Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Will what Fahad Yaasiin called 'kaansarka Soomaaliya lagu abuuray' survive politically beyond this year? He is becoming increasingly isolated, including losing the confidence of his Kiikuuyo masters. Axmed Madoobe oo wajahaya cadaadiskii ugu xooggana ee siyaasadeed Hoggaamiyaha muddada fog madaxda ka ah maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wajahaya cadaadiskii siyaasaddeed ee ugu xooggana in muddo ah. Axmed ayaa lumiyay saaxiibadiisa siyaasadeed wixii ka dambeeyay doorashadii heer federaal iyo markii uu ku darsaday muddadiisa xil-haynta. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto waxay ahaayeen labada xubnood ee ugu dhaw Axmed Madoobe dhanka xubnaha Aqalka Sare ku metela Jubbaland. Waxay sabab u ahaayeen in muddo ah inuu Axmed Madoobe helo taageero ka baxsan beeshiis hoose, waxayna kale oo si heer federaal ah u difaaci jireen xukunka Axmed Madoobe ee 10-ka sano Kismaayo dhaafin. Hadda Fartaag iyo Iftin waxay banaanka u taagan yihiin in saaxiibkoodii siyaasaddu xukunka wareejiyo. Dhowr jeer oo ay hadleen bilihii ugu dambeeyay waxay ku doodeen in la arkay waxa uu Axmed Madoobe tari karo reer Jubbaland, sidaas darteedna loo baahan yahay weji cusub oo keeni kara hal abuur Jubbaland ku dhaafto Kismaayo. Sidoo kale siyaasiyiinta Axmed Madoobe ku xisaabta ah xagga qabiilka sida Oomaar, Shakuul iyo xubno kale oo ka hadlay marxalada cusub ee Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ugu baaqay inuu doorasho qabto, xukunkana si nabad ah ku wareejiyo. Bishii August 2019 ayaa Axmed Madoobe dib loo doortay, doorashadaas waxaa markii hore diiday dowladda federaalka ah, laakiin ugu dambeyn dowladdii Farmaajo aqoonsi laba sano ayay siisay Axmed Madoobe. Markii tirinta laga soo bilaabo bisha August 2019 muddo xileedka Axmed Madoobe waxa uu ku eegyahay bisha August ee sanadkaan 2023. Sida ku qoran Dastuurka Jubbaland muddo xileedku waa afar sano, hoggaamiyaha maamulkana laba jeer ayuu xeerka siinaya inuu maamulka hoggaamiyo. Axmed Madoobe ayaa dhawaan bedddalay qodobka Dastuurka ee muddo xileedka isaga oo ka dhigay shan sano, waa sida ay sameeyen Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe. Siyaasiyiinta reer Jubbaland ayaa diidan illaa hadda halka sano, waxay u dagaalamayaan in bisha August ee sanadkaan Jubbaland doorasho ka dhacdo. Rejo dowladeed iyo Jubbaland mideysan kama dhex muuqato Axmed Madoobe ayay leeyihiin dadka sida weyn u naqdinaya siyaasadiisa. Axmed Madoobe hadda ma haysto taageero shacab iyo mid siyaasadeed. Muddo fog waxaa loo arkayay siyaasi ku tiirsan dowladda Kenya, balse iyadana su’aal ayaa dul saaran kadib markii la sheegay in Nairobi ay dhankeeda ka fikireyso waji cusub oo ay kala macaamisho arrimaha Jubbaland. Gobolka Gedo weli waa buddo gooni u tuman, gobolkaas baaxada leh ayaa si weyn looga diidan yahay nidaamka Axmed Madoobe. Ciidan Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howl-galka cusub ee lagu qaadayo Al-Shabaab ayaa soo galaya Jubbaland, kuwaasi oo la filayo inay qabteen illaa Bu’aale, haddii taasi dhacdo iyada oo aanay Axmed Madoobe iyo Itoobiyaanka is qaadan waa culeys kale ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya arrimaha Jubbaland. Waxaa jira war sheegaya inuu Axmed Madoobe kala hadlay dowladda Imaaraadka Carabta inay isaga iyo Itoobiya isku soo dhaweyso, taasi oo aan la ogeyn inay weli miro-dhashay. Axmed Maxamed Islaam waxa uu raadinayo dariiq walba oo kusii joogi karo xukunka ayay leeyihiin dadka sida dhaw ula socda arrimahaasi. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli caddeyn la’ mowqifkeeda arrimaha Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lasoo warinaya inuu qorsheynayo in uu safar ku tego magaalada Garbahaarey, isaga oo raadinaya Jubbaland loo dhan yahay. Laakiin waxaa aad u adag ayaa la leeyahay sida dadka reer Jubbaland loogu qancin karo in Axmed Madoobe uu sii joogo xafiiska, kaas oo ku guul-dareystay inuu dhawr iyo toban sano xukunkiisa dhaafiyo magaalada Kismaayo. Xigasho
  2. Shalay waxaa markii saddexaad la iga hor istaagay inaan ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Agaasimaha Waaxda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo aan telefoonka kula hadlay ayaa ii sheegay in amar xayiraad safar uu iga yaallo garoonka. Waxaan garoonka ku sugnaa 10am illaa 3pm iyo dheeraad. Markii aan garoonka soo galay, waxaan dareemayey xiisad, waxaana dhacday in rag boolis ah iyo dharcadka NISA ay isku dayeen inay iga hor istaagaan gelista terminalka. Xogta aan markii danbe helnay ayaa sheegeysa in amarka xayiraadda safarkayga uu bixiyay agaasimaha NISA Mahad Salaad. 11kii Oktoobar 2022 iyo 18kii Oktoobar 2022 ayaa sidaan oo kale garoonka la iga celiyay. Muddo afar toddobaad ku dhow ayaa xannuunsanayey, iska daa inaan daawo helo e waxaa xitaa la iga hor istaagay in dhakhtar iigu yimaado goobihii kala duwanaa ee afduubka la iigu hayey. In qof ehelkayga I soo booqdo iyo inaan xitaa qorraxda helo waxay ahayd lacag oo waa la iga iibinayey cadeynteedana waan hayaa. Waxaa waxkasta iiga xannuun badan cuqdada iyo murugada lagu beeray carruurtayda oo illaa hadda is weydiinaya sababta ay u arki waayeen aabahood muddo 6 bilood ah. Intaas oo xadgudub ah waxay igu qabsadeen magaalada Muqdisho oo ah tii aan ku barbaaray, wax ku bartay, nolosheyda badankeedana ku soo qaatay, labadeyda waalidna ku aasan yihiin. Waxaan waayey caddaalad. Maxkamaddii aan xaqsoorka u doontay labo Saalax (Saalax Dheere iyo Saalax Dabaan) ayaa mindiyo mariid leh iigu afeystay. Waxaa la ii beegsaday qof ahaan iyo qoys ahaan, welina ma dhammaan. Sharcigii iyo dowladnimadii waxay noqdeen sida ay rabaan kooxda tirada yar ee mulkiilayaasha isku sheegtay. Xadgudub, takrifal iyo ciqaab nooc kasta ayaa la i marsiiyay Cabdiraxmaan Cadaala iyo Abshir Bukhaari dartood. Dulmiga ayaa ka awood batay caddaaladda. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan inta samaha jecel oo ka dhiidhisay gardarrada iyo dulmiga. Si gaar ah, waxaan bogaadinayaa mudanayaasha Baarlamaanka labadiisa aqal, bahdeyda saxaafadda, bahda xuquuqda aadanaha, diblomaasiyiinta caalamiga, qareennada, siyaasiyiinta madaxa-bannaan iyo shacabweynaha Soomaaliyeed (wiilal iyo gabdho) oo I garab istaagay. Hadda Muqdisho waan ka safray, anigoo qandho kulul ay I heyso, anigoo caddaalad ku dhex waayey, anigoo Soomaalinnimadeydii shaki la geliyay, anigoo 166 maalin ku jiray afduub, lana xaqiray xuquuqdayda muwaadinnimo iyo anigoo meelkasta ku badbaadi waayey. Xaq ninkiisii daba joogo ma lumi doono insha Allaah! Illaahay ayaan talada saartay, isaga ayaana igu FILAN! - Wariye Cabdalle Axmed Muumin
  3. Only in Muuse's Marqaanland, Maakhiri. Jeebka lagu shubtay intii yareyd shisheeye bixiyey.
  4. Ileen our secessionist member dhibkaan dhibsaday. Jidad aan wali la furin ciyoowba burburay.
  5. ... then this happens markaa wax kale aad qabatid weysid. Wasiir arrimo dibad xaal qaado.
  6. That Ciid Bedel represents no one but himself. He was famously known to lobby for Zionist organizations to help Soomaalida in Minneapolis back in 2000s. Wax cusub ma'aha wuxuu aaminsanyahay. And the secessionist invited himself as a visitor among visitors, not part of the panel.
  7. It is not this barfasoor. It is another Jarmal man, from early 2011 and nothing to do with this barfasoor. Secessionists are now desperately trying to tarnish this barfasoor because of his impartial reports of Laascaanood conflict as well as his studies of Waqooyiga. Here is BBC article from 2011 about that other Jarmal: A German man has been jailed for four years for making pornographic films in the breakaway Somaliland republic. A judge said Gunter Bischoss, 72, was guilty of unIslamic behaviour and also fined him $10,000 (£6,300). "The evidence in this case has been exaggerated and I will appeal the verdict to the Supreme Court," AFP news agency quoted Mr Bischoss as saying. A Somali woman who appeared in some of the home videos was also given a one-year jail term and a $900 fine.
  8. Waa been waxaas. Haddee sheekadaan bilaabeen, with newly fabricated so-called deportation documents because of his Laascaanood repors. What do you expect from the same folks producing amateur lies regarding Laascaanood attacks? You see beentooda daily. Sanadooyin ayee secessionists quudinaayeen ninkaan, wax walba tusiyeen, so he knows qashinkooda a lot, regardless the lame character assassination attempts.
  9. This Jarmal dude worked in the secessionist land two decades ago. Like many foreigners, secessionists pampered and fed him for EVERYthing under qoraxda in order to get the elusive and never-coming aqoonsi. I have no doubt he is telling the truth. Markaa isbahdishid, no one respects you. It is sad they dragged magaca Soomaali to the ground, not that it needed any help.
  10. Too much missing of jaad from msrqaanhead. Anyone with deep stained yellow lower teeth waa marqaanhead jaadka haayo soon dartiisa.
  11. Mahad Qalaaye iyo Alqabyaala ciidamadooda jirdilay, dulmiyey maskiinkaan. Haddana xarig iyo xabsi bilaa sharci ugu daray. Markuu soo baxayna oo maxkamadii sii deysay, inuu dalka ka dhoofo daryeel caafimaad oo jirdirkiisa keenay dibadda u raadsado waa u diidanyihiin. I think this wariye ku qabiil ah Ikraan inuu wax ka haayo kiiskeeda otherwise sidaan looma daba socdeen.
  12. Maxaad ka taqaan lixda nin ee u istaagay in ay joojiyaan dagaalka Laascaanood? Waxaa weli socda dadaallada xalka loogu raadinayo dagaalka Laascaanood xilli uusan weli joogsan dagaalka iyadoo labada dhinac uu midba midka kale ku eedeynayo inuu weerar kusoo qaaday. Maanta waxaa Laascaanood gaaray odeyaal dhaqameed ka socday Koonfurta Soomaaliya si ay u dhexdhexaadiyaan labada dhinac ee isku haya colaadda Laascaanood. Odeyaashan oo ka koobnaa lix ayaa gaaray magaalada Laascaanood iyagoo la kulmay isimada dhaqanka ee seedaannada SSC. Odeyaashan ayaa lagu wadaa inay la shiraan isimmada dhaqanka ee Laascaanood. Garaad Jaamac Garaad Cali oo hadda ah hoggaanka dhaqanka ee ugu sarreeya garaaddada golaha dhaqanka Laascaanood ayaa BBC -da u sheegay in odeyaasha ay la kulmi doonaan caawa isla markaana ay ka wadahadli doonaan xaaladda Laascaanood. "Dad dhinac u jaanjeera ma aha, waa rag iskood isu soo xilqaamay waxayna u socdaan inay joojiyaan dhiigga maalin walba daadanaya iyo dhibaatada umadda lagu hayo iyo waxa ay ka qaban karaan loomana arko inay dhinac ka raran yihiin," ayuu yiri. Haddaba maxaan ka naqaannaa odeyashan u baxay in ay joojiyaan colaadda Laascaanood? Ugaas Maxamuud Ugaas Cali Ugaas Maxamuud oo ah ugaaska beesha *** waxa uu ka mid yahay madax dhaqameedka reer Muqdisho waxa uu ka tirsan yahay odayaasha u istaagay dhexdhexaadinta dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Laascaanood. Waxa uu darajada ugaasnimo ka dhaxlay awowgiis Ugaas Cabdulle. Dhaqanka beesha ayaa ah in ugaaska uusan dhaxlin wiilkiisa balse uu dhaxlo wiilka uu awowga u yahay. Maadaama uu aad u yaraa markii uu awowgiis geeriyooday waxaa ugaasnimada si ku meel gaar ah ugu hayay aabihiis oo xilka ku wareejiyay isla markii uu qaan gaar noqday. Ugaas Maxamuud Waxa uu ku barbaaray, waxna ku bartay magaalada Muqdisho. Waa ganacsade aqoonyahan ah oo aqoon dheer u leh arrimaha siyaasadda, dhaqanka iyo bulshada. Aabihiis oo la oran jiray Cali ugaas Cabdulle waxa uu ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir xilligii dowladdii Kacaanka. Waxa uu xubin ka yahay urur goboleedka IGAD waxa uuna ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo ay ka qeyb galeen odayaasha qeybta ka ah IGAD. Waxa uu qeyb ka lahaa xallinta rabshadihii ka dhashay weerarkii hadda ka hor lagu qaaday guri uu dagganaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxa uu qeyb weyn ku lahaa dadaalladii xalka loogu raadinayay khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo labada dhinac u kala dab qaadayay markii lagu shiray Hoteel Maa'ida. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur Waa ugaaska beesha ***. Waxaa la caleema saaray sanadkii 2005-tii, tan iyo xilligaasna waxa uu ku howlanaa arrimaha nabadeynta. Sidoo kalena waxaa uu si ku meel gaar ah beesha Xawaadle ugu soo noqday ugaas bishii February ee sanadkii 2021-ka. Beesha cayr iyo beesha *** ayaa waxaa ka dhaxeeya dhaqan ah in ay ugaasyadoodu ay isku qaban karaan xilka ugaasnimada haddii mid ka mid ah beelahana uu ka dhinto ugaaskooda ama ay arrin kale ku timaaddo tan iyo inta la dooranayo mid cusub . Wuxuuna ugaas Xasan beesha Xawadale ku sime ugaas u noqday markii uu geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble Ugaaskii beesha Xawaadle. Deegaankiisa rasmiga ah waa degmada Guriceel, halkaas oo uu aabihiisna horay u dagganaa. Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Suldaan Caliyow Ibrow Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Suldaan Caliyoow Suldaan Ibrow waa ugaaska beesha *** oo ka tirsan *** ***. Sanadkii 1973-kii ayuu ku dhashay magaalada Qoryooley. Heerkiisa waxbarasho waa Master waxa uuna shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda ka heystaa maaddada Injineernimada Rayidka. Aqoontiisa Jaamacadeed waxa uu ku dhammeystay waddanka Mareykanka. Intii u dhaxeysay 1993-kii ilaa 2004 ayuu ka maqnaa dalka. Suldaannimadiisa oo dhaxal ah waxaa u dheer in uu yahay guddoomiyaha Golaha Dahqanka ee *** ***. Hadda waa afhayeenka odayaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed. Ugaas Cabdirahman Ugaas Cabdulaahi Ugaas Maxumad Ugaas Cabdirahman Ugaas Cabdulaahi Ugaas Maxumad Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi waa ugaaska beesha *** waxa uuna ka mid yahay odayaal dhaqameedka Laascaanood u tagay waanwaanta nabadeed. Waxa uu degmada Buulabarde ee gobolka Hiiraan ku dhashay sanadkii 1963-kii. Waxbarashadiisa waxa uu ku gaaray ilaa heerka dugsiga sare. Xilka ugaasnimada waxa uu ka dhaxlay aabihiis oo geeriyooday. Hase yeeshee ilaa hadda lama caleema saarin. Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deeroow Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deeroow waxa uu 1957-kii ku dhashay tuulada Biyooley oo u dhow degmada Teyegleey. Hadda waa 66 jir. Xilka malaaqnimada waxaa loo doortay sanadkii 1998-kii. Waxbarashada dugsiga qur’aanka ayu uku qaatay tuulada u uku dhashay isagoo ka dibna u wareegay magaalada Muqdisho, halkaas oo u uku dhigtay dugsiga sare. Waxa uu ka mid noqday shaqaalaha dowladdii kacaanka. Shirkii Carte ayuu ka qeyb galay waxa uuna sanadkii 2000 ka mid noqday xildhibaannadii Baarlamaankii lagu soo dhisay Jabuuti. Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi Wabar Maxamed Wabar Axmed waxa uu xilka ka dhaxlay aabihiis Wabar Axmed Wabar Cabdi oo ahaa oday dhaqameed si weyn looga yaqaannay gobolka Hiiraan. Weli looma caleema saarin Wabarnimada balse waxa uu xilka hayay tan iyo markii uu aabihiis geeriyooday sanadkii 2017-kii. Waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay Jalalaqsi isagoo heerarka xiga ee waxbarashadiisa kusii qaatay magaalada Muqdisho. Wabar Maxamed waxa uu gaaray ilaa heerka dugsiga dhexe Waxbarashada Dugsiga Hoose Dhexe. Aabihiis waxa uu ahaa Wabar caan ah oo si weyn looga yaqaanay Hiiraan iyo Soomaaliya inteeda kale. Isagu waxa uu hadda ka mid yahay hoggaamiye dhaqameedka sida weyn looga yaqaanno Soomaaliya waxa uuna qeyb ka yahay odayaasha dhaqanka ee magaalada Laascaanood u tagay si ay waanwaan uga sameeyaan. Waxa uu caan ku yahay inuu ku jiro hoggaanka dhaqanka ee da’da yar. BBC Soomaali
  13. Waxaa arkaa Suldaan Warsame Suldaan Ibraahin Caliyoow Ibroow. Waa suldaanka guud beelaha dega gaar ahaan Shabeellaha Hoose, xaruntiisana Qoryooleey tahay and is an American. University educated, too. Odey dhaqameedyo wax soo bartay toogtaan joogo. Suldaanka waa qofka dhanka midig ka muuqdo.
  14. They completely own him. Turkiga have quitely stopped barnaamijyadee wadeen markee ka yaabeen Xasan Socdaal gacanta uu Imaaraadla ugu jiro.
  15. Somali President’s Daughter Given Full Authority Over UAE Portfolio Raises Concerns of Political Nepotism The appointment of Jihan Hassan Sheikh as the Somali focal person for the UAE has raised concerns in Somalia’s political scene. Jihan has been given full authority to communicate on behalf of Somalia in foreign affairs, defense, and all agreements with the UAE, according to sources inside Villa Somalia. Although Jihan does not hold any official political position in the government, she is the daughter of President Hassan Sheikh Mohamud and has been observed accompanying the president on high-profile overseas meetings. Critics have questioned Jihan’s qualifications for this significant responsibility, particularly given her lack of political experience. Some have also suggested that her appointment undermines the role of the Foreign Minister. Additionally, concerns have been raised about potential conflicts of interest, given Jihan’s familial ties to the Somali president. The UAE’s military influence in Somalia has also raised concerns. This week, the UAE shipped military vehicles to Jubaland and negotiated to occupy two islands off Kismayo’s coast. Some suspect that the president’s family may be benefiting financially from the deal with the UAE, further raising questions about potential conflicts of interest. President Mohamud has prioritized mending diplomatic relations with the UAE since his second term began last year. He has visited the country three times and signed a military and security pact with the UAE. As Jihan takes on her new role, many in Somalia will be watching closely to see if it leads to positive changes in the country’s relationship with the UAE, particularly with regards to military influence and potential conflicts of interest. Xigasho
  16. Muuse Muqayil Faarax Macalin markuu arrinta Laascaanood ka hadlay Kiikuuyo ku sheegay. Taloow gabadhaana yuu ku tilmaami doonaa?
  17. Ahlu-Sunna oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Wasiir Mukhtaar Rooboow Hogaanka Ahlu-Sunna ayaa ku dhawaaqay inay jareen xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhaxeeyay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Soomaaliya, sida uu shaaciyay Sheekh Cabdulqaadir Soomoow. Sheekh Soomow oo ah Afhayeenka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca sida uu sheegay, ayaa waxa go’aankan ku sababeeyay in wasaaradda uu hogaamiyo Wasiir Mukhtaar Rooboow ay ka leexatay hanaankii saxda ahaa ee maareynta tartanka ay shirkadaha u galayaan adeegga Xajka ee sanadkaan. “Cabashada aan qabno waxay tahay in wasaaradda Culimadda Ahlu Sunna ka hor istaagtay inay ka qeyb-galaan hannaanka lagu soo xulayo shirkadaha u adeegayo xujeyda sanadkaan oo ay wasaaraddu xisbi gaar ah u xirtay oo aysan jirin wax tartan ah,” ayuu yiri Sheekh Soomoow. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka Culimada Ahlu Sunna “Waxaa caddeyneyna in aan kala laabanay wada-shaqeyntii nagala dhaxeysay wasaaradda, balse aan taageersanahay dowladda federaalka Soomaaliya.” Ahlu Sunna ayaa sidoo kale waxay sheegeen in wada-shaqeyn dambe dhexmari karin wasaarada awqaafta iyo arrimaha Diinta illaa inta xilka laga qaadayo wasiir Mukhtaar Rooboow iyo agaasimaha wasaaraddaas, oo ay ku eedeeyen inay hormuud u yihiin cadaalad darada ay ka tirsanayaan wasaaradda. Dooda u weyn ee Sheekh Soomoow uu sheegay inay u dalbanayaan in xilka looga qaado wasiir Roobow ayaa ah in tartankii Xajka ee dhawaan qabteen guddigii uu magacaabay wasiirka loo diiday sharkadihii Culimada Ahlu Sunna oo loo xiray xisbi gaar ah, sida uu sheegay. Go’aanka Ahlu-Sunna ayaa imanaya xilli ay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ay soo saartay liiska shirkadaha kasoo gudbay wareega 1-aad ee tartanka adeegga Xajka, kuwaasi ay wareysi toos ah la yeelaneyso, si ugu dambeyn loo helo shirkaddaha u adeegaya Xujeyda Soomaalida ee sanadkaan. Wasiir Mukhtaar Rooboow ayaa la sheegay inuu dhabarka u ritay masuuliyadda maamulka Xajka, isaga oo madaxda sare u ballan-qaaday in uu si hufan oo daah-furan sanadkaan loo maamuli doono, taasi oo garab istaag ugu muujiyeen madaxda sare ee dalka. Xigasho
  18. Magaciisaba ma maqli kari. I had never seen a worse corrupt, unprincipled Soomaali siyaasi than him. Xataa qabqabliyaashii ayaa dhaamo ninkaan aanan jeebkiisa buuxsamin. In mid 2010s, he sold dekedihii Berbera iyo Boosaaso to Imaaraadka for a little shilimaad and now Kismaayo.