Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,641
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Jeneraal Samatar, habeenkaas dad badan oo dhageysanaayeen, ayuu ku dooday, Jeneraal Salaad, inay saaxiibo, isku dhow ahaan jireen, aad isku jecel, kalsooni badana ka dhaxayn jirtay. Hadalkii Samatar waxaa ka mid ahaa, "Bil kama soo wareegin markii talada aan qabanay in Salaad bilaabo ku fikirka inqilaab kale". Wuxuu yiri, "Tiro shan jeer ah ayaan daresay, ballan ka bixiddisa waxay noqotay mid soo noq noqota". Waxaa markii u taag weynay, lana kala aamin baxay kadib waxay dan kaliftay buu yiri, "Ugu dambeynta, inaan bilabno tabaabulsho lagaga hortagaayo, inaan suurogal noqon, talaabada inuu ku hormaro oo dabcan rabay inuu isagana, sida u qoorsheesnayd maalinta aan qabanay habeenkeeda, inuu howshiisa fushado. "Sidaas darteedna, nasiib wanaag, waxaan ku guuleysanay inaan kaga hormarno, sidaas ayay ku suurogashay inaan qabano 5tii Maajo 1971 oo aan xirno, isaga iyo intii kale oo ku talagaleysay inay gacan ku siiyaan mu'aamaradiisa," ayuu Generaal Samatar hadalkiisa intaas ku dhaafay. Wuxuu markaas Max'ed Cali Samatar u gudbay inuu ka hadlo doorkii Generaal Max'ed Caynaanshe Guuleed, oo inta aan Salaad Gabeyre lala qaban ku magacaawnaa Madaxweyne ku xigeen Golahii Sare ee Kacaanka "GSK". Sheekada Caynaanshe waxay u ekeyd, xusuusteyda, mid Samatar muhiimad badan siin. uguna dheeraan, si la mid ah sida Salaad Gabeyre oo kale. Jen. Samatar wuxuu yiri, "Jeneraal Caynaanshe, oo ahaa Taliye ku xigeenkii koowaad ee XDS, waxba kala ma socon habeenkii aan dalka qabanaynay". Wuxuu yiri, "Ilaa waqtigiisa caadiga ah, uu ka seexanaayo,isha ayaan ku haynay". Subaxdii, markuu soo toosayna, ayuu kuu ku soo baraarugay xaaladda oo si kale ula muuqatay. Wuxuu ugu horeynba isku dayay inuu teleefoon kula hadlo Ra’iisulwasaare Max'ed Ibraahim Cigaal oo waqtigaas si sugan baaqi ugu ahaa xarig, iyadoo dhanka kalena ka yiri, "Isla waqtigaas xataa waxaa nasiib wanaag go’naa teleefoonnadii iyo khadadka kale ee isgaarsiinta dalka oo dhan". Markuu si fiican waagu u soo if baxay, meel kasta dalka ka mid ahna hubaal noqotay inay ku jiraan gacmaheenna ayaan u dhaqaaqnay," ayuu yiri, "Inaan u sheegno Jeneraal Caynaanshe taladii iyo xukunkii dalka inaan la wareegnay, una soo jeedinay inuu nagu raaco". Dabcan duruuftii waa xaqiiqsaday, si cadna waa ugu muuqatay, xaaladda halka ay taagan tahay arrinkana, ma joogin meel looga leex leexdo, sidaas dartedna waa ku qasbanaday, inuu na soo raaco, safkana nala soo galo," ayuu Gen. Samatar sheegay oo intaasna ku daray, "Isagana markii dambe waxay noqotay in lagu xushmeeyo qaadashada xilka mid ka mid ah, labadii jago ee heer Madaxweyne ku Xigeen. Jeneraal J. M. Qorsheel markii la xiray kadibna kaligii ayaa ku haray xilka Madaxweyne ku xigeenimada." Samatar wuxuu sheegay, "In Caynaanshe doonaayay, wax badana golaha weydiistay Madaxweynahana, kala hadlay in laga dhigo safiir (ambassador), beddelka jagada madaxweyne ku xigeenimada, wuxuuna si toos ah, ama si dadbana u muujin jiray inuusan ku qanacsanayn, xubin ka sii ahaansha GSK". Wuxuu kaloo, Samatar yiri, "Waxaan istusnay odayga inuu wax kale damacsan yahay, wuxuuna isweydiiyay, "Yaa arkay nin Madaxweyne ku xignimo ka doorsanaayo safiir". ayuu yiri Jen. Samatar. Wuxuu intaas raaciyay, "In la arkaayay isagoo yareeyay ama ka gaabinaya kaalintiisa iyo xilka uu haayaba, iyada oo shirarka qaarkoodna muujin jiray in uuba ka soo xadari waaya". Salaad iyo isaga ayaa noqday wafdi Golihii Sare Kacaanka u metalaayay ka qaybgalkii Shirweynihii, Xisbiga Shuuciga dalkii hore ee Jarmalkii Bari, "German Democratic Republic". Labada oday waxay isku heleen, fursad qaali ah, oo ay isku wareystaan. Oday Caynaanshe oo yaaban iyo Salaad oo mu'aamaradiiska ka fekeraaya ayaa waddada iska helay. Salaad wuxuu ku guuleystay inuu oggoleysiiyo Caynaanshe kala qaybqaadashada inqilaabka uu diyaarinaayo. Sidaas, ayay labadooda isku fahmeen, iskuna dhaarsadeen," ayuu Samatar hadalkiisa ku soo gunaanaday. Habeenkaas dad badan ayaa fidhiyay qolka shirarka Jaamacadda qaybta hore ee Shabeelle. Waxaana Samatar dhinac fadhiyeen xubno dharkii militiraga ku joogay ee ka tirsanaa GSK, sida Jeneraal Cabdalle Max'ed Faadil, Muuse Rabiile Good iyo Max'uud Geelle Yuusuf. Waxaa shirkaas gudoominaayay, hadalkana qaybinaayay, martina loogu ahaa Shariif Saalax Max'ed Cali, oo isna markaas ahaa guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda. Xigasho [Maqaalka waa tifaftiray see aqrinteeda u sahlanaato.]
  2. [ Qeybtii Labaad ee gabagabadii qormadii ka hadleysay qabashadii Jen. Salaad Gabeyre, waxayna qeybtan ay tahay mid daba socoto oo ka hadleysa Khudbadihii uu jeediyay Jen. Maxamed Cali Samatar kana hadlaya sababibii dhaliyay qabashadii iyo dilkii Gabeyre waana dhamaad. Muxaadaradii Samatar ee xaruntii Jaamacadda Ummadda, kuna tiil agagaarkii Shabeelle.] Bil markii ay ka soo wareegtay shantii May 1971 xaraggii Salaad Gabeyre kadib, xaruntii hore Jaamacadda Ummadda ee ku tiil bartamaha magaalada Muqdisho, waxaa sheeko xiiso badan oo si weyn loo sugaayay, kuna saabsanayd xaraggii Salaad Gabeyre ka soo jeediyay Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo markaas isku haayay xilka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha XDS. Laakin muhiimadda halkaas Jen. Samatar u yimid waxay ahayd inuu ka hadlo mowduuc kale, kuna saabsanyd, "Aragtida siyaasadeed" ee dowladdiisa Militariga waqtigaas ka qabtay "Dagaalka Qabow" iyo loolankii u dhaxeeyay quwadaha waaweyn, marka loo fiiriyo xaaladda mandaqadda, kuna wajahan ahmiyadda istriitiijiyadeed ee Baddacas iyo Badweynta Hindiya. Markii mowduucaasi dhammeeyay, su'aalo badana laga weydiiyay, ayaa ka soo qaybgalayaashii weydiisteen inuu ka hadlo inqilaabkii la sheegay bil ka hor in la fashiliyay, loona xiray Jeneraal Salaad Gabeyre, Jeneraal M. Caynaanshe Guuleed iyo Korneel Cabdiqaadir Dheel Cabdulle. Dhab ahaantii Jen. Samatar waa oggolaaday, inuu arrintaas faahfaahin ka bixiyo, isagoo xushmeeynaaya codsigaas shirka laga soo jeediyay. Inta uu ka hadlin wuxuu si aad ah ugu dheraaday, shaqsiyadda Salaad Gabeyre, siduu ku yimid Kacaankii 21ka oktoober iyo doorkii Jeneral Salaad Gabeyre Kadiye qaatay. Wuxuu habeenkaas Gen. Samatar ku tilmaamay Jeneraal Gabeyre inuu ahaa, "sarkaalkii koowaad, ee ceynaanka u haayay howlgalkii lagu suurogeliyay, inuu Militerigu xukunka la wareego." Isagoo intaasna raaciyay, "La'aantiisana ma suurowdeen in uu dhasho Kacaan aan dhiig ku daadan". Wuxuu ahaa ayuu yiri, "Sarkaalkii ugu awoodda sareeyay, laguna socday awaamiirtiisa, markii lagu guda jiray, aabubulka iyo howlgalkii xukun la wareegista". Wuxuu ku tilmaamay, "Geesi naftiisa huray iyo inuu ahaa sarkaal sumcad iyo taariikh fiican ku lahaan jiray Xooggii dalka Soomaaliyeed, Saas darteedna, ciidamada dhexdooda wuxuu ku lahaa, heybad gaar ahaaneyd oo ay saraakiil iyo askarba qaddarin u haayen". Markii la xaqiijiyay dalka oo dhan inuu xasilan yahay, amaaankiisa iyo xukunkiisana ku baaqi noqdeen gacmihii ciidamada qalabka sida, ayaa wuxuu hadadlkiisii raaciyay Jeneraal Samatar, "Wuxuu Salaad soo dhaweeyay islamarkaana taageeray Jaalle Mohamed Siyad Barre inuu noqdo hoggaamiyaha towradda iyo Madaxweynaha Gollahii Sare ee Kacaanka", Isna dhankiisa uu bilaabo inuu ku hamiyo qaadasha xilka Taliyaha XDS." Kadibna wuxuu u wareegay Jeneraal Samatar, inuu ka sheekeeyo sababihii saaxiibkii Salaad ku kalifay inuu ku fakiro, islamarkaana diyaariyo, inqilaab kale. "General Salaad Gabeyre, wuxuu damcay" buu Generalka yiri, "Markii uu dareemay, inaan rajo badan lahayn, damaciisa taliyonimada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka Jaalle Siyaad looga doortay, inuu noqdo Madaxweynahii GSK," ayuu bilaabay, inuu qorsheeyo inqilaab kale. Wuxuu tibaaxay Samatar, "Salaad inuu aad ugu adkeystay xaq iyo abaalba inuu u leeyahay jagadaas". Laakin waxaa jirtay saraakiil kale oo taliyanimada XDS damac kaga jirtay ayuu yiri, Jaalle Samatar. "Salaad Gabeyre, markii uu si aad ah, ugu dooday xilkaas, ayaa waxaa bilaabmay kala shaki iyo tuhun marka loo fiiriyo damaciisa saa’idka ah", waxayna fure u noqotay buu yiri, "Inuu dhasho, welwel iyo cabsi xoog leh, oo isaga laga qabo". Sidaas darteed, waxaan ku fekernay, sidii aan uga gaashaaman lahayn, khatar kasta oo xaggiisa ka imaan karta, waxaan soo jeedinay, Salaadna ka dhaadhicinay in jagadaas la geliyo tartan. Taasi, waxaan uga gon lahayn, buu yiri, "In laga hortago fursad kasta Salaad Gabeyre ku noqon karo taliyaha XDS". Waxaa markaas Samatar ku celceliyay, "Anagoo taxadar badana qabno ayaan waxaan ku guuleysanay Salaad inaan oggoleysiino inuu u tartamo, inkasta weli la arkaayay inaan haddana ka muuqan qanac hubaal ah". "Ugu dambeyn iyada oo dadaal badan la bixiyay, feejignaan, dheeri ahna la qabo ayaa waxaa la tartamay Jeneraal Max'ed Caynaanshe Guuleed iyo aniga" ayuu yiri. Ugu dambeyntiina waxay noqotay codkii aqlabiyadda inaan aniga ku guuleysto," ayuu sii raaciyay Jeneraal Samatar. Markaas kadib, Salaad waxaa lagu maslaxay buu yiri, "In uu qaato jagada wasiirka difaaca, oo haddane mar kale la dareemaayay inuusan ku qanacsanayn".
  3. Adaa mudan laakiin ma hees ayee ahayd? Inay gabay tahay jeclahay. Ereyadana sarbeeb u egyihiin, ma Siyaad Barre loola dan lahaa?
  4. Dadkaa godkooda kasoo warama xiliyadaan ma'ogid miyaa. Their Blackberry lala duugaa, waliba iyadoo their account furantahay and a battery that has a lifetime life. They twitter from godkaas hoose. Waa dambeysaa hee adiga. All aboosto dhankaan. Magaaladeyda iiga waran? Waa hore iigu dambeysee.
  5. Waa tan: Illaaheena weyn baa Amarkiisu furan yahay Inaad adigu talisaad Ayaamahan ismodee anoo oon kalgacal qaba Waadigii abaalaay Iga awtay dhagehee Waa adduunyooy Ileen aayo malahee Ubaxii baxayaay Sawdigan abaarsaday Nabsi waa aleel cuna Araxda iyo feeraha Waa mici abeesoo Aayaha ku laga dee Ma iloobin goortaad Nabadeenii aastee Arxan iga sugayse Waa adduunyooy Ileen aayo malahee Ubaxii baxayaay Sawdigan abaarsaday Nabadiyo doogey Adduunyadu ku naaxdaa Awshii malaha meeshii Nudub lagu tilmaamaa Laba eefe dhaxaad Afar qaaday socodkee Haddaad dul ka lulataa Waa adduunyooy Ileen aayo malahee Ubaxii baxayaay Sawdigan abaarsaday Xiddigeygii aasnaa Ururkuu ku biiroo Soo celi iftiinkoo Ili qabatey weeyee Alla magane waan rabay Inay kugu adkaato Ina eersan weydee Waa adduunyooy Qosol kuma hagaagtee Ilaa arag ax iyo wey Inay murugu leedahay ____________________ Xigasho
  6. Yaa salaan. Tanaa hees ah inta kale...
  7. Soomaali waxee kale ku maahmaahday luuq luuq maroow laasim laamigaas kusoo dhacaa. Maskiinkaan laami kuma soo dhicin kaliya, but Highway 401 during the busiest rush hour uu dalaq soo dhahay asagoo xiimaayo oo qaawan. Haye, ma nooleed? Nafta xee sheegtay.
  8. Tuujka, qofta ha xasdin aan ku dhahay. Sida Magool, Eebba ha u raxmadee, camal gadaal ayee ka heeseysaa, dhuunta gadaal codka ka keeneysaa. Wax sahlana ma'aha taas. Qoftaan waxee heysataa cajiib ah oo waliba suuqa ka bixinaayo labada Farxiyo iyo tan Dareen la dhaho dhawaantaan suuqa u shidanyihiin. Kaliya kistoo habeyn habeyn ah u baahantahay, waxaana ugu wacan maadaama ee Nayroobi joogto. Haddee Galbeedka joogi lahayd sida kuwaas kale kor ku xusay waa hore suuqa ka bixin lahayd. Waala habeyn lahaa.
  9. Fadeexad qabsatay mid ka mid ah macdanbaarayaal laga soo saaray dhulka hoostiisa 33 shaqaale macdanbaarayaal ah oo u shaqeynayay shirkad lagu magacaabo "San Jose mine" oo ka howl gasha gobolka Copiapo ee dalkaasi Chile ayaa laga soo saaray dhulka hoostiisa kuwaasoo mudo 69 casho ah ku xayirnaa 6 ilaa 7 boqol oo mitir oo dhulka hoostiisa ah. Dalka Chile ayaa looga dabaaldegayaa guusha laga gaaray soo saaridda shaqaalahan, waxaana ay da`aadooda u dhexeysaa 63 ilaa 19 jir. Hadaba mid ka mid ah shaqaalahan laga soo saaray dhulka hoostiisa oo lagu magacaabo Johnny Barrios ayay lasoo daristay fadeexad weyn kadib markii ay goobta soo xaadireen laba haween ah oo ubaxyo u sida kuwaasoo wada sheeganaya ninkan. Mid ka mid ah haweenkan ayaa waxa ay aheyd xaaskiisa runta ah oo uu qabay mudo 28 sano, caruurna u dhashay, halka mida kalena aheyd saaxiib uu qarsanayay in mudo ah. Xaaski ayaa marki ay aragtay haweeneydan kale oo sidata sawirka ninkeeda islamarkaana sugeysa iyadoo ubax qurux badan u sida, ayay wareystay waxaana ay u sheegtay in ay wada socdeen in mudo ah. Waxa ay goobta uga dhaqaaday caro iyada oo aan banaanka loo soo saarin ninkeeda, waxa ayna aaday gurigeeda. Johnny Barrios ayaa marki banaanka loo soo saaray waxa uu dhunkaday oo gacanta qabsaday saaxiibtiis oo ku sugeysay goobta (sida sawirka kore ka muuqata). Warbaahinta caalamka ayaa hadal haysa khiyaanada isdabamarinta dumarka ee lasoo daristay Johnny Barrios, waxaana ay qaarkood qoreen in ninkani uu ka jeclaan lahaa in uu godka isaga haro fadeexada lasoo daristay owgeed. [ Soomaali-style tabloid iga dheh.] Calanka __________________ Maskiin. Wuxuu kala qariyaba caalamka oo wada fiirsanaayo leenkiis ku qarxay.
  10. Qoraagaan aad iyo aad ayaan ugu helaa qoraaladiisa. Hoggaanka asaga camal dalkeena u baahnaa, oo umaba qalmo jagada uu haayo maadaama uu ka sareeyo.
  11. Ma anaa garan. Aamiin to ducooyinka. Aad ayuu u yaraa. _______________ Dabshid, Salaad Gabeyre ugu wanqal mowduucaan, instead of deleted. Titleka badal if you can.
  12. Yuukee meesha kusoo dhajistay markaas 'my town' lasoo boodayaa. Yaa siiye the degmo? Soomaali iyo tuulo habel iyo heblaayadaas ayaa leh waligood kama koraayaan.
  13. Qofta cod ayaa loogu hibeeye. Guntiinadaas la casriyeyna weyba kusii qurxoontahay. Laakiin waxee u maqal egtahay in heesaheeda dhan hal nooc u qaadeyso cod ahaan. Ka biloow heesta anti-Barbaarta ee 'qabuuro, qabuuro - qabuuro gaboobay - ninkii gacmihiisa' ( ) ilaa labadaan kale.
  14. Hebel Waraabe waa soo dibcay. Finland muu kusoo neefsaday mise the reality uu ogaaday miyaa. He sounds like almost a moderate, a reasonable guy. Wixii lagu yaqaanay waa iska dhaafay. Good for him and unlike maraxaan ay isku hadal ahaan jireen oo wali qabyaalad ka korin.
  15. oo cunug yar kale qaadaayo. Bless his little soul.
  16. Adeerkaa miyaa? Eebba ha u naxariisto. I think wiilkiisa ayaa degan Toronto.
  17. Max'ed Cawaale Liibaan, Eebba janadiisa fardowso haka waraabiyo -- aamiin, aamiin. Soomaali hadiyad ugu hibeeye tan ka weyn ma jirin. Wuuna ku mahadsanyahay kun jeer. Waxaan xasuustaa markaa booqanaaye Aabahey last year, one of the first questions i weydiiye waxee ku saabsanayd marxuumkaan iyo nin kale reer wadani ahaa asagana Kanada ku geeriyooday la dhihi jiray Maajor, Eebba ha u raxmadee. Labadoodaba hadda Kanada ayee ku aasanyihiin, unfortunately; saas ayuu ii weydiinaaye inaa aqaano iyo in kale. Maajor markaas wuu noolaa. Wajigiisa qiiro ayaa ka muuqatay markuu especially ka hadlaaye Ina Cawaale Liibaan, aan u maleeyo xishmad gaar ah u haaye.
  18. Taas iyagee jirtaa, isku isir ma'aha dadkaas see Soomaalida isku yihiin. Are you telling me a Libyan has anything in common with an Imaaraadi save some gibberish Carabi phrases isku fahmaan? Not Soomaalis. Kan Gaarisa joogo kan Jabuuti joogo uma baahno introduction -- mid af, mid dhaqan wadaag, mid diin hooseed, mid...
  19. I am not a nigger. I am from Soomaaliya and I go to school...
  20. Naasir, meesha ninkaan laga haayo iska garo. It is that obvious. Carabta waxee u taganyihiin midnimada, jiritaanka iyo kala go'itaan la'aanta Soomaaliya. Xariifka iga koreeyo wuxuu kasoo horjeedaa... Marka waa hal ku dar hal = labo. Dah. About deeqda, haddee ka dhabeeyaan deeqdaan oo aanan ahayn deen, wey ku mahadsanyihiin Carabtaas. I hope inay ka dhabeeyaan.
  21. Gabaryahee gartaa... oo qaadaayo the Oromo, but Muqdisho-raised singer Qamar Yuusuf. Gabdhahaas Oromada xataa diracyo usoo giliye, niiko nooc kalena ciyaara yiri. Wax isku wal walaaq iga dheh.
  22. - Shamso Max'ed Food iyo Xuseen Shire Jaamac (Ciyaarjecel).
  23. Dadkaan indho waa weynaa. Transparency la iska dhex arko ee sheegayaan maba la arkee, mise iyagaa toorbino extra heysto. Ani maxaa arkaaba, jaakadaas biriq biriqa leh ayaaba indhaha iga qabatay maxaa wax kale arkaa.