-
Content Count
17,641 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Originally posted by Muj. Red Sea: MMA, I really dont' know whether this is true or not. yes as you said the kid looks alot younger than the said age, but hey, it could be true. we just have to wait and see what happens. Baddacase, taariiqda Calasoow on the net haddaa ogtahay, you would rather believe what Bush publically says about Ciraaq occupation than what he writes on his amateurishly designed site of Waagacusub. The guy is simply notorious been abuure. One such blatant been abuurid was intuu deeggaan Togdheer kamid ah tagay uu yiri Laascaanood ayaan gaaray, oo sawiro Laascaanood town another website kasoo xaday soo giliye shabakadiisa, claiming waa sawiro aan kasoo qaaday Laascaanood. Hadda wuxuuba Xamar ka furtay idaacad la yiraahdo Simba, oo beentiis meeshaas kasii wadaa.
-
No more Middle Men(TFG stooges), What do you think?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Xoogsade's topic in Politics
Horta su'aal ma xumee aan wax isweydiino. [And let's take the Xabashi occupation out for a minute, since we all know that, and aan iska meel dhigno dowlad ku sheega for another minute.] Where were those collective clan 'elders' the last 16 years, oo maxaa ka reebay in isku imaadaan those years ay dhistaan maamul Banaadir xukumo? Ma Soomaali kalaa dhibka la waday? Maxee qabqabliyaasha shib ugu ahaan jireen 16 lasoo dhaafay haddee awoodaan ay lasoo baxeen leeyihiin ama lahaan jireen? Or mise qabqabliyaasha ayee ka cabsan jireen? Uma maleeyi awoodee maanta lasoo baxeen haddee lahaan jireen inay taas jirto. Intee jireen markii so-called 'looma ooyaanka' had iyo jeer la iska baacsan jiray in Xamar? Maxee ugu qaban waayeen calooshood u shaqeystiyaashaas moooryaanta saas u gali jirtay masaakiintaas. Either wixii waayadaas dhici jiray waa ku raacsanaan jireen, a cruel satisfaction or a blind eye siin jireen, or either qabyaaladdii ayaa ka badatay maanta, oo xanuunkii 'looma ooyaanka' waxee ugu wici jireen ayaa qabatay. If it is the latter, well, at least Xabashi occupation equalized dadka Xamar wada dego, all of them -- finally. Waligeey ma maqlin bishaan kahor those collective 'elders' from every sub-clan in the large clan oo meel isku yimid oo danta guud ka hadlaayo. I never heard or read it ka ahayn bishaan. Now suddenly, 'elders, elders' ayaa naga badbadatay. I hope those same 'elders' have a plan oo haddee Xabasho bari baxdo in lagu noqon doonin sidee Xamar ahayd the last 16 years. I only hope there is a Plan B la isku raacay, oo inay bari isqabqabsasho jiri doonin. -
Lacagta kista yar caalamka laga soo tuugsado, in the name of downtrodden and prolongingly victimized, tyrannized Soomaali people daaro ayaa lagu dhisanoyaa. One such daarad is Geedi's. The Junior Stooge recently bought an expensive villa in Neyroobi. You and I, however, know lacagta lagu gatay meeshee ka timid, oo meesha loo wadayna la marsiin -- from international community to destitute, disease-ridden and war-weary Soomaali people, instead pocketed by opportunists ku qaraabanaayo magaca Soomaali. Geedi infront of his new daarad. Nice picnic park inside the villa, meeting with his extended cousins. A cousin of his, appointed as danjiraha Keenya Soomaaliya u fadhiyo, at Geedi's home. Another cousin, Jeelle. Another no-need-to-be-named cousin of his at his villa. Oh, the post was not about the extended cousins, though; it is about stench of masuqmaasuqnimada heerkee gaartay.
-
Daa'uud, Mudane Aaden Cadde uma sahlano hadalka iyo maqalka maadaama caafimaadkiis sahlaneyn waqtigaan, da' ahaan iyo caafimaadka oo liito. Dubeey [Dubai] uu joogay markii igu dambeyso oo ciyaalkiis ku qasbeen inay ku daaweyaan, inkastoo beertiis ku noqdaa filaa hadda. Wareysigaan laga qaaday 2000 Mudane Aaden Caddee laakiin, Eebbe ha u cimri iyo caafimaad dheereeyee. --------------- WAREYSIGA MADAXWEYNIHII UGU HORREEYAY EE SOOMAALIYA Bishii Febraayo 21-keedii, sanadkii 2000, waxaa ii suurto gashay inaan booqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Mudane Aadan Cabduule Cusmaan (Aadan Cadde) oo magaalada Muqdisho u soo gaaray arrimo caafimaadkiisa la xiriira. Wuxuu Md. Aadan Cadde ku sii jeedaa dalka Sucuudiga si looga soo daweeyo xanuunka Dhiig-karka iyo xanuunno kale. Aadan Cadde oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee talada si dimoqraaddi ah ku yimaada, kagan taga, waxaa fadhigiisu yahay beertiisa oo ku taalla meel u dhow tuulada Mushaani oo ka tirsan degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose. Waxaa laga dareemi karaa sheekadiisa in xusuusta uu u leeyahay wixii ka horreeyay 1960-kii ay aad u xooggan tahay, halka wixii sanadkaas ka dambeeyay ay yara liidato. Hase ahaatee Aadan Cadde waxaa ka muuqatay in awooddisa ay hoos u sii yara dhacday sababo caafimaadka la xiriira awgood, marka loo fiiriyo mar aan dabayaaqadii sanadkii 1998-dii ku booqday beertiisa. Wareysigaas oo dheeraa, dhinacyo badanna taabanayay, waxaan u soo koobnay sidatan: Kasmo : Taariikhdaadaada oo kooban bal nooga warran. Mudane Aadan Cadde : Anigu waxaan ku dhashay tuulada Jawiil oo ku dhow degmada B/weyne ee gobolka Hiiraan sanadkii 1909-kii. Koritaankeygii dhibaato ayaan kala kulmay waayo aniga oo yar ayay aabahay iyo hooyaday kala tageen. Muddo kadib waxaan u soo wareegay magaalada Baydhabo oo uu aabahay macallin dugsi Quraan ka noqday. Waxaan muddo ka shaqeeyay xeryihii ciidamada Talyaaniga ay ku lahaayeen gobolka Baay iyo Sh/hoose. Billowgii 1944-tii ayaan ku biiray uruukii dhallinyarada ee SYL, waxaana ahaa lambarka 129-aad. Waxaana Leegada horteeda kaga dhaartay inaan qabiil ku shaqeynin . Muddo kadib magaalada B/weyne ayaan u wareegay, hase ahaatee sanadkii 1953-dii ayaan B/weyne ka soo guuray, waxaana 1956-dii noqday madaxii Baarlamaanka daakhiliyada, anigoo sidoo kale sanadkii 1960-kii noqday madaxweynihi ugu horreeyay gobonnimada kadib, waxaana xilkaasi hayay illaa 1967-dii. Kasmo : Intii aad siyaasadda Soomaaliya ku jirtay, maxaa kuugu yaab badnaa ee ku soo maray?. Md. Aadan Cadde : Sideedaba nolosha siyaasadda waa yaab miiran. Inkastoo aan qaar badan halmaamay, haddana qaarka aan xusuusto waxaa ka mid ah: Waxay ahad billowgii 1960-meeyadii markii aniga iyo wafdi aan hoggaaminayay innagoo si transit ah u sii mareyna garoonka Qaahira ayaa markii la ogaaday inaan soo degnay ayaa garoonkii korontada laga jaray. Sidoo waxaa inuu na soo dhoweeyo naloogu soo diray mid ka mid ah mas’uuliyiinta hoose ee wasaaradda arrimaha dibedda. Annagu markaas waxaan ku sii soconnay dalka Czechoslovakia oo markas la rabay in lagu soo dhiso ururka dalalka aysan siyaasaddoodu dhanna raacsaneyn. Sababta mas’uuliyiinta Masar ay sidaas noogu galeen waxay ahayd iyadoo waqti markaas ka horreeyay oo aan la kulmay Boqor Feysal ayaa waxaan iri: “Jamaal C/naasir wuxuu rabaa inuu Carabta xoog ku xukumo” . Annagu haddaan Soomaali nahay diblomaasiyadda iyo dowladnimaduba way nagu cusbaayeen. Warkii ayaa loo geeyay Jamaal C/naasir oo uu ka xanaaqay, aniguna ma islahayn meeshaas oo kale ayay jawaabis u joogtaa Jamaal C/naasir. Waxyaabaha kale ee iga yaabiyay waxay ahayd markii koox ka tirsan siyaasiyiintii Waqooyiga Soomaaliya ka soo jeedday ay iila yimaadeen doorashadii sanadkii 1967-dii inaan siiyo jagada ra’iisul-wasaaraha, iyagana ay cidkeyga I siinayaan si aan mar kale madaxweynenimada isugu soo taago. Waxaan ku iri: “ Anigu beelna gorgrotan kulama gelayo inay I doortan ama I ridaan, qarannimo iyo qabiilna hala kala fogeeyo ”. Raggii markii wax qanciya ay iga waayeen ayay u tageen Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaarke oo ay la heshiiyeen. Waxaa kale oo iga yaabiyay dad badan oo aan ku dhaarannay inaan dalka iyo dadka u shaqeyno ayaa ka baxay ballantii oo billaabay inay beelahooda xitaa u sii kala xagliyaan. War aaway ballantii ayaan ku dhihi jiray. Laakiin waxaa jiray dad ay dhab ka ahayd in dalka loo shaqeeyo. Kasmo : Maxaa keenay inaad doorbiddo inaad ku noolaato beertaada oo aad ku diidday inaad ku noolaato magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya. Md. Aadan Cadde : Waxay ahayd sanadkii 1974-tii lacag dhan 1900,000 (Milyan iyo sagaal boqol oo kun) oo shilin Soomaali, waxaan ka iibsaday nin Talyaani ah. Muddadaas wixii ka dambeeyay ayaan goostay inaan beerteyda ku noolado. Kasmo : Aragtidaada maxaa sabab u ah guud ahaan dagaalladii dalka ka dhacay, iyo gaar ahaan kuwa weli sii soconaya?. Md. Aadan Cadde : Ugu horreyn waxaan jecelahay inaan dadka u sheego dagaallada Soomaaliya ka dhacay ma ahayn kuwo qabiil sida marar badan la sheego. Annagu waan naqaannaa dagaal qabiil, haddii ay dagaallo qabiil yihiin sidan oo kale ma noqdeen. Sababta dagaalladani laga soo billaabo kii Maxamed Siyaad lagu riday illaa maanta waxaa weeye iyadoo ragga horboodaya uu nin walba rabay inuu gacanta ku dhigo talada dalka oo u soo rogo xukunkii Maxamed Siyaad oo kale. Kulligood waxaa ku duuban cajaladdii Maxamed Siyaad . Anigu hadda iyo ka horba meeshii aan doono ayaan Soomaaliya ka tegi karaa, cid eed ii qabta ama qabiilkeyga ii raadsaneysa ma jirto . Intii ay dagaalladu meeshii ugu darneyd marayeen ma jirto cid igu soo weerartay beerteyda. Marka waxaan dhihi karaa dagaalka Soomaaliya ma aha mid qabiil. Kasmo : Wax kaalin ah ma ka geysatay Hindisaha nabadda ee ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Jabuuti?. Md. Aadan Cadde : Waan filayaa inaan kulanno madaxweynaha Jabuuti oo aan markaas ka wada hadalno dadaalka uu wado, markaas ayaan filayaa inaan siiyo talooyinkeyga ku saabsan sidii Soomaaliya nabad iyo dowladnimo loogu soo dabbaali lahaa, inkastoo aan xanuunsanahay oo aanan shirar ka qeyb geli karin. Kasmo : Sanadkii 1960-kii markii adiga iyo raggi kale aad la wareegteen dowladdii iyo maanta oo uu dalku burburay dowladdii la dhiso bal haddaad isbarbar dhigto maxaad is leedahay way isaga mid yihiin?. Md. Aadan Cadde : Horta wax la isbarbar dhigi karo ma'aha, waxay kala yihiin labo adduun, waayo annaga markaan xilka qabaneynay 1960-kii dadku way isku duubnaayeen, wax kasta way nidaamsanaayeen, laakiin maanta hal dokominti oo keydsan ma jiro. Dalka Soomaaliya wuxuu dib u noqday boqollaal sano. Anigu waxaan la yaabaa oo aan mararka qaar ku qoslaa ragga ku dagaallama inay xukumaan dal ay dadkiisii ka dhigeen waxay dileen, waxay dhaawaceen, waxay barakiciyeen, xitaa xoolihii iyo dhirtii waa la xaalufiyay, ma garanayo inay ciidda oo maran xukumi doonaan . [ , may Eebbe bless Aabaha Dalka, Aaden Caddoow.] Kasmo : Waxaad tahay oday Soomaaliyeed oo magac iyo maamuus ku leh bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba, maxaad u soo jeedin lahayd shacabka Soomaaliyeed?. Md. Aadan Cadde : Soomaali meel kastoo ay joogaan musiibo iyo magacxumo ayaa ku habsatay, anigu mararka qaar waxaan is iraahdaa ma inkirtaa inaad Soomaali tahay [Noooooo. Aabaha Dalka inay saas kusoo dhacdo dadkii ka keenay maxaa ku dhahnaa?] Soomaali asaaggeed nacasnimo ayaa ka reebtay, qolo-qoleyn iyo qabyaalad ayay mar kasta ku masquulsan yihiin . Waxaan dhihi lahaa taageera dadaallada nabadda ee la wado gudo iyo dibadba. Xigasho
-
Waa bogus waxaan. Calasoow, the owner and tifaftiraha shabakada waagacusub.com, is a notorious beenaale, oo kun been lagu qabtay on his site. That site used to be the worse fabricator of news until idamaale.com came around. He was also pro-Cabdi Qeybdiid, anti-C/qaasin Salaad Xasan-Daahir Aweys-Yuusuf Garaad-Shabeele Radio, or si kale haloo dhahee, anti their sub-clan. He was pro-dowlad ku sheeg since Cabdi Qeybdiid isla safnaayeen, now vehemently anti-dowlad ku sheeg because tolkiisa kasoo horjeedo now. Shirkii Keenya uu soo caanbaxay in early '00s. Marka qof ayuu wax ka sheegi jiray, oo wax aan jirin soo qori jiray. He is alleged to ask you lacag, haddaadan lacag siinin sumcadaada meel ugu dhacaayo, hadddaa kistoo ku taabatidna ku sharfaayo on his site. Dad badan ayaa og taas. Laakiin ma'oga waxee tahay saxaafadda ama warbaahinta waxyaabaha u degsan, sida libel wax la yiraahdo. Maskiinka Isbitaalka Madiina xukumo uu dabasocday bilooyin la yiraahdo Sheekhdoon. Marna gabar la dhaho Dahabo Dowlo oo London degan . Marna Yuusuf Garaad, marna yar kaloo Fiyoore la yiraahdo reer Holland ahaa oo urur warbaahin sameystay oo Calasoowgaas in lagu daro loo diiday iyo countless others oo shirkii Neyroobi ka qeybgali jiray uu ka been abuuri jiray. Arag sawirkaan. Cunigaan maa 16 jir u eg runtii? Haddee u badato 12 ama 13 ma weyno. Yar uu adeer u yahay oo dhaawacmay intuu soo masawiro uu ku leeyahay waa qof Waqooyi kasoo jeedo. Xataa shaati iskooleey in uu wato ayee u egtahay.
-
See afkeena iskugu dhawyihiin marba marka ka dambeyso waa yaabee. Read on. [Also afka Reer Diinle, a lost Soomaali clan dego north of Gaarisa. Their af waa afka ugu dhaw Afsoomaaliga oo isku shaqal iyo isku wax walba eh, oo taas la yaab ma'aha.] ------------- Meaning: 'say' or 'shout' Soomaali: iyaa [yaah] Oromo (Galla): iyya --------- Meaning: 'crockodile' Soomaali: yaxaas Oromo (Boni): yahaas Rendille (Reer Diinle): yahasi --------- Meaning: 'wild dog' Soomaali: yeey Oromo (Galla): yeeyii Oromo (Boni): yeye Rendille: yaay --------- Meaning: 'light' Soomaali: if/iftiin Oromo (Galla): ifa ----------- Meaning: 'long hair' Soomaali: dab Oromo (Galla): daabee ---------- Meaning: 'back' Soomaali: dhabar Oromo daban ----------- Meaning: 'young bull' Soomaali: dibbi Oromo (Galla): dib-icca ----------- Meaning: 'man' [calling a man] Soomaali: waryaa [waraa] Oromo (Galla): warra -------- Meaning: 'call, invite' Soomaali: waani/waano Oromo (Galla): waama ----------- Meaning: 'hyena' Soomaali: waraabe Oromo (Galla): warab-esa Rendille: waraba ------------- Meaning: 'boy' or 'child' Soomaali: wiil Oromo (Boni): weel ---------- Meaning: 'son, brother' Soomaali: walaal Rendille: walal ------------ Meaning: 'rhinoceros' Soomaali: wiyil Rendille: weyel -------- Meaning: 'fruit of cactus' Soomaali: tin [tiintiin] Oromo (Galla): tini ----------- Meaning: 'spit' Soomaali: tuf Oromo (Galla): tufe ------------ Meaning: 'beat' Soomaali: tun [tuma dadkaas] Oromo (Galla): tuma Rendille: tum --------- Meaning: 'she-goat' Soomaali: ri' Oromo (Galla): ree ----------- Meaning: 'follow' Soomaali: raac Oromo (Boni): raa' Rendille: raah ---------- Meaning: 'run' Soomaali: orod Oromo (Boni): irid Rendille: irid ----------- Meaning: 'womb, uterus' or 'pregnant (of animals)' Soomaali: rimay, riman Oromo (Galla): riimaa Rendille: rim ----------- Meaning: 'rain' Soomaali: roob Oromo (Galla): rooba Oromo (Boni): roob ----------- Meaning: 'cow' Soomaali: sac Oromo (Galla): saa' --------- Meaning: 'lungs' Soomaali: sambab Oromo (Galla): somba --------- Meaning: 'cripple' Soomaali: naafa Oromo (Galla): naafa --------- Meaning: 'breath' or 'soul' or 'life Somali: naf [soul] or neef [breath] Oromo (Boni): nef ---------- Meaning: 'man' Soomaali: nin [niman] Oromo (Galla): nama ---------- Meaning: 'breath' or 'breathe' Soomaali: neefso Oromo (Boni): neefso Rendille: nefsi/nefso ---------- Meaning: 'live long' Soomaali: raage Oromo (Galla): raaga --------- Meaning: 'elephant' Soomaali: maroodi Oromo (Galla): marode --------- Meaning: 'be drunk' Soomaali: [ma cabee], cabid Oromo (Galla): macaw ---------- Meaning: 'family' or people Soomaali: maati [people] Oromo (Galla): maatii [family] --------- Meaning: 'manger' or 'home' Soomaali: moora ['animal shelter'], old homes Oromo (Galla): moora ---------- Meaning: 'herd of cows' Soomaali: lo' Oromo (Galla): loon Rendille: loolyo -------- Meaning: 'hen' Soomaali: luki [lost word, now dooro] Oromo (Galla): lukku --------- Meaning: 'leg, hip' Soomaali: lug Oromo (Galla): luka, lukaa Rendille: lux ---------- Meaning: 'name' Soomaali: magac Oromo (Galla): maqa Rendille: magaca ---------- Meaning: 'house' Soomaali: minan Oromo (Galla): mana, manaa Oromo (Boni): min --------- Meaning: 'bone' Soomaali: laf Oromo (Galla): lafe --------- Meaning: 'companion, relative' Soomaali: lammaan Oromo (Galla): lammii ----------- Meaning: 'heart' or 'chest Soomaali: lab [heart] Oromo (Galla): labb [chest] ----------- Meaning: 'swallow' Soomaali: liqid Oromo (Galla): liqim ----------- Meaning: 'foreskin' [dead skin] Somali: qolof Oromo (Galla): qolofa --------- Meaning: 'cold' Somali: qaboow Oromo (Galla): qabbanawa Rendille: qobo ---------- Meaning: 'young female camel' Somali: qaalin Rendille: qaalim ---------- Meaning: to bite Somali: qaniin Oromo (Galla): qinina ------------ Meaning: 'high mountain, summit' Somali: qar [qarka] Oromo (Galla): qara _________________ To be continued.
-
75 persons related to Xamar tribes kidnapped in Gorowe.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in Politics
Dhowr jeer ayaan kuu sheegay, Hunguri, ka ilaali magacyada qabiiladda aad kas ugu qortid meeshaan. Your deliberation heer waxee gaartay xataa trying to evade by shaqalka dheereyneysid magacyadooda in aan laguu jeedin camal. Digniin u dambeyso waaye, ka dhaaf magacyada qabiiladda inta. -
75 persons related to Xamar tribes kidnapped in Gorowe.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in Politics
Dagaalkaan qabyaalad uu isku badalay, hadda iyo koow wixii dhacay early '90s. Dowlad ku sheegaan awalba qeyr iyo wax quman ma laga sugeynin, inay dadkeeda isku sii dirto ka ahayn. Xamar waa laga wada qaxay, 1/3 Xamar ka baxay, taas waligeed ma dhicin shan iyo tobankii sane u dambeeye, markee taas dhacday dagaaladdii Caydiid iyo Cali Mahdi ayee ahayd from late '91 to early '92. Sababta loogu baxay maanta ma'aha waxa dhacay toddobaadkaan, ee waxa soo socdo ayee ka qaxeen masaakiinta. Dagaal weyn -- Eebboow kala qabo umaddaa -- oo qabyaaladeed ayaa soo socdo, waana filimaan aan horey u aragnay, qof ku guulestaynay uu jirin. Xamar intii ka badbaaday, iskaba dhaaf rayidkii, sarihii yaraa ka badbaaday in dhulka la dhigaa la rabaa. Ciimadaas Xabashada meesha ayee ku dhex wareeri doonaan, uultimana ka bixi doonaan, waana see rabeen, qorshahooda u degnaa ahaa laba: Isku dirka Soomaalida isbaabiso ama inay dalkaas heystaan. Soomaali isgowraceyso, isgubeyso, meydkooda jiidaayo Xabash ayaa ka koow ku faraxsan. Kuwii islahaa xaniinyo Xabash ku qabsado qabaa'ilo kale, siiba the Stooge C/llaahi Yuusuf, ha arkaan waxee ka dheefaan. Haddee isleeyihiina deeggaankiina dagaaladda waa ka dheeryihiin, ha ogaadaan inay Soomaaliya dhan wada holci doonto. Ayaandaradii ugu weyneed, waxmagarato ayaa Soomaali dhulka dhigay. Markuu shaley lahaa Cadde Muuse "dhulkeena waa lagu soo duulay, Maxkamadaha qabiil waaye oo shaati diin soo xirtay, oo dhulkeena iyo dadkeena rabo inay qabsadaan..." ha ogaado maanta dad sidiisa camal qabiilnimo ugu jirto ama u daneeyo inay jiraan, oo leh dowlad ku sheegaan deeggaanadeena inay qabiilnimo ku qabsado ayee rabtaa, iyadoo magac dowlad ku sheeg huwan. I jiid aan ku jiido gacmo daalis lee maahinoo aala dhahay, hala arko wixii laga dheefo. -
Cheerleader of whom? Of Samaale? Sure, if he existed. I don't miss xus, not because of those honoured, but because of qof sab'uriye ayaan ahay. Meel bariis laga kariyo ma la iga waayo, bun iyo qaxwana ku dar iyo canbuulo. Of course believing "Sheekh Samaale," it is ridiculous, and those waxaan aaminsan themselves wax aan dhaho ma aqaano ka ahayn ceebtooda ha asturtaan.
-
Originally posted by Geel_Jire12: lollllllll m.m.a, is there a tomb, for "samaale"? According to ogeysiiska kor ku dhigan, waxee leeyihiin meel Yurkud, Bakool, la yiraahdo ayuu ku duuganyahay odeyga Samaale. Now, Samaale may or may not have existed -- and it is quite plausible to have existed in someway or other -- waxa igu kalifay to open this thread was that 'sheekh' title and the whole hoopla of Abiidhaalib connection. It is just nonsense, as it is nonsense other insecure people who claimed on this very site to belong that same lineage. Hadduu Samaale noolaan jiray, wuxuu noolaa intee diinta nasoo gaarin. Waaba hadduu.
-
U duceeya odeyga maadaama xaaladiis caafimaadka tobankii sane u dambeeye fiicneen.
-
Info on the plane brought down in Mogadisho today...so far
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abwaan's topic in Politics
This is disturbing development, runtii. Bari diyaaradaha caadiga, Jubba Airways ka dhig, oo Soomaali wada saaran ayee soo ridi doonaan, since diyaarad hawada ku jirto sida loo arko yartahay noocee tahay, xataa haddee hoos ku socoto soo dageyso ama kaceyso. Haddee iyaga -- kuwee yihiinba -- soo ridina bari oo kaliya raadsado diyaaradaha Ugaandha, kuwa kale waxmagarato ayaa isku tijaabin doono. Finally sida Baqdaad camal ayaa ka dhaceyso, oo markee kaceyso iyo markee soo dageysaba kor, kor, kor, kor ayee isla markiiba u kacee afka aadinee, and I don't think that decades old Soviet-built planes of Jubba Airways can handle mid isla markii kor u kici karto ama kor kasoo degi karto within seconds iyadoo aan soo gaabsan. I hope taas dhacday maanta inay Soomaali ku jirin. -
Meanwhile intaa meeshaan afka ku dheereyneyno, oo maalin walba isku jug dhaweyno, gacmo daalis iyo shabaka ka dirir, dad dibadjooga anaga camal ah ayaa wax tarooyo. Dadkaas camal haddee Soomaali badankeed wada ahaan lahayeen. Deeq ka timid Jaaliyadda Soomaliyeed ee (Stoke-on-trent) UK oo maanta loo qeybiyey bukaanada la ildaran cudurka shuban biyoodka ee jiifa isbitaalka Banaadir Deeq lagaceed oo gaaraysa US$ 370, ayaa maanta [Maarso 22] loo qaybiyay dad fara badan oo ku jira isbitaalka Banaadir, kuwaasoo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka oo mudooyinkanba fara ba’an ku hayey dad ku dhaqan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya iyo magaaladan Muqdisho, iyadoo deeqdana dadkaasi cudurka la tabaaleysan loogu soo soo mariyey Weriye C/llaahi Xasan Sheekhaaloow oo ka tirsan Idaacadda Banaadir ee magaaladan Muqdisho oo sheegay mar uu warbixin ka bixiyay in lacagtaas uu soo diray Muxyadiin Maxamed Guuleed oo ah wakiilka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Stoke-on-trent ee Dalka Britain. Lacagta ayaa waxaa u qaybiyay bukaanada cudurka shuban biyoodku u soo ritay ee ku jira Isbitaalka Banaadir Weriye Shiikaaloow iyo haweenka mas’uuliyiinta ka ah Ururka Horseedka Nabadda iyo Nolosha ee HINNA oo ahaa haweenkii ku guulaystay inay dib u faraan isbitaalka Banaadir Muddo sanooyin badan ah oo uu xirnaa ka dib. Agaasimaha Isbitaalka Banaadir C/llaahi Xaashi Kediye oo ka hadlay munaasabad kooban oo ka dhacday Isbitaalka ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid wax ku ool ah oo wax ka tareysa bukaanada jiifa isbitaalka ee la ildaran cudurka shuban biyoodka oo uu xusay iney heystaan dhibaatooyin culus oo dhinaca nolosha ah isagoo u mahad celiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London, waxaana uu ku boorriyay inay deeqo kale u soo diraan walaalahooda dhibaataysan. Dadkii deeqdaan lacageed la gaarsiiyay oo qaarkood hadlay ayaa waxay u duceeyeen dadka soo gaarsiiyay ee walaalahooda, waxaana ay sheegeen in ay RABBI uga baryayaan inuu muraadkooda u sahlo Adduun iyo Aakhiro intaba. Guddoonka Ururka Haweenka ee HINNA Marwo Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino General) oo ka hadashay deeqdaan ayaa waxay si weyn uga mahadcelisay dadkii Soomaaliyeed ee soo gaarsiiyay deeqdaan ay u mahad celinayso sidoo kalena ay ugu bishaaraynayso inay gaarsiiyeen dadka Isbitaalka ku jira intooda badan, balse ay deeqo kale u baahan yihiin oo noocan oo kale ah, Sidoo kale Caasho Shaacuur oo ka mid ah Guddoonka HINNA ayaa waxay sheegtay in dadkaan deeqda la soo gaarsiiyay ay soo gaartay xilli ay u baahnaayeen. Xigasho Dadkaas baaba'san Eebbe ha caafiyo, kuwa wax usoo direyna Eebbe ha ugu mahadnaqo. If only some of us emulated them on some way. Af wax ma taro, gacan [$$$] ayaa wax tarto ee meesha aan ka kacno.
-
Inkastoo xaalka murugeysan yahay, wargelintaan iyo ogeysiiskaan hoos ku qoran qasab igu noqotay inaa idinla wadaago. -------------- Ogeysiis Reer bini Caqiil: Meel kasta ay joogaan in lagu qabandoono wadanka Sweden, magaalada Gothenberg siyaaradii Sh. Samaale waxaana looga hadli doonaa tariikhdiisa iyo dadkii uu la kulmay ... Sheekh Samaale Maxamed oo ah reer Aala bin Caqiil bin Abi Dhaalib [ ] oo ah aabaha ay ka soo farcameen somaali badnankeed in ka badan 60%. Siyaarada waxaa la qabandoona malinta ay taarikhdu tahay 1 Maj [May/Maajo] 2007. Sheekha ayaa waxaa ka soo farcamay 9ka Samaale oo kala ah ... Sheekh Samaale waxaa lagu siyaarta Yurkud, gobolka Bakool. Sheekha Samaale waa aabaha Soomaalida waana halka magaca Soomaalida uu ka soo jeedo. Waxaa lagala soo xiriiri karaa siyaaradaasi guddiga qaban qaabada oo kala ah Sheekh Cabdi Cali iyo Sh. Fu'aad Xaaji Maxamed Aala Alcaqiil iyo Axmed Sheekh Kalaay. Dayniile.com Dad ayaa wali saan u fikiraayo oo aaminsanba waxaas. Sheekh Samaale kulahaa. Anyway, qofkii Iswiidhan joogoo, ha moogan xuskaas.
-
Minneapolis-St Paul ayuu kasoo baxaa kanaalkaas. [scroll down.] How many kanaalo ayee qabaan Reer Miniyaabolis? They have more than a half a dozen in one community channel alone: Soomaali TV, Soomaali View, Somaliland American TV, Soomaali MaiTV, Midnimo Soomaali TV, Soomaali Media and Soomaali Democracy Center. Don't tell me each caters and feeds a particular clan and its respective clan's point of view[?] Yaab.
-
ALI MAHDI TO CHAIR THE RECON. MEETING
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Cali Caaq iyo gacmo dheere ( Maan gaabne ) waxey ku hadaaqeen hadaladii loo meereeyey ayagoon ka fiirsan natiijada ka dhalan karta. Sidaas awgeed Labada murtad ee Cali Caaq iyo Maan Gaabane ... Hada kahorna waa sheegay, mar labaadna waa ku celinaa: Qoriyaasha Qaadisiya waa ku dhufan rabaan mar dhaw, buufis waa dhaafay waxooda, diinna ma u dhawo, dhaqan ma'aha. -
Xabasho tabar ay Soomaaliya ku qabsado oo dheer ayaa iska yar, tabar ay ku noolaadana xoogeeda iska dhaaf. Remember Xabashada [both Tigrey and Amxaar, for convenience sake] number less than Soomaalida, siiba the ruling Tigrey regime whose population is even less than Soomaalida degan Soomaali Galbeed. Marka awood ay ku degaan ma hayaan dhul Soomaaliyeed, haddee wax dagayaana Soomaali Galbeed ayee degi lahayeen, inkastoo Oromadda dejiyeen Diridhaba iyo Xarar.
-
Yey : Dadka Madaafiic ayaa lagu garaacayaa...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dhubad.'s topic in Politics
Dadkiina qaarkood aflagaado iyo childish caay ma'ahee wax kale aan ku heynin meeshaan, maad naga joojisiin afxumadaan maalin Eebbe eekana meesha ku heysiin, in la idin soo dhexgalo ma'ahee. Aflaagadaan yareeya, if you don't want your posts la tirtirin; not edited this time, but tirtirid -- deleted -- and whatever good points it contains gone with it. If you want to waste your time and our time, well be our guests. -
Xamar dad ayaa noo degan, habaarka iyo masiibadda aad u saadaalineysid ka yareey, baliis. Xabashi meesha badankooda maku geeriyonayaan, Soomaali aan habayaratee waxba galabsan ayaa ku geerineyso. Xabashi maka kala jecla haddii Xamar dhulka la dhigo iyo haddii kale. Wixii maanta dhacay haddaa ku faraxsantahay, oggoow Xabashada wey soo rogaan celineysaa. I fear wixii dhici doono bari, bari dambe iyo saa dambe iyo tan ku xigto. Xamar waa baaba'sanayd, baaba' kale uma baahno, dadka dego iyo magaalo ahaanba.
-
MAYDAD LAGU GUBAY MUQDISHOM - INAALILLAAH
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Ayaandaradii ugu weyneed. Soomaali isgubeyso maanta, meydkoodina ka baxsan la' naceybka ay isku qabaan daradooda. Kuwa isleh Xabashi ayaa ku jabi doono Soomaali isgubeyso, ha ogaadaan Xabashi maanta camal waxee ugu faraxsantahay inay jirin, oo naceybkii Soomaaliyeed dhexdooda ahaa meesheee ugu hooseysay gaartay. Waxaaba kaaga sii daran laba qolo la kala safan Soomaali meydkooda Soomaali kale sidii baqti camal ah dhulka ugu jiidaayo ama kuwii hore Xabashada leysay -- waxaaba taas ka daran hadana laba qolo kale la kala safan inta ku jirto, marba kuwa u alalaasaayo waxaan dhacaayo, supposedly dad loo maleyn jiray waayo'arag, oo ifkii iyo adduunkii arkeen, walina mentality miyiga wato; heck xataa Reer Miyi waligood ay isdagaali jireen dad dhulka kuma jiidi jirin ama mid shisheeye laayo walaalkooda ah uma sacabtumi jirin, maanta waxaan ayaan aragnaa, dad 'waxbartayna' u sacabtumaayo golahaan ku jiro, saas u dhaqmaayo ku kaliftay. Meydadkaas aniga badankooda Soomaali ayee igula egyihiin, aad ayaana ugu xumahay Soomaali kale inay dhulka ku jiido, hadana gubaan meydad Soomaaliyeed oo isku dhiig yihiin, iskaba dhaaf wax kale. Xataa hadduu yahay mid Tigrey ama Amxaar, dareenka qofka in uu galo ma'aha qof dhintay oo tagay in lagu jiido dhulka, wuxuu raba ha ahaadee. Meeshii ugu hooseysay ayee mareysaa maanta Soomaali. Dhaqan Soomaaliyeed ma'aha, mana ahayn. Waa murugii ugu weyneed, runtii. Soomaali meydadkooda gubaayo. Bisinka. NB., I hope this thread will be kept in civilized manner, otherwise it will follow the fate of other two in recent days. Xishmada, taxadirka iyo ixtiraamka ha lagu dadaalo. I hope it will continue. -
Miskiin aniga guriga seedigey qori mayaalo iska daa gurigeeyga ee. Sidoo kale, I am not getting the protection you are getting because your view in in-law relations is the strongest bond of any other relationships, even better than fellow citizen, I know you well. Who is my seedi? This is the most absurd, paranoid post I had seen. Xamar Soomaalinimo and heybadeena ayee ku deganyihiin ehelkeyga, ee seedinimo iyo wax aan loo joogin kuma degana, and if you are implying qabiil Xamar dega ayaa seedi ii eh oo Xamar 'protection' ehelkeyga ku haayo, you are far, far from the truth. Tell you the truth, I hate them because what they do, not who they are. Oh, well. Soori to bother you. Naceybkaaga wado, meeshaa ku gaartid hala arko.
-
Haa, widaayoow, dooga goroda. Awkeey Heer Hudur haayi, guri doogaas Afmaay ehna laka hadala haka koray. Heer Baardheere hooba eta, dad feeylana dega arlaadaas.
-
This thread is closed. [i wanted to close it before I explained since continuing aflagaado was in session; so now here is the detailed reason why a thread like this once again is deemed and doomed to be closed.] We cautioned before, we did warn before and given a explicit caveat: Bringing inflammatory threads and posts accomplishes nothing, nothing at all, and adds nothing substance on this forum but to bring aflagaado, the worst of afxumo. Gloating of long dead Soomaali corpses, regardless of one's political affiliation, too, wax loo dulqaadan karo ma'aha. We are Soomaali, dhiig baa nagu jiro, damiir baa leenahay, regardless who fought whom, gloating over dead Sooomaalis crosses the point. Articulate your points instead of showing dead Soomaali corpses, killed by Xabash, in images and videos, and then gloating over them. Even if it was like that, we let this thread to stay open, to see if there can be found a civilized debate. Alas, we were proven wrong again, and as was proven by the other one, caay iyo aflagaadada wax ka ahayn masoo siyaadin. This is the second time within a few days a thread like this is brought forth. What did the previous thread achieve to expect things will change now? That prior thread achieved nothing; instead of healing Soomaalis, it only added fuel the animosities between Soomaalis, furthering apart. And what did this very one was supposed to achieve? Absolutely nothing than forthcoming -- perhaps some were eagerly anticipating -- abuses, insults, poorly thought, kindergarten name-calling, bad-mouthing and other petulant personal attacks. Hala isdhaamo, don't force us to enter.
-
Afmaay ma fahantaa, duqa? Teeda kalena Reer Baardheere maa tahay? Jameecadii Baardheere maa ku jiri jirtay?
-
GUATEMALA CITY, Guatemala - A 330-foot-deep sinkhole killed at least two teenagers as it swallowed about a dozen homes early Friday and forced the evacuation of nearly 1,000 people in a crowded Guatemala City neighborhood. Officials blamed the sinkhole on recent rains and an underground sewage flow from a ruptured main. The pit emitted foul odors, loud noises and tremors, shaking the surrounding ground. A rush of water could be heard from its depths, and authorities feared it could widen or others could open up. Xigasho Bisinka iyo murdaha. We take for granted on anything and everything on this poor, overused, overabused Earth provides; this mighty Earth, which we never appreciate for a moment how it sustains, feeds, protects, etc, us all, billions, for millennias. Aayad Quraan ayaa igu soo dhacday markaas, oo kusoo xasuustay sawiradaas, which is the title.