Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    310

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Waa sal dhexe xilliga Soomaaliya hadda, xabadiina dib ayee u bilaabeen oo dhawaaqa rasaasta laga maqlaayaa. Dadkii ayee jiifka u diidanyihiin. Sad.
  2. Qurac, xaalad dagaal or not, sharcigaan xeer badalka ah inuu dhaqangalaayo ma moodi. Deni madax adeygnimadii lagu yaqaanay ha yareeyo. Dagaalka hadduu istaago xataa, Garoowe goob colaadeed laga aaminaa, hay'adihii iyo shaqaalahooda ka bixi doono (and they are many). Dhaqaalo xumo dheeraad ka dhalaneyso meesha.
  3. Laakiin xildhibaanada goboleedka 65 ama 66 ma'aha miyaa? Marka meesha two thirds inay joogaan sharciga ma sheegaayo miyaa? 35 out of 65-66 ma'aha sadexdii meel labo.
  4. Maan, the secessionist's gleeful posts today waa laga jajabiyey, suu filaaye markee noqon weysay. Qof Soomaali sheeganaayo ku farxaayo Soomaali isdileyso - qabyaalad qabyaalad dhashay iga dheh.
  5. Qurac, Farmaajo iyo Xasan Socdaal maa isla barbardhigeysaa? Naga daa yaaqeey. Qabyaaladda yeynan kaa dhigin indhoole arkin waxqabadkii uu qabtay. Tayada iyo heersare gaarsiinta ciidamada iyo sirdoonka qaranka kaliya ayaa kugu filan, Xasan Socdaalna hal sano ku burburiyey labadaan hay'adood halbowle u ahaa dowladnimo. Farmaajo iyo Xasan Socdaal waa qurac iyo qansax see u kala duwanyihiin.
  6. Turkiga arrimaha Soomaaliya markee aragtay qaabdarada lagu hoggaaminaayo wey ka gaabsatay.
  7. And the one who replaced him wax qibrad ciidan ah malaha. Ciidamada ilaalo madaxdooda ahaa 2012-2016, Xasan Socdaal isku jufo yihiina.
  8. Xasan Socdaal Mareykanka u socdaa toddobaadkaan sida la leeyahay. Aragaane.
  9. Taliyaha oo xilka haaye afar sano ku dhawaad, probably tried to remove isbaaristiyaasha Baraawe weeraray. Mahad Kawaanle whispered to Xasan Socdaal's ears to remove him instead. Shalay Jayte, maanta Odawaa. Meesha waxaa ka cad la dagaalankii kuwa afka duubnaa la rabin.
  10. Jeneraal Odowaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay Dowladda Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage, ayada oo la magacaabay taliya cusub. Waxaa xilka Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, oo horey usoo noqday madaxii hab maamuuska madaxtooyada iyo ilaalada Madaxtooyada Koofiya Casta madaxtooyada muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.” “Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60aad Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.” Ma cadda sababta xilka looga qaaday Odowaa oo taliyaha ciidanka xoogga dalka soo ahaa tan iyo 2019. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda. Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin. Xil ka qaadista Odowaa ayaa imaneysa maalin kadib markii sidoo kale xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, oo isna hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Xigasho
  11. In the recent four weeks, the new ergey from Qaramada Midoobay have met: Xamar: Jowhar: Garoowe: Baydhabo: Kismaayo: Dhuusamareeb: I think she met Qoorqoor, too, but can't find any photo or video of them. Marka yaa dhiman. Can anyone guess? Of course kii qolka isku soo xiray oo qayilaayo ayaa dhiman. Will give them a week before she meets him.
  12. Che, jug jug meeshaada joog waaye Baraawe. Ciidamadii Koonfur Galbeed meeshee joogeen ayee joogaan, xarunta madaxtooyada, booliiska iyo xarunta dowladda hoose. Jen. Odowaana guddi ciidamo ayuu u diray. Isbaaristiyaasha's long-term strategy is to scare the investors who were coming to invest dekedda Baraawe, just as I said on that thread about Baraawe port. Reer Isbaariste ma jecleysan dhisida dekedaan. Their second strategy is to delay duulaankii la abaabulaaye oo kuwa afka duuban loogu saari lahaa deegaanadaas. For all the purposes and whatnot, they never disputed markii guddoomiyaha degmada Baraawe nin ka soo jeedo deegaanka loo magacaabaaye; they never disputed hal xildhibaan inaynan ka helin 77 xildhibaanno from maamul goboleedka. Yet hadda ayee la soo shirtagaayaan anagaa degno. Laftagareen wuu ku dhaartay inuu ciidamo badan keeni doono Baraawe. Waanwaanta uu ka war sugaayaa.
  13. Shush, dhiiga ha isku kicin, widaay. Xasan Socdaal meelna ma gaaraayo and he already failed terribly.
  14. "Soomaali heshiis ah." Waqooyi, bari, bartamaha iyo koonfur colaado iyo dagaalo xun ayaa ka taagan. And Sheekh Shariif openly mobilizing opposition figures into an umbrella. This all within one year of this dowlad masuqa miiran. Xasan Socdaal, what miserable failure.
  15. Feysal Dhurwaa: Waraabe oo si adag uga jawaabay hadalkii Deni – “Waa inoo Garoowe” Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga jawaabay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aysan marnaba kasoo bixi doonin Laascaanood, taasi oo ugu baaqay Deni, si ay u kala badbaadan. Waraabe oo ka jawaabaya hadalkii Deni ee ahaa “Somaliland ciidankeeda haka qaado Laascaanood,” ayaa sheegay in ciidankooda aan la qaadayn in ay sii socdaan mooyee, sid uu hadalka u dhigay. “Saciid Deni ciidamada ka qaada ayuu yidhi Laascaanood, ka qaadi maynee balanteenu waa Yoocada, hadad joogi waydana waa inoo Garoowe,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe. Deni ayuu sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in dhibaatada Laascaanood ka dhacday uu masuul ka yahay, islamarkaana madaxweynaha Puntland uu Laascaanood ka barakaciyay dadkeedii. “Laascaanood waa ka nolol fiicnayd Garoowe iyo Boosaaso, laakiin (Deni) ayaa dadkeedii barakiciyay,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Ugu dambeyntiina waxa uu dadka reer Laascaanood ugu baaqay inay nabada qaataan, isaga oo sheegay in aanay jirin faa’iido ay dadka Laascaanood ka heli karaan maamulka Puntland, oo si weyn isku hayaan xukuumadda Somaliland. Deni ayaa shalay ku goodiyay haddii ay Somaliland ka dhaga fureysato baaqaas ay si toos ah ula safan doonaan ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo ee ku sugan magaaladaasi. “Dowladda Puntland waxay si aan qarsoodi lahayn u garab-istaagi doontaa shacabka reer SSC haddii maamulka Muuse Biixi Cabdi uu ka dhega-fureysto baaqyadda Golaha Ammaanka iyo inta nabada jecel oo ah in uu ciidamadiisa kala baxo magaalada Laascaanood” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo dul qaadan karin dhibaato u sheegay in Somaliland ay ku heyso dadka reer Laadcaanood. Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana ciidamada labada ay haatan isku horfdhiyaan duleedka magaalada , gaar ahaan aagga dhaanka xerada Goojacadde. Xigasho
  16. Blatant masuqmaasuq using bogus job titles. What kind of shaqo is this? Waa yaab. Walee maxaa lacag lagu cuno la rabaa abaaraha lagu qaraabanaayo. Qof walba in kii 30/30 sidiisa oo kale noqdo rabaa.
  17. Mahdi Guuleed: Muuse Biixi wuxuu yidhi ma jirto meel Soomaali ku kala tagi karto Raysal Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa madaxweynaha Somaliland usoo jeediyay eedo ay kamid yihiin in uu aqbalay in Somaliland la midowdo Soomaaliya iyo in uu codsaday in lacagtii suuqa Waaheen akown gaar ah loogu shubo. Mahdi Guuleed oo hada ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in kadib markii uu ku guulaystay doorashadii 2017, uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in loo baahanyahay in midnimadii lasoo celiyo. "Waxa uu ku yidhi Soomaali way gumowday, waxaynu u baahanahay in aynu Soomaali daba qabano, ma jirto meel ay Soomaali ku kala tagi kartaa" ayuu yidhi Xildhibaan Mahdi Guuleed oo waraysi gaar ah siiyay MMTV. Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu yahay shakhsi maalinta ay xaaladu ku adagtahayna soo wici jiray Madaxweyne Farmaajo, oo uga sheekayn jiray Soomaali jacayl, marka ay arrimuhu iskugu toosanyihiina aan cidna aqoon. Waxa uu Biixi ku eedeeyay in kulan uu Addisababa kula yeeshay Farmaajo uu wax walba ku ogolaaday, sida in dib loo midoobo oo madaxweynaha Soomaaliya Somaliland la siiyo, isaga oo sheegay in Raysal Wasaare Abiye uu Madaxweyne Biixi u sheegay in anay jirin cid Somaliland aqoonsanaysa. Waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu sabab u ahaa dagaalka Laascaanood oo aanu siin fursad lagaga heshiiyo intii garaadada iyo siyaasiyiinta deegaankaasi ay wadahadalka ogolaayeen, isla markaana aanu rabin in uu doorasho qabto. Waxa kale oo uu ku eedeeyay Madaxweyne Biixi in uu codsaday in lacagtii dowlada Soomaaliya iyo ganacsatadu ku caawiyeen gubashadii suuqa Waaheen, loogu shubo akown shakhsi ah. Wali xukuumada Somaliland wax jawaab ah kama bixin eedaha uu xildhibaanku usoo jeediyay Madaxweyne Biixi. Xigasho