Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,573
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    318

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. The score, 1-0, ain't a true win, it was a lucky win. That rigoore on the foul on Mascuud should have stood in the end of the first half. That was a clear penalty. That completely would have changed the game. Another one was the deliberate tackle against Schweinsteiger in the end of the second half. The young team did play wonderfully, have a great, terrific future. Without any doubt, this young Germany team had made this Ciyaaraha Adduunka tournament much more excited than it would've been otherwise. It would have been a dull and boring tournament without this great team. Well done Jarmalka, we will see how they will humble opponent teams in the European Cup tournament within two years. They are still growing. NNC, it is true Jarmalka is a complete set of a team, and losing one starting player changes the rotation completely. The absence of Muller is really felt. I don't think it would've been the same with in the field. Nope. Well done Jarmalka again. No one expected you to be in the semi-final, but then again 12 semi-finals (and seven finals appearance) is something no other team in the history of Ciyaaraha Adduunka had ever done. Not even Baraasiil.
  2. Nin Aflagaadeeyay Nabigga NNKH oo lagu dilay gudaha Soomaaliya Gudoomiyaha Al-shabaab ee Gobolka Bakool Sh. Aadan Yare oo saxaafada ayaa sheegay inay toogasho ku dileen nin aflagaadeyay Nebi Maxamed [CSW], kaasoo ay Maxkamada Degmada Xudur ka gaartay go'aan kama dambeys ah. Sh. Aadan Yare wuxuu sheegay in ciidamadooda amaanka ay soo qabteen ninkan, kadib markii ay soo sheegeen dad goobjoog ka ahaa markii uu Nebiga caayay, isaguna uu ka qirtay Maxkamada horteeda dambiga loo haystay. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Max'ed Guuleed wuxuuna ahaa 21-jir, isagoo ku xirnaa xabsiga degmadaas afartii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana dilkiisa loo adeegsaday rasaas. "Waxaa maanta 11:45-daqiiqo lagu toogtay degmada Xudur Max'ed Guuleed Xoosh oo ahaa nin dhalinyaro ah oo caayay Nebiga, wuxuuna dambigiisa ka qirtay Maxkamada horteeda" ayuu yiri Sh. Aadan yare, isagoo intaas ku daray inay dilayaan ruux walba oo dambigan lagu helo. Dadweyne badan ayaa kusoo ururay barxad weyn oo ku taala bartamaha Xudur halkaasoo lagu dilay marxuumka, waxaana ilaalinayay ciidamo badan oo Al-shabaab ka tirsan, iyadoo dilka uu noqonayo kii ugu horeeyay noociisa ee ka dhaca Somalia. "Afkeyga masoo marin karo aflagaadada uu ninkaas u geystay Nebiga, waxaana uu sheegtay inuu yahay Muslim, balse waxaa go'aan ka gaartay xukunkiisa Maxkamada degmada Xudur" ayuu yiri Sh. Aadan yare. Goobjoogayaal ayaa sheegay in marxuumka uu qaylinayay markii la tooganayay , uuna ahaa nin safar ah oo halkaas ku marayay gaari uu kasoo raacay dalka Kenya, iyadoo gudoomiyaha Gobolka Bakool uu sheegay in ninkaas uu ka yimid S. Africa. Ururka Alshabaab ayaa uga mamnuucay telefishinka Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal deegaanada ay maamulaan war ku saabsan Kartoon laga sameeyay Nebi Muxamed [CSW] oo uu baahiyay. Xigasho _______________ To them, the victim always wuu qirtaa his/her alleged crimes. Always, regardless how grave the consequences might be.
  3. Alshabaab oo Bakaaro ku dilay nin waalnaa Maliishiyooyin ka tirsan ururka Alshabaab ayaa xalay suuqa Bakaaraha ku dilay nin waalnaa oo la oran jiray Cabdi Maxamed Kaahiye (Goobe) Ninkan oo ahaa nin iska hadal badan maskax ahaana wax u dhimanaayeen ayaa waxaa uu ka shaqeyn jiray musqulo ku yaala Bakaaraha oo dadku ay lacag ku galaan waxaana inta badan uu hor joogi jiray musqulaha si uu lacagaha uga ururiyo dadka musqulaha gala waxaana aan la garanayn sababta keeni karta in la dilio ruux madaxa looga jiro shaqadiisuna ay ceynkaa ahayd. Waxaase la ogyahay in uu ahaa nin hadal badan oo mararka qaarna shidan jiray foox isagoo tusbax weyn wata , isla markaana sheegi jiray in uu yahay Ahlusuna waxaana suuragal ah in heysashadiisii tusbaxa iyo fooxii uu shidan jiray awgeed loo dilay. Ehalada Marxuumka ayaa saaka u cadeeyay saxaafada dilkiisa waxaana lagu wadaa in maanta laa aaso. Xigasho
  4. Alshabaab oo mamnuucay meherka ayan iyagu sameyn Ururka Alshabaab ayaa sheegay in cid uusan isagu isku mehrin ayan ku aroosi karin deegaanada ay shabaabiyiintu ka taliyaan ee dalka Soomaaliya. War qoraal ah oo kasoo baxay ururka Shabaab ayaa amraya dadka doonaya in ay isaroosaan in ay tagaan xafiiska ugu dhow ee Shabaabka si la isugu mehriyo kadibna loogu fasoxo in ay aroos galaan. Arrintan ayaa si weyn uga fajicisay dadka Soomaaliyeed maadaama ay tahay arrin aad u cajaa’ib ah oo horay oo kale ceykeeda aan loo arag. “Waa hadal aad loola yaabay waxaana tani ay ka mid tahay caburinta ay ku hayaan shacabka waxaanse leenahay shacabka Soomaaliyeed hadii uusan kuwan iska qaban dhib ka weyn ayay keeni doonaan,” sidaasi waxaa shabakadan u sheegay oday magiciisa kusoo gaabshay Xaaji Iidle oo dagan xaafada Suuqa Xoolaha oo Shabaabiyiintu aad ugu xooganyihiin. Si kastab ahaa ahaatee waxaa laga dhur sugayaa qaabka uu markani dhaqan gal uga noqdo deegaanada Shabaabku maamulaan iyadoo ay xitaa imaankarto in kuwii raba in ay aroos galaan ay u guuraan dhulalka dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM joogaan si arooskooda ay ugu dhigtaan si xoriyadi ku jirto. Xigasho
  5. Mr. Everyoneisfamilyfriend, the new wasiirka arrimaha dibadda's name is Yuusuf Dheeg, not Deeq.
  6. I never had camel milk...but i sure would like to try some!!loooooool. I am sure you won't have this same thinking markaa cabtid and shuban kaa dhamaan waaye. Haka shaleen markaas. Never had a taste in caano geel. Waa dhanaan waligeeba iska necbaa.
  7. They are deliberately breaking the site's rules. Because of that, I am closing this thread. Some Soomaalis mistake being tolerant is a weakness, waa iska jaahilnimadooda. Hala arko qofkee dhibeyso then. The site has rules. Rules that explicitly and implicitly state no clan names whatsoever. No letter can stand for a clan name. Get it?????
  8. He is among the only honest and famous Yahuud men I know. He and the other professor whose name escapes me. It is always pleasure to read his frank take of Bariga Dhexe issues.
  9. OS' 'we, we, we.' Whaever happened to Aussies waa ogtahee maa joogtid. Ma haddana Isbaanishkaas ayaa rajo ka leedahay. We, we, we'da i dishayba. War joog, amee tii Australia ku dhacday ku dhacdaa hee iyagana. Isbeyn were chronically known as underachievers. They soon will be put where they actually belonged -- to be underachievers again. Don't count your eggs too soon.
  10. Nice. It will be like this in the final game.
  11. at '4th place celebration.' Aragaana kooxaha second, third and fourth places loogu tagi doono. As a Jarmalka fan, I need to be modest, same like the way they play.
  12. Cawaale, that post says more about the poster's mentality than anything else. Dad maskaxdooda quruntay soo noqosho haka sugin. Don't mind that, hana isku wareerin. By the way, there is a 'flag this' feature -- it is just called 'report this.'
  13. Ar maxaa Jarmalka daba dhigatay. This was on Jay Leno show a few days ago.
  14. Premier League in Kuala Lumpur. Lugo baastiyaashaana maxee Premier League ka yaqaanaan. They look like Tuujiye oo califalaax loo soo giliye.
  15. Maati waxba galabsan lee ku dhamaaneyso and my beloved Xamar sii burburinaayaan. Xamar lee saas loo sii burburinaa. No group can outflank the other. Just ask Caydiid and Cali Mahdi. Oh, my Xamar. Th only, beautiful city I've ever loved and I still have much love for it. Xamareey waa lagu xumeeye yaa ku xaal marin doono.
  16. You know, threads like this and the other one about insulting Soomaalis by gloating about colonialism contribute absolutely nothing to SOL. It is also on the borderline of being a troll, flaming thread, which is not allowed . I will give you a chance. Do not start inflammatory threads like this and that other one again on here. This is a clean, respected online Soomaali forum, not a third-graders' school's backyard. We intend to keep in that way.
  17. Muller waa tireless, out around player. Waa difaacle, waa weerarle, waa dhexle, waa noobe, waa sate... He will be irreplaceable in the semi-finals game. That yellow card was not necessary and it stunk.
  18. You knew what was to come miyaa, the usual four-score goals. It is about time we give his immense due to Klose. He is a wonderful, hardworking player. I hope he breaks the record books, only a goal u dhiman.
  19. OS and Saak, Schweinsteiger (or as I call him Mr. Kawaanle since that is what his name means ) suu u soo bandhigay the third goal was so effortless. How shambolic their defense was, sida uu u dhex maray so easy, so team-priority. Even Spain haddee imaato, and you are expecting too much from them to pass Paraguay, waa arkeysaa the Jarmalka's midfield will remain the same. They said Gaana will stop it, Ingiriiska will stop it and finally today it was, they said, Messi's field. NNC,
  20. Saak, don't say that. Jarmalka just like to be like that -- underestimated all the time. Just underestimate once again and Spain needs to overestimated, waaba haddee soo baxaan. Jarmalka quietly do their thang in the field, no kibir kibir, no islaweyni, no balaayo balaayo.
  21. Kamoon, Libaax. You have overran poor excuses. It is about time you give Jarmalka their belated due. Twelve goals against three good opponents, four goal per game. Kamoon. Sister NNC, I've to say soori before I do this, but I have to flag wave for Jarmalka maanta. It is just too much watching how excellent football they play as a great team and not to cheer.
  22. Stora, Iswiidhan: Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Xaafadda Störa ee Dalka Sweden Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1-da Luulyo oo ku began xornimo-qaadashadii Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay Xaafadda Störa ee Magaalada Lindesberg ee dalka Sweden, iyadoo xafladdaasna ay ahayd mid ay si weyn uga soo qeybgaleen dadweyne aad u faro badan. Xafladda oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Soomaalida ku dhaqan Xaafadaha Störa, Stråssa iyo Kopperperi ayaa waxaa looga hadlay taariikhda Soomaaliya iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray xornimo-qaadashadii Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka hadashay Safiyo Cali Maxamuud oo ka mid ahayd qabanqaabiyayaasha Xafladda, waxayna ka taariikheysay halgankii loo soo maray xornimada Soomaaliya, waxayna xustay in sanadkii 1960kii ay Gobollada Waqooyi iyo Koofur ee Soomaaliya oo ay kala heysteen Dalalka Britain iyo Italy ay xornimo buuxda qaateen. “Sida aad la socotaan 26-kii June 1960 waxaa xornimo ka qaatay Britain gobollada Waqooyi, iyadoo afar maalmood kaddibna ay xornimo ka qaateen Talyaaniga Gobollada Koofureed, kaddibna waxaa 1-dii Luulyo 1960-kii midoobay labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur”ayay tiri Safiyo Cali Maxamuud. Safiyo waxay intaas ku dartay in ay nasiib darro tahay in 50 sano kaddib halgankii loo soo galay xornimada Soomaaliya ay maanta dadka Soomaaliyeed ku jiraan marxalad aad u adag oo nabad iyo nolol la’aan ah. “Waxaan Allaah ka baryeynaa in uu dadka Soomaaliyeed dhibaatada ka dul-qaado, isla markaana uu dhinacyada is-haya uu garan-siiyo wanaagga iyo Soomaalinimada waxa ay tahay”ayay mar kale tiri Safiyo Cali Maxamuud. Haddaba Xafladdii lagu qabtay Xaafadda Stora ee dalka Sweden oo ka qeybgalayaashii ay si weyn ugu damaashaadeen munaasabadda sanad-guuradii 50aad ee ka soo wareegatay markii ay Soomaaliya xornimada ka qaatay gumeystayaashii Britain iyo Italy. Ugu dambeyntii, xafladda oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxay ka qeybgalayaasha isugu hambalyeynayeen munaasabadda xornimo-qaadashadii Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena Alle ka baryayay in uu dhibaatada ka dul-qaado Dalka Soomaaliya. Xigasho