-
Content Count
17,572 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
318
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
What a Away to Die! (istakhfuranllah)
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to SayidSomal's topic in General
Originally posted by Che -Guevara: Nuune..That's horrible story. Luuqyada was the fav hangout in our neighborhood. Luuqyada and jirooyinka weren't safe, either. I remember kuwii naga waa weynaa xaafadda xaar ayee ku tuuri jireen kuwee ku arkaan luuqyada isku heysto; anaga heerkaas ma gaari jirin dhagaxaan lee ku farjin jirnay qashqashaad camal ah. Ar maxaa dad iskugu jirto qashqashnay. Kuwa waxaa ugu sii darnaa kale jardiinooyinkii isgoysyada isku heysan jiray, anagoo kadhimeey kadhim ciyaareynana ku dhici jirnay laba afar geed fiyoore dhexdooda ku jiraan, cirka isla maraayo shukaansi iyo wixii kale. -
Che, ilkaha Soomaalida noo soo sawir taloow, siiba kuwii jaadka ruugitaan ku dhameeye. I wanna see that. Soomaalidii hore ayaa ilko almost perfect lahaan jiray, inta kale been waayee. Geeljirtadii hore sawiradooda haddaa aragtid. Ileen dhuxusha lagu cadeysan jiray balaayo ahayd, I guess. I should copyright that and make into a toothpaste intaa biyo iyo dhuxul iskugu qaso. Gaaladaan wax walba waa iska gadanayaanee, waa iska gullible.
-
Nuunka, nothing wrong haddii la dhaho burcadbadeed. Afsoomaaliga kuma jiro erey u dhigma ama hal hal ugu qalma ereyga shisheeye ee 'pirate' ama 'piracy.' Marka midka ugu dhow la aasaasayna burcadbadeedka waaye, sida libaaxbadeed u yahay bahalka 'shark' la yiraahdo camal. Mid kale ayaa soo socoto oo ah burcadcireed, siiba kuwii Shabaab la dhahaaye diyaarado masoo degi karaan lahaa, oo cirkii isbaaro dhigtay.
-
Jigjiga, Capital of ****** :: Photos
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mad_Mullah's topic in General
Haye, Kuusha, waranba. Jirkeyga ma korin ani, laakiin other meelo aad u wada koreen, ee dadka qaarkood ma ugu deeqaa. Name them, ani deeqsi iska ahee, I ain't xaasid iyo baqeylee. -
Gunmen kidnap German man in northern Somalia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Would you have reported this fast breaking if he was abducted in, say, Hargeysa? Be honest, soonaa lagu jiraa, siiba tobankii beri u dambeeye. -
Ee meel walba ee Soomaaliya saas ka tahay, so what is new? Xataa Xamar oo ugu amaandaran saas ah. Wah. A money changer carries Somali currency at the Bakara open air market in Mogadishu June 10, 2008. A hardline Islamist leader rejected on Tuesday a U.N. brokered peace pact signed in Djibouti by the Somali government and some opposition figures, and vowed that war would continue. Meesha dukaamaha dahabka oo iridaha u furan laga tagaayo salaad laga aadaayo iyo waxaas la sheegaayo waxaaba laga dhigee Sacuudiya, circa in 1980s, islaamihii kasoo noqon jiray saas sheegi jiree.
-
Jigjiga, Capital of ****** :: Photos
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mad_Mullah's topic in General
Wax walba waa laga murmaa Soomaalidaan. Haddii la dhaho xataa cirka caad ayaa ku yaalo, caadkaas tuuladeena ayuu u badanyahay kuwa dhahaayana waa joogaan. Shuud, weynaada oo kora siduu jirkiina u koray ha u koro caqligiinana. Darn it. -
The real test question is, are you willing to die for being a "Somali" NOPPPE... Yes, are you? Oh, I see it is already answer with that 'nope' self-reply. There is also something called Soomaalinimo as well. You might not be familiar with it, but it exists and it is the foundation of Soomaalis.
-
So how did it go; first half of Ramadan?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in General
Originally posted by nuune: ^^ lol, Ramadan is all about eating for Somalis, all about butchering saambuus. Anyone knows how to eat Saambuus?, not all people eat the same way, each and everyone has their own unique way of eating saambuus. Only Nuunka waxaan camal ka fikiraayo. Runtii saa sheegtay waaye waa u fiirsaday dadka si gooni u cunaan. Ani dhexda ka kala gooyaa, oo nuskiiba hal bur ku cunaa, since usually hal ka badan cunin. Even jabkaas igu badan mar mar. Laakiin markaa timir ku daro, oo bursaliidna ku qabsado a little more macaan noqonaa. Soon inta waxba kama ahee intii soo aragtay ayaa soo aragtee soon dalkeena uu balaayo ka ahaa. In Xamar, the whole city used to shut down the moment marxab, marxab, yaa ramadaan hees kasoo gisho idaacadda. Then abkeey ciyaal dhan banaanka usoo bixi jiray, banaankii oo so quiet wada ahaa. God. ________________ Kuusha, haye, Alcuruba wali sambuuskooda ma dhadhamisay? Ash ma'aha runtii. -
McCain al- McSame political gaffes!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Gheelle.T's topic in General
The old man iska dhaafa, maskaxdiisa kistoo fuundo iska ahee. -
Somebody is excited to post this news ileen, posting it twice in two different times and threads. Maku faraxdaa warkaan camal?
-
ONE Of the frontline club Somali week programs
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abwaan's topic in Politics
Muuqaalka ma arkin ee yaa waaye dadka ku jiro noo soo sheeg iyo waxee leeyihiin as well, duqa. -
So how did it go; first half of Ramadan?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in General
It was not for me. I bought it for a family. Darn, I am not even fond of sambuus, waaba ku lablaboodaa that thing. To answer your question, I only ate one of them. -
True, real friends would hardly go into that route. They may have their disagreements occasionally or even have a little heated debate, but full confrontation and physical fights? That is the ulimate off-limit. No, I don't think I ever had a little gacan ka hadal talk with any friend of mine ever.
-
No Candidates Could Run a Major Company
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kool_Kat's topic in General
Qoftaan no body knew a few weeks ago save dadka degan Alaska. Maantana yaa Alla ee ka heysaa, oo toorbino ee ka daba wataan baaritaan, exposing or trying to expose her every alleged or said dirty laundry, even finally hacking her personal email account. Poor lady, all this for her in the name of pursuing power and prestige. -
Magaalada Baydhabo xiligaas waxay xarun u ahayd dadka maxaabiis ahaanta looga soo uruuriyo qaybaha kala duwan ee TFG-du maamusho, magaca xabsiguna wuxuu ahaa meel la yiraahdo Godka, taasoo ay iigu sheegeen qaar ka mid ah, turjumaanada Godkaasi joogey in la keeno habeen walba dad cusub oo u badan dhalinyaro, islamarkaana lagu jirdilo, loogu geysto dhibaatooyin ay ka mid tahay xaniinyaha oo looga qabto katiinad iyo caga jugleyn fara badan, waxaana su'aalo weydiiya niman Itoobiyaan ah, waxaana yaal halkaas dhibaato aan la soo koobi karin. Mar aan weydiiyey Godkan muxuu ahaa markiisa hore ayaa wuxuu iigu jawaabey wuxuu ahaa meel la gelin jirey diyaaradihii miiga ahaa ee ciidamada XDS [Xoogga Dalka Soomaaliyeed], waxaana loo sameeyey albaab yar dhamaan afkiisa waa la dadey, ayuu igu yiri turjumaankan. Waxaa kale oo aan weydiiyey dadka la keeno Godka, ma halkaas uun baa lagu hayaa mise waa la gudbiyaa, wuxuu iigu jawaabey inta badan halkaas ayaa lagu hayaa, boqolkiiba shan ayaa loo gudbiyey Itoobiya. Xigasho
-
Jigjiga, Capital of ****** :: Photos
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mad_Mullah's topic in General
Aawey hee sawiradii kale ee Dhagaxbuur, Qabridahare, Iimeey, Qalaafe, Wardheer iyo degmooyinkii kale. We need to see them represented as well. -
So how did it go; first half of Ramadan?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in General
Even kuwa sameeyo sambuuska ma cunaan. Maanta ayaa 15 pieces of sambuus iyo 20 pieces of bursaliid kasoo gadaaye at almost afur time. They were setting their own table for their own afur. Guess what ee miiska saaranayeen? Qaro, qudaar, mirooyin, qudaar kale iyo mirooyin kale kala nooc ah again, biyo qaboob -- all healthy stuff. Ileen iyagaa wax caafimaad leh kaa og. -
Eebba haka dhigo mid dadkeeda, diinteeda iyo dalkeeda wax u tarto. Waalidkeedana hambalyo iyo boggaadin inta ugu direynaa, siiba gabadha dhalatay hooyadeed.
-
It is for the Old Man, who never wanted to leave Soomaaliya to begin with. But he wanted for a brief medical check-up, oo markuu arkay inay saas u adagtahay iska dhaafay since awalba anaga ku baryi jirnay in uu iska soo baxo lee mar, meel lee ha ahaataba. Sacuudiya loo helay, but wuu diiday, ma fadoow yiri. Sacuudiya sida lagu galaayo ka sahlan Keenya maanta by airline, mish macquul walaahi.
-
Dhulqarnayn, would you stop aflagaadaan aan kala gambashada lahayn? In badan ayaa iskaga dulqaadanay waxaa qortid, siiba afxumada ah, but not anymore. I told you before don't taste our patience. Stop afxumadaan iyo afxumeynta. And stop insulting a whole clan, under pseudo pejorative caay, baliis again. Inaad especially ku celcelisid day in and out ayaaba kasii daran.
-
Haye, muqalas Nuunka. Dalkugal [fiiso] Keenyaati maa so arrange gareyn kartaana? Reerka raadinaaye fiiso the last few weeks, oo ka imaanaaye Soomaaliya. Lix boqol US leeyihiin per fiiso, walina waala la yahay sidii lagu heli lahaa. Ar Keenya xee ismooday markee heerkaas isgaarsiisay, Afrikadii la ogaa lee ku taalee.
-
Diseember 26th. Now, that means something to me. It was the day qax, qaxar, qiribnimo and all rafaad started in Xamar and still continues to this day.
-
When two maroodi fight...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Originally posted by Dabshid: Ma la jiifiyana banaanbaa, Jareerweyne miyayna ahayn magac qabiil? Dhulka laga haystaa waa xagee uu rabo in u dagaalka ka bilaabo? Haddii la jiiftana xaa dhacaayo? Geelle, don't blame him. Sideed iyo toban sano ayee dulqaad ku jireen [not to mention boqolaal sano oo caay, aflagaado oo midabtakoor iyo timotakoor lagu sii daray], wax u naxaayana ma arkin, marka don't blame if he is thinking like that, qiiraa qaatay as he said in the interview. Soomaali waxee ku maahmaahdaa nimaan shantaada kaa reebin sharci kaama reebo. Maryooleey ma yaqaanaan inay kugu dhaafaan ka ahayn iinaa iska celisid, tusisidna see u dhaqmaayaan ula dhaqantid. -
Originally posted by Kool_Kat: ^LOOOOOL@1964 & 1977...Maad shib iska dhahdid in la'igu qabsadaan sugaayee... Isbitaal Banaadir mamaqashay? Balsoo ogoow dagaalkuu ahaa labadaas markii la dhisay Isbitaalkaas... Yac, shimee Isbitaal Banaadir uu dhisnaa xiligaas. Qaafka aa dhiibeysid jooji nooh, igaarta. Ar kaftan lee, wuu dhisnaayee, adi kaligaagana kuma dhalaninee nooh, ee certificationka waa laguula heystaa, waliba dhaqtar Iskiimoos i dhaliye ani. Laakiin ebidkey waa ii dhimanyihiin walax ku dhashay isbitaalada Madiino ama Digfeer wali. Dadka dhan Banaadir mee ku bilaabeen oo wixii ka horeeye dhan geed hoostiis mee ahayd sheekada. Ar Kuuleey dhalasho wacan oo wanaagsan, hana kuu noqoto mid Eebbe cimri dheer kugu siiyo iyo cibaado suuban iyo caafimaad wanaagsan iyo mid sanadkaan sanadkiisa kalena Eebbe nagu gaarsiiyo anagoo wada joogno oo caafimaad wada qabno -- aamiin, aamiin. Anything special aad plan gareyneysid? Waxaa maqlay meeshii u socotaa.