Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,641
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. "Mine spread Islam by the word" in Soomaaliya. Hayeey. Tolkaas sheegid uma baahna marka ee dhaaf ciyaalka haka cabsiin.
  2. Originally posted by AYOUB: Science was not my sbeciality but here we go Sir MMA: 1. Wareega dhulku wuxuu sababaaa: - (B) Xiliyada - (T) Maalinta iyo habeenka - (J) B iyo T 2. Gudbiyaha ugu fiican walxahani waa: - (B) Gobol yar oo xaashiga - (T) Musbaar - (J) Caag 3. Sadexda weji ee biyuhu waa: - (B) Adke - (T) Hoor - (J)Neef - (X) Dhanaan North I'm surprised you forgot to mention Price Naseem is reer Shefield. Kan dhexda aa ku saxsantahay, ee labada kale kuu goysay. Wareegsa dhulka wuxuu sababaa ... Kamoon think again nooh. Wareega dhulka, haa, habeenkii iyo maalintii ayuu keenaa, laakiin xiliyadana ['time'] wuu sababaa taas ogoow. So jawaabta waa B iyo T la isku daray. Tan kale ee sadexde weji ee biyaha. Goormee 'neef' noqotay wax biyaha u dhadhamo camal ah? Neef ma'ahoo wax ama shay nool? Dhanaan ayaa saxsan, oo neef ma'aha, oo sadexda noqoneyso: Adke [glacier/ice-cap], hoor [biyaha caadi ah] iyo dhanaan [saltwater].
  3. Horta dad miyaa jiro gurigooda in aabahooda ama hooyadooda ama ayeeydooda ama awoowgooda ama qaraabadda kale ka weyn intee caruurtooda yaryar fariiseen, damcaan inay baraan qabiiladooda and other myths? In these days? And of all, in qurbo? I am asking this because I had never grew up or been such a home. Waligeey qof abtirsi i baray, xataa ka hadalkiis ma jiro. Never did both my aabo and hooyo ever discuss that with their children. I am glad and proud to know I only know as far as to the sixth generation, and that was by necessity because people always came to our house, reciting hebel iyo hebel baa na dhalay, naming some obscure sixth generation awoowe. Bishaaro, waligaa ciyaal qabiil ha barin, hana la discuss gareyn. Let them be sambac or whatever. We already have enough corrupted die-hard qabyaaladists in such a young age, some born in dibadaha even. Bar Soomaalinimo and anything to do with Soomaaliya and Soomaali that is positive, instead. Show wonderful pictures from the pre-war and how we lived wonderfully, unlike what they heard in these post-civil war and poverty and refugeenimo. Bar Afsoomaali -- as I do with my nieces, who so far have mastered BTJX alphabet and the difference between shaqaldheer and shaqalgaab. They can even read complete sentences now.
  4. Would it make one less happy if one calls that Xabashi-occupied land Soomaali Galbeed, a neutral, Soomaali-created name, instead of a clan name by a former colonial that had an ulterior motive to divide Soomaalis? Yaab badanaa. It is in the interest of all oppressed Soomaalis who inhabit that province and their liberation, which needs all its inhabitants support, that one should call the even-handed and non-clan name of Soomaali Galbeed.
  5. Eebba ha u naxariisto cunugta yar, Eebbana ha ugu gargaaro Sacdiyo meel alle meeshee joogtaba Eebbaheeda ku og. Samir iyo iimaan, Reer Sahal.
  6. Horta, I had never come across any picture of hers gracing the runaway floor. I searched tonight and found one, taken 1995. Also found this interesting one. Waris Dirie ® from Somalia receives the "World Social Award" from the former president of the Soviet Union and president of the World Awards Mikhail Gorbvachev during the Women's World Awards gala in the northern German city of Hamburg, June 9, 2004. The Women's World Awards are part of the global initiative "Women's World Forum" and are being presented for the first time this year to extraordinary women in 12 different categories.
  7. You darn right I do. BTJ ayaaba i dishay, instead of ABC, as many others use that formula. I hope you had a nice, complete vacational trip back home.
  8. Sugba sabuuradda su'aalaha sahlan ku qoran qofkii isku tijaabin karo jawaabtooda aan aragnee. Anyone ready? Goobo geli tii sax ah [waa multiple choice]: 1. Wareega dhulku wuxuu sababaaa: - (B) Xiliyada - (T) Maalinta iyo habeenka - (J) B iyo T 2. Gudbiyaha ugu fiican walxahani waa: - (B) Gobol yar oo xaashiga - (T) Musbaar - (J) Caag 3. Sadexda weji ee biyuhu waa: - (B) Adke - (T) Hoor - (J) Neef - (X) Dhanaan ---------- Leyli sahlan waaye isku tijaabiya.
  9. Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya oo u hanjabtay Idaacadda Shabeelle Muqdisho 07/08/07 - Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya ayaa maanta u hanjabtay Idaacadda Shabeelle sababo la xiriira ka hadalka dhacdooyinka Soomaaliya. Mas'uul ka tirsan safaaradda Itoobiya ay ku leedahay dalka Soomaaliya oo barqonimadii maanta la soo xiriirey shabakadda warbaahinta Shabeelle ayaa si kulul ugu eedeeyay in ay buun buuniso dhacdooyinka ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya. Sarkaalkaan oo hadaladiisa ay ka muuqdeen caro aad u fara badan ayaa waxa uu ku goodiyay sida uu sheegay in uu soo fasixi doono madax ka tirsan amniga qaranka Soomaaliya oo uu sheegay in uu ka celcelinayo shabakadda warbaahinta Shabeelle . Mas'uulkaan oo la yiraahdo Jamaaludiin ayaa mar la weydiiyay waxyaabaha uu ku eedeynayo shabakadda Shabeelle waxa uu sheegay in ay tahay waxyaabaha inta badan beesha caalamka iyo wakaaladaha ay u soo xigtaan Idaacadda Shabeelle. Waxa uu ku celceliyay in idaacadda inta badan ay ka hadasho dhacdooyinka ka dhaca dalka Soomaaliya gaar ahaan weerarada lagu qaado ciidamada Itoobiya. Mar Shabeelle ay weydiisay haddii uu diidan yahay in la sheego ama ka hadalka weerarada lagu qaado fariisimada ciidamada Itoobiya iyo waxyeelada ay geystaan ama loo geysto ayaa waxa uu sheegay in aanu diidaneyn arinkaasi hasa ahaatee idaacadda ay adeegsato ereyo aanu adeegsan warbaahinta inta badan ka jirta dalka Soomaaliya. Goodinta iyo hanjabaadaha maanta kaga yimid idaacadda Shabeelle safaaradda Itoobiya ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dhibaatooyin xoogan ay ka jiraan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, dhibaatooyinkaasi oo ah kuwo ciidamada Itoobiya ay u geystaan dadka rayidka ah marka loo geysto weeraro. Dowladda KMG ah oo sheegtay in ay saaxiib la tahay dowladda Itoobiya ayaa horey labo jeer albaabada isugu dhufatay idaacadda Shabeelle iyo idaacado kale inkastoo markii dambe lagu sii daayay cadaadis dowladda ay kala kulantay beesha caalamka iyo dadaalo ay sameysay dowladda Mareykanka. Shabeelle
  10. G.S. Hoose: Dowladda, Itoobiyaanka iyo Maamulka Gobolka oo Waxqabad ku Heshiiyey Muqdisho, 6 August 2007 - Kulan ay yeesheen Mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Gobolka Shabeellada Hoose, Mas'uuliyiinta Dowladda, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa la isku afgartey in si wadajir ah ay u wajahi doonaan qalalaasaha ka taagan Gobolka Shabeellada Hoose. [sNIP] Intaas ka dib ayaa mas'uuliyiinta Dowladda iyo Itoobiyaanka ay dhinacii kale ka dhageysteen warbixin ay iskaga difaacayaan eedeynta uu Guddoomiyuhu u soo jeediyey hase yeeshee doodda ayaa noqotey mid aan meesha ku jirin. Waxaa la weydiyey hubkii ay haystaan inta uu la egyahy. Waxaa kale oo la weydiyey waxa ay u soo xareyn waayeen malleeshiyaadkooda. More Little kids complaining and whining about each other to their Xabashi Master. So sad walaahi.
  11. Bananas contain three natural sugars - sucrose, fructose and glucose - combined with fiber. A banana gives an instant, sustained and substantial boost of energy. Research has proved that just two bananas provide enough energy for a strenuous 90-minute workout. No wonder the banana is the number one fruit with the world's leading athletes. A banana can help overcome or prevent a substantial number of illnesses and conditions, making it a must for our daily diet. Depression : According to a recent survey undertaken by MIND among people suffering from depression, many felt much better after eating a banana. This is because bananas contain tryptophan, a type of protein that the body converts into serotonin, known to make you relax, improve your mood and generally make you feel happier. PMS : Forget the pills - eat a banana. The vitamin B6 it contains regulates blood glucose levels, which can affect your mood. Anemia : High in iron, bananas can stimulate the production of hemoglobin in the blood and so helps in cases of anemia. Blood Pressure : This unique tropical fruit is extremely high in potassium yet low in salt, making it the perfect to beat blood pressure. So much so, the US Food and Drug Administration has just allowed the banana industry to make official claims for the fruit's ability to reduce the risk of blood pressure and stroke. Brain Power : 200 students at a Twickenham (Middlesex) school were helped through their exams this year by eating bananas at breakfast, break, and lunch in a bid to boost their brain power. Research has shown that the potassium-packed fruit can assist learning by making pupils more alert. Constipation : High in fiber, including bananas in the diet can help restore normal bowel action, helping to overcome the problem without resorting to laxatives. Heartburn : Bananas have a natural antacid effect in the body, so if you suffer from heartburn, try eating a banana for soothing relief. Morning Sickness : Snacking on bananas between meals helps to keep blood sugar levels up and avoid morning sickness. Mosquito bites : Before reaching for the insect bite cream, try rubbing the affected area with the inside of a banana skin. Many people find it amazingly successful at reducing swelling and irritation. Nerves : Bananas are high in B vitamins that help calm the nervous system. Overweight and at work : Studies at the Institute of Psychology in Austria found pressure at work leads to gorging on comfort food like chocolate and crisps. Looking at 5,000 hospital patients, researchers found the most obese were more likely to be in high-pressure jobs. The report concluded that, to avoid panic-induced food cravings, we need to control our blood sugar levels by snacking on high carbohydrate foods every two hours to keep levels steady. Ulcers : The banana is used as the dietary food against intestinal disorders because of its soft texture and smoothness. It is the only raw fruit that can be eaten without distress in over-chronic ulcer cases. It also neutralizes over-acidity and reduces irritation by coating the lining of the stomach. Temperature control : Many other cultures see bananas as a "cooling" fruit that can lower both the physical and emotional temperature of expectant mothers. In Thailand, for example, pregnant women eat bananas to ensure their baby is born with a cool temperature. Seasonal Affective Disorder (SAD) : Bananas can help SAD sufferers because they contain the natural mood enhancer, tryptophan. Smoking : Bananas can also help people trying to give up smoking. The B6, B12 they contain, as well as the potassium and magnesium found in them, help the body recover from the effects of nicotine withdrawal. Stress : Potassium is a vital mineral, which helps normalize the heartbeat, sends oxygen to the brain and regulates your body's water balance. When we are stressed, our metabolic rate rises, thereby reducing our potassium levels. These can be re-balanced with the help of a high-potassium banana snack. Strokes : According to research in "The New England Journal of Medicine", eating bananas as part of a regular diet can cut the risk of death by strokes by as much as 40%" A banana really is a natural remedy for many ills. When you compare it to an apple, it has four times the protein, twice the carbohydrate, three times the phosphorus, five times the vitamin A and iron, and twice the other vitamins and minerals. It is also rich in potassium and is one of the best value foods around. Everything about moos.
  12. The guy is dreaming if he thinks Nuurudiin Faarax is an "Ethiopian." He, too, writes Soomaaliya never existed, earlier; well, he should know Soomaaliya is older than the name "Ethiopia" itself. "Ethiopia" is a bogus, misconstrued name, whose entire existence depends on the subjection and occupation of other people's land. Abyssinia, which should be the real "Ethiopia" if it ever existed, is only a small part of so-called "Ethiopia" now. Let him claim Abyssinia and its historical land; we will have no problem with that. Nuurudiin would not be ashamed if he was born in Soomaali Galbeed and never would he consider himself as an "Ethiopian." Though he was born in Baydhabo, he grew up in Soomaali Galbeed and he says so all the time. The people Soomaali Galbeed are not "Ethiopian." They are oppressed, occupied Soomaali citizens -- a citizenship that was and is guaranteed by the Soomaali constitution. The Xabashi writer too should have known that.
  13. An old thread soo xasuustay. The old Soomaalis compared to ...? Soomaali waa kuma? Sinnaantaan la magac ahay Sankuneefle ma oggoli Inuu iga sareyn karo Anna garasho sogordahan Sooryo ruux ugama dhigo Soomaali baan ahay! Inkastoon sabool ahay Haddana waan sariigtaa Sacabbada ma hoorsado Saaxiib nimaan nahay Cadowgeyga lama simo Soomaali baan ahay! Nabaddaan u sahanshaa Colaaddaan ka salalaa Sooma jeesto goobaha Ninka nabarka soo sida Gacantiisa kama sugo Soomaali baan ahay! Nin I sigay ma nabad galo Nin isugeyna maba jiro Libta weli ma sii deyn Gardarrada ma saacido Nin xaq lehna cid lama simo Soomaali baan ahay! Ninkaan teydu soli karin Uma yeelo suu rabo Sida dunida qaarkeed Sandulleynta ma oggoli Ninna kabaha uma sido Soomaali baan ahay! Ninka iga sed roonoow Siintaada magaca leh Ogow kaama sugayee Hana oran sasabo badow Dareen seexda ma lihiyoo Soomaali baan ahay! Ninna madax salaaxiyo Kama yeelo seetada Sasabo ma qaayibo Sirta waxaan iraahdaa Saab aan biyaha celin Soomaali baan ahay! Dabayshaan la socod ahay Salfudeydna uma kaco Waabay sunaan tahay Marna samawadaan ahay Samir baan hagoogtaa Soomaali baan ahay! Saan la kala jaraan ahay Summadi ay ku wada taal Rag baa beri I saanyaday Anoo xoolo soofsada Xil midnimo anaa sida! Soomaali baan ahay!
  14. You believed sheekadeeda baadiyaha iyo geeljirtonimadeeda ku saabsan yaah? You too fell for it miyaa? It is a nice story, intended for Western's eagerness and voracious for anything remotely exotic, laakiin anaga Soomaali ahaan nagama gadeyso. A lot of inconsistencies only a Soomaali would get ka buuxay buuggaas.
  15. Tacsi weyn ayaa u taalo Soomaalida dhamaan meel walba ay joogaan. Four members of their favourite fruit family committed suicide the other day. Tacsi mar labaad. Samir iyo iimaan.
  16. Buuggeeda ma aqrisay horta? Sanadkii 1999 ayaa mar bookstore ku arkay wax yar ka aqriye, maba ogeyn waxee tahay waagaas.
  17. Dadkiinaa. War walaashiin u hambalyeeya ama shib ka dhaha. Hambalyo Waris Diiriye. Meeshaada ka wad dadaalkaaga against gudniinka gabdhaha. I guess some of you wanted this kind of hair style. Dadka fashionka ku dhexjiro ma xiiseeyaan hal wax, unlike commoners who desperately try to look good all the time in one fashion style.
  18. SOLers leisurely enjoying a football tournament final game last week at Helsinki, Finland. From left, front row: Baddacase [Redsea], Xiinfaniin and Jimcaale. In the middle, the man with the tieless suit jacket is Jaceylbaro. Still in the middle, the man with the baseball hat and with shocked face at the centre is Castro and the one next at his right with colourful koofiyad is Baashi. At the back, wearing a winter hat and the Ipod earphone, Rudy.
  19. Sacdiya Axmed Sahal, a sister, a mother and a nursing student, and along with her daughter, Hana, is still missing and possibly trapped under that murky waters of Mississippi River after that doomed bridge collapsed in Minneapolis last week. Still no word of her and her two-year-old daughter several days after the bridge collapsed. Her family and the two young victims themselves need our prayers. Please, pray for them. Eebba ha u gargaaro walaasheen, hana ku nabad yeelo meeshee joogtaba -- aamiin.
  20. Hal Sano ayaa ka soo wareegatay Markii la dilay Cabdalla Deerow Isaaaq, iyadoo ilaa iyo hadda la Maxkamadeyn ciddii ka dilkaas ka dambeysay Muqdisho, 30/July/2007 - Muddo hal sano ah ayaa ka soo wareegtay maalintii Magaalada Baydhabo lagu dilay Marxuum Cabdalle Deerow ***** oo xilligaas ahaa Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya, waxaa dilka Marxuumka fuliyay nin Bustoolad ku hubeysanaa sida ay sheegeen dad arkayay markii dilka dhacayay. Waxay ahayd maalin Jimcaha taariikhduna ahayd 28 Luulyo 2006 waxaa magaalada Baydhabo dil toogasho ah lagu dilay Marxuum Cabdalla Deerow ***** oo ahaa siyaasi iyo aqoonyahan maqaam sare kaga jiray taariikhda siyaasadeed ee qowmiyaada [qabiil] e uu Marxuumka ka dhashay. Dilka Cabdalla Deerow oo salka ku haya shirqool siyaasadeed abaabulan oo si gurracan loo soo maleegay ayaa wuxuu ku reebay laabta dhammaan dadyowga [.......] utun iyo gocasho waarta oo hore u gilgishay kuna reebtay xasuus xun oo maskaxda iyo wadnaha gunta u fadhida oo loo aanaynayo dilalka ku salaysan shirqoolka siyaasadeed eel ala beegsaday Marxuumka xilli uu Salaada Khudbada ama Jimcaha ka soo baxay. Dilka Marxuum Cabdalla Deerow ***** wuxuu dib u soo nooleeyay xasuustii murugada leh ee dilalka abaabulan ee gaamuray oo lagula kacayay Siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan dadka [.........] waxay qabaan in dhawr jeer oo hore dad iyaga ka tirsan la dilay qaarna dil qorsheysanaa ka badbaadeen sida hogaamiyihii (HDM) Ustaad Cusmaan Maxamed Xuseen oo ahaa hal-abuurihi nidaamka federaalka ee Soomaaliya oo bishii Maajo, 1952-dii shirqool abaabulan lagu dilay. Waxaa kaloo xusid mudan in sanadkii 1957 siyaasigii waynaa ee [.......] Marxuum Cadiqaadir Maxamed Aadan "Zope" uu Ilaahay ka badbaaday isku day dil ku salaysan shirqool siyaasadeed. Haddaba dilka Marxuum Cabdalla Deerow ***** ayaa Magaalada Baydhabo ka abuuray maalintaas iyo wixii ka dambeeyay rabshado keenay in ganacsigii Magaalada uu xirmo. Waxaa dilka Marxuumka loo xirxiray ilaa iyo 20-meeyo dad ah kuwaas oo markii dambe mid ka mid ah la rumeysanaa in uu isago geystay dilka. Ilaalada Madaxtooyada Dowladda Federaalka ayaa la sheegay mar in uu damac ka galay in ninkii geystay ama la rumeysanaa inuu Deerow dilay dibadda loo dhoofiyo markii ay isku deeyeen inay xabsiga kala baxaan, waxaase arrintaas ka hor yimid qoyska Marxuum Deerow. Mid ka mid ah Xaasaskii Marxuumka ayaa xilligii uu socday shirkii Khartoum ee lagu dhexdhaxaadinayay Dowladda iyo Maxkamadihii Islaamiga waxay qaylo dhaan Caalami ah ku sheegtay in dilkii Nin-keedi ay ka dambeeyeen Maxkamadihii Islaamiga, laakiin taasi waxaa beeniyay Ibraahim Xasan Caddow oo xilligaas ugu sareeyay ergada wadahadalada Maxkamadaha Islaamiga u tagay Khartoum. Dad badan ayaa markaasi u arkay hadalka Xaaskii Deerow in ujeeddo Siyaasadeed laga lahaa oo uusan ka dhab ahayn. Mar aan bishii Janaayo kula kulmay Xamdi oo ahayd Xaaskii Deerow ee eeda u soo jeedisay Maxkamadihii Islaamiga Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho waxaan weydiiyay hal arrin oo ahayd in ay ii sheegto caddeymada u haysato in ninkeeda ay dileen Maxkamadihii balse jawaab fiican waxay ka bixi weysay arrintaas. Waxaa jirta in dad badan ay aaminsan yihiin in falkii lagu dilay Deerow ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan Madaxda Dowladda Soomaaliya, laakiin warkaasi ma kala cada maxaa yeelay Dowladda waa ay ka war wareegtay inay sii daba gasho kooxihii ka dambeeyay dilkii Deerow. Shaki kuma jiro in dilka Deerow uu ahaa arrimo Siyaasadeed, waxaase dhici karta in xilligan wax kasta lagu dhawaaqi Karin. Hadaba Qoyskii Marxuumka ayaa u baahan maalin maalmaha ka mid ah inay arkaan dadkii ka dambeeyay dilka Deerow in Maxkamad la soo taago lana mariyo cadaaladda. TAARIIKHDII MARXUUM CABDALLA DEEROW ***** Marxuum Cabdalla Deerow ***** wuxuu sanadkii 1950 ku dhashay Tuulada Ceelgaras ee gobolka Bakool wuxuuna waxbarashadiisa dugsiga Qur’aanka ku bilaabay isla Tuulada Ceelgaras oo u dhaxaysa degmada Tijeeglow iyo degmada Xudur ee gobolka Bakool. Marxuumka ayaa waxbarashadiisa aasaasiga (Scuola Elementare ) wuxuu ku soo qaatay magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, wuxuuna markii uu dhamaystay noqday macalin PP (Primary Programme Teacher), wuxuuna markii danbe uu ku guulaystay imtixaanki loo geli jiray Kulliyadii Tababarka Macalimiinta ee Lafoole ( Lafole College of Education) oo uu waxbarasho ka billaabay wuxuuna ku takhasusay English (Major/History (Minor). Markii uu ka qalinjebiyay Lafoole bishii December 1979 ayaa waxaa loo diray degmada Xudur wuxuuna noqday maamulaha Dugisga Sare ee Xudur intii u dhaxaysay 1981-1990. Ka dib markii la riday xukuumadii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre wuxuu Cabdalla Deerow ku biiray ururkii SDM (Somali Democratic Movement). Cabdala Deerow ***** wuxuu door lama ilawaan ah ka qaatay u gargaaridda dadkii ay ka habsadeen masiibooyinkii uu beni'aadamku abuuray ee sababay in ay macluul u geeriyoodaan maalin kasta boqolaal ka mid ah dadkii ku dhaqnaa gobolada Baay iyo Bakool wuxuuna Cabdala Deerow ***** ka hawlgalayay xaruumaha quudinta magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda asagoo la shaqaynayay ururka samafalka ee magaciisa loo soo gaabiyo CRS (Catholic Relief Services). Marxuum Cabdalla Deerow ***** wuxuu ka mid ahaa ragii fara ku tiriska ahaa ee joogay Baydhabo 17/09/1995 markii uu general Maxamed Faarax Caydiid uu xoog iyo faramaroorsi ku qabsaday magaalada Baydhabo uuna afgembiyey maamul goboleedkii ugu horeeyey ee ay samaystaan qowmiyada [.......] wuxuuna Cabdalla Deerow ***** ka mid noqday ragii abaabulay kacadoonka lagaga hor yimid general Caydiid wuxuuna ka mid ahaa aasasayaashii ururkii RRA oo dhidibada loo aasay Oktoobar 13, 1995. Cabdalla Deerow wuxuu halgankiisii ka sii watay halkaas wuxuuna ka dhex muuqday muuqaallada cajalad muuqaal ah (video) tii ugu horraysay ee laga soo duubay dagaalyahaniinta RRA oo 06/06/1999 gacanta ku dhigay Baydhabo wuxuuna noqday Xoghayihii Guud ee RRA. 15/05/2000 waxaa uu hogaaminayay ergadii ee uu maamulkii RRA u dirsaday shirkii Carta, Jabuuti wuxuuna shirka Carta ka noqday shir gudoomiyaashii ergadii ka soo gaybgalay shirka oo Soomaalida lagu heshiisiinayay waxaana 20/ 08/2000 ka dib doorasho socotay afar (4) saac Caabdalla Deerow ***** uu ku guulaystay jagada GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA ee KMG waxaana 21/08/2000 loo dhaariyay Cabdalla Deerow Guddoomiyaha GOLAHA SHACABKA ee dawladii Carta. 10/09/2000 ayaa wafdi uu hogaaminyay Cabdala Deerow waxay ka duuleen Madaarka caalamiga ah ee Jabuuti iyaga oo ku sii jeeda wadanka NIGERIA oo ay kaga qaybgaleen shirka Baarlamaanada Afrika. Sanadkii 2002 Cabdala Deerow ***** wuxuu hogaaminayay ergadigii dawlada TNG (Transitional National Government) wuxuuna intii uu shirkan socday uu aad ugu ololeeyay in ay lama huraan tahay in dalka Soomaaliya lagu maamulo hannaanka federaalka si loo helo qaab ku ay nabad iyo wada noolaansho ku helaan bulshada Soomaalida wuxuuna ka mid ahaa 24-tii hogaamiye ee saxiixay heshiiskii xabad joojinta iyo dhisidda dowlada federaalka. Bishii September 2004 Cabdalla Deerow ***** wuxuu ka mid ahaa murashixiintii loo baratansiiyay jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dawlada federaalka ee uu ku guulaystay Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna Cabdala Deerow ***** shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee muddo labo sano ah ka socday dalka Kenya dawladii ka dhalatay Golihii Wasiirada lagu soo dhisay loogu magacaabay Wasiirkii Dastuurka & Arrimaha Federaalka wuxuuna xilkan hayay ilaa dilkiisa. Marxuum Cabdala Deerow ***** wuxuu ahaa nin bulshay ah oo bashaash ah oo dadka aad u ixtiraama runtana aan ka gaban oo marna aan ka baqin in uu si bareer ah oo saraaxad leh ugu cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed siiba masaaliixda siyaasadeed ee qowmiyaada [.......] warbaahinta iyo siyaasiyiinta ay jaalka ahaayeen taasoo aakhirkii u horseeday in loo maleego shirqoollkii lagu dilay. Marxuum Cabdala Deeow ***** wuxuu ifka kaga tagay 7 caruur ah iyo laba xaas. Xigasho
  21. Originally posted by Caravaggio: Nayruus.....Waagacusub ma ahoo da same people claimed askari Amxaar shan mar madaxa iska toogtay. Waxaaba ka daran kuwii si aan la hubsan u rumeeye beentaas dilac bilaashka ah ee weyn.
  22. Goth(A great Islamic scholar and Pioneer who is father of education of Dilla) as his family spells it. I spell my middle name Goud so I do not receive any roughing, stones thrown at ,some jabs or upper cut thrown by someone who is mad about something any member of that family wrote or said at anywhere. Ma dhibaataa haddii Good la dhaho, as it is the correct Soomaali spelling. Why knock meel aan loo dirsan mispelling and perverting the good Soomaali names unnecessarily. "Goat, Goad, Goud, Goth ..." My, my. What is next? The good name of Bood will, too, be spelled "Boat, Boad, Boud, Buud, Both" ??? Soomaalida and their tendency of pleasing others.
  23. Google is seriously tarnishing the good name of Muslims or something is seriously, yes, wrong with Muslims and their obsession of sex. It was a few years ago when I've come across this behaviour of 'sex' word search being dominated by Muslim-majority nations. Well, according to the latest figures, it seems it has changed a bit since the last time seven of these ten were Muslim nations. Bakistaan for once is out the top ten, probably authorities have started blocking, I guess. Egypt India Turkey Morocco Poland Belgium Thailand Netherlands Switzerland Australia Also Carabi is the top language searched in non-English languages. I am also sure certain that some more Muslim nations would be in the top ten if the authorities in those countries had not censored certain words and sites.
  24. Originally posted by Nephthys: quote: ** Hooba naar galaasa, bartaa ay la aragnee, tiimbooy! ** MMA, I've always wondered waxa hoobanaaya ee naarta galaaya, oo bartaas aad ku aragtay, oona hadana tiimbo-naaya, wuxuu yahay. Thanks. Bishaaro, I've sharaxed that maahmaah on the first page of this thread. You've guessed close, but you misinterpreted the crucial word: hooba. Hooba in Afmaay has not the same meaning of 'hoobanaya' in Afmaxaatiri. Hooba = haddii in Afmaay. So the maahmaah is: Haddaa naar galeysid, bartaada yaala arkin ee tiimbo. Waxee ka hadleysaa if you want to do something major in your life, do it completely or otherwise faraha ka qaad ama kala bax. Hal lug aa igu jirto and lugta kale banaanka ii taalee ma soconeyso waaye camal.