Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,572
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    318

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Gaal wax walba material u arkaa. Afar afar kaniini markee ka qaataan odeyaashaas, oo been misinformation ah ama sheer fabrication ah ku daldalaan as they used to do with Reer Soofiyeet and Reer Ingiriis before them, iyagaa finally ogaan doono that their kaniini qasaaro u siiyeen. Odeyaashaas soon, however, too, iyagaa ka daali doono waxaan, hadda wey ku cusubtahee. Odey 70 ama 60 jir wali usoo taagan in uu wax shukulo. Acuudi bilaahi, hunguri meel kale ka weynaa. War neefso, wadnaha yuu ku istaagin ma dhihi kariyee.
  2. Koox diini ah oo eedeyey Alshabaab Dariiqada Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku eedeeyay ururka Alshabaab inay burburiyeen qabigii uu ku aaskaa Sheekh Nuur Xuseen oo si weyn looga xurmeeyo Gobolada koonfureed ee Soomaaliya. Afhayeenka Ahlusunna Sheekh C/qaadir Sh. Abuukar [soomoow] oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay burburiyeen qabriyada Sheekh Nuur Xuseen iyo laba wiil oo uu dhalay. "Qofka Muslimka in la dhibo isagoo nool iyo isagoo dhintay waa wax aan diinta Islaamka ku banaaneyn" ayuu yiri Sh. Soomoow oo intaas ku daray in la dumiyo qabri uu ku duugan yahay qof Muslim ah oo culumo ahaa raad kuma lahan diinta. Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inay maanta burburiyeen qabriyada Sheekh Nuur Xuseen iyo laba wiil oo uu dhalay oo ku yaalay deegaan lagu magacaabo Badalu-kariim oo galbeed kaga beegan degmada Jilib. Mas'uuliyiin u hadlay Alshabaab ayaa sheegay in goobaha ay burburiyeen ay ahaayeen kuwo ay dad gaar ah ku xirnaayeen, ayna aamisan yihiin in lagu caabudi jiray dadkii ku aasnaa, sidaa daraadeedna ay go'aansadeen inay burburiyaan. "Dhamaan go'aanada ay ku kaceen Alshabaab iyo Jabhal Islaamiyah waa kuwo ay jeebkooda kala yimaadeen, waa arrin u muuqata inay dadka ku gaaleynayaa, kuna galayaan dambiyo waaweyn" ayuu yiri Sheekh Soomoow. Afhayeenku wuxuu ugu baaqay Ahlusunna inaysan wax talaabooyin ah qaadan arimaha socda, isagoo ugu baaqay Alshabaab inay joojiso falalka ay ku burburinayso qabriyada culumada la xurmeeyo iyo masaajidada. " Dad aan Soomaali ahayn ayaa ka qaybqaatay duminta qabriga Sheekh Nuur Xuseen, sida dadka deegaanku ay noo xaqiijiyeen " ayuu mar kale yiri Sh. Soomoow oo intaa raaciyay waxaana shacabka u sheegaynaa in Alshabaab aysan diin wadin. Sh. Soomoow ayaa ku tilmaamay Alshabaab inay yihiin koox takfiir ah, isla markaana ugu baaqayo dadka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan isla markaana ay fiiro gaar ah u yeeshaan. Xigasho
  3. And according to their own, waa Shabaabka kuwa ahee, official mouthpiece: Saddex qabri oo waawayn oo sida guryaha u dhisnaa oo maanta lagu burburiyay tuulada Baladul-kariim ee deegaanka Jilib Ciidanka Xisbada ee wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa maanta bilaabay in ay dhulka dhigaan saddex qabri oo waawayn oo laga dhex dhisay dhisme sida masaajidka ah oo ku yaala Tuulada Baladul-kariim oo 8 km galbeed ka xigta magaalada Jilib. Saddexdan qabri waxa ku aasnaa sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanku Wadaad magaciisa ay ku sheegeen Sheekh Nuur iyo labo wiil oo uu dhalay oo la kala oran jiray Sheekh Axmed iyo Sheekh Cabdi, kuwaas oo dadka deegaanku ay ka barakaysan jireen oo xoolo u keeni jireen qabrigooda, taasoo si cad uga soo horjeeda shareecada Islaamka. Maaha markii u horaysay ee wilaayada Jubooyinku ay burburiyaan dhismayaasha qabuuraha, waxana hore ay dhulka u dhigeen qabuuro waawayn iyo kaniisad ku taalay magaalada Kismaayo. Howlgalkan ayaa sidoo kale ku soo aaday wakhti wilaayada kale ee Shabeelada Hoose iyaguna ay ku mashquulsanyihiin Dabargoynta daroogo la sheegay in gobolka laga beero, kuwaas oo shalay ay kusoo qabteen cadadkii ugu badnaa ee daroogo lagu arko soomaaliya.
  4. When they are desecrating xabaalihii sheekhyadii diinteena Islaamka faafiye, meel walbana gaarsiiye, when they start violating those xabaalo sheekhyadaas ku duuganyihiin, then it was bound to happen some will fight back. Very understandable. What would be unfathomable will be dagaal diimeed hadda iyo koow. Another 20 years of dagaal sokeeye oo diinta ku saabsan. Oh, Eebboow. Now dadkii geeriyooday waa hore tagay xabaalahooda ayee jibinoyaan, but soon Sheekh Macalin Nuur oo nool wali ayee soo xiri doonaan kuwaan magaca dhalinta wato, probably accusing him misleading the populace farther away from "authentic" version of diinta. _________________ Qabrigii Sheekh Nuur Xuseen ee tuulada Baladul Kariim oo la sheegey in la burburshey Qabriga mid ka mid ah culumada suufiyada ee ugu caansanaa qarnigii naga tagay Sheekh Nuur Sh. Xuseen ayaa la sheegey in la burburiyey sida uu saxaafada ugu xogwaramay Sheekh Cabdiqaadir Sh. Abuukar Soomoow oo u hadlay xarakada Ahlu Suna ee dariiqada Suufiyada. Haddaba maxaad ka taqaanaa Sheekh Nuur Sh. Xusseen, dib ayaan u eegeynaa. Sheekh Cabdiqaadir Soomoow oo u waramay saxaafada gudaha dalka ayaa xarakooyinka Shabaabka iyo Jabhatul Islaamiya ku eedeeyey in ay burburinta ka dambeeyeen sida ay faafisey idaacadda Shabeelle, hase yeeshee xariiro lala samayay degmada Jilib ee ku dhow halka la sheegey in uu falka ka dhacay ayaanan wali loo kala xaqiijinin jiritaanka arrinta, saraakiil aan la hadalnayna waa ay ka gaabsadeen, balse waxay qireen jiritaanka xamlo lagu cirib tirayo quraafaadka iyo qabuuraha la barakaysanayo. Hadabe maxaad ka taqaanaa Sheekh Nuur Sh. Xuseen, iyo tuulada Baladul Kaariim? SomaliTalk ayaa dib u jaleeceysa waxa kugu seegan. Sheekh Nuur Sh. Xuseen wuxuu ka mid ahaa culumadii ugu waaweynaa qarnigii tagay ee dariiqada Suufiyada, xaruntiisa waxay ahayd tuulada Baladul Kariim oo 12 km u jirta degmada Jillib dhanka waqooyi, waxay tuulada dhanka kale ka jirtaa wabiga Jubba, waxay ku taalaa mid ka mid ah dhulbeereedyada ugu hodansan Soomaaliya. Sheekh Nuur waxa uu lahaa xir aad u tirro baddan oo lagu qiyaasi jirrey kumanaan, sanadkiiba mar ayaa shacabka ku nool koonfurta oo dhan ay u siyaaro tagi jirreen, iyadoo marka xiliga siyaarada la gaaro aad moodi jirtey in magaalooyinka qaar dadkii oo dhan ay ka wada haajireen, ninkii arka ee markaasi ugu horeysa wuxuu niyada iska oran lahaa “malaha meeshani waa kacbadii.” Dadka tagaya qofkasta waxaa waajib ahayd in uu geeyo hanti inteey dooniba hala ekaatee, waxyaalaha ugu cajiibka baddan waxay ahaayeen in ay iska caadi ahayd in aad aragtid nin dadka siyaarada u yimid ka mid ah oo ceesaan xarig ku wadda, gabadhii uu dhalay oo 19 jir ahna ceesaanta xariga qoorta kula xirey oo labadoodaba siyaaro ahaan u geynaya, gabadha Sheekha ayaa ku daraya mid ka mid ah xirta oo aysan waligiis filim ka daawan. Waxaa meesha ku yaala masaajid aan sidaasi u weyneyn oo uu sheekha degenyahay, Sheekha inta baddan lama arko, wuxuu ku jirraa meel xeebdaab ah, duleel yar oo darbiga laga duleeliyey ayuu Sheekha gacanta kasoo dhiibtaa isagoo ay ugu marantahay marro cad oo dhowr dhalo oo catar ah lagu dul jabshay oo aadan malayn karin kamkamka ka baxaya, markaasaa dadkii oo safaf ku jirra uu midkoodba salaamayaa gacanta oo uu dhowr jeer shuminayaa oo uu ku barooranayaa isagoo barakaysanaya. Waxyaalaha kale waxaa ka mid ah dadka siyaarta aadaya Sheekha waxa ay ka tufan jirreen taxliil, taasoo marka uu qofka kula noqdo reerkii uu ka yimid dadka oo dhan inta soo xoomaan la wada barakaysan jirrey oo saf loo gali jirrey (sidii biyihii samsamka), taxliishu wax kasta ayay daawo u ahayd sida la aaminsanaa, ninka siyaarta aada dadka kale waa uu ka sharaf badnaan jirey, qofka xirta ka tirsan waaba la barakaysan jirey, qofka caadiga ah ee digriga aad u yaqaana dadka waa ka takoornaan jirrey, isaga ayaana loo yeeran jirey si uu taxliil reerka ugu tuffo, qofka siyaarta ka baaqda waxa uu qofka aadaya kula dardaarmi jirey “walaaloow marka aad meesha tagto niyada igu qabbo iina soo ducee in uu illaahay I geeyo mar uun” Marka siyaarta la’isugu taggo maalmo dhan iyo habeeno ayaa digriga si weyn loo oogi jirey, dadka inta loo waayo meel ay ku hoydaan ayay banaanka is dhex seexan jirreen rag iyo dumarba. Wixii ka dambeeyey dhimashadii Sheekha oo muddo 20 sanno ka hor ah, tuulada Baladul Kariim dadkii wa ay ku yaraadeen, mana loo tagi jirin wax siyaaro ah, laakiin wali waxaa jira dad ka tirsan qoowmiyada Jareerweynta iyo Soomaali kale oo illaa maanta soo siyaarta qabriga Sheekha iyo goobtii uu ku noolaan jirey, dad ka mid ah qaraabada Sheekh magac iyo sharaf ayay wali ku dhexleeyihiin bulshada Baladul Kariim waana la siyaartaa wali. Haddii ay dhab noqoto in la burburshey qabriga Sheekha, ma ahan wax layaab leh, waxayna ka mid tahay talaabooyin la mid ah oo dhawaan maamulka Islaamiga ah ay ka qaadeen magaalooyinka Kismaayo iyo Baardheere. Waxaan kusoo gunaanadayaa sheeko qosol baddan oo dhacday dagaaladii sokeeye. Mid ka mid ah maleeshiyooyinkii qabsan jirey gobolka ee isku baacsan jirey, ayaa tagay tuuladani Baladul Kariim, mid mööryaanta ka mid ah oo aad u dhib badnaa ayaa galay xeebdaabkii Sheekh Nuur uu fariisan jirey, markaas ayuu maro cad ku duuftey gacanta catarna mariyey, inta uu qorigiisa qaatay ayuu soo xoomiyey dad meesha ka dhawaa oo asxaabtiisa ay ka mid ahaayeen, markaasuu ku yiri “ War gacanteyda shumiya oo ka barakaysta, Jareerkii halkan fadhin jireyba waad u yeeli jirteene ” isaga oo gacanta kasoo dhiibaya godkii yaraa ee darbiga ka duleeshanaa. [sick mööryaan badow ah.] Xigasho [Qoraalka waala tifaftiray]
  5. Soomaali adduunkaba wuxuu ugu dhamaanaa iyagoo leh tuuladaas iyo buuladaas ayaa tolkeyga qabsaday iyo ma qabsan. Haddeeba lahaan lahayeen dhul barwaaqeysan oo lagu bilicsado weyba fiicnaan lahayd. Shuud.
  6. Awdhubad, when he, Keynaan, used to spell his name K-9 ayaa la kulmay back in 2000, I think. Also a few years ago ku arkay at a Soomaali soccer tournament. Nin wanaagsan u egyahay, koley saa u arkay ka wadaa. There was a SOLer who used to have a huge crush on him. My lips, err fingers, are tight, though.
  7. Is this editorial or news? "Dhagarqabayaasha?" Ninka waxaas qoray naceybkiisaba xataa didn't try in uu a bit qarsado. Cabdillahi uu amar ku bixiyay in hubka waaweyn ee aanu kala bixi karayn Muqdisho uu Qaab qarsoodi ah oo farsamaysan loogu wareejiyo Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab si Somalia, siiba Muqdisho aanu marnaba dagaal uga dhamaan. Kii marqaamaba wax aan qoraa iska dhahay.
  8. Dal leertiisa, baddiisa, dhulkiisa iyo xadkiisaba wada banaan, qashin walba iska soo dirsanaayo wax walbo. Baddeena ee sun ku shubeen, dhulkii ayee xoog inay ku qabsadaan rabaan, cirkiina diyaaradahaas basaasiinta ah iska wareegaayo. Soomaali maxee meel isdhigtay, isku kala wartay.
  9. Jago iyo awood aan jirin oo been ah jeclaa. Koolo marso dheh dabada and sit on that imaginary kursi. Waligaaba haka dagin.
  10. Hal erey miyaa mise waa laba erey? "ili'il" miyaa mise "ili il?"
  11. Originally posted by Aw-Dhubad: I love this new song about 'Somalia' in his new album TROUBADOUR which will be coming out sometime in January http://www.youtube.com/watch?v=v1q1Lwv0VBA Powerful words: "Do you see why its amazing when someone comes out of such a dire situation and learns the English language just to share his observation? probly get a Grammy without a grammar education, so **** you school and **** you immigration, and all of you who thought i wouldnt amount to constipation. and now im here without the slightest fear and reservation. they love me in the slums and the native reservations. the world is a ghetto administring deprivation " Bababa, sheekha ileen Keynaan uu dhageystaa.
  12. Soo mood, ha dhaaf, widaayoow. Waxaa qufi kartid soo quf, adiga lee ha xabeebin.
  13. Hadduu soo dhacana xaa dhacaayo? Buq maaka yeeri doonto, mise baq or qash?
  14. Dad waa weyn ayaa la yahay. Naga kala yareeya saan. Wah.
  15. Samir iyo iimaan reerkiisa iyo dhamaan qoyskiisaba. Eebba ha u naxariisto marxuumkana -- aamiin. Xaaji Bood, maxaa maqli jiray magaciisa back in early '90s in Xamar.
  16. Awbaare maa iska dhaaftiin. Oh, maan. Maxaa dhibay markaa tago xagaas mar mar. He likes to pull out his 'diblomaasi' ayaa ahaan jiray and I-know-everything attitude. Well, one day ma ii bilaabinoo saas anigoo book written by the restaurant's owners' father and which was sold in the restaurant -- buug uu qoray aabahooda anigoo aqrinaayo uu i arkay, kuna saabsanaa diblomaasiga. He, Awbaare, used to work with their father, who was a daljire in the old days. Anyway, diblomaasi iyo waxaas maxaa ka taqaanaa uu bilaabay. Well, before aan u galin ku iri horta aan kuu micneeyo ereyga 'diplomacy' iyo meesha uu kasoo jeedo. Gariig waaye ku iri, oo saas iyo saan waaye, maadaama uu ii bilaabay. He didn't like it, I guess wajigiisa ka arkaaye, but ma anaa ka yeelaayo. My friend oo wadaad iska gardheere ah uu hilfaha u laabaa markaa tagno mar alle, but not to me. Gardheere lama tusi karo ninkaas. Eniwey, qof iska gaftan badan waaye Awbaare, oo waayeel iyo yariisba, gabar iyo habarba midna u dhaafeynin kaftankiisa. Lately Hall of Shame ayaaba ku arkaa meesha timajaraha marka timaha ka jaranaayo uu fadhiyaa in the studio, with his same kaftan attitude.
  17. The weather is good, ee what you folks are you complaining about? Oh, I forgot I was in Hawaii . [Well, in a dream nooh.] My bad. Tuujka, yaa yiri Ottawa iyo Koronto isku weather ah? Ma isku dhawo. I had the misfortune of being in Ottawa during a Febraayo month some few years back. My dhago ilaa iyo hadda gaduud waaye dharbaaxadii qaboowga kusoo dhacday awgeed.
  18. A friend of mine likes to say that each one of us is a thread of the flag ( dunta calanka) and each one should keep his thread clean from the dirt (Clan BS) and don't take your thread out - (ha go'in, ha goboleeysan ) Calanka is beautiful. There was even a site of a non-Soomaali's man's opinion about the most beautiful flags around. Soomaali one was, I think, one of the top three. And yea, I myself do have some calamo around. My keychain calanka iyo the map of Soomaaliya ka sameysanyahay. My room's wall qaarad Soomaaliweyn calanka ka sameysan ku dhagan. I have t-shirts calanka ku wada sameysan. And the computer desk has one as well. It is too beautiful not to have it around. Alas, dad waxmagarato ayaa calankaas sheegto oo dalkeena hoosta u dhigay.
  19. Waraa Faracadde, err Farancab, I didn't mean to inaa xumaan iga qaatid, but if you did, all means waaka xumahay. It just seemed qof Soomaali ah in uu weydiineynin su'aalo saas camal ah, I mean that question on the title. Ghosts gaalada aaminsanyihiin is not jiniyada aan aamisanahay anaga. Their belief and idea of ghost is a dead person's spirit reliving on this Earth. Marka it seemed to foreign for us Soomaalis asking su'aalo like that.
  20. Originally posted by Gheelle.T: Afro's avatar is hot I just hope that cutie aint teenager...lool Haddee avatarka qofka ka muuqdo teenager tahay xaaka dhiman? Western mentality noo keentee. Haddee alaabteeda usoo baxday, hoostana buulkeeda falmay qofta wey qaangaartay, teenager or not. Fiirso intaa fiirsan kartid, then ka dhaqaaq, abaaba.
  21. I do believe in jini, but I do not believe copying others' works without acknowledging is a good netiquette. Wa salaan.
  22. Originally posted by Geel_jire: at first I was happy when I heard the old rat was finally being removed .... but he will probably probably be replaced with another worthless bootlicker. That is how I felt when Kenyaatiga banished him from their country, officially sanctioning him and his family. Jac kululaa isdhahay. Then isweydiiye, he shamed beyond recognition the office of presidency of Soomaaliya since he claims to be a so-called "president." How audacious of them, waa Reer Sawaaxiligaasee! Can you imagine waxaas in uu sameyn karay Joomo Keenyaata to either Aaden Cadde or C/rashiid Cali Sharmaarke? It saddens me odey Soomaaliyeed madaxweyne Soomaaliyeed sheeganaayo saas ula dhaqmaayo dalalka adduunka ugu faqiirsan. It reflects badly on us all, shaming us as Soomaalis in the process.
  23. How long calaacalkaan soconaa. War tacsida waa dhamaatay ee three days waala soo mooday. Mise asaay ayaa la saartay oo afartan beri soconaa baroordiiqaan. Wiiq, waaq, wuuq, qiiq, qaaq...Ar diifka hala iska tirtiro hee see camaleeto. Haddii kale waxaan lahaa uu ku celceliye waa hore Marxuum Careys Ciise Kaarshe. Aan ku darnee, "Aaheey!"
  24. Anoo mööryaan iska noqdo ayaa la qaatay inaa gaal mabda'iisa iyo aragtadiisa dhiigeyga ku difaaci lahaa, nafteydana ugu huri lahaa. Isn't that what fighting for a gaal's nation mean? Defending their so-called liberations, invasions, subjugations and conquests of natives. Why in Eebbe's world would I fight in Afgaanistaan today, as the Canadian army is doing? Reer Afgaanistaan iyo anaga geelkeena inay isarkaan iska dhaafee, cirkeena xataa isma arko ee marka maxaa iga quseeyo. Kasii daranba gaal la safo oo u hiili, Muslina duqee oo rushee.
  25. Actually, Aaliya, you reminded that how I was tempted to check mark under "do you have a diabetes" section the last time I was at dhaqtarka indhaha, a year ago. Then niyadda iska iri, "Acuudi bilaahi, maxaa isku habaareysaa." It costed me $360 for the ookiyaal and check-up. It is not cheap, still wax once in a long while ah waaye so it is not all that bad.