-
Content Count
17,680 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
325
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Toronto, Kanada Shir lagu xusayay sanad guuradii 50aad ee qaranimada Soomaaliya oo ka dhacay Toronto Waxaa magaalada Toronto ka dhacay shir ay soo qaban qaabiyeen ururka Somali Canadian Diaspora Alliance kaa soo lagu xusayay sanad guuradii 50 aad ee xorriyaddii Somalia. Shirkaan oo si heersare ah loo soo agaasimay waxaa ka qayb qaatay aqoonyahanno joogay shirkaas iyo kuwa uga qayb qaatay khadka telefoonka ayagoo kala joogo adduunyada dacaladeeda. Shirka waxaa looga doodayay waxa keenay burburka qaranimadii Somalia iyo sidii dib loogu soo celin lahaa , sidoo kale waxaa ayadana laga dooday sidii loo soo celin la wadaniyaddii Somalia. Dadka shirka joogay oo qaarkood hadalku ku xirmayay maka ay qiiroodaan ayaa waxay soo jeedinayeen in dadkeena qurba joogta ah aanan daawan dhibka umadda heesta ee aan wax ka qabanno dhibaatooyinka ka taagan xagga cafimaadka, waxbarashada, iyo dhismaha waddooyinka, waxay kaloo qireen in dadka dibadaha ka tagay ee hadda dawladda la shaqeeyo in ay yihiin badankood kuwo naftooda iyo tii ilmahooda daryeelan kari waayay oo ay adagtahay in ay umad somaliyeed badbaadiyaan. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Istanbuul, Turkiya Soomaalida Turkey oo Siweyn u Xusay Munaasabada 1da Luulyo Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Turkey ayaa xalay isku soo doba riday xaflad loogu damaashadayay 50 guuradii kasoo wareegatay maalinta madax banaanida uu helay dalka Soomaaliya oo ku beegan maanta oo kale 1da luulyo 1960. Xafladaasi oo ka dhacday magaalada İstanbul ee dalka Turkey ayaa waxaa kasoo qeyb galay dad aad u fara badan oo isugu jira Arday Soomaaliyeed, xubno ka tirsan jaaliyada Soomaalida ee Turkey, Dhakhaatir Turkey u dhashay oo jaamacadaha wax ka dhiga iyo masuuliyiin ka soctay dowlada Turkey. Waxaa furitaanki xafdalada hadal gaaban kasoo jeediyay oo dadka kusoo dhaweeyay gudoomiyaha ururka ardayda Turkey Xuseen Cusman Sheekh. Quruxda goobta xafladu ay ka dhacaysay ka sokow, wajiyada dadkii Soomaalida ahaa ee kasoo qeyb galay ayaa siweyn looga aqrisankaray sida ay u faraxsanaayeen oo ay ugu hilowsan yihiin dalkooda hooyo, waaxa in badan la xusay oo laga sheekeeyay taakhiirdi halgamayaasha soomaalida iyo dhaq dhaqaaqyadi goobanima doonka ee soo bilowday labaatameyadi qarnigii tagay. kaalintii fanaaniinti ayaa iyaguna halkaas laga xusay waxaana laso bandhigay heesihii iyo gabayadii guubaabada ahaa ee xiligaasi la qaaday. Waxaa hadal gaaban ka jeedayay xaflada xubno ka socday jaalida iyagoo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada maanta, waxayna alle kaga baryeen sanadka danbe in ilaahay dalka dhibaatada ka saaro. Dhanka kale masuuliyiinti ka socoday dowlada Turkey ayaa muujiyaay farxadooda iyo sida ay u garab istaagan yihiin ardayda iyo shacabka Soomaaliyeed waxayna soo jeediyeen talooyın iyo waano ay kula dardarmeen ardayda iyo shacabka soomaaliyeed. Munaasabada 1da luulyo darteed ayaa wakiilka sharikada xawaalada Qaran Express C/mudalib xaashi Nuure ayaa waxaa uu bulshada ku dhaqan Turkey u ballan qaaday in mudo sedax cesho ah ay qiima dhimis u samayn doonaan dadka donaya inay lacago dirsadaan. Gunaanadkii xaflada oo ku beegnaa 12:00 habeenimo ee Saacada İstanbul ayaa mar qura la wada istaagay oo laga shaqeysiiyay muusika Aastaanta u ah Calanka Soomaaliya, waxaana sara loo qaaday oo dadkoo dhammi ay wada eegeen Calanka jamhuuriyadda Soomaaliya ee Buluuga ah, is marxabayn ayay goobti isku badashay dadku si koox koox ah ayay u istaageen iyagoo ku duceysanayay oo alle ka baryay nabad iyo sanadkan kiise kale dalka oo nabad iyo barwaaqo ah. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Happy Kowda Luulyo again. Soomaaliya ha noolaato, ha jirto, ha waarto. Eebboow dalkeena oo nabad ah na tusi -- aamiin. Celebrations around the world. Nayroobi, Kenya: Munaasabado lagu xusayo 1da Luulyo oo xalay ka dhacay Magalada Nayroobi, dalka Kenya Munaasabadan oo aheyd mid aysan ukala harin somalida Nairobi ku nool laguna xusayay 50guuradii kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobollada koofureed ee dalka iyo midowgii 2da gobol ayaa waxa lagu qabtay city hol magaalada Nairobi. Goobta munaasabada lagu qabanayay oo si aad ah lgu xardhay astaanta calanka Somalia ayaa waxa ay dareen wadaninimo ah galisay kumanaan muwaadiniin Somali ah kuwaasi oo qaarkood ilmeeyay markii ay arkeen. Munaasabada ayaa waxaa si heersana ah usoo agaasimay dhalinta waayaha cusub iyo safarada Somali Kenya iyadoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka mid ah dowlada Soomaaliya sida wasiirka arrimaha dibadda Cali Axmed Jaamac Jingili, wasiirka caddaalada iyo garsoorka C/raxmaan Maxamuud Faarax Janaqoow, wasiirkii hore ee Beeraha Mustaf Dhuxulow, afhayeenka ciidamada booliska G/sare C/laahi Xasan Bariise, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur Taliyii hore ee x/dalka Yuusuf xusen dhuumaal Madax ajnabi ah oo ka socotay safaradaha Kenya iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin xildhibaan Mowliid Macaane iyo Ibraahin ***** Yarow. Ka soo qeyb galayaasha xafladda ayaa waxaa ka muuqdaywajyadoda xamaasad aad u sareys iyaga oo intooda badan ku labisnaa calanka bulugga ah ee xidigta 5geesoodka ay dhexda uga taallo qaarkdka jirka ku dhagsaday. Fanaanniin ka kala yimid dunida dacalladeeda ayaa munaasabada waxa ay ku s bandhigeen heeso iyo suugaan waddani ah taas oo kicisay qiirada ka soo qeyb galayaasha iyo masuuliyiintii gob joga ahaa. Safiirka safaarada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya maxamed Cali Nuur Ameeriko qeybka ahaa qabanqaabada xaflada ayaa hadal ka jeediyay madasha, isaga oo kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in ay nabadda taageeraan si uu dalku uga baxo dhibaatooyinka ku habsaday. Ex. Godoomiyihii hore ee gobolka banadir ahna la taliyaha madaxweyna dhinaca arimaha bulshada, Agaasimaha guud w/gaadiis dhirka iyo dhulka Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo hadal qiir leh ka jeediyay munaasabada ayaa yiri “waxaan umada somaliyeed u rajeynayaa sanadkan kiisa kale in ay ka bixi doonaan dhibka ay ku jiraan Allana waxaan kabaryaan in uu noo nabadeeyo dalkena ”. Taliyii hore ee x/dalka Yuusuf xusen dhuumaal oo iska hadalka qaatay ayaa waxa uu ku dheeraaday calanka iyo kooxo uu ku sheegay in ay ku badalayaan mid madow oo aan lagaraneyn halka uu ka yimid. Madaxdii dhinaca safarada ajnabiga ayaa iyaguna hadalo habalyo ku aadan ka jeediyay goobta iyagoo calanka somaliya luxay. Marka ay saacada dul istaagtay 12:00Am habeenimo ayaa waxaa la saaray calanka buluga ah ee xidigta 5geesood dhexda kaga taalo ahna astaanka somalida ay ku faanto, iyadoo loo wada sarakacay saarista calanka heesta calanka ayaana marqura circa lagu shareeray. Magaalada Nairobi oo dhan ayaa si aad ah looga dareemayay maalintan qiimaha badan iyadoo ay si caadi ah gawaarida dadweynaha ugu shaqeynayeen dadka somaliyeed ee calankooda u damaashaadayay. Xigasho -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
Look at this wannabe Pashtun. Waa yaab. Sababta ee Pashtunta u gishtaan koofiyadaas ma ogyahay horta mise wax diimeed uu mooday. Yaa u sheego inay tahay koofiyad qaboowga iskaga celiyaan. Last time I knew Soomaaliya winter kuma ogeyn. -
The United States Should Recognize Somaliland Now
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Originally posted by Abwaan: quote:Originally posted by Oodweyne: ^^^And, you sir, just in case it has slipped your mind in here have been eating the scrap yard of a destroyed city call Mogadishu as well as being the merchant of a misery and political squalor, which in turn seemed to know no human's dimension to define the scale of it's destitution, indeed. At least for the last 19 years or so, dear lad ... :rolleyes: So, now that being the case, then, sadly, all one can ask of you is to say do pray tell us, dear lad , as to what "imaginary honour" fitting for the occasion should we know bestow on you? Particularly for your "effort" in at last joining the "league of political barbarity" and the "Hobbesian's dark jungle" of the history books, indeed... After all, by the looks of it one can say that you seemed to have spare no effort - ingenious or otherwise - for almost "two decades" of a particular toil of misery on your part in-order to regressed backward, politically, into that so low of a human's socio-political station, indeed... :eek: Regards, Oodweyne. lol...Tolow kan goormuu khudbada nuurnuurisku ka buuxo iska deynayaa? at 'nuurnuuriska.' Waxaaba igu daran as though inaa Xamar ka xigtid asaga. Dad ayuuba Xamar ku caaynayaa, his own capital city as much as he denies. Yaab ahaa. -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
If that is the case then diintee wataan mahooda ha iga joogto. Meeshooda ku mahadsanyihiin. -
Somali Independency Day Celebrated in Minneapolis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to money's topic in General
Kilyo kulahaa. NNC, Eebbe hana wada cafiyo -- aamiin. -
Somali Independency Day Celebrated in Minneapolis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to money's topic in General
Adiga shaatiga itself ha fiirininee, wuxuu soo saaraayo fiiri. Mise far waa weyn aa wax laguugu qoraa? War dareeraa ki eri, waaba naga keentay waxaa ka hadlaaye. -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
Originally posted by Dhagax-Tuur: Google search: "Alshabaab" + "Mamnuucay" = Natiijada inteeda badana waxay ka timi the ever so reliable Dayniiledotcom site. Mamnuuca qaar ka mid ah waa diinteenii, marka dadow don't make fun of it. Qaar mamnuuca la sheegayna waxay u badan tahay cantarabaqash. First, Dayniile hal war uu qoray kuma qorno. The news meesha ku qoran were all verified, admitted by kuwaas Barbaarta la baxay themselves. All the bans were reported from myriad Soomaali and non-Soomaali sites, too, if you just checked. Tan labaad adiga lahee 'mamnuuca qaar kamid ah waa diinteenii,' i noo sheeg waxee tahay mamnuucadaas marka. Tan sadexaad, hal mid oo been laga wariye kuwaas sheeg intaadan lasoo boodin waa kutiri kuteen. -
Somali Independency Day Celebrated in Minneapolis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to money's topic in General
Shaatiga kaliya, duqa. Ar dambigeeda naga daa. -
Somali Independency Day Celebrated in Minneapolis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to money's topic in General
Originally posted by money: Nice shaati. She is kiyuut, too. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
It is 50 years since xoriyada. Unbelievable. Rabi dalkeena nabad ah iyo dadkeenaba oo nabad ku wada nool ha ina tuso sanadkaan sanadkiisa -- aamiin, aamiin. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ninth anniversary and eight years of celebrating Kowda Luulyo on SOL. -
Somali Independency Day Celebrated in Minneapolis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to money's topic in General
NNC, sawirkeyga last time soo giliye on here, anoo waliba calanka baluuggan luxaayo. Maku tusiyaa. Oh, here they are. [scroll down.] Unlike Reer Miniyaabolis, Reer Koronto wey dhalaalayaan saa ka aragtid boggaas. No offense to Reer Minnesota yaah. -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
The latest la mamnuucay waa Kowda Luulyo. It just happened today in Afgooye. -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
Wali... -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
More. -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
War lee maala heynaa. Qaarkood waa kuwaan. Enjoy. -
Somali Independency Day Celebrated in Minneapolis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to money's topic in General
Nice to see Hibo Nuura. Waligeed ayee sharaf lahayd, walina leedahay. Happy 26th iyo Kowda Luulyo. Well done Reer Miniyaabolis. Here, of course it is more easier for us Reer Kanada. It coincides with Canada Day holiday, marka I will post that day's picnic on Thursday, hadduu Eebbe idmo. -
Originally posted by NNC: quote:Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Sulfa [ Iimaan Allaa uur buuxiyee... ] Iimaan Allaa Uur buuxiyee Iimaan Allaa Uur buuxiyee Wa inaan adkeystaayee Dadka doorsadaa Iska aamusaa Itaal mahaayee Waa aamin beelee Uurka aan ka ooyaa Ummaddii rasuulka aan nahayee Illaahoow amarkeyga ii yeel Yaa salaam, yaa salaam! :cool: Ya salaam indeed! I used to hear this song all the time when I was a kid. In fact, I know the lyrics by heart, not all but most of it. Sulfa was cajiib. Qof loo gali karay ma'aha. I had never seen qof Sulfa's songs jecleen. It is universal, his songs are loved. They are simble songs too and very digestible. Even some who became wadaado now, if they accidentally hear his songs si kadis ah, wey qiiroodaan, taking them back waayo waayo and remembering how it used to be. Tonight's song of Sulfa, hoobaa hilowloow, hoobaa hilowloow... [it starts in 3:00 minute. Or here Sheegoow Band in early '90s in Toronto.] Hoobaa hilowloow Hoobaa hilowloow Bogga iyo beerka i duleelaa...
