Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Diyaarad sidday maamulka cusub ee gobolka Gedo oo laga soo celiyay Garbahaarey Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaarado ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliyaa, kuna sii jeeday gobolkaas laga soo celiyay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah Gedo. Diyaaradaha oo labo ahaa ayaa mid kamid ah waxa ay waday mas’uuliyiinta maamulka cusub ee uu dhowaan madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe u magacaabay gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in labada diyaaradood ay is hortaag ku sameeyeen mas’uuliyiintii horay ugu sugnaa gobolka oo kaasnahaya dadka deegaanka ee weli diidan Jubbaland. Labada diyaaradood ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku soo laabteen gudaha magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka baxeen, maadaama dib loo soo celiyay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshaha mas’uuliyiintan lagu geynayay Gedo ay qayb ka aheyd dowladda federaalka, balse haatan lagu guul darreystay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya labada dhinac oo ku aadan is hortaagga lagu sameeyay mas’uuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Gedo. Dhowaan ayaa Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay Gedo, taas oo uga sii dartay xiisaddi horay uga taagneyd gobolkaasi. Guddoomiyaha gobolka ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Si kastaba, arrinta gobolka Gedo ayaa u muuqato mid kasii dareysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama ay haatan xiisadda sii xoogeysatay.
  2. Xildhibaano ka soo jeeda KG oo war culus ka soo saaray dagaalkii Baraawe Xildhibaanada iyo senatorrada ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay xiisadda ka taagan magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaas. Baraawe, waxaa ka taagan xiisad culus oo qaraxday gelinkii dambe ee shalay, kadib markii ay gudaha magaalada ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan militeriga Soomaaliya iyo daraawiishta Koonfur Galbeed. Xildhibaanada laga soo doorto deegaanada K/Galbeed ayaa eedeyn culus u jeediyey ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala magaaladaas, iyagoo sheegay in 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay shacabka reer Baraawe dhibane u yihiin ciidankaas militeriga ah. “Weerarkii shalay ay madaxtooyada K/Galbeed ku qaadeen ciidanka SNA, waxaa masuuliyadiisa qaadaya taliyaha ciidankaas Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, wuxuu qalqal geliyey xasilloonida degmada Baraawe, wuxuuna caqabad ku yahay jiritaanka maamulka K/Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay xildhibaanada. Eedeynta ay xildhibaanadu u jeediyeen sarkaalkaas ayaa lagu yiri, “Cabdiraxmaan isagoo huwan shaarka dowladda wuxuu 10-kii sano ee lasoo dhaafay dhibaato ku hayey shacabka degmada Baraawe, wuxuuna sarkaalkaan ka soo hor jeedaa jiritaanka dowladnimada K/Galbeed.” Sidoo kale xildhibaanadaan waxay bayaankooda ku sheegeen in guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose lagu dhibaateeyo shacabka, maadaama saraakiisha hoggaamisa ciidanka SNA ee gobolkaas joogay ay isku heyb yihiin, sida ay sheegeen xildhibaanada K/Galbeed ku metela BFS. “Waxaan cambaareyneynaa ciidanka ATMIS ee ka howlgala degmada Baraawe, waxay garoonka diyaaradaha ee degmadaas ku wareejiyeen maleeshiyaad qabiil oo sheegta SNA,” ayuu yiri Xildhibaankii akhriyey bayaanka Xildhibaanada. Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ciidanka ATMIS ay askari dhaawac ah ku wareejiyeen ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe, kaas oo goobta lagu toogtay, sida lagu cadeeyey bayaankaan. “Dowladda federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe lasoo qaado, kadibna laga qaado tallaabo waafaqsan dunuubta ay geysteen,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka xildhibaanada. Xigasho
  3. Is Xasan Socdaal really this serious by bringing unwanted horjoogayaal and ciidamo to Garbahaareey by force? Inuu Gedo Axmed Madoobe xoog maamulkiisa ugu wareejiyo, all this because of mutual Farmaajo naceyb isla qabaan? Farmaajo was not even Reer Gedo. Xasan Socdaal also thinks hadduu Madoobe qanciyo, Deni isbiirsi kaagama aadaayo. Yaab. Soomaali heshiis ah maxee dhashay? Sool colaad ah; Garoowe isbaaro la damcay la dhigto; Baraawe dagaal ciidamo; Reer Gedo oo is-hubeynaayo. Beledweyne iskeeda isku maamuleyso, diidan maamulka Hirshabeelle.
  4. Aaden Cadde iyo aababa inay la shaqeeyaan dowladii Kacaanka ayuu rabay Jaalle Siyaad markuu soo daaye, like Cigaal and others did. Both refused. Kacaanka nationalized dhulalka uu aabo lahaa - beer Afgooye banaankeeda ku taalay, dhul suuqa Baydhabo ku yaalay iyo boosas ku yaalay meeshii Hoteel Taleex laga dhigay ee degmada Hodan. 12/06/2012 ayuu Nayroobi ku geeriyooday aabo, 15/06/2012 Xamar lagu aasay. Eebbe ha u wada raxmado dhamaantooda
  5. Why bother Marka aan dekad dhisan lahayn markee si sahlan ku qaadan karaan Berbera u dhow oo dhisan? No, Reer Isbaariste ayaa mar walba ku xanto Reer Koonfur Galbeed Xabashadee macruuf u yihiin, as though iyaga shisheeyaha Imaaraadka wato aanan isarag. Ahlusunnada iyaga ahaayeen Xabashi dhistay. Tan iyo sagaashameyadii beentaas wadeen oo RRA markee soo jabisay 1999 lahaa Xabashi na soo jabisay. Reer Isbaariste will never admit defeat. Xataa maanta haddii Baraawe laga saaro, AMISOM Xabashi ah nala dagaalantay dhihi doonaan, though Amisomka joogo meesha waa Ugaandhees.
  6. About degmooyinka iyo sida loo kala deganyahay. Waa gobolka ugu degmo badan Soomaaliya, waana: Afgooye (Reer Afmaay ayaa dhanka waqooyiga wabiga xigo dego) Awdheegle (Waa Reer Afmaay) Wanlaweyn/Daafeed (Waa Reer Afmaay iyo reerka geelka jecel oo banaankeeda dego) Qoryooleey (Reer Afmaay) Marka (Reer Maxaatiriga biyaha magacooda yahay iyo Reer Marko) Baraawe (Reer Afmaay iyo Reer Baraawe) Kunturwaareey (Reer Afmaay, reerka dego Baraawe intana dego) Janaale (Afmaay iyo Afmaxaa) Sablaale (Afmaay iyo Afmaxaa)
  7. There is no root cause. Ciidamo beeleed tan iyo waagii Indhacadde iyo Dhuxuloow - the Reer Guriceel warlord that ruled Baraawe from late 1990s to 2006 - ayaa maanta shaati ciidamado dowladeed wato, Baraawena ka quusan. They were triggered by Laftagareen ciidamo aad u badan keenay Baraawe oo garoonka iyo madaxtooyada iyo xarunta dowladda hoose ilaalinaaye. The ciidamo-beeleed-cum-dowladeed daan daansi ayee wadeen until la isku dhacay, ka bilaabatay la yiri Afmaay iyo Afmaxaa lagu hadlaayo. Sarkaal hoggaaminaaye ayaa habjabaad bilaabay, ciidamadii isagtaagan. Markaas damcay bistooladiisa soo baxsado. Intuu soo baxsan la toogtay, meeshana ku dhintay. Xabadii meesha ka bilaabatayna sarkaal kale isla iyagii ah ku dhintay. Dib u gurteen, xaruntooda tageen, isa soo hubeeyeen, markaas sartii madaxtooyada oo ciidamada Koonfur Galbeed dhufeys u ahaa ayee xabado kala joogsi ahayn ku wadeen. Ciidamadaan beeleedka waa hal reer jufe hoose kaliya waaye, jufada Mahad Kawaanle, intaas oo sano agagaarka Baraawe joogo, isbaaro u taalo, wax ay qabtaana ma leh, magaalada ma ilaalinaayan oo AMISOM ayaa ilaalin jirtay. Meesha baad iyo gardarro u joogaan, kamana amar qaataan Jen. Odowaa. They think they are now empowered because dowladda Xasan Socdaal iyagaa dilaal ka ah oo wato.
  8. Degmooyin badan Koonfur Galbeed ka mid ah ciidamada deegaanka la geeyey oo dagaal qorsheysan ayaa la rabaa la qaado bisha toddobaad from sadex jiho - Baraawe, Xuddur iyo Diinsoor/Qansaxdheere. Officials in higher positions in federal government ayaa rabin inay taas dhacdo, marka waa in la mashquuliyaa ama cilad kale lagu furaa ciidamada deegaanka ku sugan Baraawe. I don't think it will work. It is also the last hope of the vanquished Reer Isbaariste wearing national army dresses, but a true militia in essence. They thought it was business as usual by trying to bully the local officials. However, Laftagareen brought thousands of his own ciidamo Daraawiish la dhaho to Baraawe in the recent months. RRA cusub ayee baran doonaan.
  9. Every other sentence written by this secessionist must contain qabiil iyo magacyadadooda. I can just picture him sitting his usual marfish in Yurub, daanka jaad ugu buuxo, ku haayo reer hebel iyo reer hebel in heated muran with his fellow marqaaniste. Then come here and more daacasho about qabyaalad. It must be exhausting.
  10. Safarada Xasan Socdaal ee dalxiiska ah: Imaaraadka - 10/06/2022 Turkiga - 03/07/2022 Eritareeya - 10/07/2022 Kiinya - 15/07/2022 Jabuuti - 16/07/2022 Masar - 24/07/2022 Ugaandha - 08/08/2022 Tansaaniya - 15/08/2022 Kiinya (2nd time) - 12/09/2022 Mareykanka - 15/09/2022 Ingiriiska - 18/09/2022 (rushed back from Mareykanka for the islaantii aaskeeda) Mareykanka (2nd time) - 20/09/2022 (back to Mareykanka for Qaramada Midoobay sessions) Itoobiya - 28/09/2022 Ugaandha (2nd time) - 08/10/2022 Jabuuti (2nd time) - 22/10/2022 Suudaan - 01/11/2022 Aljeeriya - 02/11/2022 Masar (2nd time) - 06/11/2022 Eritareeya (2nd time) - 10/11/2022 Jabuuti (3rd time) - 08/12/2022 Sacuudiga - 09/12/2022 Mareykanka (3rd time) - 12/12/2022 Talyaaniga - 08/02/2023 Imaaraadka (2nd time) - 22/02/2023 Qadar - 04/03/2023 Eritareeya (3rd time) - 13/03/2023 Jabuuti (4th time) - 15/03/2023 Ugaandha (3rd time) - 18/03/2023 Itoobiya (2nd time) - 14/04/2023 Ugaandha (4th time) - 27/04/2023 Qadar (3rd time) - 17/05/2023 Sacuudiga (2nd time) - 18/05/2023 Imaaraadka (3rd known time) - 21/05/2023 Turkiga (2nd time) - 02/06/2023 Jabuuti (5th time) - 11/06/2023 ______________ Updated. Leading geedi socod country bolded.
  11. Jabuuti iyo mar kale. Waa markii shanaad la booqdo Jabuuti.
  12. You reminded me an interview my old man laga qaaday back in 2000. He was asked about Siyaad Barre. He said markuu Siyaad xabsi guriga ka sii daaye in around '73 ayuu saraakiil u soo diray madaxtooyada geeyey. Markaas Siyaad aabo Xamar ku soo wareejiyey, asagoo faan ka ah iyo waxqabadka dowladii Kacaanka tustusaayo. Talo ayuu weydiiyey. My old man said hal talo aan ku siiyo. Dugsiyada iskoolaadka diinta laguma dhigtee ee maado diinta ku dar manhajka. Siyaad Barre iima jawaabin yiri laakiin soon after maadada Carabi iyo Diin ayaa lagu daray manhajkii dalka.
  13. Ha iska riyoodo sida awoowayaashiisa u riyoon jireen. Mid Shabeellaha Dhexe laga celiyey, mid Luuq laga celiyey iyo mid Shabeellaha Hoose laga celiyey. Kuligooda bad raadis ahaayeen. Laakiin Soomaalida maanta joogto ma'aha kuwii qarnigii 17aad iyo 18naad noolaa. Kuwa u sahli karo naga buuxo.
  14. Have you noticed he stopped writing 'laandheere, laandheere' after I posted that Reer Xamar lady story from berisamaadkii. Now si kale u badashay faankiisa jacburka ahaa.
  15. Waa qaraxii ismiidaamin u horeeyey Soomaaliya laga fuliyo. Hadda ayaa la soo bandhigay qofkii ka dambeeye:
  16. Fahad waa qoraalyaqaan. I used to read qoraaladiisa two decades ago on Somalitalk.
  17. Godkaas ay dhufeysyada ka sameysteen Reer Goosashadoon waa in hoostiisa laga qodaa oo loogu galaa. Thinking outside the god. Ama gabi ahaanba go'doon la galiyaa, hal noole galin, ka soo bixin.
  18. They are staying in very secure Decale Airport Hotel, which is right in front of garoonka Aaden Cadde's arrivals gate. Laakiin transportation is another whole issue.