Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,633
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Originally posted by Haaruun: MMA.....ma noo shahey sxb? r u still in Koronto? Haye, Haaruunkii miyaa ninkaan mise...? Waa laguu faayaa, walaaloow, ee dhankaaga ka waran? Haa, Korontadii aad igu ogeyd aan kala dibiroyaa wali, mana igu dhagin, Eebba mahadiis. Sida kale, warka soo.
  2. Originally posted by Buuxo: somboodi ii turjun heestaan ,Fadlan. Burji iyo nasiiblaay Barwaaqada ka cararaay Abaartana u baydhaay Khayrka balo ka jeceleey Belo iyo baaska jeceleey Wuxuu dumar ka baqi jiray Iyadu u badheedhaay Bilic lagu khasaaraay Boqoradii haweenkaay Hablaha laga la soo boxo Bariyo taan u haystaay Jacaylkan mudada badan Baarkanuu fidhaaiyo Beer laxowsi gaagii Aan kabogsoodayee kowdhe Buugii sirtaadiyo Toogtaadii waan helay Kaagana bexee laba dheh Waxaan baaq u dirayaa Baxsi ugu dubayaa Caashaqeenii berigii Barbaartii wax ka ogeyd Kali soor bagiisiyo Ma biyihisa lagaa helo Bilkubaa inaad tahay Ileen beeni raad ma leh Na dhex mari bariidadu Ileen waan isbaranee Waxay sobelo kajoogtaa Boqol midabya leyee Kan dambeed isbarataan Sidi togosho ugu ridi Balwadaadu leediyo Hadii baarka curubiyo Bulsho iyo taleex tahay Dhaqanka la' maqorsheenee Dhirta iyo dhayldu inte bari inte bari intee Inte bari bay ku wadayaan Waqti uma haayi aan ku wada micneeyo, laakiin ereyada aad mad madoowga ka dhigtay isku dayaa micnahooda inaa sharxo. Ereyga burji Carabi waaye koley laga wado saro ama daaro dhaadheer, yacni "towers." Kan heesta qoray qof dheer amuu ula jeedaa. Ar kuwa kale waa usoo noqonaa, sida loo qoray ayaaba qaldan Afsoomaaligooda lagu wareeraayo.
  3. Adoo dawlad iyo xoog lahaa nimankii kuu diiday Ma haddood daciif tahay ayey darajo kuu quudhi? Wuu la helay qofka qoray qoraalkaan. Adi maa qortay, Indhayare? By the way, a belated welcome to the site.
  4. I guess nothing less than two tennis balls would fully satisfy a man.
  5. Horta dadka ku hadlo lahjadooyinka kale ee Waqooyiga iyo Galbeedka Soomaaliya loogu hadlo have this mistake about lahjadda Xamar loogu hadli jiray, looguna hadlo hadda waliba. Xamari iyo Reer Muqdisho lahjadahooda isku qaldooyaan. Xamari Reer Xamarka [banaadiriga] ayaa ku hadlo and is much heavier than kan ee dadka kale Muqdisho kusoo koray ku hadlaan. Dadka Xamar kusoo koray isla markii ayee fahmaan lahjadda Xamari. Kan uu Awkoombe ruwaayadaha ku jili jiray waa Xamari, tusaale ha ahaadee.
  6. Originally posted by Koora-Tuunshe: The dh suffix is the correct Somali. For instance, Gabar and Gabadh. If we want a plural term for Gabar, we can't think of it, but for gabadh, it is gabdho Hokey, wax la gartay. Laakiin how do you say 'gambar?' Gambadh? And why is it Hargeysa, while at the same time most speakers of this lahjad spell the word harwanaag as hadhwanaag? Again, some say the word waraf as wadhaf, but have no problem when they pronounce and write warfaafin, warbaahin, wargeys and so on. Don't you see inconsistencies? The speakers of this lahjad ayaaba wareersan intii meel kala la aadin; some assume the "dh" letter is just an "r" one and can be substituted to it anytime, which is not. At one time, I believe, dh letter was different from r, as different as an s and sh.
  7. Aawey magacyadii Soomaaliyeed isku bixin jireen maadaama reer guuraa ahayeen? Dalmar Dulmar Geedi Socdaal Guurre Dareere ... Soomaali waligood wey soconayaan, meel ay u jeedaan ha u jeedaan. Xataa this site recognizes that, being a nomad.
  8. Soomaalida badankoodaba buufiska inay tahay jiro maba aaminsana, qaarkoodna ma'oga. Horta mida koowaad in la qirto waaye, kan qabo ka bilaabatee. Kuwa buufiska qabo, siiba kuwa dibad dibadeey ku dhacday moodo inay ka dami doonto jiromaankooda markee imaadaan meelahaan Galbeedka ee moodaan inay tahay daawadooda. Maxee ka ogyihiin hee, Eebboow ha cadaabin. Magaaladaan aan deganahay waxaa ku yaalo isgoys Soomaalida ku badantahay oo Soomaalida wada taqaano, iskugu imaadaan, isgoyskaas oo la yiraahdo Weston/Lawrence oo markaa taagantahay Soomaalida aad ku arkeysid waaka naxee, walaahi. Wax aan wada fiyoobeen, xataa kuwa ismoodo inay caadi yihiin. Waa isku wada jiraan, waayeel, dumar, saqiir, kabiir iyo wixii u dhaxeeyaba. Jidkaas aad martidba Soomaali waalan ugu yaraan sadex mise laba waa arkee. Markii igu naxdin badnayd waxee ahayd bilooyin kahor aan ku arkay wiil Soomaaliyeed oo yar, haddee ugu badato da'diisa ka weyneen 14 jir oo maskaxda loogu jiray oo jidkaas aan ka hadlaayo maraaye. Aad aa ugu naxay maskiinka.
  9. Originally posted by General Duke: MMA, rushes in and adds the usual waffle. One does not need to learn antyhing from someone who supports an illetrate former Qat merchant. Also this is a reasonable question, what makes Ato an MP any different from the man who's family wa bombed? The later MP has no history, so why did they target him? Answer the question and stop resorting to the usual fake nationalist nonsnece. Markaa Afsoomaali soo baratid sida loo aqriyo iyo loo qoro ayaa aniga iyo adiga wadahadleynaa. Mise Afamxaar soo baro, meel lee ha laguugu toosee. In the meantime, go ahead post misleading, deceptive titles that bear little reference with the actual content or posts within the threads.
  10. Qabiil baa ku qafiiftay. Kuwa qabtay iyo kuwa possibly bambada tuuray in Baydhabo isku qabiil inay kasoo jeedaan laga yaabaa. The so-called xildhibaan that was attacked today is Reer Baydhabo. So if they were playing qabiil game, they would have spared him and instead Caato hilfaha u laabi lahayeen. Wax kale la imoow barabagaandhadaan ma soconeysee. Your accusation of qabiil is out of the window, siiba kuwaas Shabaab la baxay. Kuwaas iyo qabyaalad kala dheer. Then again, however, maxaa laga sugaaye awalba wax Xabashi support gareeyo, waxee iyaga yihiin dadka moodaan.
  11. Ereygaan meeshuu kasoo jeedo isirkiisa yaa isku tijaabin karo? Ma 'marine' ayuu kasoo jeedaa, oo Soomaalidii wax ugu horeeyo dalkaas ka socdo ay aragto 'marine' mee ahayd? Soomaalida dalalka ee xiriireen ama dadkooda isarkeen afkooda iyadoo la Afsoomaaliyeeye wuu ku jiraa magacyadooda, sida dalalka Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Burtuqiiska, Sacuudiga, Qubrus, Suudaan, Turkiga, Cummaan iyo kuwii kale. Kuwa ee xiriir weyn ka dhaxeynina kuma jiro afkooda, oo dadka afka Ingiriiska see ugu dhawaaqaan dalalkaas ayaan u raacnaa, waxaa kamid ah Isbeyn, Oostaraaliya, Kanada, Baraasiil, Arjantiin... iyo baando kale. Laakiin ereygaan "Mareykan" meel uu kasoo jeedo lama oga, koley aniga saa u maleeyo.
  12. Wax kasto waxaaba iigu daran the £1,500 bike!!!SAY WHAT? Caruur inuu wili yahay wili taasaa kuu shegeyso...I bet he'll be all grown by the time he gets out, then may be, just may be, he can buy a mooto... Wah. Ee Reer North America ayaa ka dambeeyo baabuur baabuureey iyo pollution-spewing SUVs. Reer Yurub waa different that even their gang wannabes and small-time drug leaders waa environmentally conscious that they drive bikes around.
  13. And what is more sadder is that Xabashi regime does not recognize kuwaas ka taliyo Waqooyi oo sheegto xuduud beenaad gooni ah. To Xabashis, Soomaaliya Soomaaliya u wada tahay. -------------- Dad tiradoodu dhan tahay 220 Qof oo Itoobiya ka soo gudbisay Xuduudka u dhaxeeya iyaga iyo Somaliland Axad, May 25, 2008 - Dad tiradoodu gaadhayso 220 qof, oo qayb ka mid ahi reer Somaliland yihiin, ayaa laga soo gudbiyay xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, ka dib markii dawladda Itoobiya ay dadkan ka soo qab-qabatay Xuduudka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya. Halka tiro kale oo badanna la sheegay in la soo wado. Dadkan oo abbaarro 11:00 subaxnimo ee dorraad lagu soo daadiyay dhinaca Somaliland ee magaalo ganacsiga Wajaale, isla markaana la rumaysan yahay inay ahaayeen dad tahriibayaal ah, ayaa 15 qof oo ka mid ahi waxay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland. Kuwaas oo markii hore ka kicitimay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Halka 205ta qof ee kalena ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya. Siday xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan magaalo xuduudeedda Togwajaale, dadkan ayaa ilaa hadda marka laba loo qaybiyo, qayb ka mid ahi dib ugu laabatay gudaha dalka Itoobiya. Halka inta hadhayna la sheegay inay qorshaynayaan inay dib ugu laabtaan halkii laga keenay. Taas oo u muuqata inay wali ku talo jiraan inay sii hayaan jidkii ay ku socdeen. Inkasta oo ay masuuliyiinta laanta socdaalka ee magaalada Togwajaale isku dayeen inaanay qaabilin, oo ay dib u celiyaan dadkan inta aan dhalasho ahaan ka soo jeedin Somaliland , haddana markii ay dadkani dhinaca Somaliland u soo gudbeen, ayay badankoodu noqdeen. Sidoo kale, ilo wareedyadani waxay intaa ku dareen in masuuliyiinta socdaalka ee dalka Itoobiya ay sheegeen inay soo wadaan tiro kale oo dadkan la mid ah. Kuwaas oo la sheegay inay tiro ahaan ka badan yihiin kuwan. Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal arrintan oo u aan ahayn tii u horaysay ee nooceeda ah, hase ahaatee isla sanadkan bilowgiisii ayay ahayd markii dad tiradoodu gaadhaysay ilaa 100 qof ay Dawladda Itoobiya ku soo daadisay Magaalada Wajaale, dhinaca Somaliland. Xigasho
  14. Qashin like this aad sometimes soo guurisid yeenan qashin kaa dhigin yourself. Runtii, isku xishoow. Wax la share gareeyo iyo wax kala ayaa jiree. And just for technical terms: Goormuu tuug -- haddeeba tuugo yihiin waayee su'aashee -- noqday argagagixo?
  15. Maxaa been la isku madadaaliye. First, dadka qabiil iyo qabyaalad ku eedeynaayo dadka kale iyagaaba ugu horeeyo. First, "Shabaabka" la leeyahay that operate in that part of region waxaa maamulo Mukhtaar Rooboow, though dadkee iskula halgamaan hal mabda' leeyihiin, oo Soomaali dhan ka buuxdo. So this qabiil thing meeshaas ku dhamaaneysaa. Second, Cismaan Caatihii kii hore waagii hore ma'aha. Ninkaan laba sanaba siyaasad kama muuqdo, kana afgaabsaday. Wax ay u heystaan ama u heysan lahayeen iska yar. Qabqabliyaashii Maxkamadaha la dagaalamayna kama mid ahayn. Last time warbaahinta laga maqlay, he was building roads in Mudug in the middle of this month.
  16. Maskiin. Eebboow u gargaar hooyadaas iyo caruurteeda iyo inta kale Soomaalida Soomaaliya ku dhibaateysan -- aamiin.
  17. Kabo qaabdaran awalba meesha ku haaye. I can't believe kabahaas la gadaa more than $220 a pair. Who friggin' wears sneakers, waliba all the time, waliba almost 30 joog?
  18. “Warkan waxaa uu ka mid yahay wararka jahwareerka geliyay Umadda Soomaaliyed, waxaan umadda u sheegaya inuu warkan uu been yahay, mana dhicin mana dhici doonto wada xaajood aan la galno Itoobiyanka”ayuu yiri Sheekh Shariif oo wareysi siiyay Idaacadda BBC da Ma aqrisaa xataa waxaa soo link gareysid? Mise Afsoomaaligii si kuugu gooye. Another misleading, deceptive title.
  19. Soomaali isma badaleyso intii jaahiliintaan hoggaanka sheeganaayo waxmagaratada ah oona Xabashi u adeego laga tirtiro, laga sifeeyo, laga saafiyeeyo dhulkeena Soomaaliyeed. Si kale ma soconeyso. Virus hadduu jirkaaga soo galo, su'aasha intuu ka yimid, intuu u socdaa iyo la heshii ama la gorgorton ama la tanaasul lama isdhaho oo taas wey dhamaatay, xoog ayaa loogu hortagaa, daawo ha ahaato ama iska goyn jirkaaga intii uu ku faafay. Marka waxmagaratadaas waa saas.
  20. Ani libe la foofe! I like the grand old lady of "Jazz" and Blues- somali style Ani luun dhabaayee Abuurshee lahaayee Ani libee la foofee What a classic hees. ka fiirso iyada oo waliba la heesaayaan Xasan Aadan Samatar iyo Baxsan. Very, very classic. ______________ lool waraa sheeeeeeeeemo waaxid.. Daleys saas mardanbe ha u ceyn cunug yahoo Tim Hortanska seexda!!! Kuunto cambuulo, xaa sheegoysaa? Tim Hortons mala dhaco labadaan beri adiga camal dadka ah loogu tagay nooh; hadda meel aadan maqlin Caffe Demetre la dhaho aan dhigtaa go'eyga. Bar iskeerso.
  21. Originally posted by Abtigiis & Tolka: ^MMA Markaan Xanaaqnana waxaad oran ha la joojiyo, adigunna waad iska tuuran markaaka. Now, are you going to stop me when I chant after you? tuug weeyaan kuwaas! Maxaa tuurtay, duqa? Ee aniga teeda kale on the other thread caayda iyo aflagaada hala joojiyo waxaa ula jeeday insulting this site's members, this forum's participants, not Soomaali public figures. Waxaa rabtid ayaa ugu wici kartaa qabqabliyaashaas Soomaalida wareeriye. Tuug caay weynba ma'aha. Tuugo wey ka daranyihiin kuwaas iyo wixii lamid ah.
  22. This is what true Soomaalis dhulkooda iyo dalkooda jecel are against. This maalin caddeey blatant tuugnimo: He said the Vancouver, Canada-based Africa Oil Corp. will spend nine months looking for oil in the Dharor and Nugal valleys in the semiautonomous northeastern region of Puntland. On its web site Africa Oil Corp. says it has an 80 percent participating interest in the licenses and operation of the Dharor Valley and Nugal Valley projects. The Canadian company says it will pay US$50 million (€31.8 million) over 6 years for its 80 percent interest . Read the rest. Tuugnimadaas loo jeedo ayee Soomaalida kasoo horjeedaan. What can 50 million do than to bribe the already corrupted so-called officials that nominally preside there? Real, legitimate companies, unlike this questionable one whose name is changed every other month to suit where their interest lies, invest in billions. Dan Soomaaliyeed iyo dan Reer Bari midna uma aha tuugnimadaan, and anyone who thinks so is dreaming.
  23. Waxaa inoo suuragashay inaan wareysi la yeelano fanaanadii caanka ahayd ee Khadiijo Cabdullaahi “Daleys”. Wareysigan oo dhinacyo badan taabanaya ayaa wuxuu u dhacay sidatan: Busuri [Wariyaha]: Wax ma nooga sheegi kartaa sidii aad ku bilowday fanka? Daleys : Fankee?!! Ileen Soomaalida isma taqaan. Busuriyoow, adiga aqoon fiican ma ii leedahay horta? Busuri : Kol haddii aad ahayd fanaanad caan ah, waxaan filayaa in Soomaalida oo dhan ay ku wada yaqaniin. Gaar ahaan kuwa xiseeya fanka oo aan aniga ka midka ahay. Daleys : May, may, anigu waxaan ahaa dhaqtar caan ah oo la yaqaan. Busuri : Halkeed ka shaqeyn jirtay? Maxaadse ku taqasustay? Daleys : Waxaan ka shaqeyn jiray oo aan madax ka ahaa Isbitaalka Madiino. Waxaanna ku taqasusay qaliinka gaar ahaan baawasiirka (hemorrhoids). Busuri : Runtii aniga sidaa wax uma maqal oo dhankaa kuuma aqoon. Daleys : Sidan ku sheegay Soomaalida isma taqaan. Dhaqtarnimada ka sokow waxaan lahaa Hoteel Jubba oo doolar baan ka qaadan jiray. Diyaaradda Soomaali Airlines iyadana qeyb baan ku lahaa. Busuri : Hadder weli maku shaqeysaa dhaqtarnimada, oo halkan Toronto maku qashaa baawasiirka? Daleys : Markii ay Soomaaliya nabad noqoto ayaan rabaa inaan halkii ka sii wato dhaqtarnimada, waxaan ku noqon donaa isbitaalkii aan madaxda ka ahaa. Waxaa kale oo aan doonayaa in leey soo celiyo Hoteel Jubba iyo Soomaali Airlines oo leeyga bililiqeystay. -------------- Cadadka soo socda ayay Daleys kaga jawaabi doontaa su’aalo ay dad badan isweydinayaan oo kala ah: Gormeey Daleys noqotay dhaqtar, Hoteel Jubba iyo Soomaali Arilines sow dowladda ma lahayn, Daleys maxay ahayd markii ay fanka ku soo birayeen Xasan Aadan Samatar, C/qaadir Jubba, Khadiijo Tooxoow iyo Sahro Dawo. Waa kuma gabadhii ugu horeysay ee Radio Muqdisho ka heesta? Ma runbaa in Daleys ay ahayd fanaaanadii ugu horeysay ee Bandhig (show) keligeed dhigtay iyadoo weliba qaaday 21 hees? Su’aalahaan iyo qaar kale oo aad u xiiso badan ayay Maama Daleys jawaabtooda inoo haysaa. Haddaba la soco cadadka soo socda ee Soomaali Canadian Times
  24. Caayda iyo afxumada naga kala daaya, baliis. Hala isxishmeeyo idinkoo raali ah.