-
Content Count
17,641 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Aroortii kac, canjeero kulul isku duub duubo, saliid macsaro iyo sokor ku dhex duubo. Cun. Iskool isku diyaari. Aad iskool. Bareeka bur iyo sambuus cun. Iskoolka kasoo noqo around lix saac [12 pm], qadee, bacdina hurdo nap dig la dheh. Galabtii qoraxda qabowdo lasoo kacaayo, banaanka aad, ciyaal banooni la ciyaar, meel walba ka dhac. Qoraxda ha dhacdo salaadda aadaanka maqlee, masaajid gal, dalaq. Salaad maqrib soo tukada dhamaantiin ciyaalkiina. Kasoo bax, jardiino hala fadhiisto, sheeko. Sheeko sheeko ma laga caajisay, kadhimeey kadhim haloo jeesto. Sidii loo bood boodaay ama loo ordaayo daal hoo, hal hal guriga haloo aado. Adoo jiif isku celin karin hooyo casho ha kugu qasabto. Haddaa galablee kuwa iskoolka aadaayo tahayna, markaa iskoolka kasoo baxdid iskoolka hortiisa bajiye basbaas lagu daaranaayo ka gado islaamaha iskoolka horfadhin jiray. Guriga soo aad, dharka iska badal, banaanka horey ka aad, samee waxaa kor ku qoray camal. Jimco waaye. Iskool ma jiro. Imbili ciyaar, warbac ku xir. Jar duqeyd ciyaar, ku xir xir. Suuqa aada, islaamaha caanaha gadaayo caano dhadhamis ugu dhameeya oo caloosha buuxsada, kuwii galeyda iyo masagada gadaaye a roundful of fist hal hal ugu soo shubta jeebka to feed the pet pigeons [qooleey] later at home. Duhur waaye already la gaaray, salaad Jimcaha aad. After salaadda laga imaaday oo lasoo jimceystay, Jalaato Jaangoow oo banaanka lagu gadaayo arkee, hal hal u gata, meel geed talaal hoostiisa ku neefsada. Kistoo ka bacdi qado u aada guriga, guriga reerka iskugu imaanaayo lagu wada sheekeysanaa, kii seexanaayana nap fiesta ha qaato. Galabtii la gaaray, meel barxad banooni u aad, ciyaalka wada cubtama [cub iyo cir], lasoo baashaal ciyaal xaafadda. Banooniga ka bacdi maqribkii marka la gaaro haddaa ciyaalka waa weyn xaafadda ku jirtid dharka iska badal, qabeyso, dhar isku taag cusub. Shaneemo isku diyaari. Kaasmaayo, bajaq iyo cismaan wixii ahaa shaneemooyinka ku shukaanso. Lasoo bood bood, luuq luuq la gal, filin u jil. Haddaa ciyaal yaryarka tahayna after banooni aad makiinadda cajiinka xaafadda, oo abkeey gabdho yar yar dhan cajiin shiid u imaan jiray oo reerahooda soo dirsan jiray. Faduuli gabdhaha yar yar, isku xooq xooq ama isku tuur tuur waxaa isku xooqi kartid. "Waryaa!" markee ku dhahadana, waa haddeeba dhahdo, raali ahoow waala isoo riixay dheh meesha cariiri waayee. Kuwa sii waa weynaa xaafadda haddaa tahayna shaqaalaha ee magaalada hoose shaxaad ama shaqo u aad, Fija'eejito, Dahablaha, Bacaadlaha, Ceelgaab soo wada mar. Galabtiina isbartiibada aada, Horseed v. Waxool ciyaaraayo usoo cheer garee kooxdaada. And in the evening tiyaatarka aad, ruwaayadda cusub soo baxday kusoo dhufo, Shaneemo Xamar gal. In the meantime, ka dharag waxaa ka dhargi kartid, ciyaar ama cunto fresh ha ahaatee. Ciyaar oo cuna: Kushineeto, mircood, bugle, taraq, laadhuu, isbaandheys, fiimto qaboob, koob isbarmuuto weyn baraf ka buuxo, dublad, garaangar, boojo, baliil, jar... Wada ciyaar waxaa ciyaari kartid, waxaa cuni kartidna cun. There never was a thing called boredom. Never. O' Xamar. Yaa ku iloowi karo Xamar Caddeey, xudundeyda ku duuganee.
-
Writing:Af-Somali for those who need to Learn?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to OG_Girl's topic in General
at tobalcaaro. Last time maa dirac tobalcaaro aroos ku aaday? Ma anaa garan. -
Indhayar ayaa ku maahmaahdo sawirkiiba kun erey la qoray u dhigmaa. So what do you see in that picture? Not nimanka fadhiyo, do you notice something else. Yes, the sawir suran darbiga. Meeshaas aboow heeloow sawirkiisa surnaan jiray. Meesha looks like inay tahay Madaxtooyada maadaama askari African Union joogo meesha. Mise guriga Nuur Cadde waaye, who knows. Regardless, aboow heeloow, the stooge, sawiradiisa meesha surnaan jiray usually. Not in this recent picture. Nuur Cadde, the junior stooge himself, runtii hilfaha uu u laabay. And I didnt know saas in uu u hunguri weynyahay as well sawiradiisa meesha suranaayo.
-
Oto'oto, bababa shimee igu dambeysay maqlo. Laakiin Oto'otada badanaa dabdamiska [fire trucks] loo yaqaanay, inkastoo ambalaastana ahayd. Sartii Oto'otada oo la dayactiray. Taaladii Sayidka, Masaajidka Isbaheysiga iyo Guriga Ummadda ayee ku agtaali jirtay. Xamar wixii kusoo koray ayaa xasuusto oo iloowin inta kale been indeed. I would have paid anything to see Xamar back in its old golden shape again. O' Xamareey, come back, waa laguu xiisay. Or as Saalim Saciid Saalim ku heeso: Xaal xaakinkeygaa ku maqanee Xirigiisa haaynee xigaalkeygiyoow Xaal xaakinkeygaa ku maqanee Xumaanta xoornee xaqa aan u doodnee Xasidaa xaaraan quutee xasidaaaa Xamar caddeey xeebteedaa U xiisayee, u xiisayee Xarunteydaan xasuustayee Xudunteydaa ku duuganee Xamar caddeey Xikmad aan u xaajoono maantee Xisaabta aan gabnay aan soo xaleynee Xikmad aan u xaajoono maantee Xujo aan xabaalnee xididkiisa gooynee Xasilkoo aan xariiftanee Xasilkoo Xamar caddeey xeebteedaan U xiisayee, u xiisayee Xarunteeydaan xasuustayee Xudunteydaa ku duuganee Xamar caddeey Xurnimaanta waa loo xakaaree Aan xushmeeyno bulugleey xiddigteydiyee Xurminaanta waa loo xakaaree Xukun la isku raacay iyo xeer aan ku guurnee Xarakaa laygu dhaafay Xarakaaa Xamar caddeey xeebteedaa U xiisayee, u xiisayee Xarunteydaan xasuustayee Xudunteynaa ku duuganee Xamar caddeey Xamar Caddeey maxaa laguu xiisay walaahi.
-
Al-Shabaab Vs Ahlu Sunnah Wal Jamaacah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
I hope to Eebbe not another 20 years of dagaal diimeed bilowdo now. Kii qabaa'ileed quus laga taagnaa. This is the worse cabsi aan dalkeena ugula cabsanaaye and unfortunately saan saantaas ku socotaa. Eebboow help us Soomaalis. -
Stéphane Dion ka cabso aan ku dhahay xaajiyo. Stephan Harper kaadi ayaa ka socoto cabsi daraadeeda. Hunguri jeclaa oo awood xukuumad sii jeclaa kursigaas saarnaado.
-
It is getting very, very interesting. I never knew Canadian politics would be this palatable and exciting. I guess with Stéphane Dion and Jack Layton, I knew they would come up with something tangible and politically profound with history in making, of course with Bloc support. Topple the right-wing Stephen Harper regime with their apparent, not-so-concealed hidden agenda. Oh, I can't wait to see that.
-
Facing the aggressors head on...AUDIO speech!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in Politics
Originally posted by xiinfaniin: Waraa al xaqu yuqaal; salute to Red Sea, the man is no longer a secessionst. He has finnally refused to be small when he could be big... Al shabaab will come home, and so will insha alaah the man, red sea. I told you long ago. Don't push the brother away by accusing wuxuunan ahayn. At the end, he always believed Soomaalinimo and unity, but in a just way dal ku dhisan. Absolutely plausible and justified. -
Bye Bye tfg and Cheerleaders!!!!!!!!!!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to rudy-Diiriye's topic in Politics
Originally posted by rudy-Diiriye: Oh Somalia, oh Somalia ya always on my mind from Djibouti to Hargesia to Bossasso from Hawaas to Galkacyo to Jowhar from Beldweeyn, to Xamar to Marka from Baidoa to Kisymayo to Waajeer Your enemies have always tried to conquer u but your sons and daughters always came to your rescue from axmed gurey, to the sayid to xawataako, to the shaabab Now that they have defeated your latest enemies Your future looks bright and shining like the bright star that you are And your true heroes will always be by your side Oh Somalia, oh Somalia ya always on my mind This is why I love Fridays!! Its truely a blessed day. well...if u havent heard the news!! The Amxaars are running away from xamar... tfg is no where to be found and soon u will see them chased with a bullets. Here is a lil song for our country --- beautiful Somalia. Nicely put. Soomaaliyeey toosoo ku dar. -
Facing the aggressors head on...AUDIO speech!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to RedSea's topic in Politics
Baddacas, dadaalka iyo aaminsanaanta Soomaalinimo meesha ka wad. Ignore qashinka iyo daacsiga meesha ka socdo. You are a decent, uncorrupted brother, and I am glad to see that. Xabashi cadowgeena koowaad, labaad iyo sadexaad as a Soomaali waaye. And every Sooamali knows that or should know. Soomaali ku sheega ku gambanaayo magaca Soomaaliyeed warkooda dhag ha u dhigin. Soomaalinimadooda maba jirto. Instead of coming to this site, a supposedly pan-Soomaali and preaching hatred of everything Soomaalis and Soomaalinimo, I don't know ma iska aadaanoo Xabashi sites. I am sure there are plenty of them out there and receptive ears that will share their common hatred of Soomaalinimo as well. -
Originally posted by Cabdiyo Cabdi: LOL@DD. Wonder where this Sacad fellow is now? He could teach us all 1/2 buranbur verses.LOL. Alle'ubaahne ma xasuusataa? There you have your answer. Taloow xiligana ma buraanburi lahaa mise jihaad ayuu ku jiri lahaa.
-
Somali Pirates Role Not Ruled Out: Indian Naval Official
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Abwaan's topic in Politics
Qaraxyadaan iyo shirqoolkaan Hindiya ka dhacay daraad waxaa ku ogaaday how Galbeedka's media aad iyo aad u buuniyaan dadkooda markee wax ku dhacaan. I always knew that, but this one finally xirtay the fact of that. Qaraxyo mar walba ka dhaco Hindiya, oo boqolaal iska dhinto, but this one a few Reer Galbeed ah ku jiraan ama la hijack gareeye iyo meelahee degaan ama ku caweys qaataan la duqeeye -- it is all different, their media all went mad. -
Faysal Cali Waraabe to Mediate Somalia ??
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
I guess his 'goosasho' is only against some certain clan. He thinks kuwa ku shiraayo Jabuuti inay ku jirin that said certain clan uu necebtahay it seems. Waxaas ayaa wax bartay la leeyahay. Waxa hoggaanka u dhiibtay ayaaba ka daran oo aaminsan kaas iyo aragtidiisaba. -
Qardho: VIP’s arrive for crowning ceremony of new KING
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
Widaayoow, uma gafin Marxuumka, mana u quuri. Ee haddaa ka xumaatay oo meel inaa ugu dhacay u maleysay waaka xumahay, Peace. Eebba ha u naxariisto asagana, waana la socdaa taariiqdiis, by the way. -
Qardho: VIP’s arrive for crowning ceremony of new KING
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
Muuse Boqor Kingkong mala dhihi jirin miyaa? Adi wiilkiisa ka hadleysaa u maleynaa. Ani aabihiis ka waday, dowladii shibilka ee '60s ku jiri jiray. Kingkong waa ninkii kahor yiri markii Marxuum C/rashiid Cali Sharmaarke la dilay shir iskugu imaadeen madaxda SYL in jadaas tolkiisa kasoo shireyso maadaama qofka la dilay tolka ka dhashay yiri. Marxuum Ismaaciil Jimcaale jawaab fiican siiye la yiri waagaas. -
Xaajiyo, ani Tiyaatarka inaa ka ahaa agaasime guud ma ogeen miyaana? Yaa war kuu sheegaayo hee. Amaaba ku jiri jirtay shaqaalahaa lay-off ku sameyn jiray, taloow too u eg sawirka meeshaas kuu suran ruqseyn hadda kahor ku sameeyee.
-
C/raxmaan Baadiyoow kii SDM ku jiri jiray soo ma'aha taloow? Koley last few years Islaax hoggaankooda ku jiray, oo C/qaasin Salaad Xasan iyo xirtaas isku mabda' ahaayeen.
-
Qardho: VIP’s arrive for crowning ceremony of new KING
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in Politics
Kingkong iyo Kungfu are missing in the dignitaries' list. -
This is why you all should be wearing your seatbelts ....
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Aaliyyah's topic in General
Shaqa la'aan ayaa ka badatay dadkaas. Waxyaabo badan ayee sameyaan iyagoo gaari wado, oo waliba isduubaan. Haka saarto. -
TFG and ARS Reach An Agreement - More Parliament Seats
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Money, I am surprised you do agree with this agreement ku sheeg. Tell me, ma C/llaahi Yuusuf kasoo horjeeday mise mabda' ahaan dowladaas ku sheeg ugu soo horjeeday? I mean, what can more than 500 xildhibaano do kuwii 275 couldn't? Yaa intaas mushaarkooda bixin karo, awal ayee Qaramada Midoobay qaatir ka taagnayd kuwii hore bixintooda waxee siin jirtay oo ay Nayroobi dalxiis ugu joogi jireen. Shariifka nin macquul ayaa mooday, laakiinse hadduu waxaan camal ogalaaday waxba ma dhaamo kuwa ka horeeye. -
U sheeg aan ku dhahay, macalinka. Fanka dhan qurbo ku barteen u maleynaa.
-
Good waano ku bixisay there, sister. Laakiinse it is not always as easy, straight-forward and simple as it seems. Dulqaad is thin, and can ran out if dhibka bato. Faras is better looking than lo' or maroodi, GOSH...I'll take 'farasaa u egtahay' anyday, than 'abaayo maroodi/lo aa u egtahay'...Calyo hadaananba ka horgeyn baa qeyr la leeayahy... Haye, dameeraa tahay waligaa ma laguugu dhahay. Faras iyo dameer waxba isma dhaamaanee. Maya, maya dameerfaloow dheh.