Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,572
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    318

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Dooro aa? Maan, sheekooyinkaa qori jiray aan la yaabanahay.
  2. Ar qeybtaan shimee igu dambeysay. Saan lee ahaa iga dheh, maraxnimo 101.
  3. Maan, saan maa marax u ahaan jiray. Shuud. Caawa meeshaan aa parking dhigtay, sugaba aan soo qufee wixii maraxa ahaa aan qori jiray.
  4. Inta aqri. Aah, iska dhaaf, aan soo guuriyo iyada dhan shactiradaas. ---------- Xariifkoo kalaa turjumaan ahaa. Dhaqtar uu u turjumi jirey. Maalintoo aa habar xanuunsan u imaatay. Saan ay ku dhahday kii turjumaayi, "Maandoow, u sheeg in waraaboow igu dhacayee." Xariifkii aa soo booday, translating for the doctor, "She said she was bitten by a hyena." That can roughly translated back in Afsoomaali as "Waxee i leedahay waxaa i qaniiney dhurwaa." :eek: Duqdii 21 cirbadood oo loogu tala galay dadka qaniino eyga qabo cudurka raabiyada aa jirkeeda eber loogu dhigay. Maskiin.
  5. Kumanaan kun oo Soomaali ah oo ku hor banaanbaxay xafiiska raisul wasaaraha Ingiriiska Banaanbixii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeeda xusuuqa & gumaadka ciidamada gumeysiga Itoobiya ay ka wadaan gobolo ka mid ah Soomaaliya oo ay magaalada Muqdisho ku jirto ayaa maanta lagu qabtay guriga raisul wasaaraha Ingiriiska Golden Brown ee ku yaal wadddada downining street ee bartamaha London, waxaana dadkii banaanbaxaasi ka qeybgalay oo u badnaa hooyooyin, dhalinyaro rag & dumar isugu jira, siyaasiyiin, oday dhaqmeedyo, aqoonyahano, ganacsato, cuqaal & waxgarad kala duwan ay ku muujinayeen sida ay uga gilgilanayaan xusuuqo & barokaca aan loo aabo yeelin ee ay magaalada Muqdisho ka geysanaan ciidamada Itoobiya. Dadka banaanbaxayey oo aad u qiireysnaa, ayaa ku qeylinayey hal ku dhigyo ay ka mid yihiin Itoobiya ha ka baxdo dalkeena, Mareykanka waxey doonayaan in ay Soomaaliya u gacma duubaan Itoobiya" "Dowladda Ingiriiska waa in ay muujisaa mowifkeeda ku aadan gumaadka shacabka Muqdisho" iyo hal ku dhigyo kale. Cabdalla Nairobi oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay banaanbaxa ayaa sheegay in banaanbaxa maanta dhacay uu mid aad ugu ballaarnaa banaanbaxyadii ay horay u abaabuleen, uuna ku dhammaaday sidii loogu talogalay, shacabkii ka qeybgalayna ay si weyn uga dhiidhiinayeen xusuuqa Muqdisho Itoobiya nama cawaansan laheyn oo caruurteena & hooyooyinkeena ma layn laheyn ee waxaa noo soo horkacay kuwo camiil ah oo doonaya in ay dalkii iibsadaan, laakiin waxey dalka ka carari doonaan iyagoo guuldarro badan qaba oo fashilmay, shacabka Muqdisho-na waa inuu garab istaagaa halgamayaasha xaq u dirirka ah, lana sabro" ayuu yiri Cabdalla Nairobi, wuxuuna xusay in ay diyaar la yihiin in ay wax walba u huraan sidii dalka looga xoreyn lahaa gumeysiga Itoobiya. Xigasho ----------- Banaanbaxa Sabtidii ayuu dhacay.
  6. DIBADBAX BALAARAN OO AY KU MUUJINAYEEN DAREEnKOODA JAALIYADA SOOMAALIYED EE DAGAN DALKA IRELAND, KAAS OO AY UGA SOO HORJEEDAN FARAGALINTA QAAWAN EE AY ITOOBIYA OO AY DABADA KA RIIXAYSO DAWLADDA MARAYKANKU Waxaa Sabtidii [Diseember 01] barqanimadii ka bilowdey Xarunta wadanka Ireland ee Dublin, isu soo bax balaaran oo ay ku mujinayen Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Ireland Shacuurtooda ku aadan "xasuqa dadban iyo kan tooska ah ee ay ku hayan Dawladaha Itoobiya iyo Mareykanka", kaas oo aan lookala abaa yelin Bulshada somaliyed ee lagu barakiciyey magaalada Muqdisho iyo nawaxigeeda. Dadka bannaanbaxayey waxay socod dheer ku soo mareen Safarada Maraykanka iyo tan Itoobiya, ugu danbayntiina ku soo aruureen aqalka Barlamanka halkaas oo ay wax garadka jaliyada Soomaaliyeed ee reer Ireland kula hadleen ayna ku soo bandhigeen khudbado xambarsanaa Qiiro iyo wadanino. Dadwaynahaan oo ruxayey tabeelayaal ay ku xardhanyihiin sawirda hogamiyayasha sadexda dowladood iyo halku dhigyo ay ka mid ahaayen "ha dhaco Bush Iyo Sanawi iyo dabadhilifyada u shaqeeya, ha naga baxdo Itoobiya Dalka Soomaaliya si sharuud la'an ah hada." Waxay gudigii soo qaban qabiyey banaanbaxaan u gudbiyeen waraaqo ku saababsan cabashadooda baarlamaanka dalkan Ireland iyo Safaarada Mareykanka. Waxaa kale oo dadkii soo abaabuley mudaaharadka u qaybiyen farimo ay ku mujinayeen dhibaatada Itoobiya ay ku hayso Shacabka Soomaaliyeed. Banaanbaxaan ayaa ugu dambeyntii ku soo gaba gaboobay si guul ah. Xigasho ---------- Reer Ayrlaan waa mahadsantihiin, daljecelnimada iyo Soomaalinimada aa muujiseen.
  7. Maxaa waaye saan ciyoow u quusaneysid? Eebbahaaga iyo dadkaagaba laga quusado, duqa. Quusasho iyo quursi ayaa ugu xun ifkaan. Labadaasba dadkaaga ha u qaadin. Waligaa haka quusan dadkaaga. Teeda kalena saan laguma jiraayo fiinaa iyo wiita. Waa laga baxaa marxaladaan adag. Dal iyo dad walbana wey soo martay, anaga teena xili cusub kusoo toostay. ---------- Somali race in everywhere maalmahan "Soomaali race?" Minii la yaabo, macbuudka iga dheh. War si walba iskugu dhib, Waqooyi Galbeed is part and parcel of Soomaaliya. Wax walba iska dhaadhici. And if you are stil wondering, there is no such thing called "Soomaali race." Soomaali waa ethnic group, ee isir laga wado. Race midkii madoowaa, indhayaraa iyo caddaa la isku heystaa in uu jiro iyo in kale, adigana Soomaali meel ugu raadinee because of gobol Soomaaliya ka mid ah in la aqoonsado.
  8. Saas aa lagaa rabaa abaayadiis. There are some few youngsters on this site who might not even remember how Soomaaliya was or never set a foot, and yet who still have this positive view of Soomaalis and Soomaaliya. Our Nomad sister is one them, others Daa'uud Samaale and Buuxo. Keep the good cause and work, sister.
  9. Kuusha, adiga afarta isla taagan ma taqaanaa horta? Magool iyo Hibo Nuura waa kaseysaa koley, ee labada kale dhexdooda u dhaxeeyo sheeg wir. Caan ee ahayeen, oo hoballada Waaberi kula jiri jiray.
  10. Originally posted by nuune: ^^^ You are wrong sxb, it is Muxumed Amiin , check your sources. That video was from shirkii dib u heshisiinta Soomaaliya in Addis Ababa in 1993 right after qixii. Nuune, bililiqadii heer maanta waxee mareysaa xataa suugaantii la isku bililiqeysto. Xishood ma jiro. Heestaan oo caanka ah, Soomaali dhan wada taqaano, haddana in la bililiqeysto la rabaa, because of tolnimo or whatnot. Adisababa inay meesha tahay waa ogaa, but ma rabin inaa sheego because it is shame, heesta meesha lagu qaadaayo iyo heesta daljecelnimada see u tahay. Laakin waagaas Sanaawi hawla kale uu ku mashquulsanaa, oo Soomaaliya dhex dhexaad ka ahaa afaaraheeda. Many say shirkaas ayuu ku ogaaday some Soomaalis' true mentality, inay qabyaalad qurunkeeda caabudaan. MMA and Nuune, you guys are both wrong. Gacaliye Ayaa Heestaas alifey. I know this for fact. Ariirka, a simple google could have helped you, nonetheless here are the sources: I and II. The first source is on aftahan.org, a site dedicated to Soomaali literature.
  11. The Samatar brothers -- Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Axmed Ismaaciil Samatar -- maalin maalintee ahaataba loogu abaalgudi doonaa, abaalmarina loogu dari doonaa sidee Soomaalinimodooda ugu istaageen wax u qabadka dalkooda iyo dadkooda. ------------ Samatar appears on PBS' NewsHour Ahmed Samatar, dean of the Institute for Global Citizenship, appeared on PBS' "NewsHour with Jim Lehrer" Monday night. Accompanied by Stephen Morrison, director of the Africa program at the Center for Strategic and International Studies, Samatar answered questions on the crisis in Somalia and the response of the international community. NewsHour correspondent Jeffrey Brown asked Samatar if he believed that the rise in the number of displaced people was directly related to the civil war and the fighting. "There's no question that nearly a million people now are displaced internally," he responded. "And this is directly a consequence of the resistance to the Ethiopian occupation and the incompetence and the illegitimacy of the transitional federal government." The international community, Samatar said, can respond to the crisis primarily by ensuring humanitarian workers access to the hundreds of thousands now displaced. He also called for the removal of Ethiopian troops, the replacement of the transitional government with a neutral international African group, and outside financial support for the rebuilding phase. "It's very important that we begin to find a way to get [the Ethiopians] to disengage," Morrison said later in the segment. "I think the U.S. has a very important role in this," he said. "On the humanitarian side, the U.S. is putting about $90 million a year into Somalia, about half the current flow." "The U.S. could step up its political engagement directly and through the Security Council," he added as the segment ended. The Macalester Weekly
  12. Waa wareey, qofaa xanaaqday, diraceeda dhigatay xataa. Hayeey.
  13. Legends hees daljecel oo qiiro iyo qaayo leh. Heesta ay ku luuqeyso boqoradii iyo feynuustii fanka ee Faadumo Qaasin Hilowle, ereyadii Cabdi Muxumed Amiin. Fanaaniinta ugu caansan ayaa la qaadaayo Faadumo Qaasin, kamid ah Xasan Aaden Samatar, Xaliimo Khaliif Magool, Axmed Naaji, Hibo Nuura, C/qaadir Jubba... Seeing them getting too emotional [who won't?], especially Magool, who silently weeps. Oh. Eebba ha u naxariisto Magool -- aamiin. ------------- Dushaadu waa barwaaqee, dalkeygoow Dabeeshaadu wey udgoontahee, dalkeygoow Dalxiis kaagama imaaninee, dalkeygoow Meel aan kugu doorsanaayaa Miyey dunidaba ku taalaa, dalkeygoow In aan dibadaha wareego In aan dawarsado shisheeyaha ... Markii nabad la isku diiday, dalkeygoow Duqowdii la dhaafi waaye, dalkeygoow ... ----------- I couldn't finish completely the other lines, qaxooti yo duul duul wareeg ku saabsan. If you can add and complete the missed lines, ku dar, baliis.
  14. Hooyadeey Afingiriis kuma hadasho, aabaheyna kuma hadlo. Awoowyaasheey iyo ayeeyaasheeyna kumad hali jirin, af la igu soo koriyana ma'aha. Marka maxaa keenaayo wiswiska iyo wax kale haddii la gooy gooye afkaan, abaayadiis. See camal hee. Wah. Aniga kuwaa dhibsado, aanan ka helin, oo walina aan la socon, meel ay joogaana aan u dhawaan waa kuwa ka faantamo, iskala weyn afkooda hooyo, oo ay isir iyo ab u leeyihiin. Kuwaas waxaa ugu daran iyagoo weyn shaley imaaday, inay afkooda kibir ahaan isku iloowsiiyaan, oo Ingiriis qaabdaran inay kugu dhago hadlaan, adigoo rabin. Kuwa kalena waa kuwa Afsoomaaliga aad u daran qora, oo afkeena hodan dhulka dhigay foolxumo daradiis qoraalkooda, aanana isku deyin inay isa saxaan siday afafka shisheeye iskugu saxaan ama iskugu adkeyaan. Labadaas koox wax ka qaldan ayaan fiirin karin aniga, lamana i tuso. Kuwaas haddaa wax ka sheegi lahayd, aad iyo aad kuugu raaci lahaa.
  15. Waraada habeen wanaagsan. Reer Kanada caadi ee la tahay waxaan, laakiin dadka straight from miyi ka yimid aa aqrisanaayo, inay gacmaha hal il saartaan, isha kalena ku aqristaan ma rabno nooh. Ar nabadeey, habeen wacan.
  16. Dadka markee cibaadeysan lahayeen asagana caadi la tahay. Horta ma walwalo miyaa, waqtiguu tusbax iyo cibaadada badsan lahaa uu dagaal, qaxar iyo ummaddii Soomaaliyeed dhibo usoo taaganyahay. Sideedankii wuu dhaafay, oo sagaashinkii wax yar ugu dhiman da'diisa runta ah.
  17. Karbuuno, karbuuno iyo tooshka aa iga daba wadid maxaa waaye. Yareey, adigoo dhalan aa "rigoore" ciyaari jiray aniga, goolashana afar afar u dhalin jiray. No need for toosh, mugdi walaa iftiin goolka si salxan loo dhalin jiray. Macaleesh. Tuujka, waraa sariirtii maa dhagax baraf ku noqotay?
  18. Waraa Tuujka adigana xaa kusoo jeediye. Maan, Reer Kanada lee sidii cirfiid camal usoo jeedaan, maraxiinta.
  19. You are right. Sax. Naag xaa ii geynaayo anoo u jeedo gabar, waliba "bikro" ah. Xagxagasho kulahaa, waala isfiiqfiiqaa waliba. Yac, yareey, mahaan jiil aa ka buuxo haka shiixsiin.
  20. "Bikro" maxaa la dhahaana, aniga ma qaangaarinee. War barbaar soo koreyso aa ku jirto meesha ee noo micneeya waxyaabahaan qaarkood. Bakar lee maqli jiree, bikro maa soo baxday. Magac miyaana? Abuubikro?
  21. Originally posted by Kool_Kat: ^Xaanka ogahay hee, too aan saxib nahay aa intee wiil is barteen wexey itiri 'naa casoo qudhxoon baan bartay?'...Wiilkana wuu cadaa dee... Adi ma caddahay horta? Mise say gaduudeey maa tahay, to go with this thread's flow?