Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,572
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    318

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. This reminds a few years back in London. I was checking my email and my MSN username was XuuXaaX, when this older cousin of mine, who Ingiriiska la geeye iyadoo yar, tried to read the word in English. She tried, but terribly failed. She couldn't even master the first few letters out -- 'Suusaah' was her final made-up word. Dadkii meesha wada joogay qosol la dhacay, when she finally isdabaqabatay and realized the words were combined Soomaali words, which she knew as individual ones of xaax and xuux.
  2. Meeshaan dahab diggers isku aruursaday. Keep the dreams, maandheeyaal.
  3. It is always pleasure to see Soomaali kids in their hido iyo dhaqan. This one is taken last month, for Soomaali Independence Day -- Kowda Luulyo -- at Melbourne, Australia. My man -- Cumar Shooli, Soomaalis' most underrated singer -- at that same party celebration.
  4. Bilaal, it was a colonial strategy to rename colonized Soomaali regions and gave them clan names instead. They did it in Bari, in Soomaali Galbeed and in Jabuuti. They did this in order to emphasize and promote clans than Sooamalinimo. That region has a neutral Soomaali created name -- Soomaali Galbeed. I don't know why some don't use this. Just substitute it to Soomaali Galbeed and it is solved, including those in the copy and pasted articles. Easy. PS -- If this is allowed, then some will argue Bari [Waqooyi Bari] too had a former colonial-created clan name and should be revived.
  5. Maahmaahyada cannot directly translated. It is useless because murtida ku jirto ayaa ka baxeyso. What one needs to do is find the closest proverb other non-Soomaalis use, this time that borrowed one which originated from Shiinaha. Canjeero sidee u kala koreysaa loo kala qaadaa = Every journey begins with a single step. And the Jarmalka one closest to one of ours: Miro gunti ku jira, kuwo geed saaran looma daadsho = A bird in the hand is worth two in the bush. And Kuuriyaan one: Nimaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan = No pain, no gain. Beentaada hore runtaada dambe bay u daran tahay = The boy who cried wolf ... Aqooni la'aan waa iftiin la'aan = Knowledge is power.
  6. Cali Cabdoow: "Maalin walba labo haween Soomaaliyeed ayay ciidamadda Itoobiya qaadsiiyaan cudurka AIDSka" Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ereteriya Cali Cabdoow Axmed ayaa mar uu u waramayey taleefishinka Aljasiira waxa uu sheegay in dhibaatada ka taagan Soomaaliya ay ugu wacan tahay Ciidamadda Itoobiya oo uu sheegay. "Maalin walba waxaa la gumaadaa Ummadda Soomaaliyeed, waxaana laga buuxiyaa xabsiyada" ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda ee Ereteriya, waxa uuna intaa raaciyey, "Waxaan ogaanay in maalin walba labo haween Soomaaliyeed Ciidamada Itoobiya qaadsiiyaan Cudurka AIDSka, marka ujeedada Itoobiya waa sidii ay uga aarsan lahayd una baabi'in lahayd Ummada Soomaaliya". Wasiirka arrimaha dibadda waxa uu beeniyey warar dhawaan ka soo yeeray ururka Midowga Afrika oo ahaa in Ereteriya ay hub gaarsiisay kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn oo ladoonayo in lagu marin Habaabiyo ummadda Soomaaliyed. Wasiirka waxa uu sheegay in Dhibaatada Soomaaliya aysan marnaba degi doonin tan iyo inta ay Dowladda Itoobiya faragelinta ku hayso arrimaha Soomaaliya, isagoo soo jeediyey in arrimaha Soomaaliya loo madax banaaneeyo ummadda Soomaaliyeed. Xigasho
  7. C/llaahi Yuusuf: "Waan ka damqaday wixii ka dhacay ..." Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo hadda booqasho ku jooga Magaalada Madaxda Maamul Gobaleedka Puntland ee Garoowe ayaa mar uu kulan la yeeshay odayaal iyo waxgarad ka tirsan Maamulkaasi ayaa waxauu sheegayin uu si dhaqsi leh waxa uga qaban doono xaaladda ka taagan maamulkaasiee la xiriirta dhinaca nabadgelyada iyo Maciishada. C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in wixii ka dhacay Maamul Gobaleedka Puntland uu si aad ah uga damqaday, isagoo sheegay in talaabo laga qaadi doono wixii sababay in dadweynuhu qayliyaan kana damqadaan maciishada cirka isku shareertay . C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in ay jiraan dad doonaya in ay qalqalgeliyaan ammaanka iyo xasiloonida ka jirta maamul Gobaleedka Puntland, hase yeehsee carabka kuma dhifan dadkaasi. Waxgaradkii iyo Odayaashii ka qaybgalay kulankaasi ayaa waxay ka codsadeen Madaxweyne C/llaalhi Yuusuf Axmed in u Talaabo ka qaado dadka cunqabateynta maamul gobaleedka Puntland, waxay kaloo ka codsadeen in isbedel lagu sameeyo maamulka Puntland gaar ahaan maamulada hooose. C/llaahi Yuusuf waxa uu isla shalay kulan deg deg ah la yeeshay maamul Gobaleedk aPuntland oo ay ka wada hadleen xaaladda ka taagan maamul Gobaleedka Puntland sida nabadgelyada iyo sicir bararka, isagoo sheegay in xiriir iskaashi uu ka dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo Maamulo Gobaleedka Puntland loona baahan yahay in arrintasi la sii adkeeyo. Waxaa la filayaa in C/llaahi Yuusuf uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono dadweynaha ku nool Boosaaso. Soomaalitalk Damqashadda, mid dhaqaaalo xataa ha ahaatee, gaar ayee leedahay ileen. Dadka lagu baabinaayo, dhaqaalahooda lagu bililiqeysanaayo [suuqa Bakaaraha kamid ah] ee deegaanadda kale dugaag miyaa laga damqan? Waxaas Xabashadda u adeego ayaa hoggaamin sheeganaayo.
  8. And yaa yiri the 'ood' ayaa original ah? You heard the ood one first does not mean it is the original one. Speaking of ood and canjeero, tan canjeeradda ku saabsan ayaaba si caqligal u ah. Ood qoryaheeda tan hoos taalo waaba soo saaran kartaa mar mar iyadoo kuwa kor saaran ay isku dhicin, not with canjeero iskor fuusho. Maahmaahda Banaadiriga wax gaaro malaha with their sheer simplicity and yet hidden meanings behind each. I especially still like dooli wadkiis galay, shaarbo makulaal aas ku ciyaaraa iyo midka kale ee abkeey dooli diloow, dad nool maas u daahaa. Luuq luuq maroow, laasim laamigaas kusoo dhacaa. No need in la sharxo all these maahmaahyo.
  9. I do not want to go to that argument, but yaa yiri dimuqraadiyad iyo Islaanimo waa isqilaafaan? Mise so-called securalism and democracy ayaa isku qaldee? There is no one version of democracy. Each nation applies at it sees fit. Soomaalis, by nature and before they even heard this 'dimuqraadi' word, were fierce independent people. That is what Samatar has had in mind. Soomaalis were 'democratic' people since dawn, airing their grievance under geed qansax and qurac. Soomaalis cannot be ruled by dictatorship and one person dictating as s/he sees it. We had seen that road and the result we have yet to recover from. Democracy and Islaam can be combined if it former does not contradict the latter's divine revelations. It works in Malaysia, which is barely a majority Muslim state. We can have our own unique version.
  10. Somaliland Too Under Ethiopian Umbrella And this is news today? Xabash inay Soomaaliya dhan maamusho, including Waqooyi Galbeed, qof wax u jeedo la socday. It is a sad reality and only can be overcome by a true, Soomaali midowdo oo gacmaha isheysto as it happened in Axmed Gurey's time, in 1964 and '77; haddii kale hal halkaas ay u cuneyso ayee waligeed u cunee.
  11. One of the few true sons of Soomaaliya, Cabdi Ismaaciil Samatar, was in Koronto and Ottawa last weekend, as usual soo jeediye fikrad wanaagsan. His five simple points he suggested Soomaaliya should led by: Aaminsan daryeelka ummadda Soomaaliyeed Aaminsan in uu maalkiista/maalkeeda iyo waqtigiis/waqtigeeda u hurayo xoreynta Soomaaliya iyo ku dhaqanka mabaadii’da dimuqraadiyadda Aaminsan qiimaha diinta Islaamka (Islamic values) iyo daryeelka qiimaha shaqsiga (respect for human dignity) Aaminsan in howshaan uusan ku raadsaneyn (dhaqaale ama darajo) Aaminsan ku dhaqanka caddaalada iyo ka fogaanta qabiilka It surely makes sense and I for one completely agree with him. If more Soomaali people were that sensible.
  12. Maxaad kala socotaa halka ay ku baxaan Daqliga ka soo xarooda dekeda iyo garoonka Muqdisho? Warbixin xasaasi ah oo ay soo saareen gudiga kormeerka illaha dhaqaalaha [Waxaaa inoo suura-gashay inaan helno nuqul ka mid ah Dukumiinti uu soo diyaariyey Gudiga kormeerka Ilaha Dhaqaalaha oo ka socdey Golaha Xukuumada Dukumiintigaan ayaa ku xusnaa taariikhada ah Juun 17/2007 wuxuuna u qornaa sidatan.] Ku: Ra’iisul Wasaaraha XFKMG. Ujeedo: warbixinta gudiga Kormeerka Ilaha Dhaqaalaha. Mudane Ra’iisul Wasaare, Mudanayaal sidaad ula socotaan waxaa gudiga loo magacabey 2-Juun, 2007 Gudigaas oo ka koobnaa shan xubnood ee Golaha Xukuumada ka mid ah ayadoo loo xilsaarey inay kormeeraan Dekada Xamar iyo Garoonka Dayuuradaha, warbixina ka keenaan. Kormeerkaas oo saldhigiisu yahay sidii loo heli lahaa Dakhli ku salaysan Miisaaniyada Golaha Wasiiradu u qoondeeyeen Bisha Juun 2007. Mudane Ra’isul Wasaare iyo Mudanayaal Gudigu wuxuu ka bilaabey Kormeerkiisa Garoonka Diyaaradaha iyo Dekada weyn ee Muqdisho isagoo eegay qaabka guud ee ay wax u socdaan lana kulmey Mas’uuliyiinta goobahaas shaqo. DEKADDA Dekadda Muqdisho markaan kormeer ku sameyney islamarkaana aan la kulaney Mas’uuliyiintii goobaha shaqada warbixina ka dhageysaney waxaa noo soo baxey. 1) In Dukumiintiga lagu qaado lacagta ay sameysteen Maamulka Dekedda islamarkaana aaney ka diiwaan gashaneyn Xafiiska Xisaabiyahay Guud ee Dowlada, hase yeeshee ee Xafiiska Xisaabihyaha Guud ka codsadeen in loo sharciyeeyo. 2) Dakhliga ay qabtaan waxay u isticmaalaan kharashka Dekadda iyagoo gudiga u sheegey in kharashoodu uu ka badan yahay Dakhliga soo gala. 3) Shaqaalaha Dekaddu waa 82-Qof, badankooduna Gudiga shaqo qorista Qaranka kama sharciyeysna. 4) Ilihii ay Dekaddu Dhaqaalaha ka heli jirtey sida Bakhaarada, Wiishashka,Taagagga IWM ma haystaan. KASTAMKA DEKADDA 1) Dokomiintiga ay Canshuurta ku qabtaan ayaga ayaa sameystey waxayse ka diiwaan geliyeen Xafiiska Xisaabiyahaya Guud. 2) Dakhliga yar oo ay qabtaan waxay geeyaan Bangigga Dhexe ee Dowlada. 3) Waxaa wali socota in Deyn lagu leeyahay wax lagu Canshuuro iyadoo uu jiro go’aan Golaha Wasiirada oo arrintaasi lagu mamnuucayo. 4) Shaqaalaha Kastamku waa 35-Qof, badankooduna sooma marin Nidaamkii Shaqo Qorista. 5) Canshuuruhu ma laha Nidaam sax ah oo lagu Canshuuro badeecada soo degta. 6) Waxaa badeecada lagu Canshuuraa si duuduub ah. CIIDANKA ILAALINTA CANSHUURAHA DEKADDA 1) Ciidankani ma haystaan wax sharci Canshuuro ah oo ay wax ku ilaaliyaan. 2) Lama tuso Waraaqaha maanifeeska oo cadeynaya badeecada ay Maraakiibta iyo Doonyuhu sidaan, iyadoo ay Ciidanka ilaalinta Canshuuruhu sharci u leeyihiin iney Maraakiibta iyo Doonyaha fuulaan markay yimaadaan si ay u ogaadaan badeecadaha ay sitaan. 3) Cidaanka ilaalinta Canshuuruhu ma qaataan Mushaar iyo Guno midna. 4) Inkasta oo aaney jirin wax dhib ah oo hada ka jira Dekadda, hadana waxay u baahan tahay in la muujiyo taxadar dheeraad ah. KASTAMKA GAROONKA DIYAARADAHA Gudigu wuxuu ka ogaadey Kastamka Garoonka diyaaradaha: 1) Waxaa ka soo dega kaargo ay Diyaarada Jubba keento waxaana loo Canshuuraa si duuduub ah. 2) Lacagta waxay ku qaadaan Dokumenti la soo mariyey Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowlada. 3) Waxaa lacagta yar oo ay qabtaan lagu xareeyaa Bangiga Dhexe. LAANTA SOCDAALKA EE GAROONKA DIYAARADAHA Guddigu waxay ka ******** Laanta Socdaalka ee Garoonka: 1) Dokumeenti ay sameysteen ayey lacagta ku qaadaan, kamana diiwaan gashana Xafiiska Xisaabiyaha Guud. 2) Lacagta waxaa loo dhiibaa Agaasimaha Laanta socdaalka, Bangigana laguma xareeyo. 3) Baasaboorrada Ajnabiga waxaa laga qaadaa $50 midkiiba . [soomaalida wadato baasabooradaas ku jirto. It both landing and departing, so it is $100.] 4) Baasaboorradii cusbaa wax lacag ah oo ka soo xarootey ma jiraan. LAANTA DUULISTA IYO SAADAASHA HAWADDA Gudigu wuxuu ka ogaadey: 1) Waxay lacagta ku qaadaan dokumeenti ay sameysteen, kamana diiwaan gashana Xafiiska Xisaabiyaha Guud. 2) Lacagta ay qabteen qayb waxay u isticmaaleen dayctir Garoon iyo Xafiisyo, qaybna waa haystaan. CIIDANKA ILAALINTA CANSHUURAHA GAROONKA: 1) Ciidankani ma haystaan wax sharci canshuuro ah oo ay wax ku ilaaliyaan. 2) Inkasta oo aaney jirin wax dhib ah oo hada ka jira Garoonka, haddana waxay u baahan tahay in la muujiyo taxaddar dheeraad ah. TALO SOO JEEDIN: Guddigu wuxuu soo jeedinayaa talooyinka hoos ku qoran si qaladaaddka jira wax looga qabto, loona helo ku talagalka miisaaniyadda: 1) Guddigu wuxuu soo ogaadey in ku talagalkii miisaaniyaddu uu yahay mid aan soo baxeyn, iyadoon lagu dhaqmin go’aankii Golaha Wasiirada. 2) In wasaaradaha iyo hay’adaha dhaqaalaha sida: A) Wasaaradda Maaliyadda. B) Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekaddaha. C) Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. D) Laanta socdaalka iyo wixii la mid ah. Lacagaha ay qabtaan waa iney si toos ah ugu soo shubaan Bangigga Dhexe ee Dowlada maalin kasta, iyadoo la dhaqan gelinayo go’aankii Golaha wasiiradda oo ku saabsanaa soo xareynta dakhliga una hogaansmaan shuruucda maamulka lacagta Dalka. 3) In la sameeyo sharcigii canshuuraha iyo khidmadaha Dalka oo mideysan. 4) In ciidanka ilaalinta canshuuraha si buuxda loo hawlgeliyo lana dhiso tayadooda si loo sugo nabadgelyada Dekedda iyo Garoonka. 5) In shaqaalaha uruurinta canshuuruhu ay noqdaan shaqaalo rasmi ah, aqoon, karti iyo waayo aragnimo u leh shaqada canshuuraha. 6) In Xisaabiyaha guud iyo hanti dhowrku ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta hantida qaranka. 7) In la joojiyo deynta wax lagu canshuuro iyadoo la fulinayo go’aankii Golaha wasiiradda. 8) In wasaaraduhu joojiyaan lacagta laga qaado baabuurta xamuulka ee shacabku leeyahay lacagtaas oo looga qaado Dekedda irideeda iyo wadooyinka soo gala Muqdisho dowladdana aan loo xareyn. 9)- In la horkeeno Golaha wasiirada deynta dowladda lagu leeyahay iyo inta ilaa iyo hada la bixiyey. 10) In Bakhaarada Dekedda oo wax yar u baahan si deg deg ah loo dayactiro. 11) In shaqaalaha Dekedda iyo Garoonka ka shaqeeyaq loo sameeyo calaamado lagu garto si loo sugo nabadgelyada goobahaas shaqo. 12) In la magacaabo Guddi golaha wasiiradda ah ee dabagal ku sameeya fulinta Go’aamada Golaha wasiiradda ee la xiriira hirgelinta qorshaha dakhliga dowladda. Talo soo jeedin la xiriirta kulankii Golaha wasiiraddu la yeeshey hawl-wadeenada dowladda. Date: 27/06/07 Kadib kulankii golaha wasiiraddu la yeeshey hawl-wadeenada iyo hay’adaha kale waxaan soo jeedineynaa talooyinka soo socda: 1) In wasaaraddaha iyo hay’adaha lacagaha qabta ay ku qaadaan warqada lacag qabashada ee soo marta Xisaabiyaha guuda oo kali ah. 2) In warqada lacag qabashada sharciga lagu saleeyo taasoo oo ay wasaaradda maaliyadda iyo xisaabiyaha guud mid walba sheegtey inuu isagu leeyahay daabacaadeeda iyo keydinteeda. 3) In lacagta ah Sh.Soomaaliga cusub ee timaada iyo canshuurta Jaadka laga qaado wasaaradda maaliyaddu warbixin ka keento. 4) In meel la saaro khidmadii tikityadda diyaaradaha ee horey loo go’aamiyey meesha ay mareyso. 5) In iyadoo la tixgelinayo dakhliga gobolka Banaadir oo soo wanaagsanaanaya, hada goluhu isweydiiyo in qoondadii hore ee ahayd 20% wax laga bedelo. 6) In wasaaradda gaadiidka badda oo dakhli laga sugaayey wada shaqeyn la’aanta madaxdeeda xal loo helo. Xigasho ------------ Poor guddi haddeeba aaminsanyihiin waxaas in la sameynaayo, oo lagu dhaqmi doono.
  13. Originally posted by Naxar Nugaaleed: MMA, i would be careful to attack people on unfounded stories, its beneath you, or is it? I can believe anything attributed to that stooge. I have zero, null respect for him. Even if he did not say those words and I strongl believe he did utter, the stooge infirm man is well-known when it comes to hadaladda aan laga fiirsan, oo iska hadalka ah. Attacking and cracking passing remarks about another elder man's wife -- C/qaasin's -- publically in 2000 alone proves my point. Waa odey aan waxba isku falin, ixtiraam iyo akhlaaq aan waligiis kusoo barbaarin, iska dhaaf wax siyaasadeed.
  14. Guuleed Max'ed wax uu soo warbixiyo ayuu waaye miyaa mise his Reuters superiors at London want these kind of things argently reported now? War meeshiiba nolol ma taalee maxaa wedding planers keenay? Maalin walba maatadda la iska dilaayo, la iska dhacaayo, la iska xiraayo, ee xoriyad maashee markaas? And Soomaali wedding planers? Since when did we have them? Mise habartii meel dad ka ijaareyso ama cilaan saareyso are wedding planers? Soomaalida cannot even plan shir muhiim ah oo yar xataa ay iskugu imaadaan, let alone guur ama aroos xafladeed.
  15. Dadka Muqdisho iyaga ayaa is dilay, mana aha dad wax isu ogol, anagana wax inoo ogol, si kastaba haddii aanu yeelnay oo xitaa hub dunida ka mamnuuc ah in la adeegsado aan u adeegsanay, weli rabshadaha ma deyinin, magaaladiina way qasan tahay, marka Puntland inay sidaas oo kale noqoto ma doonayo, waana ka damqanayaa waxa ka dhacay, tallaabo adag ayaana laga qaadi doonaa wixii sababay in dadweynuhu qayliyaan ... Haddee waxaan dhabtahay, oo war la rumeysan karo yahay, and I believe it is true since odeygaas qabyaaladda iyo Xabash u adeeg ku dhameystay noloshiis, afkiis kasoo bixi karaan ereyo saan iyo kuwa ka daran ah, then qabyaalad qurunimadiis waa dhaaftay meel laga soo noqon karo. "Hub dunidda ka mamnuuc ah in la adeegsado aan u adeegsanay..." Waaw. What a shocker. Xabashi's occupying forces using hub adduunka ka mamnuucan the wars that took place in Shaaqshiid and Towfiiq in Abriil even UNka ayaa caddeeye now. Waaka ka "damqanayaa" dhibaatooyikna Bari ka dhacaayo, aha? Well, for your information, Xabashi Stooge, dad Soomaalinimada ku weyn ayaa ka damqanaayo waxa Xamar ka dhacaayo and anywhere Soomaali lagu xasuuqaayo, not qabiilkaaga deegaankiis kaliya.
  16. Another typical Afrikan leader who does not realize xiligii hoggaaminta la iska wareejin lahaa has come. Yes, he is admirable when he tries to give the middle finger the powers that be currently, namely the Galbeedka. He however knows where his limits extend to. Yes, he tries to portray himself as an essential middle man, who confuses the masses. Even his personal life is like that, including his dress style, which is a combination of Carab, Islaamic and Afrikaan attires, same as his policies, which Carabnimo, Islaamic and Africanism. He is not eccentric. He enjoys the limelight when he likes to view himself and acts just as another fellow commoner, i.e. erecting his camp and staying in the camp during foreign summits infront of luxury five-star hotels, where other leaders salivate, to shame them perhaps. His utopic political thoughts -- the merged notion and nation of 'Isratine' of Isra'iil and Falastiin, and a real union members in African Union (which itself is the fruit and a product of tireless efforts of his so far) come to mind -- clearly says a lot about him. He wants to define himself as an essential, philosophic middle man that takes no bullshuud from no one and no organization. He is just a guy too much in love with himself and desperately trying to be a unique, almost a cult-like figure, thus making his country's flag being nothing but dark whole-green, Liibiya not having a real, written constitution, not having any official title [only a 'leader' and not president, prime minister, king, etc], I've no problem with the man; in fact, I admire some of his policies, particularly the foreign ones. He should, however, know his time really has come. Leading a nation absolutely almost four decades is not acceptable or bearable in this fast changing world. Laakiin another Afrikan 'leader' maxaa laga sugaa xoog in loogu qaado ma'ahee?
  17. Originally posted by Jabhad: Is that General Gabre, our de facto ruler? He is not our ruler. Never was and never will be. Qoflka oo damiir daljecelnimo Soomaaliyeed ku jiro Xabashi uma talineyso asagoo nool, I believe. He is the stooges -- and especially the infirm, octogenarian madaxyare madaxweyne ku sheeg Stooge -- and wixii u sacabtumo Xabashi ruler. And about why the guy's face ka muuqato unhappiness, as he always is [he thinks mistakenly he is kaabalaadar], the below article hopefully answers that question. ------------ Ra’isul wasaare Geeddi oo safar deg deg ah saaka ugu ambabaxay Addis ababa xilli laga sugayey inuu hortago baarlamanka federaalka oo ka doodaya mowshin ka dhan ah xukuumadiisa Ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa saaka safar lama filaan ah ugu ambabaxay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya xilli saacadaha soo socda laga sugayey in isaga iyo xukuumadiisa ay hor tagaan baarlamanka Soomaaliya oo imika ka doodaya mowshin ku saabsan la xisaabtanka xukuumada. Lama ujeeadada rasmiga h ee safarka ra’isul wasaaraha uu ugu ambaabxay addis ababa, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha ku dhow dhow oo aynu xiriro kala duwan la sameynayna ay inoo sheegeen in safarka Prof. Geeddi uu ka mid yahay safaradiisa caadiga ahaa ee dalalka deriska la ah Soomaaliya uu horeyba ugu ambabaxi jiray, waxayna warar kale oo aan la xaqiijin sheegayaan in Prof. Geeddi uu mas’;uuliyiinta Itoobiya gaar ahaan dhiigiisa Itoobiya uu wada tashi kala yeelan doono qaabkii loo wajahi lahaa kacdoonka ka dhan ah xukuumadaiisa ee ay wadaan xubno ka tirsan baaralamanka oo mowshino ay ku doonayaan kulka xisaabtamaan, isla markaana loo badbaadin lahaa xukuumada. Inkastoo Itoobiya au ciidamo aan tiradooda la shaacin o aadf u gara ka joogaan gudaha Soomaliya ayaa haddana Dad badan waxay isweydiinayaan sababta labada mas’uul ee ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya ay magaalada Addis ababa ugu duulaan marka uu soo wajaho culeys dhinaca gudaha ah, waxaana safarkan uu ku soo beegnayaa xili magaalada Baydhabo ee gobolka Bay la geeyey shixnado lacag ah oo loogu talo galay in la siyo xildhibaanada baarlamanka iyadoo uu halkaas ka socdo kulan uu baarlamanku kaga doodayo waxqabadka dowladda intgii ay jirtay, lana doonayo in mar kale cod kalsooni ah loo qaado. Qaranimo ------------ Their Xabashi boss in Adisababa is not happy these days and is a bit worried his other stooges in the so-called parliament might have another non-confidence vote.
  18. What is funny about this clip? A misguided, probably drug-induced, non-sober, underweight teenager trying to rob a store with bare hands. Yes, in la edbiyo waa u baahnaa, and deserves some. But that marax wixiisa waa ka dareey, beating, smashing and kicking the poor skinny teen senselessly and probably begging for the dear life of his. Anybody who enjoys and finds humour in someone beating senselessly qof dhulka yaalo oo tuugaayo the beater needs a little pyschological check-up. Or perhaps is a fresh hormone-induced, violent video game-obsessed teen himself or herself for that matter.
  19. What is funny about this clip? A misguided, probably drug-induced, non-sober, underweight teenager trying to rob a store with bare hands. Yes, in la edbiyo waa u baahnaa, and deserves some. But that marax wixiisa waa ka dareey, beating, smashing and kicking the poor skinny teen senselessly and probably begging for the dear life of his. Anybody who enjoys and finds humour in someone beating senselessly qof dhulka yaalo oo tuugaayo the beater needs a little pyschological check-up. Or perhaps is a fresh hormone-induced, violent video game-obsessed teen himself or herself for that matter.
  20. You've already been given the two sites with most songs when it comes how to get MP3 songs, especially the latter -- sclub19.com -- which has a huge, most comprehensive Soomaali songs recorded pre-war. And all are MP3-friendly. I got most of what I have on my MP3 from that site. The other site I can remember now whose listed songs can be downloaded is somalilyrics.net.
  21. It is very sad, ayaandaro tragedy. He was a nephew of my brother-in-law's. Eebba ha u naxariisto Abuukar Cabdiraxmaan Maxamuud. Maskiinka asagoo noloshiis haddaba soo kaceysay senselessly la dilo aad wax loogu murugooda waaye. ------------- The mother of a schoolboy shot dead by youths on bicycles says he was "in the wrong place at the wrong time". Abukar Mahumed, 16, was killed after being chased by half a dozen hooded youngsters with bandanas covering their faces. The Somali teenager died from a single gunshot to the neck outside a block of council flats in Stockwell, South London, in the early hours of Thursday. His mother Mulki Ahmed, 42, said her son had never been involved with a gang or in trouble with the police. At her home in Tulse Hill, South London, she said: "Abukar was a really quiet boy and a very good boy. He was a very good son, a fantastic kid. "He was the active, sporty type. He played football and went swimming twice a week. And he liked to go out with his friends. "He was always supportive, honest, helpful and kind. He was so friendly to everybody. "Around here, there are a lot of boys that are very bad. Abukar was not like that. Abukar was in the wrong place at the wrong time." The family are Somali Muslims and Abukar had three brothers Mahamed, 17, Mahamud, 14, and Hassan, 13. Supported by her 45-year-old husband, Abdirahman, Mrs Mahumed added: "My other sons are coping. I am frightened of them going out now, but I cannot stop them. What can I do?" She said Abukar had been doing well at Stockwell Park High School. "Education was his priority and he had just been accepted into Lambeth College to study science and English in September. He loved anything to do with science." Other article
  22. Originally posted by buuxo: lol nephthyst,then you can say waa muuseyga or midka i qabo sophist, what is Ooridayda? sounds like my goat Oori ma maqlin miyaa waligaa? I am sure you did since it is included the famous hees qaadaan Magool iyo Shimbir [Eebba ha u wada naxariistee]. Heesta waa Adoo idileey, aroos kuula gala ... Shimbir sings: Asluub badaneey Amaan badaneey Sidii ubaxii U udgoon badaneey Waxaan idileey Kugu oon bixin lahaa [ ] Adigoo idileey Aroos kuula gala Adigoo oorideyda noqdoo Ubad dhala Ilwaad quruxleey And Magool gives her answer: Asluub badanoow Amaan badanoow Sidii ubaxii U udgoon badanoow Waxaan aabiyoow Kugu oon bixi lahaa Adoo aabiyoow Aroos ila gala Anoo ooridaada noqdoo Ubad dhala Ilwaad quruxloow Afsoomaali is a hodan language, a language which we unfortunately never appreciated and developed that far. Anagaa dhulka dhignay afkeena. Ereyga kaliya for wife has more than a half dozen words in Afsoomaali: Oori, afo, arad, maranti, xilo, xaas iyo bilcaan [it can also mean woman]. I think some of them have a particular and different meanings of the general word of wife. Some of them may mean, who knows, a second one [minyaro] or a third one. Or mid la dumaalay. We don't know, the only thing we do now know is that their general meaning waa wife. ---------------- Dad ayaaba meeshaan Afsoomaaligooda iska eber ah. Husband is not 'nin.' The official word in Afsoomaali language for husband is seey. "Heblaayo baa seeygeeda ku geeriyooday ..." waligiin ma maqlin? And what is wrong with nin? If you don't have any problem with 'my husband' -- which it seems some of you don't -- then 'ninkeyga' muxuu qabaa? Ninba ama naagba teeda la quman. Soomaalida dhaqan ahaanba wax amaan ah iyo wax kale iskuma fiicno. Jaceylkooda hadduu jirina waa wax laba isjecel qolkooda ku wadaagaan. They appreciate innerly without overtly displaying publically bogus, dad istustus 'love.' Bishaaro, 'igaar' is not Afmaay, it is Xamari. Ariir = boy/girl ayaa Afmaay ah. It is very interesting igaar/ariir/inan are all unisex words when it comes to both genders.
  23. Originally posted by buuxo: Ok what on earth does this mean??/ Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara This is what aabiyaasheen isku sheegi jireen in the old days to marry an innocent, unsuspecting, maiden new wife, saying aloud to reerkeeda, "War gabar nin dhali karaa dhaqi karee ina siiya inanta." Well, in a way, it means only 'a mature man can take care his girl [lady].' Not an inexperienced boy-man. That is the reference with being 'old enough to be her father.' NB - I think you got the confusion and misunderstanding from the misspelling of dhaqi to 'dhiqi.' Dhiqi sounds like a complete new word.
  24. Puntland On Life Support: Part II Just when you would have thought that things could not get any worse in Puntland with the well documented corruption and human rights abuses, including the Robert Mugabe style burning down of a sprawling shanty town at the outskirts of Bosaso city—where more than two hundred and fifty homes were destroyed—Cadde Muse seems to be going off the deep end. Cadde’s time in power is becoming increasingly costly for the hardworking, law abiding people of Puntland. He is actively subverting the rule of law to which he was sworn to uphold. For starters, he is seeking to summarily dismiss both the City Council and Mayor of Bosaso city for the bogus offenses of failing to tow the line. And it gets worse by the day. Cadde's administration is undertaking schemes so unimaginable and alarming, that even the most hardened felons would probably hesitate to act upon them. It has to do with his lunatic plot to sell off Somalia’s famed, but fragile, coral reefs eco-system (that supports diverse marine life) at the Gulf Aden coast, piece by piece, to be shipped abroad by the shiploads to foreign buyers . He either does not understand the consequences of the long term ecological disaster resulting from his catastrophic sale of one of Somalia’s key intrinsic natural resources, a resource that took untold thousands of years to form, or he is unfazed by his fixation with the enormous perils attendant to his penchant for absolute rule. Either way, Cadde’s corrosive activities represent a clear and present danger to every Somali man, woman and child for abusing the power that was entrusted in him by the people of Puntland. Unfortunately, his aggressive and often illegal policies are destroying the goodwill among the partners of the regional administration, hastening the dissolution of the partnership. As of today, he has attempted to arrest the Speaker of the Parliament for calling for an audit of the government’s finances and for not accepting an illegal decree. The Speaker is at the present time free, thanks to forces loyal to the constitution and beholden to Cadde Muse or his rubber stamp courts. One would think that such diligence on the part of the Speaker would be welcomed by the Chief Executive, especially at a time when revenues are going up in double digits while government employees are unpaid for months at a time. But in Cadde Muse’s Puntland, you would be mistaken. Why would opening the books provoke such a visceral reaction? Perhaps the prospect of finding embarrassing financial discrepancies is a strong motivation — that is if books were kept in the first place. Reasonable people will agree that Puntland today is a hypocrisy, not a democracy; therefore, waiting over a year or so for elections is an exercise in futility and a costly one at that. Puntland can not and should not be allowed any more to be run like a personal flea market. By now, even the most ardent supporters of the present administration, whose motto has been, Ilaahow Cadde Muse Xoolo sii aan ka xoogsannee, must come to terms with the dire and desperate conditions their fellow Puntlanders are burdened with and muster the courage to take the drastic measures this situation calls for. Puntland is on life support—whether or not Puntlanders are able, or willing to resuscitate it remains to be seen. Stay tuned. Onkod
  25. Ninkaan iyo Carab maxaa kala heysto? Horta ogoow dadka meesha ee taaganyihiin intaadan ku eedeyn meel ay taagneyn.