-
Content Count
17,484 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
311
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
What is next after the debacle in Sool
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to NASSIR's topic in Politics
Ps. Your symapthy with the people of Sool is never asked and your are free to hold your views but refrain from hypocritically mixing the two. Meel kulul ayee kaa taabatay my post, haye? Sool iyo Laascaanoodba midkood ma iga xigtid, waana deegaan Soomaaliyeed, waana Sayidka meeshuu halgankiis dheeraa ugu badneed. Then again maxaa laga weydiinaa ama la xasuusinaa meel uu Sayidka [Eebba naxariistiis iyo janadiis haka waraabiyee] ugu halgamay Soomaalinimo jiritaankeeda, in isla meeshaas maanta ka xigso isdhaho mid maanta Xabashi -- one of the enemies Sayidka fought hard against -- u adeegaayo. Tell me who will Sayidka maanta la halgami lahaa, oo ayna seeftiis ku dhici lahayd? Dowlad ku sheega Xabashi kaaraheeda u dul saaran? Ama kuwa xaq u dirirka iyo gobanimo doonka? You would have probably called his struggles against Xabashadda another xaafad, miyaa? Caalamka kulahaa. Xabashi Soomaali ku xasuuqaayo Soomaaliya [including Soomaali Galbeed], ku ciribtiraayo Soomaalinimo whenever it can get opportunity at, isla Xabashadaas aad u alaalaseysid only because naceyb loo qabo a certain clans and maxaa-iga-galay attitude since because dadka la xasuuqaayo are not from my fellow clans. Is that so? Is that how the thinking goes? Is that the prism you look from? Surely. Not from walaaltinimo. Not from Soomaalinimo. Not from Islaanimo. Xaasidnimo iyo maxaa iga galay. But unlike you, we are not going to say maxaa iga galay waxa ka dhacaayo in Laascaanood iyo xaqdaradda ka socoto. We stand rightfully whoever stands for Soomaalinimo and unity; we also condemn the disruption of peace of that deegaan. However, we -- especially I -- do not side with those with clanish agendas masqueraded as nationalist struggles. Not with those who weep or ragingly whose blood boils for clan reasons and not for Soomaali reasons. Not those who do not see the Xabashi grand scheme because wrongly they believe it advances their open clanish agendas, regardless how the Xabashi occupation destructs, massacres, pillages, plunders the country and Soomaali people. I will not call you hypocrite or whatnot since name-calling is not my fort, laakiin inconsistencies and the obvious self-contradicting messages iska yareey. -
Snoop Dogg a couple joint kasoo deenso hadduu marqaan saan kuu haayo.
-
Kulankii Baarlamaanka oo dib loo dhigay, Magaalada Baydhabo oo lacag fara badan gashay Iyadoo saaka lagu waday in Magaalada Baydhabo ka furmo fadhigii Baarlamaanka ee codka kalsoonada loo qaadi lahaa Xukuumadda Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, ayaa war soo baxay xilli dambe xalay ayaa waxaa uu sheegaya in fadhigii Baarlamaanka manta yeelan lahaa dib loo dhigay. Ilo wareed ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sheegaya in Guddoonka Baarlamaanka ay si rasmi ah u sheegeen in fadhigii manta dib loo dhigay ilaa iyo amar dambe. Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Baarlamaanka uu kulmo maalinta beri oo khamiis ah, waxaase dhici karta in fadhiga baarlamaanka uu noqdo toddobaadka nagu soo aadan. Dhinaca kale Lacago fara badan ayaa Magaalada la geeyay 24 saac aynu soo dhaafnay, iyadoo taageerayaasha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo kuwa Ra'iisal Wasaare Geeddi boorsooyinka kala furteen iyadoo Xildhibaan walba loo sheegayo Lacago codka lagu kala iibsanayo . Tixraac
-
Deeqdii caalamka malaayiinta Soomaaliyeed rafaadsan loogu tala galay intee ku baxdaa? Read on. ------------- Qiimihii ugu sareeyey oo lagu kala iibsanayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyadoo xildhibaanada Baarlamaanka ay maalmahan gooska dambe ay ka qoslayaan kadib markii la sheegay in ay si weyn uga faa’iideen is-haysiga u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Geedi, ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ka socda xodxodoshada iyo kulamada gaar gaarka ah ee lala leeyahay xildhibaanada Baarlamaanka, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in qiimihii ugu sareeyey uu haatan gaaray codka Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana dhinaca Madaxweynaha lagu waramay in xildhibaankiiba uu u gaaray ilaa iyo 8-kun oo Doolar, halka Ra’isul Wasaaraha la sheegay in uu marayo ilaa iyo 10-kun oo Doolar . “Hadba dhinaca faa’iidadu noogu jirto ayaanu u janjeersaneynaa” ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo sheegay in codkiisa uu siinayo hadba meesha kharash badan. Xigasho -------------- Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku Faraxsan waqtiga jiitamaya ee Khilaafka Yuusuf iyo Geeddi Mar aanu khadka isgaarsiinta kula xiriirnay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo diiday in magiciis la sheego ayaa waxa uu sheegay in khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG uu yahay mid ay faa’iido weyn ku qabaan Xildhibaanada Baarlamaanka. “Marba marka ka dambeysa oo uu waqtigu sii dheeraado, waxaan noo sii kordha qarashka” ayuu yiri xildhibaankaasi oo sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay taxadar ka muujinayaan lacagaha ay ka helayaan labada dhinac, qaarkood waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay helaan lacag aad u fara badan, waxayna eegayaan hadba meesha ay xildhibaanadu u janjeeraan. Xigasho
-
What is next after the debacle in Sool
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to NASSIR's topic in Politics
Ever wonder why the nationalist fervor is limited to a few neighborhoods in Mogadishu but not throughout the rest of the country? How interesting! Are you now asking yourself, though, why -- ah, never mind and let's just use your own quoted quote. Ever wonder why the "nationalist" fervor is now limited to a one divided small town in Sool, but not in throughout the rest of the country? How dubiously uninteresting. Then again, some would rather let their avowed, historical non-Soomaali Xabashi enemy than seeing another Soomaali set a foot in their clan land. It seems some cannot sleep these days because supposedly rival clan is in their town. If they had a tiny or an iota of this feeling for their own country -- Soomaaliya -- and for Soomaalinimo, they wouldn't have slept for weeks in late Diseembar and early Janaayo of this year when Xabashi, in a thousand years of vainly dreaming, finally set their Xabashi feet firmly on Xamar, our supposed capital and xudun. We certainly did not sleep well in those nightmarish days. Maanta Xabashi ku xaar xaareyso our capital and the rest of the country being a proxy. We cannot still digest this, not at least in our subconscious. What was obvious and is a lot more clearer today: They would rather allow [and cheer] a non-Soomaali, historical enemy into their land and occupy it than see another Soomaali [clan enemy] set a foot in their small town. It is despicably revolting. -
Originally posted by Dabshid: what abt UAE? Is Shooli still in Dubeey horta? I don't think half of those singers will show...Are you kidding me? Most of them if they are not getting paid, they ain't coming...Waa la arki doonaa...Sabti usba koodaase... Why not? They used to do this in early '90s for Bishacas and Laanqeyrtacas; I know this because I had watched videos from that time, oo iyagoo dhan kuwa kor ku xusan ku wada jiro, plus waliba ku jireen Khadra Daahir, Cabdi Dige, Sheegoow Band and the now defunct Guul Band.
-
War Khaalidoow, manooleedna? Xaalka iiga waran, widaayoow. Bash bash iyo barwaaqo iyo barbaar ii dheh. Yaaba ku arko. Saa u joogtid ayaa hal mar fud soo dhahee. Nafiis aaba ku dhaanto mar mar nasoo salaanto. Sugba aan cajalka fiiriyee.
-
Saas haddeeba tahay, anigana waa soo socdaa. Booska iiga baneey, Soomaali saas isku jecel waa yaraadeen labadaan bari. Wali qaboobga gobolkaas ma arki aa tiri, maskiin hee maadaama qaboowgooda yaa u adkeysan karo, balaayo qalafsan oo qalalsan waaye. Haye meeshaada Eebba ha kugu badbaadiyo. Haa, hooyo ayaa kuu duceysay, iridaha waa kuu furmeen, laakiin amaaba kii la sheegaaye camal noqotay oo markuu diyaaradda ka tagay iridii ugu horeysay markee isfurtay [yacni 'automatic' ahaan], ducadii hooyadiis soo xasuustay, oo sajuud galay asagoo mahadnaqaayo.
-
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in haddii aaney Xukuumadda Federaalka kalsooni weydiisan Baarlamaanka meesha lagu kala tegi doono Isniin, Oktoobar 22, 2007 - Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku goodiyay in haddii aaney Xukuumadda Federaalka kalsooni weydiisan Baarlamaanka ay Dowladda burburi doonto, isla markaana meesha lagu kala tegi doono. Xildhibaan Xaabsade waxaa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka uu ka dhamaaday waqtigii loo qabtay in ay ku soo diyaariso Dastuurka Federaalka, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay kalsooni weydiisato baarlamaanka. “Xildhibaannada qaarkood ayaa sheega in aaney jirin cid mooshin ka keentay Xukuumadda, waxaan leeyahay Axdiga KMG ah ayaa mooshin ka keenay Xukuumadda, waana in ay codka kalsoonida weydiisataa Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaan Xaabsade. Xildhibaanka ayaa dhawaan wuxuu ka sheegay Magaalada Baydhabo in uu ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Tiknikada iyo Ciidamada ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna aan Tikniko iyo Ciidamo wax lagu qaadi doonin. Xildhibaanka ma sheegin cidda ciidamo iyo Tikniko wax ku dooneysa ee ku xambaartay in uu farriintaas si dadban ugu diro. Sidoo kalena, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay 8 bilood ka hor aragtay qaladaad ay ku socotay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xiligaas oo ay iska casishay xil ay ka heysay Wasaaradda Warfaafinta, waxayna caddeysay in ay qabto in Xukuumadda Federaalka ay tahay in ay Kalsooni weydiisato Baarlamaanka bacdamaa sida ay tiri aysan waxba qaban mudadii ay jirtay. Xildhibaanadda oo sii hadleysay waxaa ay sheegtay in mar kasta oo la doonayo in Baarlamaanka hortiisa lagula xisaabtamo Xukuumadda ay soo baxaan Xildhibaanno sida ay tiri ku rafta Beelo iyo 4.5, iyadoo xustay in haddii qof meesha ku yimid afar beelood iyo bar uu meesha baneeyo ay beeshiisa booska soo buuxineyso, hayeeshee aysan arrintu ahayn in qofkaas weligiis iska joogo. Xigasho --------------- Wuxuu u qeylinaayo jagadaas -- "madaxweyne goboleedka" -- aan jirin ayuuba aaminsanyahay inay usoo socoto. Ar muxuu riyoonoyaa.
-
Originally posted by Mslm: Red Sea: Isn't this the Xaabsade from Sool? This is an old warlord, oo la dhaho Max'ed Ibraahim Xaabsade; the other, a newcomer to the warlordism, is Axmed Cabdi Xaabsade. I don't know Ayuub wuxuu arkay, maba isku eko, ka ahayn garkooda wada cad iyo bidaartooda. Max'ed Ibraahim Xaabsade Axmed Cabdi Xaabsade
-
Our friend Baddacase used to be a qunyarsocod. Laakiinse suu ugu soo noqday Soomaaliya, ninkii waa isa soo badalay? Waraa Badda, see camaleeto. Maxaa laguugu soo siiyeen goofkaas? Saar maa lagu soo saaray? Waxaan caano gaal soo cabid ka badan waayee.
-
Originally posted by Kool_Kat: ^^Alla maxaa isku camirtay...Reer South ka weyku gaabiyaan kuyeh...Sheeko... War ani waxaan ka waday, reer northka uunsi fiican ee sameyaan, not iney nooga fiican yihiin shidashadiisa... Adigaa banooniga u salaxday qof awalba ficil raadis ahaa. Maanta ayaaba minanka naloola yimid, la dhahoyaa Reer Koonfur oo malaayiin qof ka kooban inay ka ur badanyihiin, oo ka shiir badanyihiin kuwa kale. Awal ayee Soomaali dhaheen geel indhakuul maxaas ka kasaa. Ka waran kan malmalka ismariyo? Mise maba la iska warqabo?
-
Xuubsireed is Balling Big Time
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Libaax-Sankataabte's topic in Politics
Soomaalida qaarkood waa shameless, wax walba ugu sareeya qabiilkooda "alle" ka dhigteen, oo ay caabudaan. Maxee kasoo dhaweysanayaan ninkaan maalin walba aflagaada, caay iyo afxumo usoo taagnaa? Eebboow xishoodka ha naga qaadin. Fuleynimo iyo dhaawacii yaraa soo gaaray ayuu Xamar naftiis ugula soo cararay. Fuleygaa taacun maxaa dhahaa. -
Aawey kuwii lahaa muufo waligeena ma arkin, oo ma cunin? There you go, the first picture. Lazygirl, Xamdi si fiican u dacaayadeey, oo dhulka ku jiid jiid, oo haddaa rabtid xataa fiiq fiiq, shuqulkeey ma'aha. Share aa ku leedahay kulahaa. I like Xamdi because the services and food it provides, this coming from a guy who practically tasted what every Soomaali restaurant provided in Koronto the last seven years, a dozen restaurants: From the now closed ones of Mahad [located at Dundas and Scarlett area] to Wagad [Weston/Lawrence] to Iimaan [Weston/Lawrence] and others aan magacyadooda xasuusan to now still operating Banaadir, Xamarweyne, Alcuruba, Afgooye, Karuur and the ones at downtown. About Xamdi, once a while ayaaba tagaa, oo meel aan ku badanahay maba aha. Too much buuqa by always being busy ku nacay, especially with non-Soomaalis.
-
Xasan Aadan Samatar, C/qaadir Jubba, Dalays iyo Fannaaniin kale oo Hobolada Waaberi ka tirsanaan jireen iyo kuwa cusub oo Lacag u ururinaya dadka ku dhibaataysan Soomaaliya Dhawr Fannaaniin ah oo magaca ku leh Bulshada Soomaaliyed haatana ku nool dibadda ayaa markii ugu horeysay waxay ka qeyb qaadanayaan taageerada loo fidinayo dadka Soomaaliyed ee dhibaatada ku haysata gudaha Soomaaliya. Fannaaniintan oo uu ka mid yahay Hobolka Soomaalida ugu heesaha badan Xasan Aadan Samatar, waxaa la aaminsan yahay inuu fannaankan iyo kooxda la socota wax badan ka caawin karaan dadka Soomaaliyed ee dhibaatada ku haysata Soomaaliya,iyagoo soo bandhigaya rawaayado goos goos ah waxay lacagtii ka soo gasha ku caawin doonaan Soomaalida dhibaataysan. Al-Fannaan Xasan Aadan Samatar, waxaa uu soomaaliya ku leeyahay Sumcad ballaaran oo dhinaca Fanka, aad baa loo tixgeliyaa, dadka ka faalooda arrimaha Fanka ee Soomaaliya waxay fannaankan codka Miisaanka leh ku tilmaamayaan inuu yahay kan ugu heesaha badan qaada Soomaaliya marka la baaray Fannaaniinta Soomaaliyed mid walba heesaha uu qaado. Hobalada reer Toronto oo dhan ayaa soo bandhigi doono fan goos goos ah oo ay u dhanyihiin, Samatar, Dalays, Nakruma, Jubba, Al-Khaliji, Saynab, Lula, iyo fanaanin fara badan oo hidaha iyo dhaqanka. Waxaa ka mid ah heesaha ay qaadi doonaan kuwa wadaniga iyo jacayl, majaajilo, gabayo, iyo ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka (Kabeebay, Saylici, Dhanto, Beeray iyo kuwa badan). Qiimaha Fankaas lagu daawan doona ayaa waxay tahay Lacag dhan -$30.00 Waa gorma: Sabti October 27, 2007 Sacadda: 6:00 PM - 2:00 AM Waa halkee: North Albion CI, 2580 Kipling Avenue, Toronto, Ontario Sida la sheegay dhamaan wixii Lacag ah oo Rawaayadahan ka soo gala waxay ugu deeqi doonaan dadka Soomaaliyed ee dhibaatada haysata, waxaana habeenkaas la filayaa in Gabadha caanka ah Dalays, qaadi doonto heesteeda caanka ah ANII LUNDHAWAAYE ABUURSHE LAHAA. Xigasho
-
Aad bee ugu mahadsanyihiin fanaaniinta hoos ku qoran, oo isku xilsaaray inay u gargaaraan walaalahooda ku dhibaateysan dalkeena hooyo. The fanaaniin certainly waaka gaabsadeen lately about helping their misfortunate and destitute brothers and sisters in dalkeena, unlike how they were in early '90s. Xaflad loogu gargaarayo Soomaalida tabaaleysan ee dalka Soomaaliya Waa xaflad aad loo soo diyarshay oo loogu tabarucayo dadka Somaliyeed ee dhibataysan. Hobalada reer Toronto oo dhan ayaa soo bandhigi doono goos goos ay u dhanyihiin. Xasan Aaden Samatar Dalays Nakruuma C/qaadir Jubba C/jibaar Alkhaliiji Seynab Labadhagax Luula Liima C/llaahi Boqol Liibaan Caliyoos Biikolo Caruus Iyo fanaaniin fara badan oo hidaha iyo dhaqanka. Waxaa ka mid ah heeso wadani iyo jacayl, majaajilo, gabayo, iyo ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka (Kabeebay, Saylici, Dhaanto, Beeraay iyo kuwa badan). Ha u dayma la’aanin qima waa $30.00. Waa goorma: Sabti October 27, 2007 Saacadda: 6:00 PM - 2:00 AM Waa halkee: North Albion CI 2580 Kipling Avenue, Toronto, Ontario Faah faahin dheeraad: (647)-436-1827 ama (647)-338-6215
-
Maxaa jirina Laascaanood inaa kusoo damaashaadeysid aan moodee? "Xuduudkii" masoo fiirineysid adoo calankaaga jiideysid, see camalna. Mise saas aa fuley u tahay, u naf jeceshahay.
-
I am not following some long departed shisheeye white man did to my land. You are. In fact, you are advocating and cheerfully want to shed innocent Soomaali blood for it. I am not following that dead man's unsolicited xariijin because I do believe in Soomaaliweyn, are you? How dare can he come to my land, divide and separate into many colonized colonies when he, in fact, tries everything under his trick to keep united in his old island called "United Kingdom." Should he have xariijin and caleemasaar anywhere, it should have been the boundary between Northern Ireland, Wales and Scotland. He annexed those lands under some bogus laws and has yet to give up. Same with Talyaaniga, where the political word 'irredentism' originated from -- from Italia irredenta. When they were in fact colonizing my land, they were advocated the complete unity -- be it force or not -- of their land, Talyaaniga. First read their history before you believe and practice their crap. Our awoowiyaal and aaboyaal struggled [some massacred with air bombardment] to undone what they did, intaa meeshaas kasii wadi lahayn ayaa gadaal u socotaa.
-
Waxaan damaashaad ma'ahee tartiibso. Mar horaa kuu sheegay do not read those wacky sites, lest they unexpectedly make you a one. Degmo la kala qabsaday tan ma ugu horeynin, ee tartiibso mar labaad, igaarka. Dhiiga Soomaaliyeed meesha ku daadan doono, oo soo socdo ayaa ka naxsanahay because some cockamamie old white man meel uu xariijiye and said this is my "international" border. Believing this crap and even more worse, shedding unnecassary innocent Soomaali blood for this, a hundred years and more after the fact and when, in fact, our aabooyin and awoowiyaal, in their wisdom, eradicated once and for all that ludicrous divided calaamad set by a long gone white man from another continent. All this in maanta loo noqdo. It is just pathetically ridiculous and if it was not so tragic, bordering beyond farce.
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo oo cabasho ka muujiyay ciidamadda Nabadsugidda Baydhabo oo dadka ka wata goobaha fadhi ku diriryada Khamiis, October 18, 2007 - Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Ciidamada Nabadsugidda ee Magaalada Baydhabo oo ay ku sheegeen in ay Dadka isaga qab qabtaan Goobaha fadhi kudirirka iyo sidoo kale goobaha lagu kulmo. Sidoo kale waxa ay sheegeen Shacabka ku dhaqan Baydhabo in Ciidamada Nabadsugida ay inta badan iska kaxeystaan dad aanu waxba ka gelin waxa ay ku tuhmayaan dadka ay xilliyadaasi baadogoobka ugu jiraan. Waxay sababtay arrintani in inta badan Shacabka ay kala cararaan marka ay ku arkaan Magaalada Baydhabo qof ay uga shakiyaan in uu katirsan yahay Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Federaalka. Cabashadani ayaa waxa ay soo baxday kadib markii Dad aad u fara badan oo kudhaqan Magaalada Baydhabo laga qab qabtay goboobaha fadhi kudirirka kuwaasi oo illaa iyo iminka aanan la ogeyn halka ay ku dambeeyaan. Dhinaca kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Dhinaca Ciidamada Nabadsugidda ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo ay kaga hadlayaan Cabashadani ay Shacabka Reer Baydhabo kasoo gudbiyeen Ciidamada Nabadsugidda. Xigasho
-
The most beautiful buraanbur
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Originally posted by Nephthys: Isku dhiig ma nihin malaha. Waxba dhiiga ima kicin. Islaantu waa pro Yeey. Waxay u dan lahayd, wadaadada. Qayladeeda horay ha ii dhaafto. Labadaan bari accusationka aad jeebkaaga kasoo baxsatay xee tahay? Kan Barawaani waaye, Soomaali ma'aha [as though Reer Baraawe Soomaali ahayn]; heblaayo C/llaahi Yuusuf ayee la safantahay. Ma caddeyn aanan anaga ogeyn ayaa heysaa mise iska dheh dheh waaye? What we have here is her buraanbur, and if one interprets, it actually against anything C/llaahi Yuusuf and his lackey xulafadiis stand for. The following verses can clearly show it: "Haddaan qiimeeno nimanka hadeer qabsaday Qabuuro iney badshaan qasadkooda yahay Qabiila hoggaamintii qaranima u qabo" Anyway, this buraanbur, it seems, in la duubay sometime in 2005, a bit before wadaadadda aad leedahay ay ugu dan leedahay soo shaac baxeen. It is against the then warlords marauding the country, including, yes, C/laahi Yuusuf. -
Sanad kahor ayaan fiirsaday, oo xaadda aad ii kacday. Qof walba oo Soomaali buraanburkaan dhageysto ama fiirsado oo aanan xaadda kicin damiir Soomaaliyeed kuma jirto marka. Mar labaad aan caawa fiirsaday, isla sidii ayee xaadda ii kacday. Eebboow. Inta ka buraanburka. Buraanburkaan waa in la duubaa, la daabacaa, oo meel alle Soomaali degto lagu faafiyaa. Maxaa diideen, maxaa dalkeeni dayacay Maxaa dooneyseen waa idinka cidlada dagay Damiir xumadiina qarankii ka dhigay daleel Haddaa dal shisheeye joogtaan damiir la'aan Oo aad ku doodaan nabad baan u nahay diyaar Misane diidaan waxii daawi dhali lahaaa War yaa dabibaaya qarankaan dugaaga helay Qaranka Soomaali dad badan baa qabriga u galay Rag baa qaadan waayey gumeysiga quursigii Rag baa ka qawaafay asagaa qabaan u noqo Rag baa soo qaaday calankeena qaaliga ah Rag baa qalin dahaba taariiqda loogu qoray Haddaan qiimeeno nimanka hadeer qabsaday Qabuuro iney badshaan qasadkooda yahay Qabiila hoggaamintii qaranima u qabo Haddeyna qashoocin towxiidka aysen qirin Amase qoomaameynin qaladkii horey galeen Qamuuska adduunka maxaa loogu qorayaa
-
Popular Contributors