-
Content Count
17,658 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
(Refer to Kuunkuun Cadeey Bareey Jeelo) That is the Afmaay version. Ciyaal Xamarkeena tan Afmaxaatiriga versionkeeda ee Kuun kuun lamina, lamina tabaarika, sata uuna baarika... ka bilaaban jirtay naqaanay. Marka waxaa dhihi rabtaa miyaa waxaas ciyaalkeena qaadi jiray meeshaas kasoo jeedaa, tan Afmaayga versionka ah ka wadaa.
-
Praying salaada ciidda: 4.5
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
4.5 wives from now on is called for every muslim who can bear the financial burden. Afar minweyn iyo nus minyaro ah miyaa? But salaadaan la tukaday laba qolo {1.5 according to the flawed formula] ka maqan, ee taloow intee ku tukadeen? Probably those groups in Nayroobi iyo Jabuuti ahaayeen. -
Calibeesteenkii gang ah ayaa qaarkood dilay la yiri maadaama afaarahooda dhex galeen, maandarooyinkaas iyo waxaas kale suuqa madoow ugu ganacsadaan. Meeshee tagaanba dadka meesha horey u degnaa isku kiciyaan, iskuna taabtaan iyagoo waxba hubsan. Eebba ha u naxariisto masaakiintaan geeriyootay.
-
Wax lagu qoslo ma'aha waxaan haddee run tahay. Dadkii diinteena faafintooda usoo halgamay in lagu xaqtunto, laguna caasiyoobo xabaalahooda. I guess Nabiga [Naxariis iyo Nabad Korkiisa Ha ahaatee] qabrigiisa wey soo fali lahayeen as well in Madiino maadaama uu masaajid ku dhex yaalo and only Eebbe knows how many millions u siyaarto.
-
Or should it be called 3.0, a new formula waaye camal amee tahay. I guess meesha qabiil qabiil loo kala tukanoyaa, xildhibaano ku sheegaas kii madaxda qabiilkooda u ahaa wada raaceen ama $$ u taabtay kistoo. ________________ Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo iyagoo Baydhabo ku wada sugan seddex meelood ku kala tukaday Salaaddii Ciidda Seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaaraha Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta waxay Salaaddii Ciidda ku kala tukadeen seddex goobood, iyagoo weliba ku wada sugan Magaalada Baydhabo. Madaxweynaha iyo xubno Xildhibaanno ah ayaa waxay Salaaddii Ciidda ku tukadeen Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanno la joogayna waxay ku tukadeen guriga Guddoomiyaha, halka Ra’iisal Wasaaraha iyo Xildhibaanno la joogayna ay Salaaddii Ciidda ku tukadeen Hotelka Bakiin ee uu Ra’iisal Wasaaraha degan yahay. Seddexda meelood ee ay ku kala tukadeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa laga dheehan karaa khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, marka laga soo tago in uusan hagaagsaneyn ammaanka guud ee magaalada Baydhabo. Khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu curyaan ka dhigay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo haatan awooddeeda ay ku soo koobantay qeybo ka mid ah Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo weliba qudhooda ay Ciidamo Shisheeye ku ilaalinayaan. Si kastaba arrintu ha ahaatee, khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa la filayaa in qaab sharci ah loo maro xalkiisa kadib marka uu maalmaha soo socda shir isugu yimaado Baarlamaanka Soomaaliya oo xubnahiisana la ogyahay in ay la kala safan yihiin labadaas mas’uul. Xigasho
-
For those of you who drive and talk at the same time
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Aaliyyah's topic in General
Caadi ila tahay ani. It looks reasonable and very lacag-saving simple idea. By the way, when will Ontario ban the telefoonada gacanta in gacan lagu qabsado while driving? I do think inay tahay in the first day of the New Year. Already balaayo wada surteen dhagaha dadkii oo bluetooth isku wada taageen. -
Eyl - A town overtaken by powerful pirates
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Libaax-Sankataabte's topic in General
Intu dagaalka dhicin degmooyinka yaryaraa magacyadooda aan xasuusto oo aan maqli jiray ku jirtay Eyl. Eyl, Dhuusamareeb, Iskushuban, Laasqorey, Seylac... Ayaandaro laakiin all those degmooyin hoos ayee u dhaceen since dagaalada sokeeye, kuwa badan aanan waligey maqlina soo shaaxbacay magacyadooda. -
I remember going to Savoy Center with other kids just to have a ride on the elevator and been chased out by the guards..or going to school farsamada hoostiisa to rent bikes. Iskool Farsamada soo ma ahayn kan ku yaalay Lambarafar? Waa kii cusbaa. Meeshaas bushuleetiyada lagu kireyn jiray ogaa, dhowr jeerna waa aaday ciyaalkeena yaryar. And I didn't know Savoy Centre had wiish. Soomaaliya meel wiish lahayd maba ogeyn. still wey taagan tahay ka waran wali. Agagaarkaas dhan burbursan ka taagan sartaas kaliya, xataa Baar Fiat suu u muuqdo arag.
-
NYTimes - Situation in Somalia Seems About to Get Worse
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Mintid Farayar's topic in Politics
Western diplomats, United Nations officials and the Ethiopians seem to be turning against the transitional president, Abdullahi Yusuf Ahmed, a cantankerous former warlord in his 70s who has thwarted just about every peace proposal. “Yusuf has gone from being seen as the solution to being seen as the problem,” said a senior Western diplomat in Kenya, speaking on condition of anonymity in accord with diplomatic protocol. It finally dawns to objective men like Gettleman and other Western officials to finally see what this stooge truly is. Shirkii Qaahira back in '97 ayuu diiday oo ka baxay meel fiican maraayo, kii Carte in 2000 asagoo bilaaban ayuu kasoo horjeestay, odey dhaqameedkii tagayna xiray markee ku noqdeen Bari. Kan hadda socdana, though I don't agree the shir itself, haba u sheegin oo wuu diidanyahay. Wixiisa waa kaliya anigaa kursiga koraayo otherwise nothing soconaayo -- qash qashaad, banad iyo qalalaas ku wadaa every darn reasonable shir la iskugu tago. -
Do you guys listen to Radio anymore??
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to SayidSomal's topic in General
As It Happens on CBC Radio is a good quality program. I hadn't listened to it for a few sanado, though. Metro Morning on CBC Radio as well on mornings on Koronto-area is good as well. Somehow public radios do have some far considerable quality programs than those privately-owned. -
Fak at Michaelle Jean. Iyadoo qaxooti ah ayee a neo-con, Bush wannabe la safanee. And dare yet, she forgot who appointed her in the first place -- Paul Martin, the former Liberal leader. Shuud. Nevertheless, I think she is playing a little political game, not to face the wrath of each group and please and displease those groups equally. Now she sides with Harper and in the process satisfying his supporters. In about two months, when another confidence motion is brought forth and Harper rushes to her to ask her a new election, she will refuse and ask the opposition to form a new goverment. Shrewd politican waaxid dheh qoftaas.
-
This is afgambi -- well, almost
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Col. Nur's picture bothers you and the foreign askari standing there doesn't? Lordy lord! Pictures do hide mess and stains. Sababta igu bother gareynaayo xee ahayd? Sawiradooda darbiyada isla surnaan jiray, and I found it quite interesting the senior stooge's one already is removed. -
Can you identify an old user by reading his posts.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kamaavi's topic in General
Kii baxaayo ha baxo, tii joogeyso ha joogto. Xaa naga galay. One fact that I do know, however, -- and regarding this thread -- is that farteyda ma qarsanto. Maba qarin kari qoraalkeyga. -
Originally posted by Kool_Kat: Hayeh yaa xasuusto heestaan: Gabar yareey shub caano, Mara shabeela xiratooy Mara qafiifa huwatooy Magacaaga iisheeg Magaceygu waa sharaf Sharaf xaaji weeyee...... Naahooy Samsameey Sabaax nuureey Saaxibadaa Caasho, caashaq baa dilay Saaxibadaa Muno, muran baadily... MMA, hayeh groupka dhuxusha ku remysan jiray maaku jirtaa? Ala mexey hooyadeey igu qeylisay markey aragto anoo dhuxu afka iigu jirto...GOSH, yaa ku fikiray waxaas laakiin? Dhuxul beel. Maqaasiinka dhuxusha waaka fogaan jiray ani, aad u necbaa, walaalaheey kale lee loo diri jiray badanaa. And yaa kusoo xasuusiye heestaas? Keynaan heestiisa aragtay miyaa telafashinka lately? Yac.
-
Waa wareey, sheekada siyaasadaan is getting more and more -- what was the word? -- mind-boggling. Harper is scared sh!tless. Power jeclaa. Wanting to suspend the baarlamaanka to prolong his staying in power? Kamoon, Scared Harper.
-
Aroortii kac, canjeero kulul isku duub duubo, saliid macsaro iyo sokor ku dhex duubo. Cun. Iskool isku diyaari. Aad iskool. Bareeka bur iyo sambuus cun. Iskoolka kasoo noqo around lix saac [12 pm], qadee, bacdina hurdo nap dig la dheh. Galabtii qoraxda qabowdo lasoo kacaayo, banaanka aad, ciyaal banooni la ciyaar, meel walba ka dhac. Qoraxda ha dhacdo salaadda aadaanka maqlee, masaajid gal, dalaq. Salaad maqrib soo tukada dhamaantiin ciyaalkiina. Kasoo bax, jardiino hala fadhiisto, sheeko. Sheeko sheeko ma laga caajisay, kadhimeey kadhim haloo jeesto. Sidii loo bood boodaay ama loo ordaayo daal hoo, hal hal guriga haloo aado. Adoo jiif isku celin karin hooyo casho ha kugu qasabto. Haddaa galablee kuwa iskoolka aadaayo tahayna, markaa iskoolka kasoo baxdid iskoolka hortiisa bajiye basbaas lagu daaranaayo ka gado islaamaha iskoolka horfadhin jiray. Guriga soo aad, dharka iska badal, banaanka horey ka aad, samee waxaa kor ku qoray camal. Jimco waaye. Iskool ma jiro. Imbili ciyaar, warbac ku xir. Jar duqeyd ciyaar, ku xir xir. Suuqa aada, islaamaha caanaha gadaayo caano dhadhamis ugu dhameeya oo caloosha buuxsada, kuwii galeyda iyo masagada gadaaye a roundful of fist hal hal ugu soo shubta jeebka to feed the pet pigeons [qooleey] later at home. Duhur waaye already la gaaray, salaad Jimcaha aad. After salaadda laga imaaday oo lasoo jimceystay, Jalaato Jaangoow oo banaanka lagu gadaayo arkee, hal hal u gata, meel geed talaal hoostiisa ku neefsada. Kistoo ka bacdi qado u aada guriga, guriga reerka iskugu imaanaayo lagu wada sheekeysanaa, kii seexanaayana nap fiesta ha qaato. Galabtii la gaaray, meel barxad banooni u aad, ciyaalka wada cubtama [cub iyo cir], lasoo baashaal ciyaal xaafadda. Banooniga ka bacdi maqribkii marka la gaaro haddaa ciyaalka waa weyn xaafadda ku jirtid dharka iska badal, qabeyso, dhar isku taag cusub. Shaneemo isku diyaari. Kaasmaayo, bajaq iyo cismaan wixii ahaa shaneemooyinka ku shukaanso. Lasoo bood bood, luuq luuq la gal, filin u jil. Haddaa ciyaal yaryarka tahayna after banooni aad makiinadda cajiinka xaafadda, oo abkeey gabdho yar yar dhan cajiin shiid u imaan jiray oo reerahooda soo dirsan jiray. Faduuli gabdhaha yar yar, isku xooq xooq ama isku tuur tuur waxaa isku xooqi kartid. "Waryaa!" markee ku dhahadana, waa haddeeba dhahdo, raali ahoow waala isoo riixay dheh meesha cariiri waayee. Kuwa sii waa weynaa xaafadda haddaa tahayna shaqaalaha ee magaalada hoose shaxaad ama shaqo u aad, Fija'eejito, Dahablaha, Bacaadlaha, Ceelgaab soo wada mar. Galabtiina isbartiibada aada, Horseed v. Waxool ciyaaraayo usoo cheer garee kooxdaada. And in the evening tiyaatarka aad, ruwaayadda cusub soo baxday kusoo dhufo, Shaneemo Xamar gal. In the meantime, ka dharag waxaa ka dhargi kartid, ciyaar ama cunto fresh ha ahaatee. Ciyaar oo cuna: Kushineeto, mircood, bugle, taraq, laadhuu, isbaandheys, fiimto qaboob, koob isbarmuuto weyn baraf ka buuxo, dublad, garaangar, boojo, baliil, jar... Wada ciyaar waxaa ciyaari kartid, waxaa cuni kartidna cun. There never was a thing called boredom. Never. O' Xamar. Yaa ku iloowi karo Xamar Caddeey, xudundeyda ku duuganee.
-
Writing:Af-Somali for those who need to Learn?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to OG_Girl's topic in General
at tobalcaaro. Last time maa dirac tobalcaaro aroos ku aaday? Ma anaa garan. -
Indhayar ayaa ku maahmaahdo sawirkiiba kun erey la qoray u dhigmaa. So what do you see in that picture? Not nimanka fadhiyo, do you notice something else. Yes, the sawir suran darbiga. Meeshaas aboow heeloow sawirkiisa surnaan jiray. Meesha looks like inay tahay Madaxtooyada maadaama askari African Union joogo meesha. Mise guriga Nuur Cadde waaye, who knows. Regardless, aboow heeloow, the stooge, sawiradiisa meesha surnaan jiray usually. Not in this recent picture. Nuur Cadde, the junior stooge himself, runtii hilfaha uu u laabay. And I didnt know saas in uu u hunguri weynyahay as well sawiradiisa meesha suranaayo.
-
Oto'oto, bababa shimee igu dambeysay maqlo. Laakiin Oto'otada badanaa dabdamiska [fire trucks] loo yaqaanay, inkastoo ambalaastana ahayd. Sartii Oto'otada oo la dayactiray. Taaladii Sayidka, Masaajidka Isbaheysiga iyo Guriga Ummadda ayee ku agtaali jirtay. Xamar wixii kusoo koray ayaa xasuusto oo iloowin inta kale been indeed. I would have paid anything to see Xamar back in its old golden shape again. O' Xamareey, come back, waa laguu xiisay. Or as Saalim Saciid Saalim ku heeso: Xaal xaakinkeygaa ku maqanee Xirigiisa haaynee xigaalkeygiyoow Xaal xaakinkeygaa ku maqanee Xumaanta xoornee xaqa aan u doodnee Xasidaa xaaraan quutee xasidaaaa Xamar caddeey xeebteedaa U xiisayee, u xiisayee Xarunteydaan xasuustayee Xudunteydaa ku duuganee Xamar caddeey Xikmad aan u xaajoono maantee Xisaabta aan gabnay aan soo xaleynee Xikmad aan u xaajoono maantee Xujo aan xabaalnee xididkiisa gooynee Xasilkoo aan xariiftanee Xasilkoo Xamar caddeey xeebteedaan U xiisayee, u xiisayee Xarunteeydaan xasuustayee Xudunteydaa ku duuganee Xamar caddeey Xurnimaanta waa loo xakaaree Aan xushmeeyno bulugleey xiddigteydiyee Xurminaanta waa loo xakaaree Xukun la isku raacay iyo xeer aan ku guurnee Xarakaa laygu dhaafay Xarakaaa Xamar caddeey xeebteedaa U xiisayee, u xiisayee Xarunteydaan xasuustayee Xudunteynaa ku duuganee Xamar caddeey Xamar Caddeey maxaa laguu xiisay walaahi.
-
Al-Shabaab Vs Ahlu Sunnah Wal Jamaacah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Jacaylbaro's topic in Politics
I hope to Eebbe not another 20 years of dagaal diimeed bilowdo now. Kii qabaa'ileed quus laga taagnaa. This is the worse cabsi aan dalkeena ugula cabsanaaye and unfortunately saan saantaas ku socotaa. Eebboow help us Soomaalis. -
Stéphane Dion ka cabso aan ku dhahay xaajiyo. Stephan Harper kaadi ayaa ka socoto cabsi daraadeeda. Hunguri jeclaa oo awood xukuumad sii jeclaa kursigaas saarnaado.