-
Content Count
17,639 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Munaasabad lagu Xusayay Sanadguuradii 67aad ee SYL oo lagu qabtay Magaalada Söderhamn ee Dalka Sweden Axad, May 16, 2010(HOL): Sunday, May 16, 2010Munaasabaday soo qabanqaabisay Jaaliyadaha Gobalka Gävleborg ee Soomaaliyeed laguna maamuusayay sannadguuradii 67-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed SYL ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Söderhamn ee wadanka Sweden Xuska oo aay soo qaban qaabisay Jaaliyadda Gobalka Gävle Gaar ahaan haweenka Söderhamn iyo Kuwa Gävle ayaa waxaa ka soo qebgalay dadweyne aad u fara badan oo ka kala socday Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo weliba Mas’uuliyiin ka socotay Dowlda Gobalka. Furitaanka Munaasabadda kadib waxaa Qudbad dheer ka so jeedisay Marwa Faadumo Cabdulaahi Cabdi oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada haweenka ee Söderhamn. marwa Faaduma waxeey aad ogu dheeraatay Taariikhda Ururkii dhalinyarada SYL iyo guushii aay ka soo hoyeen halgankii xornimo-doonka. Faadumo Cabdulaahi Cabdi sido kale waxay aad ugu dheeratay Isku duubnida iyo wanaaga aay laheyd Soomaalidii hore iyo mida maanta joogto waa sida ay hadalka u dhigtaye. dhanka kale waxay gubaabin u soo jeedisay dhamaan dhalinyarada joogta dalka iyo dibadba waxayna tiri waxaan idin kula dardaarmayaa dhalinyaroy inaad gacmaha is qabsataan meel walba oo aad joogtaan kuna dayayaan sidii Uruurkii gobanimo-doonka ahaa ee SYL. Sido kale waxaa munaasabada Hadal Wanaagsan ka soo jediyaay Xubin Sare ee ka socday Ururka Wadaniga Soomaaliyed Mudane Cabdulaahi Yalaxow Maalin kana mid ah Odayaasha deegaanka Söderhamn waxuuna sheegay in ay muhiim tahay in la xasuusto Xornimadii Soomaaliya iyo dhibkii loo soo maray. waxuu sheegay Cabdulaahi in maanta aysan jirin Dhalinyaro la mid ah kuwii SYL oo kale hase ahatee waa suura gal ayuu yiri in la helo dad u taagan Badbaadintii Umada Soomaaliyeed. Cabdulaahi waxuu aad ugu dheeraaday dadka neceb wanaaga Soomaalida oo ku tilmaamay Cidkasta oo caqabad ku ah Nabadda Soomaaliya. Sido kale waxaa munaasada ka soo qeyb galay Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi ahne Abwaan si weeyn looga yaqaano dhamaan Gayiga Soomaaliya Abwaan Mustafe Sheikh Cilmi ayaa isagane halkaasi ka sameyaay Ruwaayad ka Turjumeysa Doorka ay dhalinyarada ku leeyihiin Nabadda iyo Xasiloonida wadan walba. Dhanka kale waxaa munaasabadda ka hadlay Mudane ka socday Xisbiga ABF waxuuna hadalkiisa ku bilaabay sida tan “dhamaan ka soo qeyb galayaasha Munaasada waan u mahad celinayaa dhamaan ka soo qeyb galayaasha munaasabada waxaan u mahad celinayaa Maamulka iyo jaaliyadaha sameyaay kulankan, anigana waxaan aad ugu faraxsanahay dhalinyaro Xasuusan Gobanimadoodii iyo sidii ay xoriyadda ku qaateen ama xusaya sanad walba annaga haddii aanu nahay Xisbiga ABF dadka Soomaalida ee degan dhamaan Sweden aad baan u jecelnahay waana soo dhaweyna markastana waxaan Cod badan ka helnaa Soomaalida wadanka ee heysata dhalashada Sweden”. Gabagabadii Gudoomiyaha Jaaliyada Gävle Mudane Saciid Maxamed ayaa isagane hadal qiimo u leh dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ka soo jediayaay Xaflada Saciid waxuu yiri “anaga haddii aan nahay Soomaali innaga ayaa duminay dalkeena sow haddana ma dhisan karno, jawaabtu waa haa.” Siciid wuxuu caddeeyay in loo baahan yahay in la helo dhalinyaro la mid ah SYL, kuwaasi oo xor ka ah qabiil, jahli, isla markaana u istaaga qadiyaddii Soomaaliweyn. Raadraac
-
Munaasabado lagu xusayo Sannadguuradii Aasaaska Ururka Dhallinyarada SYL oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho Sabti, May 15, 2010 (HOL) − Xaflad ay soo qabanqaabiyeen Ururka SYL II iyo Dowladda Soomaaliya laguna maamuusayay sannadguuradii 67-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii dhallinhyarada Soomaaliyeed SYL ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Dhismaha Ururka SYL ayaa lagu soo bandhgay Sawirrada 13-kii dhallinyaro ee aasaasay SYL oo ahaa halgamayaashii xornimada dalka, waxaana halkaas la dhigay Ubax lagu maamuusayay. Guddoomiyaha SYL II Faarax Xaaji Cali oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta ay xusaan 67-sano kaddib aasaaskii SYL, isagoo sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku dhisayaan Dhallinyaro la mid ah 13-kii SYL. "Ururka SYL II iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxay wadaan qorshayaal ay dib boorka uga jafayaan Ururka SYL, si dhexda ugu xirtaan badbaada dalka oo 19-sano kusoo jiray dagaallo iyo fowdo" ayuu yiri Faarax Xaaji Cali. Boorarka lagu soo bandhigay Xafladda ayaa waxaa ku xardhanaayeen SYL II iyo erayo kale oo lagu muujinayo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay weli u heelan yihiin sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen dhibaatooyinka daba-dheeraaday ee dalka ka jira. Wasiiradda Horumarinta Reer Miyiga Qadiijo Maxamed Diiriye oo iyaduna hadal ka jeedisay xafladda ayaa waxay sheegtay in loo baahan yahay in lagu daydo 13-kii dhallinyaro ee SYL oo dadaal u galay inay dalkooda ka xoreeyaan gumeysigii xilligaas xoogga ku haystay. "Dadka intii waa ka badan yahay, dhallinyaraduna intii waa ka badan yihiin, waa in la helo dad la mid ah 13-kii wiil ee SYL aasaasay" ayay tiri wasiirradda oo xustay in dalka uu u baahan yahay in dadkiisu ay dhibka ka saaraan. Guddooomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/risaaq Maxamed Nuur (Nuunne) oo isaguna hadal ka jeediyay xaflad lagu maamuusayay SYL oo ka dhacday xarunga Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhallinyaradii SYL ay ahaayeen geesiyaal Taariikh uga tagay dadkooda iyo dalkooda. "Dheere Xaaji Dheere oo ka mid ahaa dhallinyaradii SYL ayaa ii sheegay maalin inay hadafkooda ku meel-mariyeen ismaqal iyo istixgelin, iyadoo aanay jirin qabiil" ayuu yiri Eng. C/risaaq Nuunne, oo dhallinyarada maanta ka dalbaday inay dalkooda ugu shaqeeyaan sidii dhallinyaradii SYL. Ruwaayado ka tarjumayay in dalka uu u baahan yahay dhallinyaradii SYL ee dhexda u xirtay inay ka jibbo-keenaan hadafkooda ayaa lagu soo bandhigay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir. Xigasho
-
So, sheekada waxee kusoo dhoob dhoobantahay miyaa gumeysidoonkii Ingiriiska ahaa ayaa kan Talyaaniga ka fiicnaa? Maxaa la iska hadlaa. Horta taariiqda soo aqri, markaas waxaan camal lasoo shir tag. Dhacdadii Dhagaxtuur iyo halganimadii Xaawo Taako ka biloow taariiqda aqriskeeda iyo sida SYL ugu soo horjeedeen guud ahaanba gumeysidoonka, siiba Talyaaniga. Haddaa Ingiriis moodayna in uu dhaamo Talyaani NFD xoog ugu daray Kenya, ilaa haddana xoog ku heystaan. Xataa aftiga Soomaalida dega dhulkaas laga qaaday ma xishmeen, whose vast majority did choose to reunite with their brethren in Soomaali Republic.
-
Somalia's Powerful Hizbul Islam Insurgent Group Splits
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kamaavi's topic in Politics
Maya, duqa, Koronto kusoo noqday. Nayroobi was a blast. I had had a wonderful, great time on there. I already can't wait to go back. P.S. - Axmed Madoobahaan mar walba meeshaas loogu qaaraami jiray. Qabiil waa cajiib. -
You thought sheekadaan camal inay dhab tahay? Ar Aaliya ee ku dhahayn. Waa iska sheeko huuwaaya huuwaa.
-
Shan iyo tobanka May or Fiftiin May maxaa maqli jiray. Aad baa ugu xumahay halgankii, dadaalkii ay kasbadeen oo ay dhal ku dhiseen dhalintaan halyeeyda ah in meel xun lagu burburiyo. Rabi ha idmo dhalin kale iyaga camal inay noo soo baxaan.
-
Ethiopia Battle Trucks Enter Buhoodle Cayn
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Cowke's topic in Politics
Xabashada waa kaabaha meesha. Markuu soo galo lagama hadlo. Had it been Soomaalida dhexdooda huuhaada cirka isku shareeri lahayd. Sad. -
by Falis of Waayaha Cusub.
-
doing a karaoke with his xarfaantiisa Qalanjo.
-
Somalia's Powerful Hizbul Islam Insurgent Group Splits
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kamaavi's topic in Politics
Mahadsanid, widaay. -
Badhan: Darawish Troopers Arrest Somaliland Infilitrators
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Cowke's topic in Politics
Originally posted by Xaji_Xunjuf: Koonfurian accent mar walba waxaad tirahdin wa gabar, marka la idin yidha na badiya wa gabdho bay ku odhanayan maad tirahdiid wa gabaro markaasna , afsomaliga so barta So, Mr. Afsoomaali expert, why is it Hargeya and not Hadhgeysa since some Waqooyi folks pronounce har itself as 'hadh'? How come it is 'hadh' markee hal erey tahay? Even that website hadhwanaag goes with the flow. Shouldn't it be harwanaag since Hargeysa has the 'r' instead of 'dh.' Or Hargeysa should have been Hadhgeysa, sax? Don't even attempt, in futility, to suggest they are different words with different meanings and spellings. And since you used the word 'tiraahdiin,' I won't poke the obvious hole in it. Why is it 'yidhi,' but at the same time 'tiri' to you? Shouldn't it be 'tidhi' (or 'tidhaahdiin') as well, no? But as I said I won't go into this. Now, who needs in uu Afsoomaali soo barto? Hmm... -
Hees Cusub Digniin Saado Cali warsame
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Aaliyyah's topic in Politics
Yaa loo digooyaa taloow? And I see Cagamadhige -- who calls himself 'Cagta Xaaji' on Universaltv these days -- soo dhaweynaayo. Inay salaanta fiicneyd, since he acts like a true 'wadaad' these days on that tv kanaal. -
Somalia's Powerful Hizbul Islam Insurgent Group Splits
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Kamaavi's topic in Politics
Aawey Maadeey, kooxda saxsan ama u janjeeri doono ha noo sheegee. Waa hore kala jabeen kuwaan Ururka Islaamka la baxay oo haddana si sax u kala baxeen. Koox jagadoonimo u halgameyso Soomaaliyeed aan wali kala jabin ma jirto. Mar dhow ka fiirso kuwaas Barbaarta la baxay oo sadex u kala baxay. -
Freed Somali pirates 'died' or MURDERED?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Complicated's topic in General
Ruush in uu axsaan lahayn waala ogaayee, laakiin kan Soomaaliga sheeganaayo, haddana danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya sii sheeganaayo igu daran suu u hadlay: "And Somalia's ambassador to Moscow, Mohammed Handule, said, " Not one Somali or the government of our country sees Russia as being guilty in this. The Russian military showed they can act effectively so that not one crew member of the captured tanker was hurt ." Ma Ruushaa, asagaaba Ruushkii waxa xasuuqay -- and I believe they did xasuuq -- sii amaanaayo and trying to care about Russian lives than Soomaalida. In uu saas u hadlo hungurinimo u geyneyso. Yaab badnaa. Haddee cabsi ka tahayna hab diblomaasi loo hadlaa, which he should have known since danjirenimo sheeganaayo. -
Brown out - Cameron takes over as Britain's PM
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to A_Khadar's topic in Politics
The Conservative billboard political campaign signs I had seen him on London and Leicester, Soomaali badan ayuu marfishka kasoo bixin doonaa. I think he even promised to ban jaad if he comes to power. Hayeey, Reer Marfish. -
Cat refuses to let dead girlfriend go
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Sherban Shabeel's topic in General
It rather seemed like it was drugged and passed out than a dead creature. -
Originally posted by Malika: MMA, you seems fascinated by kids huh? Dressing kids in grown up clothes,in grown up context is just a tad bit sicking!..To me this is sexualisation of children. I dont see no cuteness,in a sexualised poses with kids on them.. These sort of images,is what pediaphiles gets off.. wax kasta cute leh iska daaha! Wth..uff! Intee ila aaday? The very vague thought of what you suggested did not even occur to me. Acuudka. I think you are wholly coming from a twisted angle, the way Reer Galbeedka u fikiraan. Dadkaas lagu yaqaanaa wax walba sexualized ka dhigo. Maxaa sexualized keenay meesha iyo pedophilenimo? Bisinka. Teeda kale ciyaalkeena hore dhaqan waxee u lahaayeen inay gishtaan dharkaan aad hadda leedahay "grown up clothes." Guntiino yar yar gabdhaheena loo gilin jiray waligood, not surwaalo, finaanado iyo cambuuro, which you assume are children's clothes. I am posting those because I like the idea of instilling our culture in our children, which they proudly displayed. That was all.
-
-
Gordon Brown per se kama wado ama ulama jeedo Amiin Caamir. He is alluding about guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, kuwa xildhibaanada isqabqabsi ku dhameystay the last few months about guddoomiyaha baarlamaanka xiligiisa waa dhacay iyo ma dhicin iyagoo waliba meesha waxba ku heynin.
-
Albert Einsteinba waa Nabi - says Odey Soomaali ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to nuune's topic in General
Another jacbur sheeko sheeko from renown Nuunka. Muxuu Eebbe ani ila hadli waaye uu yiri. Maxaa u weydiin weysay maxaa dadka ugu duwantahay oo si isbishaala ah oo qaas ah laguula hadlaa? Asagoo lixdiisa lixaad qabo ayuu saas u hadlaa, ka waran haddee hal kamid ah lixdaas lixaad ka maqnaan lahayd. Kasoo qaad hadduu indhoole ahaan lahaa, what would his complaints be about? Badanaa haddaa u fiirsatid dadka diinta ka baxay ama u dhow inay ka baxaan si ayee u qalafsanyihiin, una reer baadiyeysanyihiin. Badownimo iyaga ku dhamaataa.