Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,573
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    318

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Bahal cunay my foot. Hoobaleydaas asaga ha iskugu sheekeeyo.
  2. Originally posted by bilan: quote:Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: !!! Waa heesta ugu daljecel badan aan arkay, waxaa kaaga sii darana fanaaniintii iyo abwaaniintii iyo jilaayaashii ugu caansanaa qaadaayo. Waxaa ka muuqdo cajalka: Xasan Aaden Samatar Axmed Naaji Sacad (abwaanka abuuray heesta, waana heesaaga/abwaanka ugu daljecel Soomaalida) C/qaadir Jubba Magool Faadumo Qaasin Magool (Rabi ha u raxmado) Hibo Nuura Abwaanka Yamsam (Eebbe ha u dambi dhaafo) Abwaanka Muxumed Amiin Jilaa Awkuuku (Eebbe ha u naxariisto) Eebboow, Soomaali nabad noogu dhig -- aaaamiiiiin. goormee Magool wadinayad noqotay :confused: When she forced herself into an exile because of the last regime's actions in late '70s and throughout '80s to Imaaraadka. Why dalka ugu tagtay ma isweydiisay taas. Plus, who can forget how many daljecel heeso ayee Magool qaatay during the heyday of '77 war, qof ka heeso daljecel badnaa ma jirin xiligaas, ma beenaa la isku sheegaa. Oh, I guess your version of her history starts in 1991 miyaa? Teeda kale wey ka towbad keentay, cafis weydiisatayna whoever ka xumaaday wixii xumaa ee faragishatay during the heyday of qabyaaladism in '91/92. __________________ Ninac, maanta wiilkaaga Mueller gool ka cabso uu dhaliye for Bayern Munich ma aragtay? Klose too gool asagana laga cararaayo uu ku shubay shabaqa, plus Mascuud had a wonderful game at Real Madrid.
  3. Shabaab oo ka mamnuucay gobollada ay ka taliso hay'ado laga leeyahay Mareykanka iyo Soomaaliya Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka talisa dhul ballaaran oo Soomaaliya ka tirsan ayaa maanta shaacisay inay gobollada ay ka taliso ka mamnuucday inay ka shaqeeyaan hay'ado laga leeyahay Mareykanka iyo Soomaaliya. Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa hadalkan ka sheegay mudaaharaad looga soo horjeedo hadal uu dhawaan ku sheegay baadari Mareykankan inuu ku gubayo Kitaabka oo ka dhacay Muqdisho. "Maanta wixii ka dambeeya waxaan ka mamnuucnay inay dalkeenna ka shaqeeyaan dhammaan hay'adaha Mareykanka laga leeyahay, waxaana ka xusi karaa Mercy Corps, MEDAIR iyo Horn Releif oo Soomaaliya laga leeyahay, balse oo xiriir la leh Mareykanka" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere. Hay'adahan shaqooyinka laga joojiyay oo ka shaqeeya caafimadka, gargaarka deg-degga ah iyo dib u dhiska, halka Horn Releif ay iyadana saacidi jirtay dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya. "Dhammaan hay'adahan aan soo xusay kama shaqeyn karaan gobollada ay Xarrakatul Shabaab ka taliso, waayo waxay dhibaato ku hayeen dadka Muslimiinta ah ee ku nool gobollada dalka," ayuu yiri Afhayeenka Xarrakatul Shabaab. Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaanay ahayn markii ugu horreysay oo ay ka mamnuucdo gobollada ay ka taliso hay'adaha reer galbeedka, iyadoo bishii Ogoosto ee sannadkaan shaqooyinka ka joojisay saddex haya'dood oo ay ku eedeysay inay aasaaseen kaniisado ku yaalla dalka Sweden iyo Mareyanka. Hay'adaha shaqooyinka laga joojiyay ayaan wax hadal ah kasoo saarin amarka kasoo baxay Xarrakatul Shabaab ee looga mamnuucay inay ka shaqeeyaan gobollada ay maamulaan Soomaaliya. Xigasho
  4. Originally posted by nameless_chick: Wow I just got Goosebumps seeing all those Somalis united and protesting for one course. Why can’t they do protests like this when innocent people get killed for no reasons? Need a check our priorities first Probably half were forced to be there. A quarter perhaps waaba xaasaskooda ee afar afar u qabaan, ciyaalka yar yar waa waxee dhaleen. Meeshaas qof miyir degan qabo in uu iskiis u tagay ma moodaayi. Waaloow iyo waalnidiisa meesha ka socoto. Probably idea of organizing that rally came on during one of these sessions brilliantly caricatured by Amiin Caamir.
  5. I use kijiji.ca. eBay.com is so '90s nooh.
  6. !!! Waa heesta ugu daljecel badan aan arkay, waxaa kaaga sii darana fanaaniintii iyo abwaaniintii iyo jilaayaashii ugu caansanaa qaadaayo. Waxaa ka muuqdo cajalka: Xasan Aaden Samatar Axmed Naaji Sacad (abwaanka abuuray heesta, waana heesaaga/abwaanka ugu daljecel Soomaalida) C/qaadir Jubba Magool Faadumo Qaasin Magool (Rabi ha u raxmado) Hibo Nuura Abwaanka Yamsam (Eebbe ha u dambi dhaafo) Abwaanka Muxumed Amiin Jilaa Awkuuku (Eebbe ha u naxariisto) Eebboow, Soomaali nabad noogu dhig -- aaaamiiiiin.
  7. Dadka maanta Xabashi u sacabtumaayo, ha ogaadaan inay Xabashi kala jecleen xasuuqa ay xasuuqdo Soomaalida, ha ahaato tii Boorame in '84, tii Xamar in '07 iyo xasuuqaan hadduu run yahay. _________________ Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984 Xabashidu (Janaayo 30, 1984) weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo da’doodu u dhaxaysay 6-14 sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka... Marka hore waxaan ku bilaabayaa magaca eebe ee naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahaaneed. Hadaba, hadaan u gudbo ujeedada igu dhalisay dhanbaalkayga, amaba aan gudagalo ayaa waxay tahay in maalinba maalinta ka danbaysa ay sii fogaanayso colaadii sooyaalka ahayd ee u dhaxaysay shacabka soomaaliyeed iyo xukuumadaha xabashida, Waana taas aan maanta u cuskaday qalinka, jecelna inaan daaha ka qaado taariikh aan marnaba duugoobikarin oo arimahan uun la qotonta in kastoo aanan jeclayn inaan diirqaado naburro gaamuray dibna u xasuusiyo shacabka iyo eheladii dhibanayaasha, balse ay tahay dhacdo xusid mudan oo qudhaydu habeeno ka laddi waayay. Waayo ummad kasta oo uunkan ku nooli waxay leedahay dhacdooyin taariikheed oo soo jireen ah oo ay ku dhaataan ama ay ka dhiidhiyaan, waana laba midkood uun, 1. taariikh xambaarsan badhaadhe iyo himilooyin wanaagsan oo la hantay. 2. taariikh xambaarsan tiiraanyo, dhiilo ama dhacdo xusuus reeb xun leh . Haddaba dhacdooyinkan is huwan ayaa badanaaba waxa weeleeya maskax kastoo caafimaad qabta taasi oo ku dul suntan, raad-raaca taariikheed ee jiilba jiil uga sii taariikhoodo, arinta aan ugoleeyahay ee aan ubanbaxay wax kaqoristeeda islamarkaana aan ushanqadhiyo dhalinta facayga ah ee gayiga degan ayaa ah, akhristow raad-raaca taariikhda ee guunka ah oo maanta si urugo iyo naxdin leh u xusaysa bar-baartii, ubixii, sida xun ugu riiqday weeraradii waxshiga ahaa ee aan lookaala aabo yeelin ubax iyo xaamilaba. Hadab bulshoweynta reer Awdal yaa ah bulsho ehel u’ah ilbaxnimo iyo aqoon **** dheeraatay, isla markaan ku dhaadata taariikh guun ah oo soo jireen ah, waxaaana taasi marag ma doon u ah ilbaxnimadii Adal iyo sooyaalkii soomaaliyeed ee kahaqaaday guud ahaan Awdalta maanta taaso ahayd boqortooyo awood cudud iyo ilbaxnimo gaadhay oo xukunkeedu gaadhsiisnaa ilaa shawa(Ethiopia) taas oo la odhankaro waa halka ilbaxnimadii soomalidu ay ka soo dhab qaadatay . Hadaba hadii aan ugudo galo dhacdan naxdinta leh ayaa waxay ubilaabmaysaa sidan hoose. Amintu waa goor barqa ah abaaro 10:30 AM, bishii janaayo 30keedii, 1984 kii waana maalin farxad iyo rayn-rayn badan ay dadkuna faras magaalaha Boorama (xarunta iyo caasimada gobalka Awdal) ay tuganyihiin oo raxmaad iyo nimcada illaah ku mashaqeeyay taasi oo ay dheerayd jawi bilan oo ay weheliyaan neecaw iyo reexaan udug badan oo ka soo dhabanaayay dhinaca buuralayda iyo xeebaha gobolka. Laakiin nasiib daro waayahan faraxa badan u mayna hiilin shacabkii u sacabotumaayay ee u heelanaa, Kadib markii 6 diyaaradood oo nuuca dagaalka ay ka soo gudbeen dhinaca xadka xabashida kuwaas oo bartilmaameed rasmi ah ka dhigtay ubax aan waxba galafsan oo duruus ujoog ku ahaa dugsiyadoodii. Deegaamo xaafadeed iyo xarumo ganacsiba, gardaradaa aan geedna lagula soo gaban ayaa waxaa ku galbaday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin kuwaas oo sixun u dhaawacmay ,waxaa kaloo dadka ku nafwaayay kamid ahaa afar hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka ag dhawaa dugsiyadaasi sida xun loo weeraray (ataagay). Markasoo ay bulshada caalamkuna ay ku mashquulsanaayeen waa xiligaasiye ka badbaadinta dhalaanka nafaqadarada, macaluusha, xanuunada iyo cidhibtirka jahlinimada, ayay xukuumada xabashiduna ay awoodeeda ku tijaabisay ubad soomaaliyeed oo birimagayda ah ,shikina kuma jiro in xukuumadaha xabashidu ay yihiin xoog u taagan bur-burinta shacabka iyo bar-baarta uhanaqadaysa gayigan. Anaga oo kuhadlayna magaca bulshaweynta reer Awdal iyo eheladii dhibanayaasha ayaan ugu baaqaynaa dadyowga nabada jecel in aydhinac uga soo jeestaan ficilada xun ee ay cadaysteen xukuumadahasi xabashidu, arintu sikasta ahaatee dhacdadani waxay fariin ugudbinyasaa bulshoweynta soomaliyeed in ay cadowgooda u foojignadaan waxaana la, arkaa in dhinbiilihii hore ay wali dhab holcinayaan , inkastoo xasuuqaasi naxdin we-wel iyo tiiraanyo ku sogootiyay bulsho weynta reer awdal hadana waxaa xusid mudan in ayna cidna ****oli Karin ubax soo foodhacaaya!! . Balse su’aasha la isweyndiin karo ayaa ah intee ayuu leekaa taageeradii ay ufidisay xukuumadii milatariga ahayd ee siyaad barre dhibanayaashii ay dhacdani ku hafsatay ? Jawaabta ayaa ah mid cad dadka inta badana ay aaminsanyihiin in wax gar-gaarah oo sidaasi ubuuran ayna dadkaasi helin ,balse wax uun lagudboonaa dowlada in ay shicibaka ka difaacdo duqaynta arxandarada ah balse taasina ma ay dhicin ,waan taas ta sobobtay in uu wax kooban noqdo taageeradii ay bulshoweynta reer Awdal uqabeen xukuumadii xilligaasi. Iskusoo wad xooriyoo hada waxaa lataaganyahay xiligii dhibanayaasha lagu xusilahaa taalo laga dhex qotamiyo faras magaalaha caasimada gobolka ee Boorama, si aan maanka iyo quluubta ugu hayno ubaxaasi inaga baxay dhamaanteen ,waayo bulsho kastaa waxa ay leedahay calaamad ay kuxusuusato dhacdooyinkan nuucan oo kale ah. Gabo-gabada iyo gunaadka qalinkayga urugo qormaaya kuna hadlaya magacayga iyo magaca dhalinta reer awdal iyo magaca qoysaskii dhibtu gaadhay ayaan waxaan tacsi tiiraanyo leh ugubinaynaa dhamaan bulshoweynta reer awdal meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibadba iyo guud ahaan bulshoweynta soomaaliyeed ,taariikhduna way xusi ubaxaasi saxiibadayo ,wehelkayo,kuwaas oo nala qoondaynlahaa dhabada nolasha waxaase hubal ah in ay rabi ku galaday janatu firdowsa naxariisna, ay hugooga noqotay dhamaanteen allaah raxmaanka ahi samir iyo iimaan ha inaga siiyo aamiin. Magacyada iyo da'da ay jireen masaakiinta la xasuuqay inta ka arag
  8. Acuudi bilaahi mina sheydaani rajiim. Soomaali dad sheeganaayo maa saan u dambeysay. Jab iyo xasuuq kale Soomaaliyeed ay galabsanayaan Xabashi, waaba haddee jirto, in lagu farxo, loona dhoolacaddeeyo.
  9. Goormee Soomaali Galbeed dhul 'Itoobiyaan' noqotay waaba yaabee? Nothing abhors me more than seeing a so-called Soomaali giving Soomaali lands to foreigners, especially of all people, to Xabashis. How low can some people get.
  10. Idaacadda Hiiraan oo laga mamnuucay Cashiro diini ah Horjoogayaasha Alshabaab ee B/weyne ayaa Idaacadda Codka Hiiraan ka mamnuucay iney sii deyso casharo diini ah oo ka baxa idaacadda oo ay aqriyaan mashaa’iq si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya. Horjoogayaasha oo maanta kulan la qaatay Agaasimaha Idaacada Codka Hiiraan, Cabdi Macalin Aadan, ayaa ku wargaliyay in maanta wixii ka danbeeya uusan idaacadda ka sii deyn Karin Cashirada Diiniga ah oo ay aqriyaan Mashaa’iqda kala ah Shiikh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haruun, Shiikh Max’ud Ow cabdulle Cariif iyo Shiikh Abuukar Xasan Maalin. Horjoogayaasha ayaa sidoo kale Agaasimaha ku amray in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, aan loogu yeeri karin shiikh, isla markaana ay dowladana ugu yeeraan dowladda ridada ah iyo in aysan marnaba idaacadda ka sheegi karin howlaha ay qabtaan Ahlusunna Waljameeca isla markaasina aysan magacooda xusi karin. Al-shabaab ayaa sheegay in Culumaa’udiinka ay ka mamnuuceen in cashiradooda laga siidaayo idaacadda ku sheegay in qaarkood ay xiriir la leeyihiin wadamada Reer Galbeedaka. Horjoogayaasha ayaa Agaasimaha u sheegay in idaacadiisa ay keensan doonaan Cashiro iyo Muxaadarooyin ay aqrinayaan qaar ka mid ah Al-shabaab oo uu ka mid yahay Fu’aad Shangalo. Agaasimaha Idaacadda Codka Hiiraan Cabdi Macalin Aadan, ayaa Horjoogayaashii Al-shabaab ee uu manta la kulmay u sheegay in uusan marnaba aqbali Karin amarkan, isala markaasina uusan ku hadli Karin Codka Alshabaab. Agaasimaha ayaa sidoo kale Shabaabka u sheegay in Idaacadda ay ka iibsadaan ama ay xoog kula wareegaan maadaama uusan aqbali karin amarkan ay dul dhigeen, waxuu kaloo agaasimaha sheegay in wixii maanta ka danbeya aan idaacadiisa laga sii deyn doonin wararka Alshabaab Xigasho
  11. Ah, 'they must leave.' Ah, where and when did I hear this phrase from again? Ah, Senior Caydiid, it must have been coming from him. What did Caydiid Sr. used to say ma ogtahay during the UNOSOM? The 'foreigners' must leave. The 'foreign armies' must leave. 'Soomaalis can solve their problems...' That movie worked, if it could work, in '90s. Some tried to sell a renewed second version of it during Xabashi occupation. But we Soomaalis waaka daalnay waxaas, mana soconeyso. We won't believe that crap anymore. AMISOM is here because of Barbaarta and their foreigners. And if any foreigner that must leave from Soomaali soil, it has to be the outcasts they, the Barbaarta, harbor in Soomaaliya, oo gabdhaheenana forcibly ugu guuriyo. They have to be first.
  12. Alshabaab Baydhaba oo xiray Xaruun lagu daweyn jiray Cudurka Qaaxada oo ay Maalgalin jiray Haya’dda World Vision... Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhaba ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in rrurka Alshabaab ay albaabada isugu dhufteen xarumo caafimaad oo hoos-tagi jirtay hay’adda World Vision oo ka mid ah saddex hay’adood oo horraantii bishii la soo dhaafay laga mamnuucay inay ka shaqeeyaan deegaanada ay maamulaan Ururka Alshabaab. Waxaana la sheegayaa in xarumahaan caafimaad ee la xiray lagu daweyn jiray dadka qaba cudurka qaaxada, waxaana la sheegay in bukaannadii dawooyinka ka qaadan jiray xarumahaasi ku yaala Baydhabo la amray in mar qura la siiyo dawooyinkooda. Waxaa ka mid ah degmooyinka laga xiray hay’adaasi Baydhabo, Diinsoor iyo Bardaale oo ka tirsan Gobolka Bay iyo degmooyin ku yaalla gobolka Bakool oo ay ka mid yihiin Xudur iyo Waajid, waxaana lagu amaray shaqaalihii ka shaqeyn jiray xarumahaasi inay shaqada ka tagaan oo ay joojiyaan howlahooda. Xarumaha ay World Vision lahayd ee ku yaalla degmooyinka Bu’aale, Saakow iyo Jamaame oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa albaabbada la isugu dhuftay iyana sida ay xaqiijinaayaan dadka deegaanadaasi ka soo jeeda. Dhan kale, hay’adda World Vison DIAKONIE iyo ADRA ayaa horay looga mamnuucay gobolada Shabaabku ka taliyaan waxaana lagu eedeeyay inay faafiyaan diinta gaalada, kuwaasoo laga joojiyay howlihii ay ka hayeen gobollada ay Alshabaab ka taliso. Xigasho
  13. Bistooladaha, buufimaha, baaruudka ciyaalka ku ciyaaraan maalmaha Ciidaha waala diiday, laakiin bistooladaha, qaraxyada dhabta ah in loo soo dhiibo ciyaalka waala ogolyahay. War adduunkii kor ahaa hoos uu noqday, kii hoos ahaana kor aaday. Minii la yaabo... Alshabaab oo Kismaayo ka mamnuucay iibinta alaabta carruurtu ku cayaarto Ciida Wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha maamulka Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa ganacsatada waxaa looga digay in ay iibiyaan alaabaha yar yar ee ilmaha ay ku cayaaran xilliyada Ciida. Alaabaha maamulka uu mabnuucay in la iibiya ayaa waxaa ka mid ah bistooladaha caruurta, baaruuda ay caruurta qarxiyaan, buufimaha iyo agabyo kale. Maanta ayaa waxaa gudaha suuqa imatooriya lagu arkayay ciidamo fara badan, waxaana ciidamadaasi ay jawaano iyo baca ku arurinayeen alaabaha maamulka uu digniinta ka soo saaray. Xasan Awlibaax oo isaga ah gudoomiyaha ganacasatada Kismaayo waxaa uu shaaca ka qaaday in alabahaan ay waxyeelo ka soo gaarto caruurta yar yare ee adeegsado, islamarakaana waxa uu saxafada u sheegay in ganacasatada looga baahan yahay in ay u hogaansaman amarka maamulka, waxaana uu tilmaamay in dhamaan goobaha ganacsiga magaalada Kismaayo looga baahan yahay in ay joojiyaan iibinta alaabaha qarxa ee caruurta ay ku dheelaan maalmaha munaasabadaha ah. Hadalka ka soo baxay maamulka Kismaayo ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dhowrkii asbuuc ee ugu danbeeyay ay caruurta si wayn u iibsanayeen alaabahaan maamulka uu waqtigaan ka soo saaray awaamiirta. Xigasho
  14. Originally posted by Valenteenah.: That's way scary. I wouldn't want an armed man to scream at me either. Profanities ayaaba kasii daran. Poor faaraxs were utterly confused, sometimes maba fahmeynin waxee ku qeylinaayeen.
  15. Ain't this thread initiator the same dude who said Hoteel Muna was targeted because certain clan (his fellow clan members) xildhibaano slept there and that it was an inside job? And when it became apparent that was more than ludicrous idea, an outlandish claim it was. And those murdered xildhibaano who unfortunately were killed in that hoteel did not hail from where he wanted them to hail from, he changed his tune. And now he is putting some other man's twisted words into Shariifka's mouth. The president was present? So what. Guilty by present one's self miyaa? Guilty by association aa maqli jiray tan ayaaba ka daran. And the audio, which I didn't listen and don't intend to, is not probably complete. Who knows what the Shariif said in that meeting? Did he rebuke that speaker? One never knows. At least this man, let alone Shariifka, did not and don't insult others' wives, as the old Stooge did, insulting C/qaasin's wife years ago and these same dudes and their likes on this forum were defending that sexist slander against a honourable Soomaali mother.
  16. This is ridiculous, the way they are treating those poor faaraxs. They look like they are confused, frightened and couldn't understand qeyladooda, too. Winnipeg is in Manitoba, Soomaalida Kanada ku cusub u badan dadka degan meeshaas. I hope the faaraxs sue their #$@#%. Before you read the news report, watch the clip. ______________________ Winnipeg gunpoint arrest prompts questions Members of Winnipeg's Somali community are looking for answers after two young men were pulled from a car at gunpoint in an apparent case of mistaken identity. Police briefly detained Mustafe Nur and a passenger in his car after a traffic stop at Kennedy Street and Cumberland Avenue just before 2:41 a.m. CT Sunday. In a video of the incident captured by a freelance videographer, the officers first ordered Nur from the vehicle at gunpoint, followed soon after by the male passenger. The video depicts the officer dealing with Nur becoming agitated when he does not immediately comply with spoken commands. "Step out slowly," the unidentified officer says. "Step out slowly – good job," he repeats as Nur gets out of the vehicle. However, the officer's commands become more urgent when Nur doesn't appear to understand what he was being asked. About two minutes into the traffic stop, Nur is handcuffed on the ground. The passenger is also soon taken into custody. Nur said in an interview Tuesday that police dragged him on the concrete and hit him in the head with the butt of a gun, leaving him with a cut and swelling behind his ear. He said he was scared and shocked, and didn't understand what the officer was asking him to do. "I need a place to live where there is peace — no gun, no shooting, anything like that," Nur said. 'High-risk' stop Police said the two men matched the description of two armed robbery suspects and moved in to arrest them in what's called a "high-risk" traffic stop. That means the possibility of violence or the presence of weapons in the vehicle are placed at the top of an officer's mind when approaching the vehicle and they typically do so with guns drawn. Police said a report was written on the incident and there was no indication of wrongdoing. The arresting officers at the scene apologized to the two men, police said. They were released without charge after about 45 minutes. The president of the Manitoba Somali Association said the apology isn't good enough. "We haven't seen anything written, we haven't seen anything person to person as a community," Mustafa Ibrahim said. "In the past we've had good relations with the police, so I hope they contact us and take it from there," he said. Ibrahim said he wants to know more about the situation in hopes of preventing a similar situation in the future. CBC
  17. Dadka qurbaha ku koray u taalaa inay sheegaan waxee gacmaha ku haayaan ciyaalkaas.
  18. "Not Quraan" kulahaa. Quraanka yaa ii diiday inaa dadka baro. Soo qaado looxaaga yariiseey. Meesha waa Shiinaha, dadkana waa Shiinees. I think it was '68 because walaashey markaas dhalatay asagoo aabo ku maqan Shiinaha. Guess magaca loo bixiye? Shiino. To this day Shiino ayaa loogu wacaa.
  19. Originally posted by NinaNC: Nassir, I don't know if you saw Shirkii dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika 1971 Muqdisho, daawo Is in Italian. Enjoy if you haven't seen it. MMA fiiri dadka sey u dhalaalaayaan. Also a bonus , SOMALIA 1959/64. Aqiyaar will like it 4sure. Of course, I do like it feeri, feeri maaj. Waaba my old man dadkiisa iyo asxaabtiisa. In uu asaga ku jiro ayaaba laga yaabaa sawiradaas. Here are pictures aan haayo of him and his asxaab from that era: Can any SOLers guess who the other people ka muuqdo meesha are? Any guesses?
  20. Waa tan. Eebba ha u siyaadiyo aqoonteeda iyo garashadeeda Quraankeena Kariimka. Magaceeda waa Sumayo, not Xafso la soco hee.
  21. Originally posted by The Zack: quote:Originally posted by IsseRiyole: i was working for a private employer who paid $8700 a year for schooling, That $8700 will turn to just $5000 when its taxed . Schools in America suck big time. It is not too late, welkam back to Kanada again. The land of free true north is always there, with its 'socialist' policies as the rednecks down south like to say.