Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,633
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Originally posted by Che -Guevara: ^Actually USC in-fighting before 94, I was still in Mogadisho it started. Of course, it was less intense then. Che, ma yaabantahay yourself as well how history is sliced, distorted, rewritten and fabricated history is now? Revisionism wey dhaaftay now, heerkaas ayee dhigtaa qabyaalad qurunkeeda. Dadkii Xamar ku sugnaa ayaa la leeyahay dagaalkii Caydiid iyo Cali Mahdi '94 ayuu bilowday. Been intaas la eg. Dagaalkaas afarta bilood socday, hence loogu magacdaray since then "Dagaalkii Afarta Bilood" started Nofeembar of 1991 and sii xoogeystay early Janaayo, 1992. Kuwa badan skirmishes ka horeeye kaas, oo a few days socday. But that Afarta Bilood war was a complete non-stop battle of Xamar. It eventually cooled down in Abriil of 1992. Anagaa xaadir ka ahayn meesha, oo u qaxnay first to Dayniile, then to Afgooye. We were at Afgooye until Maajo [May] of '92, markee Xamar safe enough noqotay lagu noqon karayna. Dad badan ku noqonaaye markaas. The inter-clan war wali ma istaagin, it only cooled off and it was unofficial ceasefire itself ku timid. Until then ayuu Caydiid fursad moooryaantiisa ku habeeye bilaabay, oo intee isku mashquulsanayeen asaga iyo Cali Mahdi ka war helay haraagii Kacaanka oo kusoo dhawaaday Afgooye, whose forces were not fought really with until ay Afgooye usoo dhawaadeen. Labadaas dhinac dhiiga maatida Soomaaliyeed daadinaaye waxba ma iga galin, wax ee kusoo faa'ideyeena ma jirin dalkeena iyo dadkeena. Laakiinse waxaa igu daran the sheer audacity of lying. A complete rewriting of factual history, a pure fabrication, a sheer distortion, falsification of facts ayaa igu daran. Anagee sheekadii kutiri kuteenta ee tolkaville again meesha noo keenayaan. Again, a dhibic of xishood kuma jirto miyaa, beenta maalin cad la wado. Eebboow heybada ha naga qaadin, oo beena hana barin. But then akhlaaq waa lagu dhashaa, not wax la iska dhigo.
  2. Mr Qariiridle wuu ka daray. I don't know wuxuu ugu dan leeyahay posting this. And he claims to be a "non-Soomaali," yet quite so interested, so devoted creating artificial maps of where Soomaali clans live[d] of each era. Dan buu leeyahay ee maxee tahay dantiisa taloow. PS - Link your maps where clans are imposed on, instead of posting them on here. It is against SOL's rules to post clan names.
  3. Khaalidoow, see ii tahay igaarka? Laakiin what 'standards' is he setting? Maba fahmin anigee. Standing on a jaraanjar and doing sacbis iyo faro isku dhufasho is a new standard miyaa? LoL. That dance wey ii dhimaneyd.
  4. Educated Black people like CNN. With the state of the affairs these days, educated Black people love to stay abreast of current events by watching CNN. Of course, educated Blacks have to stay on top of their current events. They never know when they will have to school someone on the state of the union. Above all, they tire of watching the local news because they are sick of hearing repeated stories about all the uneducated Black people that murder, rape, and rob members of the community. Educated Black people can always count on CNN to put world issues into perspective. CNN features stories, shows, and commentary that quenches their thirst for knowledge. Educated Black people have the opportunity to catch breaking news and other stories all day, every day. That’s a plus because, at the top of each hour, they can always learn something new. That sure beats watching rebroadcasts of the local news from 5 a.m. Another plus for educated Black people is CNN.com. They can get live news updates and breaking news even when they are away from the television. In fact, they probably get news feeds sent directly to their phones. Being able to quote news at the same time that it’s happening will make them look especially smart and the envy of their friends and co-workers! That always makes an educated Black person happy!
  5. Educated Black people like natural hair. They love to show their pride for their race and culture by wearing their hair in its unrelaxed and natural state. This may include a range a styles, such as braids, twists, locs, or freestyle kinky/curly/coily tresses. Since natural hair is so versatile, they can rock any number of styles. While educated Blacks love for people to admire their hair, they hate it when someone touches it without invitation or permission. And if you do touch it, they HATE ****** comments like, “Wow! I had no idea it was so soft!” That’s a surefire way to get told off. Educated Blacks also love for both Blacks and non-Blacks to comment on how much they love their hair. The standard comments are typically, “I love your hair!” or “I wish my hair could do that!” Educated Blacks love to encourage other Blacks to allow their hair to grow out in its natural state. However, what they love most is to give Blacks that wear relaxers guilt trips about how they are conforming to the European standard of beauty. It makes them feel so much better than you to know that they are educated and liberated enough to not have to be a conformist. If you are a non-white, don’t ever think that you are being complimentary if you ever wear an afro wig or attempt to wear your hair in dreadlocks. And be sure to never refer to your otherwise frizzy hair as feeling “nappy.” Aside from the fact that it’s offensive, it also makes you sound AND look ridiculous.
  6. Qaranka Soomaaliya iyadaa hooyo iyo aabo isku ah. Waqooyi Galbeedna, along with other gobolo, waa ilmaheeda. And also, as usual, many points in this article can be refuted. Many facts are distorted, some omitted outright. Let me just mention a few without going into details. Koow: Calanka Soomaaliya ciid ama dhul Soomaaliyeed ugu horeysay Xamar ahayd, though it wasn't meel weyn la isku yimid, like the independence day since Koonfurta, along with Waqooyi, still ku jirtay gumeysidoonkii. That was 1954. If the author meant publically, on a public square, yes then, taas Hargeysa ka dhacday in 1960. Laba: Jabhad Soomaaliyeed qabiil ku dhisan SNM ma ugu horeynin, oo SDF [sSDF later] ka horeysay. Sadex: Imaatinkii Cigaal iyo Garaad, Eebba ha u wada naxariistee, ay kusoo socdaaleen Xamar masoo "dedejin" xoriyadda Koonfurta, oo taas xili qoonteysan lasii ogaa, oo ahayd Kowda Luulyo, 1960. Tan lasiiye Waqooyi ayee Ingiriiska soo dedejiyeen, see ugu sahlanaato inay Koonfur, oo maalmo ugu harsanayd xoriyadeeda, ay ula midowdo walaalahooda Waqooyi. Afar: Waqooyi kaliya u doonista xoriyada iyo shanta Soomaali midowdo kaliya kama jirin xagaas. In fact, it was auspiced by SYL, their tireless efforts made possible inay xarumo ka furtaan deegaan walba ee Soomaaliyeed -- from Gaarisa to Seylac. [Even Jabuuti xataa.] It is not good to distort -- or rewrite -- actual, historical facts. Ma fiicno. Walaalaheena Waqooyi waa halgameen, oo dadaaleen, walaaleheena Koonfureedna waa halgameen, oo dadaaleen. Both -- dad ama gobolba ha ahaadeen -- waa waa ilmihii qaranka Soomaaliya, not hooyo or aabo. Dadkii Soomaaliyeed soo halgamayna waa ku wada mahadsanyihiin. Maanta marxaladda adag jirto sidii loogu bixi lahaa la rabaa, our mother country Soomaaliya needs us more than ever. Sidee aabiyaasheen gumeysidiidka ahaa ula dagaalameen gumeysdoonka, anaga leyli cusub oo culus noo yaalo. Let us not disappoint our forefathers u halgamay dalkeena iyo dadkeena, una huray dhiigooda iyo maalkooda.
  7. There you see Aideed Sr, Qeybdiid, & Caato in cohorts of each other to advance their own political goals, not that of their respective clan. You see the same men and of course their likes, over and over leading any peace conciliation attempts. It's good to ask why these young men are taking part in these conflicts with less personal gain and much greater chance of loss of limb or life. But it's even better to ask why Somali populace are numb about this much bleeding and abuse? Soomaali hoggaamiye ku sheega ayaa wada saas u badan, kamid ahayeena kuwa aa sheegtay, Jimcaaloow. Ani daneyste hoggaan sheeganaayo lama yaabaayi, oo calooshiis buuxinteeda u daran. Aniga waxaa iga yaabiyo waa jaahiliinta u dagaalamo, believing in the name of tolka. Berina duurkaas ayaa loogu tagaa markee ku dhintaan dhiig walaalaha Soomaaliyeed, kuwii dhaawacmayna ha sheegin, oo meeshooda lagu iloobaa. Kuwaas dalkii ayeeba ku suganyihiin, oo qaarkood geeljire iska wada ahaa, oo lasoo siray, oo wax lala yaabo inkastoo tahay, haddana aqoon la'aanta ku badan. Waxaa yaabka ugu sii sareysaa kuwii dibadaha ku qaangaaray, oo qabyaalad ku raagtay, u sacabtumaayana daneystiyaashaas hoggaanka sheegto. Kuwaasaa ka daran, as attested by some posted posts by some members of this very thread. Qabyaalad kama koraan, oo living room, fabricated history masqueraded as bogus facts loogu soo sheekeeye kama weynaadaan, iyagoo xishood la'aan ahna inta ula soo shirtago, believing we would believe that crap. Beena kama xishoodaan miyaa horta? Qabyaalad qurunkeedana goormee ka kori doonaan?
  8. Sheekadaan waxaa waaye faleebada labada meel aan ka cabaa. Waa kuwa corrupt-laden sheegto inay Bari ka taliyaan, iyagaa ula jeedaa. Markee dantooda ugu jirto dowlad ku sheega ee kumeelgaarka ayee aaminsanyihiin oo kamid nahnay dhahaan, markee dantooda masuqmasuuqa ah kasoo horjeesadana waaka baxnay ayee ku hanjabaan, oo gooni ayaa u taaganahay. Maraqa labada meel aan ka cabaa waaye sheekadooda. ----------- Gen. Cadde Muuse: Puntland kama tirsana DFKMG ilaa laga samaynayo dastuur federaal ah Qoraal uu [Maarso 22, 2008] soo saaray madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL), Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) oo cinwaankiisu yahay "Tubraaca Siyaasadda Dawladda Puntland" [oo ay faafisay Warbaahinta Xafiiska madaxtooyada Puntland] ayaa si qeexan u sheegay in Puntland aysan xilligan ka mid ahayn Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) iyo in Puntland u madax bannaantahay Shuruucdeeda ilaa laga helayo dastuur ay yeelato DFKMG. Waxana uu Gen. Cadde Muuse hadalka u dhigay sidan: " Inta laga helayo dastuur federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha dawlad goboleedyo ku qanacsan qaybsiga awoodaha iyo khayraadka, taageerada Dawladda Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah - Puntland waa u madax bannaan tahay shuruucdeeda, siyaasaddeeda iyo daneheeda ." Qoraalka Gen. Cadde Muuse ayaa kusoo beegmay laba maalmood kadib [ 19/3/2008 ] markii qoraal ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje) uu ganafka ku dhuftay sharciga Batroolka ee Puntland, isagoo yiri: "Waa arrin aan la ogolaan karin in Dawlad Goboleedka Puntland oo ah laf-dhabarta Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ay si bareer ah ugu tacadido xeerka u yaal XFKMG ee Soomaaliya, kaas oo si cad u qeexaya awoodda ay kala leeyihiin Xukuumadda FKMG iyo Dawlad goboleedyada. Awoodahaas oo sheegaya in khayraadka dabeeciga ah, sida batroolka, macdanta, iwm ay yihiin hanti qaran masuulna ay shacabka uga tahay Xukuumadda FKMG ee Soomaaliya; ayna tahay awoodda iyo masuuliyadda XFKMG, in ay u dajiso siyaasad iyo sharci lagu maamulo si looga faa'iideeyo dhammaan shacabka Soomaaliya." Maamulka Gen. Cadde Muuse waxa uu hore ugu hanjabey haddii DFKMG ay soo "farageliso" arrimaha Batroolka Puntland in markaas DGPL ay ka go'i doonto DFKMG. Waxaana jira dastuur cusub oo Puntland samaysaneyso (oo aan weli la ansixin) kaas oo u muuqda mid arrintaas go'itaanka u gogol dhigaya. Weli ma jiro war sugan oo ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde, oo ku aadan hadalka cusub ee madaxweynaha DGPL ku sheegay in aysan ka mid ahayn DFKMG iyo weliba dastuurka cusub ee ay samaysaneyso Puntland. Xigasho
  9. Baaritaan ay hay’adahaasi sameeyeen ayey ku sheegeen in tirada cusbitaalada la duqeeyey oo xirmay ay ahaayeen lix cusbitaal oo dadka lagu daaweyn jirey oo kala ahaa cusbitaalkii Alxayaat, midkii Carafaat, midkii Ayaan, cusbitaalkii Alcimra, midkii Alxikma iyo cusbitaalkii Xasan Jiis intaba. Sidoo kale tirada iskuulada ku xirmay dagaalkaas ayaa gaarayey 275 iskuul oo ay dhiganayeen boqol, konton iyo shan kun iyo saddex boqol (155300) oo arday kuwaas oo noqday waxbarasho la’aan. Dhanka jaamacadaha iyo machadyadii dagaalka ku xirmay ayaa ayana gaarayey sadex iyo toban (13), ayada oo ardayda machadyadaas iyo jaamacadahaas dhiganeyseyna ay gaareysey shan kun iyo sideed boqol (5,800) oo arday. Halka dugsiyada quraankana ahaayeen kun iyo sagaashan iyo lix (1,096) dugsi oo xirmay ayna dhiganayeen arday gaareysey konton iyo lix kun todobo boqol iyo lixdan (56,760) arday. Telefishinada, Jaraa'idka iyo wakaaladaha wararka kuwooda ugu afka dheer aduunka ayaa maqal iyo muuqaalba ku soo saara maalin walba xasuuqa loo geysanayo shacbiga. Kuwaas oo ay ka mid yihiin joornaalada mareykanka kuwa ugu waaweyn, sida Washington Post, Newsweek, Herald Tribune , I.W.M. Kuwa reer Yurub iyo idaacadahooda sida weyn loo dhegeysto sida BBC-da, waxeyna arrintu hadda mareysaa in xaaladdaasi noqotay mid aan sinaba loo dabooli karin kaliftayna in wasaaradda arrimaha dibadda mareykanku ay ku cadeyso warbixinteedii sanadlaha ahayd 2007, heerka ay gaartey dhibaatada xadgudubka iyo xasuuqaba isugu jirta oo shacbiga soomaalida loo geysanayo mudooyinkaan dambe. Hayeeshee waxaysan warbixintu sheegin in Mareykanka maamulkiisa Buush hogaamiyo yahay midka ka dambeeya xadgudubyada ciidamada shisheeye oo kuwiisu ka midka yihiin ay ka geysanayaan dalkeenna, dhibaatooyinka aadanahu u geystay shacbiga waxaa barbar socdey kuwo dabiici ahaa oo xag Alle ka yimid, sida abaaro, cudurada faafa sida daacuunka, amaan dari, daadadka, fatahaada wabiyada, dalag yarida beeraha, cunaqabateynta ku dhaceysa danyarta markii ascaartii cirka isku shareertay, wixii dibadda loo iib geyn jirey sida xoolaha oo marar badan loo diidey suuqyada Khaliijka, dowladaha Khaliijka siiba Imaaraadka oo xalaaleystay nabaadguurinta dalkeena, diidayna in ay dalalkooda ka mamnuucaan dhuxusha lagu xaalufinayo dhirta Soomaaliya, inkasta oo aan si rasmi ah ugu qoray madaxweynaha Imaaraadka in ay ka joojiyaan dalkooda dhuxushaas . Walaalayaal dhibaato kasta Ilaaheen ayaa keena asagaana saara. Allana iskama keeno dhibaatada ee wixii aan geysaney oo dembiyo ahaa, ayuu waliba in ka mid ah nagu ciqaabaa. Sidaas darteed waxaa waajib ah in Ilaaheen loo noqdo si uu nooga dul qaado ciqaabta aan ku jirno, waana in aan Ilaaheen barinaa. Marka ku xigta qurbajooga soomaaliyeed ee wax garadka ah ee adduunka ku nool waxaa laga rabaa in ay inta isu tagaan, kuwooda mareykanka jooga, kuwa yurubta jooga intaba xubno wax garad ah u saaraan in ay la hadlaan dowladaha ay dalalkooda joogaan, in badanina ay jinsiyadooda heystaan dowladahaas oo mareykanku ugu horeeyo, in ay maamuladooda iyo goleyaashooda sharcidejinta, ay culeys ku saaraan in soomaaliya sida loola dhaqmayo ay wax ka badalaan, oo dagaalka lagu baaba’ay reer galbeedkuna ka dambeeyo siiba mareykanku laga daayo dalka. Soomaalida waxgaradkeedana waxaa laga rabaa in ay isku tagaan, oo kuwooda Eritrea jooga, kuwooda cabdullaahi yuusuf hogaamiyo iyo inta kasii badan ee dalka joogta in ay intuba ku heshiiyaan sidii dalka loo samata bixin lahaa. Dalka dantiisa in laga hormariyo midda qofka ama kooxda. Dalka wanaagiisa in loo heshiiyo iyo sidii distuur loo dhiga lahaa dalku yeesho , aftina loogu qaadi lahaa distuurkaas dadweynuhu u codeynayo, ayada oo horta la tira koobay shacbiga ku dhaqan dalkeena waqtiga ay munasibka noqoto oo distuurku qorayana, in ciddii doontaa ay xisbiyo furan karto. Sidaas ayaana looga bixikaraa dhibaatada dalka heysata, dhanka kalena beesha caalamkana waxaa laga doonayaa in ay oggolaato wixii Soomaalidu ku heshiiso in ay meel maraan oo ay sicad gacan uga geysato meel marinta qodobada lagu heshiiyo. Hadaba si loo samatabixiyo ummadda Soomaaliyeed, intii dagaaladda ku tagtay waaba socdeene inta soo hartay sidii loo badbaadin lahaa ayey arrintu joogtaa maanta. Sidii qaxootiga faraha badan oo ka barakacay deegaanadoodii ay ayaga oo nabad ah ugu soo laaban lahaayeen guryahoodii ayey arrintu tahay, soomaaliya in inta hartay la samata bixiyo, in ay ayada oo nabad ah, sameysato axsaabta ay dooneyso, doorashada dimuqraadiga ah oo dantu ugu jirto, oo ay dooneysana in ay sameysato, cidii ay dooneyso oo xubnaha parlamaanka ah, iyo madaxdii qaranka iyo dowladaba hogaamin lahayd oo ay rabaan shacbigu in ay doortaan sidaasna in inta dalku dhibaatada uga baxo, in uu la soo baxo kheyraadka dhulka hoostiisa ku jira oo ama macdanta ah, amaseba shidaalka ah, kuwaas oo aan rajeynayo in ay ballaaran yihiin iyo sidaas oo kaleba kuwa dhulka dushiisa yaalla oo beeraha ka soo baxaya, marka la beero dhulka baaxadda weyn leh oo biyaha webiyada iyo roobkaba lagu beeri karo oo dalku leeyahay. Waxaan aamin sanahay in xalka arrinta soomaaliya ay furo u yihiin qodobada soo socda: In ciidamada Itoobiyaanka laga saaro dalka lana keeno kuwo ka socda Qaramada Midoobey In ciidamada maleeshiyooyinka laga saaro magaaladda, xabbad joojinna lagu dhawaaqo In la soo daayo dadka la hayo ee layska aruuriyey oo xabsiyada ku jira In lagu soo celiyo dadkii barakacay guryahooda, miliishiyaadkana laga saaro xaafadaha In wadahadal lagu baaqo laysugu imaanayo dalka gudihiisa, ayada oo dhinac walba uu haysto kalsooni uu shirka kaga qeyb geli karo In uu jiro gudi madaxbanaan oo xaliya wixii laysku khilaafo In ay shirweynaha dib u heshiisiinta ka qayb qaataan xubno matalaya qeybaha Bulshada Soomaaliyeed ka kooban tahay sida: Madaxda dhaqanka Culimada Siyaasiyiinta Haweenka Ganacsatada Aqoonyahanka Qurbajooga Hadaba dad xor ah ayaa ku wada hadli kara meel xor lagu yahay. Waxaan rajeynayaana in ay ka baxaan dalkeena ciidamada soo galay ee dowladda Itoobiya, dalkana laga dul qaado wixii kale oo dhibaatooyin ah, oo lagu hayo. Sidaas oo kalena in mareykanku ka daayo soomaaliya faragelinta joogtada ah oo uu ku hayey muddo badan. Inta aan si buuxda loo fulin qodobadaas lagama maarmaanka u ah dib u heshiisiinta ummadda cidii ku dhawaaqda dib u heshiisiin ayaa la qabanayaa, amaseba tiraahda waxay ka hirgelikartaa dalkeenna waxay noqoneysaa mid riyo been ah tiigsaneysa amaseba hadalkeedu yahay mid looga golleeyahay dicaayad waxba kama jiraan ah oo ummadda lagu marin habaabinayo. Xigasho
  10. Warwarbaahineedkii uu kasoo saaray shirkii jaraa'id uu ku qabtay maalin dhawayd Xamar -- qudbadiis iyadoo qoran hoos ka aqriso. C/qaasin Salaad Xasan waa siyaasi Soomaalinimo ku raagtay waa kaas, oo ka dhab ah Soomaalinimo. --------------- Xaaladda dalku ku sugan yahay maantay waxa ay tahay: Baantustaano madaxbanaan oo qabaa'ilo ka taliyaan, sida Soomaalilaan, Buntilaan, Jubbolaan, Bakoollaan, Hiiraanlaaad iyo Banaadirlan Nabadgelyoxumo Barakicinta laba milyan [oo Soomaaliyeed] Dilka iyo dhaawaca kumanyaal rayid ah Ciidamada shisheeye oo Mareykanku soo howl galiyey asagoo ka aargudanaya shacbiga Soomaaliyeed dhacdadii 1993 Xasuuqa ay geysteen ciidamadaas Sida dalalka Afrika, Carab, Yurub iyo Qaramada Midoobey ay uga aamuseen xasuuqa iyo xadgudubyada ka dhacaya Soomaaliya, oo ka dhanka ah dhammaan axdiyada caalamiga ah iyo xaquuqda aadanaha, mar haddii ay tahay waxa geysanaya dhibaatadaas dowladii ugu awooda badneyd aduunka oo ah Mareykanka Muddo 18 sano foodda la gashay haatan, ayaa dalka Soomaaliya ku sugnaa dhibaatooyin baaxad weyn leh, oo qaarna asalkoodu ka imaanayey Soomaalida falalka ay isu gaysaneyso, kuwana ay ahaayeen shirqoollo muddo farabadan loo maleegayey ummaddaan, salkana ku haya faragelinta joogtada noqotay oo dowladaha shisheeye, siiba kuwa deriska la ah dalka iyo quwadda weyn oo ku amar ku taagleysa dunida maanta ee Mareykanku ay ku hayeen muddo badan dalkeenna wixii ka dambeeyey maamulkii dowladii ku meel gaarka ahayd ee dalka 2000-2004 oo gaashaanka u daruurtay faragalintaas shisheeyaha kana hortegeysey qorsheyaasha cadawga Soomaalida, ayey suurto gal u noqotay fulinta qorshihii ay la damacsanaayeen shisheeyahu dalkeenna . Muddo laga joogo 18 sano ayaan uga digey ummadda Soomaaliyeed waxa ay la kulmi doonto, haddii aan laga waantoobin dhibaatada lagu hayo dalka oo ay saldhigga u ahaayeen hogaamiye kooxeedyo iyo siyaasiyiin hore oo Soomaali ah oo habeen iyo maalinba ku shaqeynayey burburinta dowladdii kacaankii 21 Oktoobar, taas oo wax badanna u qabatay dalkeeda khaladaadna gashay mudadii ay dhisneyd, waagaas 1990 oo aan ahaa ku xigeenka wasiirka koowaad ahna wasiirka arrimaha gudaha ayaan ku sheegay hadal aan u jeediyey shacbiga Soomaaliyeed sida soo socota, waxaan iri: " Walaalayaalow marxalada maanta umada Soomaaliyeed mareyso ma taagna mu'ayid iyo mucaarid waa soo dhaaftay arrintu waxeyna taagan tahay god qarkiis ayaa ummadu maanta taagan tahay waxey taagantahay calankaas quruxda badan oo aabayaasheen u soo halgameen in uu maanta ciidda ku dhaco, oo gacmo badani doonayaan cad cad in ay u goostaan, haddaba waa ka balaarantahay arrintu arrin kursi ka kacsi iyo kursi fadhigiis ah, jiritaanka shacbiga Soomaaliyeed -- mar kale aan ku celyo jiritaanka shacbiga Soomaaliyeed -- ayaa maanta miisaanka saaran. Halkaa markey taagantahay qof kasta oo Soomaaliya oo Alle iyo rasuul yaqaana oo innaba qiiro Soomaaliyeed ku jirto wax walba waa in uu ka hormariyaa sidii calankaasu uu u dhisnaan lahaa ummadaasina ay mid u ahaan laheyd, ma jirto darajo gaari karto ama qiimaheedu la ekaan karo calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. Ma jirto horeyna uma jirin hada kadibna ma imaandoonto, darajo qiimaheedu la egyahay calanka iyo qaranka Soomaaliyeed, wax walba qaranka iyo calanka Soomaaliyeed baa ka weyn mar hadey sidaa tahay labana aysan isku diidi karin mucaarid iyo mu'ayid toona, walaalayaal waxaa dowgu yahay ilaaheyna uu ina farayaa qilaafaadka inaga dhaxeeyo wadahadal inaan ku dhameyno." Ha yeeshee markii lagu waano qaadan waayey wixii samaa ee la isfarayey ayey ku habsatey dalkeenna musiibadii ugu balaarneyd uguna mudada dheereyd, ee taariikhdiisa oo dhan soo marta intii uu dalku xorta ahaa. Dagaallo sokeeye oo cadowga Soomaalidu hub, saanad iyo dhaqaalaba ku bixinayey hurintooda iyo joogteyntoodaba, ayna hoggaaminayeen dagaal oogeyaal diirkana Soomaali ka ah, cadowgana u adeega, ayaa halakeeyey inta badan degmooyinka dalka haba ugu darnaato magaala madaxda Xamar. Dagaaladaas ayaana sababay dhibaatooyin aan la koobi karin oo dadweynaha rayidka ee Soomaaliyeed loo geystey, siiba intiisa taagta daran, sida caruurta, haweenka, duqeyda, aqoonyahanka, culimada iyo caamada intaba. Waxaa cad in dhibaatada loo geystay dalkeena ay tahay mid Mareykanku qorsheeyey dabadeedna ku fuliyey Soomaaliya asagoo si toos ahna uga qeyb qaatay weerarkaas, soona howlgeliyey ciidanka Itoobiya qeybo ka mid ah oo uu tababar ku siinayey gobolka Godey laga soo bilaabo 2003-dii. Marka laga yimaado danaha istaratejiyadeed oo Mareykanku ka leeyahay Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, danahaas oo sidii uu u doonayey ugu hirgeli waayey laga soo bilaabo 1969-kii markii kacaankii 21 Oktoobar uu ka curtay geyiga Soomaaliyeed, kaas oo keenay in si weyn uu hoos ugu dhaco xiriirkii dhowaa oo ka dhexeeyey maamuladii Mareykanka iyo kuwii Soomaalida, laga soo bilaabo 1960-kii markii gobanimada dalku qaatay. Maantana dhibaatada Soomaaliya heysata waxay tahay mid dhaafsan qaaradda Afrika oo idil, waana mid ka dhaxeysa annaga iyo quwadda ugu weyn oo aduunka ku soo hartey xilligan oo ah Mareykanka. Salkeeduna yahay dhibaatooyinkii na dhex maray annaga iyo mareykanka iyo sida uu ugu guul dareystay danihii uu ka lahaa geeska Afrika gaar ahaan soomaaliya. Inta kale ee qeybta ka ah dhibaataduna waxay yihiin kuwo la soo adeegsadey, oo fulinaya ujeedadaas mareykanka. Ka aargudashada Mareykanka waxey salka ku heysaa, marka laga yimaado taariikhdii labadeena dal oo aheyd mid soo martay marxalado kala duwan, oo Mareykankuba xiriir dhow iyo iskaashi sokeeyaba la lahaa Itoobiya, Soomaaliyana ay dan bidday in ay soo dhoweysato iskaashina la sameysato dalalkii Midowgii Safiyeetiga iyo Shiinaha intaba, ayaa hadana sanadkii 1992 markii madaxwenihii hore ee mareykanka Bush (aabaha) uu u soo diray ciidankii Mareykanka oo UNITAF loo yiqiin, asagoo arrintaas kala tashaday madaxweynihii markaas la doortay balse aan weli xilkiisii la wareegin oo ahaa Bill Clinton, ayaa ciidankii Mareykanka oo u yimid Soomaaliya si ay u sugaan ammaaanka iyo gaarsiinta gargaarka bini'aadannimo, oo shacbiga macaluushu baabi’isay loo wadey intaba, ayaa lagu soo dhoweeyey hortiiba caleemo qoyan oo shacbiga Xamar u lulayeen. Muddo bilo ah dabadeedna waxaa howshii la wareegey ciidamo ka socdey Qaramada Midoobey, oo loo bixiyey UNISOM. Howlgalkii Unisom ayaana keenay in ciidamo Pakistaan ah iyo kuwo kaleba lagu laayo Xamar, arrintaas oo sababtay in ciidan Mareykan ah oo kuwooda Delta Force loo yaqaan ah inta la howlgeliyo, in laga soo rido laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, laga soo rido ciidankaas mareykanka. Halkaasna ay ku dhintaan 18 askartaas ka tirsanaa midkoodna la qafaashay, tiro intaas ka badanna la dhaawaco. Halka Soomaalida dhinaceedana ay ku naf waayeen dad noqolaal gaarayey oo rayid iyo malishiyadii dagaalameysey intaba isugu jirey. Waxaana mareykanka shacbi iyo xukuumadba si weyn uga xumaday mid ka tirsanaa askartoodii la diley oo maydkiisii dhulka ay ku jiideen dad careysnaa, arrintaas oo laga daawanayey telefishinada aduunka. Xisaabtii falkaas weeyena waxa ay soomaalidu bixineyso mudada badan oo mareykanku cagta ku hayey. Xadgudubyada iyo xasuuqa loo geysanayo shacbiga soomaaliyeed oo isugu jirey dil aan loo aaba yeeleyn cidda loo geysanayo, ama si toos ah amaseba ayada oo ay haleelayeen madaafiicda iyo hoobiyeyaasha lagu ridayey xaafadaha la deggan yahay ee magaalooyinka ayna ku naf waayeen dad rayid ah oo lagu qiyaasay 7-kun oo ruux ayna ku dhaawacmeen dad gaarayey 2500 oo ruux mudadii u dhaxeysey 2006-2008. Barakaca hadda malaayiinta gaaray ee shacbiga ah, bur burka guud ahaan dalkii oo dhan gaarey, si gaar ahna u haleelay caasimadda, oo baxaddiisu weyn tahay, galaaftayna hantidii guud sida cusbitaaladii, iskuuladii, masaajidyadii iyo suuqyadii lagu ganacsan jirey iyo hantidii gaarka aheyd intaba. Afduubka ummaddii oo dhami guud ahaan u qafaalan tahay dowladaha shisheeye oo Mareykanku hogaaminayo iyo hogaamiye kooxeedyada qabiilka ku habar wacda, si ay danahooda guracan u fushadaan, kuwaas oo ah wakiilka cadowga dalka iyo dadka soomaaliyeedba. Xadgudubyada aan tiradooda la soo koobi karin oo isbaheysigaas ciidamada shisheeyaha iyo dagaal oogeyaasha u adeegaa ka geysteen dalka, ayaa haya'daha aduunka ee xaquuqda adanaha u doodaa ku tilmaameen in uu yahay midka ugu daran ee ka dhacaya aduunkaan maanta. Hayadaas waxaa ka mid ah "Human Wright Watch" oo Mareykan saldhigeedu yahay, I.S.G (International Crises Group) oo Yurub saldhigeedu yahay, Black Agenda Report oo Washington fadhigeedu yahay, hay'adda Amnesty International iyo kuwo kale oo farabadan, dhanka Soomaalida waxaa ayana si faahfaahsan u qoray xadgudubyadaas loo geysanayo shacbiga, hay'adaha xuquuqda aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale, madasha bulshada rayidka Soomaaliyeed, hay'ada xuquuqda aadanaha ee Elman, odayaasha dhaqanka beelaha Xamar deggan iyo hay'ado kale oo wadani ah ama ururo Soomaaliyeed intaba. Waxeyna sheegeen in dagadlada iyo xaaladda ka abuurantay oo ku tumashada xaquuqda aadanaha ay ka dhasheen dhibaatooyin bulsho oo kala ah:- Dugsiyadii Quraanka, Iskuuladii iyo cusbitaaladii oo in badani xirantahay, shaqo la’aan baahsan iyo suuqyadii ganacsiga oo xirmay taas oo si weyn sare ugu qaaday qiimaha maciishada. Isku socodka dadka iyo gaadiidka oo si weyn u yaraaday markii la xiray jidadkii magaalooyinka Sidoo kale waxey warbixintoodu tilmaameysay in dadkii qaxay ay la ildaran yihiin biyo la’aan, cunto la’aan, hooy la’aan iyo cuduro ay ka mid yihiin shuban biyoodka. Halka kuwoodii gobolada u qaxayna ay la kulmeen ammaan darro isugu jirta dil, dhac, kufsi iyo boobka hantidooda oo ay u geysanayaan dadkaas burcada ku baahdey wadooyinka dalka.
  11. It was Soomaali-on-Soomaali, one of the victims' relatives said so. Unless he was lying or something. I am not making assumptions, I was in fact defending Soomaalis earlier in this very thread. Soomaali dibad isku ugaarsaneysana, isku dileysana tan ma ugu horeynin, mana ugu dambeyneyso. If you have evidence it being a Jameykaan shooting Soomaalis, bring it on, otherwise do not assume yourself one. ------------- what a shame ......... tolow dadkaan maxaa isku saliday ........ it was better markay la dagaalmayeen dad kale Waa ciyaal dhalinyaro ah waashay, jihadiina ka dhuntay. If you have had ever being there, that doughnut place at the wee hours of dawn, you would know what I am talking about. Dhalinyaro wada high ah, oo balaayo baas ku sarqaansan ayaa wada tuban meeshaas, oo kii soo maro caay iyo aflagaado ugu hortago, whether you are Soomaali or not. I once made a mistake to ask them directions a few years ago, caay la iigu jawaabay. Intaa fiiriye shib iskaga iri kana tagay. Kuusha and Aaliya, aamiin to your duco.
  12. Micnihii 'gobol' qalad laga fahmay. Gobol la sameeye see u noqonee xaruntiisa kaliya hal degmo iyo laba tuulo ku wareegsan. See gobol u noqonee waxaas. Dad ama qabaa'iilo la qanciyaa la rabaa, laakiin maamus dowlad ma'aha waxaas. Sideed iyo tobonka gobol u daaya Soomaaliya, taas nagu filan.
  13. Xabashis indiscriminately killed, massacred, murdered thousands of Soomaalis, yar iyo weyn, caruur iyo waayeel. And if they slaughter a few hundred more of innocent Soomaalis, it wouldn't be a surprise. No need to believe what a foreign media service reports, whether it is CNN or an Iranian one. Just ask what they did -- and still doing -- to Soomaali residents of Soomaali Galbeed, and today in the whole of Soomaaliya.
  14. Originally posted by Dabshid: No plan whatsoever than fight,No wonder they failed and turned to kill each otjher. All Soomaalis turned on each other. Mid mid kale dhaamo ma jirto. Kuwii shaley isla jiray, beri iska soo horjeedo oo isdilaayo. Kuwii shaley cadow ahaa maanta isla safan. Meel ay u socdaan iyo ka socdaan ma yaqaanaan ka ahayn daadiska dhiig maati Soomaaliyeed. Daneyste aan xad lahayn ayaa hoggaan sheegto, taas ugu wacan. Kuwa u sacabtumana iyagaa ka daran kuwaas.
  15. Another weekend, another Soomaali shooting. This time it seems it was Sooamali-on-Soomaali shooting. Sad, sad, sad. That doughnut shop is the most which Soomaalis hang out, especially kuwa shaqo la'aanta dishay and is infamously known for a Soomaali watering hole. It is also just across from that Dhigsan xaafad populated by Soomaalis.
  16. Four men shot while in doughnut shop Four men escaped serious injury after they were struck by a shotgun blast through the window of a west-end doughnut shop early Saturday morning. Det. Brian Beadman said he is awestruck none of the victims were killed. “It’s kind of amazing actually that nobody got hurt more than they did,” Beadman said. “I’m surprised.” Three of the men were sitting inside Country Style Donuts around 1:15 a.m. at 606 Dixon Rd., near Kipling Ave. when they were shot at close range through the window of the business. The three men, in their late teens or early 20s, then ran into the bathroom of the doughnut shop to hide. Frightened staff quickly locked them in the bathroom and waited in the back until police arrived moments later. A fourth man, in his 20s, walked into the Toronto police 23 Division building soon after, suffering from gunshot wounds. Police believe he had been at or near the business at the time of the shooting, but fled after being struck by gunfire. Staff members were shaken by the shooting, and stayed in the back while paramedics treated the injured men, who were all customers. "I’m scared. When I heard the noise, I just lied down at the floor,” said one employee, who wouldn’t give his name. All four men were hit in their “lower extremities” by close-range fire similar to a shotgun blast, Sanson said. They were all taken to hospital, but are expected to recover. Police don’t know what led to the shooting. Two other customers were in the donut shop at time of the shooting. Beadman hopes these witnesses and others can help piece together what happened. “If there are any witnesses we’d love to hear from them,” he said. Officers are looking for as many as three men who were seen fleeing the scene. One suspect, who is believed to have carried the shotgun, is described as male and about five-feet, two-inches tall. He was wearing a blue bandanna, black jacket, dark pants and a dark baseball cap. The Toronto police K9 unit was brought in to search for the men, but found nothing. Koronto Star
  17. This is a hitorical clip, as sad, cringing and lamentable as it is to watch. Wixii xiligaas bilowday meel la qabto la'dahay maanta. One cannot avoid but forced to notice how the so-called leaders in the clip are well-off and kuwa lasoo sirayna, the ignorant youths, bilaa micno u dagaalamaayena diifka, rafaadka iyo busta ka muuqato, especially at the end kuwa dhaawaca ah laga naxaayo aragooda iyo muuqaalka see yihiin. I just don't understand waxee ka dheefeen than waxaas, siiba kuwa isla quman ka muuqdo cajalka. Beri meeshaas loogu tagaa markee dhaawac noqdaan. Odey qabqable Soomaaliyeed ku daneystay in the name of so-called tolka's advancement. Sida loo plan gareynaayo, loo execute gareynaayo the war planning, it is so sad that it is almost too ridiculous to watch. Waxaaba moodaa cadow shisheeye in duulaan lagu yahay. Equally, the other side were doing their bloody share as well, as cruel as this clip is. Give, also, a closer look at the background too as well, how jano-like the deegaan was. That was Jubbooyinka. Key word is was. Today, waa kaas, geedahaas iyo dhirtaas la wada gubay maanta in order dhuxul la dhoofiyo laga sameeyo by maafiyo with fattened bellies and zero damiir Soomaaliyeed, dhulkaasna abaar nabaadguur ah ka dhigay.
  18. Originally posted by Cadaan: Is "awkuuku" supposed to mean like "cuckoo"? Cuz that's what it reminds me of.... Kuuku in Afsoomaali is the little crow sound roosters make, especially at dawn. Awkuuku at his prime heyday. Or here and .
  19. Originally posted by Cadaan: quote:Originally posted by Buuxo: Filtar Are you serious? Filter? I do think the sister meant Filsan, a bit typo, I assume. Buuxo, intee ka keentay 'Filtar'? Ebidkeey ma maqlin qof la dhaho Filtar. Taloow qofka Soomaaliyeed magaca Buuxo la dhaho intuu buuxsamin maa Filtar la dhahaa? Seriously, though, grammatically it is correct, oo 'fil' iyo tar' la isku daray, sida Samatar [which means doer of good deeds] or Cantar, so Filtar can be a male name as much as grammatical terminology of naming places/people/etc is concerned; so Filtar would possibly mean "doer of the expected [positive actions]." The Filsan's male counterpart name.
  20. Sicir barar mise siyaasad barar? Bilihii u dambeeyay waxa ay dadweynaha soomaaliyeed ay dareemeen muducyo afaf dhaadheer leh oo mud mudaaya, waxay taabteen xaqiiqo dhibaato oo ku noqotay mid soo jireen ah, guri kasta waxaa u muuqday in ay wax sii baa’abayaan markii ay ka waayeen iftiin lagu soo hirto iyo biyo lagu oon baxo waa daruur nabadeede. Samanku waa mid colaadeed, dhankaad u baxso tiraahdana waxaa ku hortaagan kooxo qatayaan laga joogo oo dadka diirta, waxay sitaan mindiyo afaf wax xiira leh, cabsi iyo argagax ayay dadka ku ridaan cadaawad fool xun ayaa ka muuqda ma jiraan wax xariir ah oo idiinka dhaxeeya, laakiin waxa kaliya oo muuqda waa inuu ku dhaco, waa qeyb ka mid ah Sicir bararka oo hala yaabin oo Safar Barar ku darso erey bixintaada sanadka. Labo sano ka hor inkastoo uusan amaan jirin uusan amaan la isku haleeyo hadana qelo kama soo yeerin maciishada quutal daruuriga ah, laakiin maanta sicirkii waa loo dhawaan waayay oo waxaa dhashay Sicir barar aan caadi ahayn, ma laha sida wararka lagu hayo waxaa buufiyay sicirkii makiinado dhowr ah oo yaala Gobolada Punland malkiiyaasha makiinadahaasi ayaa runtii ka fikirin dhibtaada ka imaan kara mashinadoodaas, nasiib daro kama aysan fikirin xitaa inay saamayn karayso suntan ay buufinayaan xigtadooda hoose, hadaba sicir barar + siyaasad barar = caga barar . Intaasoo kaliya ma aha xaruntii dhexe ee ganacsiga oo Soomaaliya waa Suuqa Bakaarahee waxaa ka socda bilhii u dambeeyay dagaalo kuwaasoo xitaa bararkiciyay ganacsatadii suuqaas, waxay sababeen qeyb ka mid ah sicir bararkaas ee maanta lala daalaa dhacayo, in badan oo ka mid ah shacbiga soomaaliyeed waxay ku riday jahawareer iyo maskax daal waxayna ka fikiriyaan inay waxoo dhan ay sabab u yihiin siyaasad bararka ku dhacay soomaaliya oo ka dhigay arlada Soomaaliya qarax iyo hur badan oo ay colaadaha iyo abaaraha isu dhiidhiibeen, noolasha waa mid qaraar, wayna sii qaraarowaysaa maalinba maalinta ka dambaysa, sababatoo madaxdu maciin ma leh, kuugyaashu naxariis ma leh, fadlan waa inay Madaxdu iyo kuugyaasha waa inay noqdaan kuwo naxariis saxiib u ah. Hadaan taa la helin dadku waxay ku dhaw yihiin in sagxada hoose ee tareenka waalida qanqaniinaan ayna la dagaalamaan xowliga xanaaqa ee hareeyay haduuba yaraanayo. Weli dadweynahu waxa uu raad raadiyaan oo uu isku qancinayaan wax aan la isku qancin Karin, maxaa yeelay qof kastoo naga mid ah waxa qorshaynayaa si uu naftiisa u qayaanayn lahaa, nin badda isku rida isagoo lacag ku bixinaya si uu u dhinto, qof ilmihiisa ula carara xaduudo dalal kale laakiin uusan ka fikirin aakhirka waxa ugu imaan doono iyo waxa ay ku dambayn doonaan caruurtiisa. Magaalo kasta iyadaa isku murugsan oo murug kale uma baahna tusaale ahaan soo qaado Beladweyne waxa ka dhacay!!! Puntland waxa ka soo karayaa oo uu qiray madaxweyne ku xigeenkeeda!!! Qaraxyada hawada isku salaamaya ee magaalada muqdisho oo qofkii ku dhex jirana isagiiba is weysan waa meel aan aadanaha loogu turin, Xayiwaan warkiisaba daa!!! Dalkoo dhan waa wada qabyo, maanka iyo dareenka gudaha daweynaha dagaal ayaa ka socda oo qof kasta waxa isu sheegayaa Ereyadan MA BAXDAA .. MA JOOGTAA...MAKA DHUUMATAA CARUURTAADA MISE GURIGA AYAA U IIBISAA iyo ereyo kale oo ku jiro hayi kac baahsan. Sidaa darteed ficil iyo falaad siyaasadeed waxa sababeen in mar kale inay soomaaliya kala guurto, ka dib markii wixii la doono lagu dul fuliyay dadka korkooda wixii la doono xitaa in Hubab lagu tijaabiyay dadka korkooda inay ciidamo tababar ku qaataan dagaal magaalo, goormay muqdisho noqotay xero carbis lagu sameeyo, sidee hadaba aduun arag u noqdaa mid ilbax ah, hadiiba uu xaalka sidaa maraayo waxaa la gudboon soomaaliga ku toosan Islaamnimadiisa ku dhego xariga Alle ku suuxo wado kale oo furan ma jirto sicir ha bararo ama yuu bararin, hala buufiyo ama yaan la buufin BM ha guuxo ama yuusan guuxin, Hoobiye ha hoobto ama yuusan hooban, qoob iyo qeylo ha yeerto ama yeyasan yeerin habar haweenkeeda ha is waayaan ama yaysan is weynin waxaasoo dhan waa fakir aduun laakiin waxa muhiim in shacabiga soomaaliyeed ka fikiro waxa ku dul dhacaaya waxa sababta u ah. Xigasho
  21. Dad ka careysan Sicir barar ka taagan Magaalada Muqdisho oo boobay Raashin Ganacsato u rarnaa Dad ka careysan sicir barar maalmahan ka taagan magaalada Mqudisho ayaa waxay maanta boobeen Raashin u rarnaa Ganacsato Reer Muqdisho ah, kadib markii gaari uu Raashinkaas saarnaa ay Dadkaas ku qamaameen. Falkani lagu boobay Raashinka ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Sanca ee ee kala qeybiya Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyadoo Gaariga Raashinka raasnaa ee la boobay uu ku soo dhex dhacay dad ka banaanbaxayay Sicir Bararka ka jira magaalada Muqdisho, inkastoo markii dambe ay ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka ay dadkaas kala ceyriyeen. Sidoo kalena, Dad kale oo iyana Sicir bararka ka banaanbaxayay ayaa waxay boobeen Goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Kaaraan, iyadoo dadkaasi oo dhagaxyo tuurayay ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Ganacsatada oo ay ku sheegayeen in ay yihiin dhiig-miirato ka dambeeya sicir bararka ka taagan magaalada Muqdisho. Habeenkii xalay ahaa ayaa xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan waxaa ka dhacay Banaanbaxyo ay dhigeen Dad ka careysan Sicir bararka ku yimid Raashinka Quutul daruuriga ah iyo weliba Shidaalka, inkastoo dadkaasi ay si gaar ah uga cabanayeen koronto la’aan la soo deristay kadib markii shidaalka oo qaaliyoobay aawgii loo demiyay Matoorro ay Koronto ka heli jireen. Waxaa jirto cabsi ku saabsan in uu Suuqyada Muqdisho ka dhaco kacdoon Shacbi oo ka dhan ah Sicir bararka ku yimid Raashinka iyo Shidaalka, kaasi oo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyaan Ganacsatada Muqdisho oo qaarkood keydiya Raashinka iyo Shidaalka, isla markaana la soo baxa marka la waayo oo uu qiimahooda sare u kaco. Shalay ayay ahayd markii Dadweyne aad u faro badan oo ku dhaqan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ay ka banaanbaxeen ganacsato Degmooyinkaas ku dhaqan oo diiday in ay qaataan Lacagta Kunka Shillin Soomaaliga ah ee duugowday, iyagoo sidoo kalena banaanbaxooda uga cabanayay Sicir Bararka ku yimid Raashinka iyo Shidaalka.
  22. 1000ka Shilin oo sababtey mudaharaad ka dib markii la diidey in la qaato Waxaa maanta banaabax si iskiis ah uga bilodey xaafada Madiina ee magaalada Muqdisho kaas oo dadka dhigayaa ay u badnaayeen kuwa dan yarta ah ee nonol malmeedkooda uu ku xiran yahey wixii malintaas ay soo helaan kaas oo ka dhashey caro ay ka qaadeen markii la diidey lacagta 1000-ka shilin ah ee ml yar xitaa ka dilaacasan. Dadka mudaaharadaya oo ka soo bilaabey socdkooda deegaanka suuq boocle ee degamada dharkeyn ley,ayna si aada wax uga iibsadaan dadkii ka soo qaxey magaalada muqdisho xaafadeheeda ay duqeynta u geyseen ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ay saakey mar qura si lama filaana uga bilodey mudaharaadakan oo markii danbe ku soo fidey ilaa laamiga isla markaasna dadku ay qaadayeen laamiga aykoo markii danabena gaarey ilaa suuqa weyn ee xaafada Madiina ee laamiga. “Waxaan diideynaa in la diido 1000 kunka SH.So, doolar qaate doonimeyno kunka diidide doonimeyno” ayey si qeylo dhaan ah ugu muujinayeen dadkaas mudahaaradayey oo qaarkood ay ka muuqatey diif iyo in ay ku adagtahey noloshu. Dadka Ganacsatadaa qeybahooda kala gedisan ayaa bilaabey in ay kala saaraan lacagta kunka shilin ah oo aydu ah mida kaliya ee Sh. So. ka nool waxaan ugu daran dadka kuwa iibiya caanaha, Raashinka, Gaadiidleyda iyo xitaa kuwa dhuxuhs iibiya dhamaantood . Amuurtaan ayaa waxaa dadka muqdisho ku nool waxaa ay la yaabanyihiin wax xigi doona ee wax lagu iibasan doono 1000ka Shilin hadiiba la diidey iyo waliba walaac kale oo ay ka qabaan in loo sahlayo kuwa soo sameysta lacagta been abuurkaa ee kunkaa hadii midi duuga aheyd la diidey xiligan oo dagaalo ay la degeen dadkii Muqdisho. Xigasho
  23. Lacagaha Shilin Soomaaliga waa la diidaye Maxaa wax lagu kala iibsan doonaa? Lacagaha Shilin Soomaaliga ayaa soo marey maraaxiil kala duwan tan iyo intii ay burburtey Xukuumaddii hore ee Soomaaliya,iyadoo markii ay xukuumaddu burubrutey ay shaqeeynaayeen lacagaha oo dhan,sida 10 Sh,20 Sh,50 Sh,100 Sh,500 Sh iyo 1000 Sh,hase yeeshee horrraantii Sagaashameeyadii waxa gebi ahaan suuqa ka baxey oo la diidey Lacagaha 10,20,iyo 50 ka. Hase yeeshee lacagahaas ayaa u wareegey Gobollada W/Bari,iyo W/Galbeed,iyadoo ilaa haddda ay ka shaqeyso lacagta Kontonka Shilinka Soomaaliga ah,hase ahaatee lacagaha Boqolka Shilin iyo Shanta Boqol ee Shilin ayaa gebi ahaan laga diidey Caasimadda iyo Koonfurta Soomaaliya oo dhan,taas oo markii dambe loo daadgureeyey Gobolladda Dhaxe iyo Gobollada Waqooyi. Haddaba waxa isweyddiin Mudan sababaha ka dambeeysa diidmada lacagaha ee Koonfurta Soomaaliya.Diidmada lacagaha Tobonka ilaa Boqolka shilin ee Soomaaliga ah ayaa timid markii dhaca iyo Boobka foosha Xumaa uu ka socdey Gobollada Koonfureed,iyadoo lacagahaasna ay ahaayeen lacagyow Xoosh ah oo qaadisteedu ay aad u dhib badneyd,iyadoo ay Burcaddu soo beegsan jirtey tira badnideeda,taasina waxay kalliftey inay diidaan Ganacsatada waaweyn iyo kuwa yaryar ayna sidaas suuqa uga baxdey. Waxaa lacagta laga isticmaalo Caasimadda iyo Gobollada Koonfureed ku soo hartey 500 sh iyo 1000 Sh,waxaana Markii dambe soo ifbaxdey in la diido lacagta Shanta Boqol taas oo ay billaabeen Ganacsatada waaweyn,taasina waxay salka ku haysey siyaasad dhaqaale doon ah oo ay ku doonayeen inay soo sameystaan Lacago been abuur ah oo xaaraan ah,si ay taas meel ugu helaan ayay diideen lacagtii Shanta Bqol ahayd,waxana Shanta Boqol Koonfurta iyo Caasimadda laga diidey sanadkii 1999lii,waxana loo daadgureeyey Gobolladii lacagihii hore ay ka shaqeeyaan. Waxana Lacagta Koonfurta Bartamaha Soomaaliya laga isticmaalo ku soo aruurtey Kunka Shilin oo keliya taas oo Muddo 7 sano ah ka dambeysa Shanta Boqol,waxana inta uu kunku shaqeeynaayey la soo dabaacey lacago fara badan oo Ganacsato aan xaaraan iyo Xalaal u kala soocneyn ay soo daabaceen;taasina waxay qiimo dhac u keentey lacagta Soomaaliga oo uu ka nool yahay Kunka shilin oo kaliya. Haddaba dhowaan ayaa waxa soo ifbaxey in la diido lacagaha duugga ah ee Kunka Shilin,waxana arrintaas ka soo shaqeeyey Ganacsato leh ujeeddo Siyaasad Dhaqaale doon ah,iyagoo ka soo billaabey Tuulooyinka oo dadka reer Miyiga ah dhegaha ugu shubey inay diidaan Lacagaha Jeexan iyo Midda duuqgta ah si ay mar kale Fursad ugu helaan inay soo daabaacaan lacagaha Kunka ah. Arrintaas ayaa laga soo billaabey Gobolka Shabeellada hoose,iyadoo iminka dhibaato badan lagu qabo dhamaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka kala duwan ee Gobolka,iyadoo meel kasta marka aad istiraahdo wax ka gado lacagta la kala saarayo oo tan jeexan iyo tan duugoowdey lagugu soo celinaayo,waxayna arrintani keentey dhibaato badan oo dadka danyarta ah soo foodsaartey. Magaalada Muqdisho ayaa Markii ay Dowladdu soo gashey waxaa ku soo batey Lacagaha cusub ee Kunka Shilin,taas oo la sheegey inay Dowlladdu keensatey oo ay siineysey Ciidamadeeda,hase yeeshee Kooxaha ku kacsan Dowlladda ayaa Ganacsatda Suuqa Bakaarha uga digey inay keeni Karin Suuqa Lacagaha cusub,taas oo ay amar ku bxiyeen shaqsigii lagu arko in la toogaanayo,taasina waxay cabsi weyn ku abuurtey Ganacsatda lacagaha cusub keeni jirey. Arrintaas oo wax weyn u tartey reer Muqdisho,ka dib markii ay ka badbaadeen Duufantii lacagaha Faalsada ah ee saameyn ku yeelatey Gobollada Bartamaha iyo W/Bari;Haddaba Ganacsatada ku naaxey lacagaha ku yimid Ganacsiga Xaaraanta ah ayaa raadiyey Siyaasad kale oo ay kaga badbaadaan diimada Lacagaha cusub ee ay Kooxaha Mucaaridku hor joogsadeen,taasina haatan sabab u tahay diidmada Lacagaha Jexmey iyo tan duugoowdey oo ay ka soo ansaxiyeen reer Miyiga iyo Dadka Tuulo joogga ah. Haddaba haddii Lacagta cusub ee la keensanaayo ay Kooxaha Muqaawimadu diideen tan duugoowdeyna ay Shacabka iyo Ganacsatadu diideen,waa tee lacagta ka shaqeyn doonta Caasimadda iyo Koonfurta Soomaaliya?waa so’aalo taagan oo ay dadku Bishan ku qaxweeeyaan. Si kastba ha ahaatee lacagta Soomaaliya waa dhimatey ee maxaa wax lagu kala garaa? Jawaabta Su’aashani waxa weeye waxay noqon doontaa laba Arimood Middood: 1-Inay Kooxaha Mucaaridka ah ee hor joogsadey isricmaalka Lacagaha cusub ay faraha ka qaadaan oo Ganacsatada Xaaraan ku naaxa ahi ay Fursad helaan oo ay soo daabacaan Lacag cusub oo kunka Shilin ah,oo sidaas ku sii shaqeysta,mar kale,sicir barbarkuna uu halkiisa ka sii socdo. 2- Iyo in gebi ahaan Lacagta Kunka ah gebi ahaan la diido oo lacagta Soomaaliya laga Isticmaalo ay ahaato lacagaha Qalaad ee Suuqyada yaalla taas oo lagu kala gadan doono badeecooyinka Jumlada iyo Tafaariiqda ah, taasina waxay dhibaato weyn u keeni doontaa Shacabka oo aan wada heli Karin lacagaha qalaad. Mana jirto Fursad kale oo ay heli karaan Shacabka dhibaateysan oo dhibaatada inta badan ay iyagu masuul ka yihiin,sababtoo ah si aan toos ahayn ayaa laga fuliyaa wax kasta oo la doonayo in la meelmariyo. Xigasho
  24. Isticmaalka 1000-Shilin [kunka Shilin] ee duuqa ah oo xaalada adag ay ka soo wajahday dadka reer Muqdisho ka dib markii ganacsatada qaarkood ay diideen in wax looga iibsado Iyadoo lacagta 1000ka Shilin ah ay haatan tahay lacagta kaliya ee imika laga isticmaalo magaalada Muqdisho iyo inta badan koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa imika isticmaalka lacagaasi gaar ahaan kuwa duuqa ah soo wajahay xaalad adag ka dib markii qaar ka mid ah ganacsatada yar yar iyo kuwa waaweyn ay bilabeen iney diidaan in waxl ooga iibsado. Waxaa sii kordhay muranka iyo isqabqabsiga u dhexeeya ganacsatada iyo ddaweynaha oo ku aadan qaadasahada lacagtan oo illaa hadda la fahmi la yahay cida mas’uuliyadeda leh, waxaana arintan dadweynuhu ay ku eedeynayaan iney ka dambeeyaan ganacsatada, halka ganacsatadana ay dhabarka u saariyaan sariflayaasha oo ay sheegeen iney ka diidaan, iyadoo sariflkayaashana ay ku andacodeen in dadka ay lacagaha u sarifaan ay ku soo celiyaan oo ay diidaan iney qaataan lacagtan duuqa ah. Arintan ayaa si weyn u saameysay dadka dabnyarta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo kuwa muruqmaalka oo waxoogaaga ay soo helaan marka ay goobaha ganacsiga la tagaan loo kala sooco oo la leeyay taa iga bedel iyo tan ma qaadanayo xili ay horeyba ula daalaa dhacayeen oo noloshodaana uu ula degay sicir bararkii ugu xumaa ee abid soo mara taariikhda inta la ogayahay oo ku dhacay badeecadaha gaar ahaan kuwa quutul daruuriga ah. Qaar ka mid ah sariflayaasha yar yar ee xaafaadaha ayaa sheegay iney joojiyeen lacagihii ay dadka u sarifi jireen, ka dib markii sida ay sheegeen ay dadku bilaabeen iney u soo celliyaan lacago aad u fara badan oo duug ah, taasoo ay sheegeen ineysan garaneynin meel ay ula noqdaan oo looga soo bedelo, waxayna ku eeedeeyeen ganacsatada soo sameysata lacagaha faalsada ah iney arinkan ka dambeeyaan ay si ay socodsiiyaan lacagaha ay keenaan ee sharci darada ah, iyadoo dhinaca kale illaa hadda aysan jirin wax talaabo ah oo aritan ay ka qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo u muuqata in aysan wax miyir ahba u heynin. Xigasho
  25. Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo maalintii oo dhan quuta hal mar kadib markii sicir barar aad u weyn ka dilaacay magaalada Qiyaas hordhac ah oo laga helay Ururada Bulshada Magaalada Muqdisho ayaa lagu ogaaday in cunista Raashinka hoos u dhacday 48 saac aynu soo dhaafnay iyadoo goobaha lagu iibiyo Raashinka ay yar tahay dadka cuntada u doonta. Qiimaha Saliida, Bariiska, Baastada, Hilibka iyo Biyaha ayaa kor u sii kacayay Labadii Maalmood ee laga soo gudbay, dhibaatadaas jirta waxaa intaas u sii dheer lacagta Shillin Soomaaliga oo meelaha qaar laga diiday. Marka aad eegto Sarafka Lacagaha qalaad, Boqolkii Dollar ayaa Magaalada Muqdisho saaka waxaa uu ka marayaa Labo Milyaan afar Boqol iyo Toban kun oo Shilin Soomaali ah. Marka aad rabto inaad aado Degmada Madiina waxaad ku tagaysaa Lacag dhan 8000 kun meeshii markii hore aad ka bixin jirtay 3000,sidaas darteed waxaa khatar badan soo wajahday nolosha kumanaan kun oo Soomaaliyed. Dhibaatada waxa u sabab ah Ganacsatada keenta Raashinka, Sida Sokorta, Shidaalka iyo waxyaabaha kale ee ku xiran nolosha dadka. Labada Suuq ee hadda dhaqaaqa cagaha badan lahayn ka socda waa Bakaaraha iyo suuq Bacaad labadaas goobood ayaa ah halka ay dhibaatada ka socota oo aysan jirin cid Maamusha waxay doonaan ayay subaxdii ku furan Ganacsiga. Dadka soomaaliyed oo inta badan ku nool Lacago dibadda biil ahaan loogu soo dhiibo ayaa waxaa haysta dhib aad u weyn. Dhibkaas oo ah haddii qoyska markii hore loo soo dhiibi jiray 100 Dollar maanta kuma filana waxay u baahan yihiin qoyskaas ku dhawaad 300 oo Dollar maxaa yeelay wax kasta waa qaali waxaana saameeyay sicir barar aad u weyn. Waxaa jirta in guriyaha maalintii oo dhan hal mar oo kaliya dabka la shito, waana halistii ugu weyned ee soo wajahda dadka Soomaaliyed ee ku dhaqan Soomaaliya, iyadoo taa u dheer tahay dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka socda Xamar iyo Gobolada dalka. Xigasho