shib ka yiri.
-
Mortar attacks convulse Somali capital
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to N.O.R.F's topic in Politics
Odeygii madaxweyne ku sheega Filla Soomaaliya ku qafiifay hurdo la'aan daradeeda ku dhacday iyo naf jaceyl ugu cararay Filla Soomaaliya oo waa taas Baydhabo uu iska fariistay the last three weeks. Shame on him, naf jeclaa. Now, attacks aren't even nightly. Bright daylight ayee sheekada mareysaa. Hoteel Kaah ayaa la duqeeye. Hoteel Lafweyn ayaa la weeraray. Filla Soomaaliya ayaa la rusheeye. Filla Baydhabo oo madaafiic lagu garaacay. Qaraxyo lagu beegsaday Garoonka Diyaaradaha. Hoobiyaal lagu tuuray Dekedda Xamar. Hoteel Ambasadoor oo hub lagu tuuray. Hoteel Golobal oo rasaas lala beegsaday. Hoobiyaal kusoo dhacay xaafadaha Shiirkole, Yaashiid, Buuloxuubeey, iwm. Saldhiga Hawlwadaag oo la weeraray. Saldhiga Wardhiigleey oo rasaaseeye. Saldhiga Madiino oo weerar culus lagu qaaday. Dad lagu qaarjiye maalin caddeey magaaladda bartamaheeda ee Suuqa Bakaaraha. Dad lasoo dhigay meydkooda Tarbuunka. All this happening in the past week or so. Day in, day out. Waxaan waligeed kama dhicin, even the worst days of '92, oo Xamar Caydiid iyo Cali Mahdi isku rafiye, at least those days you knew meelahee xabbada ka soconeysay, oo xaafado qaarkood nabad ayee ahayd. Now afarta gees maalinba meel ayaa qarxeyso. Badanaa masaakiin aan waxba galabsan ayaa qaraxyadaan ku dhamaanooyo, walaahi. Only if Xabashada ku baqtin lahayeen. -
"Shimbiryaaloow heesa, hees wanaagsan heesa." Haddaan ku darana ku heesa Xabasho bari ee baxeysaa. Xabasho ain't going to no where unless xoog loogu saaro dalka; waana laga saari doona, Eebbe ha idmee, along with qashinka ee soo wadatay Soomaali ku sheega ee stooges u eh.
-
Abdullahi Yousuf's claims being Arab what is true about?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kamalu Diin's topic in Politics
Garacii uu dhahay hadda kahor aan soo raadiye, here it is: "Soomaaliya Jaamacadda Carabta waa ku jirtaa laakiin wax na dhalay ma naqaan. Garac in aan nahay iyo in kale lama yaqaan." Cabdillaahi Yuusuf Axmed Madaxweyne ku sheegaan ayaa masuul kuu sheeganaayo. --------------- Kaamuludiin, haddaa rabtid Soomaalida iyo waxee kasoo faractameen ama kasoo jeedaan, furo another thread dedicated to that in General section or you can search the forum about the numerous old threads solely dedicated to this issue. -
Salaad Cali Jeelle: "Kooxo awood badan ayaa Muqdisho nagu heysta." Wasiir ku xigeenka ku sheega ee dowlad ku sheega ayaa saas u qiranaayo. Illeen qaraxyadii isdaba jooga ah maalin iyo habeen walba Xamar ka dhacaaye beentooda ee wadi jireen ayee joojiyeen, oo Jeelle ugu been badnaa maanta qirtay waxaas. If only, though, those qaraxyo Xabashada lagu dhameyn lahaa. Sadly, masaakiin aan waxba galabsan ayaa ku dhamaaday.
-
Abdullahi Yousuf's claims being Arab what is true about?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kamalu Diin's topic in Politics
Mashiixe, maxishoode, madaxyare madaxweyne ku sheeg aanan isku kalsooneen, qabyaalad qurunkeeda ifka iyo adduunka ka reebtay, waxaan camal waa laga sugaaye. Billooyin kahor ayee ahayd mar uu ka dhahay goob lagu shiraaye Soomaali iyo shisheeyaba wada fadhiyeen, "Soomaalida inay garac yihiin iyo in kale ismaba oga..." Maantana tan uu keenay, saan uu ku sheeganaa masuulnimo, madaxweyne ku sheega. Here is the full quote: "Waxaan ahay Yamani ka soo jeeda magaalada Subeyda waxaanna ku abtirsadaa reer Jabarti. Ma ogtahay in awoowgeey lagu magacaabo Cabdiraxmaan Ismaaciil Bin Cabdisamad Aljabarti. Awooweyaashayda waxay ahaayeen kuwo laga soo barakaciyay [ka soo haajiray] oo laga soo ceyriyay Yaman dhibaatooyin jiray awgood waana sababta loogu bixiyay magaca [qabiil]." The full article in the original Carabi source. Ceebtiisa wax u asturaayo ayaa iska yaree, magaca Soomaaliyeed lee ha naga ceebeen, baliis. I cannot just imagine madaxweynaha Yeman ama masuuliyiintooda sarsare oo aqrinaayo waxaas qashinka ah. Their cracking qosol Sanca dhan ayaa laga maqli lahaa. -
Buuja, gabdhihiina yaab ayaa leedihiin runtii. Dahab, kabo iyo boorso, siiba kuwa Galbeedka joogo, goormaa ka neefsan doontiin. Waaba ku qafiifteen. My friend's sister ayaan aad ula yaabi jiray inta joog ee kabo qabi jirtay, and my estimation puts more than 20 pairs of shoes -- she had a whole closet dedicated to kabaheeda. Waxaas waa kadareey nooh.
-
Ninkaan meel ma gaaraayo, xuu isku daalinaa. Mareykanka, the system, the institution itself a few loose well-connected, well-financed ayaa maamulo. Warbaahinta [media] waa ka koow and that the average American joe and jane feeds addictively on those, wixii loo sheego iska qaato. Haddee dhab tahay, kaas maanta Kalifoorniya ka taliyo, Mr. Kumaando -- err Schwarzenegger -- meel ma gaareen.
-
A Soomaali once found in his taksi a wallet full of credit cards and other valuables owned by a Toronto Raptors star player called Alvin Williams. Since he knew the player and ka wada hadleen the game, wuu u celiye. How the player appreciated. Imagine maxing out a credit card owned by a millionaire. This poor Koronto Soomaali lady who went to xajka and also took her set of dahab to Sacuudiya this year to substitute that set, left a bag full of that dahab taksigii ugu horeeye ee raacday. She is still waiting in loo soo celiyo and came back empty-handed, bilaa dahab la'aan, save few bulkaati ee soo gadatay to save her grace. Awalba iimaanlaawe ee ahayd. Maxaa dahab laga soo badalaa, of course, than to flaunt other caashooyin inta joogo, who will in turn force poor jaamacyaal to buy them another set.
-
I once spent a day with Soomaali lady's home who was on the phone six [and I am kind enough to say this] hours non-stop. Dhagto ma xanuuntoo ayaan islahaa. And what was I doing all this six hours? Taking notes nooh. Heblaayo diracii maalin dhawayd arooska ku joogtay ma u jeeday, waa markii sadexaad aroos ku timaado; hebel tukaankii u furnaa waa laga xiray, oo wax ka gato ayuu waaye; heblaayo duqeeda ayee nayn-wan-wan [911] ugu wacday, waa markii labaad; hebel mid kale ayuu Soomaaliya kusoo guursaday, taloow tii uu qabay maxee iscuneysaa maanta; baabuurkii faanka [van] ahaa soo shaley ma aanan ku dhufan darbi, kuwii inshuranskiina baas ahaa ii diideen inay ii sameyaan, inkaarqabiyaasha; allaa wiilkii hebel iyo heblaayo ayaan jidka kusoo arkay, asagoo diif baas ka da'aayo, soo ciyaalkooda kuwaas kama naxayaan intee meelahaas ku laafyoonayaan ... Waxaas is a marathon. They should hold a telefoon marathon, to see who can survive the longest, especially in this city of Koronto.
-
Quiet, frugal janitor hid his generous heart
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Pujah's topic in General
"It was a little over $100,000," Schwarzbeck said. "I had no idea he had that kind of money in his house--none." I assume she is another old person, so the lady might've had second opinions, I think, if she indeed knew "he had that kind of money." What a gold digger ayeeyo. Laakiin qofkaas dhintay wixiisa frugal waa dhaaftay, it boders dabaalnimo iyo maraxnimo. Hadduu apartmentiisa ama buildingiisa guban lahaa ka waran, qasaaro uultimo eh. -
DF oo Maxaabiis u gudbisey dowlada Ethiopia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
The poor Makhtal camal waaye iyo masaakiin aanba dalkooda waxba ka galabsan, and the poor Reer Soomaali Aboow [Oromada]. Cawaanta Soomaali isku sheega ah waxaan geysanaayo maalin ayee ka shaleyn doonaan, ifka iyo aakhiraba midee ahaato. -
Shabakadaha Soomaalida middee magaceedu ku soo jiitey?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abwaan's topic in Politics
looool, cawslafil, maxay tahayna? Wah, the opposite of abaar and jiilaal nooh. Coos la fil ayaan u qaatay in laga wado, 'greener pastures' camal or literally 'expecting the green grass.' No wonder, even in cyberworld, a typical nomad's mind still thinks about the green pastures. By the way, your own username would have been a nice domain name. Dabshid.com? Shabakooyinka waa bateen, laakiin kuwa magacyadooda isoo jiiday illaa hada jiro aan xasuusto waa shirqool.com iyo qarxis.com [Can anybody try to define what really 'shirqool' is in Ingiriis? Sabotage? Assassination? Or should we take the literal words it consists, which roughly goes 'meeting disrupters/interrupters?'] A friend of mine was inquiring about domain names, since he wanted to upstart one, and I told him burus.com in uu use gareeyo. It just occured to me. Or perhaps garmagisho.org or garmaqaato.net? Xaasid.com? Or kir.com or kud.net or kac-wid-gis-yur -- take your pick -- .com? -
Mahadsanidiin reer Landhan iyo Odhawa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Banaanbaxyada wali waa socdaa. Reer Stockholm did their share before and again waa sameyeen another banaanbax. Dankis Reer Stockholm iyo guud ahaanba Reer Iswiidhan; keep the name of Soomaalinimo up, jiritaanka Soomaalinimada iyo midnimadeeda waa laga maarmaan. (Feb 4, 2007): Maantay waxaa banaanbax balaaran lagu dhigay magaalada Stockholm dalka Sweden. Banaanbaxaas oo ujeediisu ahaa in loogu soo horjeedey duqayntii ay Maraykanku duqeeyeen Soomaaliya iyo qabsashada ciidamada Itoobiya ay qabsadeen dalka Soomaaliya, iyagoo ku sheegay in Itoobiya aysan qabsan karin Soomaaliya ee Maraykanku gacan ku siiyay. The one and only Samatar. Xigasho Coming Reer Suuriya. -
Baddacase, that is called truthiness -- believing one's own lies and crap, regardles what the actual fact, reality, logic, reasoning says otherwise. The term is popularized by Stephen Colbert Show, in his mocking of neocons, who feed and believe their crap one another daily. We have our own entertainers, sadly if I could only read waxee qoraan.
-
Cudurada kale waa soo socdaan, ee kistoo suga. Nuune, widaayoow, kusoo dar hee adigaa foorto ku ahee. Buuxo, Afsoomaaliga saas ma u aha waxa afka shisheeye lagu yiraahdo 'advanced' oo malaha jirrooyinka ama cudurada kaansarka [kaankarka] see u kala baxaan. Koleey leukemia sidaa maqlay 'dhiigcadaad' aa lagu dhahaa. Qalaf, kistoo aan kuu qoraa, inta kale waa lagu soo dari doonaa. Kuwa adag aan ka bilaabo, oo waxaan u maleynaa kuwa sahlan sida wadnaha, beerka, sanbabka, kilyaha intaad taqaanid. Haddee kuwaas kuu sahlaneen, waa lagu soo daraa leyliga dambe. Pancreas = Beeryare Large intestine = Mindhicirweyne [waana la dhihi karaa xiidmo, weyn iyo yarba] Small intestine = Mindhiciryare Uterus = Ilmagaleenka Bladder = Kaadiheys Vein = Xiddidka Artery = Halbowle Gland = Qanjir Tissue = Xubin Abdomen = Uusleeyda ama calooleeyda Pharynx = Dhuunta Larynx = Codkeene??? Esophagus = Dhuun Vertebrate = Lafdhabar Spinal cord = Xangule ama lafdhabarna waala dhihi karaa Appendix = Qabsin Intaas ha joogaan caawa.
-
Bas bas bas bas, ma rabno inaa dadka kale meesha ku jiro leerta la xirno Waraa laakiin in this sawir you look like mid aan banooniga isla ciyaarno, runtii.
-
Afmaayka waa isla sahlanyahay, especially haddaa ogaatid ama la qabsatid some particular ereyo ay Afmaxaatiriga ku kala baxaan markee bilaabanayaan. The others words Afmaayga ku jiro, laakiinse laga helin Afmaxaatiriga waa qadiimi, oo Afmaxaaga waaka dhumeen ereyadaas. Laakiin aan usoo noqono ereyada ay ku kala baxaan Afmaxaatiri iyo Afmaay, maadaama ee yihiin meesha ugu adag ku kala duwanyihiin. Ereyada W iyo Y. Meesha Afmaayga laga dhaho ama ka bilowdo w in so many words, Afmaxaatiriga wuxuu ka noqdaa y. Tusaale, ereyga weel in Afmaay and yeel in Afmaxaatiri both the same meaning waaye, oo laga wado sameey. Another one is R iyo J. Ereyada badanaa Afmaayga ka bilowdo r Afmaxaaga wuxuu noqdaa j; tusaale ahaan, roog iyo joog, which has the same meaning. Rif iyo jaf, too. Waa badanyihiin, laakiin mid sadexaad tusaale ahaan aa ugu dhigo. Sh iyo K. Meesha Afmaayga laga dhaho shaleedeey, Afmaxaa waxaa laga dhahaa kaligeey. Ama waala dhihi karaa sheen oo Afmaay ah, noqoneysana keen. Not all follow this grammatical formula, but most are.
-
Originally posted by rokko: ^^ i'm son of a geeljire sxb not old quote: Originally posted by Mujaahid: Red Sea: Rokko, ragu kala geesisan, kala raganimo badan. Anigu rag badan baa dhamaa, laakin, adiga iyo MMA ayaan kor u eegayaa. Red rumour has it that wasn't MMA's real pic so there is only 2 libaaxs in this joint mate :cool: Yac! Rokko, hana kashifin nooh. I also "stole" this picture. Now, Rokko, car bring another one. Maku dhacdaa. :cool:
-
Puppet prime minister demotes Aideed to a security guard
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Castro's topic in Politics
i would make him minister of xoolaha! lool. The dowlad ku sheeg of ra'iisul wasaare ku sheeg Geedi himself the highest ranking of an official of 'xoolaha' -- literally, since his studied field is veterinary, not that anything wrong with this profession, however very fitting under the circumstances. -
Badgaduudoow iyo Buuja, haa, afka waa isla sahlanyahay, not to mention he more simplified it by using unneccessary Carabi words like 'aqiyaar, barnaamish, They are only few words Afmaxaatiri laga heylinin that he is using, such as owka, haanaasoo. Those non-stop words after the Eebbe's name and salaanta are: Kulan feylana aqiyaarta na fiirsadaan, na dheegeysaan, na aragaasaan, haka dhawaada ... aqiyaareey owka [caawa] meey siin haynaa barnaamishyo yaryaree eed in badan, haanaasoo [kuwaasoo] runtii in maleeyoo inti idin su ku wada heli doonta ... Liibaan, the anchor, luxluxidda badan iska yareey yaaqeey, laakiin, oo meesha filin mala dhigooyee.
-
Puppet president sees no difference between moderates, radicals
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Castro's topic in Politics
“I believe that the leaders of the Islamic Courts are criminals who committed crimes against the nation and the population, therefore how can I talk to such people?” President Yusuf said from the southwestern Somali city of Baidoa. Sax, how dare and can you talk to such a people -- a "criminal" people who committed "crimes" against the nation by bringing an arch-enemy Xabash's full invasion, airbombing, massacring thousands of Soomaali youths in the process, who valiantly fought and halgamay for their dal, diin and dad. How can indeed people like that can be "talked" to? -
This thread is for to those who never had a chance to see a Maay-speaking person in life, save the few here and there Xasan Aaden Samatar's Maay songs or Shimaali's mix-ups. NB, Che, if you are reading this, master some of those words and those chicks you mentioned will eventually fall for you.