Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,680
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Meanwhile intaa meeshaan afka ku dheereyneyno, oo maalin walba isku jug dhaweyno, gacmo daalis iyo shabaka ka dirir, dad dibadjooga anaga camal ah ayaa wax tarooyo. Dadkaas camal haddee Soomaali badankeed wada ahaan lahayeen. Deeq ka timid Jaaliyadda Soomaliyeed ee (Stoke-on-trent) UK oo maanta loo qeybiyey bukaanada la ildaran cudurka shuban biyoodka ee jiifa isbitaalka Banaadir Deeq lagaceed oo gaaraysa US$ 370, ayaa maanta [Maarso 22] loo qaybiyay dad fara badan oo ku jira isbitaalka Banaadir, kuwaasoo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka oo mudooyinkanba fara ba’an ku hayey dad ku dhaqan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya iyo magaaladan Muqdisho, iyadoo deeqdana dadkaasi cudurka la tabaaleysan loogu soo soo mariyey Weriye C/llaahi Xasan Sheekhaaloow oo ka tirsan Idaacadda Banaadir ee magaaladan Muqdisho oo sheegay mar uu warbixin ka bixiyay in lacagtaas uu soo diray Muxyadiin Maxamed Guuleed oo ah wakiilka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Stoke-on-trent ee Dalka Britain. Lacagta ayaa waxaa u qaybiyay bukaanada cudurka shuban biyoodku u soo ritay ee ku jira Isbitaalka Banaadir Weriye Shiikaaloow iyo haweenka mas’uuliyiinta ka ah Ururka Horseedka Nabadda iyo Nolosha ee HINNA oo ahaa haweenkii ku guulaystay inay dib u faraan isbitaalka Banaadir Muddo sanooyin badan ah oo uu xirnaa ka dib. Agaasimaha Isbitaalka Banaadir C/llaahi Xaashi Kediye oo ka hadlay munaasabad kooban oo ka dhacday Isbitaalka ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid wax ku ool ah oo wax ka tareysa bukaanada jiifa isbitaalka ee la ildaran cudurka shuban biyoodka oo uu xusay iney heystaan dhibaatooyin culus oo dhinaca nolosha ah isagoo u mahad celiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London, waxaana uu ku boorriyay inay deeqo kale u soo diraan walaalahooda dhibaataysan. Dadkii deeqdaan lacageed la gaarsiiyay oo qaarkood hadlay ayaa waxay u duceeyeen dadka soo gaarsiiyay ee walaalahooda, waxaana ay sheegeen in ay RABBI uga baryayaan inuu muraadkooda u sahlo Adduun iyo Aakhiro intaba. Guddoonka Ururka Haweenka ee HINNA Marwo Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino General) oo ka hadashay deeqdaan ayaa waxay si weyn uga mahadcelisay dadkii Soomaaliyeed ee soo gaarsiiyay deeqdaan ay u mahad celinayso sidoo kalena ay ugu bishaaraynayso inay gaarsiiyeen dadka Isbitaalka ku jira intooda badan, balse ay deeqo kale u baahan yihiin oo noocan oo kale ah, Sidoo kale Caasho Shaacuur oo ka mid ah Guddoonka HINNA ayaa waxay sheegtay in dadkaan deeqda la soo gaarsiiyay ay soo gaartay xilli ay u baahnaayeen. Xigasho Dadkaas baaba'san Eebbe ha caafiyo, kuwa wax usoo direyna Eebbe ha ugu mahadnaqo. If only some of us emulated them on some way. Af wax ma taro, gacan [$$$] ayaa wax tarto ee meesha aan ka kacno.
  2. Inkastoo xaalka murugeysan yahay, wargelintaan iyo ogeysiiskaan hoos ku qoran qasab igu noqotay inaa idinla wadaago. -------------- Ogeysiis Reer bini Caqiil: Meel kasta ay joogaan in lagu qabandoono wadanka Sweden, magaalada Gothenberg siyaaradii Sh. Samaale waxaana looga hadli doonaa tariikhdiisa iyo dadkii uu la kulmay ... Sheekh Samaale Maxamed oo ah reer Aala bin Caqiil bin Abi Dhaalib [ ] oo ah aabaha ay ka soo farcameen somaali badnankeed in ka badan 60%. Siyaarada waxaa la qabandoona malinta ay taarikhdu tahay 1 Maj [May/Maajo] 2007. Sheekha ayaa waxaa ka soo farcamay 9ka Samaale oo kala ah ... Sheekh Samaale waxaa lagu siyaarta Yurkud, gobolka Bakool. Sheekha Samaale waa aabaha Soomaalida waana halka magaca Soomaalida uu ka soo jeedo. Waxaa lagala soo xiriiri karaa siyaaradaasi guddiga qaban qaabada oo kala ah Sheekh Cabdi Cali iyo Sh. Fu'aad Xaaji Maxamed Aala Alcaqiil iyo Axmed Sheekh Kalaay. Dayniile.com Dad ayaa wali saan u fikiraayo oo aaminsanba waxaas. Sheekh Samaale kulahaa. Anyway, qofkii Iswiidhan joogoo, ha moogan xuskaas.
  3. Minneapolis-St Paul ayuu kasoo baxaa kanaalkaas. [scroll down.] How many kanaalo ayee qabaan Reer Miniyaabolis? They have more than a half a dozen in one community channel alone: Soomaali TV, Soomaali View, Somaliland American TV, Soomaali MaiTV, Midnimo Soomaali TV, Soomaali Media and Soomaali Democracy Center. Don't tell me each caters and feeds a particular clan and its respective clan's point of view[?] Yaab.
  4. Cali Caaq iyo gacmo dheere ( Maan gaabne ) waxey ku hadaaqeen hadaladii loo meereeyey ayagoon ka fiirsan natiijada ka dhalan karta. Sidaas awgeed Labada murtad ee Cali Caaq iyo Maan Gaabane ... Hada kahorna waa sheegay, mar labaadna waa ku celinaa: Qoriyaasha Qaadisiya waa ku dhufan rabaan mar dhaw, buufis waa dhaafay waxooda, diinna ma u dhawo, dhaqan ma'aha.
  5. Xabasho tabar ay Soomaaliya ku qabsado oo dheer ayaa iska yar, tabar ay ku noolaadana xoogeeda iska dhaaf. Remember Xabashada [both Tigrey and Amxaar, for convenience sake] number less than Soomaalida, siiba the ruling Tigrey regime whose population is even less than Soomaalida degan Soomaali Galbeed. Marka awood ay ku degaan ma hayaan dhul Soomaaliyeed, haddee wax dagayaana Soomaali Galbeed ayee degi lahayeen, inkastoo Oromadda dejiyeen Diridhaba iyo Xarar.
  6. Dadkiina qaarkood aflagaado iyo childish caay ma'ahee wax kale aan ku heynin meeshaan, maad naga joojisiin afxumadaan maalin Eebbe eekana meesha ku heysiin, in la idin soo dhexgalo ma'ahee. Aflaagadaan yareeya, if you don't want your posts la tirtirin; not edited this time, but tirtirid -- deleted -- and whatever good points it contains gone with it. If you want to waste your time and our time, well be our guests.
  7. Xamar dad ayaa noo degan, habaarka iyo masiibadda aad u saadaalineysid ka yareey, baliis. Xabashi meesha badankooda maku geeriyonayaan, Soomaali aan habayaratee waxba galabsan ayaa ku geerineyso. Xabashi maka kala jecla haddii Xamar dhulka la dhigo iyo haddii kale. Wixii maanta dhacay haddaa ku faraxsantahay, oggoow Xabashada wey soo rogaan celineysaa. I fear wixii dhici doono bari, bari dambe iyo saa dambe iyo tan ku xigto. Xamar waa baaba'sanayd, baaba' kale uma baahno, dadka dego iyo magaalo ahaanba.
  8. Ayaandaradii ugu weyneed. Soomaali isgubeyso maanta, meydkoodina ka baxsan la' naceybka ay isku qabaan daradooda. Kuwa isleh Xabashi ayaa ku jabi doono Soomaali isgubeyso, ha ogaadaan Xabashi maanta camal waxee ugu faraxsantahay inay jirin, oo naceybkii Soomaaliyeed dhexdooda ahaa meesheee ugu hooseysay gaartay. Waxaaba kaaga sii daran laba qolo la kala safan Soomaali meydkooda Soomaali kale sidii baqti camal ah dhulka ugu jiidaayo ama kuwii hore Xabashada leysay -- waxaaba taas ka daran hadana laba qolo kale la kala safan inta ku jirto, marba kuwa u alalaasaayo waxaan dhacaayo, supposedly dad loo maleyn jiray waayo'arag, oo ifkii iyo adduunkii arkeen, walina mentality miyiga wato; heck xataa Reer Miyi waligood ay isdagaali jireen dad dhulka kuma jiidi jirin ama mid shisheeye laayo walaalkooda ah uma sacabtumi jirin, maanta waxaan ayaan aragnaa, dad 'waxbartayna' u sacabtumaayo golahaan ku jiro, saas u dhaqmaayo ku kaliftay. Meydadkaas aniga badankooda Soomaali ayee igula egyihiin, aad ayaana ugu xumahay Soomaali kale inay dhulka ku jiido, hadana gubaan meydad Soomaaliyeed oo isku dhiig yihiin, iskaba dhaaf wax kale. Xataa hadduu yahay mid Tigrey ama Amxaar, dareenka qofka in uu galo ma'aha qof dhintay oo tagay in lagu jiido dhulka, wuxuu raba ha ahaadee. Meeshii ugu hooseysay ayee mareysaa maanta Soomaali. Dhaqan Soomaaliyeed ma'aha, mana ahayn. Waa murugii ugu weyneed, runtii. Soomaali meydadkooda gubaayo. Bisinka. NB., I hope this thread will be kept in civilized manner, otherwise it will follow the fate of other two in recent days. Xishmada, taxadirka iyo ixtiraamka ha lagu dadaalo. I hope it will continue.
  9. Miskiin aniga guriga seedigey qori mayaalo iska daa gurigeeyga ee. Sidoo kale, I am not getting the protection you are getting because your view in in-law relations is the strongest bond of any other relationships, even better than fellow citizen, I know you well. Who is my seedi? This is the most absurd, paranoid post I had seen. Xamar Soomaalinimo and heybadeena ayee ku deganyihiin ehelkeyga, ee seedinimo iyo wax aan loo joogin kuma degana, and if you are implying qabiil Xamar dega ayaa seedi ii eh oo Xamar 'protection' ehelkeyga ku haayo, you are far, far from the truth. Tell you the truth, I hate them because what they do, not who they are. Oh, well. Soori to bother you. Naceybkaaga wado, meeshaa ku gaartid hala arko.
  10. Haa, widaayoow, dooga goroda. Awkeey Heer Hudur haayi, guri doogaas Afmaay ehna laka hadala haka koray. Heer Baardheere hooba eta, dad feeylana dega arlaadaas.
  11. This thread is closed. [i wanted to close it before I explained since continuing aflagaado was in session; so now here is the detailed reason why a thread like this once again is deemed and doomed to be closed.] We cautioned before, we did warn before and given a explicit caveat: Bringing inflammatory threads and posts accomplishes nothing, nothing at all, and adds nothing substance on this forum but to bring aflagaado, the worst of afxumo. Gloating of long dead Soomaali corpses, regardless of one's political affiliation, too, wax loo dulqaadan karo ma'aha. We are Soomaali, dhiig baa nagu jiro, damiir baa leenahay, regardless who fought whom, gloating over dead Sooomaalis crosses the point. Articulate your points instead of showing dead Soomaali corpses, killed by Xabash, in images and videos, and then gloating over them. Even if it was like that, we let this thread to stay open, to see if there can be found a civilized debate. Alas, we were proven wrong again, and as was proven by the other one, caay iyo aflagaadada wax ka ahayn masoo siyaadin. This is the second time within a few days a thread like this is brought forth. What did the previous thread achieve to expect things will change now? That prior thread achieved nothing; instead of healing Soomaalis, it only added fuel the animosities between Soomaalis, furthering apart. And what did this very one was supposed to achieve? Absolutely nothing than forthcoming -- perhaps some were eagerly anticipating -- abuses, insults, poorly thought, kindergarten name-calling, bad-mouthing and other petulant personal attacks. Hala isdhaamo, don't force us to enter.
  12. Afmaay ma fahantaa, duqa? Teeda kalena Reer Baardheere maa tahay? Jameecadii Baardheere maa ku jiri jirtay?
  13. GUATEMALA CITY, Guatemala - A 330-foot-deep sinkhole killed at least two teenagers as it swallowed about a dozen homes early Friday and forced the evacuation of nearly 1,000 people in a crowded Guatemala City neighborhood. Officials blamed the sinkhole on recent rains and an underground sewage flow from a ruptured main. The pit emitted foul odors, loud noises and tremors, shaking the surrounding ground. A rush of water could be heard from its depths, and authorities feared it could widen or others could open up. Xigasho Bisinka iyo murdaha. We take for granted on anything and everything on this poor, overused, overabused Earth provides; this mighty Earth, which we never appreciate for a moment how it sustains, feeds, protects, etc, us all, billions, for millennias. Aayad Quraan ayaa igu soo dhacday markaas, oo kusoo xasuustay sawiradaas, which is the title.
  14. Kan iga koreeyo, insulting a whole clan meel kuma gaareysid, qabiilkaasna waxba uma dhimeysid. Waxba ha isku qarin wax aadan ahayn. Haddaa hal qabiil Soomaaliyeed cuqdad iyo naceyb saas ugu qabtid, qabiilkaas waxba uma dhimaayo, adiga ayee kuu dhimee, hana ku qafiifin, buufiska iska yareey, taas la soco. And if you thought aflagaadaas aad insipid sarbeeb ku qarisay in laguugu fahmeynin, marka dambe banaanka iskeen oo waxba sarbeeb ha isku deyin maadaama loo wada jeedo. And if you thought Muqdisho inay deganyihiin hal qabiil maanta, aad soo arag, oo wax kale aan ku dhaho maleh. Xamar waa magaalomadaxdii iyo xuduntii Soomaaliyeed, Soomaali dhan ayaana degan waligeedna deganayd.
  15. Baasaboorka Soomaalida oo Qiimo sare ka gaaray Magaalada Muqdisho Axad, Maarso 18, 2007 (HOL) - Qiimaha lagu iibsado baasaboorka Soomaaliga ah ayaa sare uga kacay Suuqa Cabdalla Shideeye ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dad doonayay in ay iibsadaan Baasaboorka ay sheegeen in uu qiimaha Baasaboorka uu labuu-laab sare u kacay. Baasaboorka Soomaalida oo markii hore uu qiimahiisa u dhaxeeyay 25 ilaa 30 Doollarka Mareykanka ah ayaa hataan wuxuu gaaray qiimihiisa 50 Doollar , iyadoo sare u kacaasina la sheegayo in ay sababeen dad Muqdisho ka dhoofaya oo baasaboorka beryahan aad u iibsada. Dad badan oo ka cabanayay qiimo koror ku yimid ayaa saakay lagu arkayay Suuqa Cabdalla Shideeye iyagoo marba meel istaagayay, isla markaana rajo ka qabay in ay helaan baasaboor qiimahiisu jaban yahay oo ay ku dhoofaan. Qiimo kororka ku yimid baasaboorka Soomaaliyeed ayaa waxaa keenay Dad badan oo amni darrada Muqdisho ka qaxaya oo dalka dibaddiisa u dhoofaya, kuwaasi oo maalmihii tegay si weyn u iibsanayay Baasaboorka Soomaalida. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay Baasaboor ka duwan midka ay haatan Dadka Soomaaliyeed isticmaalaan ayaa waxay u qabatay isticmaalka Baasaboorkii hore ilaa bisha May ee soo socota, iyadoo kadibna la mamnuuci doono, waa sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud. Suuqa Cabdalla Shisheeye ee ku dhex yaala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii Hay'adihii Dowliga ahaa ee dalka Soomaaliya waxaa uu dadka Soomaaliyeed u qaban jiray adeeg ay qaban waayay dowlado fashilmay oo dalka Soomaaliya loo soo dhisay, waxaana xusid mudan in mas'uuliyiin badan oo ka tirsanaa Dowlado Soomaaliya loo soo dhisay ay ku dhoofi jireen baasaboor laga soo sameeyay Suuqa Cabdalla Shisheeye, halka Suuqaas laga doonto ilaa waqtigan warqadaha dhalashada, kuwa caafimaadka iyo weliba Shahaadooyinka ilaa heer Jaamacadeed. [ ] Xigasho Suuqaas Cabdalle Shideeye Bakaaraha ku yaala muxuu Soomaali badan wax u taray, including this writer. Runtii waa lagu baxsaday, without it meelna mala gaarin lahayn. Pure unobstructed free market, that they even make Itoobiyaan and Keenyaati baasabooro as well, only kaa xigto a couple extra dollars. I've witnessed an Itoobiyaan baasaboor forged in five minutes, and it worked for that person who loo sameeye Keenya ku aaday in the same day.
  16. Waakoow Guutoo Usu magac Soomaaliyeed uu u egyahay, siiba Guutoo [Guudoow]. Daa'uud, adiga cajalka ma fiirsatay, the clip?
  17. Soomaali Aboow is an endearing term oo dagaalkii Soomaali Galbeed soo caan baxday. Siiba waxaa la dhihi jiray kuwii ku jiray jabhadii Oromadda lahaa, Soomaali Aboow Liberation Front, oo side-by-side la dagaalami jiray Western Soomaali Liberation Front [WSLF]. That jabhad either wanted to go with Soomaali Galbeed or go alone independently. Soomaali state had no problem with either decision they made. Of course, few may think in wax kala laga wado. There are also some minor problems oo Xabashada isku direyso Soomaalida iyo Oromada that live in Xarar and Diradhabe. Sanaawi in uu isku diro ayuu rabaa, that is why uu ugu dhigay Diradhabe a 'federal' city, outside of Soomaali Galbeed boundary. Anaga camal ma'aha oo dalkeena ku jisaaray, Oromada waa naga badan yihiin and still do not have a country of their own, of course so they may have some grudges against the whole world thinking everyone conspired against them.
  18. Another masterpiece from the one and the only Amiin Caamir.
  19. An excellent, waaw video on shirqool.com. It is the Oromo's equivalent of our Tubeec, I guess, because the shower of dhunkasho, jilibqabasho, showering of lacagta the singer is receiving makes qof laga dambeeyo. The girl singing too, who looks amazingly Saado Cali yaranteed. She looks cute on that dirac and goorgorad. Oromos, our cousins, are slowly adapting our dirac. Nice seeing our culture adapted, instead of other ways some Soomaalis seem to appreciate. Also the jilbaqabsashada and showering of lacagta ancient Soomaali dhaqan ayaan moodi jiray, so Oromos [soomaali Aboow] share that with us too, aha? Not surprised since what we mutually share, including the basis of language family and other ancient hido iyo dhaqan, is slowly coming out. Perhaps some of you are surprised, but in the old days, jilbaha ayaa waalidiinta [parents and other elders] la qabsan jiray, in form of affection and honour. Soomaalida hadda waa ku yartahay doing that, so you might not have experienced seeing it, only the phrase garka iyo jilbaha ayaa ku heystaa ka hartay. What is the first words of elder singing horta? Kaalay, kaalay, kaalay? And who can master those moves of his? Nice music too.
  20. This thread is closed, and the clan names will be edited. The site has rules, plain rules, clearly against deliberately mentioning clan names, let alone again and again masqueraded as individual names.
  21. Wasiirka Caafimaadka Dowladda KMG Marwo Qamar... Ar Qamar Aaden Cali wasiir ku sheegaas maa laga dhigay. Iyadoo xildhibaan ahayd aa igu dambeysay. Xamar aa daris ku ahayn iyada iyo familkeeda; their house and ours was right next to one another. Qof London waa hore soo galay ee ahayd, iyada iyo reerkeeda, siiba walaalaheeda. Dhuub, Shooble, Wardheere iyo Xuseen Afeey oo London '80s soo galay.
  22. War iminka aanu ka helnay Xafiis kamid ah Xafiisyada Dowladda Maqaar saarka ah ee Magaalada Muqdisho... Maqaarsaarka. The word really did crack me up.
  23. Originally posted by David_Letterman: The Cambridge history of Africa: from c. 1790 to c. 1870 - Page 88 Mogadishu, on the other hand, was really controlled by the sultan of the Geledi, and minor ports were in the hands of members of other clans You can find that book through on Google Books, though where the book deals about Soomaalida and other Horn of Africa peoples' history is, unfortunately, labelled 'not part of this book review,' obviously intended to sidestep on copyright issues. The Soomaali's, along with other Horn people, history page starts on page 51, which you can find. You can also find page 53, 55 and 56, which specifically deals Soomaalida. On page 53, there is an interesting ancient map. NB: You may need a legitimate gmail account to access some pages.
  24. Prof. Dalxa oo hadaba banaanka laga geeyey howlihii baarlaamanka tan iyo intii uu dalka ku soo laabtay la doonayo in kursigaasi laga qaado, waxaana taas ugu wacan markii uu Boqore sheegay inuusan ka hoos shaqeyneynin nin jareer ah , ayaana Xamar guddoomiye ku-xigeen looga dhigay...” ayuu yiri Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble oo isagoo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritreya... Xigasho Poor Dalxa. Awalba qashinkaas inaad ku dhex jirtid ma ahayn oo iska casishid ayaa kaagaga fiicneed. However, the farce from this treacherous, qabyaalad-based dowlad ku sheeg, led by the Stooge qabyaaladist treasonous maafiya killer, is getting ever more ridiculous.
  25. As Uganda loaded its militaryware into a ship in Mombasa, destined for the Somali capital, Mogadishu, some two weeks ago, a Somali Moslem preacher kept taunting officials supervising the exercise. Accusing Uganda of sending its troops to spread HIV/Aids, and rape their women and daughters as “they once did” in the Democratic Republic of the Congo, the preacher delivered a chilling message; Uganda would find a huge grave inside his country. After two days of discomforting taunting, Ugandans called Kenyan police and the preacher was arrested. But a day after the arrest, Ugandan troops landed into Mogadishu Airport to a welcome of deafening mortar fire. A 'preacher' and his taunts ayee u adkeysan waayeen, taloow madaafiic roob camal ugu noqdo see ugu adkeysan doonaan, mise they think booliiska Keenyaatiga in ay Xamar joogaan too?