-
Content Count
17,641 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Oslo, Norway . Proud of you Reer Norway. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waa soo giliye qaarkood, saaxiib. Nayroobi see u shidantahay waa aragtay soo ma'aha. ________________ Celebrations around the world continues. Qaahira, Masar: Inta ka fiirso. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
at "mise $20 ayaa wadatay." War waaba ku sanifay, I and my pals irida kasoo noqonay when they said it was $30 for each person. Waaba yaabay. It wasn't about lacagta, it was about the principle. It was not ruwaayad, either. Waxee ahayd just xaflad la fadhiisanaayo oo qudbooyin iyo taariiqda laga sheekeynaayo. Oo ruwaayad iyo waxaasba kama sugeynin. Haddaa ruwaayad rabo tan Boqol uu qabanaayo tagi karay and it only costed $20. Dah. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Landhan, Ingiriiska: Jaaliyada UK oo caawa si weyn ugu dabbaaldegtey 1-da Lulyo 2010 magaalada London Xafiiska wakiilka Jaaliyada Dowlada Soomaaliya UK ayaa xaflada sanadguuradii 50-naad ee Calansaarka dalka Soomaaliya ku qabtey magaalada London Xaflad si weyn loo agaasimay oo lagu xusayay calansaarkii iyo maalintii xoriyada dalka Soomaaliya oo caawa taariikhdu tahay 30/06/2010 soona galaysa 1da Luulyo ayaa lagu qabtey Hall-ka Friends House oo ku yaal xaafada Euston ee magaalada London. Xafladatan waxaa soo qabanqaabiyay xafiiska wakiilka Dowlada Soomaaliya ee UK iyo muwaadiin Soomaaliyeed oo degan magaalada London qaybaheeda kale duwan, islamarkaana waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka kale socday jaaliyadaha Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka Bermingham, Bristol , Leicester, Coventry iyo Manchester iyo jaaliyada Soomaalida magaalada London degan oo si weyn uga soo qayb galay munaasabada weynaynta maalinta xoriyada iyo calansaarka dalka Soomaaliya oo maanta 50 sanno jirsadey. Munasaabadan qiimaha badan waxaa kale ka soo qaybgalay marti sharaf kale oo lagu martiqaaday xaflada kuwaasoo kale ahaa masuuliyiin ka socday Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Home Office dalka Britain, Safaaradaha Mareykanka (USA ) Yemen, Kuwait, Algeria iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya magaalada London iyo marti sharaf kale oo isugu jirey kuwa degan magaalada London iyo saxaafada. Ugu horeyntiina waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xafiiska Wakiilka Jaaliyadda Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Britain mudane C/qaadir Aden Ali ‘’ Dhuub’’ kaasoo dadka ka soo qayb galay munasaabadaan qiimaha badan ugu hambalyeey ka soo qayb galka ay ka soo qayb galeen habeenka farxada badan islamarkaana taariikhda leh ee aan caawa ugu dabaaldagayno caleemo saarkii calankeena . Mudane Dhuub ayaa aad uga mahadceliyay marti sharafka kale soo qayb galay munaasabadatan, islamarkaana ummada Soomaaliyeed Allah uga baryay inuu dhibaatada ka kor qaado haysata 20 sanadood, kadibna waxaa halkaasi ka hadlay mudane Cabdi Cumar oo faahfaahin yar ka bixiyay shaqada xafiiska jaaliyada iyo sida loogu baahan yahay in dhamaan dadka Soomaaliyeed gacan uga siin lahaayeen wajibaadka qaran ay hayaan. Safiirka dalka YEMEN ayaa halkaasi qudbad kooban ka jeediyay islamarkaana sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka shaqeeyaan sidii ay sharaftooda iyo karaamadii ay ku dhaxlahaayeen bulshada caalamka u soo ceshan lahaayeen, waxaana isagoo ku hadlaya magaca dowlada iyo shacabka dalkiisa hambalyo u direy dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan. Xaflada waxaa ka hadlay ergooyinkii ka socday magaalooyinka kale duwan ee ka soo qayb galay , odayaasha,haweenka, dhalinyarada, aqoonyahanada magaalada London, kuwasoo dhamaantood sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay caawa u dabaaldagaan xaflada caleemo saarka maalintii Soomaaliya yeelatey dal iyo cal xor oo la aqoonsan yahay. Waxaa iyana meesha ka hadlay xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowlada Soomaaliya, Xildhibaan C/qaadir Shido iyo Wasiir Hassan Macalin,kuwaasoo jaaliyada Soomaaliyeed la qaybsanaayay farxada iyo shucuurta wadaniyadeed ee ka muuqatey meesha. Fanaaniinta Soomaaliyeed qaar ka tirsan ayaa yimid goobta si ay uga qayb qaataan munaasabada 50 guuradii caleemosaarka dalka Soomaaliya, kuwasoo meesha ka muujiyay kaalintoodii wadaninimo inkastoo aad moodo fanaaniinta Soomaaliyeed inay kaalintii wadanimo badankood ay ku badasheen beeso iyo wax caloosha loo galiyo hadane weli waxaa jira kuwo weli ay ku jirto damiirkii Soomaalinimo, kuwasoo mudan in aan ku amaano waayo waajib qof kasta ka saaran inuu wadaniyadiisa ku xirin shuruud. Xaflada intii ay socotey ayaa laga soo jeediyay gabayo, shirib iyo heeso islamarkaana waxaa loo wada istaagay saacadu markay ahayd 10:00 habeenimo waqtigaas oo dalka Soomaaliya u ahayd 12:00 pm in calanka Dalka Soomaaliya laga suro goobta xaflada ka dhacaysay iyadoo dadkana ay sare u wada kaceen iyadoo meeshii oo dhana ay ka muuqatey shucuur wadanimo iyo mid calanka lagu weynaynaayo, kadibna ilaa wax ka dhaw 20 daqiiqo dadka oo dhan waxay si qiiro leh u qaadayeen heesta Calanka iyo Soomaaliya toosoow. Waxaa xusid mudan xafladatan dadka ka soo qayb galay iyado maalin shaqo tahay inay ku labisnaayeen dadka intiiisa badan haween iyo ragba leh, caruur iyo ciroole astaamaha calanka Soomaaliya oo aad u qurux badnaa. Xafladiina waxay ku gabagaboowday farxad iyo damashaad weyn. Soomaaliya Hanoolaato, waa in qof walbo u istaagaa sidii Calanka quruxda badan qiimihiisii dib loogu soo celin lahaa dadka Soomaaliyeedna waa inay dib uga fekeraan dalkooda iyo dadkooda sidii loogu heli lahaa nabadgalyo iyo barwaaqo insha Allah qabiilkana qurunkana looga bixi lahaa. Sawiradam quruxda badan waxaa gacan iga siiyay mahadi ha ka gaartee Danjire Mohamed Ahmed Caalim. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Mid Toronto lagu xusay wey ku jirtaa. Ma aadan arkin filaa. Check the other pages. Plus, there was a bigger one in Toronto last night at Sheraton hotel near the airport. I went to it. Kulahaa you guys need to pay $30 each. What the... It was a pure ripoff, a scheme to make a profit from dabaaldega. It wasn't ruwaayad, which I could understood if fanaaniin iyo waxaas joogi lahaayeen. Xaflad xus dabaaldega ayee ahayd bas. Waaba ku xanaaqnay, kana soo tagnay. I will try to find some pictures of it. -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Copenhagen, Denmark . -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Koonfur Afrika: Soomaalida Koonfur Afrika & Xuska 1-Luulyo Xaflado balaaran oo si heer sare loo soo agaasimay laguna maamuusayay 1 Luulyo ayaa ka dhacay Magaalooyinka waaweyn ee dalka K/Africa gaar ahaan Magaalada Cape Town oo Soomali badan ku nooshahay kuwaasi oo badankood ku leh medrado Ganacsi. Xaflad ka dhacday howl weyn uu leeyahay Ganacsade Soomaaliyed oo lagu magacaabo Lacagey waxaana xaflada si wadajir ah usoo qaban qaabiyay Jaaliyada Somali Community Board of Western Cape iyo ururka Dhalinyarada soomaliyeed ee K/Africa. Munaasabadda ayaa lagu furay Ayaadaha Quraanka Kariimka waxaana soo jeediyay Sheekh Bashiir Faarax dabadeed waxaa istaagay Sheekh Omar Waberi oo soo jeediyay Wacdi baraarujin ah oo ay ka qushuuceen dhamaan ka soo qeyb galayasha Xaflada sidoo kale madasha waxaa ka hadlay Sheekh Garyare oo isaga ka mid ah culumaa’udiinka soomaliyeed ee K/Africa ku sugan Wuxuuna ka dhawaajiyay taarikhda laga soo maray dalka iyo sidii gumeesiga looga xoreeyay wuxuu intasi ku daray shiikha in calanka Soomaaliya uu yahay kan shanta xidig dhaxda ku leh midabkiisuna yahay baluug. Kasoo qeybgalayaasha xaflada ayaa badankood ku libisnaa dhar calanka Soomaaliya lagu sawiray waxayna luxayeen caleeman qoyan, Jawiga xaflada ayaa ahaa mid dagan dhamaan hoolka waxaa lagu xardhay calanka Somaliya. Gudoomiye Kuxeenka Jaaliyada Mudane Cismaan Balaak ayaa hadalay munaasabada isagoo dib u jaleecay taariikhda Soomaliya iyo halganka dheer ee loo soo maray xoreynta dalka wuxuna ugu danbeyn makarafoonka ku wareejiyay gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Cabdi Jidow oo salan ka dib ku dhuftay heesta calanka oo markii la qaaday ka ilmeysiisay dhalinyarada xafada ka soo qeyb gashay. Gudoomiyaha ayaa halbalyo diiran u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo taariikh dheer ka dibna ALLE SWT ka baryey in sanadkan kan xiga ay Umadda Soomaaliyeed hesho nolol nabadeed oo waarta islamarkaana ay ku diirsadaan shacabka birimagaydada ah ee mushkiladaha aan dhammaadka laheyn ay ragaadiyeen tan iyo sagaashameeyadii. Magaalooyinka kale ee dalka ayaa guud ahaan Soomaalida ku nool waxa ay si weyn isugu soo baxeen munaasabado ay ku weyneynayaan maalintan qiimaha qaranimo xambaarsan ee 1-Luuliyo. South Africa, oo dhacda geeska Koonfureed ee Qaaradda ayaa waxaa ku nool Soomaali tiro ahaan lagu qiyaaso in ka badan 40-kun, kuwaasi oo nolol feejignaan leh ku heysta dalkan, iyadoo ay aad ugu hamuun qabaan in dalkooda hooyo uu mar hadii uu u hagaagu lahaa ay doorbidi lahaayeen inay ku laabtaan. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Miniyaabolis, Mareykanka: Munaasabada 1-da Luulyo Oo Laga Xusay gobolka Minessota ee dalka Maraykanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa waxaa ay qabteen munaasabad ku aadan 1-da Luulyo oo ah maalintii ay midoobeen gobolada Waqooyi iyo Koonfur isla markaana xornimada ka qaateen gumeystihii. Munaasabada ayaa ka dhacdey magaalada Minneapolis,waxaana goobjoog ka ahaa Haween,dhalinyaro,Caruur iyo aqoonyahano.waxaana intii ay socotay laga soo jeediyey khudbado kala duwan oo looga hadlaayay muhiimada ay leedahay maalinta 1-da Luulyo. Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay heeso ka tarjumaaya maalinta 1-da Luulyo iyo buraanbur oo ay samaynayaan haween Soomaaliyeed oo ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka ee Soomaaliya.waxaana goobta laga lulaayay calanka dalka Soomaaliya. Gobolada kale ee dalka Maraykanka oo ay Soomaalida degto ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga xuso munaasabada 1-da Luulyo. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Shiinaha: Munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldegayo sanadguuradii ka soo wareegtey Xornimada Soomaaliya Oo lagu Qabtay wadanka Shiinaha Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galeen ardeyda soomaaliyeed ee wax kabarta Magaalada wuhan ee Gobolka hubei ee wadanka shiinaha, ayaa waxay si qurux badan uga dhacdey Jaamacada Hust ( Huazhong University of Science and Technology ). Xaflada 50-Guurada Calanka Soomaaliyeed oo ku aadan Caawa oo kaleeto 1/Luulyo, waxaa siweyn, u weyneeyey ardeyda waxkabarata Gobolkaas iyagoo halkaasi ka soo jeediyey Khudbado isugu jiro dhiiri galin iyo Tariikhda wadanka soomaaliya iyo xaalada uu maanta ku sugan yahay. Intii ay socotey Munaasabadan ayaa waxaa ka Hadley Ardeydii ka soo qeyb gashey iyagoo Farxadooda iyo dareenkoodu si weyn cod ugumuu jiyey Soomaaliya Hanoolaato. Sidoo kale waxaa khadka Teleefoonka Uga qeyb qaatey munaasabadu intii ay socotey Maxamed Rashaad Sheikh Cali oo ah Gudoomiyaha Ardeyda Soomaaliyeed ee Gobolka Jilin ee wadanka shiinaha. Gudoomiye Maxamed Sh. Cali waxuu si weyn ugu nuuxnuuxsadey Taariikhda wadanka soomaaliya iyo in Gobonimadan aan caawa sheeganayno ay ku timid rag dhiigood kuwaas oo maanta Moontan una dhintey, ciida iyo dalka Soomaaliya waxuuna yiri “ Maanta dadkii u soo dhintey oo Qudhoodii ugo’dey Dhulkaan Dartiin, hadey arki lahaayeen waxa kaga dambeeyey iyo sida aan u galney, aad bay uga xumaan lahaayeen”. Maxamed Sh. Cali waxuu Hambalyo U direy Munaasabadan Darteen Guud ahaan Umada Soomaaliyeed Gaar ahaana Ardeyda Waxkabarata shiinaha . Sidoo kale waxaa isna Khadka Telefoonka Ku soo Hadley Qunsulka Guud ee Safaarada Soomaalida ee wadanka Shiinaha Mudane Cawaale Cali kulane, waxuuna Ardeyda iyo Umada Soomaaliyeedba Ugu hanbalyeeyey Munaasabada Kowda Luulyo ee Sanadguuradii 50-aad ee Ka soo wareegtey xiligii aan calanka qaadanay. Sidoo kale ayaa Munaasabada waxaa ka Hadley Qaar badan oo ka tirsan Gudiga Ardeyda iyo Guud ahaan ardeydii ka soo qeyb gashey iyagoo dhamaanba isugu hanbal yeynayey Munaasabadan Kowda Luulyo. Intii ay socotey Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigey Heeso Wadani ah iyo Gabayo ka turjumaya Qaranimada Soomaaliyeed. Ugu danbeyntiina waxaa Soo xirey Munaasabada Gudoomiyaha Ardeyda Soomaaliyeed ee Wuhan Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Qooje, waxuuna si weyn Ugu hanbalyeey dhamaanba Soomaalida ku kala Nool Aduunka Oo idil . Qooje waxuu yiri “ Aniga oo ka faa’iideysana Fursadan waxaan Baaq Udirayaa Ardeyda, Aqoonyahanka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed, waxaana leeyahay Ardeygii waxbaratayoow dalkaaga wax u qabo, kuna dadaal waxbarashadaada , sidoo kale Hooyo adigana waxaan kuugu baaqayaa maadaama aad tahay warshadii umadan inaad Qeyb wayn kaga qeyb qaato Barbaarinta Ubadka adigoo ku barbaarinaya Wadaninimo. Ugu danbeyntii Aqoon yahanka Soomaaliyeed, ee saxaafada ka doodoow, maanta waa xiligaagii Qabqable iyo ninkaleetoba waa aragney waxay nabadeen, Nagu hogaami aqoontaada, aniguna waan kugu taageeraynaa”. Gudoomiye Qooje, waxuu kaloo sheegey in 24-ka Saac oo soosocda uu hawada Soo galiyo website ay leeyihiin Ardeyda Soomaaliyeed kaas ka hadli doono aqoonta iyo waxbarashada, waxuuna noqon doonaa cinwaankiisu www.someducation.com . Ugu danbeyntiina waxaa sidaas ku soo idlaatey Xafladaan oo ahayd tii ugu horeysay oo lagu xusayo Calanka soomaaliya oo abid ka dhacda wadanka shiinaha. Sidoo kale waxaa xaflad taas la mid ah Lagu qabtey Jaamacada Tongi ee caafimaadka oo iyaduna ku taala isla gobolkaas, taasi oo si weyn ardeydu iyaguna ugu dabaal dageen Munaasabada 1- Luulyo. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Iswiidhan: Xoriyada Soomaaliya oo si weyn looga xusay magaalada Borlange Dadweyne tirada kor u dhaafayey boqolaal ayaa kasoo qeyb galay kulan balaaran oo loogu talo galay weyneynta maalinta xoriyada Somalia iyadoo halkaasi ay ka hadleen laba masuul oo u sharaxan doorashada Sweden kuwaasoo Somalia u dhashay isla markaana ah laba nin oo aan cidi la tartamaysa aanan jirin doonayana inaay magaca Soomaalinimo loogu codeeyo. Ragaasi ayaa siweyn ugu hadlay taariikhda Calanka Jamhuuriyada Somalia iyo qiimaha uu uleeyahay ummada Soomaaliyed iyo ragii usoo geeriyooday xornimo udirirkii 1960 – kii markii Somalia ay ka xorowday gumeysigii kusoo duulay. Abaarihii 12:00 Am ama saqda dhexe ayaa Calanka Somalia ee Buluuga ah kor loo taagay isla markaana loo sara kacay, lana qaaday Astaanka Calanka Somalia: Soomaaliyoo toosoo, Toosoo isku tiirsada ee , Hadba kiina taagdaranee Taageera waligiinee, waxaana la shiday muusikada Astaata Soomaaliyoo toosoo, ka dib halkaasi waxaa ka bilaabatay damaashaad iyadoo lagusoo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo heeso kala duwan oo ay qaadayeen fanaaniin da' yar oo soo koraya. Mursal iyo Fanax oo ah laba musharax oo u kala tartamaya jagooyinka heer degmo iyo heer gobol ayaanan jirin Soomaali kale oo tartanka kula jirta waxayna codad ka sugayaan Soomaalida ku nool Gobolka Dalarna taasoo la hubo inaay 100% helayaan codadka ay ku tashanayaan. Wariyeyaasha Maxamed Siidi, Sheekh Aduun iyo Xasan Liisho oo iyagana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin raggii ka soo horeeyey inaaysan diyaarin xaflada qiimaha uleh Soomaaliya iyagoo ka dhiidhiyey iskuna xil saaray inaay usara kacaan maalinta xoriyada Somalia sidii Jaaliyada Somalia ee ku nool magaalada Borlange ay xusi lahaayeen maalintaasi qiimaha badan xambaarsan. Sidoo kale wariyeyaashani ayaa ka hadlay xoriyada iyo sidii ay ku timi iyo waliba calanka buluuga ah ee dhexda shan geesoodka xidigta cad ku leh qiimaha uu uleeyahay bulshada Soomaaliyeed. Dhalinyaro badan oo ku dhalatay dalka Sweden iyo qaar iyagoo yar yar laga soo waday dalka Somalia oo xaflada kasoo qeyb galay markaay dhagaysteen qudbadaha ka hadlayay xornimada ayaa aad ugu farxay oo soo dhaweeyey waxa aysan hore u maqal. Wariyeyaashani waxayna hambalyo u dirayaan dhamaan ummada Soomaaliyeed inaay kula ciidaan maalinta xoriyada Somalia oo kasoo wareegatay 50 – sanno in Allah wadankeena nooga qaado dhibaatada kuwa maalin kasto ku dhimanayo Allah ka badbaadiyo kuwa dhibka bidayana Allah tusiyo Dhabaha toosan. Gaba gabadii Sheekh Aduun, Maxamed Siidi iyo Xasan Liisho iyagoo aad ugu xun waxay cambaareeynayaan iyagoo fursadaani ka faa’ideysanaya xadgudubkii loo geeystay wariyeyaashi shalay madaafiicda lala dhacay iyagoo gudanaya waajibaadkooda hawl maalmeedka ah, waxay kaloo tacsi u dirayaan shacabka Soomaaliyeed ee maalin waliba lagu laynayo dalka Somalia. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Karaaji, Bakistaan: Dabaaldaga 1da luuliya, Karachi iyo ururka waddaniga Soomaaliyeed Xaflad si heersaraha oo loosoo agaasimay oo qeyb lixaad leh uu ka qaatay ururka waddaniga soomaaliyeed laantiisa Karachi Pakistan ayaa lagu qabtay Magaalada Karachi ee dalka Pakistan. Xafladaan qaban qaabadeeda waxaa iska lahaa ururka waddaniga soomaaliyeed, anakoo kaashanaynayna ururada kale ee kajira magaalada karachi ayaa ilaahay noo hirgaliyay qabashada xafladaan qiimaha badan. waxaa mahad iska leh allihii noo fududeeyay qabsoomida xafladaan qiimaha badan. Xafladaan waxaa howsheeda waday 5 urur oo ugu horeeyo ururku waddaniga soomaaliyeed Waa kuwaanaa shantii urur: 1. Ururka Waddaniga Soomaaliyeed 2. Xisbiga Hanoolaato 3. Ururka ardada ee Karachi SSU - KU 4. Jaaliyada Hydrabad Jamshuura 5. DR. Cismaan Foundation Anagoo kaashanayna ururadaas aan saaxiibada nahay ayaa ilaahay noo hirgaliyay inay noo qabsoonto xafladii 1da luuliyo tii ugu horaysay ee lagu qabto Karachi Pakistan muda 15 sano lagu joogo insha allah xafladaan oo sifaah faahsan qoraalkeeda loo tafaf tiray iyo sawiro badan dib ayaan idiinka soo diri doonaa Kamaal Guuleed Mohamed, gudoomiyaha ururka waddaniga Soomaaliyeed. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kambaala, Ugaanda 50 Guurada xoriyadda Soomaaliya oo si weyn looga maamuusay magaalada Kampala Magaalada kampala ee Dalka Uganda ayaa lagu qabtay sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobolda koonfur ee soomaaliya iyo israaca labada gobol e waqooyi iyo koonfur ee soomaaliya ayaa siweyn looga maamuusay habeenkii xalay magaaladaasi kampala. Munaasabadaasi ayaa waxaa ka qayb galay masulliyinn ka socotay haydaha caalamiga iyo kuwa wadaniga ahi, khusulka u fadhiya Dowladda soomaaliya Dalka Uganda, wasiiro Dowlahii hore Gashaandhigga Yuusuf indho cadde iyo Drs khadiijo saciid gaaraxo iyo Drs xaawo cabdi oo ah masuliyiin hayad samafal iyo ganacsatada ku dhaqab Dalka Uganda iyo welibadadka qaxootiga ee ku dhaqan dalkaasi Uganda. Munasabadaasi ayaa waxaa riwaayad ka turjumeeysa xornimada soomaaliya ku soo bandhigay kooxda fanaaniin dhalinyaro soomaaliyeed ooka fajicisay ka qayb galayaasha xafladaasi taariikhiga ahayd. Ugu horeeytii waxaa halkaasi ka hadashay Drs khadiijo siciid oo madaxa hayd samafal [sIPED]Somali initiative for peace and Development] ka howlgsha magaalada kampala waxaana ay sheegtay in munaasabadani 50 Guurada ay tahay mid taariikhi ah iyadoow halgankani ay u soo mareen 13 dhalinyaro oo aanan khabiilku saleeysneyn, iyadoow loobaahan yahay in dhalinyarada ay dib u xasuustaan dhibaatada loo soo maraya xornimada ay haysato ummaadda soomaaliya, kana qay qaataan dhismaha dalka soomaaliya. sidoowkalewaxaa halkaasi kahadlay yuusuf indhocadde oo mar ti ku ahaa madasha ay ka dhacaday munaasabadda dhowaan iska casilay siyaassaadd soomaaliya, isagoo umahad celiya intii soo qaban qaabisay munasabadaasi sheegay inloobaahan yahay in ummaadda soomaaliya ay is cafiso una soojeesato sidii ay isga qaban lahayd cadoowgeeda. Gabgabadii munaasabadani ay sooqabanqaabiyeen dhalinyaro soomaaliyeed iyo Hayadda SIPED ayaa koob lagu gudoonsiiyaya koox ku guuleeystay koobka lagu maamuusay 1da luuliyo iyadoow uu Gudoonsiiay khunsulka u fadhiya magaalada kamapal Dowlada soomaaliya Dr xassan . Guud ahaan Magaalada kampala ee Dalka uganda ayaa siweyn looga maamuusay iyadoow ay ku nool yihiin dad soomali oo lagu qiyaasay 17000 oo ruux lana filaayo in dhowaan looqaadoqaar ka mid dalalaka caalamka. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Toronto, Kanada Shir lagu xusayay sanad guuradii 50aad ee qaranimada Soomaaliya oo ka dhacay Toronto Waxaa magaalada Toronto ka dhacay shir ay soo qaban qaabiyeen ururka Somali Canadian Diaspora Alliance kaa soo lagu xusayay sanad guuradii 50 aad ee xorriyaddii Somalia. Shirkaan oo si heersare ah loo soo agaasimay waxaa ka qayb qaatay aqoonyahanno joogay shirkaas iyo kuwa uga qayb qaatay khadka telefoonka ayagoo kala joogo adduunyada dacaladeeda. Shirka waxaa looga doodayay waxa keenay burburka qaranimadii Somalia iyo sidii dib loogu soo celin lahaa , sidoo kale waxaa ayadana laga dooday sidii loo soo celin la wadaniyaddii Somalia. Dadka shirka joogay oo qaarkood hadalku ku xirmayay maka ay qiiroodaan ayaa waxay soo jeedinayeen in dadkeena qurba joogta ah aanan daawan dhibka umadda heesta ee aan wax ka qabanno dhibaatooyinka ka taagan xagga cafimaadka, waxbarashada, iyo dhismaha waddooyinka, waxay kaloo qireen in dadka dibadaha ka tagay ee hadda dawladda la shaqeeyo in ay yihiin badankood kuwo naftooda iyo tii ilmahooda daryeelan kari waayay oo ay adagtahay in ay umad somaliyeed badbaadiyaan. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Istanbuul, Turkiya Soomaalida Turkey oo Siweyn u Xusay Munaasabada 1da Luulyo Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Turkey ayaa xalay isku soo doba riday xaflad loogu damaashadayay 50 guuradii kasoo wareegatay maalinta madax banaanida uu helay dalka Soomaaliya oo ku beegan maanta oo kale 1da luulyo 1960. Xafladaasi oo ka dhacday magaalada İstanbul ee dalka Turkey ayaa waxaa kasoo qeyb galay dad aad u fara badan oo isugu jira Arday Soomaaliyeed, xubno ka tirsan jaaliyada Soomaalida ee Turkey, Dhakhaatir Turkey u dhashay oo jaamacadaha wax ka dhiga iyo masuuliyiin ka soctay dowlada Turkey. Waxaa furitaanki xafdalada hadal gaaban kasoo jeediyay oo dadka kusoo dhaweeyay gudoomiyaha ururka ardayda Turkey Xuseen Cusman Sheekh. Quruxda goobta xafladu ay ka dhacaysay ka sokow, wajiyada dadkii Soomaalida ahaa ee kasoo qeyb galay ayaa siweyn looga aqrisankaray sida ay u faraxsanaayeen oo ay ugu hilowsan yihiin dalkooda hooyo, waaxa in badan la xusay oo laga sheekeeyay taakhiirdi halgamayaasha soomaalida iyo dhaq dhaqaaqyadi goobanima doonka ee soo bilowday labaatameyadi qarnigii tagay. kaalintii fanaaniinti ayaa iyaguna halkaas laga xusay waxaana laso bandhigay heesihii iyo gabayadii guubaabada ahaa ee xiligaasi la qaaday. Waxaa hadal gaaban ka jeedayay xaflada xubno ka socday jaalida iyagoo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada maanta, waxayna alle kaga baryeen sanadka danbe in ilaahay dalka dhibaatada ka saaro. Dhanka kale masuuliyiinti ka socoday dowlada Turkey ayaa muujiyaay farxadooda iyo sida ay u garab istaagan yihiin ardayda iyo shacabka Soomaaliyeed waxayna soo jeediyeen talooyın iyo waano ay kula dardarmeen ardayda iyo shacabka soomaaliyeed. Munaasabada 1da luulyo darteed ayaa wakiilka sharikada xawaalada Qaran Express C/mudalib xaashi Nuure ayaa waxaa uu bulshada ku dhaqan Turkey u ballan qaaday in mudo sedax cesho ah ay qiima dhimis u samayn doonaan dadka donaya inay lacago dirsadaan. Gunaanadkii xaflada oo ku beegnaa 12:00 habeenimo ee Saacada İstanbul ayaa mar qura la wada istaagay oo laga shaqeysiiyay muusika Aastaanta u ah Calanka Soomaaliya, waxaana sara loo qaaday oo dadkoo dhammi ay wada eegeen Calanka jamhuuriyadda Soomaaliya ee Buluuga ah, is marxabayn ayay goobti isku badashay dadku si koox koox ah ayay u istaageen iyagoo ku duceysanayay oo alle ka baryay nabad iyo sanadkan kiise kale dalka oo nabad iyo barwaaqo ah. Xigasho -
Kowda Luulyo--Happy Independence Day
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Happy Kowda Luulyo again. Soomaaliya ha noolaato, ha jirto, ha waarto. Eebboow dalkeena oo nabad ah na tusi -- aamiin. Celebrations around the world. Nayroobi, Kenya: Munaasabado lagu xusayo 1da Luulyo oo xalay ka dhacay Magalada Nayroobi, dalka Kenya Munaasabadan oo aheyd mid aysan ukala harin somalida Nairobi ku nool laguna xusayay 50guuradii kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobollada koofureed ee dalka iyo midowgii 2da gobol ayaa waxa lagu qabtay city hol magaalada Nairobi. Goobta munaasabada lagu qabanayay oo si aad ah lgu xardhay astaanta calanka Somalia ayaa waxa ay dareen wadaninimo ah galisay kumanaan muwaadiniin Somali ah kuwaasi oo qaarkood ilmeeyay markii ay arkeen. Munaasabada ayaa waxaa si heersana ah usoo agaasimay dhalinta waayaha cusub iyo safarada Somali Kenya iyadoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka mid ah dowlada Soomaaliya sida wasiirka arrimaha dibadda Cali Axmed Jaamac Jingili, wasiirka caddaalada iyo garsoorka C/raxmaan Maxamuud Faarax Janaqoow, wasiirkii hore ee Beeraha Mustaf Dhuxulow, afhayeenka ciidamada booliska G/sare C/laahi Xasan Bariise, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur Taliyii hore ee x/dalka Yuusuf xusen dhuumaal Madax ajnabi ah oo ka socotay safaradaha Kenya iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin xildhibaan Mowliid Macaane iyo Ibraahin ***** Yarow. Ka soo qeyb galayaasha xafladda ayaa waxaa ka muuqdaywajyadoda xamaasad aad u sareys iyaga oo intooda badan ku labisnaa calanka bulugga ah ee xidigta 5geesoodka ay dhexda uga taallo qaarkdka jirka ku dhagsaday. Fanaanniin ka kala yimid dunida dacalladeeda ayaa munaasabada waxa ay ku s bandhigeen heeso iyo suugaan waddani ah taas oo kicisay qiirada ka soo qeyb galayaasha iyo masuuliyiintii gob joga ahaa. Safiirka safaarada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya maxamed Cali Nuur Ameeriko qeybka ahaa qabanqaabada xaflada ayaa hadal ka jeediyay madasha, isaga oo kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in ay nabadda taageeraan si uu dalku uga baxo dhibaatooyinka ku habsaday. Ex. Godoomiyihii hore ee gobolka banadir ahna la taliyaha madaxweyna dhinaca arimaha bulshada, Agaasimaha guud w/gaadiis dhirka iyo dhulka Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo hadal qiir leh ka jeediyay munaasabada ayaa yiri “waxaan umada somaliyeed u rajeynayaa sanadkan kiisa kale in ay ka bixi doonaan dhibka ay ku jiraan Allana waxaan kabaryaan in uu noo nabadeeyo dalkena ”. Taliyii hore ee x/dalka Yuusuf xusen dhuumaal oo iska hadalka qaatay ayaa waxa uu ku dheeraaday calanka iyo kooxo uu ku sheegay in ay ku badalayaan mid madow oo aan lagaraneyn halka uu ka yimid. Madaxdii dhinaca safarada ajnabiga ayaa iyaguna hadalo habalyo ku aadan ka jeediyay goobta iyagoo calanka somaliya luxay. Marka ay saacada dul istaagtay 12:00Am habeenimo ayaa waxaa la saaray calanka buluga ah ee xidigta 5geesood dhexda kaga taalo ahna astaanka somalida ay ku faanto, iyadoo loo wada sarakacay saarista calanka heesta calanka ayaana marqura circa lagu shareeray. Magaalada Nairobi oo dhan ayaa si aad ah looga dareemayay maalintan qiimaha badan iyadoo ay si caadi ah gawaarida dadweynaha ugu shaqeynayeen dadka somaliyeed ee calankooda u damaashaadayay. Xigasho -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
Look at this wannabe Pashtun. Waa yaab. Sababta ee Pashtunta u gishtaan koofiyadaas ma ogyahay horta mise wax diimeed uu mooday. Yaa u sheego inay tahay koofiyad qaboowga iskaga celiyaan. Last time I knew Soomaaliya winter kuma ogeyn. -
The United States Should Recognize Somaliland Now
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Originally posted by Abwaan: quote:Originally posted by Oodweyne: ^^^And, you sir, just in case it has slipped your mind in here have been eating the scrap yard of a destroyed city call Mogadishu as well as being the merchant of a misery and political squalor, which in turn seemed to know no human's dimension to define the scale of it's destitution, indeed. At least for the last 19 years or so, dear lad ... :rolleyes: So, now that being the case, then, sadly, all one can ask of you is to say do pray tell us, dear lad , as to what "imaginary honour" fitting for the occasion should we know bestow on you? Particularly for your "effort" in at last joining the "league of political barbarity" and the "Hobbesian's dark jungle" of the history books, indeed... After all, by the looks of it one can say that you seemed to have spare no effort - ingenious or otherwise - for almost "two decades" of a particular toil of misery on your part in-order to regressed backward, politically, into that so low of a human's socio-political station, indeed... :eek: Regards, Oodweyne. lol...Tolow kan goormuu khudbada nuurnuurisku ka buuxo iska deynayaa? at 'nuurnuuriska.' Waxaaba igu daran as though inaa Xamar ka xigtid asaga. Dad ayuuba Xamar ku caaynayaa, his own capital city as much as he denies. Yaab ahaa. -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
If that is the case then diintee wataan mahooda ha iga joogto. Meeshooda ku mahadsanyihiin. -
Somali Independency Day Celebrated in Minneapolis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to money's topic in General
Kilyo kulahaa. NNC, Eebbe hana wada cafiyo -- aamiin. -
Somali Independency Day Celebrated in Minneapolis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to money's topic in General
Adiga shaatiga itself ha fiirininee, wuxuu soo saaraayo fiiri. Mise far waa weyn aa wax laguugu qoraa? War dareeraa ki eri, waaba naga keentay waxaa ka hadlaaye. -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
Originally posted by Dhagax-Tuur: Google search: "Alshabaab" + "Mamnuucay" = Natiijada inteeda badana waxay ka timi the ever so reliable Dayniiledotcom site. Mamnuuca qaar ka mid ah waa diinteenii, marka dadow don't make fun of it. Qaar mamnuuca la sheegayna waxay u badan tahay cantarabaqash. First, Dayniile hal war uu qoray kuma qorno. The news meesha ku qoran were all verified, admitted by kuwaas Barbaarta la baxay themselves. All the bans were reported from myriad Soomaali and non-Soomaali sites, too, if you just checked. Tan labaad adiga lahee 'mamnuuca qaar kamid ah waa diinteenii,' i noo sheeg waxee tahay mamnuucadaas marka. Tan sadexaad, hal mid oo been laga wariye kuwaas sheeg intaadan lasoo boodin waa kutiri kuteen. -
Somali Independency Day Celebrated in Minneapolis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to money's topic in General
Shaatiga kaliya, duqa. Ar dambigeeda naga daa. -
Somali Independency Day Celebrated in Minneapolis
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to money's topic in General
Originally posted by money: Nice shaati. She is kiyuut, too.