Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,572
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    318

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. The last two days, waxee xireen wariyaal ka tirsan kuwa idaacadda Shabeelle, wariye u shaqeeyo shabakadda puntlandpost.com iyo wariye kale ka tirsanaa wargeyska Ayaamaha. Waxaas yaab inooma aha hadda maadaama ayba wali noolyihiin. Kuwa kale waaba la qaarjiyaa ama la toogtaa. Ugaarsasho.com
  2. This image is appropriate on this thread, I guess. "Secularists" and "Islamists" probably singing Soomaaliyeey Toosoo in today's conclusion of shirka.
  3. Somalis used to separate their men into "Wadaad ama waranle". Haa, waa laguu kasay. Soomaalis did indeed differentiate -- and they still have this mental culture -- to distinguish the people, mainly men, to waranle and wadaad. They also had a third label, nabadood, a one who is neither a warrior ['waranle'] and pacifist ['wadaad']. Nabadoon was -- and is -- a man who reconciled the two. However, the waranle warriors were not necessarily anti-religion [as the basic definition of secular is], nor were the then wadaads like anything resembling the current so-called 'shabaabs.' Wadaadadda in those eras were basically pacifists and did not participate clan wars, hence the numerous Soomaali poems ridiculing their stance and being good for nothing, from every clan. The waranles, besides being warriors, were also unlearned laymen, who sometimes rose to fight for Islaam. Sometimes the fight for Islaam and Soomaalinimo were interchangeable, since they fought against the 'alien' gaalo, the term which itself derives from the many wars against Oromos, who were called gaala and then being the only foreigner group Soomaalis had contacted in those days. Soomaalis fought Oromos in Jubbooyinka, in NFD, in Soomaali Galbeed and other places. The fighters were of course waranle warriors. So, actually, waranle warriors of then -- and not wadaad, the pacifists -- today closely seems to have had 'shabaabs' war-like mentality. --------- I've seen some describe Secular State as "Qaran-Cilmaaniya". It's a mix of Arabic and Soomaali. The same way one would describe Religion based State as Diiniya. I don't think we have these terms in af-soomaali. Maybe we should Somalise Cilmaaniya to Cilmaaneed the same way Diiniya became Diimeed/Diineed. What I want to know then is who participated in Shirka Asmara can then be labelled a 'secular?' Is it Sh. Shariif Sh. Axmed? Of course not. Shariif Xasan Sh. Aaden? Me guesses not. Jaamac Max'ed Qaalib? Oh, don't make me laugh. The three xildhibaans Cumar Xaashi Aaden, Jaamac Cali Jaamac and Max'ed Cabdi Yuusuf? Xuseen Max'ed Faarax Caydiid? This guy comes closest to it, but I am not sure he is for completely shareeca-free Soomaaliya. Most, if not all, Soomaalis believe in shareeca, but they only differ how and when to apply it. Some -- the dhalinyaradda 'shabaabs' and their ilk -- want a strict, Taliban-like version, whereas others, most prominent among them being C/qaasin Salaad Xasan and the Islaax, would like to opt the Malaysian model. These are the two extremes.
  4. The old korneel had changed his tune -- for a good. A few days ago, according to Eritareyaan media, he ostensibly changed his tune, considerably and one can detect more political savviness. Good for him. He released a press statement, writing: "I am a Somali nationalist fighting for a free and united Somalia and this is considered by the US Administration as terrorism." I always had a respect to Korneel Aweys, especially at his nationalist bravery on dagaalkii '77, thus earning a medal and the title korneel or gaashaanlesare then. He would've reached to jenaraal ranking had he not left the army and instead pursuing religious studies.
  5. Another message from Eritareeya, this from the Eritareyaan president, Ciise Afwerki, on the occasion of the closing ceremony of just concluded shirka Asmara. Eritrean people’s support to Somali people is consistent and historical, as well as a legal and moral obligation: President Isaias Asmara, 14 September 2007 - President Isaias Afwerki said that the Eritrean people’s support to the Somali people is consistent and historical, as well as a legal and moral obligation. He made the remarks today at the closing session of the Somali Congress for Liberation and Reconstitution. The President noted that when the Somali people embarked on reconstituting and reconstructing their country in 2006 and were making headway, those parties who don’t wish Somalia’s reconstitution did not only impede the progress but also committed invasion against the country. He further indicated that the Somali people’s opposition to the invader that undermined the reconstruction process is a legitimate right of self-defense. Stating that Somalia’s reconstitution is to the benefit of not only the Somali people but also that of the region, President Isaias underlined that although some parties do not welcome the initiative which the Somali brothers have taken to reconstitute their nation, the Somali people are the decisive ones, as it is a historical axiom that a people who have risen up to achieve their goal are sure to emerge victorious. He went on to explain that the conspiracies being weaved by external forces to incite conflict among the Somali people following failure to attain their goal after defeat in battle are doomed to end up in fiasco. President Isaias elaborated that the invasion of Somalia on the contrary rallied the Somali people behind the national cause, and that the Asmara Congress for Liberation and Reconstitution of Somalia is an outcome of it. The President stressed that the current war in Somalia resulting in huge destruction of life, when viewed against the peace and stability that prevailed in the country before the invasion, amply proves the erroneous nature of the adventure. Noting that resorting to more acts of adventure instead of correcting one’s errors is purely the behavior of gamblers; President Isaias underscored the need for the parties bent on committing still worse errors to mend their ways. Xigasho
  6. This thread needs to be resuscitated. The same suspects are still anti-Eritareeya after two years.
  7. Secular? Manoo fasiri kartaa micnaha 'secular' horta, markaas aan ka hadalkee who ostentatiously is and not. Koley erey Soomaali u dhigma afkeena kuma jiree [which alone tells us that it is alien concept to us], still noo fasir the closest meaning you can get.
  8. Soon wanaagsan horta. Haye magac soonka la xiriiro ayaa raadineysaa miyaa? Ka waran Masoonto? Soondiido? Soonmasugto? Soonsooneey? Malawaxdoonto? Qamarji maa i dhahday. Waa ila heshee. Anaaba isku bixin jiray waayadii hore sida Qamarji-Quuqaaye-Qamqamle ama Xariif-Xaaji-XuuXaaX [XXX] ama Jinoole-Awjacburis [JaJ]. Bas ka dheh i dheh. Marxab, marxab, yaa ramadaan Marxab, marxab, yaa ramadaan Soorta la cunaayo Haddee subag tahay Sa... Markee heesahaas idaacaddaha kasoo gali jireen oo ahayd marka afurka soo galo, oo ciyaalka banaanka loo wada diro sambuuskooda iyagoo afka ku heystaan, banaanka oo wada shib shib ah, kaliya ciyaal isku soo wada baxay. Markee dadka waa weynaa soo wada afuraan, banaankii wada shidmo, maqaayadihii wada furmaan. Oo ciyaar la wada wado. Tarawiix markaas la aado. Tarawiix laga soo noqdo, maqaayadihii sii shidmaan, kii turub ciyaaraayo, kii dublad habarshiish wado, ciyaalkeena ciyaar markaas galeyno, sida Kadhimeey, Kadhim. Maalintii markuu soonka jiro iskoolka lasoo gaabin jiray, masaajidka buux la iska wada dhigi jiray, oo la wada jiifi jiray, mid ee ka taalo iyo mid ay ka heyso, tacbaan ah. Afurka oo ka koobnaan jiray mishaari, malawax, sambuus, qaxwa, burka, mac macaanka kale iyo isbarmuuto baraf lagu qaboojiye. Hadhoowna cashadii babaayga iyo cambaha ka koobnaa qofkii rabo. Aaaaaaaaaa, iga daa, soon Soomaaliya ayuu soon ka ahaa inta kale been.
  9. The two Xabashi puppets had not seen the events face to face the last couple months. In fact, some say, they are not even in speaking terms. That is how low xaalka maraayo. Thus Geedi is trying to smarten up, belatedly shorining up a new coalition from everyone: From Caddaani to Shariif Xasan to C/qaasin Salaad Xasan, whom he secretly tried to meet all of them the last few days. Two eventually were reported on the news, the third -- Shariif Xasan's and other xildhibaano meeting in Asmara for a few brief hours -- would've still remained secret had not Max'ed Dheere exposed it few days ago in Cadan, Yeman. The senior Xabashi stooge rushed to Adisababa to complain his master about Geedi's fletching, political manoeuvring these days, particularly Geedi's refusal to recognize that any oil agreements signed by Cadde's corrupt-laden adminstration in Garoowe. The senior Xabashi stooge's hands, however, are all tied up and cannot do nothing since the junior has the utmost confidence in Adisababa's master's den.
  10. Baddacase, toban kursi oo banaan oo loo qoondeeye dad qaas -- sida aan u maleeyo inay yihiin Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr iyo dad kale sidooda camal ah -- ah ayaa Guddiga la sameeye ku jiro ee kursi ma lagaaga qalqaalinaa ma rabtaa? Anyway, waxaan waa iska siyaasad, so don't place all your hopes on them. They are bini'aaden, kaaga sii daranee Soomaali. Tobanaan shir Soomaalida loo wada la qabtay the last 17 years, kuligoodna wax quman kama soo bixin. However, sidaas ay tahay, we really hope inay wax fruitful kasoo baxaan this shir, mid Soomaalida, Soomaaliya iyo Soomaalinimo wax tar u wada leh. Teeda kalena it is not only Maxkamadaha meesha ku shiraayo, oo Soomaali dhan oo daneynaayo danta dalkeena iyo dadkeena iskugu tagtay, so name-changing it is a must. And they already changed it Alliance for the Liberation of Somalia [ama Isbaheysiga Dibuxoreynta Soomaaliya].
  11. Ergada Shirweynaha Casmara oo labada Shariif u doortay gudoomiyaaha fulinta iyo golaha dhexe,warbixin 14 Jimca September 2007 - Ergada Shirweynaha Asmara ee Isbahaysigga Xoreynta iyo dib u nooleeynta Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay cod gacantaaga ku doortay Gudoomiyeyaasha Golaha fulinta iyo Golaha dhexe ee Isbahaysiga. Ergada ayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan u doortay Gudoomiyaha golaha dhexe ee Isbahaysiga kadib markii uu is qabqabsi badan ka dhacay qorshe la doonayay in loogu doorto gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha dhexe. Ergada waxay sidoo kale codeeyn gacan taaga ku doorteen Gudoomiyaha golaha fulinta ,isla markaana ah Gudoomiyaha guud Isbahaysiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isaga markii hore u sharaxnaa gudoomiyaha golaha dhexe ee Isbahaysiga Xornimadoonka. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo rumeysan inuu yahay Gudoomiyaha sharcigaa ee baarlamaanka Mbagathi,ayaa awood qeybsiga Isbahaysiga Asmara,waxaa uu ka noqday jago la mida tii Aadan Madoobe ,ka fara marooqsaday ee Gudoomiyaha baarlamaanka .hasseyeeshee wuxuu waayay jagadii lala doonayay ee ahayd inuu noqdo Gudoomiyaha golaha dhexe islamarkaana ah Gudoomiyaha guud ee Isbahaysiga. Gudoomiyaha golaha dhexe,wuxuu u macna yahay Gudoomiyaha golaha Wakiilada ama Baarlamaanka,waana madaxa Hay'ada Sharci dejinta ama Shuurada,jagadaas oo Xasan Dahir Aweys uu hore ugu magacaawnaa golaha Maxaakiimta Islaamka ee Itoobiyaanka ay kaga awood roonaadeen inta badan gobolada Somalia. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hore golaha Maxaakiimta ugu magacaawnaa Gudoomiyaha golaha fulinta ayaa noqonaya mid mar labaad loo doortay isla jagadii uu mudada u hayay Maxaakiimta.waxaase u dheeriya jagada ,u dhigmeysa isla markaana ah,Gudoomiyaha guud ee Isbahaysiga. marka la isu barbar dhigo labada Shariif waxaa sumcada iyo taageerada ugu badan ku dhex leh Shacabka Sheekh Shariifka Maxaakiimta,sababtuna waxay tahay Shariif Xasan oo xilli uu heystay shacbiyada shacabka Soomaaliyeed %80 ,ula dhuuntay Cabdilahi Yusuf heshiis aan la isla ogeyn oo uu kula saxiixday Cadan,kaas oo la rumeysan yahay inuu TNG-da siiyay awoodaha dheerigaa ee ay heleen,maadama uu isaga dejiyay Baydhabo xilli Maxamed dheere dalbanayay in looga guuro Jowhar. Sida sharciga xeerka Isbahaysiga dhigayo,waxaa ergada laga sugayaa inay doortaan Gudoomiye ku xigeenada gudoomiyaasha,waloow aan la hubin la dooranayo Xoghayaha guud maadama hoowshii uu qaban lahaa ay tahay mid hoos tageysa Sheekh Shariif oo noqonaya Gudoomiyaha Isbahaysiga. Ergada wax dooraneysa waxaa ka soo dhexmuuqda Sheekha ay Mareykanka ku dareen liiska argagixisada ee Xasan Dahir Aweys ,iyadoo ay muuqato inuusan ka mid noqon labada Gudoomiye ee ugu sareeya Isbahaysiga Xoreynta Soomaaliya ee lagu dhidbay Ereteria. Waxaa lagu wadaa in ergada loo qabto xaflad weyn oo lagu gabagabeeynayo Shirweynaha guusha ku dhamaaday, wuxuuna qorshahu yahay in 8:30 aroornimo bilaabato doorashada gudoomiye ku xigeenada si, Madaxweynaha dalka Ereteria Mr Affewark shirka ugu xiro garabyada Somalida. Marka shirweynaha la xiro, wuxuu Gudoomiyaha golaha fulinta dooranayaa,xoghayeyaashiisa,sida Xoghayaha arrimaha dibada, arrimaha gudaha, difaaca, dhaqaalaha, diinta, arrimaha bulshada, jaaliyadaha iyo dib u heshiisiinta, caafimaadka, nabadgelyada iyo waxbarashada. Xigasho
  12. Laba Shariif Oo Looga kala Doortay Isbahaysiga Xoreynta iyo Soo Noolaynta Wada hadal dheer ka dib ayaa la go'aansaday in Isbahaysiga uu yeesho laba gudoomiye oo kala haya Golaha Fulinta iyo Golaha Dhexe. Markii la isku waafaqay qaabkan cusub halkii hal gudoomiye markii hore la filayey ayaa la galay doorashada labada gudoomiye si loo helo raggii qaban lahaa labadaa xil. Doorashada oo caawa dhacday ayaa gudoomiyaha golaha fulinta waxaa loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, halka gudoomiyaha golaha dhexana loo doortay Sharif Sheekh Xasan. Gudiyada fulinta iyo kuwa golaha dhexe ayaa maalmaha soo socda la dhammaystiri doonaa oo ay hawlahaasi qaban doonaan golaha dhexe ee ka kooban 191 xubnood, iyadoo la filayo in shirweynaha maalinta berri ah si rasmi ah loo soo gabagabeeyo. Labada Shariif ayaa kaalin muuqata ku lahaa arrimaha Soomaaliya xillayadii ugu danbeeyey iyagoo sidoo kalana ka kala socday labada xoog ee ugu cadcad xoogagga isbahaysigan cusubi ka kooban yahay. Waxa haatan ka dib la sugaa waa waxqabadka iyo barnaamijka cusub ee isbahaysigu la yimaado si uu kaalin mug leh uga qaato ka saarista Soomaaliya mashaqada dhexdeeda ka taagan iyo faragelinta shisheeye ee ragaadisay ee tan Itoobiya ugu horreyso. Goobjoog.net
  13. Well, caalamka is not fooled. Even hadduu natiijo weyn kasoo bixin shirkaan -- and natiijo muhiim kasoo bixi doonto, Eebbe willing -- it has a legitimacy. The xoreynta group will also have one political voice this time. Neither one political group iskugu yimid meesha; they are diverse political groups. Shan groups isku yimid: Maxkamadaha, Baarlamaanka Xorta ah, Bulshadda Rayidka, Dibadjooga iyo Salaadiinta [the traditional clan leaders].
  14. "Ma howl joojin, mise howlgal ciidan" Muqdisho - Subaxnimadii hore ee shalay dhammaan waddooyinka soo gala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa soo buux dhaafiyey Kumanaan Kun oo ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya waxaana ay howlgal ka sameeyeen gebi ahaanba suuqa oo ay daqiiqado kadib markii ay soo galeen ganacsigii uu gebi ahaanba istaagay iyadoo dadkii suuqa ku jirayna ay noqdeen wax cararay, wax la qabqabtay iyo kuwo si dirqi ah ku baxsaday. Holwgalkan oo aan la sii shaacin si kedis ahna ku bilowday qaab ahaan bilowgii wuu u ekaa howl si taxadar ah looga soo shaqeeyay, isla markaasna shabahayay howlgal ciidan, hase ahaatee waxyar kadib markii ay gudaha suuqa u galeen ciidamada gaar ahaan kuwa dowladda waxaa qadkii ka leexday qorshihii howlgalka waxaana askartii dowladda Soomaalida ee ka qeyb qaadanaysay howlgalkaasi ay bilaabeen ridista rasaas aad u xoog badan oo qof kasta oo ay u jeedaan la beegsanayaan waxayna qabqabteen dad ka badan 500 qof oo goob qura la isugu keenay intooda badan, kuwaas oo si aan kala sooc lahayn loo qabanayay qofkii la arko . Dad galay Hoteello, kuwo guryahoodii hoosta ka xirtay iyo guryo maranba waa la galay waxaana bilowday farateysi iyo in qofkii la qabtaba wixii jeebka ugu jira laga qaato . Haddaba howlgalkaasi muxuu huwanaa? Qaar ka mid ah dadka ayaa ku fasiray in dowladdu ay awooddeeda ku tuseysay shacabka si ay meesha uga saarto hadallada kulul ee ka soo yeeraya kooxda ku shireysa Casmara isla markaasna loo arko in ciidamada dowladdu ay leeyihiin awood oo sidaasi dhoolatus loogu dhigay. Inkastoo dad badan la farateystay lagana qaatay Mobaylo iyo Lacag haddana inta badan dadkii la qabtay 90% waa la soo daayay, laakiin howlgalku si dhab ah ayuu uga weekday jihadii saxda ahayd waxaana uu afka saaray waddo qardo-jeex ah waayo qof la tuhmayo iyo qof aan la tuhmeyn waa loo sinaa oo isku si ayaa loo qabanayay, loona handadayay, sidoo kale xitaa qofkii aan dembi lagu heysan looma ogolayn in uu ganacsigiisa sii wadan karo, sidoo kalena lama arkayn cid ka badbaaday howlgalkaas oo gebi ahaanba suuqa saameeyay, markaa haddii howlgalku ujeeddadiisu ahaa in shalay mid taag daran iyo mid wax heysta aanay ganacsan haa howlgalku waa fulay oo saxar dhaqaaqa waa laga waayay gudihii Suuqa, mase aha wax ku cusub dadka ku ganacsada Suuqyada Muqdisho, waayo marar badan ayaa la arkay askarta oo ku jirta gudaha Suuqa iyo dadkii soo geli lahaa suuqa oo laga celinayo tiiyoo aan la arag goobo la fatashayo ama dad la qabanayo, markaas oo lagu fakari karo ma howl joogsi baa mise waa howlgal ciidan. Waxaan ahayn afar nin oo isku hal qol ku jiray markii shalay howlgalku bilowday, waxayna dantu nagu qasabtay in ilaa intii uu howlgalkaasi dhammaanayay abaarihii 3:00 galabnimo ee shalay aynu jilbaha garka ku heyno inagoo kuudadna qol aysan oolin wax googol ah marka laga reerbo alwaax ganacsi loogu talo galay oo qaarkeen milkiilihii Bakhaarkaasi shaxaad u soo doontay, qaar kalena ay salaan u soo mareen si ay meheradahooda uga sii aadaan, hase ahaatee nasiibdarro shaxaadna lama helin, meheradna lama furin, waxaana ku xareysnayn muddo qiyaastii 7 saacadood ku dhow qolkaas oo aan isku xirnay markii aan aragnay xabbad dhacaysa iyo dad yaacaya oo na soo galay si aan xabbadda ugu gabannana aan ku qasbanaanay in aan qolka hoos ka xiranno. Askarta oo muddo badan na hor taagnayd iyo inaga oo baqaynay waxa ay sababtay in qaar ka mid ah raggii aynu kuwada jirnay goobta ay dhul shamiindo ah baakado ku gogladeen kadibna ku gam’een. Waxyaabihii layaabka lahaa ee howlgalkaasi ka mid ahaa waxaa laga xusi karaa guryo laga maqnaa qaarkoodna laga qaxsay oo askartu ay garaaceen albaabadooda kadib markii laga furi waayay ay doonteen Jaranjar ay ku koraan iyagoo kuwo kale albaabkooda xabbado shaandho kaga dhigay markii laga furi waayay . Waxaa jiray rag naxariis leh sida aan maqlayay oo askarta ka mid ahaa kadib markii haween iyo carruur u ogolaaday inay waddada gudbaan oo go’doonka ay galeen ka baxaan hase ahaatee markii uu u tilmaamay waddo ay maraan ayaa waxyar kadib waxaa xabbad ku soo riday askari dhinaca kale ka joogay waddada oo kolba naxariis darnaa, kuwo kale insaannimada ayaa ka guurtay waxaana arkay iyagoo haween baaraya oo aan gacanta kala xishoonayn, waxayna tiri mid ka mid ah inta qeylisay 100-kaas Kun ayaan heystaa oo biil aan Ilmaha uga dhiganayo iyadoo codka dheereynaysa, hase ahaatee isagu wuxuu oranayay soo saar hubka aad waddid waxayna ku dhawaaqaysay hub ma wato ee waxaan wataa lacagtaas , ma ogi inuu ka qaaday lacagtaas laakiin rag badan oo markii howlgalku dhammaaday aan is wareysanay ayaa ii xaqiijiyey in lacago iyo Mobaylo u badbaadin, welibana rag kale oo aan aqaano ii sheegay in laga qaatay . Askartu isku mid ma ahayn, way jireen qaar aan waxba qaadanaynin, hase ahaatee kooxo labo labo iyo saddex saddex u socda oo askarta ka mid ahaa oo howlgalka dhinac uga leexday ayaa farateysiga koow ka ahaa , waxaana u maleeyay in koontarool la’aan xagga taliyeyaasha ciidanka ah ay taas sabab u ahayd, haddii aanay heshiis kula ahayn falka ay samaynayaan waxaa hubanti ah in Taliyaha ciidanku uu ogaan karo ugu yaraan marka uu qiyaaso goobta wax lagu dhacay iyo ciidanka goobtaasi ka howl galayay raga sheekadaasi fuliyey. Ma muuqato inuu jiro dabagal lagu koontaroolayo ciidamada howlgalka sameeya waxaana hadda qaati laga taagan yahay, howlgallada oo qofka maqla ay ku soo degdegeyso inaysan jirin hub iyo saanad la baarayo balse ay qaar ka mid ah askartu baarayaan jeebabka dadka. Xigasho
  15. Faahfaahin ku saabsan dhismaha Gole ay ku mideysan yihiin dhinacyada ku shiraya Casmara oo shalay lagu dhawaaqay iyo sida dhinacyadaasi u qeybsadeen xubnaha Golaha dhexe ee Isbaheysigaas Casmara - Shirka Casmara oo maraya gebogebo ayaa shalay looga dhawaaqay Gole loogu magac daray Golaha xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya, kaas oo yeelanaya Gole dhexe oo ka kooban 151 xubnood. Golahan oo ay ku mideysan yihiin dhinacyada ku shiraya magaalada Casmara ee dalka Eretreya ayaa waxa ay xubnaha Golaha dhexe ee Golahaasi yeelanayo u kala qeybsadeen sidatan: Maxkamadaha Islaamiga 68 xubnood Baarlamaanka xorta ah 40 xubnood Qurbojoogta 25 xubnood Ururada Bulshada rayidka 10 xubnood Siyaasiyiinta madaxa bannaan 8 xubnood Shirka ayaa shalay ansixiyey Axdiga Golahaas oo ka kooban 31 qodob kuwaas oo ay ka mid yihiin: Mabaadii'da iyo ujeeddooyinka Isbaheysiga Astaanta isbaheysiga Xarunta Isbaheysiga Luqadda Isbaheysiga Waxqabadka Isbaheysiga Sida ujeeddooyinkiisa uu u gaarayo Mabaa'diida Isbaheysiga Shuruucda Xubinnimada isbaheysiga Waayidda xubinnimada Shirweynaha iyo shaqadiisa Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Xulashada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Qaab dhismeedka Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Mas'uuliyadda iyo waajibaadka Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Fadhiyada Dhexe ee Isbaheysiga iyo go'aan qaadashada Doorashada Guddoomiyaha Isbaheysiga iyo kuxigeenkiisa Xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha Isbaheysiga Xilka iyo waajibaadka kuxigeenkiisa Xil waayidda guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa Xil waayidda guddoomiye kuxigeenka Xilka iyo waajibaadka Guddi hoosaadyada golaha dhexe ee isbaheysiga Guddiga Halganka iyo isbaheysiga Guddiga Garsoorka iyo anshaxa Guddiga Warfaafinta iyo wacyi gelinta Siyaasadda iyo xiriirka Caalamiga ah Arrimaha Maaliyadda Golaha Fulinta Xilka waajibaadka Golaha Guud Xoghayaha guud iyo kaaliyihiisa Xil waayidda xog hayaha guud Waajibaadka xogheyaasha xafiisyada fulinta, sida: Xoghayaha gaashaan dhigga iyo difaaca Xoghayaha siyaasadda iyo arrimaha dibadda Xoghayaha maaliyadda Xoghayaha arrimaha gudaha Xoghayaha warfaafinta iyo wacyi gelinta Xoghayaha arrimaha Bulshada Xoghayaha Arrimaha garsoorka Xoghayaha qorsheynta iyo tababarada Xoghayaha xiriirka samafalka Xafiiska Daba galka xabadgudubyada iyo dambiyada dagaal Qodobo ka mid ah xeer hoosaadka la ansixiyey ayaa weli la isku waafaqin qaabka erey bixinta ee loogu dhawaaqayo, gaar ahaan ereyga Jihaad oo dood adag ay ka dhalatay, kadib markii xubno badan soo jeediyeen in erey bixin kale loo adeegsado ereygaasi, waxaana dooddaasi soo dhex galay oo ka hadlay qaar ka mid ah Culimada shirka ka qeyb galaysa. Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa sheegay in aayadda Qur'aanka ee Kitaabka Allaah ku qoran ay tahay kutiba Caleykumul Qitaalu, sidoo kale aayad kale baa ku soo aroortay Jihaadka oo ah Wajaahiduu Fillaahi, wuxuuna Sheekh Janaqow sheegay in ereygaasi si waliba laga dhigi karo maadaama dagaalka uu yahay Dagaal. Ugu dambeyntii Guddi ayaa loo saaray, waxaana lagu ballamay in ay soo sameeyaan erey bixin, waxaana weli ilaa iyo iminka aanu guddiga soo gudbinin erey biixnta rasmiga ah ee la qaadanayo. Soomaaljecel
  16. Somali Congress for Liberation and Reconstitution Approves Constitution Asmara - 11 September 2007 – Following extensive discussions yesterday, participants of the Somali Congress for Liberation and Reconstitution approved a 30-article constitution that would serve to drive out the invading TPLF regime’s forces, the Congress spokesman told journalists. Stating that despite the forwarding of different views regarding concepts, strategies and tactics, Mr. Zekaria Mahmoud Abdu, Congress spokesman and former Information Minister, said that a common agreement was reached and that almost all issues have been resolved after in-depth discussions. He went on to explain that the remaining task is to hold an election for members of the Central Council, the Chairman and Secretary of the organization to be formed as a result of the Congress. Expressing satisfaction with the statement the Italian Deputy Foreign Minister issued yesterday in response to the on-going Congress in Asmara, in which he pointed out the miserable conditions that the Somali people are being exposed to due to the TPLF regime’s invasion, the Congress spokesman called on other countries to take a similar, positive step. Mr. Zekaria indicated that the Congress received a report of atrocious crimes committed against the civilian population in Mogadishu on the part of the invading forces. As part of such atrocities, the TPLF authorities have closed the main Bakara Market of Mogadishu, resorting to massive looting and exposing the population to hunger in the process, he added. Moreover, the spokesman stated that the Congress called on humanitarian organizations to extend urgent relief aid to the victims of the crimes being committed by the TPLF regime. Expressing deep regret with the silence of African leaders over the invasion of Somalia, Mr. Zekaria said that keeping silent when an African country commits open invasion against another African country encourages others to do the same. He also called for the change of location of the headquarters of the African Union from Addis Ababa, the capital of the country that has invaded Somalia in gross violation of the AU Charter principles.
  17. Buuxo, magaca Buuxo ma xumeyn, ee asagaa soo ceshan kartaa. Haddaa ka helina Dhuubo ka waran? Ama Biibto? Buubto? Shaxshaxleey? Shuufleey? Waxa ugu muhiimsan inay erey Soomaali ahaado magaca. Anigaba inaa iska badalo waaye magacaan ka kooban sadex erey Carabi oo aan 1999 alifay. Ka waran haddaan la baxo Daljirka Dahsoon?
  18. A typical Westerner who thinks Waqooyi Galbeed is only and limited to a few residents of Hargeysa. Another typically composed, non-informed, hastily-reached opinion article as I read it this morning on the local paper, the Toronto Star. I probably should have emailed him, and should have informed the current reality on the ground he deeply ignores or is ignorant of.
  19. You are quoting an article by the owner of right-wing, tabloid-like, pro-neo-con National Post paper? Of course, he is mad. He wants the funds extended to private Jewish schools as well. John Tory may support the public funding extended to private schools, however also know where he will get those funds from. Probably from those funds reserved for the healthcare or public schools. It is no brainer once the funds are extended to private schools, the public schools will suffer. Tory also wants to cut the Ontario health premium tax. Tory and his Tory, conservative party is no friend of the working-poor, new immigrants and other non-affluent people -- in a word, to Soomaalis.
  20. n Djibouti, an influential Somali businessman briefly arrested over financing the Islamic Courts was said to be weighing whether to back them again or turn to the government. Abukar Omar Adan, 72, supported the sharia courts' movement during their six-month rule of Mogadishu and most of south Somalia last year. He was detained in neighbouring Kenya after Ethiopian and Somali government troops drove out the courts at the New Year, scattering fighters and supporters. In February, Kenya dropped an immigration case against Adan without explanation, and this weekend he showed up in Djibouti where Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi flew in an effort to bring him back to his homeland. "He was not of the (Islamic) courts, he supported them morally and financially in the beginning," Adan's aide told Reuters by telephone from Djibouti. "But when they turned more destructive and uncompromising, he withdrew his support." He added: "If the courts still stand for good things, he will support them, and if the government changes its tune and stands for good things, he will support them." The aide said Adan, who ships commodities such as sugar and building materials to Somalia, would stay in Djibouti. "He's not going to Asmara, Addis Ababa or Mogadishu." Somalia's 9 million people have endured near-ceaseless instability since warlords toppled a military dictator in 1991. Reuters
  21. Eebboow amuuraha sahal. Soomaali rafaad iyo ibtilo weyn ayaa heysato meel walba ay ifka kaga suganyihiin waayadaan.
  22. Originally posted by SheekhaJacaylka: quote: Sept. 17, 2007 issue What is wrong with the date ??? It says "issue." Not referring to the current date. It is the upcoming publishing date, routinely used by the magazines and other periodic publications.
  23. "Alla sei" oraah Talyaani waaye miyaa ileen? Aniga midii aan aad ula yaabay waxee ahayd maalin 2001 sanadkii ahaa, oo kaligeey iska caajisay Axadna telefashinka ka socday filin la dhahaayo Life is Beautiful, oo Talyaani ahaa oo Oscar xataa helay. Filinkaas ayaan waxaa ka maqlay mid leh "awguuriyo, awguuriyo." Anigii yaab. Dhagaheey ayaan mooday inay wax kale maqleen. Dhagaheey ayaan u maleyn lahaa haddee ahaan lahayn meesha uu ka dhahaaye oo ahayd aroos. Waligeey isma lahayn ereygaas ayaa Afsoomaali ahayn. Buuxo, haye maxaa tiri inay "Janaay, Febraayo, Maarso ..." ahayd Afsoomaali yaah? Qaarkood Afsoomaali weyba u egyihiin, sida "Maarso, Maajo, Luulyo ..."