-
Content Count
17,633 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Ceelna uma u qodno, cidna ma u maqno maqli jiree. Masaakiinta Soomaaliyeed wax u naxariisato la waaye. Masaakiin, Eebba kaliya u maqan. Soomaalidii kale naxariista ka dhamaatay, caalamkiina iska indhatiray, kuwii yaraana wax u qabto u imaado dalka la afduubto, mucaawinadii la keenana la isbaareysto. Dad ayaa meesha magac dowlad aan jirin huwan, wax ee qabtaana jirin ka ahayn inay wax laayaan ama dad dhacaan ama iyagii isqabqabsadaan. -------------- Sicir bararkii ugu ba’naa ee ku yimaada Raashinka iyo Shidaalka oo ka taagan Magaalada Muqdisho Qiimaha lagu kala iibsado raashinka quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa waxaa ku yimid sare u kac aad u weyn, kaasi oo si weyn u saameeyay dadka aan dhaqaalaha buuran lahayn ee nolol maalmeedka la dagaalama. Sicir bararka ku yimid Raashinka Quutul-Daruuriga ah iyo Shidaalka ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu hadal hayaa meelaha ay dadka isugu yimaadaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in sicir bararkan uu ku soo beegmayo iyadoo aysan dadka Muqdisho intooda badan shaqeynin, isla markaana kuwo yar oo shaqeyn jiray ay goobahooda ganacsiga sida Suuqa Bakaaraha ay u tegi la’ yihiin nabadgelyo darro ka jirta aawadeed. Haddaba aanu eegno halka uu marayo qiimaha raashinka, shidaalka iyo weliba sarifka lacagta Doollarka oo ay inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ay ku jaan-gooyaan ganacsigooda. Weli ma dhcin taariikhda sicir bararka Suuqyada Muqdisho in uu heerkan oo kale gaaro, weliba xili ay dadka ku dhaqan muqdisho la soo dersadeen xaalado shaqo iyo nabadgelyo la’aan ah. Marka laga soo tago Qiimo kororka ku yimid raashinka Quutul daruuriga ah ayaa waxaa si weyn loo dareemayaa sare u kaca qiimaha Shidaalka, waxaana laga dareemayaa Waddooyinka Muqdisho oo ay ka yaraadeen gaadiidkii isticmaali jiray, gaar ahaan kuwa dadweynaha oo haddiiba la helo haatan magaalada gudaheeda looga raaco qiimo dhan 5000 Sh. So. Aqoonyahanno ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha ayaa waxay sheegeen in sicir bararka jira ay mas’uul ka yihiin ganacsatada Soomaaliyeed oo aaney jirin cid kula xisaabtanta qaabka ay u ganacsadaan, waxayna qaarkood sheegeen in ay jiraan ganacsato raashinka iyo waxyaabaha kale ee ay dadka u baahan yihiin keydiya xiliyada ay dadka u baahan yihiin, isla markaana kaga faa’iideysta waqtiyadan oo kale oo ay dadku qabaan baahida ugu badan. Dr. Cumar Colaad oo ka mid ah Aqoonyahannada ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha ayaa wuxuu sheegay in nolosha dadka Muqdisho ay khatar ku jirto, wuxuuna taasina ku sababeeyay in iyadoo sicir barar jiro ay Dadka Muqdisho hadana gelayaa Xiligii Bad xiranka oo bilaabanaya bartamaha Bisha May ee soo socota, xiligaasi oo ay yaraan doonaan Gaadiidka Badda ee Badeecooyinka Ganacsi ka keena Seyladaha ay ku xiran yihiin ganacsatada Soomaaliyeed sida Imaaraadka Carabta iyo Kenya. Si kastaba arrintu ha ahaatee, sicir bararka ka taagan Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dad badan oo ku noolaa hooska guryahooda xitaa haddii aysan helin wax ay cunaan ay haatan daadsan yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyagoo weliba ku nool heer ka sii hooseeya saboolnimo, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkaasi ay u badan yihiin Dumar, Caruur iyo Dad Waayeello ah oo la ogyahay in ay yihiin kuwa bulshada ugu nugul oo aan duruufaha ah u adkeysan karin. Xigasho
-
Guards for African leaders battle; dozen injured
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Garaad Bari's topic in Politics
Afrika! -
War ninka waa sixirooliyaashii Reer Kismaayo, ee shimuu tagay xagaas? Wah. Goormee la jeexay dhulkii dheeraa, Awjimcaale. Mala iska dhiibaa meesha, aan iska soo dhiibee?
-
Waxaan Soomaali ma quseysee, wax Soomaali quseyso keen, Awyaaboow. A man's bestfriend is a dog kulahaa. Jaamac eey la joogo iska dhaafee, konton tilaabo meel uu fadhiyo ma u dhawaanaayo.
-
The most beautifull girls in Somalia, Where ??
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Hunguri's topic in General
Iskushuban saa mooday ma loogu bixin, though. Neither Dhuusamareeb. But I can understand what comes the mind first when la maqlo labadaan degmo. -
I am not dhaqtar, so I cannot diagnose to see any symptoms from the picture. Koley da' baa heyso or dhiigkar from the conflict. Qof dagaal labaatan sano socdo u dulqaadan karo ma jiro, not the mind, not the body. Maskiinka Eebba ha caafiyo mar labaad.
-
The most beautifull girls in Somalia, Where ??
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Hunguri's topic in General
Originally posted by Zakinah: How About Qaloocan?... Ani magoow I believe they are found degmada la dhaho Toosan. Edit: God, I just googled. It actually exists. Luuq, Jiiromaafiyo, Jiirogaroob lee maqli jiree, meel qaloocana ma jirtaa. -
Meel Badhan la dhaho maa jirto? Ka daroow dibi dhal. Nothing about trouble, it was a little sincere question. Qofta teeda kalena ookiyaalkaas weyn wadato waxee Dhahar ka qabaneyso iigu daran. Geelihii maa lagu soo war wareejin lahaa haddii la geeyo.
-
One of the few master comedians Soomaalis had ever known. Alas, with the rest of the Soomaalis inside and outside the country, the two decades conflict took its toll on him, along with millions of Soomaalis. It is very sad to see specially a very well-known jilaa such as Awkuuku being in this plight. Waaka naxay markaan aqriye, sawirkiisana arkay. U gargaar oo intaa u qaban kartid u qabo walaalkeena Awkuuku. In badan buu dad ka qosolsiiye, oo qosol iyo kood daradeeda neefta noogu dhagtay. Eebba ha caafiyo, walaalkeena -- aamiin. -------------- Jilaaga caanka ah ee Awkuuku oo Muqdisho ku xanuunsanaya, daryeel la’aanna ay heyso Haddii aad ku taqiinay inuu wax badan kaa qosliyo, haatan ma jiro qosolkii aad ku tiqiin jilaaga C/llaahi Amiir Rooble(Awkuuku) waxa uuna ku xanuunsan yahay hoygiisa ku yaala Ex-Fiyoore, kaasi oo uusan meelna uga dhaqaaqin tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee xanaaneyn jirtay Fannaaniinta Soomaaliyeed. C/llaahi Amiir Rooble Awkuuku oo ka tirsanaa Majaajiliistayaasha waa weyn ee Hobolladii Waaberi waxaa uu xiligii burburka ku sugnaa Dalka Soomaaliya oo uusan ka bixin, isagoo marar qaarkood ka qeybqaadan jiray Bandhig Faneedyo ay sameyn jireen Fannaaniin aan dalka ka bixin iyo weliba kuwo soo baxay xiligii burburka. Sidoo kalena, Fannaanka wuxuu wax ka sameyn jiray muddooyinkan dambe Sheekooyin isugu jira kuwo ka tarjumaya dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya, kuwo ku saabsan Wacyigelinta Bulshada iyo kuwo Jaceylka ku saabsan, kuwaasi oo laga sii daayo qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho. Fannaan C/llaahi Amiir Rooble Awkuuku oo aad u xanuunsanaya ayaa wuxuu dhex jiifaa Qoyskiisa oo ka kooban Dhowr Caruur ah iyo Hooyadood Nuurta Saleebaan Abaliisha oo qudheeda Fannaanad ah, kuwaasi oo intii uu dhaqdhaqaaqayay uu u qaraab tegi jiray, isla markaana uu u soo heli jiray Nolol Maalmeedka. Nuurta Abaliisha ayaa HOL u sheegtay in ay nolosha ku adkaatay Qoyskeeda kaidb markii uu xanuunsaday Seygeeda Awkuuku, isla markaana ay iyadiina ku qasbanaatay in ay xanaaneyso oo aysan meelna uga dhaqaaqin. Nuurta Saleebaan Abaliisha waxay ka codsatay Dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo weliba Fannaaniinta Soomaaliyeed inay u soo gurmadaan, isla markaana ay ka gacan siiyaan Caafimaad xumida iyo daryeel la’aanta heysata Ninkeeda oo ah Fannaan ay si weyn u yaqaanaan Dadka Soomaaliyeed. Si kastaba arrintu ha ahaatee, C/llaahi Amiir Rooble Awkuuku ayaa haatan Xaaladdiisa Caafimaad waxay tahay mid aad u liidata, dhawaaqa kaliya ee uu ku leeyahay qofkii soo booqdana waa “ii soo duceeya”. Xigasho
-
Deeqaay waan ku dhoofinlaa Dhaharbaan ku geynlahaa Huunooy waan ku dhoofinlaa Dhaharbaan ku geynlahaa Heeladiyo Dhaantadaa Lagugu Soo dhaweynlahaa Deeqo la garayee, Dhahartaana intee ka socotaa, kana timid? Intee ku taalaa? Meel dhaxan ka jirto miyaa? Mise meel dhar la'aan ka dhacay? ------------ Xaniifa, qash qashaada dhaaf nooh. Enjoy garee hee, as many girls seem to.
-
Cabdi Qassim Speaks at Press Conference
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacpher's topic in Politics
Cabdi Qaasim speaks at a press conference and calls for the removal of the Ethiopian troops, deployment of UN troops, cease fire, release of prisoners in Moqdisho, return of refugees, and peaceful reconciliation of Somalis of all walks of life including you, the diaspora community. And lastly, America's military intervention in Somali. Plausible, practical, possible and very pragmatism. Very well opined as usual -- and if may I add very tenable -- Mudane C/qaasin. -
Well, well, well, if it is not art or his co-workers... You Aussies haven't still given up that idea of drilling oil and natural gas from Northern Soomaaliya by corrupting a few officials, did you?
-
Nothing wrong with sawirka. Waxaas iyo wax ka daran ayee gaaladaan soo bandhigaan xiligii kuleelaha la gaaro, banaanka ah. Kii nuursanaayo ha nuursado, no wonder 4,000 lagu bixiye for one hour in lala joogo taas.
-
Jimcaale, Cowke ma taqaanid miyaa? waa hagaag, waa hagaagdiis ayaaba arkeysaa. Asaga waaye, waliba sidiisa ah. Jaajuumoow muxuu daldaloyaa. Xamar waagee Xamar ahayd, janadii maryooleey burburisay. Ereyga liibaan means equally a winner, blessed and qof ladan. Sadexdooda la isku daray waaye. It is an old Cushitic word, which we share with Oromada. It may seem to be a word with more secular meaning than the Carabi barako, which we associate barakada Eebbe. But nonetheless, it too has more Higher Being connection. Qof la bless gareynaayo without Eebbe's invocation maba jiri kartee. Anagaa iska dhaadhacsiinay the Carabi one to have more blessing in meaning. Guul, on the other hand, specifically means victory. [Guuleedna a victor.]
-
Tribalism and Regionalism are backward - Museveni
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Koora-Tuunshe's topic in Politics
Aniga meesha xarunta Midowga Afrika ku taalo maku weydiin, xaaji. Ciidanka Midowga Afrika aad Xabashada ku dartay aan ku weydiiye iyo meeshaa ka keensatay. Even officials within dowlad ku sheega ma dhahaan saas. Sanaawi iyo wixii u shaqeeyana ma dhahaan saas. -
One dead, five others taken to hospital!!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kool_Kat's topic in General
North York shooting caught on tape Police release video of two men captured on security camera footage at scene of shooting that left one man dead and five injured Dramatic surveillance video footage of a man repeatedly firing a handgun that left one man dead and five others injured was released by Toronto police Monday in the hopes of finding the gunman. Two security cameras captured the shooting last Friday just before 10 p.m. at 87 Amaranth Crt., near Lawrence Ave. and Dufferin St. Det. Sgt. Brian Borg warned members of the media that the footage was violent. As it was played at police headquarters on Monday, the video drew gasps from seasoned crime reporters. Although police often obtain video footage of the events in the area of a shooting, it is extremely rare for the video to include an actual shooting, Borg said. The video shows the gunman and another person, believed to be an associate, walking on a path and approach the group of six men between the ages of 18 and 21. The gunman is not seen speaking to his associate or the group of six men between the ages of 18 and 21. "He simply walked up within 10 feet of the group, got their attention, and without warning opened fire while walking backwards," said Borg. "His actions are very discriminate and it is obvious he intended to inflict maximum damage." The lone gunman and his associate then fled the area in different directions. Abdikarim Ahmed Abdikarim, 18, died of a gunshot wound to the head. The other five victims are expected to survive their injuries and are co-operating with police, Borg said. "Our investigation to date shows that these young men (the victims) at the time of the incident were not engaged in any criminal conduct or behaviour that would explain what you are about to see. Simply put, they were there to socialize as they often did at this very location every Friday night," said Borg. Although the victims were the intended targets, Borg would not speculate on a possible motive. There is one gunman and one handgun involved in the shooting, he said. Police patrols have increased in the Lawrence Heights area since the shooting. Police are looking to speak to the associate seen in the video or anyone with information about the shooting. Toronto Star [You can watch the video by clicking the link.] -
Acuudi bilaahi. Hooyooyinkana maxee galabsadeen. Bisinka. Ma u maleeyi in uu Max'ed Dheere yahay, inkastoo keeneen codkiisa u dhow. One can never believe waxee soo bandhigaan waagacusub.com.
-
Tribalism and Regionalism are backward - Museveni
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Koora-Tuunshe's topic in Politics
Geeljire, you are truly Geeljire. Majority of Somalis support the African Union troops including Ethiopia and the whole world recognizes it. Wax la soc socdaba maantana Xabashadii dalka qabsatay lagu daray ciidamada Midowga Afrika. Goormee Xabashada's occupying army noqotay part of Midowga Afrika's contingent? And what 'whole world'? Iskaba dhaafee 'whole world,' what was the UN's resolution regarding the Afrikan Union's deployment to Soomaaliya? Soo ma ahayn Xabashada kuwii specific ahaan laga reebay, along with Keenya? -
Today's kutiri kuteen
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Originally posted by Geel_jire: if that happens some of the most ardent TNG supporters on SOL will change their tune to the TNG supporters on SOL, would you support a TNG without A/Y as the president and ...... will you change your position on the Ethiopian occupation ? be very careful how you answer because I will quote you when it eventually happens and you show true colors ! No need to be careful. You can find the obvious -- and expected -- answer on inta. -
Itoobiya oo qorsheyneysa in C/llaahi Yuusuf ay ku bedesho Jen. Moorgan Waxaa beryahan la hadal hayaa warar si weyn isu soo taraya, wararkaasoo laga soo xigtay ilo ku dhow dhow saraakiisha Itoobiyaanka ah ee ku sugan Muqdisho, waxeyna wararkani xoogoodu soo baxeen intii ka danbeysay markii ay isku dhaceen C/llaahi Yuusuf iyo Jen. Gabre oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, oo isku qabtay warbixin uu C/llaahi Yuusuf siiyey Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Melle Zenawi oo ku saabsaneyd in howlgalada Itoobiyaanku ka sameynayaan Soomaaliya uusan isagu waxba kala socon, wuxuuna khilaafkaasi sababay in qaar ka mid ah warbaahintu qoraan in Gabre uu dharbaaxay C/llaahi Yuusuf, waxaana tan iyo wixii xilligaasi ka danbeeyey si weyn isugu soo dhowaanayey Jen. Maxed Siciid Xersi (Moorgan) oo ku magacawnaa lataliyaha C/llaahi Yuusuf ee dhinaca milateriga. Wararka soo baxaya waxey xaqiijinayaan in Moorgan iyo Gabre ay si weyn isugu soo dhowaanayey muddooyinkii u danbeeyeyna oo uu xiriirkoodu gaaray in inta badan la arko iyagoo wada socda, waxaana Gabre uu ka dhaadhiciyey Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya in C/llaahi Yuusuf aanu waxba ku soo kordhin karin xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Muqdisho, uuna yahay nin caafimaad ahaan dhintay, wuxuuna u sharaxay raisul wasaaraha Itoobiya in loo baahan yahay weji cusub oo isbedel sameyn kara. Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in sidoo kale Moorgan laga qaadanayo xogag ku saabsan golihii Maxaakiimta oo Moorgan in muddo ah magangelyo siyaasadeed siiyey, kuna hayey hotelka Ramadaan. Xigasho ------------- Mid internet cafe ku caajisay, oo wax uu sheego waaye ayaa wax iska alifaayo, markaas leeyahay waa 'war xaqiiq' dad laga soo 'xigtayna.' Soomaalida beenta maka daalaan miyaa
-
The accountant who ran away
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
Kuusha, haye, dadka sida loogu qabto waa taqaanaayee? Waa yaabtay miyaa? Isqor qorka igu daran. MMA booskiis waaka buuxaa yaa dhaho, oo boos ma ugu banaano la isku qor qoro. Newbies la isku dhajinaaye maa ku filnaan weysay taloow? Mise social skills u gooye oo meel laga bilaabo la weysanyahay. Ma'ogi, koley meelaa laga gubanooyaa, taloow dadkii kaas baxsaday baxarka giliye maa laga mid ahaa maadaama sida loo xasuusto ninka, xafiiskiis iyo buildinga uu ku yaalayba la yaabanahayee? Ee ani baxar ma gilin dadka, xaa la iga rabaa. Ninkii giliye ee u qorteen bogus tax returns Soomaaliya ku baashaalooyaa, not me. Revenue Kanada aniga ma i daba socoto, allaheey ka alla. -
Nasadguuradii. LOL. Title maba arkin earlier. Sanadguuradii ayaan u aqriye. Typo lee iga dheh.
-
One dead, five others taken to hospital!!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kool_Kat's topic in General
Samir iyo iimaan marxuumka reerkiisa, siiba aabo Cantar Jeenyo. Marxuumka aabihiisa ciyaaraha banooniga ciyaari jiray, kuna dheereen jiray laga wada yaqaanay Soomaaliya ayuu ahaa, magaaladaana laga yaqaano. Although nowadays this is not exclusive to our Community, but whenever I hear Somalis killing Somalis I am deeply saddened walahi. I don't think it was a Soomaali-on-Soomaali shooting. A newscast, citing a police source, tonight was describing the shooting as "racially motivated." So if we believe this, the shooters were not Soomaali. It is very, very, very rare to see a Soomaali shooting another Soomaali in this city.