-
Content Count
17,655 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
How big a set of balls should a man have?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in General
I guess nothing less than two tennis balls would fully satisfy a man. -
Horta dadka ku hadlo lahjadooyinka kale ee Waqooyiga iyo Galbeedka Soomaaliya loogu hadlo have this mistake about lahjadda Xamar loogu hadli jiray, looguna hadlo hadda waliba. Xamari iyo Reer Muqdisho lahjadahooda isku qaldooyaan. Xamari Reer Xamarka [banaadiriga] ayaa ku hadlo and is much heavier than kan ee dadka kale Muqdisho kusoo koray ku hadlaan. Dadka Xamar kusoo koray isla markii ayee fahmaan lahjadda Xamari. Kan uu Awkoombe ruwaayadaha ku jili jiray waa Xamari, tusaale ha ahaadee.
-
Wafdiga Dawlada iyo Xubnaha Mucaaradka oo is marxabeeyay
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Emperor's topic in Politics
Originally posted by Koora-Tuunshe: The dh suffix is the correct Somali. For instance, Gabar and Gabadh. If we want a plural term for Gabar, we can't think of it, but for gabadh, it is gabdho Hokey, wax la gartay. Laakiin how do you say 'gambar?' Gambadh? And why is it Hargeysa, while at the same time most speakers of this lahjad spell the word harwanaag as hadhwanaag? Again, some say the word waraf as wadhaf, but have no problem when they pronounce and write warfaafin, warbaahin, wargeys and so on. Don't you see inconsistencies? The speakers of this lahjad ayaaba wareersan intii meel kala la aadin; some assume the "dh" letter is just an "r" one and can be substituted to it anytime, which is not. At one time, I believe, dh letter was different from r, as different as an s and sh. -
Aawey magacyadii Soomaaliyeed isku bixin jireen maadaama reer guuraa ahayeen? Dalmar Dulmar Geedi Socdaal Guurre Dareere ... Soomaali waligood wey soconayaan, meel ay u jeedaan ha u jeedaan. Xataa this site recognizes that, being a nomad.
-
Cudurka Buufiska ah iyo qeebihiisa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to nuune's topic in News - Wararka
Soomaalida badankoodaba buufiska inay tahay jiro maba aaminsana, qaarkoodna ma'oga. Horta mida koowaad in la qirto waaye, kan qabo ka bilaabatee. Kuwa buufiska qabo, siiba kuwa dibad dibadeey ku dhacday moodo inay ka dami doonto jiromaankooda markee imaadaan meelahaan Galbeedka ee moodaan inay tahay daawadooda. Maxee ka ogyihiin hee, Eebboow ha cadaabin. Magaaladaan aan deganahay waxaa ku yaalo isgoys Soomaalida ku badantahay oo Soomaalida wada taqaano, iskugu imaadaan, isgoyskaas oo la yiraahdo Weston/Lawrence oo markaa taagantahay Soomaalida aad ku arkeysid waaka naxee, walaahi. Wax aan wada fiyoobeen, xataa kuwa ismoodo inay caadi yihiin. Waa isku wada jiraan, waayeel, dumar, saqiir, kabiir iyo wixii u dhaxeeyaba. Jidkaas aad martidba Soomaali waalan ugu yaraan sadex mise laba waa arkee. Markii igu naxdin badnayd waxee ahayd bilooyin kahor aan ku arkay wiil Soomaaliyeed oo yar, haddee ugu badato da'diisa ka weyneen 14 jir oo maskaxda loogu jiray oo jidkaas aan ka hadlaayo maraaye. Aad aa ugu naxay maskiinka. -
Originally posted by General Duke: MMA, rushes in and adds the usual waffle. One does not need to learn antyhing from someone who supports an illetrate former Qat merchant. Also this is a reasonable question, what makes Ato an MP any different from the man who's family wa bombed? The later MP has no history, so why did they target him? Answer the question and stop resorting to the usual fake nationalist nonsnece. Markaa Afsoomaali soo baratid sida loo aqriyo iyo loo qoro ayaa aniga iyo adiga wadahadleynaa. Mise Afamxaar soo baro, meel lee ha laguugu toosee. In the meantime, go ahead post misleading, deceptive titles that bear little reference with the actual content or posts within the threads.
-
Qabiil baa ku qafiiftay. Kuwa qabtay iyo kuwa possibly bambada tuuray in Baydhabo isku qabiil inay kasoo jeedaan laga yaabaa. The so-called xildhibaan that was attacked today is Reer Baydhabo. So if they were playing qabiil game, they would have spared him and instead Caato hilfaha u laabi lahayeen. Wax kale la imoow barabagaandhadaan ma soconeysee. Your accusation of qabiil is out of the window, siiba kuwaas Shabaab la baxay. Kuwaas iyo qabyaalad kala dheer. Then again, however, maxaa laga sugaaye awalba wax Xabashi support gareeyo, waxee iyaga yihiin dadka moodaan.
-
Ereygaan meeshuu kasoo jeedo isirkiisa yaa isku tijaabin karo? Ma 'marine' ayuu kasoo jeedaa, oo Soomaalidii wax ugu horeeyo dalkaas ka socdo ay aragto 'marine' mee ahayd? Soomaalida dalalka ee xiriireen ama dadkooda isarkeen afkooda iyadoo la Afsoomaaliyeeye wuu ku jiraa magacyadooda, sida dalalka Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Burtuqiiska, Sacuudiga, Qubrus, Suudaan, Turkiga, Cummaan iyo kuwii kale. Kuwa ee xiriir weyn ka dhaxeynina kuma jiro afkooda, oo dadka afka Ingiriiska see ugu dhawaaqaan dalalkaas ayaan u raacnaa, waxaa kamid ah Isbeyn, Oostaraaliya, Kanada, Baraasiil, Arjantiin... iyo baando kale. Laakiin ereygaan "Mareykan" meel uu kasoo jeedo lama oga, koley aniga saa u maleeyo.
-
Wax kasto waxaaba iigu daran the £1,500 bike!!!SAY WHAT? Caruur inuu wili yahay wili taasaa kuu shegeyso...I bet he'll be all grown by the time he gets out, then may be, just may be, he can buy a mooto... Wah. Ee Reer North America ayaa ka dambeeyo baabuur baabuureey iyo pollution-spewing SUVs. Reer Yurub waa different that even their gang wannabes and small-time drug leaders waa environmentally conscious that they drive bikes around.
-
Somaliland to Deport Terrorists to their Countries
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
And what is more sadder is that Xabashi regime does not recognize kuwaas ka taliyo Waqooyi oo sheegto xuduud beenaad gooni ah. To Xabashis, Soomaaliya Soomaaliya u wada tahay. -------------- Dad tiradoodu dhan tahay 220 Qof oo Itoobiya ka soo gudbisay Xuduudka u dhaxeeya iyaga iyo Somaliland Axad, May 25, 2008 - Dad tiradoodu gaadhayso 220 qof, oo qayb ka mid ahi reer Somaliland yihiin, ayaa laga soo gudbiyay xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, ka dib markii dawladda Itoobiya ay dadkan ka soo qab-qabatay Xuduudka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya. Halka tiro kale oo badanna la sheegay in la soo wado. Dadkan oo abbaarro 11:00 subaxnimo ee dorraad lagu soo daadiyay dhinaca Somaliland ee magaalo ganacsiga Wajaale, isla markaana la rumaysan yahay inay ahaayeen dad tahriibayaal ah, ayaa 15 qof oo ka mid ahi waxay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland. Kuwaas oo markii hore ka kicitimay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Halka 205ta qof ee kalena ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya. Siday xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan magaalo xuduudeedda Togwajaale, dadkan ayaa ilaa hadda marka laba loo qaybiyo, qayb ka mid ahi dib ugu laabatay gudaha dalka Itoobiya. Halka inta hadhayna la sheegay inay qorshaynayaan inay dib ugu laabtaan halkii laga keenay. Taas oo u muuqata inay wali ku talo jiraan inay sii hayaan jidkii ay ku socdeen. Inkasta oo ay masuuliyiinta laanta socdaalka ee magaalada Togwajaale isku dayeen inaanay qaabilin, oo ay dib u celiyaan dadkan inta aan dhalasho ahaan ka soo jeedin Somaliland , haddana markii ay dadkani dhinaca Somaliland u soo gudbeen, ayay badankoodu noqdeen. Sidoo kale, ilo wareedyadani waxay intaa ku dareen in masuuliyiinta socdaalka ee dalka Itoobiya ay sheegeen inay soo wadaan tiro kale oo dadkan la mid ah. Kuwaas oo la sheegay inay tiro ahaan ka badan yihiin kuwan. Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal arrintan oo u aan ahayn tii u horaysay ee nooceeda ah, hase ahaatee isla sanadkan bilowgiisii ayay ahayd markii dad tiradoodu gaadhaysay ilaa 100 qof ay Dawladda Itoobiya ku soo daadisay Magaalada Wajaale, dhinaca Somaliland. Xigasho -
Somaliland to Deport Terrorists to their Countries
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Qashin like this aad sometimes soo guurisid yeenan qashin kaa dhigin yourself. Runtii, isku xishoow. Wax la share gareeyo iyo wax kala ayaa jiree. And just for technical terms: Goormuu tuug -- haddeeba tuugo yihiin waayee su'aashee -- noqday argagagixo? -
Maxaa been la isku madadaaliye. First, dadka qabiil iyo qabyaalad ku eedeynaayo dadka kale iyagaaba ugu horeeyo. First, "Shabaabka" la leeyahay that operate in that part of region waxaa maamulo Mukhtaar Rooboow, though dadkee iskula halgamaan hal mabda' leeyihiin, oo Soomaali dhan ka buuxdo. So this qabiil thing meeshaas ku dhamaaneysaa. Second, Cismaan Caatihii kii hore waagii hore ma'aha. Ninkaan laba sanaba siyaasad kama muuqdo, kana afgaabsaday. Wax ay u heystaan ama u heysan lahayeen iska yar. Qabqabliyaashii Maxkamadaha la dagaalamayna kama mid ahayn. Last time warbaahinta laga maqlay, he was building roads in Mudug in the middle of this month.
-
Maskiin. Eebboow u gargaar hooyadaas iyo caruurteeda iyo inta kale Soomaalida Soomaaliya ku dhibaateysan -- aamiin.
-
Why is Somalia (Hannah Montana nude) in crisis?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to AYOUB's topic in Politics
It is sad, at the same time dhab ah. -
Asmara group attack Sharif's for meeting Ethiopians
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
“Warkan waxaa uu ka mid yahay wararka jahwareerka geliyay Umadda Soomaaliyed, waxaan umadda u sheegaya inuu warkan uu been yahay, mana dhicin mana dhici doonto wada xaajood aan la galno Itoobiyanka”ayuu yiri Sheekh Shariif oo wareysi siiyay Idaacadda BBC da Ma aqrisaa xataa waxaa soo link gareysid? Mise Afsoomaaligii si kuugu gooye. Another misleading, deceptive title. -
17th anniversary of Zenawi's EPRDF celebrated in Hargeysa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kashafa's topic in Politics
Soomaali isma badaleyso intii jaahiliintaan hoggaanka sheeganaayo waxmagaratada ah oona Xabashi u adeego laga tirtiro, laga sifeeyo, laga saafiyeeyo dhulkeena Soomaaliyeed. Si kale ma soconeyso. Virus hadduu jirkaaga soo galo, su'aasha intuu ka yimid, intuu u socdaa iyo la heshii ama la gorgorton ama la tanaasul lama isdhaho oo taas wey dhamaatay, xoog ayaa loogu hortagaa, daawo ha ahaato ama iska goyn jirkaaga intii uu ku faafay. Marka waxmagaratadaas waa saas. -
Ani libe la foofe! I like the grand old lady of "Jazz" and Blues- somali style Ani luun dhabaayee Abuurshee lahaayee Ani libee la foofee What a classic hees. ka fiirso iyada oo waliba la heesaayaan Xasan Aadan Samatar iyo Baxsan. Very, very classic. ______________ lool waraa sheeeeeeeeemo waaxid.. Daleys saas mardanbe ha u ceyn cunug yahoo Tim Hortanska seexda!!! Kuunto cambuulo, xaa sheegoysaa? Tim Hortons mala dhaco labadaan beri adiga camal dadka ah loogu tagay nooh; hadda meel aadan maqlin Caffe Demetre la dhaho aan dhigtaa go'eyga. Bar iskeerso.
-
Why the nemesis of Puntland are against the Oil exploration
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Originally posted by Abtigiis & Tolka: ^MMA Markaan Xanaaqnana waxaad oran ha la joojiyo, adigunna waad iska tuuran markaaka. Now, are you going to stop me when I chant after you? tuug weeyaan kuwaas! Maxaa tuurtay, duqa? Ee aniga teeda kale on the other thread caayda iyo aflagaada hala joojiyo waxaa ula jeeday insulting this site's members, this forum's participants, not Soomaali public figures. Waxaa rabtid ayaa ugu wici kartaa qabqabliyaashaas Soomaalida wareeriye. Tuug caay weynba ma'aha. Tuugo wey ka daranyihiin kuwaas iyo wixii lamid ah. -
Why the nemesis of Puntland are against the Oil exploration
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Fiqikhayre's topic in Politics
This is what true Soomaalis dhulkooda iyo dalkooda jecel are against. This maalin caddeey blatant tuugnimo: He said the Vancouver, Canada-based Africa Oil Corp. will spend nine months looking for oil in the Dharor and Nugal valleys in the semiautonomous northeastern region of Puntland. On its web site Africa Oil Corp. says it has an 80 percent participating interest in the licenses and operation of the Dharor Valley and Nugal Valley projects. The Canadian company says it will pay US$50 million (€31.8 million) over 6 years for its 80 percent interest . Read the rest. Tuugnimadaas loo jeedo ayee Soomaalida kasoo horjeedaan. What can 50 million do than to bribe the already corrupted so-called officials that nominally preside there? Real, legitimate companies, unlike this questionable one whose name is changed every other month to suit where their interest lies, invest in billions. Dan Soomaaliyeed iyo dan Reer Bari midna uma aha tuugnimadaan, and anyone who thinks so is dreaming. -
Waxaa inoo suuragashay inaan wareysi la yeelano fanaanadii caanka ahayd ee Khadiijo Cabdullaahi “Daleys”. Wareysigan oo dhinacyo badan taabanaya ayaa wuxuu u dhacay sidatan: Busuri [Wariyaha]: Wax ma nooga sheegi kartaa sidii aad ku bilowday fanka? Daleys : Fankee?!! Ileen Soomaalida isma taqaan. Busuriyoow, adiga aqoon fiican ma ii leedahay horta? Busuri : Kol haddii aad ahayd fanaanad caan ah, waxaan filayaa in Soomaalida oo dhan ay ku wada yaqaniin. Gaar ahaan kuwa xiseeya fanka oo aan aniga ka midka ahay. Daleys : May, may, anigu waxaan ahaa dhaqtar caan ah oo la yaqaan. Busuri : Halkeed ka shaqeyn jirtay? Maxaadse ku taqasustay? Daleys : Waxaan ka shaqeyn jiray oo aan madax ka ahaa Isbitaalka Madiino. Waxaanna ku taqasusay qaliinka gaar ahaan baawasiirka (hemorrhoids). Busuri : Runtii aniga sidaa wax uma maqal oo dhankaa kuuma aqoon. Daleys : Sidan ku sheegay Soomaalida isma taqaan. Dhaqtarnimada ka sokow waxaan lahaa Hoteel Jubba oo doolar baan ka qaadan jiray. Diyaaradda Soomaali Airlines iyadana qeyb baan ku lahaa. Busuri : Hadder weli maku shaqeysaa dhaqtarnimada, oo halkan Toronto maku qashaa baawasiirka? Daleys : Markii ay Soomaaliya nabad noqoto ayaan rabaa inaan halkii ka sii wato dhaqtarnimada, waxaan ku noqon donaa isbitaalkii aan madaxda ka ahaa. Waxaa kale oo aan doonayaa in leey soo celiyo Hoteel Jubba iyo Soomaali Airlines oo leeyga bililiqeystay. -------------- Cadadka soo socda ayay Daleys kaga jawaabi doontaa su’aalo ay dad badan isweydinayaan oo kala ah: Gormeey Daleys noqotay dhaqtar, Hoteel Jubba iyo Soomaali Arilines sow dowladda ma lahayn, Daleys maxay ahayd markii ay fanka ku soo birayeen Xasan Aadan Samatar, C/qaadir Jubba, Khadiijo Tooxoow iyo Sahro Dawo. Waa kuma gabadhii ugu horeysay ee Radio Muqdisho ka heesta? Ma runbaa in Daleys ay ahayd fanaaanadii ugu horeysay ee Bandhig (show) keligeed dhigtay iyadoo weliba qaaday 21 hees? Su’aalahaan iyo qaar kale oo aad u xiiso badan ayay Maama Daleys jawaabtooda inoo haysaa. Haddaba la soco cadadka soo socda ee Soomaali Canadian Times
-
Caayda iyo afxumada naga kala daaya, baliis. Hala isxishmeeyo idinkoo raali ah.
-
E-shigshigoow, err Abtigiis, wali waa e-shigshigoysaa yaaqeey, see camalkaana? Maxaa ku dhacay your mouse, it double-clicks itself miyaa mise your index finger waaye waxa shigshigo. Nuunka, ma ila aragtay adigana.
-
Awtuujiye, waa laguu qabeeye, duqa, ee biyo saafi ah isku soo dhaq dhaq, saan si ma'ahee. Fariin fiican ee kuu sureen, runtii.
-
One of the best new nationalist songs, by the still newcoming band, Waayaha Cusub. Dadaalka meesha kasii wada. You can watch the on here. And here are the words, as poorly translated as they are. You can correct if you see any mistranslated word. -------------- Soomaaliyeey dirir Soomaaliyeey dirir Oo dagaalama Dulqaadkana u yeeshoo Deyrkii dugsoonaa Miyaa Amxaaradu dageysaa Gumaystuhu dageyaa Ummaduna dayeysaa [Oh, Soomaalis Fight and wage war Have patience of (the struggle) The independent Republic (now) The Itoobiyaans settling Forming an occupation And the world's people watching] Daa'inkii na umaaa Jihaad noogu deeqoo Duulimaad cadaawoo Waa inaan la dirirnaa Rabigeena dawarshee Waa inaynu dooxnaa Rabigeena dayacee Waa inaan duleynaa Rabigeena doorshee Soomaalida dawaqdee Gumaysiga u dirane Rabi damiir ha siiyee [The Creator who created us Gave us the right to defend And struggle for ourselves The invasion of enemy We have to fight them May our Lord mentally infirm them We have to cut them May our Lord lead them astray We have to degrade them May our Lord take their humanity And those Soomaalis who are the traitors And believe in colonization (of Xabasho) May our Lord give them the feelings of a (true) partriot] Daafacaada ciidiyo Diinta waa ku dhimanaa Soomaaliyeey [We always protect our motherland And die (in the struggle) for our faith Oh, Soomaalis] Waxaan ka diidaa Jirku ila damqaayaa Dabinada shisheeyaha waa inaynu diidnaa Gobonimada doonaa Waa inaan ka dayrnaa Dalkeenana ka dhawrnaa Waa inaan dufeynaa Rabigeenaa duugee [What I always feel bad about And my body is disgusted by Traps laid by outsiders We have to refuse that And be independent (in spirit) We have to restrict (the occupiers) And protect our land from them We must hate them And may our Lord lead them to the grave] Soomaalida dayowdee Amxaarada la duula Rabi damiir ha siyee [And those Soomaalis committing treason Supporting Xabashi May our Lord give them feelings of a (true) patriot] Allow yaa lay dagin darsin xuna lay dhigin Dabkeygana laygu shidin Daabkeygana laygu qalin Jihaad la'aan lay dilin [O' Allah Let them not trick me Let them not teach me a bad lesson Let them not light the fire of my house Let them not slaughter me with the hands of my brother Let them not kill me without struggling] Duli daran nalala rabo Raboow daayin naga qabo Dayacnaanta naga bi'i [No dignity they want for us O' Lord, protect us from them Protect us from disunity] Marna ma'aha danteena ma'aha In la doorsho ummadeena damiirkuna ma ogola dareenkuna kaba daran [it is not what is good for us It is for the change of our culture and people Our conscience would not allow it Our feelings would not allow it] Hala duulo hala dooxo Dukum daakum hala yeelo Gumaysataha dalka doonay Docna yaan looga harin [Let us cut their... Destroy them Those who want our land Soomaaliyeey dirir Oo dagaalama Dulqaadkana u yeeshoo Deyrkii dugsoonaa Miyaa Amxaaradu dageysaa Gumaystuhu dageyaa Ummaduna dayeysaa