Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,633
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. 2 ruux oo ku geeriyootay gaari ku qalibmay deg Afgooye (markii la weeraray ka bacdi) Afgooye 13 Abriil, 07 (Shabeelle) Labo ruux ayaa ku geeriyootay qaar kalena dhaawaca ayaa ka soo gaaray, ka dib markii uu qalibmay gaari nuuca waaraadka loo yaqaan oo koox dabley ah ay rasaas ooda kaga qaadeen. Gaarigaan oo ka tagay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Baydhabo ayaa koox dabley ah waxa ay ku tacshiirtay Godka Owxeeloow oo hal KM u jira Ctrl ka magaalada Afgooye., iyadoo tacshiiraddaasi oo qalqal galisay darawalkii waday gaariga ay sababtay in gaariga uu la rogmado. Labada ruux ee ku geeriyootay shilkaasi ayaa waxa ay ahaayeen wiil yar iyo aabihii halka labo kale oo haweeneey ah ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhamaantood ahaa rakaabkii la socday gaariga sida uu ku soo waramay Wariye Xasan Mayow oo ka tirsan shabelle, gaarayna halkaasi. Dadka dhaawacyada soo gaaray oo ay ku jiraan labo haween ah oo uu qabay ninka geeriyooday ayaa waxa ay ahaayeen qoysas ka barakacaya dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho, iyadoo haweenkaan ay wateen 5 caruur ah oo marka gaariga uu rogmaday ku dhex dhacay tiitiin, iyagoona xalay ka jiifan waayay. Gudoomiye K/xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Afgooye Xasan Axmed Xasan iyo taliyaha ciidamada Militariga Cali Xabad oo dadkaasi geeyay xalay Isbitalka Degmada Afgooye. Lama soo sheegin in gacanta lagu dhigay dableydii falkaasi geysatay oo aheyd sida la sheegay labo nin oo ku hubeysan qoryaha Ak47. Dhowaan ayay aheyd markii gaari Hoomeey ah oo ay saaran yihiin dad safar ah kooxo dabley ah ay ku rasaaseeysay halkaasi, iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa 7 ruux. Shabeelle
  2. Dadkii Muqdisho ka barakacay ee Geedaha Hoostooda ku noolaa oo Roobkii Guga uu ka dul curtay Axad, Abriil 15, 2007 (HOL): Dadkii ka qaxay magaalada Muqdisho ee u barakacay Daafadaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaana Hareeraha Wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye oo awalba ay heysatay xaalad nolol xumo ah ayaa hadana waxaa ugu sii darsamay Roobkii Guga oo ka dul curtay iyagoo aan heysan meel ay ka galaan. Dadkani oo Geedo ku hoos nool ayaan heli karin meel ay ka galaan Roobka, waxaana dushooda ku hooray roobabkii xalay iyo habeen hore ka da'ay Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda. Qoysaskani oo roobka ka hor ay heysatay xaalad caafimaad darro kadib markii ay caruurtooda ku dhaceen xanuuno ay ka mid yihiin shuban biyoodka iyo xasaasiyad ay ka qaadeen geedaha ay ku hoos nool yihiin ayaa haatan waxaa la soo deristay xaalad kale oo culeyskeeda leh oo ah in uu roobkii dushooda ku hoorayo, waxayna qoysaska qaarkood sheegayaan in loo qaatay in ay dib ugu laabtaan guryahoodii oo ay Madaafiic darteed uga soo carareen. Ugu Dambeyntiina Qoysaskani ayaa ka qaxay dagaalladii xoogganaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii ay u dulqaadan waayeen madaafiic aan loo meel dayin oo ay isku ridayeen dhinacyadii dagaalka iskala soo horjeeday. Hiiraan
  3. Dad yaxaas ku cunay Degmada Afgooye Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho oo Yaxaas ku cunay Wabiga Afgooye Ilaa iyo 3 Caruur ah ayaa la sheegay in maanta yaxaas uu ku qaaday wabiga Sh/hoose ee degmada Afgooye, iyadoo dadkaasi la sheegay in ay yihiin dadkii ka qaxay magaalada Muqdisho Dadkaan oo u badan caruur ayaa la tilmaamay in ay ahaayeen kuwo aan garaneyn sida loogu dabaasho Wabiga, waxaana soconaya dagaalo lagu baadi goobayo halka yaxaaska uu ka qaatay. Waxa uu sheegay in dharka ciyaalkaasi ay yaalaan banaanka hore ee wabiga, iyadoo halkaasi ay gaareen qoysaskii ay ka soo jeedeen Caruurta. Wali lama oga in Caruurtaan uu yaxaas qaaday iyo in kale, laakiin waxaa la xaqiijiyay in ay ku maqan yihiin biyaha wabiga. Ayaamaha
  4. 5 ruux oo cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose [Abriil 09, '07] Ilaa 5 ruux ayaa Maanta ugu geeriyootey cudurka shuban biyoodka Gobolka Sh/Hoose. 5-ta ruux ee ugu geeriyootey cudurka shuban biyoodka 24-kii saac ee ugu danbeeyey isbitaalka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ayaa 4 ka mid ah waxa ay yihiin carruurta dadka ka soo barakacay dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho halka ruuxa kalena uu yahay dadka deegaanka. Howl wadeena Caafimaadka ee degmada Afgooye ayaa sheegay xiligaan inay jiraan dhibaatooyin aad u fara badan oo haysta dadka ku dhaqan degmada afgooye iyo deegaanada ku teedsan iyagoona sheegay inay jiraan dad aad u fara badan oo xiligaan la il daran ama la jiifa isbitaalka degmada Afgooye cudurka shubanka. Inta badan dadkii ka qaxay dagaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dhibaatooyin isagu jira hooy la'aan cuduro nafaqo daro iyo waliba biyo la'aan ay ku haysataa goobo fara badan oo ka mid ah gobolka Sh/hoose gaar ahaan inta u dhaxaysa Afgooye iyo Magaalada Muqdisho oo tiro aad u badan oo dad ah ay kusuganyihiin xiligaan. Mas'uuliyiinta deegaanadaasi ayaa waxa ay ka codsanayaan dadka Soomaaliyeed iyo waliba Hay'addaha samafalka inay taageero deg deg ah la soo gaaraan dadka dhibaataysan ee ka soo ka qaxay Magaalada Muqdisho kuwaasoo haatana ay ugu dar sameen cuduro uu ka mid yahay shuban biyoodka oo xiligaan fara ba'an ku haaya guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaana haatan sidoo kale Jiifa isbitaalka degmada Afgooye in ka badan 40 ruux oo cudurka shuban biyoodka uu haleelay kuwaasoo intooda badan ka cararay dagaaladii Muqdisho ka dhacay. Geeska Afrika
  5. No estimate has been made on the losses, but Lt Gen Dahi said the robbers emptied the front display of the store. He also said the criminals were unlikely to be of Arab origin . Witnesses said the assailants were masked and armed. Carabta tuuga ma noqon karaan miyaa? Unlikely kulahaa.
  6. No body suspended nor banned our brother Castro. People get busy with their lives. Yoonka/Alle'ubaahne, duqa, it is unfortunate you are already back using that ancient username/number when I invited you to join this site back in early 2002, and still behaving the same way. Alle'ubaahnoow, walaaltinimo ayee iga tahay, baliis change your ways.
  7. We appreciate all of your views, thoughts and concerns. For that, dank yuu. When we were, however, cautionary reprimanding repeatedly, when we were giving ample admonitions of 'tired of this' for months, no one was paying attention to those or airing these sudden concerns, and some of you even laughed with them. Soori, but we were/are serious about cleaning this sub-section, which we had in mind the last couple months. Some of the suspended members were constant violators of the rules, some daily who could not resist not posting clan names. Some were deliberate trollers who incited hatred; some were agent provocateurs, deliberately trying to solicit insults. Some were in thier third 'probation,' since they were twice banned already before this. Time and our patience extended thinly have caught up with them. Though banning and suspending their usernames is never permanent [their IPs are not banned, thus they can read this], let them now know their negative actions have consequences and will not be tolerated forever, for long. Once again, we appreciate your views. I personally decided to open this thread solely for that. Dankis again. PS - Spring cleaning is still in process.
  8. Originally posted by Halgan: Maskin, There is no shred of doubt from my side that you don't like the dabadhilifs. BUT, for the first time since joining SOL a few years back, you edited what I wrote on Abdullahi Berlaawe; I was responding to a comment by Duke; and you edited a few words. But that is fine with me, if you doomed that I crossed the line, I accept it with grace. Halgame, mar labaad aan ku weydiinaa to bring that said thread I allegedly edited. Just bring it forward, widaayoow. What would have happened if one copied and pasted messages from Kismanyonews.com, qadisiya, waaga cusub? By all means, go ahead. Post as much as from Qaadisiya, Kismaayonews, Waagacusub, M-shacabka, Aayaha, Wadanka, Calanka ... Bring them all forward. Some members routinely already do that. Nothing wrong with that. Instead of wanting to censure the unsavoury opinions from the other side, which I never agree with, it is better to counter by bringing what is on the other side as well. I again kindly advise you that lurking will not help. Neither censuring. Instead of being a lurker and reading some one-sided news daily that infuriates you, come out from the lurk and bring what you think is the correct news by posting as many articles as you like.
  9. Originally posted by Dhulqarnayn -alSumaale: Sawiradaan si fiican ayaa loogu jeedaa, loo arkaa. Magool, Eebbe ha u naxariistee, iyo Khadro Daahir in the middle, Hibo Nuura far left on the first picture. The other two waa ii gooyeen. Anyone? The second one waala xaragonoyaa. Axmed Naaji iyo Magool again si fiican ugu muuqdo. Charming. The ladies are such stars - the men just fade into the background. And you have to grin when they refer to Chinese as 'abowayal' - about the last ppl that we can refer to as that. My abti, Eebbe ha u naxariistee, had a favourite anecdote he used to recite whenever uu soo xasuusto. He once saw Shiinees sigaar ku cabaayo infront of his safaaradda Shiinaha in Xamar when mid xaraarad sigaar heyso approaches him to ask say: "Shiina-Soomaali walaalo, marka haashka ii dhiib." When he saw the confused expression on the Chinese embassy worker, he repeated this time emphasizing on his two index fingers by comparing them and saying the above phrase. Somehow the Shiinees guy got it and laughed, giving him a full sigaar. They both laughed together and kala tageen.
  10. Maskin, I was tempted to respond to this thread. I recall you editing some comments I made on the so called president of somalia, the stooges called warlords (turned ministers) and for responding to the bombardment of innocent civilians/animals in the south. When did I do this? Can you bring forward any thread I edited that included 'comments' you've made about Frail Stooge of Xabashadda [myself anti-his policies and his dowlad ku sheeg ayaan ahay as you can see], so can you bring any threads of that? Mise dacaayad aan jirin waala iska wadi karaa? What some of you do not get is this: You don't aflagaado members of this site, regardless what outrageous -- though not offensive -- statements they make. You can make your own outrageous to counter them if you want to lose your integrity as well, or either ignore them as many of us do. You can, however, call whatever acceptable terms [i.e., dabadhil'if, stooge, puppets, traitors ...] you want against those public people oo xilal sheeganaayo. If they call Maxkamadaha some unflattery terms, it is not our problem. If you call dowlad ku sheega some unflattery words, it is not our problem, either. They are public political groups, as bad as the latter is. Maxkamadaha, as dear as it is to some, still was and is a political movement, and people can criticize. SOL is not a totalitarian site to please on someone's whims. Copy-and-paste, as long as they comform and adhere the rules, nothing against it. If you want to bring your side of opinion, bring as many copy-and-paste as you like. If you don't like to read the other side's copy-and-paste, which I personally do, then don't. We cannot censure what other people bring to this site, as long as it confirms the rules. I will remind you to this: I personally do not like either some copy-and-pasted articles, but my personal opinion cannot force what others will. No. So therefore I skip these articles. The day I lost hope on what is written on somaliaonline was when a somali woman was reported to have been raped. Several of your members were on record praising this vicous acts. The same applied when thousands of innocent civilians faced the ruthless bombardment of the TFG and Ethiopian troops and the paste and copy articles filled this place praising the "progress" of the TFG in engaging "tribal" courts. How would someone whose relatives live in Muqdisho react?????? I as a moderator remove, delete, edit any thread and post that advocates, promotes rape or even violence about our people. Any post that glorifies rape. Any post that shows the dead bodies images on here. I am a but a mere person, therefore cannot read every and each post, though I try to. If you think there is a post that glorifies about rape of a Soomaali woman, report to us. It just says on the bottom 'report this.' Instead of being a lurker, come and bring to support your political side. I do. Lurking silently and reading what you consider 'outrageous' comments will not make other side see the opinion. As Aljasiira has that famous slogan: The opinion and the other opinion [rayi wa rayi].
  11. Fanisha and Ebonique, deep blue, deserve a second chance if you ask me. Everyone deserves second chances, and all do; however, I agree with you, those above named, plus Jabarjaan, were more respectful than others iska indhatiri jiray the numerous warnings. They do deserve second chances, and theirs will be the first to be forgiven, I hope, especially newcomers Deepblue and Jabarjaan who, perhaps unaware the first notice that went on last night about bannings, still kept naming clan names. Well, the new seefta revolution in the name of spring cleaning ku dhacday because they were mentioning the very constant clan names the Admin. was addressing, on very day ayee qabiil magacaabidiis wadeen while the Admin. was still on it. There were some previously banned people who were quietly let in after a few months or weeks, provided they changed their behaviours. They are still here. That always was SOL policy, to let people see their negative actions and what it can led to, to rehabilitate themselves and to let them know the site is serious about its rules. To surviving few others still on SOL's Politics section -- and they know who they indeed are -- who are still tempted to personalize threads, personal insult or clan-name, the next couple days will be a zero policy of tolerance. Zero. If you are deliberately caught doing that, you are out, particularly if you have had several cautions against you. Reminder: Intaadan falin ka fiirso.
  12. Originally posted by Mj. bada Cas: Just because of qabiil, just like you are willing to defend the old man (MMA iga qalee nooh, I edited ) and even sport him down in your signature. What is that all about, he doesnt' pay you or does he? Duqa, call the Frail Stooge or whoever public figure ah whatever you want, dabadhili'f iyo wax kaleba. It is only against the rules when someone calls that the members of this forum since they are not public figures.
  13. Qoftaan walaasheen eh hambalyo aan dhaho, too. Arbaco, Maarso 14, 2007 (HOL): Waxaa taariIkhdu marka ay ahayd 9kii bisha Maarso lagu qabtay magaalada Geneva ee wadanka Switzerland tartan ka dhexeeyey gabdho laga soo xulay wadanka Swiss-ka gudihisa gabdhahaas oo lagu jecleystay sida ay ugu halgamaan noocyada kala duwan ee la xiriira arimaha bani’aadannimo iyo bulshaba. Munaasabadan oo ay isugu yimaadeen 7 Gabdhood oo la gudonsinayey Bilado ayaa waxay ka kala socdeen Wadamo kala duwan, waxayna abaalmarinta ugu kala guuleysteen sidan: 1) Xaliima Axmed (Soomaaliya), 2) Hidajete Golaj-rime (Albania), 3) Imane Kanj-Lauraux (Syria) ... Gabdhahaas wada halgamaya ayaa xaliimo ka heshay bilad sharaf kaalinta koobaad oo loogu hibeeyay sida ay ula shaqayso dowlada hoose iyo community-ga Soomaalida iyo waliba waaxda caafimad-ka ee ka shaqaysa ciribtirka gudniinka fircooniga. Waxaa ka soo qayb galay munaaasabadaas madax weynihi hore ee Swiss-ka, duqa magaalada Geneva, masuulka waaxda caafimadka Geneva, masuulka waaxda is dhex galka shacabka(Integration) masuulka waaxda arrimaha dumarka Safiirka Soomaalida u jooga wadankan Switzerland hay’ada UNICEF Swiss. Waxa ay maamul goboleedka Geneva u aqonsadeen Xaliima shakhsiga u soo halgamay arrimaha dumarka iyo integration-ka waliba waxay ugu mahad celiyeen cawimaada ay ka siisay fahamka dhaqanka soomaalida taas oo sida u hadalka u dhigay duqa magaalada ay jaahil ka ahayeen hadana ay ku faraxsan yihiin in ay fahmeen quruxdiisa oo aan ku koobnayn qaybta negative-ka ah oo ah gudniinka fircooniga. Haddii aan idiinka faaleyno taarikhda Xaliima waxa ay ku dhalatay Mogadishu Soomaaliya 23 Agoosto sanadkii 1984, kadib qaraxii dagaalada sookeye waxay Xaliima soo gashay wadankan Switzerland 1993 halkaasoo ay ka gashay dugsi Hoose/Dhexe (grandes communes) kadib ay ka sii gashay iskuul ganacsi oo ay ka baratay dalxiiska, waxay sanadkii 2005 aas aastay hay’ad lagu magacaabo DARYEEL N.G.O taas oo ka shaqaysa arimaha bani’aadanimo. Waxa abaalmarin looga dhigay sanadkan in ay Halimo la shaqayso UNICEF SWISS waxa ka mid ah fursadaha ay Xaliima heshay in ay la shaqayso dowladda hoose ee Geneva. Waxaa ay mahad celin u jeedinaysaa eheladeeda iyo dhamaan dadkii wax la qabtay kuna garab istaagay hawsha ay haysay Xaliima Sacdiya waxa ay salaan gaar ah iyo mahad naq ba u jeedinaysa Axmed Jaamac Axmed (Furbool) oo kaalin weyn ka qaatay dhiirigalinteeda iyo shaqooyinka kala duwan ee ay qabato. Xigasho
  14. They were given months and plenty of public cautions, warnings and exhortations [gobaabin]. I don't think private would have made any difference. None heeded. Thus time may have caught up with them. There will be others, by the way, since some usual suspects are not in the list. Can there be a second chance for someone who is ALREADY banned? Someone who wants a fresh start? Depends who the person is. Some on that list were already in their second or third chance. However, yes, they can have second chances -- SOL is not gulag and has had a well-intended policy of regarding this reformation -- quietly letting in after a few weeks if and provided the concerned person promises to change completely and rehabilitates his former unflattery actions.
  15. SOL's Politics section is cleaned. It was long overdue, in dire need of and finally we've caught with it. We've had enough of little dramas, disrespecting and breaking the written rules constantly, posting clan names all the time or amateurishly trying in vain to sidestep that by noticeably circumventing, and the endless present of schoolyard name-calling and bullying. Politics section was where ideas -- particularly healthy positive ideas -- are welcomed, where constructive criticism was and is always welcome, where a healthy debate is more than welcomed. SOL's Politics section, however, is not where you take your daily dose of frustration. It was and never meant to be a place of intimidation, daily diatribe and abuse. Well, time have finally caught up with some. They will know who they are. And some will follow soon since we are in process. So long. [Nabad iyo caano. ] [PS, if you have a genuine concern, you can either PM me or the Admin. To those who cannot to do that, email your SOL friends to contact us or I can provide you my personal email.] [PS2, this thread will stay open for you to air any genuine concern, unlike the Admin.'s one, which was official, to give you an opportunity to state what you have in mind, however no request whose username name should be suspended. If that does happen, it will be fastly closed as per usual policy threads of these kinds are supposed to be.]
  16. Waajid, widaayoow, alankeey Ali Taruuri, koo qaaday. See haayta, la faylana ma'ahaa? Arlaadi ku waran? Iinka salaam reerihii. ----------- Suldaanka, su'aalo aan ku weydiiyo: Qofka waxaas soo qoray, do you really believe inay dhab ka tahay, that finally decided to believe the dismemberment of Soomaaliya and not ku xumeys of Stoogeka madaxweyne ku sheega ah and his few clanish supporters? That writer clearly believes the old adage of 'my enemy's enemy is my friend.' Dowladda shisheeye maka dambeyn karaan, oo dabadda kama riixayaan goosashadda ay goosanayaan walaalaheen dega Waqooyi, laakiin ogoow dowladda ugu horeyso ku faraxsan inay taas dhacdo, lambar wan, inay tahay Itoobiya? Runteey miyaa, haa mise maya? Waana aragtaa, oo ku cashar qaado, haddii Soomaaliyala la kala gooygooyo inay iska dhicin karin Itoobiya. Filinka maanta shidan qof walbaa u jeedo, oo gees ka gees inay Xabashadda xukunto arrimaheena. Been mise maya? Waa u jeedaa maalinba siyaasiin ku sheega, hogaamiye ku sheega inay Adisababa u siyaartaan, oo amar meeshaas kasoo yeerin ama la socon inay gacan qaadi karin. Waana ogtahay, surely, dagaaladda ka dhacaaya Sanaag inay la xiriirto a final go-ahead from Sanaawi? Haa mise maya? I and many others do not believe dagaaladdaas aan loo baahneen ka dhacaayo inay iskooda u dhaceen without Sanaawi's awareness or, Eebbe forbid, his blessing.
  17. M.M.I, the creation of the state of "Somalia", which gained independence from Italy via the union of the former British Somaliland, was clearly a colonial endeavour. The current borders of Ethiopia, Kenya, Somalia and Djibouti are largely based on the former British borders. Hence why succesive Somali governments rejected these borders. Furthermore, the muslims of the horn have always had economic, military, political and religious alliances. During the Zwahili states, which went all the way up to Muqidsho... Horta you succumbed to beentii ugu weyneed aan ka hadlaaye. And I cannot believe you believed that myth, that crap shisheeyaha and enemies of Soomaalidda kusoo celceliyaan. First of all, we need to know what 'nation' means and does. This word has two meanings: 'a politically organized body of people under a single government' [modern definition] or 'a federation of tribes (clans).' Soomaalida belong the latter. We may not have had a modern, 'politically organized' state with a single head [and the closest we came to that was Ajuuuraan dynasty, which was headquartered in Qalaafe, present day Soomaali Galbeed, extending from wabiga Jubba to all the way Nugaal and Bari], but we always knew where our borders lay and lie. We knew and know it now that it extended from Jabuuti in farthest notherneast peak to river right next to Gaarisa in southwestern tip and every area between. Geelaha Soomaaliyeed dhulkaas dhan ayee ka daaqi jireen, qof ama dad juuq iyo jaaq u dhihi jirtay ma jirin, save the usual clan and sub-clan skirmishes about green pastures and wells. These lands also had 'xeer' [which comes closest to governmental laws] which each agreed clan was expected to follow, including their marti that was new to the deegaan. We may not have had a passport, immigration, etc, as most the people in that old world did not, but we definitely knew where Soomaalis lived and didn't. We did not venture dhulalka ka baxsan meelahaas, and if our forefathers ventures, they were ready for war. Also, I think you believe the other big perpetrated myth, one of the biggest lies, about the suffix letter which ends in Soomaaliya ("Somalia") was a Talyaani invented one, and that it did not really predate before their arrival. Do you believe that? I hope you don't, and lest you do, here it is, the very word of "Somalia" in some sources in early and mid 1800s, loooong before Talyaaniga and any other gumeysi arrived at our lands. Here, you can find long before the Talyaaniga and their gumeysidoon counterparts arrived dhulkeena in 1888 and early 1890s, the very suffix letter at the end of -- "a" that is -- "Somalia" existed. Soomaaliya waa erey Soomaalida sameystay, it also follows the language structure. The closest related people and language to Soomaalida and Afsoomaali also follow this formula: Oromadda call their future country 'Oromiya.' And about Sawaaxili "states." First, there were no Sawaaxili "states," save Cumaani ones. Reer Cumaan were not Sawaaxili, though they ruled Sawaaxili people. Also Muqdisho was never a Sawaaxili town, unlike Kismaayo and Baraawe. Muqdisho -- and other coastal towns from Warsheekh of the north to deep south of Baraawe -- was a Banaadiri town; there is a difference, a huge one, between the two peoples. Muqdisho was also a city of its own when the colonials arrived, unlike Nairobi, Kampala [uganda], Johannesburg [old capital of South Africa], Kigali [Rwanda], Bujumbura [burundi], Kinshasa [Zaire], Maputo [Mozambique], Harare [Zimbabwe], Johannesburg/Cape Town [south Africa], Freetown [sierra Leon], Abidjan [ivory Coast], Yaounde [Cameroon], Accra [Ghana], and practically almost every modern Afrikan capital and cities that was built from the ground by the colonials in less than hundred years and so. Unlike them all, Muqdisho stood -- and still stands -- a thousand years and still counting.
  18. Waxaan ninka shabakadaas magaca xun [taloow magac kale uu ula baxo muu waaye shabakadaas?] leh ayaa iska aliftay, oo intuu isleeyahay the Frail Stooge of Xabashadda iyo taageeradiis ku xumey ayuu qadiyadii Soomaalinimo gaday xataa. In the same voice, waxee leeyihiin Soomaalinimo ayaan u dagaalameynaa oo Xabashadda kasoo horjeednaa, and in this same voice, without a hint of irony, is performing the very wishes Xabashadda want to do: Dismembering our country. Does he -- or whoever wrote that -- really think dismembering Soomaaliya would bother Stooge of Xabashadda and his few xulufo? Does he really think it is the interest of Xabashadda to see a fully, united powerful Soomaaliya? Maxaa la jahwareeray. Soomaalinimadii waxee noqotay in qof ama shaqsi mid kale ku xumeeyo, oo meeshii lagu gado. Ar maxee Soomaali dhimatay.
  19. Is this same danjire ku sheeg in this clip? "Muhiim ma'aha inaan dadka ka dhaadhicino ama...aan dadka 'convince' gareyno (waxaan sameyneyno)..." because, aan u dhameystiree, dowlad ku sheegaan mid tabar leh ma ma'aha oo awood Xabasho aan ula hadalno xataa ma awoodno. In other words, too: "We don't need to convince Soomaali people..." what we the stooges and Xabasho masters are doing, things like the destruction, the massacre, cleansing of civilians from the city, et cetera, et cetera.
  20. Salaan sare. Horta ereyadda Carabiga inaad fahantid waaye, oo micnaha weyn ka dambeyso. Aan wada soo qoro the first part of the whole phrase: Laa Illaaha ilallaah [ila'allaah]. Ereyga 'illaah' Carabtii hore waxee u aaminsanayeen 'a god' ama si kale aan u dhahee, a 'lesser' god. At the time, however, Allah [Al-Illah (The God)], was the Supreme God -- absolutely nothing ka sareyn karo. So, Carabtaas jaahiliinta iyo jaalintiinta kale adduunka ku wada fidsan oo caabudi jiray illaahyo yar yar iyo mid weyn ay aaminsanayeen, walina caabudo si loogu sheego in a fully succinct way and without complicating those corrupted minds, Eebbe ayaa Nabigiisa kusoo dejiye in uu dhaho: Laa Illaaha Ilallaah [ila'allaah]. Its roughest English meaning would therefore be "There is no god but The God" [the One and the Only]. However, in time the two words of 'illaah' and 'allah' became intercheable terms, referring to Eebbe, especially by Soomaalis. This is where your confusion stems from. It is simple, just the terminologies ayaa ku wareertay. Also in the Ingiriis language they use 'a god' as equivalent of an 'idol.' All idol-based, pagan religions follow that way, having many 'lesser' gods and goddesses.
  21. Jidkee? Ciyaal Siigaale maa ahaydna? Mise makiinadaha cajiinka meesha ku yaalay ayaa shukaansi u tagi jirtay?
  22. Soomaalidda iyo dacaayadooda dalac bilaashka ahayd. Taas waaba la filaaye. Ar Eebba ha naga asturo dambigeena. I hope that sister forgives us, too.
  23. Originally posted by Geel_Jire12: Somalia was a colonial creation anyway... How? Don't tell me beentii ugu weyneed laga sheego Soomaaliya inaad ku aamintay.
  24. Each deegaan had its own version. Ciyaal Xamar and its vicinity had this version: Kuun kuun, laminaa Laminaa, tabaarika Sata'uuna, baarika Siyeedlaa, muuminaa Wacelaa Kisiyaa Baxayaa!
  25. His always dhoolacadayn lama ilaawi karo. Gafaajo Eebbe ha u naxariisto. Timajare quman oo ixtiraam iyo nidaam badan ayuu ahaa, aadna u kaftan badnaa. I remember back in a couple years ago when I asked marxuumka at a ruwaayad for something and couldn't hear me well from buuqa, thinking I was asking a free ticket for my friend, and immediately suggesting, "Haa, soo bax isoo tusi saaxiibkaa wuu soo gali karaa." I told him that was not what I had in mind, which was qof magaciis in uu ka sheego the speaker maadaama meesha mugdi wada ahayd. Now, maadaama ninkii isku haaye meesha ka tagay, that baarbiyeerigii Jiifka [The Chief] ahaa waa laga kala guuray, even Baadari meel kale ka shaqeeyo now.