Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,655
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Don't call Max'uud Axmediinajad a nut, crackpot, Rudy. He says as he sees. And I like him in that style of his, same with Chavez of Venezuela. I got and watched a partial part before I went to work today at his speech at Columbia University live on Aljasiira English today; it was much interesting. Tough questions were they asking him, but not giving what they wanted to hear, even some getting frustrated and booing. Many others applaused incessantly and cheered his jokes and evading answers.
  2. Acuudi bilaahi ... Ma Soomaali ayaa saan wax u qoraayo? Such a fiery hatred and ardent animosity. Bisinka iyo murdaha. Eebboow. Waxaa laga dhadhansan karaa qoraalka oo isleedahay dadkaan -- waa kan qoray suu Soomaalida isdileyso u arkee -- waa dadka kala jaad iyo isir ah, oo naceyb weyn qarniyaal jiray inay ka dhaxeyso, not dad isdhalay, isla dhashay, isku af, diin iyo dhaqan ah. Falastiin iyo Yahuudba saan mar mar iskuma necba. Shuud.
  3. Cutubyo ka tirsan ciidamada DF oo xalay fariisimo cusub ka sameystay meelo ka mid ah Muqdisho iyo qaar dadkii ay soo ag dageen ka mid ah oo bilaabay iney barakacaan Ciidamo ka tirsan dowladda federaallka Soomaaliya oo wata noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka iyo tuute isugu jira milateri iyo boolis ayaa fiidnimadii xalay fariisimo cusub ka sameystay qeybo ka mid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo qaar ka mid ah dadkii degenaa xaafadihii ay soo ag dageena ay bilaabeen iney guryahooda ka barakacaan. Goobaha ay xalay fariisimida ka sameysteen ciidamada DF ayaa waxaa ka mid ah meel u dhexeysa Isgoyska Aadan cadde iyo xarunta madaxtooyada Vila Somalia ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano Suuq Sacuudi ee degmada Wardhiigley, waxaana ciidamadaasi ay ku faafeen xaafadaha iyagoo gaaray ilaa Geed Jaceyl iyo nawaaxiga masaajidka Cabdalla iyo Cowreere ee isla degmadaasi. Sidoo kale, Ciidamada dowladda federaalka ayaa fariisin cusub ka sameystay gudaha Ex-xaruntti taliska ciidanka Cirka Soomaaliyeed (Afisiyooni) oo ku taala degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo soo galay, isla markaana xalay gaaf wareegayey qeybo mid ah degmadaasi gaar ahaan wadada Via Liberia oo iyadu ah goob habeenkii si aad ah loo soo camiro uuna ka jiro dhaqdhaqaaq ganacsi oo aad u xoog badan, waxaana dadkii halkaas joogay iyo kuwii kale ee meheradaha ganacsi ku lahaa oo aan arki jirin ciidamadan faraha badan ay bilaabeen iney dhaqso goobahasi ka kala tagaan, waxaana qaar ka mid ah dadkan deegaankaasi ay sheegeen in falal isugu jira dhac iyo baarashaba ay kula kaceen ciidamadan, ayna ka qaateen waxyaabo kala duwan sida Mobilo iyo lacago yar yar oo ay jeebka ku siteen. Ciidamadan fariisimada ka sameystay qeybo ka mid ah degmooyinka Waaberi iuyo Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa khal khal iyo cabsi fara badan ku abuuray dadka ku dhaqan goobaha ay soo dageen, kuwaasoo qaarkood bilaabay saaka iney ka barakacaan goobahaasi, iyagoo ka cabsi qaba iney waxyeelo ka soo gaarto haddii ciidamadaasi ay soo weeraraan kooxaha ka soo horjeeda oo had iyo jeer bartilmamaeedsada ciidamada, lamana oga ilaa hadda sababaha rasmiga ah ee keenay in ciidamadan ay goobahaasi degaan, iyadoo aysan jirin wax war ah oo arintaasi ku saabsan oo ka soo baxay Dowladda federaalka Soomaaliya. Tixraac ------------- They are cancer virus ah waliba. Meeshee u dhawaadaanba, fariisimo ka dhigtaanba, maasaakiinta u agdhaw ka cararaayo, ka qaxaayo.
  4. What is the first post about? News article? Editorial piece? Opinion comment?
  5. Everything, ka ahayn cibaadaadda, is useless in this ever-obsessed, ever-increasing materialist world. At the end of the day, godkaas ayaa ku sugaayo: Adiga iyo Eebbahaaga. Higher, postsecondary educations in Western society has become a business -- the more enrolment a university or a college has, the better the tuition or government-funding or grants are for the institution. Dad badan ayaa nool jaamacadaad waligood cag dhigin, and doing much, much better than dad badan aan arkay jaamacadooda kasoo baxay, with debts Eebba knows see ku bixin doonaan, plus the ribadda ku socoto.
  6. M aalintii shalay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo markiisa hore ku aragta ahaa Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa goor dambe Afhayeenka Baarlamaanka waxaa uu kulan la qaatay Sarkaalka Itoobiyanka ugu sareeya ee jooga Magaalada Muqdisho waxaana lagula taliyaya Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu ku aragti ahaado Madaxweyne C/llaahi Yuusuf balse Sheekh Aadan Madoobe waxaa uu Saraakiisha Itoobiya u sheegay inuu dhexdhaxaadin doono Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa koowaad. [sii aqriso .] ------------ The two of the three senior stooges are not seeing face to face in these days. The boss' representive in Xamar -- and the de facto ruler, Jenaraal Gabre -- has to enter the scene and give the script instructed from Adisababa. Apparently and despite the news article above, though, their Xabashi boss in Adisababa has a little dilemma. Their favourite stooge is too corrupt and swindler of public funds, but neither do they trust other stooges as they do with Geedi. So a little stalemate and don't know what to do with the little three puppets. If it gets too hot, though, expect an immediate forced appearance at master's headquarter, Adisababa.
  7. And muxuu kusoo kordhinaa diinta Islaamka hadduu Muslim yahay? I hope he stops using altogether his overuse of that demeaning n-word for the sake of the cruel and inhumane treatment his ancestors suffered from.
  8. Runtii adduunkii gaba gaba kusoo socoto haddee Soomaali masuulnimo sheeganaayo saan u hadlaayo. Alqaacida kulahaa. Wax dhib ah kumaba heyso Xabasho kasoo tilaabsanaayo xuduud beenaadka, oo wuxuuba kasii jeclaan lahaa in uu usoo qabto.
  9. Soomaali Empire Techs : Hunting, Fishing Leader : Aden Abdullah Osman Daar (Organized/Philosophical - Nationhood) Unique Unit : Guulwadayaal This is the People's Militia. It replaces SAM infantry and is much cheaper to build. It is also much weaker. Civ Icon : Somali Coat of Arms Team Flag: Cheetah If you have any questions or comments, please contact me at wyz@ -------------- It seems like the guy who made this video game is Soomaali, but obviously isn't. I am very humbled by his choice of Aaden Cadde as a leader of his "guulwadayaal." Click his email link if you want the source.
  10. Maxaa meeshaan dambi lagu aruursaday. Dadkaan inay soomanyihiin maba moodid markee saan u hadlayaan. Xanta iska kala yareeya, baliis. Qoys rafaadsan in lagu sii kor jeesteeyo ayaaba igu daran.
  11. Ask that question to those Soomaalis who sit at Tim Hortonka Weston iyo 401, around the clock. Badanaa after midnight ayee iska xaadiriyaan. And caashooyinka ma dhaamaan, too, since their Dameerka Dhigsan [vans] meesha take-order saf ugu jiro, oo xataa maqleysid their distinct Soomaali-Ingiriis, "Wan dhabal dhabal, baliis." Oh, maan, speaking of that Tim Horton, you can't believe wax ka socdo that large parking at the back of Canadian Tire and that Tim Hortonkaas. Waa meel mugdi ah, baabuurta ayaa la iskula jiraa, especially late at night during the summer. Laba laba ayaa la isku heystaa and you name them: Habar, odey, dhalinyaro, cunug ... Sometimes even afar afar ama lix lix ayaa hal baabuur la iskula jiraa, oo baabuurtooda laga soo wada degtay hal la iskugu yimid. Meesha filimaan kiyaakaro ayaa ka socoto waaba shaneemo.
  12. Artan's child was placed with Social Services. Cunugaan ayaaba laga walwalaa. I hope inay qaraabadeeda deganyihiin meesha see cunuga ugula wareegaan. Waxaan haddee runtahayna waxa u geeye ayaa igu daran, Deeqa Cartan? Ka maseernimo ama shaki ee ka qabto ninkeeda? Magaca Cartan bilaash ma ugula bixin iga dheh.
  13. Originally posted by Tahliil: The scums in the south were done with...weakened at least...now its time for them scums in the North to b taught a lesson...an intensive dose of Tigrinian lesson... bowayaal, bayoyooin, ilma adeer, hunooyin, dee ka xabxaabsha dee Waa laga roonyahay inaa saan dhahdid. This is advocating hatred, especially against your own Soomaali brothers. Haddaa Xabashi isku dhiibtay, Soomaali nool ayaa jirto wali isdhiibin. ----------- Aawey labadii so-called "maamul goboleed" ee Waqooyi iyo Bari meesha isku qab qabsado mar walba. Xee shib ugu yihiin Xabashadda "xuduud" beenaadka kasoo tilaabsaday, dhalinyaradiina afduubtay? Eebbe knows how tortured they are today masaakiintaas walaalaheena ah. I can almost picture the reaction if one of those maamul ku sheeg in Waqooyi's or Bari's leadership reached in Buuhoodle. The quuqda iyo qeyladda ka dhici lahayd meesha, if not senseless war, too. This is the lowest ebb for Soomaalinimo and Soomaaliya. Midba midka kale ku qoslaayo, ugu dhoolacaddeynaayo the misfontune of their own brothers marba midkee Xabashi u jeestaan. Odeyaashaas dhalinyaradda ku xiray saldhiga iyagaa ka masuul ah waxaan, haddeeba ogyihiin inay Xabashi iska difaaci karin, sababtee u xirayaan ayaan kasi waaye, haddee hub u wadaan xataa jabhadda xaq u dirirka ee Soomaali Galbeed.
  14. Dowlada Federaalka oo laga cabsi qabo inay laba garab u kala jabto kadib markii ay isugu hanjabeen Madaxweynaha Fedeeralka Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa markii ugu horeysay si cad ugu sheegay Ra’isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi in Xukumadiisa jiritaankeeda uu ku egyahay 12-ka bisha soo socota ee November, loona baahan yahay inuu baarlamaanka kalsooni waydiisto ka hor waqtigaas, si loogu qaado codka kalsoonida. Ra’isulwasaarre Geeddi ayaa baaqa Madaxweyne Yuusuf iyo Guddoomiye Aadan Madoobe waxaan jirin ku tilmaamay, wuxuuna u sheegay in Xukumadiisa heysato kalsoonida baarlamaanka mudo laba sano iyo bar ka bilaabaneyso xilligii ay Baydhabo degtay dowlada, sidaas daraadeedna ay u harsan tahay mudo halsano ah. Cabdilaahi Yuusuf iyo Aadan Madoobe ayaa Geeddi ugu hanjabay inay ridayaan Xukumadiisa, waxayna olole balaaran ugu jiraan sidii baarlamaanka u meelmarin lahaa mooshino kala duwan,sida in Xukumadda Kalsooni waydiisato baarlamaanka,In baasaboorka cusub la horgeeyo Baarlamaanka si loogu qaado cod,in sidoo kale cod loo qaado mooshin lagu ogolaanayo ama lagu diidayo mashruuca Saliid qodista Soomaaliya ee uu Cabdulahi Yuusuf hore ula galay Shirkad Shiinees ah. Ra’isulwasaarre Geeddi ayaa ku hanjabay inay masuuliyada wixii dhaca qaadi doonaan Cabdilahi Yusuf iyo Aadan Madoobe, hadii ay baarlamaanka horkeenaan mooshin loogu yeerayo Xukumadda si loogu qaado cod. Wuxuuna dhinaca kale xusay inay ka go'an tahay meelmarinta mashruuca heshiisyada Saliida iyo Shidaalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo nidaamka dastuurigaa ee dhigaya in Xukumadda saxiixi karto heshiisyada heer Caalami. Sedex Masuul ee ugu sareysa dowlada ayaa lagu wadaa inay Axada ka isugu tagaan Baydhabo, waxaana guud ahaan Baydhabo looga yeeray Xildhibaanada aan ku sugneyn Baydhabo ee wali aan ku biirin baarlamaanka xorta. Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’isulwasaarre Geeddi ayaa safarkoodii ugu dambeeyay ee Jeddah isku khilaafay cida u saxiixi lahayd ama u qaadi lahayd miisaaniyad Sako ah oo ay dowlada Sacuudiga ugu deeqday. Madaxweyne Yuusuf ayaa ku adkeystay in sadaqada boqortooyada bixisay uu saxiixo Korneyl Shaatigaduud oo ah Wasiirka Maaliyada hasse yeeshee Ra’isulwasaarre Geeddi ayaa isagana ka biyo diiday amarka Madaxweynaha wuxuuna nadar ku maray inuusan aqbalayn hadii lacagta aan loo dhiibin Ibrow Caliyow, oo ah Wasiirkii hore ee Maaliyada. Khilaafka iyo isnacaybka u dhaxeeya madaxda sare ee dowlada ayaa la aaminsan yahay inuu gaaray heerkii ugu sareeyay taas oo riixday kalsooni xumo ay sedexdooda isugu raaceen Sacuudi Carabiya, waloow Ra’isulwasaarre Geeddi uu ku dhacay shabaqii loo dhigay ee ahaa inuu saxiixo natiijadii ka soo baxday Shirweynaha Muqdisho oo uu isaga hore u jalaafeeyay, kana biyo diidsanaa, sababo la xiriira qodobada ergada Shirweynaha ka soo baxay oo dhigayay in Xukumada dibada baarlamaanka laga qaato, si loo dhaqan geliyo dib u heshiisiin dhaba, loona helo aqoonyahano ku haboon dhisida maamul dhexe. Sawir laga qaaday kulankii madaxda Sacuudiga iyo hogaamiyaasha sare ee dowlada Federalka KMG ayaa muujinayay, Ra’isulwasaarre Geeddi oo meel kaligii geesa gacanta ku dhegan Sheekh Aadan Madoobe,ayna caro ka muuqato,halka Cabdilahi Yusuf iyo Aadan Madoobe ay dhoolacadeeynayeen,iyagoo gacmaha ku dhegan labada masuul ee ugu sareeysa boqortooyada Sacuudi Carabiya. Inkastoo Geeddi, Aadan Madoobe iyo Cabdilaahi Yuusuf uu marjacoodu yahay Addis Ababa , ayna ku eedeysan yihiin xasuuq shacab iyo xadgudub Qaran, hadana waxaa aad looga cabsi qabaa inay ka dhex qaraxdo colaadii ugu xumeyd,taas oo sabab u noqon karto inay laba garab u kala jabto dowlada federalka ee shacbiyada badan aan lahayn. Ra’isulwasaare Geeddi oo ah hogaamiyaha ugu aqoonta wanaagsan madaxda sare ee dowlada ayaan kalsooni badan ka heysan beesha uu ka dhashay, waxayna taasi ku qasabtay inuu maalmahii ugu dambeeyay uu xusul duub u galo, sidii uu ku kasban lahaa taageerada hogaamiyaasha beesha, waxaase Geeddi astaan barmadoow looga dhigay "Ra’isulwasaaraha boorsadiisa wata" ee isku ah Xukumadda. Madaxweyne Yusuf oo la rumaysan yahay inuusan lacag jacleyn sida Geeddi, oo hadafkiisu yahay Xukun Jacayl, waxaa isagana barmadoow iyo wajigabax siyaasadeed ku noqday, dhaqankiisa qabyaalada ee ku riixay inuu isku hareereeyo wiilasha jufa hoosaadka uu ka dhashay, waana sababta aqoonyahan caana oo ay isku heyb yihiin, dhinacna xidid ka yihiin, uu ku xantay erayadaan "Geeddi iyo Cabdulaahi inkastoo wadaninimo xumada iskaga mid yihiin, hadana markaan Geeddi arko, waxaan dareemaa heer Qaran, markaan Cabdilahi aragna waxaan dareemaa heer qabiil, waxaan ula jeedaa ragga Geeddi la socdaa, waxay leeyihiin qabiilkasta, waxay doonaan ha isla dhaceen, cuneene, laakiin Cabdulahi, midaan ina hebel hebel ahayn indhaheeygii qaban waayeen." Xigasho [Waa tifaftire maqaalka maadaama uu ka buuxo qalaladaad hingaadis badan.]
  15. War odeyga la afduubtay faraha ka qaada. The full picture ma aadan arkin. Waa kanaa the full picture, taken last year markii la dhaarinaaye odeyga iyo asxaabtiis kale maxkamadaha ka tirsanaa in Baydhabo. They look good. Maxaa rabteen in uu saan camal u labisto? Baliis.
  16. Of being off the air. Free Idaacadda Shabeelle, O' Xabashi Stooges.
  17. Xamar Soomaali ayaa dhisatay, marax waaxid. Aaliya, pre-war Xamar, I believe, both Landhan iyo Koronto ayee hoosta gilinee since I had seen both cities. Then that is my opinion. How was Iswiidhan horta? What I like Scandinavian countries is their bike mode. Meel walba bushkuleeti lagu aadaayo, with their own dedicated lanes. Waa dad hormaray, who understand baabuur xiligiis in laga tagay.
  18. Originally posted by Kool_Kat: See all gone...Xaal qaado...Thanks for this edit button... Kuusha, yaa kaa xanaajiyena? Abti maa wax laga sheegay mar labaad? Ii sheeg, aan hilfaha u laabee kan abti wax ka sheego.
  19. Maxee magac dowladeed ku ciyaareen kuwaan dowlad isku sheega ah.
  20. Ma haddaa ogaatay? Afsoomaaliga kaliya ma'ahee, afafka ugu badan, uguna caansan adduunweynaha ayaa saan ah. Waxaaba soo xasuustay in 2000, guri aan marti ku ahaa anoo fadhiyo ayaa telefoonka soo dhacay, and since the host was away, iska qabtay. Salaan ka bacdi, mid waalan ayee ahayd igu bilowday su'aala baas oo aan loo dirsan. Finally i weydiisay in aan guursaday, markaas ayee igu soo dhacday inaa ku ciyaaro, su'aasheeda ugu jawaabay, "Maya, abaayo, wali mali i guursan." Iyadii hasoo boodo kulahaa, maxaa jirana, soo wiil ma tihid. Markaas ku iri dadka isguursanaayo soo laba qof ma'aha. Haa tiri, ee marka bas hee laba wada wadaagaan waaye u sheegay, oo mid walba la guursadaa waayahaan cusub.
  21. Landhan iyo Koronto idinka iyo aniga midba ma dhisan, dad kalaa dhistay. Ee ka kala yaaca meesha. Now, tell me about Xamar.
  22. Haye, intuu maroyaa yarkaan ku jiray tartanka so far? Buuxo, haye, jealousy maa tiri. Waxaaba isoo xasuusisay kan "iimaamka" noo ah sometimes taraawiixda soonkaan. He is a boy no older than 12. Aaheey, 12. Anigoo 6'3" man dherarkiis ah inaa lineka gadaashiis istaago habeenkii xaley tagay. Waaba ka dheeraadaa linekaas iyo wax u dhaw asaga. Kidding. Runtii wiil yar waaye, waxaa maqlay Xamar ayuu sanado deganaa, oo dagaaladda cusub kasoo carareen reerkiis this year.