-
Content Count
17,641 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Originally posted by A_Khadar: quote:Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: at 'Mudane Madaxweyne.' Mudane Guddoomiye/Xoghaye la garay but... Soomaali jeclaa loogu waco madaxweyne mar lee. MMA you spoiled the momentum.. Beside the president calling which some consider as his since he is the top person of this org, the video shows one clear message which is ssc works and they need Somaliweyn not succession.... Soori to 'spoil' the occasion. Laakiin markaa maqlay 'Mudane Madaxweyne' qosol aan fileynin iga soo baxay.
-
Duke's Puntland Image's project....
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to General Duke's topic in General
If you want to upload images that are publicly accessible, use image hosting sites like imageshack.us. Then you can post the hosted images' links on here. -
Aamiin, aamiin. Ummadeena dhib iyo masiibo weyn ayaa heysato, walaahi. From Koonfur Afrika to to Malta to Giriig. Waa la wada rafaadsanyahay. Haba sheegin kuwa kasii daran xirooyink qaxootiga Dhadhaab ee NFD, Yeman, Ugaanda iyo Itoobiya ku jiro. Kuwaas xaalkooda lamaba sheegi karo. Qof ayaa hore u yiri Soomaali cidna uma maqna, ceelna uma qodna.
-
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
Shabaab oo haweenka degmada Jowhar ka mamnuucay xerashada dharka jilicsan Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa haweenka ku dhaqan gobolkaasi ku amray inay qaataan dharka jilicsan iyagoo ganacsatada uga digey in ay iibiyaan dharka nuucaasi ah. Gudoomiayah Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Jowhar Sheekh Abuu Yuusuf oo maanta qaar ka mid ah saxaafada kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa waxaa uu farey ganacsatada dharka ku iibisa gobolkaasi in aysan ka ganacsan karin dharka qafiifka ah. Sidoo kale haweenka isticmaala xijaabka ayuu uga digey Maamulku inay qaataan dharka qafiifka ah, waxaana gudoomiyaha gobolkaasi ee Al Shabaab u sheegay in digniintaani ay timid kadib markii haweenkii dhawaan la amray inay qaataan xijaabada adag ay bilaabeen inay qaataan Xijaabo qafiif ah. Gudoomiyaha degmada Jowhar waxaa uu intaasi ku daray intalaabo waafaqsan shareecada islaamka ay ka qaadi doonaan cidii ay ku arkaan iyadoo xiran ama iibsaneysa dharka qafiifka ah. Ma’ahan markii ugu horeysay ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay dadka ku soo rogaan amaro nuucaani oo kale ah, iyadoo amaro kuwaani la mid ah ay dhowr jeer oo hore ay ku soo rogeen gobolada ay ka taliyaan ee Soomaaliya. Raadraac ___________________ Maya, it is not about dirac iyo wixii la mid ah in la mamnuucay. That long ago iskiis isku mamnuucay dirac iyo wixii lamid ah. Waxa hadda la mamnuucay oo 'dharka qafiifka' ah waa jilbaabada jilicsan. To them, the ideal dumar dress is illustrated in this sawir: Jawaanadaas in la gishto ayee rabaan, a bonus being wearing winter gloves in a 30 degree celcius environment. Lord. -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
Maamulka degmada Saakow oo haweenka ka mamnuucay ka ganacsiga jaadka Maamulka Xarakada Alshabaab ee degmada saakow ee gobolka J/dhexe ayaa ka mamnuucay haweenka ku dhaqan degmadaasi ka ganacsiga qaadka, iyadoona uu maamulku sheegay in arintaasi tahay mid aysan ogoleyn shareecada Islaamka. Gudoomiyaha Degmada Saakow Sheekh Ridwaan oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in go’aan manta kazoo baxay maxkamadda sare ee degmada Saakow looga mamnuucay haweenku in ay ka ganacsadaan qaadka, isagoona sheegay in ay awaamiirtaasi dhaqan gelin doonaan laga bilaabo maanta. Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada amaanka degmada Saakow ay bilaabi doonaan howlgallo ay ku xaqiijinayaan sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aanka kazoo baxay Maxkamadda sare. Go’aanka maanta kasoo baxay maamulka degmada saakow ee gobolka J/dhexe ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka degmada Kismaayo uu hore usoo saaray awaamiir ceynkan oo kale ah oo haweenka looga mamnuucay in ay ka ganacsadaan qaadka. Xigasho ____________________ Haa hee, ragga waa loo ogolyahay inay ka beecmushtaraan jaadka, dumarka kaliya oo meel ay ka shaqeystaan awalba weysanaa lee loo ogoleen. Badow awood kuu helay siduu rabo ayuu kuula dhaqmaayaa. -
A list of all the things Al Shabaab banned
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Showqi's topic in Politics
Wax ka badan sadax baabuur laguma galbin karo aroosyada Maamulka xarakada Al-Shabaab ee gobalka Hiiraan ayaa amaro ka soo saaray xafladaha aroosyada ee laga dhigo gobalkaasi Hiiraan. Maamulka gobalka Hiiraan ee xarakada Al-Shabaab ayaa si buuxda u mamnuucay in aroosyada xaflado waa weyn loo dhigo. Arintaan ayaa waxaa lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soobaxay xafiiska guddoomiyaha maamulka xarakada Al-Shabaab ee gobalkaasi Hiiraan Sheekh Yuusuf Cali Ugaas. Warqada qoraalkaa ayaa waxaa lagu sheegay in aroosyada aan loo isticmaali karin wax ka badan sadax baabuur xiliga la agbinayo arooska. Dadka ku nool gobalka Hiiraan ayaa waxaa loogu baaqay in ay u hogaansamaan amarkaan lagu soo rogay. Xarakada Al-Shabaab ayaa dhamaanba gobalada ay maamulaan ee koofurta Soomaaliya horay waxa ay ugu soo rogeen amarada caynkaan oo kalaa. Xigasho -
Ka dhabee ama iska dhaaf, sida ninkaan camal
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I would never agree his beliefs, equally so his futile convictions, however hal mid ayuu ka dhabeeye and dhaamaa dad aan ogahay: He did the walk, not empty talks online. For that, dad badan ayuu ku dhaamaa. I also believe a little theory that cabsi daraadeed ugu cararay Ingiriiska, qaaraan iyo waxaas amuu u aruurin jiray and finally investigation iyo waxaas amee ku bilaabatay, thus making him iskaga cararo. Feeling the heat, he left. Perhaps. -
Wadaad heysta dhalashada dalka Ingiriiska oo Shabaabka Soomaaliya ku biiray Iyadoo ay wadamada Reer Galbeedka walaac ka muujinayaan xaaladda dalka Soomaliya oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya xoogaga Islaamiyiinta iyo ciidanka AMISOM oo taageeraya Dowladda KMG ah. Qaar katirsan Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadda ku dhaqan ayaa kusoo biiraya dagaalada iyo colaadaha ka oogan Koonfurta Soomaaliya, walaac balaaran ayaa dhawaanahan laga muujinaya dhalinyarada Soomaalida ee soo haajiraysa si ay uga qayb qaataan dagaalada. Mid kamida Culimada soomaalida Qurba joogta ah ayaa gudaha usoo galay magaalada Muqdisho wuxuuna ku dhawaaqay in uu kamid yahay Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya dagaalka ka wadda. Sheekh C/qaadir Muumin oo kamida haa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Ingiriiska ayaa yimid Muqdisho wuxuuna sheegay in uusan dib dambe ugu laaba doonin Yurub ilaa uu uga dhimanayo dagaalada Muqdisho. Isagoo Boqolaal qof kula hadlayay fagaare ku yaal degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in uu kamid yahay Al Shabaab Islamarkaana uu ka qayb qaadan doono dagaalada ka dhanka ah AMISOM iyo Dowladda KMG ah. "Waxaan halkaan ka cadaynayaa in aan kasoo goostay Dalkii Yurubka ahaa ee aan kunoolaa, waad ujeedaan Baasaboorkii aan haystay waan gubay waxaan diyaar u ahayn in aan Jiddka alle ku dhinto ilaahey xaqqa hanagu sugo," ayuu yiro Sheekh Muumin. C/qaadir Muumin ayaa in mudda ah ku noolaa dalalka Yurub gaar ahaan Ingiriiska oo uu ka haystay dhalasho waloow uu shalay isaka jeex jeexay Baasaboorkii uu ku safri jiray. Wadaadkan oo sanadkii lasoo dhaafay socdaal gaaban ku yimid magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa gaalaysiiyay maamulka Puntland kajira arrinkaasi oo buuq badan ka dhax abuuray Wadaadada Puntland halkaasi oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo. Soomaalida qurbaha ayaa qaati ka taagan qulqulka dhalinyarada Maskaxda laga bedelay ee doonaya in ay ka qayb qaataan dagaalada Koonfurta Soomaaliya ka socda balse waa markii ugu horaysay oo ay dad waaweyn kamid noqdaan dadka soo haajiraya. Weli wax war ah kamasoo bixin Jaaliyadda Soomaalida Yurub oo ku aadan soo baxsashada wadaadkan sidoo kale weli laamaha socdaalka Ingiriiska kama hadlin arrinta sheekh Qaadir Muumin oo isagoo dhalashada Ingiriis ah haysta ku biiray Alshabaab. Xigasho
-
Heestaan daljecelka ah the other thread kusoo xasuustay. Magaceeda waa . Midigeey, bidix maka maarantaa Madaxoow, majaha maka maarantaa Soomaaliyeey, Soomaaliya maka maarantaa Maya Maya And tan ugu dambeysana waa maya, maya, maya.
-
Originally posted by *Buuxo*: Thanks for the Link MMA. What's up,bariiskaga maxaad nooga qarisay? I found this in the same channel Jirjiroowle dumar This Bashir guy needs to be shot! wala heesa le buu maqley. 'Jirjiroole dumaroow, hadeeydana jini nagu noqo Xaawo geedki jaran ,Janadi fardowsa hadba jimicsan laheyn' WTH is that Shit :mad: Runtiis waaye nooh, abaayadiis. Meel la idiin raaco maleh. Ma wada aqrisay heesta dhan. Tanaaba runta ka hadleyso: Idinka joogi weynoo Idinka jiifi weynee Jihadeen u cararnaa Runtiis ahaa. Waana wareeriseen, mana la idin fahmo. Bashiir Cali Xuseen fanaan qatar waaye laakiin, heestiisa daljecelka ah ee Midnimo ka helaa. I will post it on Ninac's Heeso Wadani thread on now. _______________ Tuujka, heestaas Caasho Cabdoow the other week ayaaba download gareystay. Caasho Cabdoow looma dhawaan karo codkeeda. P.S. - Sisters, xee tahay awguuriyada iyo bariiska la qarsaday. Thanks but awguuriyada wey dhimantahay wali. Little cuddle cuddle ma dhici karto miyaa without bariis iyo xalwo la cuno?
-
Somali Navy Begins Anti-Piracy Operations
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Somalina's topic in Politics
They should fight the real burcadbadeeda xeebaheena Soomaaliya ku sugan -- chemical (nuclear) waste dumpers and those illegal foreign commercial fishers with their biggest unregulated trawls off and on our national waters. -
The facts:Yet another peace deal in the Somali region
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Faafan's topic in Politics
Do not post explicit qabiil names, especially, especially, especially again in the thread's title. -
Nuunka, foolbuug ayaa hadda kahor ku arkay sawirkaan, markaa threadkaan arkayna soo xasuustay.
-
They have a point. If it is true that in uu kusoo guursaday xagaas, he should have done that before uunan ka dhalin shan caruur oo da'doodaba ka wada yar toddobo jir. That is ridiculous. Once again, Eebba ha u sahlo amuuraheeda, xaalkeeda ma sahlanee, qof juusto ahna uma eka qofta; if she was, she would have waited for him to come back and do whatever revenge she wanted to do against him, instead of taking her anger at her children. Then again qof maskaxdeeda degan ma'aha. Nimanka Soomaaliyeed sida ninkaan lagu accuse gareynaayo u dhaqmo mar mar la yaabaa. Qooqooda ayaa ka tabarbadiye than ciyaalkooda iyo mustaqbalka qoysaska ee qabaan before remarrying. Some of them still think in miyi iyo meelahaas la joogo and it is in '60s/'70s, oo meeshuu tagaba mid iskaga guursanaaye, regardless how many ciyaal yar yar xaas kale u heyso. Taas waa hore dhamaatay.
-
I don't know what is weirder. Some Soomaali dude who thinks like he is a redneck that lives in Arizona. 'Focus of our own people' uuba lasoo shirtagay. Even more weirder is that he posts this crap on a Somaliaonline site he supposedly dislikes its very word. Weird and weirder. How insecure some could be. Very unhealthy. Soomaalida u qaxday Waqooyi Galbeed cidna ma weydiisaneyso halkee ka degi lahaayeen meeshaas, waana dalkoodee, least of all an online character's approval, who himself is a refugee in some random Western country.
-
Aniga waaba yaabanahay. When did the TLC (The Learning Channel last I knew) became a tabloid fodder TV channel. For a decade this channel ma fiirsan, but the past couple of months fiirsaday and wax badan iga dambeeye. Every show seems like ciyaal ciyaal show. There is little people 'reality' show; there is a family with their 19 kids or so around; another family with eight kids that are set twins; one about filthy living people. And then there are the cake show, wedding dress show, female prison show... Whatever happened to 'learning' the true, interesting stuff that is also mature.
-
Siidkoow, waxaa la yaabay was I didn't know you went to marfishes, because that is a real hardcore marfish talk, qof reer marfish ahna kuma moodin.
-
Originally posted by Tuujiye: "Gibilkeyga manii la googooyo, gabalkiisa kiiheloo waa kuu gabyaa" Waaku gabyaa iga dheh. Nin gibilkiisa la goostay xaa u harayba. Speaking of Killer, oo killing lyrics kale ah ila dhageyso: Ogaawee, axdigaan adkeeyaa Uurkeey ku yaalee Oonka iga gooyee Aah, qofteyda qaayaha iyo qiimaha lahayd ee Nayroobi isoo xasuusinee. I already miss her, can't wait to go back.