-
Content Count
17,572 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
318
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
What is the use of banning Clan names in SOL?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abtigiis's topic in Politics
Originally posted by Che -Guevara: Ethiopia is not nation.It is a state. Yaa kuu kala yaqaano waxaas. I don't even think he knows the difference between clans and tribes, either. About the subject. The naming of qabiil names itself is not that issue, and of course innocent enough haddii kor laga fiiriyo. However, dadka qaarkood stretch anything loo ogalaado. This site, SOL, on its inception, clearly did not have clear, expressed rules; it was vague about banning or not banning the clan-naming issue on this site. It wasn't banned, neither was it encouraged. That was the early days, back in late '01 and early '02. However, knowing maryooleey, maxee kugu taalaa, they did abuse the little freedom they had, as expected. The mamnuucida of qabiil names was then inevitable, and indeed needed, if it wasn't overdue. I did then agree and still do agree in qabiil magacaabistiisa dhan meesha laga mamnuuco. Dadka qabyaalada qurunkeeda wareerisay, who are addicted to argue about that issue wouldn't rush to join this site, which would in turn make it clean and exceptional. And to those who are currently taking cheap shots against some certain clans, dadkaasna meel ma gaarayeen. I wrote that before and I will write it again: Meel ma gaarayaan, thinking they can circumvent the rules of the site. Soon or later, like those before them who thought they were clever enough to do that, seefta ku dhici doonto. SOL's rules are clear, no unambiguous loopholes that they think they found. Ee marka inta caadi la yahay hala kala wareegsado, oo cagihiina dhulka dhigta. -
Ciyaartoydii Cuslaatay ee SOL-Xiin vs AT
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
Qaarkood waala ciyaaraa, inkastoo cuslaadeena wali looma gali karo. Waxaa kamid ah C/samad, kuwa taagan second from left. Reer Kismaayo waaye, and I think xulka Kismaayo ayuu u ciyaari jiray. Others waxaa ka muuqdo Mukhtaar Cuti [kuwa fadhiyo dhexda ah, best known football player], Cantar Jeenyo iyo kuwa kale. Only Yuusuf Shaqaaq ayaa ka maqan sawirka inta ka joogto Reer Toronto oo ciyaarihii hore ciyaari jiray, dhaqtarkaas looma gali karo asagana. -
at "dalkayga." Ninkaas baasaboor oo dalkugal lagu dhuftay kuma galin magaalooyinkaas iyo degmooyinkaas Soomaaliyeed uu wada maray, ee dalkaa sheegeysid maxee tahay. Anyway isdaji, markii hore saas kugu wanaagsanayd inaa u deny gareysid than aflagaadeysid shaqsinimadiisa. Ma fiicno taas.
-
There're dangerous rumors in circulation that the fall of Kismayo to a coalition of local forces is largely backed by Hassan Turki--alleged to have political affiliation with the seperatist rebels in Ethiopia... Whom are they separating from and separating to? Dad -- Soomaali -- dhulkooda inay xoreyaan rabo, oo gumeysiga madoow ka saaro u halgamaayo ayaa waxaas ugu waceysaa. The least you could have done is -- and I said this before -- iskaga aamustid, if Soomaalinimadii kuu quuri weysay inaa afka xataa kala jirtid. Mar mar wey fiicantahay in shib la dhaho. "Separatist rebels" kulahaa. ______________ Abwaan, do you think Sanaawi in uu kala jecelyahay this stooge and countless other stooges saf ugu jiro inay qabtaan jagadaan been ku sheega ah? This stooge, waa madaxweyne ku sheegee, wuxuu ku roonyahay waa straight, oo been iyo wax kale kama arkeysid, laakiin kuwa kale Sanaawi safkiis ku jiro inay u shaqeyaan rabaan kuwa wajiga kuu soo nuursaday waaye, oo hoos sun ka ah. The problem with this current one -- and what apparently frustrated Sanaawi -- is that diblomaasiga ku yar, oo af macaan iyo waxaas kuuma yaqaano, waana straight shooter wixii maankiisa kusoo dhaco, mana aha kuwa kale wajiga kuu soo nuursaday hadal macaan dadka ugu been sheegaayo, hoosna Sanaawi ugu adeegaayo.
-
Xaala caaytamee, oo ninkaas waxba kuu geysan ugu af gafee? Wah. Dhabta maa meel kaa taabatay, noo sheegba. Istartiib igaarka. You can deny wuxuu qoray, waa asaga suu qoray, but caay ma fiicno, only makes to weaken your denunciations of his article. By the way, meel walba uu tagay suu u arkay shaqsi ahaantiis degmo walba ka qoray, oo Gaalkacyaba and its residents wax ka daran uu ka sheegay, marka it wasn't only a shot against Hargeysa, if aad isleedahay that.
-
Such a hatred, walaahi yaab ahaa. Sii aqriso this qoraal about a reporter who covered all his socdaal from Baydhabo to Jabuuti and every town in between -- Beledweyne, Gaalkacyo, Laascaanood, Burco, Berbera and kuwii kale. This one deals with Hargeysa. I am quoting partially this qoraal because naceybka dadka qaarkood degan magaaladaas u qabaan Soomaalinimo la yaabay, according to the reporter, of course. Qoraalka dhexda uu ka bilaabanaa and it is not full quotation. ________________ Markii leygeeyey goobtii la ii tilmaamey, ugu horeyn waxaa ila hadley mid ka mid ah kuwa ilaalada ka ahaa goobtaas, waxaana u sheegey waxa aan doonayey iyo halka aan ka imid, intii uusan isii deynin waxaa goob ka ag-dhow fadhiyey kuwo I bar garaneyey oo dadka Magaalada Hargeysa ah oo hore iigu arki jirey Muqdisho, wuxuuna ku yiri ilaaladii “soo daa waa ruux musaafir ahe aan ogaanee waxa uu doonayo”, waxaan kala hadley ujeedkeyga iyo sida aan dadba uga aqoon meesha, wuxuuna I weydiiyey qaar ka mid ah wariyeyaashii hore looga ceyriyey Hargeysa magacyadooda waxaana u sheegey inaan garanayo dhamaantood, wuxuu kaloo i weydiiyey gabar ka hartey wariyeyaashii hore u baxay oo meesha joogta oo magaceeda la yiraahdo (Kiinkoos), waxaan u sheegey inaan garanayo, kadib iyada ayaa Talefoon loo direy waana layla hadashiiyey si aad ah ayeyna iigu gurmatey, waxayna ka codsatey shaqaalihii meesha joogey in meel laydejiyo inta ay iyada iiga imaaneyso, waxaana lay geeyey Hoteel Wajaale wixii xiligaa ka dambeeyey waqtigu wuxuu noqdey habeen. Dib ayaan banaanka ugu soo baxay waxaan arkey koox Rag ah oo Hoteelka banaankiisa, Gabadho meel Shaah lagu iibiyo la fadhiya jaad dhererkiisa aan is iri wuxu ma xaaqin baa inta uu dhererkiisa gaarayo oo ay ku cunayaan halkaas, waxaan casho u tegey maqaaxi ku dhoweyd oo aan ilaa iyo hada aan magaceeda xusi karin, waxaana weydiiyey kii lahaa bal in uu ii tilmaamo meel khad laga dirsado in uu jiro iyo in kale anigoo si aad ah u baqaaya, waayo Asxaabteydii hore sida meesha loogu galey ayaan hore ula socdey. Markii uu ii tilmaamey halkii Internetka ayaa waxaan ugu tegey Nin cadaan ah oo khadka fadhiya, wuu isoo eegey kadibna wuxuu hore u sii watey hawshiisa, taasi waxay igu noqotey la yaab, waayo waxaan ka imid meel Ruux cadaan khad aan isla galno iska dhaafe marka uu soo dego ninka cadaanka ah oo dhinacyada Qoryo lagala taagan yahay sidii ruux dembiile oo kale, waxaan gudagaley hawsheydii aan u socdey, inkastoo Qabow daran iyo Xays isla socda uu magaalada ka jirey, hadana markii aan dhameytey waxaan imid Hoteelkii aan deganaa. Markii waagu uu ii baryey hore waan u soo bixiwaayey qabowga dhacaayey dartii, inkastoo Magaalaada iyo aniga isku xili aanu ahayn, waayo Muqdisho iyo Baydhabo aroor hore ayey dadku ka kacaan, laakiin Hargeysa dadku wuxuu waagu u baryaa 10:00 ilaa 11:00 subaxnimo, inta ka horeysa dadka Ganacsatada waxay jiifaan guryahooda, marka laga reebo in yar, markii aan weydiiyey waxay iigu sheegeen in dadku inta badan Habeenkii ay ku soo jeedaan Jaadka cunistiisa, halka ganacsataduna ay soo jeedaan xiliyo dambe. Waxaan eegey shacabka ku nool Magaalada Hargeysa, ugu horeyn marka ay ku dareemaan inaad ka timid Gobolada Koofurta Soomaaliya, waxay ku leeyihiin waa (Xamaraawi), dee adinkaa dhulkiina soo gubee maxaad ka soo doonteen halkaan iyo arimo kale oo aan halkan lagu xusi karin, mid ka mid ah ragii ka baxay Jaamacadii Ummada ee Lafoole oo aan sheekeysaney ayaa wuxuu igu yiri “maad naga hartaan maxaad noogu dhegan tihiin anagu idin dooni meynee??!! Aniguna waxaan ugu jawaabey “ maxay tahay, sababta aan idiin kaga hareyno, koleey aniga kala go’ iyo geeri, Geerida ayaan ka jeclahay ”, ninkii intuu istaagey oo aad u xanaaqey ayaa wuxuu igu yiri “ walee hadii aydan naga hariweysaan, waad eedi doontaan ”. Taasina waxay muujineysaa in mustaqbalka ay isu diyaarinayaan dagaal, hadii aan la helin xal Soomaali ay ku wada heshiin karto, waxaadna moodaa in dagaalku uu ka fog yahay halka uu hada jooogo. Markii uu sidaas iigu jawaabey ayaan meesha isaga tegey, hal maalin si toos ah hoteelka ugama soo bixin, maalintaas waxay ahayd, tii xigtey maalintii iigu horesey ee aan imaado Hargeysa, maalintii xigtey, Gabar meesha aan ku sheekeysaneyney ninkii hore, oo mehrad ku lahayd ayaa waxay ii sheegtey mar labaad oo aan ku soo noqdey halkii aan ku sheekeysaney ninka “ in kala go’a Soomaaliya iyo Somaliland dib dambe aan dadka ugala sheekeysan, waayo wey ku dilayaan ama waxay kuu dhiibayaan Itoobiyaanka halkan jooga ee iska aamus ” ayey igu tiri gabadhii. Arintan waxay muujineysaa in shacabka Woqooyi in mudo ah, lagu Qulaaminaayey, siyaasad sumeysan oo aan la aqoon ujeedada iyo faa’iidada ay ka helayaan marka laga reebo nabadgelyada ay haystaan, waxaana adag sida looga saaro maanka siyaasadaas guracan. Wixii maalintaa ka dambeeyey waxaan arkey dhalinyaro reer Banaadir ah oo aan hore isu naqaaney, waxayna ii sheegeen inaanan sheegin halkii aan ka imid iyo waxa aan ka shaqeeyo, islamarkaana aan daayo soc socodka magaalada, sababtoo ah waa lagu dabagalayaa oo waa lagu soo wareysanayaa dabadeed waa lagu xirayaa ee sidii aad ugaa bixi lahayd u diyaar garoow . Mid ka mid ah odayaashii hore ee deegaanka oo aan kulanay wuxuu ii sheegey, “ Hargeysa waa nabad, nabadeedu waxay ku xiran tahay inaan la faragelin Itoobiya ," sababtoo ah buu yiri, " Hadii aad cayso madaxweynaha cid kor kuu eegeysa ma jirto, laakiin hadii aad Meles wax ka sheegto ama Itoobiya si dhaqso ah baa laguu dafayaa ee iska jir halkaan ”. [ Sii aqriso qoraalka.]
-
If they gave 1 billion dollar to everyone.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in General
What a brilliant bunch of economists we have in this thread. I, for one, would like to see which country's financial affairs they handle in. Baddacas, waligaa ma qaaday a simple home economics course even? -
Somalilanders should extend more support to Alshabaab.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in Politics
I would align any day with a so-called separatist who fights side by side with his Soomaali brethren against the Xabashi occupation than a so-called "unionist" who is fighting, defending and siding with Xabashi occupation and their genocide against innocent Soomaali people in the name of bogus unity. Wareer badanaa dadkaan, oo sheeko ahaa. -
A final solution to the Somali problem.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
Che, ninkaan faarabuutaha ah warkiisa maa naga deysid. Wuxuu rabo haku hadlo, now maba u qalma the little uproar he so now seeks. -
Germany frees 2 ethnic Somalis arrested on plane
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to AYOUB's topic in Politics
Soomaali wey kala baxday ee iyagaa istiftifaayo, duqa. I am sure those poor gentlemen Soomaali ku sheeg ayaa tiftifay, oo been ku maagay, kuna eeday, only because they supported the other political group they, the said Soomaalis, despise. Soomaali sidii hore ma'aha ee iska jir, especially at the fadhi ku dirirada. I think kuwa waalan inay joogaan, oo basaasnimo iyo jaajuus ka dhigtay shaqadooda. I don't know, though that case in Scandinavia kuwa jaajuusay lagu sheegay, dadkaasna xabsi in lagu tuuro keenay. -
C/qaasin iyo Xasan Abshir, circa 1986
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I just found it interesting and decided to post. I didn't even know C/qaasin in uu garweynaa xiligaas as well. Whatever happened, magoow meesha waa lagu damaashaadooyaa, oo dad badan tagay ka muuqdo ugu jirto. -
Juun 09, 2008 to Oktoobar 09, 2008
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Umm, hmm, err, what date and day was today? Madadaalada meesha ha laga sii wado. Shimbiryaaloow heesaa Hees wanaagsan heesaa -
Somalilanders should extend more support to Alshabaab.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in Politics
Si fiican ayaa u hadashay, una qortay. Dadaalka Soomaalinimada meesha kasii wad, widaayoow. Waxaa rajeynaa Soomaali kale wali u muuqan inay sidaada camal u arkaan daruufaadka adag xiligaan taagan. It was the other weekend that I met the honourable Max'uud C/llaahi Jaamac [sifir], and let him know how I appreciate his tireless efforts uu u taaganyahay midnimada Soomaaliyeed. He smiled one of his trademark smiles, appreciating the fact that I am appreciating simple actions every Soomaali was/is expected to do. -
VISCOSITY OF HIS ROOTS (A short story)
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abtigiis's topic in General
Safir, sheekadaada ayaaba aad loo fahmi karaa -- to the point and more precise. -
eheheheh, koolo what about ka dhahaayo sidii bushkuleeti aan u wadey gawarta, badeelada aa iga istaagey, shaagii aa banjarey, kadib kashawiito aa soo qaatey waa qod qodey ilaa aa riixey sidii ina taree camal ay sinyaalo gadaal ka bixisey Waxaan qufka ah Nuunka lee laga maqlaa, no body else. Sinyaalo beel ma dhihi kariyee. Bool miyaa qofta mise kushineeto la dhuujinaayo. Ee sii wad nooh, fareejadana ma baxday, oo inyeetaro muu u giliye asagoo sheeraro ku riixaayo.
-
Difference between Somalian and Somali
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mad_Mullah's topic in General
Maxaa dad aan Soomaali ahayn ka saxay ereygaas markaa ka maqlo. Ereygaas maqalkiisa intaa xasuustaba waa ku jirjiricoon jiray runtii. I don't want even to repeat down here. Soomaalida isticmaashana waaba la yaabaa, jaahilnima iyo wax kale inay ka tahay lee u egtahay. -
Eebba ha u sahlo qaliinka, oo caafimaad suuban ha siiyana -- aamiin, aamiin.
-
Kenya's and Ethiopia's Fragile Glass Houses
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Chimera's topic in General
Nicely put and well written piece you have there, Daa'uud Waraaqle. Saas ayaa lagaa rabaa. Dadaalka meesha kasii wad. -
That Hiiraan site existed for 12 years? See kaa noqotay, duqa. I thought in 1999 la furay. About that qoraal naceyb Soomaalida ka buuxo, koley waxaa ka dhihi lahaa waaka dhahay.
-
What Do u like to take Anfur in Ramadan
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Yaabka-Yaabkiis's topic in General
Originally posted by Pucca: ^for folks who lack patience...the mosque (khalid) is just not the place to go for afur. The line just never dies! plus...its the same food i eat at home anyway(and they serve it everyday), nothing interesting about that. Bur i suppose if one wasnt picky...the mosque would be a great place to break fast. Next year, if you are alive, go to Bukhaari masaajid, close to Weston/Lawrence. It is a small masaajid and their afur is more like a family gathering, though many people bartay now. -
VISCOSITY OF HIS ROOTS (A short story)
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abtigiis's topic in General
Peasant, I am not complaining, igaarka. But were you? Sheekada waana aqrinaa, then waana indulge gareynaa oo miraheeda ayaan dhuuxaa and then finally complain about those stories until the end la aqristay all the time -- that is a triple wah, of course. Wah, wah, wah. Kuusha, adiga dadkaas aa ka mid tahay yaah, marka? I for one will welcome any rajastiino iyo rajabeeto duuleyso, kastuuma biibeysana suubis ha laga dhigo as well. -
A final solution to the Somali problem.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
I cannot let this go without sending a soundful bite of email reply to whoever let that dude publish that hate-filled rant. I realized the Daily Nation published this piece. I will let them have an e-piece of mind. I thought Daily Nation was a serious, quality newspaper, especially better than The Standard. I'd also like you to show and have them how you feel about this article. Don't shy away, here is their email: newsdesk@nation.co.ke -
Awdhubadoow, haye qawad aa kugu dhacay miyaa hadda kahor? Maya, ma maqlin waxaas lagu daaweeyo, Soomaalida koley wax lee sheegaan.