-
Content Count
17,645 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Mid dhintay maa jiro? Oh, keena cagaarnaa waaye miyaa. Sad. Laakiinse sida laguu soo dhaweynaayo ku dileyso markaa tagtid meelahee joogaan kuwaas buufiska ku dhacay, dhoofdoonka ah. Qisadii igu darnayd waxee ahayd mid ii soo dhiibtay sawiradeeda. Maxaa ku sameynaa ku dhahay. Waxee i tiri ku jawaabtayna iska qaad, meelahaas iyo dalalkaas aad sii mareysid Galbeedka ku naadi, oo ay ula jeeday Londonta aan sii maraaye iyo Kanada aan kusoo noqonaaye. Waxaasaa free advertisement la dhahaa. Tag Nayroobi, tag Dubeey, waa wada saas. Baasaboor shisheeye maxee moodeen in uu qiimo weyn leeyahay.
-
Arful Leyl waa Leyl intee laga helaa noo sheeg. Mise was it Alif Leyl waa Leyl?. Taas noo keen, Sharkaan Sharkuun iyo Cali Baaba ku jiraanee.
-
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar, when you say wrong with listening to music here and there, what do you mean? Didnt Aaliyah mention that it is haraam and dont you think that is at least something you should consider? Yaa yiri musik dhan ayaa wada xaaraan ah? Ma daliil ayaa heysaa Quraanka ku qoran? Of course, we are not talking about Rolling Stones or whatnot, which definitely is xaaraan-like. For your information, some neowadaad isku sheegs also consider buraanbur to be xaaraan these days. Adduunkii la wareeray.
-
Xisbiga UDUB oo Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ku eedeeyay in uu sawir aan wacneyd ka bixiyay Somaliland Gudoomiyaha Siyaasadda ee xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, ayaa ku eedeeyay Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, inay sawir aan wacnayn ka bixiyeen Somaliland markii ay kulanka la lahaayeen Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka u qaabilsan Afrika Jendayi Frazer. Cumar Jaamac, oo maanta warsaxaafadeed Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay ayuu kaga hadlay kulankii dhex maray Jendayi Frazer iyo Xisbiyada, waxana uu KULMIYE ku eedeeyay inay mugdi geliyeen in doorashooyinkii Golayaasha deegaanka iyo madaxtooyadu ay ka qabsoomayaan dalka. Warsaxaafadeedkaas ayaa qayb ka mid ahi waxay u dhignayd sidan: “Sida aynu la wada soconno waxa booqosho ku timid dalka Somaliland 03/02/08, Wasiirka Africa u qaabilsan dawladda Maraykanka (Assistant Secretary of state for African Affairs) Dr Jendayi Frazer. Waxay ahayd fursad aad u qaali ah in Wasiir ka socda dawladda Maraykanku yimaado dalka Somaliland iyadoo ka jawabaysa martiqaadkii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u fidiyey dhowaan markay isku arkeen wadankaeeda,si ay aragto xaalada dhabta ah ee ka jirta dalka. Jandayi waxay la kulantay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka xubno ka socda golaha Wasiirada, Xisbiyada dalka. Waxan halkan kaga hadlayaa wada hadalkii ay Xisbiyadu la yeesheen iyo farriinta aanu u gudbinay wefdiga. Waxa qof kasta oo muwaadin ahi filayaa in xisbiyadu ay u tartamayaan sidii Somaliland u noqon lahayd qaran madax bannaan oo beesha caalamka ka mid noqda. Waxay ahayd in wefdiga loo muujiyo sida aynu uga midaysan nahay qadiyada Somaliland iyo aqoonsigeeda iyo in muxaafid iyo mucaaridba si u wada iibgeeyaan sidii dalkeenu aqoonsi u heli lahaa. Waxan aad uga xumahay inaan maanta xuso in Xisbiga Kulmiye kala hadlay wefdiga markiiba arrimihii gudaheena ahaa ee aanu hore ugu murmi jirey. Waxa xisbigu markiiba hadalkiisa ku bilaabay: In aan dawladdu ku dhaqmin miisaaniyadii sanadkii hore oo khilaaf ka jirey In Xukuumaddu is hortaagto sharciyada ka soo baxa golaha wakiilada In lagu tunto xuquuqul insaanka In si sharci darro ah loo xidhxidho saxaafada In si sharci darro ah loo xidhay qoladii Qaran In xukuumadu ka dhigtay suuqi ganacsiga mid cid gaar ah u xidhan (monopoly). In doorashada ay ka qabaan dareen ah inaanay qabsoomi doonin. Madaxweynuhu markuu soo noqday waxba nooma sheegin ee fadlan noo sheeg waxii uu idin kala hadlay Doodahaasi oo dhammi waxay sawir aan wanaagsanayn ka bixinayaan Somaliland oo macnaheedu tahay yaan lana aqoonsan wax badan ayaa naga xune. Ma xusin waxa badan ee wanaagsan ee Somaliland u qabsoomay haba-yaraatee. Bal dadka reer Somaliland ayaan u dhaafayaa waxii ay ka codsan lahaayeen iyo sida ay u kala horreysiin lahaayeen baahiyahooda. Iyadoo dawladdii adduunka ugu awooda weynayd oo u timi, waxa ay weydiisan lahaayeen iyagoo haysta waqti kooban oo ah toban daqiiqadood. Waxan aad ugu mahad celinayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo isagu halkaa ka caddeeyey inaanay ahayn meel aanu maanta wax iska sheegno ee aanu u nimi halkan sidii aanu uga hadli lahayn qadiyada aqoonsiga iyo hurumarinta Somaliland”. Xigasho -------------- Muxuu la calaacaloyaa, runta la sheegay muu diidanyahay? Ma in sariirta hoosteeda lagu qariyo ayuu rabay xaalka jiro? Wah. I have some respect for Siilaanyo, a respected Soomaali elder and politician, who is pro-Soomaaliweyn too as well; haddee ahaan lahayna duruufaadka iyo marxaladda jirto maanta uu mar hore midnimo raadis iyo qaranimo doon bilaabi lahaa. Alas, Koonfurtii ayaaba qasan oo degi la'.
-
Kan asagoo Soomaaliya joogo ayuuba waxaan iyo wax kale noo keenay. Valentine? Who? What? Where? Berina maxaa soo wadaa? Santa Claus muxuu gift idin siiye? Maxaa ku baray waxaan laakiin. Soomaaliya ani waxaa ku ogaa the last celebration wax waxaan camal u dhow sameyn jireen ahaa Maalintii Hooyooyinka [Haweenka].
-
Music, siiba heeso Soomaaliyeed is not that bad. Just moderate yourself listening to it. Heeso dhageysi once in a while, here and there, nothing wrong with that. A Sulfa song here today, a Faadumo Qaasin song there the next week or month, waa iska caadi waxaas. Dadka ku qafiifay heesaha, now that is another matter.
-
Gabadhaan qof u daliiga ayee raadineysaa, ee dadkiina Minnesota degan halkoo u taab taabto u raadiya yaaqeey, for waxaan frustration waa dhaaftee.
-
Qaar ka mid ah naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee xubnooda ku waayey dagaalkii '77 oo sheegay in ciidamo ka tirsan DF ay jirdil kula kaceen, kana qaateen... Afhayeenka naafadda ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku u sugan isbitaalkii Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr jeer yimaadeen isbitaalkaasi, iyagoo halkaasina ka sameeyey falal iskugu baaritaano, iyo jirdil ay u geysteen qaar ka mid ah naafada halkaaasi ku nool ee lixaadkooda ku waayey difaaca dalkaa iyo dadka Soomaaliyeed. "Ciidamada Booliska gaar ahaan kuwa jooga saldhiga Afarirdood oo ku yaala degmada Xamarweyne waxay caadeysdeen iney iney yimaadaan isbitaalka Martiini oo ay ku nool yihiin illaa 100 ruux oo ka tirsan naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo halkaasina ka geystay handadaad iyo jirdil mararka qaarkood ay u geystaan naafada halkaasi ku nool, waxayna dhowaan naga qaateen 2 qori oo lagu ilaalin jiray isbitaalka, kuwaasoo meel kasta haddii aynu tagnay aanu weynay cid wax nooga qabata" ayuu yiri afhayeenka oo ka codsaday DF iney wax ka qabato dhibaatooyinka ay ciidamadeedu ku hayaan naafada xoogga dalka. "Waa nasiib daro in naafadii lixaadkooda ku waayey difaaca dalka iyo dadka iyo ciida Soomaaliyeed maanta lagu xad gudbo, lana jirdilo, iyagoo ay horey u heysay xaalad nololeed oo aad ay adag, waxqabadkii ay dowladda ay ka sugayeena uu noqdo in ciidamo, loo soo adeegsado oo la dhibaateeyo dad awalba naafo ahaa oo aan waxba heysan, ismana laheyn Qaran Soomaaliyeed oo jira ayaa sidaa idinkula kici doona" ayuu intaa ku daray afhayeenka oo sidoo kale sheegay in bilo ka hor ay xeradaasi yimaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo baaritaan ku sameeyey xerada isbitaalkii Martiini iyagoo si xuna ula dhaqmay ayuu yiri naafada XDS ee halkaasi degan. Xigasho
-
Originally posted by Kool_Kat: quote: Familkii aan ogaa ka dhalatee, bless them hee. MMA, I told you, once you get to know my family, we are not that bad...Addictive iska noqnaa somehow...Welcome to the family hee... Dankis, abaayadiis. Si fiican salka u dhigaa, oo isku soo dhaweynaa myself. Buuxo, I am your long lost cousin and you don't keep in touch. Bax, ayeeyo ayaan kaaga dacwoonaa. Ayeeyo Cambaro waliba.
-
Sawir aan qaaday a few years ago outside Xamar. Since I don't pretty much use facebook, sawirkaan lee ku contribute gareyn karaa. I hope someone adds it on that nomad group created there.
-
Originally posted by Kool_Kat: Maanta tii ugu yaabka badneed, I was having a conversation with someone about 'Super Tuesday'...Some where in the conversation, don't know waxey ku timid all I hear is 'Obama awoowihiis aa Baardheere kuduugan, Somali aa wax ugalay?'...W-T-F!!! Saa qosol isugu celinaayay inaa qarxo aanbo ka baqay...Toloow marunaa ehee? I don't know koleey, it was news to me... He has some Soomaali blood nooh, wah. You want some evidence? U.S. Senator Barack Obama, right, is dressed as a Somali Elder by Sheikh Mahmed Hassan, left, during his visit to Wajir, a rural area in northeastern Kenya, near the borders with Somalia and Ethiopia. The area is at the epicenter of a severe drought that has hit the Horn of Africa region, after erratic and insufficient rains during the April-June season. (AP Photo - Aug 27) Seriously, though, Baardheere kulahaa. Baardheere awoowgiis tobanaad xataa ma arkin. Baardheere?
-
War deg deg ah: Qaraxyo ka dhacay Magaalada Boosaaso
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Sometimes Soomaali wax sidii C/llaahi Yuusuf camal ku fiican. Gobolkaas Bari wax asaga camal gacan adag u darsatay. Cadde Muuse meesha in uu qaso ma'ahee, wax uu kusoo kordhiye haba yaraatee maleh. Masuqmaasuqnimo, high inflation, kidnapping, dadkaas badda lagu daadinaayo day in and out by mafia-style, merciless gangsters, gangsterism, the unfettered and unlimited counterfeit lacagta shilinka Soomaaliyeed la iska print gareeyo maalin walba. The ever frequent qalalaase, shoot-outs these days in main towns. War meesha in uu gubo ma'ahee waxba ma kusoo kordhin. Null. Mr. Cadde Gaaboow Ottawadiis uu Tim Hortonka coffeegiis ku cabi jiray ha iskaga soo noqdo runtii. Eebba ha u dambi dhaafo masaakiinta geeriyooday aan waxba galabsan. -
War deg deg ah: Qaraxyo ka dhacay Magaalada Boosaaso
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Sometimes Soomaali wax sidii C/llaahi Yuusuf camal ku fiican. Gobolkaas Bari wax asaga camal gacan adag u darsatay. Cadde Muuse meesha in uu qaso ma'ahee, wax uu kusoo kordhiye haba yaraatee maleh. Masuqmaasuqnimo, high inflation, kidnapping, dadkaas badda lagu daadinaayo day in and out by mafia-style, merciless gangsters, gangsterism, the unfettered and unlimited counterfeit lacagta shilinka Soomaaliyeed la iska print gareeyo maalin walba. The ever frequent qalalaase, shoot-outs these days in main towns. War meesha in uu gubo ma'ahee waxba ma kusoo kordhin. Null. Mr. Cadde Gaaboow Ottawadiis uu Tim Hortonka coffeegiis ku cabi jiray ha iskaga soo noqdo runtii. Eebba ha u dambi dhaafo masaakiinta geeriyooday aan waxba galabsan. -
So imagine down few generations?? we already lost most of our language and culture in less than 20 yrs? imagine another 20 yrs ? I dont even wanna think abt it Afkeena kama aanan tagin, ee dad anaga nagu jiro ayaa damacsan inay ka tagaan, ha ugu kalifto ama ugu wacnaato kibir, islaweyni, yasid, ka faantan mise wax kale. Sidaa tiri beelaha kale soo galootiga ah nala nool dhulkaan barbaartooda afkooda wey baraan, kuna barbaaraan. Anaga waa iska badownimo, oo ah dad ka faantano afkeena hodanka ah. Haddii iskool qaas ah loo furo, oo bilaash ah afkeenana lagu barto, waa yartahay inta waalid ilmahooda geysan lahaa. Dhif ayee ahaan lahayeen. Iska dhig aan meesha isdhignay waayena, ma'aha wax kale. Waxaa kale kusoo xasuustay gabar aan abti u ahay, oo ku dhalatay Denmark, oo aan kusoo arkay xagaas. Sideed jir ayee ahayd markaan soo arkaaye, afka Soomaaliga ee ku hadleyso, qoreyso kaalay arag, waaba cajiib suu ahaa. Kuwa waa weyn oo Soomaaliya ku dhashay, kuna koray oo aan ilmahabreed aan nahnay ugu tagay booqasho ahaan reerkooda, oo Afingiriis qaabdaran ula tagay meeshana iyagoo ku hadlaayo. Waxa cajiibka ahaa markee gabadhii sideed jirka [waa eight-years-old] ahayd ku dhahday labadaas gabdhood waa weyn ka tagay London, "Nin walba afkiisa waa leeyahay ee afkeena Soomaaliga aan ku hadalno, haddaa af kale rabtiina keyga waa Danish! Qofba af buu leeyahay" MMA, Manshallah! I wish my family was that big and diverse...Fara kutiris lee nahay, kuligeena hal meel aan isla joognaa...And I hope we never ever have to separate... Familkii aan ogaa ka dhalatee, bless them hee. MMA,it will all depend on how the first generations raise their kids,my family has 5 generations born outside Somalia and we so Somali you would assume we just left Berbera last year..lol Your family waa raggeedi, saas la rabaa. Intee kusoo barbaartay adiga iyo qoyskaas intaas generation dalkeena ka maqnaa, if you don't mind asking? Question. How soon will you go back home if all is back to normol? Eebba suu ka dhigo. Dalkeena anaga ayuu u baahanyahay, anaga haddaan wax u tarin, yaa wax u taraayo? Siduu yiri madaxweyne hore ee reer Mareykan u dhashay, "Ask not what your country can do for you -- ask what you can do for you country." In this case, Soomaaliya, which is in a dire need of us all.
-
What hint? That is a diplomatic talk. Wah. We will follow whatever Midowga Afrika does ee ka wadaa. And we know what Midowga Afrika did, does and will do.
-
Horta what does the so-called Axdi ay qorteen say about this? I mean ninkaan iska maqan for whole bilooyin without any notice. Someone should check the constitution, waaba haddee sharfaan waxee qorteen.
-
Originally posted by Suldaanka: I remember someone spent the time to write this drivel during President Daahir Riyaale's tour in Washington. One wonders what the Naysayers will have to say now. Suldaanka suddenly is pro-Riyaale these days. War ninkaas maka quursaninoo? Xaa soo kordhay difoose loogu yahay labadaan beri?
-
Northern Somali Unionist Movement (NSUM)
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to QabiilDiid's topic in Politics
Duqa, you didn't have to open two threads for one subject. -
Is your family globalized? As widespread as the typical extended Soomaali family seems to be? The other thread about wasiiro holding many Western passports got me thinking. I just looked at my own immediate family and reflected the reality we as a family are in: The truly globalized family. I have a sister and a brother who both have a Danish passports; almost another dozen who hold British citizenships; two brothers with their acquired American nationalities. I and another sister with our own Canadian ones. Then there is another brother who has an Italian residence permit; an uncle who has a Swiss nationality; countless aunts, uncles, cousins, nephews, nieces who are Dutch, Norwegian, American, British, Danish, Canadian dual nationalities. At one time or another during the 1990s, my siblings were scattered around the world: Bakistaan, Talyaaniga, Holland, Denmark, Sacuudiya, Mareykanka, Kanada, Liibiya, Nayroobi, Masar, Ingiriiska, Suuriya... I don't think any other African nation has experienced this, this unique fact of our current diasporic situaton. Only very few peoples have experienced this, namely the Jewish and Palestinians. I am not even sure Palestinians, Afghans are as widely dispersed as we are. We are truly almost globally universal. This reality dawned on me. How would we be like down from a few decades from now, heck even within one generation? Most Soomaalis intended to return to Soomaaliya, hoping the civil war would end as quickly as it began; some, however, are slowly giving this optimistic view out, a hope I did not lose -- always Soomaaliya is my home. It would be scary to envision a generation who were born in all those myriad countries, being cousins, nieces, nephews who have never met, who speak unimaginable non-Soomaali languages to 'communicate,' waaba haddee isla hadlaan. That is the future.
-
MMA the oldman is trying to inform us adigana waa ka dabo qaadanee intaa asxantu dhihi leheed. It was only a light kaftan, abaayadiis. Qarxis ma ahayn, though our Jacbaro sometimes in la qarxiyo istaahilo. He has a tendency to copy-paste others works nooh, sometimes in hilfaha loo laabo waaye oo la caarifo.
-
Dabshid, gaarigaas calanka ku buufsan adigoo wadatid ka dag meesha. Don't worry, make it bulletproof, lest mid marqaansan ku soo aado with his baasuuko.
-
The Second Somaliland- Taiwanese visit planned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Shiinaha lee ha isku sii dirina, intaa wax aqoonsi raadineysiin from another aqoonsidoon country, Taiwan. At least Taiwan dalal badan ayaa aqoonsan. NB - I see the beautiful, blue Soomaali flag up there, right on the left corner in the fourth flag down from the bottom in the third picture. And, oh, by the way, Taiwan only has diplomatic and economic relationships with six African countries, namely Koonfur Afrika, Nigeria, Gambia, Swaziland, Burkina Faso and Sao Tome; Nigeria's and Koonfur Afrika's economic relationships with Taiwan is not even diplomatic recognitions, theirs being not embassies but trade or liaison offices. -
I never pretty much followed American football, either this final game, which I ignored the first half and third quarter. Since I am always with underdogs, I couldn't ignore it the last quarter, though. Was I glad or what. I am still grinning. Jecliyaa jabkooda kuwaas balaayada ismooday, bir la jibin karin ismooday.
-
Do you really believe this crap? How can a non-member of the American Congress sponsor a bill? Your Patrick Lineberry is a hired small-time lobbyist and nothing else. Nonetheless, he still writes and believes this, which I partly and mostly agree with: There is still a sense of Somali brotherhood, and Somaliland has not provoked nor been aggressive toward southern Somalia. But if southern Somalia were to unite against Somaliland, for whatever reason, it would be strong enough that the international community could pressure meaningful talks between the two. The key is recognizing that while southern Somalis are largely divided it is largely the result of external forces (i.e. political Islam from the Middle East, Eritrea fighting a proxy war with Ethiopia in Somalia, and the international legitimacy given to the unpopular and ineffective TFG). If southern Somalia were to unite then that sense of Somali brotherhood would have trumped conflict as a means of resolution and make it a last resort. Unification among southern Somalis requires a representative government, which until this point has not been achieved. He should have explained and added why the South is more divided than the North; some key conundrums he should have considered: More people live in South with more diverse, numerous competing clans; beeraha, wabiyada and other obvious natural resources; some clans wanting to subjugate other peaceful, unarmed indigenous clans and get hold of their lands; Muqdisho and its seat of being Soomaaliya's central and capital, thus whoever controls can claim a legitimate government...
-
Originally posted by Dabshid: I don't know what is more sadder -- seeing dhuxusha dhirteena saas loogu gubaayo, oo dhulkii la saxareenaayo, dadka rafaadsan iyo isjiidkaas saas u miriray ey saaranyihiin.