-
Content Count
17,633 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Shaneemo Ekwatoore tag, just across from isgoyska Lambarafar [KM 4]. I am sure high altitute waaye meeshaas as well.
-
Ciid wanaagsan. Qoraalka hoos ku qoran adigoo murageysan ayuu haddana qosol hoosaad kaa keenayaa. Ila aqriya. It is just too much depressing waxa ka dhacaayo dalkeena not to crack a smile. Xoolo ayaa noqonay runtii. _________________ Isku aadka dagaalka Muqdisho oo la soo bandhigey Tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada ka socda Koonfurta Soomaaliya ee u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka oo dhinac ah iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxa uu soo maray marxalado kala duwan, inkastoo dadweynuhu ay si aad ah uga walwalsan yihiin dagaaladaasi, ayna ku waraareen haddana waxaad moodaa in xiliyadaan dambe ay isku aadka dagaalka soo fahmayaan, waxaana maqlaysaa koox dad ah oo sheekeysanaya lehna “Isku aadku waa sidee, oo caawa yaa kulmaya”, waxayna dadka oo waayo'aragnimadooda dhanka dagaalada soo noqnoqday ee Muqdisho ka faa’iideysanaya saadaaliyaan sida ay kulamadu u dhacayaan oo ay dhinacyadu isugu aadayaan. mid ayaa la soo boodaya oo dhahaya “Caawa kulan adag ayaa jira”, qaarba durbadiiba ka naxa balse yaa isku aadan baa loogu celiyey, “Isku aadku Caawa waxa uu noqonayaa Midowga Maxaakiimta vs Itoobiya”, inta madaxa gacmaha la saaro ayaa la wada qirayaa in uu kulankaasi yahay mid culus, balse qaar kale ayaa qaba in ay kulankaasi daawan karaan iyagoo ula jeeda in ay ka fog yihiin garoonka ay ka dhaceyso cayaartaasi, balse dadweynaha u dhow garoonka cayaartu ka dhaceyso ma ahan kuwa daawanaya cayaartaasi taa bedelkeedase waxay ku mashquulsanyihiin sidii ay uga gamban lahaayeen Hardanka Garoonka. Qaababka isku aadku u dhaco ayaa dadka oo in badan goob joog u ah, waxayna ku saleeyeen in ay sidaan kulamadu u dhici karaan. Ugaandha vs Alshabaab Midowga Maxkamadaha vs Itoobiya Ugaandha vs Raaskambooni TFG vs Jabhadda Islaamiya Ugaandha Vs Midowga Maxaakiimta Alshabaab vs Itoobiya Raaskambooni vs TFG TFG vs Midowga Maxaakiimta Alshabaab vs TFG Raaskambooni Vs Itoobiya Burundi vs ... Kulamadaan waa Kulamo aad u dhibaato badan oo aan lahayn wax waqti ah balse waa ku soo boodo, taasina waxaa aad uga walwalsan shacabka oo iyagu inta badan doonaya in ay isku aadka la socdaan si ay uga tabaabusheestaan. Inta badan kooxahaan way is wada arkeen marka laga reebo Burundi, oo iyadu mar qura jug culus la gaarsiiyey, waxayna ku jirtaa difaac. Kulamadii ugu dambeeyey haddii aan wax ka sheegno, waxay dhex mareen Alshabaab vs Ugaandha, waxa uuna kulankaasi ahaa mid adag oo sababay in ay dadweyne fara badani garoonka ka baxaan si ay kaga fakadaan hardanka labada kooxdood, markii uu dhamaaday kulankaasi ayay dadweynuhu waxay isla dhex mareen “Wellee xalay kulan dhacay, qaarkood waxay leeyihiin waxa uu ku dhamaaday barbardhac halka kuwo kalana ay leeyihiin waxaa 1-0 ku bediyey Alshabaab, waxa uuna kulankaani ka dhacay Guriga Ugaandha, waxaana Ugaandha looga fadhiyaa in ay Guriga Alshabaab aado, balse Kabtankooda ayaa yiri “Anagu ma tagi karno Guriga Alshabaab” waxaana la weydiiyey sababta waxa uuna ku jawaabay “No Comment." Balse markiiba waxaa la isweydiiyey kulanka xiga, mid dadweynaha ka mid ah ayaa qiyaasaya kulanka xigga, waxa uuna yiri “Caawa waxaa wada kulmaya Midowga Maxaakiimta vs Itoobiya”. Wax la wada sugo waxaa laga war helay isla garoonka Ugaandha iyadoo la isku herdinayo, lafaha ayaana la iska jebiyay, waxa uuna ahaa kulankii ugu adkaa oo xasuusta dadka ka go'in, waxaana cayaartii markii ay dhamaatay la isla dhex maray labada kooxood ee xalay cayaartay waxayna dadka qaar sheegeen in kulankii xalay dhex maray Uganda Vs Midowga Maxaakiimta, balse waxaa dib laga ogaaday in xalay Ugaandha ay la cayaartay koox cusub oo lagu magacaabo Raaskambooni, waxayna dadku isweydiiyaan kooxdaan cusub, mid ka mid ah dadkii ayaa soo booday oo yiri “Waan aqaan kooxdaan oo Seria C ayay ahayd”, mid kale ayaa ugu jawaabay “Haddii Seria C ahayd kolleyba xalay waxay noqotay Seria A, dabyar ma shideyn waxayna dooneysaa in ay hogaamiso Horyaalka”. [ ] Kooxda Raaskambooni waxay haddana foodda isdareen koox ka socotay TFG oo horyaalka uga jirtay kaalmaha hoose, waxay shacabku sheegeen in kulankaasi ahaa mid 1-0 ku badisay kooxda Raaskambooni, inkastoo TFG-da markii ay dambe ay cayaartooy ka heleen Itoobiya waxaana la isweydaarsaday darbado kulkulul oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah. Kooxda Ugaandha ayaa iyadu ka walwalsan Cayaartooy la’aan haysa kadib markii laga xiray garoonkii ay cayaartooydu uga soo degi jirtay, waxayna codsaneysaa in kulamada dib loogu dhigo, hase yeeshee Kooxda Alshabaab ayaa diidan dib u dhigistaas, waxayna ku doodeysaa in kulamada la joogteeyo. Inkastoo isku aadku sidaa yahay, oo shacabku fahmeen haddana waxay ku wareersan yihiin xiliga la cayaarayo, iyadoo codsanaya in ay isku-aadka loogu daro waqtigiisa si ay u dabaabusheestaan oo aysan dhibaato ka soo gaarin Xigasho
-
Sometimes ciid la'aan ayee dadka ugu soo baxdaa qaanjeerta, oo keeno kaliya dhidid aad u badan oo ku qalalay qofka isla markii. Laakiin haa sidaa sheegtay waaye badanaa ciida ama boorka iyo dhididka israaco keeno qaanjeerta. Qaanjeerta Galbeedkaan aan usoo qaxnay laguma arko maadaama ciida ama boorka qofka dhididaayo soo gaareynin meesha uu ku ciyaaraayo banooniga iyo waxaas ama sida kaleba. God, qaanjeer ayaa ka hadleynaa. Maxaa ku xigo, qawad? Yaa xasuusto dadka dhihi jiray haddaa soo qabeysatid adigoo biyo miiran ha ordin, haddii kale biyaha iyo dhididka isgalaayo qawad ayee keenaan. They also used to say and believe katiinad qof qawad qabo haddaa xiratid qawadkiis ayaa qaadee. Tan dambe la garay oo macquul u eg, might even be possible, but tan hore, sheeko qaafeed.
-
Dhaawac baa igu yaaloo Dhaqdhaqaaqi waayoo Lafta dhabarka celisaa Laba dhinac i noqotee Ruux dhimasha joogaa Bulad looma dheeloo Dhaanta looma celiyoo Taahi lama dhagestoo Waaw, powerful words. _________________ Heesta kale ee "ileen hoohee kuma bogsiiso...", by the way, waxaa qaaday Shimaali. Inta ka dhageyso.
-
...miyaan aadan kuba dhalin, xaawo naaska kuu dhigin... LoL. My wax xun arag mind only read 'Xaawo naaska kuu dhigin' and si kale u fasirtay, islahaa yaa waayena this Xaawo naaskeeda lasoo nuugay. Maba arkin Aaden meesha ku qoran as well. Ar heesta Beerdilaacshe [Eebba ha u naxariistee] oo qoraal wada dhameystiran intaa ka heli kartaa. Iyadoo maqal ahna inta. Hees isku dhaceyso waaye, though I don't think Beerdilaacshe in uu qaadaayo heesta now. It sounds like Boqol codkiisa.
-
Who took those sawiro? What kind of journalism professionalism is that? Balaayo qalqaloocan, probably taken by qof baabuur ku jiro. Markaas ayee news images ka dhigayaan wax even personal use loo isticmaali karin. I am glad to see, though, fiilooyinka wada toos toosan oo si nidaam u suran, unlike kuwa kunka xabo la isdulsaaray seen in many degmooyin of dalkeena.
-
Originally posted by Adam-Zayla: MMA,Paragon,'me' and others that used to live in Somalia - what is what in this picture? Mogadishu used to really look like a city from the future with those unique structures and stuff I am not sure this picture is Xamar of the pre-civil war. Though I can see the famous geed talaalo are there, so is what looks like the well-known National Theatre. Nonetheless, other buildings uma eko kuwa Xamar ku yaalay, and the black and white of the image doesn't help either. Where did you get the image from? And did that site provide any other information? Anyway, here is another image of Xamar, the lost paradise again: Kuraastaas and miisaskaas dhagaxa ka sameysan agyaali jiray near to the pools maxaa xasuustaa, siiba kuwii yaali jiray Hoteel Taleex's pools.
-
Failure of the insurgency a report...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
-
Prologue to Assimilation Policy? (Somaligalbeed)
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abtigiis's topic in Politics
I am surprised Sanaawi and his regime did not yet even contemplate to change the noun 'Soomaali' as in the Soomaali Region as Sanaawi's regime officially calls that region of Soomaali Galbeed. -
What a Away to Die! (istakhfuranllah)
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to SayidSomal's topic in General
Originally posted by Che -Guevara: Nuune..That's horrible story. Luuqyada was the fav hangout in our neighborhood. Luuqyada and jirooyinka weren't safe, either. I remember kuwii naga waa weynaa xaafadda xaar ayee ku tuuri jireen kuwee ku arkaan luuqyada isku heysto; anaga heerkaas ma gaari jirin dhagaxaan lee ku farjin jirnay qashqashaad camal ah. Ar maxaa dad iskugu jirto qashqashnay. Kuwa waxaa ugu sii darnaa kale jardiinooyinkii isgoysyada isku heysan jiray, anagoo kadhimeey kadhim ciyaareynana ku dhici jirnay laba afar geed fiyoore dhexdooda ku jiraan, cirka isla maraayo shukaansi iyo wixii kale. -
Che, ilkaha Soomaalida noo soo sawir taloow, siiba kuwii jaadka ruugitaan ku dhameeye. I wanna see that. Soomaalidii hore ayaa ilko almost perfect lahaan jiray, inta kale been waayee. Geeljirtadii hore sawiradooda haddaa aragtid. Ileen dhuxusha lagu cadeysan jiray balaayo ahayd, I guess. I should copyright that and make into a toothpaste intaa biyo iyo dhuxul iskugu qaso. Gaaladaan wax walba waa iska gadanayaanee, waa iska gullible.
-
Nuunka, nothing wrong haddii la dhaho burcadbadeed. Afsoomaaliga kuma jiro erey u dhigma ama hal hal ugu qalma ereyga shisheeye ee 'pirate' ama 'piracy.' Marka midka ugu dhow la aasaasayna burcadbadeedka waaye, sida libaaxbadeed u yahay bahalka 'shark' la yiraahdo camal. Mid kale ayaa soo socoto oo ah burcadcireed, siiba kuwii Shabaab la dhahaaye diyaarado masoo degi karaan lahaa, oo cirkii isbaaro dhigtay.
-
Jigjiga, Capital of ****** :: Photos
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mad_Mullah's topic in General
Haye, Kuusha, waranba. Jirkeyga ma korin ani, laakiin other meelo aad u wada koreen, ee dadka qaarkood ma ugu deeqaa. Name them, ani deeqsi iska ahee, I ain't xaasid iyo baqeylee. -
Gunmen kidnap German man in northern Somalia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Would you have reported this fast breaking if he was abducted in, say, Hargeysa? Be honest, soonaa lagu jiraa, siiba tobankii beri u dambeeye. -
Ee meel walba ee Soomaaliya saas ka tahay, so what is new? Xataa Xamar oo ugu amaandaran saas ah. Wah. A money changer carries Somali currency at the Bakara open air market in Mogadishu June 10, 2008. A hardline Islamist leader rejected on Tuesday a U.N. brokered peace pact signed in Djibouti by the Somali government and some opposition figures, and vowed that war would continue. Meesha dukaamaha dahabka oo iridaha u furan laga tagaayo salaad laga aadaayo iyo waxaas la sheegaayo waxaaba laga dhigee Sacuudiya, circa in 1980s, islaamihii kasoo noqon jiray saas sheegi jiree.
-
Jigjiga, Capital of ****** :: Photos
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mad_Mullah's topic in General
Wax walba waa laga murmaa Soomaalidaan. Haddii la dhaho xataa cirka caad ayaa ku yaalo, caadkaas tuuladeena ayuu u badanyahay kuwa dhahaayana waa joogaan. Shuud, weynaada oo kora siduu jirkiina u koray ha u koro caqligiinana. Darn it. -
The real test question is, are you willing to die for being a "Somali" NOPPPE... Yes, are you? Oh, I see it is already answer with that 'nope' self-reply. There is also something called Soomaalinimo as well. You might not be familiar with it, but it exists and it is the foundation of Soomaalis.
-
So how did it go; first half of Ramadan?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in General
Originally posted by nuune: ^^ lol, Ramadan is all about eating for Somalis, all about butchering saambuus. Anyone knows how to eat Saambuus?, not all people eat the same way, each and everyone has their own unique way of eating saambuus. Only Nuunka waxaan camal ka fikiraayo. Runtii saa sheegtay waaye waa u fiirsaday dadka si gooni u cunaan. Ani dhexda ka kala gooyaa, oo nuskiiba hal bur ku cunaa, since usually hal ka badan cunin. Even jabkaas igu badan mar mar. Laakiin markaa timir ku daro, oo bursaliidna ku qabsado a little more macaan noqonaa. Soon inta waxba kama ahee intii soo aragtay ayaa soo aragtee soon dalkeena uu balaayo ka ahaa. In Xamar, the whole city used to shut down the moment marxab, marxab, yaa ramadaan hees kasoo gisho idaacadda. Then abkeey ciyaal dhan banaanka usoo bixi jiray, banaankii oo so quiet wada ahaa. God. ________________ Kuusha, haye, Alcuruba wali sambuuskooda ma dhadhamisay? Ash ma'aha runtii. -
McCain al- McSame political gaffes!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Gheelle.T's topic in General
The old man iska dhaafa, maskaxdiisa kistoo fuundo iska ahee. -
Somebody is excited to post this news ileen, posting it twice in two different times and threads. Maku faraxdaa warkaan camal?
-
ONE Of the frontline club Somali week programs
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abwaan's topic in Politics
Muuqaalka ma arkin ee yaa waaye dadka ku jiro noo soo sheeg iyo waxee leeyihiin as well, duqa. -
So how did it go; first half of Ramadan?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in General
It was not for me. I bought it for a family. Darn, I am not even fond of sambuus, waaba ku lablaboodaa that thing. To answer your question, I only ate one of them. -
True, real friends would hardly go into that route. They may have their disagreements occasionally or even have a little heated debate, but full confrontation and physical fights? That is the ulimate off-limit. No, I don't think I ever had a little gacan ka hadal talk with any friend of mine ever.
-
No Candidates Could Run a Major Company
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kool_Kat's topic in General
Qoftaan no body knew a few weeks ago save dadka degan Alaska. Maantana yaa Alla ee ka heysaa, oo toorbino ee ka daba wataan baaritaan, exposing or trying to expose her every alleged or said dirty laundry, even finally hacking her personal email account. Poor lady, all this for her in the name of pursuing power and prestige.